Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Salaadadii, Iran ayaa boqolaal gantaallo ku ridday Israa’iil, qayb ka mid ah gantaalladaasna waxay ahaayeen kuwa guuxooda ka dheereeya ee hypersonic ga loo yaqaano kuwaas oo ka gudbay nidaamka difaaca ee Iron Dome iyadoo ay Iran sheegtay inay ku dhaceen bartilmaameedyadoodii Haddaba, waa maxay gantaallada hypersonic loo yaqaano ee guuxooda ka dheereeya? Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Gantaallada Guuxooda ka dheereeya Yaa haysta? Maxay tahay awoodda nooca Iran ay riday, maxayse uga dhigan tahay gobolka bariga dhexe? Gantaallada guuxooda ka dheereeya waa hub awood u leh inuu ku socdo xawaare gaadha ugu yaraan Mach 5, taasoo ka dhigan shan jibaar xawaaraha codka. Wuxuu ilbiriqsigii jari karaa 1.7km, ama 6,174km saacaddii. Gantaallada qaar ee ballistic ah durba ayay gaaraan xawaare noocan ah, laakiin hubkan cusub wuxuu kaga duwan yahay in uu qaadi karo waddo aan la saadaalin karin ama aan toosneyn marka la rido. Xayeysiin Taas oo ka dhigaysa mid ay adagtahay in lagu ogaado nidaamyada radar-ka iyo in lagu burburiyo hanaanka difaacyada. Dalal badan ayaa wada horumarinta hubkan iyaga oo rajaynaya inay ku helaan awood millatari, laakiin caqabado ayaa ka haysta weli. Mid ka mid ah caqabadahaas waa kala duwanaanshaha heerkul ee ku yimaada marka gantaal la rido oo uu ka baxo oogada sare ee deedna kusoo laabanayo taasoo dhalisa heer kul aad u sarreeya, taas oo dhalinaysa in qaybo gantaalka ah inay aad u kululaadaan kadibna ay adkaato in ay gaaraan fariimaha hagitaanka. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga. Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga, iyadoo Moscow la rumeysanaa inay dagaalka Ukraine horey ugu tijaabisay, iminkana waxaa soo raacday Iiraan oo 1-dii October ku riday Tel Aviv. Mareykanka sidoo kale wuxuu tijaabiyay gantaalladan xawaaraha sare leh laakiin wuu ka gaabiyay heerka ay ka gaareen dalalkan kale. Gantaalka Iran muxuu kaga duwan yahay kuwa kale? Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Mas’uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faatix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah. Bishii November ee 2023 ayay ahayd markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ahaa ee Iran ku dhawaaqeen inuu haysto gantaal hypersonic ah oo ay u bixiyeen magaca Faatix oo micnahiisu yahay furasho. Iran waxay sheegtay in gantaalkan uu wax ka beegsan karo ilaa masaafo gaadha 1,400 kiilomitir sidoo kale uu ku socon karo xawaare sare oo gaadha ilaa Mach 15 oo 5 km ilbiriqsigii kahor inta uusan ku dhicin bartilmaameedkiisa. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu leeyahay dhuun labaad oo loo dhaqaajin karo in loo adeegsado sidii kiciye kale oo u ogolaanaya inuu sii kordhiyo xawaarihiisa, taasoo saraakiisha sare ee Iran ay ku doodayaan in aysan jirin nidaam difaac oo dunida ilaa hadda la jaanqaadi kara. Mas’uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faarix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah. Waxay iska beeniyeen shakigii reer Galbeedka ee ku aaddanaa in aysan Iran sameysan karin gantaallada xawaaraha sare leh ee guuxooda ka dheereeya, Mareykanka waxaa welwelka usii dheer tiknoolojiyadda gantaalkan cususb ay burburinayso suuqiisa bariga dhexe ee hubka maadaama gobolku sameysano hub casri ah. Bbcsomali Qaran News
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/VID-20241003-WA0019.mp4 Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo Puntland aysan ku jirin ayaa maalinkii labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana miiska saaran qodobo xasaasi ah oo ku saabsan masiirka dalka. Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi oo shirkan faahfaahin kooban ka siiyey warbaahinta ayaa sheegay in maanta madaxdu ka doodeen qodobada hortabinta u leh dowlad-dhiska, la-dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyeynta iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya. ”Maanta waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixino la xiriira xaaladaha nabadgelyo, iyo horumarka ee guud ahaan dalka,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi. Madaxda ka soo qayb gashay kulanka ayaa aragtiyo kala duwan ka leh arrinta doorashooyinka oo ah tan ugu xiisaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay sugayaan go’aanka ay ka gaari doonaan xubnaha ku mideysan Golaha Wadatashiga Qaranka. Laba qodob oo midba kan kale ay dhici karto inuu ku xiran yahay ayaa laga yaabaa in shirka ay ka soo baxaan, waana muddo kororsi ama jadwal doorasho oo dhow. Ugu yaraan seddex ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa ayaa bisha soo soocota ee November waxaa lagu wadaa in ay ka dhamaato mudada xil-haynta, waxaana adkaanaysa in wakhti kale loogu daro, maadaama ay horay u sameysteen muddo kororsi, siyaabo kala duwan loo farsameystay. Arrintaas waxaa aad uga qayliyey qaar ka mid ah mucaaradka oo haddiiba ay dhacdo u arka in lagu tumanayo nidaamka dimuqaraadiyadda, sidoo kale mucaaradka ayaa qaba tuhun badan, iyagoo ka shakisan in xitaa madaxda dowladda federaalka ay damacsan yihiin muddo kororsi. Caasimada Online waxay heysa xogta in madaxda dowlad goboleedyada qaar ay doonayaan inay doorasho qabsadaan, balse dowladda federaalka ayaa kula dhegan, maadaama ay qorsheysatay inay hoggaamiso doorashooyinka dalka iyo nooca ay noqonayaan ama u dhacayaan, taasi oo hadda ka mid ah qodobada laga tashanayo. Mucaaradka ayaa ka sii digay in lagu fekero muddo kororsi, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa xalay golaha ugu baaqay in aysan qaadin wadada halista badan ee muddo kororsiga, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in dhamaan dowlad goboleedyada laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha 11-aad 2025, taas oo hadii ay dhacdo ka dhigan muddo kororsi kale oo hal sano ah. The post Qodobada miiska u saaran Golaha Wadatashiga iyo waxa laga filan karo shirkaan appeared first on Caasimada Online.
  4. Washington (Caasimada Online) – Magaalada Washington waxaa todobaadkan ku sugnaa wafdi ka socday dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qeyb galayay shir ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya, waxaana ajendaha ku jirtay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Shirkan waxaa ka qeyb galay kooxda la isku yirahdo QUINT ee Soomaaliya ka caawinaya dhinaca amaanka oo ka kooban Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Soomaaliya ku taageeray go’aanka ay howlgalka ATMIS bedelaya uga reebeyso ciidamada Itoobiya. Wafdiga Soomaaliya shirka uga qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xuseen Macalin Maxamud, oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna shirkaas uga waramay VOA. Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shirkaan uu yahay kii 7-aad, “waxaa na marti qaaday dowladda Mareykanka, shirarkii ka horeeyey waxaa marti geliyey Qatar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxaana diiradda lagu saaray shirkaan amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Xuseen Macalin. Dib u habeynta ciidamada qaranka Soomaaliya, qalabeyntooda iyo taageerada ay u baahan yihiin ayuu sheegay in si weyn la isaga warsaday, “Sidoo kale waxaa la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri. La-taliye Xuseen Macalin ayaa sheegay in ajendaha ay ku jirtay sida laga yeelayo Soomaaliya markii uu dhamaado howlgalka ATMIS, “shirka waxaan ka sheegnay in Soomaaliya aysan ogoleyn in howlgalka bedelaya ATMIS ay ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan,” ayuu yiri. “Dalalka naga taageera dhanka amaanka waa nagu garab istaageen doodeena, waxayna noo sheegeen inay tahay dood xaq ah, waxaana hoosta laga wada xariiqay in xoogga la saaro sidii looga adkaan lahaa Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin. Sidoo kale waxaa la weydiiyey qorshaha Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in labada dalka ay galeen heshiis difaac oo xaq ay u leeyihiin, isagoo baqdinta ay Itoobiya muujisay ku tilmaamay boor isku qarin iyo calaacal aysan Soomaaliya dheg jalaq u sii doonin. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/10/d307b2e8-cdc9-4f1e-b013-66454152e199_16k-2.mp3The post Mareykanka iyo dalal kale oo garab istaagay go’aan ay Soomaaliya ka gaartay ciidamada Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay meesha ka saaray in khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya uu salka ku hayo magacaabista ra’iisul wasaare Xamza ama metelaada kursiga uu ku fadhiyo. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa beeniyay arrintaas, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay uga soo horjeedan in ay tahay siyaasadda iyo aragtida ay ku shaqeynayso dowladda dhexe. “Qof kasta oo yimaada kursiga ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha Soomaaliya, haddii uu ku shaqeynayo aragti ka hor imanaysa danaha Puntland, waanu ka hor iman doonaa, xitaa haddii uu kasoo jeedo Puntland,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in maamulka uu diyaar u yahay la shaqeynta dowladda federaalka haddii ay kusoo laabato “ku shaqeynta dasturkii lagu heshiiyay” sida uu hadalka u dhigay madaxweyne ku-xigeenka Puntland. “Khilaafka waxa uu ka yimid waa ku shaqeynta dastuurka lagu heshiiyay, mar walbana waxay Puntland diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda federaalka haddii lagu laabto dastuurka,” ayuu yiri Lugatoor, oo xoojiyay diidmada Puntland ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu magaalada Muqdisho maalintii labaad ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran oo markii shanaad ay dibad joog ka tahay Puntland. Si kastaba, madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh qaadacay ka qeyb-galka shirka golaha wadatashiga, oo maamulka uu sheegay in aysan ku mateli karin masiirka arrimaha Soomaaliya . The post Puntland oo beenisay arrin loo aaneynayo inuu ka bilowday khilaafka Xasan iyo Deni appeared first on Caasimada Online.
  6. Few parts of the world are more turbulent than the Horn of Africa, the continent’s north-eastern chunk that contains Somalia, Djibouti, Ethiopia and Eritrea. It has been racked by war between Ethiopia and Eritrea, by civil war in Ethiopia, and by war and state collapse due to a prolonged jihadist insurgency in Somalia. Outside powers, particularly those from across the water in the Gulf, vie for the Horn’s loyalties and resources. Source: Hiiraan Online
  7. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u dayactir ballaaran lagu sameeyay. Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeyo Guuto. Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay xaruntaan oo si casri ah loo dayactiray. Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha, isagoo ka xog wareystay injineerada gacanta ku haya dhismahaan kaas haatan maraya heer gabogabo ah. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta guddoomiyey shirkii u horreeyay ee taliska booliska. Shirkan oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaasha hoggaanada, fadhiyada madax-banaan iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-galinta shaqada ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardar-galiyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taliye Asad Diyaano ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Asad ayaa markaas ballan-qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegga bulshada gobolka kasta oo Soomaaliyeed. Taliyaha cusub ayaa sidoo kale markaasi sheegay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka booliska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan. The post Sawirro: Taliye Asad oo iskugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska kadibna faray… appeared first on Caasimada Online.
  9. Garowe (HOL) – Puntland Minister of Information Mohamud Aydid Dirir criticized the ongoing National Consultative Council (NCC) meeting in Mogadishu and the recent appointment of the country's police chief. Source: Hiiraan Online
  10. Doha (Caasimada Online) – Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa meel adag iska taagay xasaradda Bariga Dhexe, taas oo uu ku tilmaamay “xasuuq wadareed”. Amiirka ayaa sheegay in dalkiisu uu mar walba ka digay “la-xisaabtan la’aanta Israel”, oo ayadu hormuud u ah in xiisadda ay kusii fido gobolka. “Si waadax ah ayey u caddahay in waxa dhacaya ay yihiin xasuuq, marka laga soo tago in Marinka Gaza laga dhigay meel aan ku habboonayn in bani’aadamku ku noolaado iyo in loo diyaariyey barakac,” ayuu yiri intii lagu guda jiray Shir Madaxeedka Iskaashiga Wada-hadallada Aasiya ee Doha. Amiirka Qatar ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeymaha cirka ah ee Israel iyo howlgallada militari ee “ka dhanka ah Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Lubnaan”. Israel ayaa si adag u diida eedaymaha ah in ay xasuuq ka gaysaneyso Gaza, halkaas oo ay weerar ku qaaday sanad kahor kadib markii dagaal-yahannada Xamaas ay weerareen magaalooyinka koonfurta Israel, kuna dileen 1,200 oo qof, islamarkaana ku qafaasheen in ka badan 250 la-hayste. In ka badan 41,500 oo reer Gaza ah ayaa lagu dilay weerarka Israel, sida laga soo xigtay maamulka caafimaadka Gaza. Toddobaadkan, Israel waxay gudaha Lubnaan ka bilowday duullaan dhanka dhulka ah oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee ay Iran taageerto, kuwaas oo muddo gantaallo ku ridayey Israel, ayaga oo ku tilmaamay inay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta. The post Amiirka Qatar oo weerar ku qaaday Israel, meel adagna iska taagay xiisadda gobolka appeared first on Caasimada Online.
  11. Markab qaabilsan sahminta dhulka oo laga leeyahay Turkey ayaa la qorsheynayaa in uu xeebaha Soomaaliya soo gaaro dhammaadka October, si uu u billaabo raadinta saliid iyo gaaska dabiiciga, siday maanta ku dhawaaqday dowladda Turkiga. Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda wasaaradda tamarta Turkey oo intaas ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu Turkiga uga qeyb-gali doono Sabtida munaasabad lagu sagootinayo markabka. “Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal,” ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar. Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya. Oruc Reis ayaa waxaa wehlin doona laba markab oo kuwa dagaalka ah, kana caawin doona inuu gaaro xeebaha Soomaaliya, isaga oo sii mari doono badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas. Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah. Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood. PUNTLAND POST The post Turkiga oo bishan October Shidaal Sahmin ka bilaabaya Xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu bishaan October uu booqasho ku tago dalka Jabuuti. Booqashada Abiy ee Jabuuti ayaa qorshaheeda yahay sidii ay labada dal uga wada-hadli lahaayeen yaboohi dhawaan ay Jabuuti u jeedisa ee adeegsiga dekedda Tadjoura. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay telefishanka Al-Jazeera ayaa sheegay in Itoobiya aysan diidaneyn qorshaha ay Jabuuti usoo bandhigtay Itoobiya, isagoo shaaciyay in wafuud ka socota Itoobiya ay booqdeen dalkaasi. Wafdiga Itoobiyaanka ayuu sheegay inay daneynayay wax ka ogaanshaha arimaha dekedda, isaga oo xusay inay ku howlan yihiin sidii loo gaari lahaa heshiis dhamaystiran oo dan u ah labada dal. Tan ayaa imaneysa xilli ay shalay gelinkii dambe labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Jabuuti ay khadka taleefanka ku wada-hadleen, iyagoo isla soo qaaday xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa kale isla soo hadal qaadeen arrimo la xiriira ganacsiga iyo dhaqaalaha, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Jabuuti. Si kastaba, ujeedada ay Jabuuti ugu yaboohday Itoobiya dekedda Tadjoura ayey xukuumadda Geelle ku sheegtay sidii xal loogu heli lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo haatan mareysa meel xasaasi ah. The post Xog: Abiy Axmed oo ku wajahan Jabuuti + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
  13. Safarkii walaaleeye halkan riix si aad u daawatid warbixintani Qaran News
  14. Ankara (Caasimada Online) – Markab qaabilsan sahminta dhulka oo laga leeyahay Turkey ayaa la qorsheynayaa inuu xeebaha Soomaaliya soo gaaro dhammaadka October, si uu u billaabo raadinta saliid iyo gaaska dabiiciga, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqday wasaaradda tamarta Turkey. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar. Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya. Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda, ayada oo intaas ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu Turkiga uga qeyb-gali doono Sabtida munaasabad lagu sagootinayo markabka. “Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal,” ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray. Oruc Reis ayaa waxaa wehlin doona laba markab oo kuwa dagaalka ah, kana caawin doona inuu gaaro xeebaha Soomaaliya, isaga oo sii mari doono badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas. Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah. Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood. Reuters The post DEG DEG: Turkiga oo si rasmi ah u billaabaya baarista shidaalka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  15. Beesha Maxamed Sheekh Isaxaaq – ( 𝐂𝐢𝐦𝐫𝐚𝐚𝐧 ) ayaa habeenkii xalay aheyd magaalada Burco ku qabatay xafladan balaadhan oo ku muujinayaan cududa taageero ee ay u hayaan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI . Xafladan waxaa ka soo qeyb galay dhamaan madax dhaqameedka Beeshan , aqoonyahanka , Dhalinyarada ,Haweenka iyo siyaasiyiinta Beeshan . Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiye Xirsi oo beeshan kala qeyb galay xafladan dhoolatuska ah ayaa uga mahadceliyey beesha Taageerada xad dhaafka ee ay isla barbar taageen xisbiga WADDANI. Qaran News
  16. New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay kulan ka yeeshaan xaaladda guud ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacaya xarunta guud ee golaha oo ku taalla magaalada New York. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono wakiilka KMG ah Xoghayaha Guud, James Swan, ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef oo sidoo kale ah madaxa ATMIS, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horreyaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha siyaasadda ee ka taagan gudaha dalka. Sidoo kale waxaa golaha lala wadaagi doonaan warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isbeddalada dhacay iyo arrimaha kale ee soo kordhay, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu horraantii sanadkan Abiy Axmed uu la galay Somaliland. Golaha ayaa la filayaa in uu soo saaro warbixintiisa ku aaddan xaaladda dalka iyo sidoo kale xiisadda Geeska oo ay ku jirto khilaafka kasii daraya ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli uu haatan sii dhamaanayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) bisha Oktoobar 31, iyada oo James Swan uu kulanka kaga hadlayo xaaladda dalka ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada, howlgalka cusub ee UNCT oo muddo labo sano ah sii socon doona, dib-u-eegista dastuurka iyo habraacyada doorashada. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana taagan xiiad siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblumaasiyadeed oo marba marka ka dambeysa kasii dareysa. The post Golaha ammaanka oo shir xasaasi ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  17. Beledweyne (HOL) – The chief of the Hawadle community, Ugas Yusuf Ugas Hassan Ugas Khalif, has successfully overseen the removal of several illegal checkpoints along the road between Beledweyne and El-gal in the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  18. Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay qaadeen howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolkaas. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Ceeldheer, iyada oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in la wareegeen deegaanka Cali yabaal oo qiyaastii 18 KM u jira degmada Ceeldheer, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in bariga gobolka Galgaduud ay ka xoreeyaan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo sifeyn ah ka waday gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno badan oo hoostaga maamulka Galmudug. The post Ciidanka DF iyo Macawiisleyda oo maanta ku guuleystay qabashada degaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen weerar yoolkiisa la gaadhay oo ka dhacay meel ku dhow badhtamaha caasimadda Lubnaan ee Beirut. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in shan qof la dilay. Israa’iil ayaa soo saartay baaq cusub oo ku saabsan in dadka rayidka ah ay iskaga baxaan qeybo ka mid ah koonfurta Beirut – oo ah aagga ay ku badan tahay Xisbullah, halkaas oo inta badan weerarrada cirka ah lagu beegsado. Goor sii horreysay, warbaahinta Suuriya ayaa sheegtay weerar qorsheysan oo ka dhacay Dimishiq. Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee Israa’iil ku dhufato meel u dhow badhtamaha Beyruut — dhowr mitir uun bar jirta baarlamaanka Lubnaan. Waxaa kaloo dhacay shan duqeyn kale oo xalay lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaal xaafadda koonfureed ee Dahieh. Duqeymahaan ayaana yimid kadib markii Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay sheegeen in sideed askari lagu dilay dagaal ka socda koonfurta Lubnaan, taasoo ah khasaarahii ugu horreeyay ee soo gaara tan iyo markii howlgalada dhulka ee ciidamada Israa’iil ay Lubnaan ka wado uu bilowday, sida ay sheegeen. Xisbullaah ayaa sheegtay inay burburiyeen taankiyada Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka waxayna ku adkeysatay inay haystaan rag iyo hub ku filan si ay dib ugu celceliyaan ciidamada Israa’iil. Ciidamada ayaa ku dhawaaqay in ciidamo infantry ah iyo ciidamo gaadiidka ay ku biireen howlgalka au ku doonayaan inay ku burburiyaan waxa ay ku tilmaameen “kaabayaasha argagixisada” ee tuulooyinka xuduudda Lubnaan. Duqeyntii ugu dambeysay ee xalay, saddex qarax ayaa laga maqlay Dahieh, oo ku yaal xaafadaha koonfureed ee magaalada. Waxaa kale oo jiray laba duqeyn kale oo lagu qaaday Dahieh, taasoo timid ka dib markii IDF ay dadka ku nool agagaarka kaga digtay in ay beegsanayaan waxa ay sheegeen inay yihiin xarumo ay leedahay Xisbullaah. Ka hor intaan la qaadin duqeyntii xalay, wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 46 qof lagu dilay 85 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israa’iil ee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyada oo aan la kala soocin dadka caadiga ah iyo dagaalyahanada. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in rabshadaha ka socda Bariga Dhexe ay tahay in la joojiyo. Mr. Guterres wuxuu si xooggan u cambaareeyay weerarkii gantaallada baaxadda weyn ee Iran ay ku qaaday Israa’iil Talaadadii. Isagoo ka hadlaya kulan degdeg ah oo Golaha ka dhacay, wuxuu mar kale ka digay khatarta dagaal goboleed, isagoo sheegay in dababka ka socda Bariga Dhexe ay isu bedelayaan holac weyn. “Waa waqtigii la joojin lahaa silsiladda xun ee colaadaha is-daba joogga ah ee dadka Bariga Dhexe toos ugu halista aarsi kasta waxay u adeegaysaa marmarsiiyo tan xigta. Mana iska indho-tiri karno ku xadgudubka joogtada ah ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Silsiladdan qaniinyo baa qaniinyo kaa fujisada ah waa in la joojiyaa. Waqtiga ayaana gabaabsi ah.” Danjiraha Israa’iil u fadhiya qaramada Midoobay Danny Danon – wuxuu sheegay in baaqyada la jeedinayo ee ku saabsan in colaadda la dejiyo ay kaliya dhiirrigelisay Iran. Madaxweyne Biden ayaa sheegay inuusan taageersanayn weerar ay Israa’iil ku qaaddo goobaha nuclear-ka ee Iran, taas oo looga jawaabayo weerarradii gantaallaha ee Tehran ku qaaday Israa’iil Talaadadii. Wuxuu sidaas u sheegay wariyeyaasha isaga oo ku sugan Saldhigga Ciidan ee Joint Base Andrews ee Maryland, kahor inta uusan u ambabixin booqashada goobaha ay ku dhufatay Duufaanta Helene. Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka. Madaxweynaha Iran Masoud Pezesh-kiyan – oo booqasho ku jooga Qatar – ayaa sheegay in Tehran ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Tehran ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran. “Amniga gobolka waa amniga dhammaan Muslimiinta, mana doonayno wax dagaal iyo dhiig daadin ah. Tan iyo markii aan xilka madaxweynenimo qabtay, khudbaddayda kasta waxaan xoogga saarayey dadaalkeenna nabadda iyo amniga.” Waxa uu sidoo kale Israa’iil uga digay inay qaaddo tallaabo argoosi oo ka dhan ah Iran. “Qaran ama gobol midna horumar ma samayn karo iyada oo dagaal jiro. Waxaan ku khasbanaannay inaan ka jawaabno. Haddii Israa’iil go’aansato inay aargudato, waxay wajihi doontaa falcelin adag oo ka sii daran.” Source
  20. Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Soomaaliya dhammaadka toddobaadkan, sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah Alparslan Bayraktar. Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay hawl-galkan shir ka dhacay caasimadda Ankara 2-dii Oct. Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo ku saabsanaa sahaminta karboonka saddex baloog oo loo qoondeeyay inay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya. Sida ku cad heshiiska la soo gabagabeeyey bishii Luulyo, Turkiye waxay yeelan doontaa xuquuq gaar ah si ay u sahamiso oo ay u soo saarto hydrocarbons ee baloogyada, kuwaas oo mid kastaa uu ku fadhiyo qiyaastii 5,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Labo ka mid ah baloogyada ayaa ku yaal meel qiyaastii 50 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya, halka ta saddexaadna ay ku taal meel 100 kilomitir ah xeebta. Oruç Reis wuxuu sameyn doonaa cilmi-baaris seismic socon doonta bilo, taas oo horseedi karta sahaminta, qodista iyo suurtagalnimada daahfurka, ayuu yiri wasiirku mar hore. Bayraktar oo heshiiska ku tilmaamay mid “tallaabo taariikhi ah” u ah labada dal ayaa sheegay in markabka ay la socdaan 50-shaqaale ah iyo shan markab oo taageero ah oo ku wajahan Soomaaliya. Source
  21. Ugu yaraan 5 qof ayaa la dilay halka 8 kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ku beegsatay dhisme ku yaala badhtamaha magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas. Dhismahan oo dabaqyo ka kooban oo ku yaala degmada Bashuurah ayaa waxaa ku yaala xarun caafimaad oo lala xirriirinayo kooxda Xisbullah. Waa duuqeyntii ugu horeysay ee ay Israa’iil ka geysato meel u dhow bartamaha Beirut, oo dhowr miitir u jirta baarlamanka Lubnaan. Tani ayaa imaaneysa kadib markii miletariga Israa’iil ay sheegen in sideed askari lagu dilay koonfurta waddanka Lubnaan, waxayna sheegeen inay tahay guul-daradoodii ugu horreysay tan iyo markii uu bilowday weerarka dhanka dhulka ee Israa’iil oo ka dhan ah kooxda Xisbullah. Xisbullah ayaa sheegtay inay burburisay taangiyo ay lahaayeen ciidamada Israa’iil intii uu socday dagaalka, iyadoo ay Xisbullah ku adkeysatay inay leedahay rag iyo hub dib u riixa ciidamada Israa’iil. Source
  22. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in aanu taageereyn in Israa’iil ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka ee dalka Iiraan, taas oo jawaab u noqon karta gantaaladii ay Iiraan salaasadii ku garaacday Israa’iil. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iiliyiintu ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarka, balse looga baahan yahay in ay si feejigan u sameeyaan. Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka. Dhanka kale, madaxweynaha Iran, Masoud Pezesh-kiyan, ayaa sheegay in Texraan ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxaa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Texraan ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran. Source
  23. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Islaamiyiinta Iran ay sameeyeen “khalad weyn” markii ay weerar ballaaran oo gantaala ah ay ku qaadeen dalkiisa Talaadadii shalay, isagoo ku goodiyay inay ka shalayn doonaan. Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa dilkii Israel ee hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah ee todobaadkii hore iyo sidoo kale geeridii hoggaamiyihii Xamas Ismail Haniyeh, oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Tehran, oo Iran ay ku eedeysay Israel. Source