-
Content Count
214,044 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka iyo maamul goleedyada xubnaha ka ah, kaas oo maanta uu magaaladaas ka daah furay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). War-saxaafadeed laga soo saaray shirkaas ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen sii xoojinta dib u habaynta nidaamka maaliyadda ee dalka iyo kobcinta dhaqaalaha. Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, wasiirrada maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka ka jira iyo xubno metalayey maamulka gobolka Banaadir ayaa iskugu tagay Kismaayo. Waxuuna shirkan noqonayaa kii ugu horeeyey ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ku dhex mara magaalada Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe. Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay.
-
Gaalkacyo (SMN) – Qarax xoogan ayaa lagu waramayaa in uu caawa ka dhacay koonfurta magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaaladda, sidda ay Shabeelle u sheegeen dadka degaanka. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob uu ka akdhow yahay taliyaha ciidamadda Lugta ee Soomaaliya. Meesha ay wax ka dhaceen ayaa waxaa hareeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee ka howlgala halkaas. Fahfaahin dheeraad ah kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Djibouti oo isku darsatay ugu yaraan hoggaan faker wanaagsan ka haysta danaha siyaasad,dhaqaale-amni ee dunida gaar ahaanna gobolka oo anigu qof ahaan aan u aqoonsanahay siyaasiga Soomaalida maanta talisa ugu bisaylka badan. Haddaan sababeeyo Djibouti oo marka deegaannada Soomaalida la barbar dhigo “Harag sakaaro ah” ayuu quwadihii dunida ugu waaweyna ku wada qanciyay in uu mid ba dhinac ka fadhiisiyo. Hoggaanka fakerkiisu halkaa gaadhsiisan yahay ka sokow Djibouti wakhtiga ayaa saacidayay muddo dheer oo waxa ay ku jirtay gu’geedii, hadda se is-beddelka Kaalkulasta juquraafi siyaasaddeed “Geopolitics calculas” ayaa farta ku fiiqaya in wakhtigu dhabarka u jeediyay. Sidaa darteed, ayuu Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintan si wanaagsan u fahansani damcay in uu isticmaalo, afkaar dhex marsado, kana dhex hadlo madasha. Hadda ba Madashu maaha dad Soomaalida deegaannada kala duduwan ku nooli ay u wakiisheen in ay ku matalaan go’aan ka gaadhista arrimaha Soomaalidu wada leedahay. Maadaama oo wakaaladda ay innagu matalayaan aanay haysan si sahlan birta ugu ma jari karaan go’aan qoomiyadda Soomaalidu leedahay. Sababtuna waa in Soomaali maanta aanay jiritaan siyaasi ah lahayn. Wax na wada leedahay, wax na kala leedahay, aadna u qalafsan tahay sidii loo heli lahaa go’aanno aayo-ka-tashi oo ay la wada dhacsan tahay Soomaalidu. Bal go’aannada noocaas ah ee madasha ku degdeg tay aan mid ka soo qaato. ● Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Halkaa innoo may sababayn xuddunnimada Djibouti waxa ay ku siiyeen. Ma nabaddaa? Oo sow ta Jigjiga, Hargeysa iyo Garoowe ba nabadda yihiin. Ma dumuqraaddiyaddaa? Oo sow ka Geelle 20 sanno kursiga ku fadhiya? Mooyi’e haddana maskaxda Aadamaha ayaa u abuuran doonista wax ay ku qanacdo. Waxa wax laga murugooda ah in dawladda Somaliland oo arrinteeda shirkii Heritage soo qabanqaabisay ee Djibouti aad luugu lafo-gurayay go’aannadii ka soo baxay na meelo hawlbowleyaal ah lagaga xusay in aanay xilli 48 saac ka badan weli caddayn aragtideeda ku wajahan barta ay ka taagan tahay. Sidaa darteed, waxa aan shacab weynaha reer Somaliland uga tacsiyaynayaa hoggaanka gunnimada qaayibay ee aan dadkiisa dareen iyo siyaasad midna ku matali karin. Waxa aanan ku talinayaa in qof kasta ba iskii isku xilqaamo oo sidii caadada ahayd u guto waajibaadka qarannimo wixii uu baylah u arkayo. Hal na waa iga ogaysiis oo in aan fagaareyaasha siyaasiga ah cidi innuugu maqnayn ee taasina sidaa aan uga war qabno. Intaa waxa aan ku dari lahaa in hay’adda yar ee Heritage la yidhaa ee dawladda Djibouti gaashaanka ka dhigatay in ay tahay halista ugu weyne ee siyaasaddeed ee xilligan Somaliland leedahay. “Major Political Threat” Sida oo kale, waxa jira garab nabad iyo nolol ka mid ah oo uu gadhwadeen ka yahay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr. Jamaal oo iyaguna siyaasad isir-nacayb iyo arxan-darro sees u tahay wata oo ka shaqaynaya qabanqaabada shirkana kaalin mug leh ku leh. Soomaalinimadu marka aanay ahayn jaranjar siyaasi ah ee ay tahay xidhiidh dhiig iyo wada dhalasho kal iyo laab wax aan ka jeclahay ma jiro, haddii taariikhda dib loo milicsado na waxa aan ka soo jeedaa dadka Soomaali jacaylka dhibkii ugu laxaadka weynaa ka soo gaadhay. Ma jirto Soomaalinimo waxa aan ku weynay xataa wax u dhaw cid ku weyday. Hadda ba Soomaalinimo run ah oo daacad laga yahay haddii la rabo waa in waxa aan wada leenahay ahmiyadda la siiyaa oo ah; Afka iyo dhaqanka. Qodobbada gaalada lagu beer-laxawsanayo ee ay ugu mudan yihiin in dumarku kaalin muuqata ku yeeshaan ka qayb galka siyaasadda Geeska. Dhiiri-gelinka dhalliinyarta, la dagaallanka saboolnimada, dawlad wanaagga iyo dumuqraaddiyadda. Intaas marka gees loo dhigo war murtiyeedka haddii akhris indheer-garato lagu akhriyo waxa ka muuqata in ubucdiisu Djibouti u dan tahay marka laga tago wixii lagu raad-gatay. Tusaale: 1. Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si hagar la’aan ah u marti sooray kasoo qayb galayaasha madasha, isagoo sii adkeeyay kaalinta hormuudka ah ee ay Jamhuuriyadda Djibouti ugu jirto dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan weeleynta aqoonta, dhaqanka iyo haldoorka. Guud ahaan shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Djibouti waxay muujiyeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo aragti walba oo ay leeyihiin.Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti ka codsaneysaa inay sii xoojiso kaalintaas qiimaha iyo qaayaha leh. 2. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. 3. Madashu waxay bogaadinaysaa doorka muuqda ee ay Djibouti ka qaadatay nabadeynta Soomaalida, gaar ahaan shirarkii dib-u-heshiisiinta, dowladihii lagu dhisay halkan, ciidamada hiil walaal iyo dardar-gelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa inay sii kordhiso doorkaas dahabiga ah. Djibouti ammaan wax aan ahayn war murtiyeedka ugu ma jiraan bal hadda ba aan eeg Somaliland iyo Soomaaliya iyagana waxa ay madashu ka tidhi. ☆ Soomaaliya; madashu waxay ka tacsiyeyneysaa dadki ku dhintay daadadkii dhawaan ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaalida. Madashu waxay aad u bogaadineysaa gurmadka ay sameeyeen shacabka Soomaalidu. Waxayna ku baaqaysaa in laga tabaabusheysto aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda. ☆ Madashu waxay dhiirrigelinaysaa kordhinta dhaqaalaha ay dowladdu ku bixiso waxbarashada iyo adeegyada kale. Waxayna ugu baaqaysaa madaxda Soomaaliya in si mug leh loogu soo jeesto kobcinta kartida dadka ee dhanka aqoonta iyo caafimaadka. ☆ Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya hareeyay sannadkan, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed inay amuurohooda ku dhammeystaan wadahadal iyo isqancin iyo u tirid shacabka. Si gaar ah, madashu waxay ku baaqaysaa in saamileyda siyaasaddu ka heshiiyaan hannaanka doorashooyinka 2020-ka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara kicinta xiisado siyaasadeed iyo khalkhal amni. ☆ Madashu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in doorashooyinkaas ay ku qabsoomaan wakhtigii loo muddeeyay si loo dhowro sharciyadda dowladnimada, loona xoojiyo hannaanka dimoqraadiga ah.” ☆ Madashu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib usoo nooleyso wadahadalladii ay la laheyd Somaliland ee yoolkoodu ahaa in isqancin iyo isku tanaasul lagu dhammeeyo arrinta Somaliland oo ah mid masiiri ah.” ☆ Somaliland; madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka aloosnaa Somaliland ee la xiriiray Guddiga Doorashooyinka. Madashu waxay soo dhaweyneysaa dadaalka nabaddoonnimada ah ee ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, si loo soo afjaro xiisadahaas, loona dhowro nabadda deegaannda Somaliland.” ☆ Madashu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Somaliland inay sii waddo wadahadalkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si xal waara looga gaaro arrinta Somaliland. Dulucda haddaa abbaaro madashu Somaliland iyo Soomaaliya oo doorashooyin ka dhacaanna dhalliil bay dusha uga tuureen Djiboutina ammaan. Aniga caqligayga yari uu diiday oo way iga daadegi weyday arrintaasi, LA SOCO … Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si lama filaan ah xil ka qaadis loogu sameeyay Maareeyihii Golaha Murtida Mudane Maxamed Abuukar Ma’da, waxaana loo magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube. Ila ku dhaw arrintan ayaa xaqiijiyay in Ma’da loo yeeray xilli wasiirku uu safar u ahaa Sucuudiga si uu uga qeyb galo Shir ku saabsan Dalxiiska. Sida illo wareedyo rasmi ah oo u dhow wasiir Maareeye u xaqiijiyeen caasimadda Online, Maareyaha ayaa lagu wargaliyay in amarka Madaxweyne Farmaajo lagu baddalay, wuxuuna uga tacsiyeeyay inuu isagu yahay shakhsi wanaagsan balse uusan waxba ka qaban karin. “Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa ayaa igu khasbay ee qof iimaan leh ayaa tahay, una qolmo xilkaan” sidaa waxaa yiri Wasiir Maareeye oo ku maslaxayay Maareeyaha la casilay. Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube oo haatan la magacaabay ayaa saaxiib dhaw la ahaa Madaxtooyada balse lama oga sida uu hawsha uga soo dhalaali karo maadaama caqabado badan ku hareeraysan yihiin shaqadiisa cusub. Caasimadda Online weli ma helin xog ku saabsan inuu madaxweyne Farmaajo lahaa amarka lagu badalay Maareeyaha Waxaase la yaab noqotay in Wasiir Maareeye weerar ku qaado Madaxtooyada maadaama shaqo ka cayrinta iyo magacaabista labaduba ay yihiin shaqo wasiirka u taalla. Hadalka Wasiir Maareeye uu u sheegay Maareeyihii xilka laga qaaday ayaa kusoo aadayo xilli la tuhunsan yahay in wasiir Maareeye uu ku jiro wasiirada kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweynaha kuwaas oo si adag u diidan hannaanka doorashada ee uu riixayo Madaxweynaha.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka, Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf “Shubbe”. Halkan ka akhriso wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qorala uu soo dhigay facebook uga hadlay hadalkii muranka badan dhaliyey ee habeen hore uu Baydhaba ka jeediyey madaxweynaha Koonfura Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareenn. Hoos ka aqriso qoraalka. Hadalkii saaxiibkay madaxweyne C/caziiz Laftagareen uu dadkii goobta fadhiyey ku weydiiyey “dad 11 qofood oo reer Koofur Galbeed ah oo Gaalkacyo lagu xasuuqey weligiin wax ka hadlaya ma aragteen? Qaarkoodna ugu jawaabeen “maya” oo aan hubo in qaar ka mid ah dadkaasi ay ka mid ahaayeen ergadii wada-xaajoodka halkaas u tagey! Guud ahaanba jumladaas sida uu u yiri xaqiiqda ayey ka fogeyd! Marka koowaad ma jirin qof waxgarta oo reer Galmudug ah oo aan dhacdadaas foosha xumeyd ka hadlin, ka hadal kaliya kuma ekayne waxaan tagney goobtii wax ka dhaceen, ayadoo ay nala socdaan wafdi uu C/caziiz Laftagareen soo magacaabay iyo kuwo guddoomiyaha golaha shacabku uu magacaabay, waxaana fadhiyo qaatey qiyaastii laba todobaad ka dib laga garaabay falkaas, ka dibna si muuqata oo mug leh looga heshiiyey! Qodobka labaad, dadka la diley 11 ma dhammeyn, mana wada ahayn reer koofur Galbeed, taasna waa qalad kale oo hadalka laftagareen uu xambaarsanaa! Midda saddexaad waxaa la is-weydiin karaa sababta madaxweyne Laftagareen isugu xirey siyaasiinta reer Galmudug ee ka hadasha dalka waxa ka dhaca, tan aan is leeyahay waa ka gudbteyna ay tahay ka hadalka wixii ka dhacey Baydhabo sanadkii hore dabayaaqadiisii, ma wuxuu nagu eedeynayaa in siyaasiyiintaas ay ka danbeeyeen dilkaas? Ayana waa gef kale oo madaxweynaha hadalkiisii ku jirtey! Sida aan asaga loogu eedeyn karin danbiile ama argagixiye ka soo jeeda Koofur Galbeed fal uu geystey? Tan kale wixii Baydhabo ka dhacey sanadkii hore ma siyaasiyiinta reer Galmudug kaliya ayaa ka hadley, mise waxa ugu horeeya dad reer Koofur Galbeed ah oo waxaa jira illaa iyo hadda hadlaya oo aan tabashadoodii la xallin, Qaramada midoobey miyaan ka hadlin iyo dad Soomaaliyeed oo badan oo ay la xumaatay arrintaas, mise Saaxiibkey Laftagareen oo ahaa nin deggan oo nabadoon ah wuxuu dirayey fariin madaxweyne farmaajo ku socota oo ah in siyaasiyiinta ay is hayeen asna uu colaad u hayo?, mise Madaxweyne Laftagareen hadalkiisu waxa uu damacsan yahay muqstaqbalka ayuu hordhac u ahaa! Mise naceyb ayuu ka dhex abuurayey dadka walaalaha ah ee reer Koofur galbeeed iyo Galmudug ka dib marka uu tusaale u soo qaatey dhacdo laga dawoobey? Waxa ay ahaataba madaxweyne Laftagareen hadalkaas in uu cudurdaar ka bixiyo ayaa ila haboon! Arrimo la xalliyey oo aan dadaalkeeda qeyb ka aheyn ma ahayn in uu tusaale u soo qaato asagoo u duur-xulaya siyaasiyiin uu rabey in uu wax ka sheego!
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-21122019-ok.mp3 View the full article
-
The northern breakaway region of Somaliland has dispatched a humanitarian delegation to Mogadishu on Saturday after the worst floods forced thousands to flee their houses. The delegation is on a mission to deliver financial assistance to citizens affected by the recent flooding in the city of BeledWeyne. Minister for Information, Mohamed Abdi Hayir Mareye and the minster for constitution affairs Salah Jama have welcomed the humanitarian delegation at the airport. The committee has collected more than $600,000 for the victims of flooding in Southern Somalia, who are estimated, 300,000 people. The two rivers namely Shabelle and Jubba burst their banks and caused flooding displacing hundreds of people while destroying the harvest. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guryo ku yaalay gudaha Somaliland oo lagu faafinayey Diinta Kiristaanka ayaa albaabada la iskugu dhuftay, sida ay sheegeen Guddiga Wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland. Goobahaasi oo tiradoodu dhameyd Sagaal Guri oo loo kireystay sidii gudaha Somaliland loogu faafin lahaa Diinta Kiristaanka ayey sheegeen Guddiga wanaag faristu inay ku guuleysteen inay albaabada iskugu dhuftaan oo ay xiraan. Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu Somaliland ka masaafuriyay dadkii faafinayey Diinta Kiristaanka, iyagoona ka dhawaajiyey inay wax weyn ka qabteen dhaqamadii xumaa ee lidka ku ahaa Diinta Islaamka. Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaa-reebista ee Somaliland ayaa maanta arrimahaasi shaaca ka qaaday, isla markaana kaga hadashay munaasibad ay gudaha magaalada Hargeysa ugu soo bandhigayeen aas-aaskii gudidaasi iyo waxqabadkoodii. “Guddiga wanaag farista iyo Xumaan reebista waxa la gaadhsiiyey lixda Gobol ee Somaliland ka kooban tahay. Waxqabadkoodana waxa ka mid ah, 9 Guri oo Diinta Kiristaanka lagu faafinayey ayay xidheen, Dadkii wadayna (Faafinta Diinta Kiriistaankana) way mastaafuriyeen” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamuud oo kamid ah Xubnaha Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland. Guddiga ayaa si rasmiya u shaacin magaalooyinka ay ku yaaleen sagaalkaasi guri, balse ku gaabsaday inay goobahaasi xireen, isla markaana ay mustaafuriyeen shaqsiyaadkii faafinayey Diinta Kiristanka.
-
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf “Shubbe’. Halkan ka akhriso wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si weyn loogu soo dhaweeyey Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo hore u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Cumar Cabdirashiid ayaa saxaafaadda u sheegay inuu 25 Bishaan ka qeyb geli doono Caleema-saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire oo ka dhici doonto tuulada Jeedalow oo ka tirsan deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug. Warar kale oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online, ayaa sheegayo in qorshaha Cumar Cabdirashiid ay qeyb ka tahay dhexdhexaadinta madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bari ee sida weyn u mucaaradsan xukuumadda Puntland. Safarka Cumar Cabdirashiid ee deegaanada Puntland ayaa kusoo aadayo xilli dalka uu u diyaar garoobayo doorashada 2020-2021. Cumar C/rashiid ayaa ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isgoo aan kas oo xaadirin dhammaan kalfadhiyadii Golahaasi mudadii seddexda sano aheyd. Cumar Cabdirashiid ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
-
21 December 2019 Press statement Somaliland: The Independent Civil Society Supports Mediation Committee Decision We urge the Parliament not to spoil the process The Independent Somaliland Civil Society Organizations (ISCO Somaliland) fully backs the decision made by the mediation committee who suggested a solution for the dispute over the National Electoral Commission. We thank the committee for their determination and dedication. We call on all actors to implement the decision with good faith and refrain from any action that may undermine the process. We welcome the acceptance made by the political parties. We are concerned by statements from some members of the overdue Parliament. If the Parliament (both Houses) takes any action that undermines the implementation of the agreed-on decision, we call on local and international partners to view the members of the Parliament as spoilers and thereof take actions accordingly. The people of Somaliland has been waiting to vote in a very long time. Parliamentary and local councils elections should take place in 2020. Signed by: Centre for Policy Analysis Centre for Youth Empowerment, COMPAD Human Rights and Community Organization Garsoor Social Development organization Horseed Organization Hope Development organization Human Rights Centre Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) Somaliland Street Children Rehabilitation Centre Somaliland Women Association (SOWA) Somaliland Women Development Centre (SOWOD) Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO) Hodan Women Relief Organization Contact Ms Sahra Mohamed Ali Mobile: +252 63 4329950 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomliland Website: iscosomaliland.org About ISCO Independent Civil Society Organizations Coalition (ISCO Somaliland) is a coalition for the independent civil Society organization of Somaliland to cooperate on areas of democracy and civil rights. ISCO Somaliland will always act in accordance for the best interest of democracy and civic space based on the constitutional principles and international standards. ISCO Somaliland is committed to sustaining an independent and vibrant network of civil society actors and groups that are responsive and accountable to the people. ISCO members are based on the six regions of Somaliland. Qaran News
-
21 December 2019 War-saxaafadeed Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani waxaay taageersan yihiin go’aanka gudida dhex-dhexaadinta Waxaanu ugu baaqaynaa Baarlamaanka inaanu xagal daacin heshiiska Ururada Madaxa-banaan ee Bulshada Rayidka ah (ISCO Somaliland) waxaay si buuxda u taageersan yihiin go’aanka ay gudida dhex-dhexaadintu gaadheen, kuwaas oo soo jeediyay talooyin lagu maaraynayo khilaafka ku aadan Gudida Doorashooyinka Somaliland. Waanu uga mahad-celinaynaa gudida dadaalka iyo ka go’naanshaha ay la yimaadeen. Waxaannu ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyso oo dhan inay u fuliyaan go’aanka si niyadsami ah oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo majo-xaabin kara fulinta heshiiska. Waxaanu soo dhowaynaynaa in xisbiyada siyaasadeed aqbaleen go’aanka. Waxaanu walaac ka qabnaa hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka. Hadii Labada Gole ee Baaarlamaanku ay qaadaan talaabo ay ku majo-xaabinayaan fulinta go’aanka la isla qaatay, waxaanu ku baaqaynaa in gudaha iyo debeddaba looga aqoonsado inay yihiin xagal-daaciyayaal (spoilers) oo laga qaado talaabooyin sharci oo ku haboon. Shacabka Somaliland waxaay mudo dheer sugayeen inay wax doortaan. Doorashada Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanadu waa inay dhacdo sanadka 2020. Ururada Is-bahaysiga ku midoobay ee war-saxaafadeedka soo saaray waa: Centre for Policy Analysis Centre for Youth Empowerment, COMPAD Human Rights and Community Organization Garsoor Social Development organization Horseed Organization Hope Development organization Human Rights Centre Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) Somaliland Street Children Rehabilitation Centre Somaliland Women Association (SOWA) Somaliland Women Development Centre (SOWOD) Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO) Hodan Women Relief Organization Contact Ms Sahra Mohamed Ali Mobile: +252 63 4329950 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomliland Website: iscosomaliland.org Qaran News
-
Abwaan Shube Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Qarankan (Tiyaatarka) Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa Maareeyaha cusub ee Tiyaatarka Qaranka u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube). Abwaan Shube ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 29 June 2019 u magacaabay Guddoomiyaha kooxda Hooballada Waaberi Puntland Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xilka laga qaaday horey loogu magacaabay bishii April ee sanadkan, isagoo bedelay Abwaan Guure. Hoos ka akhriso digreetada lagu magacaabay Abwaan Shube PUNTLAND POST The post Federaalka oo xil u magacaabay Abwaan Shube appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wada-hadaladii hore u fashilmay ee Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Jabhada Korneyl Caare, ayaa dib u bilowday kadib qorshe cusub oo uu Muuse Biixi u dhiibay guddigii dhex-dhexaadineysa Korneyl Caare. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Guddigii dhex-dhexaadineysay Xukuumadiisa iyo Caare, u sheegay inuu diyaar u yahay inuu cafiyo Korneyl Caarre, haduu u sameeyo qorshe cusub oo Biixi u dhiibay Guddidaasi. Madaxweyne Biixi ayaa Guddiga dhex-dhexaadinta u dhiibay qorshe ah in uu Korneyl Caare ka baxo dalka, isla markaana u safro dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Turkiga, isagoona soo codsan doona cafis uu Biixi balan qaaday fulintiisa. Biixi ayaa cadaadisyo badan oo ku gadaaman darteed si toos ah u cafin karin Hogaamiyaha Jabhadda Dulmi-diid ee Korneyl Caare, taasi badalkeedana uu rabo in uu qorshahaasi ku cafiyo Korneyl Caare, isagoona balan qaaday bixinta kharashka ku baxaya safarkaasi, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Guddiga dhex-dhexaadinta ee Biixi u direy Ceerigaabo. Guddiga dhex-dhexaadinta Muuse Biixi iyo Korneyl Caare oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa ayaa u kicitamay magaalada Ceerigaabo, si ay Caare ugu soo bandhigaan qorshahan cusub ee uu Biixi ku rabo inuu u maro cafintiisa. Madaxweyne Biixi ayaa hore u sheegay inuu cafis u fidiyay dhamaan Ciidamada la joogta Korneylka, isagoona ka muquurtay cafiska Korneylka oo uu sheegay in cafinta Korneyl Caare loo baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona markaasi xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin. Ilaa iyo hadda si dhab ah uma cada in Guddigu ay ku soo qancin doonaan qorshahaasi oo uu aqbali doono Korneyl Caare, midaasi oo uu Madaxweyne Biixi ku rabo inuu dalka dibadiisa uga safro Caare, isla markaana uu cafis u fidin doono markuu soo weydiisto. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanadihii u dambeeyay wajaheysay Jabhado dhowr ah oo ka dilaacay deegaanadeeda, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeday hab maamulka Muuse Biixi.
-
Shirka Midaynta Hannaanka Maaliyadda dalka oo u dhexeeyay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada Maaliyadda heer dowlad goboleed, ayaa lagu soo geba-gabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland. Shirka oo uu saaka daah-furay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa waxa ka qeyb-galay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiirada Maaliyadda heer dowlad goboleed iyo mas’uuliyiin ka socday gobolka Banaadir. Sida ku qorneyd Jadwalka Shirka, waxay ahayd in uu socdo mudda saddex maalmood ah laga soo bilaabo 19-ka bishaan December ilaa 22-December oo ku beegan maalinta berriya, balse Shirka oo Sabtida maanta furmay ayaa isla galabta la soo geba-gabeeyay. War-murtiyeed laga soo saaray Shirkaasi, ayaa lagu sheegay in la isku raacay in dhammaan xogaha Maaliyadeed ee dalka si joogta ah loo wadaago, islamarkaana lagu wada-shaqeeyo Shax Maaliyadeed ay degsadeen dhinacyada. Shirka kan xiga ayaa sidoo kale lagu ballamay in 1-da Maarso ee sannadka soo socda 2020 lagu qabto magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka Shirka PUNTLAND POST The post War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Maaliyadda dalka ee Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa ka jirtay musiibo qaran oo la xiriirta Ayaxa kaas oo baabi’iyey dalagga, geedaha iyo wax walbo oo caleen leh. Haddaba, Goobjoog News ayaa ogaatay in wasiirka beeraha uu ka gaabiyey talooyin badan oo arrinkan wax looga qaban lahaa oo ay siiyeen hey’adaha caalamiga iyo khubarada dalka, isaga oo iska aaday fasax, waa hade halkii wasiirrada caalamka marka ay arrimahan oo kale dhacaan ay soo gaabiyaan ama joojiyaan safarrada, dalkana ku soo laabtaan! Wasaaradda waxaa ay musiibada ka dhigtay mid xalkeeda u taalo beesha caalamka iyo FAO, lama arkin hawl-wadeenadeeda oo iskudey sameeya ama dadka wacyigeliya taas oo soo dedejisay fashilkooda iyo iney ku guuldareysteen imtixaankan. Hawl-wadeenno ka tirsan wasaaradda beeraha oo la hadlay Goobjoog News, codsadana in magacooda la qariyo ayaa sheegaya in wasiirka uu fasax qoys u aaday Turkiga xilli uu dalku musiibo ku jira isaga oo xataa aan ka tegin lacag iyo barnaamij arrinkan wax looga qabto. Tallooyinka uu wasiirka diiday waxaa ka ahaa: 1. Wasiirka ilaa hadda ma arkin heerka musiibada Ayaxa, waxyeelada, lama hadlin beeraleyda Soomaaliyeed, xataa kamana guban dhibaatada iskaba daa xalkeeda e. 2. Markii uu Ayaxa korokorada ahaa, waxaa lagu taliyey inuu dadka ku wacyigeliyo iney dhulka qodaan, oo aasaan, laakin far ma dhaqaajin, xataa ma isticmaalin warbaahinta qaranka, maanta Ayaxu waxaa uu duulayaa ilaa 150 KM. 3. Waxaa lagula taliyey inuu dadka ku dhiirigeliyo is-xilqaan qaran iyo wax qabsi, oo ardeyda, ciidanka iyo cid walba ka qeyb qaadato la dagaalista Ayaxa laakin dhagaha ayuu ka fureystay. 4. Waxaa lagula taliyey in deegaan, dowlad goboleed iyo qarankaba iska kaashadaan arrintan, la isku yimaado, oo loo arko musiibo qaran, waa ka seexday. 5. Hey’adda FAO waxaa ay kula talisay inuu bixiyo $ 5,000 oo keliya si loogu iibiyo sun ay beeraleyda isticmaalaan halka hey’addana ay bixineyso waxa kale, taasina waa diiday. 6. Sida hawl-wadeennada wasaaradda beeraha sheegayaan, Ayaxu hadda waxaa uu gaaray heerkii 2-aad, waxa ay aheyd in wax laga qabto June markii uu bilaabanayey, laakin jiilkii hore ma ahee hadda waxaa jooga jiilkii 2-aad, waana 6 bil oo ay wasaaradda gacmaha ka xiratay. 7. Wasaaradda beeraha mushkiladda Ayaxu uma aragto mid qaran oo waxay rumeysan tahay in arrintan xalkeeda ay beeraleyda iyo beesha caalamka iska kaashadaan. Wasaaradda beeraha miisaaniyadeeda sanadlaha ah waa: $1,558,891, lama yaqaano waxa ay ku qabato, waxbo kala qabato abaaraha iyo farataahadaha jira. Beeladeyda waxaa ay ka mid yihiin dadka ugu dhibaatada badan, waxyeelo waxaa u geystay roobka, abaarta, cayeyaanka iyo arrimo badan, beerahana waa mid ka mid ah 3-da shey ay Soomaaliya ku faanto sida xoolaha iyo kaluunka, sidaasi ay tahay dadku ma dareemaan jiritaanka wasaaradda beeraha xataa qaarkooda ma yaqaanaan magaciisa. “Aniga waxaa suuqa ka gatay sun, waan ku shubaa, haddii hal mid wax ka tari weyso nooc kale ayaan ku shubaa, wasaarad iyo cid kale ma arko, ee caqligeyga ayaan ku socdaa”, waxaa yiri Maxamed oo ka tirsan beeraldeyda. Xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo aan wacnay si aan u weydiinno sida wasiir fasax u qaadan karo xilli beeraleyda dhibaato ku jiraan, waxaan weynay cid noo jawaabto. Maamulka Farmaajo waxaa uu ku guuldareystay inuu gaaro gobollada iyo maamul goboleedyada, shaqada ugu badan waxaa ay ka qabtaan uun Xamar taasi oo ka hor imaaneysa baahinta maamulka iyo inuu muwaadinka dareemo dowladnimada. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf Shube. Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xilka Maareeyaha Golaha Murtida Qaranka haayay muddo 8-bilood ah, isagoona xilkaas ka bedelay Abwaan Guure.
-
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya u diyaar garoobeen howlgal la’isugu furayo waddoyinka isku xira deegaanada maamulkaasi oo ay go’doomisay Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ay si gaar ah howlgalladaasi ka ga bilaaban doonaan Waddooyinka xiriiriya magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee K/Soomaaliya. Sidokale wuxuu faray ciidamada inay si degdeg ah ku yimaadaan xeryahooda milatari, si ay ugu diyaar garoobaan difaaca dalka. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/www-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada 2021, ayaa ku baaqay in la dajiyo xiisadda ka dhalatay falceclinta hadalkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ka sheegay Magaalada Baydhabo. Mudane Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku baaqay in laga fogaado hadalada caadifadda leh oo dadka wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya. Wuxuu sheegay inuu hubo in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah. Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan xaq aheyn in dadka reer Koonfur Galbeed lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo uu sheegay inay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto. Halkaan hoose ka akhriso hadalka Guuleedo oo dhameytiran: Waxaan ku arkayey baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyey madane Cabdicasiis Laftagareen madaxweynaha Koofur Galbeed, hadaladaas iyo falcelisyadaas oo aad moodo inay kicin karto caadifadda dadka, beerina karaan kala fogaashaha dadka walaalaha ah ee reer Galmudug iyo Koofur Galbeed. Haddaba waxaan ku baaqayaa in aan dhammaanteen ka fogaano hadalada caadifadda leh oo dadkana wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya. Waxaa hubaal ah in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah, markii ay dhacdadii Gaalkacyo dhacdayna dhamaantood ay ka dhiidhiyeen kana gilgisheen, ayagoo intii ay karaanna ka samafalay kana garaabay falkaas xun oo ay geesteen dad wax ma garad ah. Dhanka kale dadka reer Koofur Galbeedna xaq ma aha in lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo ay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto. Haddaba waxaa haboon in dadka masuuliinta ah ay ka shaqeeyaan wax dadkeena isku soo dhaweynaya, xoojinayana wadajirkooda, iskaashigooda iyo midnimadooda intaba, haddii uu qof inaga mid ah uu war ka dhacana fasiraadda loo wanaajiyo. Waxaan xiriiro la sameeyay masuuliintii kala duwaneyd ee ay arintani khuseysay, si xaaladda loo dajiyo, waana ku mahadsan yihiin sida ay arinka iila garteen. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo markii uu arkay in hadalkiisii si kale loo fahmay cadiifadna uu kiciyey, fasiraad iyo jawaab kale ka bixiyey, taas oo ah wax masuuliyadda iyo maqaamka uu jooggo ay fareyso. Mahadsanidiin Abdikareem Hussein Guled
-
Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Baladweyne ee Somaliland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 600,000 oo dollar (Lix boqol oo kun oo Dollar) soo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, ganacsato iyo Culimo Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa boggaadiyey in dadka walaalaha ee Soomaaliya iyo reer Somaliland ay is caawiyaan, taasina ay muujineyso sida dadkeennu ay ugu weyn tahay Soomaalinimada. Jamaal Ceydiid Ibraahim guddoomiyaha guddiga gurmadka fataadaha Baladweyne ee Somaliland, ayaa sheegay in dhaqaalahan ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo madaxda Somaliland si ay u garab istaagaan walaalahood ay fataahaduhu saameeyeen ee reer Baladweyne.. Xildhibaan Suleybaan Maxamuud Xaashi iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka socday Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga mahadceliyey dadaalka iyo dadnimada ay walaalaha Somaliland muujiyeen. Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in gurmadka dhaqaale ee reer Somaliland uu muujinayo sida weli labada shacab ay isu jecel yihiin, loona baahan yahay in madaxdu ay ka faa’iideysato midnimadaas. Gurmadka dhaqaale ee gaaraya Lixda Boqol oo kun oo Dollar ee Somaliland ka yimid ayaa muujinaya walaaltinimada dheer iyo isku gargaaridda labada dhanba, waxaana lagu xusuustaa in abaarihii qeybo ka mid ah dalka ku dhuftay sannadkii 2011-kii in ay kaalin muuqata ka qaateen gurmadkii lagu badbaadinayey boqollaal kun Soomaaliyeed. View the full article
-
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay munaasabadda xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ciidanka ku booriyay inay labo jibaaraan u adeegidda shacabka. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen ka hortagga falal badan oo ay argagixisada Al-Shabaab dooneysay inay ku dhibaataan shacabka, isagoo bogaadiyay sida ay ciidanka u gudanayaan gudashada waajibaadka loo igmaday. “Waxaan bogaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaadka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, Wasaaradda Amniga waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta aqoonta ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha. Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay ciidanka booliska. “Waxaa noo soo dhameystirmay wajiga labaad ee baaritaanka u kuurgalka marxaladaha booliska, waxaana noo soo baxday in ciidanku ay u baahanyihiin kobcin dhankasta ah, waxaa kaloo noo soo baxay inay lagama mar maarntahay casriyeynta booliska Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan booliska adduunka, sida ka hortagga argagixisada, muqaadaraadka iyo tahriibka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga. Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa faray ciidanka booliska inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Popular Contributors
