-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Minnesota (Caasimada Online) – Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa illaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah. Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aas-aasay ‘kooxda’. Waxaa la sheegay in Ilhaan tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels. Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil. AIPAC waxay horeba u kharash gareeyeen $14 malyan, ayagoo ka caawinayey George Latimer oo ka tirsan dimoqaraadiga inuu kursiga ka rido Jamaal Bowman oo ka tirsan ‘kooxda’, aadna u dhaliila Israa’iil iyo dagaalkaba. Dhaqaalahaas ayaa Latimer ka caawiyey inuu guul aad u weyn gaaro. Samuels oo ah siyaasi qunyar socod ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, horena xubin uga soo noqday golaha deegaanaka ee Minneapolis ayaa doorashadii noocan oo kale ahayd ee isreeb-reebka ku guuldarraystay ka dib markii ay 2022 Ilhaan Cumar kaga guulaysatay 2,466 cod. AIPAC iyo kooxaha kale ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee a y ka midka yihiin PAC iyo United democratic project waxay u arkayaan Ilhaan in aan la loodin karin. “Waxay ila tahay inay ogyihiin in Ilhaan Cumar ay tahay qof aad u adag oo taageero badan gudaha ku leh, taariikh hore oo fiicanna ku leh degmada, kaliya maaha adeegyada la qabto laakiinse sidoo kale hogaanka siyaasadda iyo hindiseyaasha malin kasta caawiya dadka degmada” ayuu yiri Usamah Andrabi oo warbaahinta u qaabilsan Justice democrats oo ah koox taageerta ‘kooxda’. “Waxay ila tahay inay ogyihiin inay tahay qof khatar ku ah, taa micnaheeduna ma aha inaysan lacag u adeegsanayn xataa haddii ay sidaa tahay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Ilhaan ayaa horey loogu eedeeyey in ay horay u dhaliishay Israa’iil, arrintaas oo uu ku gacan-sayray xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga. 218 xubnood ayaa u codeeyay in Ilhaan laga saaro guddigaas, halka 211 xubnood ay diideen mooshinkaas. “Waxaa jira feker ah in aad tahay la tuhunsane haddii aad tahay soogalooti, aad ka soo jeedo qeybo gaar ah oo kamid ah caalamka, ama iyadoo lagu saleynayo midabkaaga ama in aad haysato Diinta Islaamka,” ayay tiri Ilhaan. Ilhaan Cumar waxay markii afaraad u tartamaysaa in laga soo doorto degmada shanaad oo ah Minneapolis iyo deegaannada ku xeeran. Ninka la tartamaya Ilhaan, Don Samuels, oo markiisii hore ka yimid Jamaica, taageerada uu ka helayo AIPAC ma cadda inta ay le’eg tahay, laakiin hore ayuu ugu dhaliilay inay Ilhaan ka hortimid oo ka codaysay qorshe cod loogu qaadayey dhaqaale la siin lahaa ciidanka Israa’iil, isagoo arrintaa awgeed ku tilmaamay in ”degmada ay ka dhigtay mid faquuqan oo gooni u go’an”. Isha: BBC The post Ilhaan Cumar oo wajaheysa qorshe halis ah oo Israel u maleegayso – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s economy is projected to recover to 3.7 percent growth this year and 3.8 percent in 2025 as it reaps the benefits of East African Community (EAC) membership, a new African Development Bank (AfDB) report says. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Aug. 12 (Xinhua) -- At least 39 people were killed in recent inter-clan clashes in Somalia in the past two months, the United Nations humanitarian agency said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Kyiv (Caasimada Online) – Taliyaha ugu sarreeya militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamadiisa ay hadda gacanta ku hayaan dhul gaaraya ilaa 1,000 kilomitir oo isku wareeg oo ka tirsan gobolka Kursk dalka Ruushka. Waa marki ugu horreysay oo uu sarkaal ka tirsan militariga Ukraine uu si cad uga hadlo duullaanki kediska ahaa ee waji-gabaxa ku noqday Kremlin-ka. Gen. Oleksandr Syrskyi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay, in dagaalka uu ka socdo dhammaan jiidaha hore, isla markaana ay ciidanka Ukraine ay hadda xaaladuhu gacanta ku hayaan. Ku dhawaad hal todobaad kaddib weerarkaasi, ayay ciidamada Ruushka aysan wali bixinin jawaab. Laakiin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii sheegay, in weerarka Ukraine soo qaadday uu yahay isku day ay xukuumadda Kyiv ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas. Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in sidoo kale ay Ukraine ku rabto weerarkaasi in ay galangal weyn ku yeelato wadahadallada nabadda ee mustaqbalka, ee laga yaabo in ay wada yeeshaan Ruushka iyo Ukraine. Arrintan ayaa weji cusub u yeelaysa dagaalka labada dal ee mudadda socday, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur horleh. The post Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo weji cusub yeeshay iyo Kyiv oo ku dhowaaqday… appeared first on Caasimada Online.
-
Shiinaha ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ay ciidamada Israa’iil ku dileen 100 Falastiiniyiin ah,kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Qaza. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian ayaa ayaa bayaan ku sheegay in Beijing ay cambaareysay fal kasta oo lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah,isla markaana ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada. Afhayeenku waxa uu ku baaqay in Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza, ayna samayso wax kasta oo suurtagal ah si loo badbaadiyo dadka rayidka. 10-kii Agoosto ee ayeey aheyd markii militariga Israa’iil ay weerareen dugsiga Al-Taba’een ee xaafadda Al-Daraj ee bariga magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 ruux. Cambaareynta Shiinaha ayaa imaaneysa xilli Israel ay dishay ugu yaraan 10 qof ,kadib kolkii ay weerareen guri ku yaalla deegaanka Abasan al-Kabira ee bariga Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa. Dhanka kale,Xamaas ayaa ugu baaqday Mareykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshaha lagu dhaqan gelinayo hindisaha xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa la sheegayaa in ay ku dhowdahay 40.000,kadib dagaalkii soo biowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii tagay. PUNTLAND POST The post Shiinaha oo cambaareeyay weerarrada Israa’iil ku hayso barakacayaasha reer Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Hey’adda Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay billowday baaritaan ku aaddan eedaha sheegaya in loo dusay kambuyuutarrada ololaha doorashada Donald Trump kadibna la xaday dukumintiyo xasaasi ah. Baaritaankan ayaa imanaya maalmo kaddib markii uu olalaha Trump shaaciyay in Iran ay weerar xagga internetka ku bartilmaameedsatay ololahooda Inkasta oo aysan bixinin faah-faahin dheeraad ah iyo caddeymo muujinaya in Iran ay weerarkaasi ku lug leedahay. Shirkadda Microsoft ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku xaqiijiyay in uu dhacay isku day ay wakiillo ajnabi ah ay ku rabeen in ay ku fara-geliyaan ololaha doorashada Mareykanka ee 2024. Howl-galka Iran ee Qaramada Midoobay, oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa muddo dheer lagu tuhunsanaa inay wadday ololeyaal ay ku jabsatay xogo dhanka online-ka ah oo yaallay Bariga Dhexe iyo meelo kasii shisheeya. Tehran ayaa sidoo horay ugu hanjabtay in ay ka aargudan doonto Trump, kadib weerarkii sannadkii 2020-kii lagu dilay Jeneral Qasim Suleymani oo ka tirsanaa saraakiisha sare ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, weerarkaas oo uu amray madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump. The post FBI-da oo baareysa weerar lagu qaaday TRUMP oo looga shakisan yahay dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
455124470_813508687560527_8293529886634512601_n Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen. Itoobiya ay dooneysa in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo. Farmaajo iyo Abiy ayaa isku fahmay in afar Dekedood ay maalgashato Itoobiya, kadib booqashadii Abiy Axmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018-kii, balse dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburisay heshiiskii Farmaajo. Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo ilaa hadda labada dhinac dhex maray. Wadaxaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad ah lama gaarin, dowladda Turkiga waxay ku dadaalaysaa in is-faham guud ay kala dhex dhigto labada dhinac oo heshiis lagu yahay. Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa hoggaaminaya diblomaasiyiinta Turkida ah ee dhex dhexaadinaya ergada ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland. The post Xog: Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda Ankara oo maraya meel xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo MOU-gii, halka Itoobiya ay dooneyso in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo. Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo Illaa hadda labada dhinac dhex maray. Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Wada-xaajoodka Turkiga uga socda Soomaaliya iyo Itoobiya oo weli la isku mari la’ yahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido. Dhallinyaradan ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalkooda. “Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow oo aan la siyaasadeyn karin, isla markaana xukuumaddu mudnaanta koowaad la siinayo dhallinyaradu sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin iyo wax walba oo ay dalkooda uga baahan yihiin. Waxa uu intaas ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafbartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed. Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: RW Xamsa oo qaaday tallaabo cajiib ah oo dhiirigelisay dhalinyarada appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha koox diimeedka loo yaqaanno ururka gaajada ee dalka Kenya ayaa la soo taagay maxkamad si loogu qaado gal-dacwadeed ku saabsan dhimashada in ka badan 400 oo xertiisa ah, kuwaas oo ku geeriyooday mid ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada marin-baabinta ah. Paul Mackenzie oo madax ka ah Kaniisad ku taalla dalkaas ayaa hadda wajahaya eedeymo la xiriira dil, jirdil caruureed ka dib markii bishii Abriil ee la soo dhaafay la helay boqolaal meydad ah oo xertiisa ka tirsanaa, kuwaas oo gaajo u dhintay ayagoo fulinaya amarkiisa . Horraantii sanadkan Mackenzie waxa uu sheegay in aanu wax dambi ah gelin, balse dacwad oogayaasha ayaa tilmaamay in eedaymaha loo haysto ay ku jiraan kuwo u dhigma ismiidaamin markii sharciga Kenya la eego, ninkan ayaana horay uga soo muuqday maxkamada darajada koowaad ee magaalada dekadda leh ee Mombasa isaga iyo in ka badan 90 kale oo tuhmanayaal ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha iyo saraakiisha maxkamaddu. Dacwadaha ninkan loo haysto oo qaarkood aanay weligeed kenya ka dhicin asaga ka hor ayay dacwad oogayaasha u diyaarsadeen ugu yaraan 420 markhaatiyaal ah, ayadoo dhageysiga dacwadu uu socon doono muddo afar maalmood ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballanqaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii xeebta liido ee khasaaraha badan dhaliyay ayaa bogaadiyay geesinimada iyo firfircoonida muwaadinno ee ay dhallinyaradaasi muujiyeen. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku abaalmarin doonto geesinimdii iyo howkarnimadii ay dadkooda dhibaatadu gaartay ugu gurmadeeb, islamarkaana ay muteyseen bilad iyo shaqaalaysiin rasmi ah oo ay dowladdu u samaynayso. Dhallinyaradan ayaa qeyb ka ahaa boqolaal qof oo dadweyne iyo madaxba isugu jira, kuwaas oo si xilkasnimo ah uga qeyb-qaatay gurmadka dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii lagu hoobtay ee labadii bishaan ka dhacay Huteelka Beach View ee xeebta Liido. Source: goobjoog.com
-
Kigali (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira. Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore. Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kadib markii ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen illaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni. Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 2094-ki iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Rwanda. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Rwanda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal ay Soomaali badan shaki ka muujiyeen oo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku sheegay in marin badeed la siinayo Itoobiya. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo kamid ah wafdiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa sheegay in marin badeed aysan aheyn wax ka baxsan ganacsi, isaggoo xaqiijiyay in ay macquul tahay in Itoobiya ganacsi ahaan usoo gaarto baddeena. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aanay Soomaaliya ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madax-baannida iyo qaranimada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diidaneyn Soomaaliya in ganacsi ahaan looga faa’iideysto badda. “Dabcan taasi waxay ka dhigan tahay sida xeerarka Qaramada Midoobay ee ‘UKLAS’ dhigayo, wamada aan badda lahayn iyo wadamada dariska la ah ee baddaha leh in ay heshiisyo la galaan oo ay markaasi helaan marin baddeed,” ayuu yiri wasiir Daa’uud oo la hadlay BBC. Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Marin baddeed macnaheedu maha wax ka baxsan ganacsi.” Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wejiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka, kaas oo kasoo hormaray waqtigii loo ballansanaa. “Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii (Fidan) uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay muhiin inay tahay in wajiga labaad uu deg-deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay,” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale wuxuu dowladda Turkiga uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixineyso arrintaan, “Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahadcelinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey.” The post Soomaaliya oo ka jawaabtay arrin shaki badan dhalisay oo la xiriirta Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah. Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta. Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka. Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan ciidamadan cusub ee nabad ilaalinta ah. Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka. Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka. Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka. Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka. Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka. Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka. Si kastaba ha ahaatee, “Danta ugu weyn ee Masar ay ka leedahay gelitaanka Soomaaliya waa dan juquraafiyadeed. Waxay noqon karaa xoojinta Qaahira ee muujinteeda garab istaaga Soomaaliya mid lagu tilmaani karo,” ayuu yiri, isaga oo soo qaatay xiisadda Qaahira kala dhexeysa Addis Ababa ee ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka. Marka laga soo tago khilaafka kala dhexeeya Itoobiya, arrimaha ammaanka ee marinka ganacsiga badda cas oo carqalad kala kulmaya fallaagada Xuutiyiinta, waa sabab kale e oo Masar ku ah culays saaran. Marka la eego xaqiiqda ah in Masar ay dhaqaale badan ka hesho marinka kanaalka Suweys ee isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda cas, sugidda amniga badda cas waa arrin u taal Qaahira. The post Sababta ka dambeysa in MASAR ay xilligaan timaado SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Boqolaal gaadiidka dab-damis ah oo ay taageerayaan daraasiin diyaarado ah oo biyaha daadinaya ayaa la dagaallamaya dab weyn oo ka holcaya dhul kaymo ah oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee caasimadda dalka Giriiga. Isbitaallada iyo magaalooyinka ku xeeran Athens, iyo sidoo kale qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, ayaa laga daad gureeyay dadkii subaxnimadii hore ee Isniintii, iyadoo in ka badan toban meelood oo kale lagu amray in la faarujiyo cabsi laga qabo in waxyeellada dabku soo gaarto awgeed. Hoolalka ciyaaraha iyo hoteellada ayaa la diyaarinayaa si loogu martigeliyo dadka la daadgureynayo, ayadoo waaxda dab-damiska ay ka codsatay dadka deegaanka inay u hogg Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa daahfurtay xafiiska Laanta 8-aad oo Hay’addu ku yeelanayso magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ah ee SSC Khaatumo, taas oo loogu adeegi doono dadka ku nool degaanada maamulkaas. Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo xariga ka jaray xarunta laanta 8-aad ayaa hirgelinta xaruntaan uga mahadceliyay Agaasimaha Guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed, isagoo sheegay in dadka reer SSC ay aad ugu baahnaayeen in ay helaan adeegga baasaboor bixinta, isla markaana ay si wanaagsan uga faa’iidaysa doonaan. Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ku nool yihiin loo soo dhaweeyo adeegyada kala duwan ay bixiso hay’addu, si loo yareeyo qarashka iyo safarka dheer ee uga bixi lahaa helitaanka adeegga baasaboorka. Source: goobjoog.com