-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Jalalaqsi, waxaana uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhammaan maleeshiyaadkii dagaalamay. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka diriray oo wada is uruursi ciidan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah. Sii socoshada dagaalladan ayaa laga digayaa, maadaama ay saameyn karaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo horay looga gaaray guulo waa wayn. The post Wararkii ugu dmabeeyay dagaal culus oo ka qarxay xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dalkiisu uusan xiriir la sameyn doonin Israa’iil ilaa la dhisayo dowlad Falastiiniyiintu ay leeyihiin, taasoo dhabarjab ku ah dadaalka Mareykanka uu ku doonayo inuu labada dhinac heshiis caadi ah ugu sameeyo. “Waxaan dib u cusbooneysiineynaa diidmada Boqortooyada iyo cambaareynta xooggan ee dembiyada maamulka Israa’iil ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan oo la hadlayay golaha shuurada ee dalkaas. Wuxuu intaa ku daray in Sucuudigu uusan joojin doonin dadaalkiisa hagar la’aanta ku aaddan dhismaha dowlad madax-banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, taas oo caasimaddeedu tahay magaalada Quddus. Heshiisyadii Israa’iil iyo dalalka Carabta ee uu dhexdhexaadinayey madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sannadkii 2020-kii ayaa sababay in ay xariir diblomaasiyadeed maamulka Yuhuudda la yeeshan Imaaraadka, Baxrayn, iyo Suudaan, balse Boqortooyada Sucuudiga arrintaas way diiday. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo soo saaray qoraal xasaasi ah ayaa ka falceliyay hadalkii carada dhaliyay ee kasoo yeeray agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali oo dhawaan ku dhawaaqay hadal ay ka caroodeen reer Koonfur Galbeed. Yuusuf Garaad Maay iyo Maxaa tiri kusoo jawaabay ayaa sheegay in gef wayn ay tahay in ilmo Itoobiyaan lagu tilmaamo dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in arrinaas ay dhaawaceyso midnimada dalka. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in tallaabo adag laga qaado mas’uulka yiri hadalkaas ee u gefay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf Garaad Cumar. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:- Doogey Naaduwaa. Maay (kor) iyo Maxaa tiri (hoos) ku hoo jawaabteyda: Bini’aadamké way eya noolegé sheleedis Ilaahey owood ing siyi ini ku dowahé sah iyoonay qaléd shal sheegowsho. Qalédné qaléd mal ké sahaw. Doogé ané dhugunsidey dad Soomaaliyeed ké tilmaamayi ini eying owlaad Itoobiyaan dhaley Soomaali isku dhikaayang, gef wiino liinku shib erré korné wu. Gef shal gooyaw Soomaalidé, dhaawa’é koré ini dalké lé wadé difaa’idé, amingki liing baahédéwu. Way waajib ehé ini tillaabé léku qaadé qofki doogas erré, hoobbé usé hangku hoohine raalligiling maangal eh ingku biiné. ….. Aadanuhu waa nafleyda keliya ee Rabbi awood u siiyay in ay hadasho, si ay sax iyo qalad u kala sheegto. Qalad laguma saxo qalad. Hadalka aan dhegeystay ee dad Soomaaliyeed ku tilmaamaaya in ay yihiin carruur Ethiopian dhalay, oo Soomaali iska dhigaya, waa gef ay tahay in aan laga aammusin. Waa gef kala geynaya Soomaalida, dhaawicina kara in dalka la wada daafaco marka loo baahdo. Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin. The post Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in tallaabo laga qaado mas’uul u gefay reer K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
460138930_444769964637418_6051030020664609227_n Qaran News
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay inuu gacan ka geysan doono xoojinta xariirka iyo iskaashi Soomaaliya iyo dalalka Carabta. Furitaanka golahan ayaa la sheegay inuu ka shaqeeyay madaxa wakiillada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, sidoo kalena dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ku lahayd. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa furitaankii golah ka sheegay in ay muhiim tahay midnimada dalalka Jaamacadda Carabtu, islamarkaana ay ahmiyadda gaar ah u leeyahay Soomaaliya, asagoo intaa ku daray Jaamacadda Carabtu ay mowqif adag ka istaageen damaca guracan ee Itoobiya ku doonayso badda Soomaaliya. Haddaba furitaanka golahan ayaa ka qeyb ka ah dadaallada diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya uga hortagayso tillaabooyinka gardarrada ah ee ay waddo xukuumadda Addis Ababa, waxayna xeeldheereyaasha rumaysanyihiin in tillaabadan ay xoojinayso saameynta Soomaaliya ee dhinaca diblumaasiyadda iyo kor u qaadista xariirka iskaashi iyo walaalnimo ee kala dhexeeya dalalka Carabta. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa, ayada oo tallaabo horleh ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu celiyay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Sareeda oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in saaka loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo kusii jeeda magaalada Baydhaba, waxayna tilmaamtay in saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen. Xildhibaannada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gebi ahaanba laga reebay diyaaraddii ay raaci lahayd oo kusii jeeday deegaan doorashadeeda Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in arrintan ay muujineyso beegsi gaar ah oo lagu hayo xildhaannada Digil iyo Mirifle, sida ay hadalka u dhigtay. “Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle. Horay waxaa u jirtay in garoonka sidoo kale lagu xayiray taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Baay iyo Bakool, walow markii dambe la fasaxay. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sii hurinayo xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si aad ah la’isugu qabtay arrinta Itoobiya, kadib markii ay koonfur Galbeed ka hortimid qorshaha Villa Somalia. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase soconayo dadaallo ay waddo dowladda oo lagu qaoobjinayo xiisadda, ayada oo sidoo kale la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro magaalada Baydhaba si uu usoo qanciyo C/casiis Laftagareen. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
460150631_1895766770917245_4161300511792449014_n Qaran News
-
Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF-ta ayaa sheegay inay diyaar xal nabadeed oo laga gaaro dagaalka dalkaas socday in ka badan 17 bilood, iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay wada-hadallo nabadeed oggolaadaan. Madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay Arbacadii in dowladda Sudan ay diyaar u tahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka ka holcaya dalkaas. Dhankiisa hoggaamiyaha fallaagada RSF Mohamed Hamdan Dagalo ayaa asna Khamiista maanta ah sheegay inay oggolyihiin wada-hadallo nabadeed oo xal loogu helayo dagaalka ku dhowaad labada sano ka socda dalka ku yaalla bariga Afrika. “Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay wada xaajoodka xabad joojintu, waxaan aaminsanahay in dariiqa nabada ay ku jirto wada-hadal, ma aha rabshado aan kala sooc lahayn, waxaana sii wadi doonaa inaan galno hababka nabada ah si aan u xaqiijino mustaqbal wanaagsan, loogana gudbo cabsi iyo silic ay dhammaan dadka rayidka ah ee Suudaan soo wajaheen,” ayuu yiri Mohamed Dagalo. Si kastaba ha ahaatee, labada nin ayaa muujiyay niyad wanaag ku aaddan soo afjaridda colaadda ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof tan iyo markii uu dagaalka Suudaan qarxay bishii April ee sanadkii 2023. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirada dalalka Carbeed ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin, waxaana Muqdisho ay ku qabsadeen munaasanad ballaaran oo ay ku shaacinayeen dhismaha golahaasi cusub. Munaasanadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayada oo sidoo kale joobjoog ahaayeen dhammaan safiirada Jaamacadda Carabta u fadhiya gudaha Soomaaliya. Ujeedka golahan loo dhisay ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka waddamada Carbeed iyo Soomaaliya, si sare loogu sii qaado iskaashiga dalalka iyo Soomaaliya. Wasiir Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda furitaankan golahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradaha Carabta ee dalkeena. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya. Axmed Macallin Fiqi ayaa ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xadgudbka ay kula kacday Itoobiya. Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer laleh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC. The post Safiirada Carabta ee jooga Somalia oo ku dhawaaqay gole cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo safar ku maraya qaaradda Yurub ayaa xalay lagu soo dhaweeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor oo khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg ayaa sheegay in uu werwer ka qabo in dowladnimada Soomaaliya ku burburto gacanta madaxweyne Xasan Sheekh. “Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Xamar joogaa waa kooxdii ugu khatarta badnaa ee Soomaaliya siyaasadeeda soo gala waxaan werwer ka qabnaa in dowladnimadu gacantooda ku burburto” ayuu yiri Ilyaas Cismaan Lugatoor. Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay meesha ka saartay dastuurkii Soomaali heshiiska ku ahayd taasi oo uu ku tilmaamay mid aysan Puntland aqbali karin islamarkaana khatar ku ah midnimada dadka Soomaaliyeed. Halkan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland: Waxaan werwer ka qabnaa in dowladnimada Soomaaliya ku burburto gacanta Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
-
The government requires Sh106 billion to implement the reforms within the National Police Service, the Kenya Prisons Service and the National Youth Service, President William Ruto revealed yesterday. Source: Hiiraan Online
-
Walkie-talkies and solar equipment exploded in Beirut and other parts of Lebanon on Wednesday in an apparent second wave of attacks targeting devices a day after pagers used by Hezbollah blew up, state media and officials for the militant group said. At least 20 people were killed and more than 450 wounded in the second wave, the Health Ministry said. Source: Hiiraan Online
-
• The Somalia president has already reached out to international organisations including the European Union, the African Union, United States, China and the Organisation of Islamic Cooperation. Source: Hiiraan Online
-
Turkiga ayaa qorshaynaya in uu Soomaaliya ka hirgeliyo Saldhig Dayax-gacmeed oo uu ku sameeyo tijaabooyin ay kamid yihiin in uu ka gano gantaalladiisa ballistic-ga ah . Dowladda turkiga ayaa dhismaha Saldhigan Dayax-gacmeedkaasi ka codsatay dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg. Dhismaha saldhiga dayax gacmeedka ee Turkiga ka samaysnayo ayaa la sheegay in ay ku baxayso lacag dhan hal bilyan oo doolar Madaxweyne erdogan oo ka hadlayay qorshaha turkigu hawada sare ugu dirayo dayax-gacmeed laga ganayo Soomaaliya ayaa yiri ” Dayax gacmeed baaxad leh oo ka tarjumaya qaranimadeena ayaan u diri doonaa meeraha sare,taasoo ku imanaysa iskaashi caalami ah.” Turkiga wuxuu doorbidayaa dhulka bannaan ee cirifka badweynta Hindiya ee ku dhow dhul-baraha oo mara Soomaaliya . Halkaasi ayaa lagu sheegay aag istiraatiji ah, oo dal ay adagtahay in uu isku helo,Turkiga oo ka faa’iideysanaya iskaashigiisa Soomaaliya, wuxuu u soo rarayaa saldhiga Tijaabada gantaallada riddada dheer . PUNTLAND POST The post Turkiga oo Soomaaliya ka samaysanaya Saldhig Dayax-gacmeed oo ay ku baxayso hal bilyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa sheegay Arbacadi sheegay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah. Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Talaadadi u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan. Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa Arbacadi sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka. Waxaa isna saaka oo Khamiis ah bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Hase yeeshee, labadan nin ayaa midbo midka kale ku eedeeyay guuldarrada soo afjaidda dagaalka lagu hoobtay ee Sudan, kaas oo tan iyo bishi April ee sannadki 2023-ki ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u wadahadlaan si loo soo afjaro dagaalka sokeeye. Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac in ay galeen dambiyo dagaal, waxaana uu cunaqabateyn saaray 16 qof iyo hay’ado ku lug leh dagaalka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu indhaha ku hayo dagaalka isla markaana ay suuragal tahay in uu soo rogo cuna-qabateyn dheeraad ah. The post War cusub oo kasoo kordhay xaaladda dalka SUDAN appeared first on Caasimada Online.
-
Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama fooneeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xiriirayeen, ayaa ku qarxay meelo badan oo ka mid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan. Tani ayaa imaneysa maalin kaddib markii ay ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaar-siineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale. Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac. Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah. Israa’iil weli si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant, ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Isra’il Arbacadii sheegay, in Isra’il ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo mar kale aalad isgaarsiineed ku qarxisay dagaalyahannada Xisbullah appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a move to secure its energy interests in the Horn of Africa, Turkey is set to deploy naval frigates to protect a Turkish energy exploration vessel in Somali waters. According to two sources familiar with the situation, the frigates will accompany the vessel, Oruc Reis, tasked with conducting seismic studies in the Somali exclusive economic zone (EEZ). This development comes after a strategic agreement was signed earlier this year between Turkey and Somalia. The agreement allows Ankara to explore and drill for energy resources within Somalia’s EEZ while also providing protection against external threats. The move highlights Turkey’s expanding influence in the region and its growing energy ambitions. Turkey’s seismic survey in Somalia The Turkish energy exploration mission, led by the vessel Oruc Reis, is a significant step for Turkey’s growing energy sector. Turkish Energy Minister Alparslan Bayraktar announced that Turkish Petroleum has obtained licenses to explore three large fields spanning 5,000 square kilometers in Somali waters. The Oruc Reis will conduct a 3D seismic survey in these areas, marking the first time such advanced technology has been used in Somali seas. “This is the first time a Turkish research vessel will operate in the open ocean,” noted Tunc Demirtas, an analyst specializing in African affairs at Seta, a Turkish think tank. The open waters of the Indian Ocean pose unique challenges, including potential threats from pirates and other hostile actors, which has led Turkey to take extra precautions to safeguard the mission. The strategic importance of Somalia Turkey’s interest in Somalia goes beyond energy. The deployment of frigates to protect Oruc Reis is part of a broader Turkish strategy in the region. In recent years, Turkey has become more assertive in the Eastern Mediterranean, facing stiff resistance from Greece over territorial disputes and energy exploration rights. Now, Ankara is shifting its focus to the Gulf of Aden and the waters off Somalia, regions that pose new challenges and opportunities. The waters surrounding Somalia are believed to be rich in untapped oil reserves, making them a prime location for energy exploration. Minister Bayraktar expressed optimism about the potential findings, stating that initial data indicates promising oil reserves. Should these expectations come to fruition, the exploration could significantly boost Turkey’s energy independence, allowing it to commercialize the oil quickly and incorporate it into its economy. Oil discovery: A boon for Somalia’s economy? Turkey’s agreement with Somalia includes a “production-sharing agreement,” ensuring that the Somali government will benefit from oil discoveries made within its waters. “After giving the Somali state its rightful share, the remaining oil can be sold on the global market or brought to Turkey’s refineries,” Bayraktar explained. This arrangement could be a game-changer for Somalia’s fragile economy, which has long struggled with poverty, instability, and underdevelopment. For Somalia, the deal presents a double-edged sword. While the potential for oil revenue could bring much-needed economic relief, concerns have been raised about how the Somali government will manage these newfound resources. Transparency, effective governance, and addressing local concerns will be crucial to ensuring the oil wealth benefits the Somali people rather than exacerbating existing challenges. Security challenges in Somali waters The waters off Somalia are notorious for piracy, and the region has seen significant maritime instability for years. The deployment of Turkish frigates is seen as a necessary measure to protect the Oruc Reis from pirate attacks and other security risks. “Turkey is taking utmost caution because of the risks posed by both pirates and possible land-based threats,” Demirtas emphasized. The presence of naval forces is intended to deter piracy and secure Turkey’s operations against any geopolitical challenges that could arise. The Gulf of Aden is a vital maritime route, and any disruptions to Turkey’s exploration mission could have broader implications for global energy markets. Turkey’s increasing involvement in Somalia’s energy and defense sectors can also be viewed through the lens of regional geopolitics. Earlier this year, Somalia signed an agreement with Turkey to bolster its maritime defense capabilities, coinciding with Ethiopia’s military partnership with the breakaway state of Somaliland. Under that agreement, Ethiopia gained the right to build a military port in Somaliland, prompting Somalia to strengthen ties with Turkey as a counterbalance. Two rounds of talks mediated by Turkey between Somalia and Ethiopia failed to resolve tensions, and the situation remains delicate. Turkey’s expanding military and economic presence in Somalia is considered part of a broader effort to project influence in the Horn of Africa, a region of increasing strategic importance due to its proximity to critical maritime trade routes. The deal between Turkey and Somalia is one of several agreements that signify deepening ties between the two nations. In February, the two countries signed a defense and economic cooperation agreement to strengthen Somalia’s naval capabilities. The oil and gas exploration agreement signed in March further cemented Turkey’s role in Somalia’s future energy development. As Turkey continues to expand its energy ambitions, its presence in Somalia could become a cornerstone of its broader regional strategy. Deploying frigates is just one aspect of this multi-faceted relationship, which combines defense cooperation with economic partnerships. The post Turkey to send frigates for oil exploration in Somali waters appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo dalbatay in magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka. Labada Danjire ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada ayaa kala ah: 1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir 2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir Kulanka waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sidoo kale waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. “Siyaasadda cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirrada. Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. “Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada. The post Golaha Wasiirrada oo ansixiyey safiirro cusub, kana hadlay arrimo culus appeared first on Caasimada Online.