-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wefdi ka kooban golayaasha dowladda Puntland ayaa saaka safar ugu baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wefdiga oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Puntland waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Maxamed Baarri Shire. Xubnahan oo u badan mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobolka Bari ayaa ku sii jeeda magaalada Boosaaso oo dhawaanahan ay ka taagnayd xiisad u dhexaysaa xukuumadda madaxweyne Deni iyo Ciidanka PSF. Socdaalka wefdigani ayaa imaanaya xilli ay socoto waan-waan lagu xallinayo xiisadda labada dhinac islamarkaana la sheegay in meel wanaagsan ay marayso waan-waanta oo ay garwadeen ka yihiin guddi ka soo jeeda magaalada Qardho. PUNTLAND POST The post Wefdi ka kooban golayaasha dowladda Puntland oo saaka safar ugu baxay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Gobolka Geeska Afrika waxa uu xilligan dhex maquuranayaa loollan bilow ah laakiin aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono, waxaana murqahooda fidsanaya dalalka awoodda militari iyo tan dhaqaalaba horboodaya caalamka—oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Sidoo kale, waxaa iyana saameyntooda la iska indhatiri karin awoodo dhexe oo heer goboleed ah, afka cilmiga xiriirka caalamigana lagu dhaho “middle powers,” waxaa safka hore kaga jira Imaaraadka, Turkiga, Sucuudiga, Masar, iwm. Maraykanka waxa uu loollankan si dhab ah ugu soo biiray doorashada Donald Trump wixii ka dambeeyey, waxaana isbeddel lagu sameeyey qorshaha amniga qaranka iyo siyaasadda ku aaddan Afrika iyada oo dib loo qeexay “Cadowga Maraykanka” iyo cidda khatarta ku ah danihiisa istaraatiijiga ah. John Bolton oo xilligaas ahaa lataliyaha amniga qaranka ee Trump ayaa mar uu tilmaam ka bixinaayey cadowga koowaad ee Maraykanka waxa uu sheegay in Shiinaha iyo Ruushku ay khatar amni oo heer qaran ah ku yihiin, adduunkana u diyaargaroowo dagaal qabow oo cusub (New cold war). Geeska Afrika waxa uu leeyahay ahmiyad siyaasad dhuleed (geopolitical) oo aad u sarreysa, waxaana ku doodayaa cidda gacanta ku heysa ayaa ku guuleysan doonta dagaalka qabow ee socda. Dalalka sida gaar ah ahmiyadda u leh oo isha lagu wada haayo waxaa koow ka ah Soomaaliya. Marka koowaad, waa dal juqraafi ahaan isku xira suuqyada saddex bari oo kala ah: Bariga fog ee eeshiya sida India, Bangladesh, Pakistan Bariga dhexe Albaabka hore ee Bariga Afrika Marka labaad, saldhiga militari ee Berbera waa meel waqti xaadirkan muhiim u ah loollanka socda, waana mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee Maraykanku u daneynayo Soomaaliya. Heshiiskii qudbasirada ahaa ee u dhexeeyey Muuse iyo Abiy Horraantii sanadkan 2024 waxaa xasiloonida gobolka gilgilay heshiis sharcidarro ah oo ay kala saxiixdeen Ra’iisulwaasaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo gooni-u-goosadka Soomaaliland oo uu hoggaaminaayey Muuse Biixi. Islamarkiiba, waxaa ka falceliyey Xukuumadda iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Jamhuuriyadda. Halkaas waxaa ka bilowday dagaal diblomaasiyadeed oo aan waxba la isku reeban, mararka qaar heer waxaa la isla gaaray in hadallo rabshado xambaarsan la isku weydaarsado baraha bulshada iyo warbaahinta maxaliga. Dalalkii sida tooska ah u taageeray Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si cadna u sheegay in aan lagu xadgudbi karin gobonimada iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya. Haddaba, maqaalkan waxa aan kaga hadli doonaa sababaha keenay in Maraykanku sidaas oo dhan inoo garab istaago, Itoobiyana cagta wejiga u saaro. Si kale u dhig, Maraykanka maxaa ku riixaya arrintan? Xiriirka Maraykanka iyo Itoobiya Maraykanka waxa uu markiisii hore saaxiib dhow la ahaa Ra’iisulwasaarihii hore ee Meles, xiriirka Itoobiya kala dhexeeyeyna waxa uu ku koobnaa qofka shakhsiga ah ee markaas xukunka fadhiya, waana meesha ay wax ka khaldameen. Waayo isku dhaca Maraykanka iyo Itoobiya waxa uu bilowday markii saaxiibkood Meles meesha ka baxay, Abiy Ahmed oo dhallinyaro ahna xukunka qabsaday. Maraykanku bilowgii hore waxay isku dayeen in ay xiriir dhow la yeeshaan, lana macaamilaan laakiin habkaas way u shaqeyn weyday, Abiy na waxa uu ku noqday qof madax adag, khiyaano badan, una weecday siyaasad ahaan dhanka Ruushka iyo Shiinaha isaga oo xubin ka noqday ururka BRICS. Ficilada Abiy waxay hurdo la’aan ku rideen Maraykanka, waana halka ay iska soo galeen danaha Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya. Waayo labada dalba waxaa culeys ku ah Abiy, Maraykankuna waxaa ka go’an in ay ciqaabaan, afka ciidda u galiyaan ilaa inta uu ka soo laabanayo. Haddaba, su’aasha isweyddiinta mudan waxay tahay maxaa iska beddeli kara taageerada Maraykanka ee ku aaddan Soomaaliya mar haddii Abiy Ahmed soo towbad keeno, dibna u soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhexeeyey Itoobiya iyo Maraykanka? Halkan waxaa ku jirta labalabeyn (dilemma) laakiin qaybta dambe ayaan si faahfaahsan uga hadli doonaa arrintan. Dhanka kale, waxaa suuragal ah in dadka qaar ku sirmaan doodda dhahaysa Maraykanka waxa uu daacad ka yahay ilaalinta gobonimada Soomaaliya waayo isaga ayaa dan ku qaba in la dhowro shuruucda nidaamka caalamiga. Waa dood raqiis ah waayo haddii ay dhab ka tahay muxuu isaga laftirkiisa ugu xadgudbay, una farogeliyey Ciraaq iyo Afgaanistaan? Sidoo kale, muxuu u taageeray ciidamadii Itoobiya ee xasuuqa ka geystay magaalada Muqdisho? Marka la joogo siyaasadda dunida, hal qodob in la isla fahmo waa muhiim, taas oo ah in dal kasta danihiisa gaarka ah ka shaqeeyo. Dalalka kuwooda waaweyn ee awoodda is-bida iyo kuwa yar ee laciifka ah waxay ku dhex jiraan aashuun afka ka xiran, xeerkiisuna yahay ninbow naftaa (self-help system). Marka doodda la xiriirta mooraalka waa mid raqiis ah, macno badanna kuma fadhiso. Taariikhdu armey dib isu soo celisaa? Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay 1977 inta uusan bilaabanin ka hor, dalka Soomaaliya waxa uu xulufo siyaasadeed oo istaraatiiji ah la lahaa Ruushka halka Itoobiya jirtay dhanka Maraykanka. Maxaa dhacay oo isbeddelay? Kaligii taliyihii Mengistu ee xukunka qabsaday markii uu dareemay khatarta ku soo socota waxa uu ku soo biiray xulufada Ruushka. Taasi waxay keentay in Ruushku beddelo go’aankiisii hore ee ahayd waa idin taageereynaa Soomaaliya. Si kale u dhig, Ruushku wuxuu ku booday Soomaaliya maadaama ay wax iska beddeleen danihiisii istaraatiijiga ahayd, waxa uuna qabay dood dhahaysa laba dal oo shuuci ah isma dagaali karaan. Haddaba, su’aasha hadda taagan oo xaalad labalabeyn abuureysa waxay tahay haddii Abiy Ahmed uu isbeddelo, iskuna dhiibo Maraykanka, dibna u soo celiyo xiriirkii hore maxay arrintaasi ka beddelaysaa mawqifka aqalka cad ee ku aaddan MoU da sharcidarrada ah? Jawaabta way sahlan tahay. Saadaashaydu waxa ay tahay, waxa uu gali doonaa jawi aamusnaan ah, indhaha ayuuna gacmaha saaran doonaa isaga oo leh “tuug ma aragtay, ma arkin.” Gebogebo Dowladda Federaalka Soomaaliya hadda waxay heysataa taageerada Maraykanka oo buuxa, waana fursad dahabi ah oo ay kaga faa’ideysan karto mashruuc la dhaho isku tasho iyada oo dhisaneysa cutubyo si gooni ah loo carbiyey, kana tirsan ciidamada badda, kuwaas oo awood u yeelan kara fulinta hawlgalo degdeg ah. Dhanka kale, waxaan ku talinayaa in taageerada Maraykanka loo qaadan haddiyad cirka ka timid oo weligeed nala joogeysa. Mar kasta waxaa la filan karaa in uu isbeddel ku dhaco siyaasaddiisa ku aaddan gobolka gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Itoobiya. Madaxda Soomaaliyana waxaa cashar ugu filan taariikhda oo ay dib u milicsadaan, waxne ka bartaan. WQ: Xasan Mudane Khabiir ku xeeldheer siyaasadda Afrika Mudanep5@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hor soo rogtay amar ah, in goobaha ganacsiga ee ku yaala waddooyinka iyo suuqyada lagu xiro Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV si la mid ah Guryaha ay dagan yihiin dadka shacabka ayaa la faray in lagu xiro Kaamirooyinka. Amarkaan ayaa dowladda Soomaaliya ku micneysay in lagu sugayo amniga caasimadda, kaalin uu ka qaadanaya badqabka Ganacsiga iyo Muwaadinka, kuwaas oo la kulma dhac, dil iyo dhaawac oo ay geysanayeen dad aan la aqoon heybtooda. Inta aysan soo rogin amarkaan dowladda Soomaaliya ayaa Hay’adda NISA waxa ay Kaamirooyin ku xirtay dhammaan Isgoysyada magaalada Muqdisho, taas oo sahashay in la raadraaco falal amniga liddi ku ah kuwaas oo ka dhacay Caasimadda. Askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda ciidadama qalabka sida, ka gadaal markii ay geysteen falal liddi ku ah amniga caasimadda, Xeer ilaalinta ayaa dacwadda Askartaan waxa ay marag ugu dhigtay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, si la mid ah waxaa maxkamadda ka soo muuqday rag lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo Caasimadda ka fuliyey dilal qorsheysan iyo Qaraxyo. Mid ka mid ah Aqoonyahaannada ku nool magaalada Muqdisho ayaa aragtidiisa sidaan ku cabiray, “Dowladda Soomaaliya waan ku bogaadinayaa tallaabada ay qaadeen ee ah in magaalada Muqdisho lagu xiro Kaamirooyinka, waad aragtaan maxkamadda waxaa ka soo muuqday rag dhac u geysanayey dhallinyarada magaalada oo ah ubixii dalka, hadda waxaa aan maqlay in xaafadihii lagu xiray, waan tallaabo wanaagsan.” Sidoo kale Shacabka Muqdisho oo aan wax ka waydiinaya aragtidooda ku aadan Kaamirooyinka, mid ka mid ah ayaa sidaan u aragti dhiibtay, “Moobilkaan aad u jeedid Kaamirad ayaa lagu soo badbaadiyey, Xaafaddeyda afarta gees Kaamiro ayaa ku xiran.” Bilowga Xiritaanka Kaamirooyinkaan Ganacsatada Muqdisho ayaa caqabad kala kulmay, qaar ka mid ah goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ayaa la qarxiyey, iyada oo halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, taas oo markii dambe sababtay in ganacsatada suuqa ay xiraan goobaha ganacsiga. Isha: Mustaqbal The post Kaamirooyinka qarsoon ee lagu xiray Muqdisho ma yareeyeen dhaca mise? appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan 77 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda Mali ee Bamako, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay ilo xog ogoal ah oo ku sugan gudaha dalkaas. Ku dhawaad 200 oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkan oo dhacay dabayaaqada todobaadkii hore , waxaana uu sababay in isbitaallada ay buux dhaafiyaan bukaanno dhaawac ah, sida uu wakaaladda wararka u sheegay diblomaasi codsaday inaan magaciisa la sheegin. si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa soo sheegay in rasaas iyo qaraxyo ay dhaceen, waxaa kale oo jiray qiiq ka dhashay dab qabsaday dhismayaashii meesha ka dhowaa. Masuuliyiinta dalka Mali ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dugsi tababar oo ciidamada booliska ee sida military-ga u laylyan lagu carbiyo, kaas oo ku yaalla degmada Faladie ee caasimadda Bamako. Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la daalaadhacaya weerarro argagixiso iyo fallaagooyin hubaysan oo mudda dheer xasilloonida gobolka oo ay maali, iyo Burkina Faso ugu horreeyaan halis ku ahaa. Source: goobjoog.com
-
Israa’iil ayaa duqeyn ay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah. Duqeynta oo lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta Beyruut, ayaa lagu dilay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan. Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsashada cadawga Isra’il si ay u difaacaan muwaadiniintooda. Bayaan ay soo saartay Xisbullah ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yiraahdeen. Xisbullah ma aysan sheegin halka uu ku dhintay iyo sababaha dilkiisa. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn ku dishay abbaan-duuliye sare oo ka tirsan Xisbullah appeared first on Puntland Post.
-
In the first episode of The Horn’s new season, Alan is joined by Crisis Group’s senior Eastern Africa analyst Omar Mahmood to discuss the escalating regional tensions involving Somalia, Egypt and Ethiopia, the uncertain future of the stabilisation mission ATMIS, which supports Mogadishu in its fight against Al-Shabaab and the presence of the Islamic State in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka Denmark ayaa la kulmay madaxda Garoonka diyaaradaha ee Copenhagen. Agaasimaha iyo Wafdigiisa ayaa ugu horrayn waxa ay warbixin ku saabsan habka uu u shaqeeyo garoonka ay ka dhageesteen madaxda Garoonka, Sidoo kale waxa ay booqasho kormeer ah ku tageen qaybaha uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha ee Copenhagen, gaar ahaan qaybta hubinta baasaboorada iyo qaybaha laga maamulo xogta duulimaadyada. Source: goobjoog.com
-
Malaayiin qof oo ka mid ah dadweynaha waddanka Sri Lankans ayaa saakay oo sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub. In ka badan 17 milyan oo qof oo ka mid ah 22-ka milyan ee ku nool Sri Lanka ayaa isu diiwaan-geliyay in ay codadkooda dhiibtaam. Waxay kala saari doonaan saddexda murashax ee doorashada ku tartameysa oo kala ah madaxweynaha hadda talada haya Ranil Wickremesinghe iyo hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo sidoo kale Anura Kumara Dissanayake. Ciddi ku guuleysata xilka madaxtinimada ayaa waxaa sugeysa shaqo adag ah kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo uu dhex fadhiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay. Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacda tan iyo marki uu dumay nidaamki dhaqaale ee Sri Lanka sannadki 2022-kim markaas oo dalka laga waayay sarrifka lacagaha qalaad. PUNTLAND POST The post Shacabka waddanka Sri Lanka oo saaka u dareeray doorashada Madaxweynaha dalkaasi appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Somali National Army (SNA) forces, backed by Jubbaland State's Darawish troops, have intensified their offensive against Al-Shabaab militants in Lower Jubba. The operation, which began earlier this week, is aimed at dismantling key insurgent strongholds near Bulo Haji. The focus has been on the dense bushland of Lagta Anole, where military officials report that several Al-Shabaab hideouts have already been destroyed. Source: Hiiraan Online
-
Baidoa (HOL) — The Somali Federal Government and South West State have reached a preliminary agreement to ease tensions over the deployment of Ethiopian troops after days of escalating conflict that risked further destabilizing the region. Both sides have agreed to cease inflammatory rhetoric and will continue discussions during the National Consultative Council meeting in Mogadishu later this month. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) – Southwest regional state leader Abdiaziz Hassan Laftagaren has agreed to attend the upcoming National Consultative Council meeting in Mogadishu on September 25, signalling a step toward resolving the ongoing political conflict with the federal government, sources report. Source: Hiiraan Online
-
Ciidammada Xoogga Dalka, guutada 9-aad qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanka Qeydar-Adde. Deegaankaan ayaa 30 km waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur. Howlgalka ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu burburiyo saldhigyada Shabaab ee deegaankaas. Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka ayaa sheegey in qorshihii howlgalka lagu guuleystay, iyadoo khasaare xooggan loo geystay Shabaab, ayadoo dagaalku socday muddo kooban. Ciidamada ayaa la wareegay saldhigii Shabaab, halkaas oo ay ka heleen agabyo muhiim ah oo tababarka iyo hawlgallada Shahaab lagu taageerayey. Source: goobjoog.com
-
Toronto – Six people were reportedly killed this week in an attack in a Mosque in the Somali region of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government has strongly condemned the unauthorized shipment of arms and ammunition from Ethiopia to the Puntland region of Somalia. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation described the action as a “grave infringement” on Somalia’s sovereignty and a serious threat to national and regional security. Source: Hiiraan Online
-
Beyruut (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa duqeyn naadir ah oo ay Jimcihi shalay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah. Duqeynta oo lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta Beyruut, ayaa lagu khaarijiyay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan. Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsashada cadawga Isra’il si ay u difaacaan muwaadiniintooda, sida uu yiri. Goor danbe oo xalay ah, ayay Xisbullah xaqiijisay dilka Caqiil. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yiraahdeen. Xisbullah ma aysan sheegin halka uu ku dhintay iyo sababaha dilkiisa. Akil ayaa kasoo mid noqday golaha ugu milatariga Xisbullah ee loo yaqaanno Golaha Jihaadka. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii sannadki 1983-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka iyo saldhigi ciidanka badda Mareykanka ee Beyruut, halkaas oo lagu dilay in ka badan 300 oo qof. Duqeynta lagu dilay Ibrahim Caqiil ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisad cusub oo u dhaxeysa Isra’il iyo Xisbullah, taasoo keentay cabsi laga qabo in dagaal buuxa uu ka qarxo Bariga Dhexe. Isha: VOA The post Israel oo duqeyn ku dishay abaanduule sare oo ka tirsan Xisbullah appeared first on Caasimada Online.
-
Ayadoo bishan socata e September loo madlanaa wareeggii 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, Turkiguna uu dhexdhaxaadiye ka yahay ayay dowladda dalkaasi ku dhawaaqday qorshe cusub oo ku saabsan wada-xaajoodka labada dhinac. Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo wareysi siiyay wakaaladda wararka dalkiisa ee Anadolu ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada-hadallada Muqdisho iyo Addis Ababa, islamarkaana ay rajaynayaan in xal laga gaari doono. Wasiir Hakan ayaa sidoo kale tilmaamay in Turkigu asagoo ka duulaya waayo-aragnimo uu ka helay labadii wareeg ee wada-hadalladii hore uu go’aansaday in labada dal meel kale lagu kulansiiyo, si ay isugu soo dhowaadaan inta aan la tagin magaalada Ankara oo ah madasha la doonayo in xalka ugu dambeeya lagu gaaro. Dowladda Soomaaliya ayaa guuldarrada labadii wareeg ee wada-hadalladii hore ku eedeysay Taliska Abii Axmed oo weli sii wada falalka dhaawacaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lamana oga sida ay labada dal isugu soo dhowaan karaan, ayagoo Addis Ababa aanay ka soo dabcin damaceedii guracnaa iyo heshiiskii gardarrada ahaa. Source: goobjoog.com
-
Israa’iil ayaa duqeyn shalay ay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah. Sida ay sheegeen Warbaahinta gudaha duqeynta ayaa ka dhacday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta. Waxaa duqeynta ayaa lagu dilay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan. Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida ninkaan Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay. Source: goobjoog.com
-
Joyce Msuya, oo ah Maareeyaha Kumeelgaarka ee Caawinta Degdegga ah, OCHA ayaa sheegay in $3 million ka mid ah Sanduuqa Jawaabta Degdegga ah loo qoondeyay Soomaaliya si loo xalliyo arrimaha dadka soo barakacay ee Soomaaliya. Lacagtaan ayaa taageeri doonnaa shaqada Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaashooda si loo daboolo baahiyaha degdegga ah, gaar ahaan sugnaanta cunto, ilaalinta, iyo hoyga 50,000 oo qof oo barakacayaal oo ku sugan meelaha ay dagaalladu saameeyeen ee Galmudug iyo Jubaland. Tan iyo bilowgii sanadkan, qiyaastii 150,000 qof ayaa barakac noqday sababo la xiriira khilaafka qabiilka ee dib u soo cusboonaaday iyo howlgallada milatari. Tani waxay xoojisay nuglaanta jirtaa iyo baahiyaha bini’aadantinimo. Hay’addaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa diyaar u ah ka jawaabista, laakiin kheyraadka xaddidan ayaa carqaladeynaya dadaallada. Qorshaha Baahiyaha iyo Jawaabta Bini’aadantinimo ee 2024 ayaa u baahan $1.6 billion si loo caawiyo 5.2 milyan oo qof oo nugul, balse kaliya 37% ayaa la helay, iyadoo $589 million la helay illaa hadda. Source: goobjoog.com
-
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay walaaca ay ka qabaan ‘hub’ ay sheegeen in Itoobbiya ay si ‘sharcidarro ah’ ugu soo dirtay Maamulka Puntland. Warsaxaafadeed soo baxay caawa ayaa lagu sheegay in Somaaliya ay arrintaas u aragto fal ‘xad gudub ku ah madax bannaanideeda’. Soomaaliya ayaa sida oo kale warsaxaafadeedkaas ku sheegtay in arrintani aanay ahayn mid cusub ee ay tahay dhacdo sida oo kale horena uga dhacday maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed. “Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo si sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo la geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyo shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya.” Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaana ugu baaqayday saaxiibadeeda caalamka in ay cambaareeyaan falalnkan, sida oo kalena ka dalbatay Itoobbiya in ay joojiso hawshan. Soomaaliya iyo Itoobbiya ayaa muddooyinkii u danbeeyey xidhiidhkoodu xumaa tan iyo sannadkan horrantiisii markii ay heshiis is afagarad ah la gaadhay Somaliland. Maamullada Soomaaliya ayaana qaarkood la arkayey iyaga oo taageero u muujinaya ciidammada Itoobbiya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, sida Koonfur Galbeed. Halka dhanka kale, uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Itoobbiya iyo maamullada Soomaaliya qaarkood. Dhanka kale, waxaa muuqaallo aanay BBC si madaxbannaan u xaqiijin laga arkayey baraha bulshada kuwaas oo lagu tilmaamayey shixnado hub ah oo ka yimi dhanka Itoobbiya, gaar ahaan Dowlad Deegaanka, kuwaas oo soo gaadhaeyey deegamada maamulka Puntland. Maxay Puntland ka tiri? Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la wareegeen saddex gawaarida xamuulka ah oo ay ka buuxeen hub kaasoo sida la sheegay ka yimid Itoobiya. Sida ay wararku sheegayaan hubkan ayaa waxaa dhexda u galay koox dooneysay inay la wareegaan xilli ay gawaaridu marayeen deegaanka Bookh. Muuqaallo saakay la iska dhex marayay baraha bulshada ayaa muujinayay gawaarida xamuulka oo ay gelbinayaan ciidamo la sheegay inay yihiin kuwa Puntland, hase yeeshee looma hayo wax xaqiijinaya. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland iyo kan Dowlad Deegaanka Soomaalida, hase yeeshee xiriir aan la sameynay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba ka jirin warka ah in hubkaasi laga soo geliyay dhanka Itoobiya, wuxuuse ka gaabsaday jiritaanka hubkan. “Waa wararka lagu qoray baraha bulshada, balse waxba kama jiraan.” Ayuu ku gaabsaday. Sidoo kale xiriirro kala duwan oo aan la sameynay deegaannada ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee la sheegay in hubkaasi uu ka yimid ayaysan inoo suurtogelin. Bishii July ayay ahayd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay Itoobiya inay hub soo gelisay maamulka Galmudug. Gawaari xamuul oo hub siday ayaa laga qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee maamul-goboleedka Galmudug, kuwaasoo la sheegay inay kasoo gudbeen xadka Itoobiya, hubkaas ayaana gacanta u galay dadka deegaanka. Somaliland ayaa xilligaasi dhankeeda war ka soo saartay hubka gacanta u galay malleeshiyaad iyo dad shacab ah oo ku sugan deegaanada Galmudug kaas oo la sheegay inuu ka soo tallaabay xadka dowlad deegaanka Soomaalida. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland oo afka ingriiska ku qornaa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay welwel xooggan ka muujinayso hubkaas. “Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan…waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ka taagan,” ayaa lagu yiri warka. Sidoo kale wasaaradda ayaa tiri: “Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay khalkhalka uu sababayo hubka faraha badan ee ku dhex faagsan Soomaaliya, sida aan ka arki karno dhacdooyinkii u dambeeyay”. Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay weli taagan tahay, taasoo ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee Itoobiya ay horraantii sanadkan la saxiixatay Somaliland. Xigasho Bbcsomali Qaran News