-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The government of Somalia has strongly condemned the unauthorized shipment of arms and ammunition from Ethiopia into the northern region of Puntland. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation termed this act a “serious violation” of the sovereignty of Somalia and warned of implications for national and regional security. In a strongly worded statement, the government of Somalia revealed that two lorries carrying weapons crossed into Puntland from Ethiopia without prior diplomatic clearance. “This act constitutes a clear violation of the territorial sovereignty of Somalia,” the ministry said on Friday. The incident has set off alarm bells in Mogadishu, which views this as part of a bigger pattern of illegal movement of arms across the border. Recurring violations from Ethiopia On its part, the government of Somalia was angry over the most blatant violation of international law when Ethiopia itself violated it. It mentioned that there were other reports of weapons shipments to other regions in Somalia, particularly in Galmudug, and another cache flown into Baidoa. “This latest incident mirrors previous unauthorized arms shipments from Ethiopia,” the government said. Such repeated activities show utter disregard for the sovereignty of Somalia. These repeated violations have come to shake any element of stability in this already fragile region that bears the presence of a number of armed factions and militant groups. Ethiopia’s actions have raised questions over its commitment to regional stability; such arms smuggling could further inflame tensions in Somalia, a country still recovering from decades of civil war and battling insurgencies such as the Al-Shabaab terrorist group. Appeal for restraint and international intervention In the wake of these violations, Somalia once more calls upon an immediate cessation of unauthorized arms shipments from Ethiopia. The government of Somalia calls upon regional and international partners to join in condemnation; both countries should collaborate with the international community to ensure that peace and stability are maintained in the Horn of Africa. To this end, Somalia has reiterated its commitment to the peaceful resolution of disputes through diplomatic dialogue and cooperation structures. The Federal Republic of Somalia reaffirms its commitment to the resolution of problems through diplomatic dialogue,” it said in a statement from the ministry. It underlined that dialogue and cooperation remained the key tenets of Somalia’s foreign policy, notwithstanding the provocation. Ethiopia-Somalia tensions increased These unauthorized shipments of arms follow heightened tensions between Somalia and Ethiopia, which have made their relations even more difficult. The tensions between the two Horn of Africa states have been critical since January this year when Ethiopia signed a controversial deal over maritime matters with Somaliland, a breakaway region of Somalia not acknowledged by the international community. The MoU signed in March this year will see Ethiopia, a landlocked country, obtain access to the sea after it takes up 20 kilometers of Somaliland coastline for 50 years. This access is designed to be used both for military and commercial purposes, meaning a naval base and a commercial port that is to be built by Ethiopia. To the contrary, Somalia labeled the deal as an attack on its sovereignty. Mogadishu has long argued that Somaliland, declared independent in 1991, has no authority to negotiate such agreements, especially those involving national borders and access to Somali waters. The deal was seen as a violation of Somalia’s territorial integrity and increased the distrust between the two nations. Turkey’s role in mediating in the Horn of Africa As tensions between Somalia and Ethiopia increase, Turkey has stepped in as a mediator, hosting various rounds of discussions in order to ease tensions. Ankara, which has close relations with both Somalia and Ethiopia, launched shuttle diplomacy between the two governments to iron out their differences. Turkey so far has hosted two rounds of talks—one in July and one in August. A third round that was due in September was postponed. Turkish Foreign Minister Hakan Fidan said the decision to postpone them was taken as a lesson from the previous discussions. Instead, Turkey held separate meetings with Somali and Ethiopian officials to bring their positions closer. Fidan sounded optimistic over the chances of resolution of the issue by saying, “I believe we brought the parties closer to a certain degree. Hopefully, we will continue this. I am hopeful.” The Turkish foreign minister is expected to continue trying to mediate between the two nations in finding a diplomatic solution to the growing dispute. The Somaliland-Ethiopia deal and its implications Under the January agreement, Ethiopia stands to gain a strategic foothold on the coast, giving access to international trade routes, something essential for one of the world’s largest landlocked countries. Addis Ababa was attracted to securing access to ports because of the constraints it has acted under since its loss of access to Eritrean ports after the two went to war between 1998 and 2000. Currently, Ethiopia relies on Djibouti for its sea trade. The deal with Ethiopia gives Somaliland its chance to reinforce its bid for reception by the international community. Somaliland’s bid to allow Ethiopia to lease its coastline is a calculated strategy of buying Ethiopian support, as it pursues formal recognition as an independent state. The latter does not, though, overtly declare that it intends to grant any such official recognition, and the situation is delicately poised. The post Somalia condemns Ethiopia over illegal arms shipments appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay aflagaadada baraha bulshada loo marsiiyo qabaa’ilka iyo siyaasiyiinta, kadib khudbad uu maanta ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada Qaranka. Xasan Sheekh ayaa maanta cadeeyey in dowladiisa aan laga difaacin baraha bulshada, isla markaana uusan raali ka aheyn in dadka Soomaaliyeed lasoo aflagaadeeyo. “Walaalayaal hadalada xun hala joojiyo, waxaba ma tarto, waa aduunyo iyo aaqiro beel, nin siyaaasi ah oo dadka ka soo horjeeda aad u aflagaadeyso, waxaba uma tareyso,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in siyaasadda aysan ugu jirin, isla markaana uusan jirin qof uu u wakiishay inuu soo aflagaadeeyo qofkii ka aragti duwan dowladda. “Ma rabno, siyaasad iyo xukun noogama jiro inaad darteen dadka u aflagaadeysaan, qof walaal ah aflagaadadiisa darajo ku gaari meyno, cid aan howshaas u dirsanay ma jirto, hada kadib waxaan rabnaa qofkii horay dadka u caayi jiray inuu joojiyo, kii soo caayi rabayna uu ka waantoobo arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Khudbadda Madaxweynaha waa dheereed, wuxuuna kaga hadlay arrimo badan, balse qeybtaan wuxuu diiradda ku saaray arrin dadka maankiisa ka guuxeysay muddo dheer, dowladii tiisa ka horeysana ay ku soo caana-maashay, waa ‘aflagaadeynta dadka ka soo hor jeeda siyaasadda xukuumadda.’ Kooxaha qabta shaqada uu Madaxweynuhu ka digay waxay xooganaayeen xiligii uu Farmaajo joogay xukunka, waxaana horay loogu bixiyey magaca CBB (Cayayaanka Baraha Bulshada) waxayna si abaabulan u aflagaadeeyaan siyaasiyiinta muujisa in aysan la dhacsaneyn siyaasadda xukuumadda markaas jirta. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed alle uga baryey inuu is jecleysiiyo oo xumaanta ka fogeeyo “dadka Soomaaliyeed isma necba, inta yar ee ku dhex jirtana beerkooda burcad allaha isku mariyo,” ayuu yiri, Xasan Sheekh loogama baran inuu maal-geliyo kooxaha CBB-da loo bixiyey. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka digay shaqada ay qabtaan kooxaha CBB-da ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu dhiiragalinayay ciidamada ammaanka oo lagu qabtay degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir. Masuuliyiintaan oo ciidamada ammaanka ku maray qaar ka mid ah baraha ay ku hubiyaan dadka iyo daadiidka ayaa aad ugu boggaadiyay shaqada culus ee ciidamada qaranka ay u haayaan Shacabka Soomaaliyeed. Masuuliyiinta maanta isugu tagtay Kaxda oo Rooble iyo wasiirka Gaashaandhigga ay ugu horeeyaan ayaa tilmaamay in ciidamada amniga ay har iyo habeenba u taagan sugida amniga Caasimadda, isla markaana ay ku guuleysteen inay amni ku soo dabaalaan Muqdisho. “Socdaalkeena degmada Kaxda waxa uu cadeyn u yahay in Muqdisho amni tahay, qof walbana meesha uu rabo uu tagi karo, ku dalxiisa dalkiina oo taga daafaha magaalada, soo dega degmooyinka quruxda badan, kuna dhiirigeliya ciidamada qaranka shaqadaan quruxda badan ee naftooda ay u hureen,” ayuu yiri R/wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale masuuliyiintaan waxaa kamid ahaa Wasiirka gaashanadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqo culus ka heyso sugidda amniga qaranka, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray qorshihii lagu nabadeyn lahaa guud ahaan dalka. “Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waa nabad, dhawaana dalka oo dhan ayaa la isku furayaa, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in qof kasta oo muwaadina, meel kasta oo uu joogo uu helo amni uu ku noolaado, waana gaari doonaa,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Muqdisho ay amnigaan ku heshay qorshaha dowladda iyo dadaalka ciidamada qaranka oo fogeeyey, siina eryanaya duurka fog kooxihii Khawaarijta ahaa ee dadka dhibaatey jiray. “In dalkaan aan amni ku soo dabaalno waxaan ku gaari doonaa inaan dhiig badan u shubno, shacabka Soomaaliyeed-na ay nagu garab istaagaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Jaamac. Hoos ka daawo The post Daawo: Rooble oo si cajiib ah uga hadlay amniga Muqdisho, fariina u diray shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbadiisii Jimcaha, isagoo ka hadlay muhiimada ay leedahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed hadii ay midoobaan aysan jirin cid soo farogeli karta arrimaheeda gudaha, soona damaaci karta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah, kaasi oo la mamcuunay in laga ganacsado, laguna heysto gudaha caasimadda Muqdisho. “Hub in laga ganacsado waa sharci darro cid laga yeelayo ma jirto, waxaad rabto ahaaw, yaan lagu keydin gurigaaga, dowladda waa kula dagaalami doontaa, gurigaaga ayaa saq dhexe laguugu soo dhici doonaa, yaan lagu sirmin arrintaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay waaran u soo jara doonaan gurigii ay ogaadaan in hub lagu keydiyo, kadibna ay saq dhexe u daada doonaan, “sharaf malihid hadii gurigaaga hub sharci darro ah lagu keydiyo, waana iska kaa qabaneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada hubka, “dad badan ayaa xiran qaarna waa lagu daba joogaa, waxaan u digeynaa dadka hubka isugu dhiiba beelaha, xumaanta aan joojino oo nabadda kaalmeyno walaalayaal,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin wadan barwaaqo ah, “walaalayaal caqligu hadiin soo noqdo, u noolaada sida looga noolyahay aduunyada, dalkaan deganaasho ayuu u baahan yahay, dunida ayaa naga yaaban,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay ciqaabta uu mudanayo qofkii lagu qabto hub sharci darro ah appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay shixnadda hubka iyo saannada dowladda Puntland ka soo iibsatay Itoobiya. “Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan u aragtaa mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.” “Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub-sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. “Tallaabadan ayaa keentay shaki weyn oo laga qabo sida ay Itoobiya ugu hoggaansameyso sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonidaradda Gobolka.” “Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.” “Soomaaliya waxa ay ka dalbaneysaa Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Hubkii iyo Saanaddii ciidan ee Puntland ka soo iibsatay Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ka soo saartay hub si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka, kaasi oo laga keenay dalka Itoobiya, isla markaana la geeyey deegaanada Puntland. Warkaan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga walwalsan tahay ‘shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci darro ah ugu dirtay’ gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya, lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka DF. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay u aragto mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka. Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya. “Tallaabadan ayaa keentay shaki weyn oo laga qabo sida ay Itoobiya ugu hoggaansameyso sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonidaradda Gobolka,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo horay looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya. “Shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa jira,” ayaa lagu yiri warka dowladda federaalka Soomaaliya. Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya. “Soomaaliya waxa ay ka dalbaneysaa Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.” Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa bayaankaan ku tiri, “Waxaan ugu baaqeynaa saaxiibbada Gobolka iyo kuwa caalamiga ahba inay cambaareeyaan xadgudubkan, islamarkaana ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.” Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli sii adkeysaneyso go’aankeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan iskaashiga nabadda, oo ku dhisan ixtiraamka xeerarka caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalalka oo dhan. The post DF Soomaaliya oo war kulul kasoo saartay hub Itoobiya ay soo gelisay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa shixnadaha hubka iyo saanadda sida sharci darrada ah looga soo daabulayo dhulka Itoobiya ee la geynayo deegaannada Puntland ee Soomaaliya. Tallaabadani waxay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna keenaysaa saamayn amni oo heer qaran iyo heer gobol ah. Cadeymo la diiwaan geliyay ayaa xaqiijinaya imaatinka labo baabuur oo hub ka soo qaaday Itoobiya kuna soo jeeday Puntland, kuwaas oo lagu fuliyay fal diblomaasiyadeed ama fasax, taasoo muujineysa in si cad loogu xadgudbay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay sida ay Itoobiya ugu hoggaansanto shuruucda caalamiga ah iyo sida ay ugu heelan tahay xasilloonida gobolka. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka tarjumeysa shixnad hub ah oo horay uga imaan jirtay Itoobiya, iyadoo la sheegayo in hub si lamid ah loo daabulay deegaanada Galmudug iyo keyd kale oo diyaarad lagu soo galiyay Baydhabo. Soomaaliya waxay dalbanaysaa in si degdeg ah loo joojiyo xadgudubyadaas, maadaama ay khatar gelinayaan nabadda Geeska Afrika oo dhan. Waxaan ugu baaqaynaa saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay cambaareeyaan xadgudubkan ayna xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
-
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi cirro ‘ Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Maxamed Cali Aw Cabdi Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi xaji Cali Xasan Oo Ay Weheliyaan Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Cabdirashiid Cabdi Jaamac iyo Xoghayaha Horumarinta Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax Ayaa Kulan la Yeeshay , Hogaanka dhaqanka Beelaha Madaxyoweyn (Gedabuursi) oo ka mid ah Aas-Aasayaasha xisbiga WADDANI Kulankaas Lagaga Hadlayey U diyaargarowga Doorashooyinka Iyo isbadalka waddani Looga Qaybqaadan Lahaa Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya kulamo albaabada u xiran yihiin oo labadii cisho ee u dambeeyay magaalada Baydhabo uga socday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya General Mahad Cabdiraxmaan (Shub). Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ku sugan Baydhabo, kulamadan ayaa heshiis hordhac ah looga gaaray khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo maalmihii dambe cirka isku shareeray. Taliya Shub iyo Lafta-gareen oo laba maalmood oo xiriirka ah wada-hadallo kulahaa Baydhabo ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen. Sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyada nala hadlay waxaa lagu heshiiyay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu tago magaalada Muqdisho, uuna ka qeyb-galo shirka madasha ee la filayo inuu caasimada ka dhaco daba-yaaqada bishaan. Sidoo kale waxaa kulamadii u dambeeyay ee xal u helista khilaafka lagu gaaray in xiisadda iyo hadallada xanafta leh la dejiyo, islamarkaana wixii dhiman Muqdisho lagu dhameeyo, oo ay halkaas isku hor fariistaan madaxweyne Xasan iyo Cabdicasiis Lafta-gareen. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiskan hordhaca ah sida ay xogta sheegayso in duullimaadyada iyo isu socodka Koonfur Galbeed gudaheeda iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan marnaba la carqaladayn. Jeneraal Mahad oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Lafta-gareen ayaa intii uusan Baydhabo tegin magaalada Muqdisho wada-hadal kula soo yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh oo asagu u diray Baydhabo. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu Lafta-gareen u imaan lahaa Muqdisho, si xiisadda taagan uga gaaro xal dhabaha u xaari kata inuu meel marsado shuruucda qabyada ka ah ee doorashada qof iyo cod ah. The post Xog: Heshiis hordhac ah oo laga gaaray khilaafka DF iyo maamulka Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Turkiga oo isku deyaya inuu xal u helo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono dadaallada wada-heshiisiineed ee uu ka dhex wado labada dal. Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay wejigii saddexaad ee wadahadallo gooni gooni ah la yeelato madaxda dalkaas si loo qaboojiyo xiisadda Geeska Afrika ee ka dhalatay heshiiskii ay la gashay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland. Waxaa la xusuustaa in Turkiga oo xiriir dhow la leh Itoobiya iyo Soomaaliya uu Soomaaliya la gaadhay heshiis ah in laga wada shaqeeyo dhinacyo badan oo ay ka mid tahay iskaashiga milateri. Sidoo kale, waxaa la og yahay in Turkiga uu Itoobiya la leeyahay iskaashi dhaqaale iyo mid ciidan oo sanado soo jirey. Dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay heshiiskii Addis Ababa lagu saxiixay, kaasoo lagu doonayay in Itoobiya ay hesho bad ay isticmaasho halka Somaliland oo ay heshiiskaas wada galeenna ka faa’iidaysay ‘aqoonsi. Soomaaliya ayaa waqtigaas Itoobiya ku eedaysay inay ku xadgudbaynayso madax-banaanideeda, sabab la xidhiidha heshiisyadii is-afgaradka ahaa ee ay dhinacyadaasi saxiixeen. Waxaana ay isku dayday inay cadaadis ku saarto Itoobiya ka noqoshada arrintaas, iyada oo heshiisyo iskaashi la saxiixatay dalal kala duwan oo ay ku jirto Masar oo ay Itoobiya isku haystaan biyaha webiga Niil. Turkiga ayaa dhowaan isku dayay inuu xal u helo xiisadda labada dal, isagoo madaxda labada dal kula hadlay magaalada Ankara, si loo dajiyo xiisadda u dhaxeysa labada dal. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayey in wareeg kale oo wada-hadal ah la isugu yimaado, maadaama aan la gaadhin natiijada laga filayey wada-hadalladaas. Labadii wadahadal ee aan tooska ahayn ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo hore u dhex maray wasiirradooda arrimaha dibadda, ay mar kale la shaaciyey Talaadadii in laga shaqeeyo in wejigii saddexaad ee wada-hadalladaas fool ka foolka ah la filayo inay sii socdaan. Dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay heshiiskii Addis Ababa lagu saxiixay, kaasoo lagu doonayay in Itoobiya ay hesho bad ay isticmaasho halka Somaliland oo ay heshiiskaas wada galeenna ka faa’iidaysay ‘aqoonsi. Soomaaliya ayaa waqtigaas Itoobiya ku eedaysay inay ku xadgudbaynayso madax-banaanideeda, sabab la xidhiidha heshiisyadii is-afgaradka ahaa ee ay dhinacyadaasi saxiixeen. Waxaana ay isku dayday inay cadaadis ku saarto Itoobiya ka noqoshada arrintaas, iyada oo heshiisyo iskaashi la saxiixatay dalal kala duwan oo ay ku jirto Masar oo ay Itoobiya isku haystaan biyaha webiga Niil. Turkiga ayaa dhowaan isku dayay inuu xal u helo xiisadda labada dal, isagoo madaxda labada dal kula hadlay magaalada Ankara, si loo dajiyo xiisadda u dhaxeysa labada dal. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayey in wareeg kale oo wada-hadal ah la isugu yimaado, maadaama aan la gaadhin natiijada laga filayey wada-hadalladaas. Labadii wadahadal ee aan tooska ahayn ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo hore u dhex maray wasiirradooda arrimaha dibadda, ay mar kale la shaaciyey Talaadadii in laga shaqeeyo in wejigii saddexaad ee wada-hadalladaas fool ka foolka ah la filayo inay sii socdaan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo isku dayaya in la isu soo dhaweeyo labada dal ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Turkiga uu sii wadi doono dadaalka uu ugu jiro isku soo dhaweynta Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa uu intaa ku daray in intii ay socotay khudbadda Ankara ay labada dal u suurtagashay inay isku soo “dhawaadaan qodobbo gaar ah”, waxa uuna sheegay inay rajeynayaan in xal loo helo dhibaatada jirta. Sidaa darteed, waxa uu yidhi: “Intii la iskugu keeni lahayn labada dhinac ee halkan [Turkiga], waxa aanu ka shaqaynaynaa ka hor is araggooda in la helo meel dhexe oo ay isugu iman karaan, kaddina la isugu keeno Turkiga iyaga oo wax la isla oggol” Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sida oo kale tilmaamay in Turkiga uu go’aan ku gaadhay in arrintan si gaar ah loo maareeyo, isaga oo ka duulaya “Waayo aragnimada” laga helay labadii wareeg ee hore ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaana hore loo xasuustaa in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in wareeggii labaad ee wada-hadallada ay natiijo la’aan ku dhammaadeen, iyado oo ay sabab u tahay Itoobiya oo aan doonayn inay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya. Madaxweynaha iyo madaxda sare ee Soomaaliya ayaa inta badan laga maqlaa iyagoo sheegaya in heshiis la geli doono marka ay Itoobiya diiddo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland. Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland oo la sheegay in la dhaqan-gelinayo muddo bil gudaheed ah oo ay saxiixeen, isla markaana aan faahfaahintiisa la shaacin, ayaa hadda galaya bishii 9-aad, iyada oo aan weli la gaadhin dhaqan-gelintiisa. Bbcsomali Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan qorsheynaya inay qalinka ku duugaan heshiis cusub oo muhiim ah. Heshiiskan oo ah dhanka Kalluumeysiga ayaa xilligaan waxa uu maraya heer geba-gebo ah, iyada oo dhawaana ay qalinka ku duugi doonaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle. Safiirka ayaa sheegay mar uu la kulmay wasiirka dhaqaalaha buluugga iyo macdanta ee Kenya in haddii labada dal ay mideeyan awoodooda ay abuuri karto fursado badan oo bulshada labada dal faa’iido weyn u leh. Wasiirka Kenya ayaa dhankiisa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la is-weydaarsado fikradaha iyo waaya-aragnimada Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee gobolka, si looga faa’iideysto awoodda dowladaha deriska. Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa qorsheynaya inay horumariyaan xiriirkooda iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga iyo macdanta Labada dal oo haatan xubin ka ah urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa raba inay xiriirkooda derisnimo uga faa’iideystaan sare u qaadista iskashiga dhanka dhaqaalaha oo dan u ah bulshada labada dal iyo kan gobolka. Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah, iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiim ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada. The post Xog: Muxuu yahay heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka shaqeynayaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, khudbaddiisii Jimcaha, wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo iskaashiga bulshada si loo ilaaliyo qarannimada. Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimadu tahay aasaaska nabadda iyo horumarka dalka. Waxa uu ka digay khataraha ka imanaya cadowga shisheeye, kuwaas oo mararka qaar isku dayaya in ay kala qoqobaan ummadda, taasoo keeni karta fowdo iyo burbur. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu adkeeyay fulinta go’aannada xukuumadda ee la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah. Wuxuu caddeeyay in hub sharci-darro ah uu khatar weyn ku yahay amniga shacabka iyo xasiloonida dalka, isla markaana la dagaallanka arrintan uu yahay talaabo muhiim ah. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan ilaalinta amniga, islamarkaana ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa dalka. Waxa uu sidoo kale ku adkeeyay in la xoojiyo wadajirka, si loo dhiso mustaqbal ka wanaagsan. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya saxiix ay qeyb ka aheyd Soomaaliya iyo dalalka kale. Saxiixan oo ahaa midka qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034 ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiiradda dalxiiska ee urur-gboleedka IGAD, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Waxaa xusid mudan in wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya uu ka baaqday shirkan, taas bedelkeedana uu saxiixan u wakiishay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika iyo dalka Itoobiya Cabdullaahi Warfaa. Danjire Warfaa oo ka wakiil ahaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Soomaaliya u saxiixay qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034, kaas oo ay qalinka ku duugeen wasiirada dalxiiska ee dalalka ku bahoobay IGAD. Arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dartay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii ay Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, iyadoo caddeysay halka ay ka taagan tahay difaaca dhulkeeda, haddii ay Itoobiya ka laaban weydo is-afgaradkan sharci darrada ah. Waxaa sidoo kale fashilmay wada-hadallo uu laba jeer Turkiga u qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, halka uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka dhex-dhexaadinta labada dal, kaasi oo la filayay in uu ka furmo magaalada Ankara. Si kastaba, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa maalmihii dambe hawada isku marinayay hadallo xanaf leh, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in haatan ay xiisadda kasii darto. The post Maxaad ka ogtahay saxiixa ay qeybta ka tahay Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa? appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa qorshe cusub oo ay ku wajaheyso wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo xiisadda ka dhex aloosan labada dal tan iyo horraantii sanadkaan. Turkiga ayaa qorsheynaya inuu si kala gaar ah ula kulmo madaxda Soomaalida iyo Itoobiya, kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada labada dal oo qorshuhu ahaa in Talaadaddii lasoo dhafay ay ka furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa xaqiijiyay qorshahaan, isaggoo sheegay in Turkiga uu dadaal ku bixinayo sidii uu labada dhinac isugu soo jiidi lahaa, kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah. Wasiirka ayaa sidoo kale markaas muujiyay rejo wanaag in dhinacyada ay xal gaaran, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, taasna ay dhabaha u xaari doonto xal u helista xiisadda taagan. “Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah, kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen, waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Wasiir Fidan. Turkiga ayaa illaa hadda marti-geliyay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirkooda. Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso. The post Turkiga oo bilaabaya qorshe cusub kadib fashilka wada-hadalka Somalia iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya hub fara badan oo kasoo gudbay xadka Itoobiya, kaasi oo xalay ay isku dayeen dad shacab ah inay boobaan sidii kal horey uga dhacday dalka. Hubkan oo qeyb ka tahay saanad ciidan ayaa la sheegay inuu maamulka Puntland kasoo iibsaday Itoobiya, ayaa waxaa saaka si nabad ah kusoo gudbiyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka. Ciidamada Puntland dheeriga ayaa gurmaday kadib markii maleeshiyaad hubaysan ay xalay isku dayeen in ay furtaan hubkaasi oo marayay degmada Bookh ee gobolka Doollo, balse ay ka difaaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowlad deegaanka Soomaalida. Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaadka hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii hubka saarna ee u siday dhinaca Puntland. Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka DDS, kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada dowladda Puntland oo soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay. Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe kordhisay hubka dhankeeda ka soo gudbaya ee soo galaya gudaha Soomaaliya, xilli ay labada dal ka dhaxeyso xiisad xooggan oo salka ku haysa is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday Muuse Biixi. Horay waxaa loo ogaa in deegaanno ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug ay hub sidan oo uga soo gudbay xadka Itoobiya lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaas oo halis hor leh abuuray. Si kastaba, weli majirto war kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu masuul ka ah dalka iyo dowlad-goboleedka Puntland oo la sheegay in hubkaan uu kasoo iibsaday dowladda Itoobiya. The post Hub ka soo gudbay xadka Itoobiya oo ku sigtay in la bililiqeysto + Cidda iibsatay appeared first on Caasimada Online.
-
Gabar da’adeedu ahayd ilaa afar sano jir oo lagu magacaabo Mustaqiim Axmed iyo hooyadeed Muna Jaamac oo Soomali ah ayaa ku naf-waayay webi ku yaala magaalada Paris ee caasimadda dalka Fransiiska. Gabadha yar ayaa la sheegay in markii hore ku dhacday webiga, taas oo keentay in hooyadu isku daydo inay soo badbaadiso inanteedi balse nasiib darro ay iyaduna biyuhu qaadeen sidaasina ay labadooduba ku geeriyoodeen. Axmed Ismaaciil Aadan oo webiga ku waayay xaaskiisa iyo gabadhiisa oo BBC-da u warramay ayaa dhacdadan xannuunka leh ku tilmaamay “qadar ku dhacday”. Webigan oo aan ahayn mid xiran ayaa la sheegay inay khatartiisu badantahay, wuxuun ku yaalaa aag ay carruurta ku ciyaaraan sida uu sheegay aabaha. Waxaa uu intaa ku daray inuu waddanka Fransiiska kula noolaa muddo afar sano. Gabadha iyo hooyadeed ayaa la arkay iyagoo biyaha dul sabeynaya. Faahfaahin la xirriirta sheekadan: Gabar iyo hooyadeed oo Soomaali ah oo ku qarqoomay webi Faransiiska ku yaalla Bbcsomali Qaran News
-
Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah. Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah. Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara. “Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xidhiidh mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yidhi Fidan. Waxa uu sidoo kale sheegay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada. Turkey ayaa illaa hadda marti-gelisay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xidhiidhkooda. Wareeggii saddexaad ee wada-hadalalda oo la qorsheeyey in uu Ankara ka dhaco salaasadii ayaa la baajiyey. Xidhiidhka labada dal ayaa aad u xummaaday bishii January, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay kaga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, kagana beddelato inay aqoonsaneyso. Muqdisho ayaa heshiiska ku tilmaamtay sharci-darro, waxayna kaga aargudatay inay caydhisay safiirkii Itoobiya kuna hanjabtay in ay dalka ka saareyso kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, oo gacan ka gaysta la-dagaalanka Al-Shabaab. Kadib labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay ayada oo ay hawada isu mariyeen hadallo kulkul. Source
-
Israa’iil ayaa duqeymo ballaadhan oo xaga cirka ah ka fulisay koonfurta waddanka Lubnaan, iyagoo bartilmaameedsaday saldhigyada kooxda ay Iiraan taageerto ee Xisbullah. Millateriga ayaa sheegay in diyaarahooda dagaal ay duqeeyeen in ka badan boqol xarumood oo laga gano gantaallada urrurka xisbullah laguna keydiyo hubka qaar. Tani ayaa imaaneysa iyadoo wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant uu sheegay in ay ku jiraan “bilowga dagaal cusub”. Hogaamiyaha Xisbullah, Xassan Nasrullah, ayaa wacad ku maray ciqaab adag kadib markii in ka badan 30 qof ay dhinteen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo mar qura ka dhacay dalka Lubnaan. Source
-
Wefti Komishanka Doorashooyinka qaranka ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada ayaa waxay safar shaqo ku tageen Degmada Caynabo. Ujeedada safarka masuuliyiinta Komishanka doorashiooyinka Qaranka ayaa ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka JSL, taasi oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka ay diyaarinteeda gacanta ku hayaan Komishanku. Geesta kale weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay kulamo la yeesheen Guddida Amniga ee Gobolka Saraar oo uu hormuud u yahay Badhasaabka Ku-Xigeenak Gobolka Saraar iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, halkaasi oo ay ka wada xaajoodeen adkaynta amniga iyo sidii loo sugu lahaa nabadgelyadda ddorashada iyo goobaha laga codaynayo. Dhinaca kale Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa safar ugu baxay gobolka Awdal, kaasi oo ay hogaaminayaan gudoomiye Ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Ibraahim Macalin Aadan oo ay wehilayaan xubnaha guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada waxay safar shaqo ku tageen gobolka Awdal Selel Ujeedka safarka ayaa sidoo kale ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka JSL. Weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay kulamo la yeesheen guddida amniga gobolka Awdal oo uu hogaaminayo Badhasaabka gobalka Awdal iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, halkaasi oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amniga iyo ilaalinta goobaha codbixinta, waxaana la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto sidii loo sugi lahaa xaaladda guud ee amniga dalka xiliga lagu jiro u diyaar garawga doorashooyinka dalka ka qabsoomay 13 november 2024. Source
-
Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa markale taageero xooggan u muujiyay Soomaaliya oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya. Mareykanka iyo Masar ayaa xaqiijiyay taageerada madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka horyimid heshiiska taariikhiga ah ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya. “Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xad-gudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yidhi qeyb kamid ah shir jaraa’id oo si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken. Dowladsa Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhowaaqday in ayna aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, iyadoo ku baaqday in xal diblomaasi laga gaadho xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho. Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda. Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed. “Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Waxa uu intaas kusii daray “Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.” Arrimahan ayaa imanaya xilli ay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara. Si rasmi ah loma ogga sababta shirkaasi oo Turkiga dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallan-qeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay. Sidoo kale Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in xiisadda kasii darto. Source
-
Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa sheegay Arbacadi sheegay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaadho dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah. Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden salaasadii u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan. Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa Arbacadi sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka. Waxaa isna saaka oo Khamiis ah bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Hase yeeshee, labadan nin ayaa midbo midka kale ku eedeeyay guuldarrada soo afjaidda dagaalka lagu hoobtay ee Sudan, kaas oo tan iyo bishi April ee sannadki 2023-ki ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa salaasadii ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u wadahadlaan si loo soo afjaro dagaalka sokeeye. Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac in ay galeen dambiyo dagaal, waxaana uu cunaqabateyn saaray 16 qof iyo hay’ado ku lug leh dagaalka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu indhaha ku hayo dagaalka isla markaana ay suuragal tahay in uu soo rogo cuna-qabateyn dheeraad ah. Source
-
Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku eedeeyay Israa’iil inay “jebinayso” heshiiska caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta, isagoo sheegay in ficillada millatari ee Gaza ay ku yeesheen “masiibo” iyaga oo ka mid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee taariikhda dhow. In ka badan 41,000 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday ololaheeda millatari ee ay kaga jawaabayso weerarrada xudduudaha ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar halkaas oo 1,200 lagu dilay 250 kalena ay qafaasheen. Maamulka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay horaantii todobaadkan in 11,355 ka mid ah dadka lagu dilay Gaza ay yihiin caruur, taas oo ku saleysan kaliya dhimashada si buuxda loo diiwaangeliyay. “Dhimashada naxdinta leh ee carruurtu waa mid taariikh ahaan gaar ah. Tani waa meel aad u madow taariikhda,” Bragi Gudbrandsson, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga, ayaa u sheegay warfidiyeenka. “Uma maleynayo inaan horay u aragnay, xadgudub aad u weyn, sida aan ku aragnay Gaza. Kuwani waa xadgudubyo aad u xun oo aan inta badan arag,” ayuu yidhi. Weftiga Israa’iil ayaa horraantii bishan dhegaysiyo isdaba joog ah oo Qaramada Midoobay ku yeeshay ku dooday in aanu heshiiskaasi ka khusayn Gaza iyo Daanta Galbeed, waxaanay sheegeen in ay ka go’an tahay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Waxa ay sheegtay in ololaha ay ka wado Qaza uu yahay mid lagu ciribtirayo maamulka Falastiiniyiinta ee Xamaas, isla markaana aysan bartilmaameedsanin dadka rayidka ah, balse ay mintidiintu ku dhex dhuuntaan, taas oo Xamaas ay beenisay. Source
-
Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacaawday dalka Mareykanka Daahir Xasan Carab. Danjiraha Soomaaliya ee Washington Daahir Xasan Carab ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay adkeynta xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Danjire Daahir Carab ayaa sidoo kale sheegay inuu uga mahad celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada amaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta. “Madaxweyne Biden wuxuu balanqaaday in mar walba ay garan taagan yihiin Soomaaliya, ayna ka caawinayaan dhinacyada nabada, horumarka, dib u dhiska iyo dowlad wanaaga” ayuu yidhi Danjire Daahir Xasan Carab. Source