-
Content Count
214,044 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii qaraxa ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Tirada iyo dhimashada weerarkaasi ayaana lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen in ka badan 7 ruux oo isugu jiray shacab iyo askar ka agdhawayd goobta uu qaraxu ka dhacay. Halka tirada dhaawaca ahna ay kor u sii dhaafayaan ilaa 50 ruux oo u badan dad shacab ah sida uu xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo. Waxa uu sidoo kale sheegay agaasimuhi, in dadkaasi ay qabaan dhaawacyo kala duwan, haddana lagu baxnaaninayo gudaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo. Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Gaarigiisa lagu dhuftay qaraxa ayna kaga dhaawacmeen lid ka mid ah ilaaladiisa kuwaas oo uu sheegay in dhaawacooda uu fududyahay. C/Xamiid ayaa sheegay in markii uu weerarka Ismiidaaminta ah uu dhacayay ay ka baxeen Hotel ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo. Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle. Yuusuf Dagabeed ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan oo is biirsaday ay ka jiraan deegaanada maamulkaasi, islamarkaana laga gaabiyey in wax laga qabto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda sare ee maamulka HirShabelle ay ku fashilmeen arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay go’doomisay labada magaallo ee Jowhar iyo Beledweyne. Dabageed ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in dagaalyahannada Shabaab ay joogaan meel wax ka yar 5m KM u jirta Beledweyne, taasina ay halis ku tahay amniga. “Waa nasiib darro in xaalada amni darro intaas la eg ay Hir-Shabeelle ka jirto madaxda Hirshabelle ay ka amusaan, waxaan dhihi karaa waa fashilmeen dadka Hir-Shabelle xukunka haayo.” ayuu yiri Yuusuf Dabageed. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay sii xoogeysanayeen dhibaatooyinka amni ee ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Inta badan Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi ayaa weeraro jid gal ah ka fulisa waddooyinka muhiimka ah, sida mida dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhowr jiho ah oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen duleedka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarka ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loola beegsaday xarun shirkadeed oo ku taalla nawaaxiga magaaladaasi. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ayaa shaacisay inay ku qaaday xarun ay laheyd shirkad Kenya u qaabilsan sameynta xuduudaha, islamarkaana ay dagaal la gashay ciidamo ku sugnaa halkaasi. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaruntaasi ay la wareegeen dagaalyahannadu, kadibna ay dab qabadsiiyeen agabkii yiilay halkaasi oo isugu jiray gawaari Cagaf-Cagaf ah iyo Matooro. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya, kuna aadan weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay. Muddooyinkii dambe kooxda Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. Dhowaan ayey aheyd markii laba weeraro oo khasaaro geystay ay ka fulisay agagaarka magaalooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee gobolkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana looga arrinsanayo wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta ka furmay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Shirka oo ah mid hor dhac ah ayaa waxaa ka qeyb galaya, waxgarad matalaya Somaliland iyo xubnaha gudiga wadahadalka ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Muddada uu shirkaan socdo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sii wadida geedi socodka wadahadallada labada dhinac iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan. Shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo sanadihii ugu dambeeyey ay hakad ku jireen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana dadka ordosa siyaasadda ay rajo xumo ka muujinayaan shirkaan, maadaama lagu qabanayo magaalada Muqdisho, taasina aysan u cuntami karin Somaliland oo muddo fog raadineysa Ictiraaf gooni ah. Dhinaca kale xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka soo jeeda gobollada waqooyi, islamarkaana ka tirsan golaha shacabka ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay ka gaabisay wadahallada laba geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) aysan sameyn dadaalladii looga baahnaa ee geedi socodlka wadahadalladaasi. Sidoo kale wuxuu xildhibaan Xuseen Carab Ciise xusay in deeqaha beesha caalamka laga helo la siyaasadeeyey qoondada Somaliland, taasina ay tahay caqabad kale. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay daacadnimo ku socoto, si looga mira dhaliyo dadaallada haatan socda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/aaa.mp3
-
Xildhibaannada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, ayaa kulankoodan waxa ay su’aallo ku weydiin doonaan wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirada maanta hortagaya golaha shacabka ayaa kala ah, Xamza Saciid oo ah wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda caafimaadka Fowsiyo Abiikar. Xildhibaannada ayaa u yeeray wasiiradan, waxaana ay su’aallo ka weydiin doonaan arrimo ku aaddan caafimaadka dalka iyo gurmadkii loo sameeyey gobollada uu Wabiga Shabelle ku fatahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay qarax xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Maxamed C/raxmaan Dhabancad, wasiirka wasaaraddan ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin qaraxn, islamarkaana wuxuu katacsiyeeyay dadkii dhintay, isaga oo caafimaad u baryey kuwa dhaawaca ah. Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana lagu dhuftay gaari kale oo yaalla banaanka Hotelka Five Star oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka. Waxaa qaraxan ku dhintay ku dhowaad 10 qof, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay, waxaana xaaladda Gaalkacyo haatan tahay mid deggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A suicide bomber detonated an explosives-laden vehicle outside a hotel hosting senior military officials in central Somalia, killing at least six people Saturday evening, say police. The powerful blast shattered the windows of the Global Hotel in Galkayo town and destroyed several cars, said Col. Ahmed Bishar. The hotel accommodates Somalia’s land forces commanders and other military officials, all of whom escaped unhurt, Bishar said. At least 10 people were also injured in the blast in the town, which has rarely experienced similar attacks. Al-Shabaab claimed the responsibility for the attack. However, al-Shabab, which is allied to al-Qaeda, often carries out car bombs attacks on hotels. View the full article
-
Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed, General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hoteel uu ka daganaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Dirir ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo uu isagu la socday balse uu ka badbaaday. Taliyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ugu yaraan 6 askari oo ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, sidoo kalena ay jirto waxyeelo soo gaartay dad rayid ah. Dhinaca kale ilo madax banaan oo ay la hadashay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxaani ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ahaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Hoteelka uu qaraxu banaakiisa ka dhacay ayaa waxa uu ku yaallaa gadiga koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, waxaana xilligaasi ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga. Dhanka kale dowlad goboleedka Puntland ayaa si kulul u camnaareysay weerarkaan, kadib war ka soo baxay wasaaradaha arrimaha gudaha ee maamulkaasi. Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay ka xun tahay weerarkaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Ugu dambeyn wuxuu Alle uga baryey dadka qaraxaasi ku geeriyooday in uu naxariistii Jano ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Alle Bogsiiiyo.
-
Rwanda’s President Paul Kagame has said he is unlikely to contest for a fourth term. If President Kagame who won 98 percent of the vote in the 2017 presidential polls decides against.... Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay ka gaabisay wadahadallada Soomaaliya iyo S/land. Xuseen Carab Ciise oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dowladdu aysan sameyn dadaalladii looga baahnaa ee geedi socodlka wadahadalladaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in deeqaha beesha caalamka ee lagu soo dhiibo magaca Soomaaliya la siyaasadeeyey qoondada Somaliland, caqabadna ay tahay. Ugu dambeyn xildhibaankaan oo deegaan doorashadiisu tahay gobollada Waqooyi ayaa xusay inay muhiim tahay in la dhameeyo Dastuurka, si looga gudbo caqabadaha kala duwan ee hadda ka jira gudaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Wareysi-Xildhibaan-xuseen-Carab-Ciise.mp3 View the full article
-
Wasiirka amniga Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka hadlayey munaasabadda maalinta Booliska ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho. “Waxaan bogaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaadka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.” ayuu yiri wasiirka Amniga. Ducaale ayaa sidoo kale tilmaamay inay hormarin doonaan ciidamada Booliska, islamarkaana la siin doono tababaro dheeraad ah, si loo tayeeyo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay hadda wanaagsan tahay wada shaqeynta ay leeyihiin shacabka iyo hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-1-Nafiso.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa xalay ka jeediyey munaasabad lagu xusayey aas aaska ciidanka Booliska oo ay ka qeyb galeen madaxda ugu sarreysa dalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Mursal ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah leedahay wada shaqeynta ciidamada Booliska iyo shacabka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-cabdiqani.mp3 View the full article
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo sida Shixnado gurmad ah, ayaa maanta safar dhanka Cirka ah ku tegi doona magaalada Caluula ee gobolka go’doonsan ee Guardafui . Diyaaradda qaadaysa madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigiisa, ayaa markii u horraysay ka degi doota garoon macmal ah oo laga sameeyay magaalada Caluula, kadib markii ay waddooyinkii ka gooyeen Roobabkii Deyrta. Dhammaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Guardafui ayaa go’doonsan, kadib markii Roobab mahiiggaana oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba gooyeen waddooyinkii geli jiray gobolkaasi. Bulshada ku dhaqan degmada Caluula ayaa gacantooda ku samaystay, garoon macmal ah oo si ku meel gaar ah diyaaraduhu u adeegsan karaan, si ay u helaan meelo loo soo mariyo gurmadka ay u baahan yihiin. Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigiisa ayaa sida qorshaysan halkaasi gaarsiin doona gurmad ka kooban noocyada kala duwan ee Raashinka, Dawooyin, Dhar iyo Adeegyadda aas’aasiga u ah Nolosha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo diyaarad Gurmad ah gaarsiinaya gobolka Guardafui appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Waxaa qaraxan lagu weeraray Hotelka Five Star oo ay deganaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo uu ugu horreeyo taliyaha ciidanka dhulka, Sarreeyo Guuto C/xamiid Maxamed Dirir iyo sidoo kale taliyaha ciidanka qeybta 21-aad C/casiis Qooje. Gaariga qarxay ayaa lagu dhuftay gaari kale oo banaanka yaallay, waxaana la sheegayaa inay askar saarnaayeen. Inta la xaqiijiyey 8 qof ayaa qaraxaasi ku dhimatay, waxaana jira dhaawac intaasi ka badan, sida ay goob joogayaal inoo sheegeen. Dadka dhintay ayaa isugu jira ciidan iyo shacab ku sugnaa Hoteelka, waxaana sidoo kale jira burbur hantiyeed oo halkaasi ka dhashay. Ciidanka dowladda ayaa lagu soo waramayaa iney Gaalkacyo ka bilaabeen saakay howlgal ammaanka lagu xaqiijinayo, mana jirto faah faahin kale oo weerarkaasi laga bixiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-221219.mp3 View the full article
-
Wararkii ugu dambeeyay ee Puntland Post ka helayso qaraxii xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in khasaaaraha ka dhashay uu gaarayo 5 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 50 qof oo kale. Mas’uuliyiinta Caafimaadka Galmudug, ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay tahay hal askari iyo 4 qof oo shacab ah, halka dhaawacuna gaarayo in ka badan 50 ruux oo la kala geeyay isbtitaallada koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari saaruf ah ah, ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir wax yar uun kadib markii ay ka baxeen hoteelka Five Star ee koonfurta Gaalkacyo. Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waana ka badbaaday Taliyaha oo la rabay in lagu khaarajiyo, inkastoo waxyeello ka soo gaartay ciidankiisa. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ismiidaaminta ah ee lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidankiisa. PUNTLAND POST The post Khasaaraha Qaraxii Gaalkacyo oo kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Askari ka tirsan Ilaalada madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay gudaha xurunta madaxtooyada maamulkaas ku dhex toogtay gabar askari aheyd oo lagu magacaabo Layla Abukar, sidoo kalena ka mid ahayd ciidamada Ilaalada madaxtooyada. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu marun dhex maray xaaska askariga dil ka gaystay iyo marxuumad Layla, kadibna uu ku soo baxay askariga wax dilay, kaas oo sida la xaqiijyay wadnaha xabadda uga dhaftay gabadha geeriyootay. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa uu ahaa muranka dhex maray marxuumad Layla iyo xaaska askariga dilka ka geystay. Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga wax dilay uu goobta ka baxsaday, lamana yaqaan illaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay, ayada oo ay taas ka dhalatay su’aalo ku saabsan sida uu ku baxsan karo qof madaxtooyada dhexdeeda wax ku dilay. Ma jiro Illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dhacdadan.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 76-aad ee ah aa’saaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Kulanka oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Puntland, waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-muuse, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar, Kooxaha Bambayda, Fanaaniin iyo dadweyne kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu halkaasi gaaray salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, ka dibna waxaa si rasmi ah u bilowmatay qeybta kale ee munaasabada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Booliska Puntland, iyaga iyo Xaasaskooda, Caruurtooda iyo dhammaan Eheladooda wuxuu ugu hambalyeeyay munaasabada sanad guurada 76-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wuxuu Madaxweynuhu kasoo sheekeeyay burburkii ka dib, sida lagu a’saasay Ciidamada Booliska Puntland iyo marxaladihii ay soo mareen, isagoo xusay in Dowladda Puntland ay hadda waddo oo uu socdo qorshaha tayeynta Ciidamada Dowladda Puntland, oo Booliskuna uu qeyb ka mid ah yahay. PUNTLAND POST The post Deni oo Garoowe kaga qeyb-galay Xuska 76-guuradii As’aaska Booliiska Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Indian students of the Jamia Millia Islamia University and locals participate in a protest demonstration against a new citizenship law in New Delhi, India, Saturday, Dec. 21, 2019. Critics have slammed the law as a violation of India's secular constitution and have called it the latest effort by the Narendra Modi government to marginalize the country's 200 million Muslims. Modi has defended the law as a humanitarian gesture. Placard center reads "Stop attacking universities." (AP Photo/Altaf Qadri) Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
