Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-Siisi. Shirka oo ka dhacay magaalada Qaahira ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar. Sidoo kale waxaa lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya. Kulanka kaddib, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal. Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada wadan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda. The post Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiiska difaaca iyo amniga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-hadalladii u socday Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay magaalada Ankara, kaas oo uu dhex-dhexaadinayay Turkiga, si xal loogu helo xiisadda badda ee labada waddan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan. Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga. Haddaba sidee looga facleliyay? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulsada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay wada-hadallada fashilmay iyo wareegga 3-aad ee la balamiyay. Deeq Cali “Wareega 3-aad waxay ila tahay Ethiopia ayaa gaartay guusha labadii kulan ee Ankara ee ila meeraysada ahaa waayo waxay caalamka u tusaysaa in ay wada-hadal ka gali karto bad iyo bari aysan waxba kulahayn oo haday doontana heliba karto sidaas darteed UN-ta iyo AU-da cadaadiska ka daayaan maadama wadahadalba laga gali karo Madaxbanaanida Somalia”. Maxamed Careys “Aniga waxaan fahmi la ahay waxaan wada-hadal kala galeyno Itoobiyo ugu horeyn markan wada-hadal kala galeyno baddeena taas micnaheeda waxay lamid noqoneysaa aniga fikirkeyga in Itoobiya bada inala leedahay muranna uu inooga dhax taagan yahay”. Najma Binjadiid “Aad ayu ugu mahadsanyihiin shaqada wanaagsan ee aad soo qabateen sidaasi iyo si ka wanaagsan ayan ka rajeyneynaa,”. Cabdullahi Muuse “Wareega saddexaad waxa uu noqon doona mid aan Ethiopia kaga guuleysano oo aan ku bururburino heshiiski omalilnd iyo Ethiopia. Somalia badeeddu iib maaha”. Maxamed Xuseen “Waxaaba qalad ah in wada-hadal lala furo Ethiopia marka hore raaligelin haka bixiso MoU-gii sharci darada ahaan ee ay la gashay maamulka Muuse Biixi markay ka laabatana la yiraahdo bad kuuma haynee Eritrea ka doono bad”. Ismaaciil Cabdiraxiin “Yaab waayay oo hadda ma baddeena aan wada-hadal iyo dood ka galeeynaa arrintan ma fahmin illaa hadda?”. Cabdi-deeq Cali “Ereyga wada-hadal mesha ha laga saaro maxaan ka wada-hadleynaa o meesha yaalo ma badda Soomaaliyeed?”. Maxamed Cali “Ma xadgudubkii cadaa ayaa wareeg labaad iyo sadexaad loo qabtay oo gorgortan baddeena ah!!!!!!”. The post Sidee looga falceliyay fashilka ku yimid wada-hadalladii Somalia iyo Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) – The Banadir regional administration has arrested at least 35 workers in Mogadishu who were found to be living with infectious diseases, including HIV/AIDS and Hepatitis. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka soconaya dibad-baxyo rabshada wata oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, kuwaas oo ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta. Darawallada ayaa mar kale maanta isugu soo baxay isgoyska KM4, waxayna xirteen waddadaas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah madaxda dowladda oo ay ku eedeeyeen inay dhibaato ku hayaan shaqadooda. Qaar kamid ah Bajaajleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka cabanayaan xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho iyo lacag dheeraad ah oo lagu soo rogay. “In aan dhimano ama dhaqan helno ayaan rabnaa, qof kasta waraaq ayuu la ordayaa” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha. Dhinaca kale waxaa goobta uu ka socdo dibad-baxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro oo kala eryaya dibad-baxayaasha, si ay xaaladda u dajiyaan. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo qoraal soo saaray ayaa isna ka hadlay dibad-baxan, wuxuuna ugu baaqay Bajaajleyda inay dhowraan sharciga iyo nidaamka u yaalla dalka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shalay ay ballaameen iyaga iyo maamulka gobolka Banaadir, ayna haboon tahay inay sugaan inta laga xallinayo cabashadooda. “Waxaan ugu baaqaya muwaadiniinta dagan Gobalka Banaadir gaar ahaan kuwa ku shaqeeysta Gadiidka loo yaqaano bajaajta inaad ilaalisaan nidaamka iyo Amniga Caasimada” ayuu yidi guddoomiye Yabooh Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waan balanay shalay waana lagu maqanyahay in cabashadiina laga jawaabo, hanoqon mid loo adeegsado in magaalada fowdo iyo qas laga sameeyo”. The post Daawo: Dibad-baxyada ka socda Muqdisho oo sii xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
  5. Guddiga gurmadka qaran ee qarixii xeebta liido oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha samatabixinta ee lagu kaalmaynayo dadkii waxyeelladu ka soo gaarrtay musiibadii khasaaraha badan dhalisay ee 2-dii bishaan ka dhacday Huteelka Beach View. Guddigan oo uu guddoomiyaha u yahay wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa Kulankooda diiradda ku saaray arrimo muhiim ah, ayagoo sheegay In ugu danbeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha isbitaal Madiina. Guddigaan ayaa sidoo kale shaaciyay in 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ay ku wajeejiyeen min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale la bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaartay. Ugu danbeyn Guddiga ayaa ballan-qaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadka weerarka ku naf-waayay, marka ay xogto soo dhammeystiranto. Source: goobjoog.com
  6. . ayadoo magaalada Ankara ee dalka Turkiga lagu Soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana loo ballamay waji seddaxaad oo dhici doona bisha September ee soo socata ayaa gebagabadii kulanka aan ka fool ka foolka ahayn ee labada dhinac wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka jeediyay khodbadan hoos ku qoran. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga 2-aad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka dhacay Ankara. Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka. Wadahadalkan wareeggiisa 2-aad waxaa laga gaaray horumar. Soomaaliya waxaa si adag uga go’an ilaalinta madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhulkeeda. Madaama aan isu diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadallada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa weli ka go’an in la gaaro natiijo nabadeed, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u mahadcelinaynaa mudane Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku leeyahay dhexdhexaadinta wadahadalladan, waxaana diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno si xal loogu helo xiisadaha gobolka”. Source: goobjoog.com
  7. Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka. Ilhan ayaa doorashada kaga guuleysatay Don Samuels oo isna ah siyaasi dimoqraadi ah. Waa markii labaad oo xiriir ah oo ay Don ku garaaceyso doorashada is reeb reebka kursiga degmada Shanaad. Iyadoo taageerayaasheeda kula hadashay Minneapolis, Ilhan waxa uu ka dhawaajisay qaar ka mid ah mawduucyada musharaxa xisbiga Dimuqraadiga iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ee ololihii doorashada. “Waxaan maamulnaa siyaasadda farxadda,” ayay tiri Talaadadii. “Sababtoo ah waxaan ognahay inay farxad u tahay inaad u dagaalanto deriskaaga. Waxaan ognahay inay farxad u tahay in la hubiyo in guriyeynta ay tahay xuquuq bani’aadamnimo. Waxaan ognahay inay farxad u tahay in loola dagaallamo daryeelka caafimaadka si ay u noqoto xuquuq aadanaha. Waan ognahay inay farxad tahay inaan rabno inaan ku noolaanno adduun nabdoon oo siman.” Ilhaan Cumar ayaa heshay 56.2 boqolkiiba, marka la barbar dhigo 42.9 boqolkiiba Samuels, sida uu sheegay xoghayaha dawladda ee Minnesota. Source: goobjoog.com
  8. Abdisalam: “We have advised the Puntland State Government of the tender to ensure transparency, with the Federal Government of Somalia being the lead body, with Puntland State as a partner. We have tried to implement the projects as soon as possible.” Mogadishu (PP News Desk) — The Somali Federal Minister for Housing and Public Works, Abdisalam Abdi Ali, yesterday provided an update on the Galkayo-Xarfo Road project during a press briefing. This project is a key component of the broader Road Infrastructure Projects in Somalia, which has been underway since October 2020, following an agreement signed by the Somali Federal Government (SFG), Federal Member States (FMS) and the European Union (EU). The initiative is funded by the EU and managed by the African Development Bank. “The road infrastructure programme is divided into four main segments. These routes are vital for enhancing movement and trade across the region, with the Galkayo-Xarfo segment being the first to move forward with the tender process. On 1 August 2024, the Ministry of Housing and Public Works officially published the tender for this project” said the Minister. He referred to a statement issued by Puntland State Government on 3 August 2024 , asserting that the tendering process falls within its jurisdiction. The federal minister;s statement is intended “to reaffirm Puntland’s role in the project, which is part of a larger corridor development effort. The details of the agreement are available on the Ministry’s website”. Minister Abdisalam Abdi Ali emphasised the importance of transparency and cooperation between the Federal Government and Puntland State of Somalia in this project. “We have advised the Puntland State Government of the tender to ensure transparency, with the Federal Government of Somalia being the lead body, with Puntland State as a partner. We have tried to implement the projects as soon as possible,” he stated. The Federal Ministry of Housing and Public Works reiterated its commitment to the successful implementation of the project. The Minister praised the efforts of Puntland’s elders and community leaders, acknowledging their role in achieving the project’s goals. “We commend Puntland elders and notables for their role in moving the project forward. Puntland State Ministry of Housing and Public Words officials will be involved in the project. We have to avoid politicising or misrepresenting the project,” the Minister added. © Puntland Post, 2024 The post Puntland’s Role in Galkayo-Xarfo Road Project Affirmed by Federal Housing Minister appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan dhex maray guddi xul ah oo ka socday ganacsatada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Kulankaas waxaa looga hadlay cabashooyin ay mudooyinkan qabeen suuqleyda oo ay ugu danbeysay canshuurta iibka 5% ee dhawaan la so kordhiyay. Guddiga ganacsatada ayaa waxaa qaabilay wasiirka maaliyadda XFS iyo sidoo kale masuuliyiin dhanka canshuuraha wasaaradda ah, iyadoo ganacsatadu gudbiyeen cabaqadaha badan ee heysta. Ilo wareedyo ka tirsan ganacsatada ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas lagu kala tegay gabal dhicii shalay, isagoo ku soo dhamaaday natiijo la’aan. Ganacsatada ayaa xaqiiqsatay in dowladdu aysan diyaar u aheyn in tabashadooda la xaliyo, waxayna shaki geliyeen inay dhici karaan kulamo dambe oo dhinacyadu isugu yimaadaan, markii la eego natiijada shirkii shalay lagu kala tegay. Xogaha ayaa tilmaamaya in wasiirka maaliyadda uu ganacsatada ka diiday codsi ku aadanaa in dib loo dhigo waqtiga loo qorsheeyay bilaabidda canshuurta iibka ee laga jarayo iibkasta oo la sameeyo ilaa inta natiijo laga gaarayo wadahadallada. Ganacsatada ayaa lagu waramayaa in wasiirka maaliyadda ay sidoo kale u gudbiyeen caqabado ka heysta lacago lagu qaado dekadda Muqdisho oo ku dhaca akoonada shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo dhawaan la soo kordhiyay. Shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay in loo xiray adeegyo aan horay u jirin oo alaabaha la soo dejiyo la xiriira, laguna dallacayo lacag horleh oo qiimo koror bulshada ku laabta sameynaya. Xaaladda ganacsiga Muqdisho waxaa hadda ku furan guux xoog leh, waxayna ganacsatadu u sheegeen wasiirka maaliyadda in loo baahan yahay muddo bulshada lagu fahamsiiyo qaabka bixintana loogu qorsheyo canshuurta iibka. Ganacsatada la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in codsigooda aysan dheg-jalaq u siin wasiirka iyo kooxdiisa aruurinta maaliyadda u qaabilsan dowladda, isla markaana ay ku rajo xunyihiin inay talo ku yeeshaan qaabka wax u socdaan, maadaama dadka lagu soo rogayo canshuur cusub. The post Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay ganacsatada iyo wasiirka maaliyadda appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi, sida ay sheegtay Villa Somalia. Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya. Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal. Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Heshiis Iskaashi oo Amniga iyo Difaaca ah appeared first on Puntland Post.
  11. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda ammaan ee magaaladaas ay faraha ka baxday, kadib markii ay kusoo kordheen kooxo burcad ah. Habeenadii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaaladan ka dhacay dilal yo dhac loo gaysanayy qaar kamid ah shacabka ku nool halkaasi. Burcadda ayaa todobaadkan gudihiisa bartamaha magaalada ku dilay Marxuum Cabdisahal Nuur oo ahaa guddoomiye ku xigeekii maaliyadda ee degmada Beledweyne waxayna doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray. Arrintan ayaa keentay in shacabka ku dhaqan xaafadaha Beledweyne ay isku tashadaan, waxayna sameysteen ciidamo Madani ah oo sugo amnigooda, kuwaas oo ka hortagaya burcadda iyo cid kasta oo dhibaato ku ah nabad-gelyada. Xaafadaa Kooshin iyo Xaawo Taako ayaa lagu arkay ciidamadan gaarka ah, waxayna habeennadii sameeyaan roondo, sida uu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka. “Anaga Askar dowladeed ma nihin, dad shacab ah oo qoryo qaatay ayaa nahay. Qofkii la aqoon ee Xaafada soo galo waan Hubinaa. Dhowr Habeen ayaan Tuugo xaafada ku aragnay waana ka saarnay Alxamdullaahi. Tuugada labo qof ama 1 qof waaye lakiin Anaga 10 qof ayaa nahay ugu yaraan” ayuu yiri Daahir Cismaan. Xaaladda ammaan ee Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay aad u liidatay, waxaana ka dhacayay falal ammaan darri oo u badan dhac, dil iyo qaraxyo ay mararka qaar ka fuliyaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Beledweyne ayaa xudun u ahayd halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, haddane waxay weli la daala dhaceysaa xaalado adag. The post Shacabka Beledweyne oo ciidamo sameystay kadib arrin soo korortay appeared first on Caasimada Online.
  12. President Deni launching the vaccination programme in Galkayo earlier this week. Galkayo (PP News Desk) — The President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni earlier this week inaugurated a programme to vaccinate 100,000 children in Galkayo. The President has directed all Regional and District Governors to collaborate with the operators responsible for implementing the vaccination programme to raise awareness to prevent diseases. He urged the people of Puntland to ensure their children receive the vaccine. The vaccination campaign, which aims to benefit 100,000 children, will be conducted across 177 centres over a period of seven days, with 20 teams of doctors and medical workers participating in the effort. The event was attended by members of the Puntland Parliament House of Representatives, the Council of Ministers, and was led by the Ministry of Health alongside health authorities at both the district and regional levels, as well as agencies working in partnership with the Ministry of Health. © Puntland Post, 2024 The post Puntland President Launches Child Vaccination Programme in Galkayo appeared first on Puntland Post.
  13. Beledweyne, August 14, 2024 (HOL) — Residents in Beledweyne, frustrated by a surge in violent crime and escalating political tensions between rival administrations, have formed civilian security forces to protect their neighbourhoods, highlighting the growing insecurity in the capital of the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  14. Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay xaalad caafimaad deg deg ah oo qaaradda oo dhan ah, taas oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka furuqa daanyeerka ee Afrika. Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee Afrika (Africa CDC) ayaa ku sheegtay heerka caabuqa fayraska ee faafitaanka uu ahaa mid naxdin leh, wuxuunna gaaray fayraskan 16 dal oo ka tirsan Afrika. Tan iyo 4 bishan Agoosto, waxaa Afrika laga diiwaangeliyay 38,465 ee furuqa daanyeerka iyo dhimashada 517 tan iyo bishii Jannaayo. Mpox, oo loo yaqaannay furuqa daanyeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah. PUNTLAND POST The post Warbixin laga soo saaray Furuq dilaaya oo si dhakhso ah ugu faafaya Qaaradda Afrika appeared first on Puntland Post.
  15. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Turkigu aanu xal ka keeni karin dhex-dhexaadintiisa Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhashay MOU-gii badda. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hoos u dhigay suurtagalnimada dhexdhexaadinta Turkiga in lagu gaari karo xalka khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka ayaa tilmaamay halka la joogo in uu xalku yahay labada dal midkood in uu ka tanaasulo mowqifkiisa, wuxuuna intaasi raaciyay in dowladda Jabuuti ay hayso xal qarsoodi ah oo lagu xallin karo khilaafka labada dal. Jabuuti oo hoggaamisa urur-gobolleedka IGAD ayaa ku guul-darraysatay iskudayadii bilowgii khilaafkan in la isku keeno labada waddan , mana cadda hadda sida xalka Jabuuti ee qarsoodiga ah ay u oggalaanayaan labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dowladda Jabuuti oo sheegtay in ay xal qarsoodi ah u hayso Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  16. Washigton (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar ayey mar kale xalay u ahayd habeen adag ka dib muddo bilao ah oo ay orod ugu jirtay inay hesho tigetka mataaladda ee Minnesota ee aqalka Congreska. Ilhaan Cumar, ayaa difaacatay tartankii doorashada hoose ee Minnesota, sida ay u sheegtay warbaahinta Mareykanka. Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Mareykanka. Sidoo kale waxa ay tartankan horudhaca ah kula tartamaysay saddex musharax kaas oo lagu go’aamin lahaa musharaxa xisbiga waxana ay hadda noqonaysaa murshaxa xibsiga ee doorashada Novembe Ilhaan ayaa ka guuleysatay Don Samuels oo la tartamayey ayna isku xibsi yihiin, waa markii labaad oo isku xigta oo Ihaan CUmar ay nin kaga adkaato doorashada is reeb reebka ee kursiga degmada Shanaad ee gobolka Minnesota. Warbaahinta Maraykanka iyo Soomaalida deggan gobolka Minnesota ayaa si weyn u hadal hayyey doorashadan toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo loo arkayey mid ka mida tartamadii ugu adkee ee mataalada kurisigaasi. Iyadoo 99% codadka la tiriyay habeenimadii Talaadada, wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in Ms Omar ay ku guulaysatay 67,524 cod, oo u dhiganta in ka badan 56%. Waxaa kaalinta labaad galay Don Samuels, oo horay uga tirsanaan jiray golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, kaasoo sidoo kale si dirqi ah Ilhaan ugu adkaatay sanadkii 2022-kii. Ku dhawaqista guusheeda ka dib Ilhaan Cumar oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guusha ay gaartay ay u ahyad guul weyn oo ay ku faraxsan tahay. “Waa guul aan rajaynayey intii aan rajaynayey in ka badan ayey noqotay, doorasho adag ayey ahayd waxkasta ayey isku dayeen ilaah ayaa noo fududeeyey.”ayey tiri Ilhaan. Waxay si gaara ugu mahadcelisay Soomaalidii u soo baxay si ay ugu codeeyaan. Ilhaan, ayaa sheegtay inay in tani tusinayso in dadkii ka soo horjeeday ay ka badnaayeen kuwii doonayey. The post ILHAAN CUMAR oo mar kale gaartay guul taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan gala Gaza, uu Iran ka baajin karo in ay weerarto Israa’iil. Iran ayaa wacad ku martay in ay Isra’il ku qaadi doonto weerar aargoosi, kaddib dilki magaalada Tehran loogu geystay hogaamiyihii Xamaas, Ismacil Haniyeh. Hadalka Biden ayaa yimid ka dib markii Iran ay ku gacan seeyrtay baaqyada reer galbeedka ee ahaa in ay “iska deeyso hanjabaadeeda aargoosiga. Dowladda Iran iyo xulafadeeda ayaa Israa’iil ku eedeeyay dilka Ismaaciil Haniyeh 31-kii bishii July mar uu u tegayTehran dhaarinta madaxweynaha Iran Masoud Peze-shkian. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biden oo sheegay in xabbad-joojin laga sameeyo marinka Gaza baajin karto in Iran weerarto Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  18. Ethiopia and Somalia, two neighboring nations in the Horn of Africa, share a long and complex history marked by tension, hostility, and conflict. Ethiopia's engagement with Somalia has often been driven by external influences and expansionist ambitions, rather than a genuine commitment to regional stability or cooperation. Source: Hiiraan Online
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Maxamuud Macallin oo wafdigiisa ay qayb ka yihiin hay’ado caalami ah ayaa waxaa garoonka magaaladaas kusoo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka HrShabelle. Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu la xiriiro qiimeynta dabkii xooganaa ee maalin kahor ka kacay suuqa wayn ee Jowhar, wuxuuna booqday goobaga gubtay. “Dabcan waa xaalad xanuun badan, waana xaalad soo noq noqtay waxaana garanay inaan soo aragno marka hore sida ay wax yihiin, waana ogtihiinoo waxaan la taacaleynay qaraxiii ka dhacay Liido” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda SoDMA. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jawaab ka bixin doonaan musiibadaasi, isla markaana ay garab istaagi doonaan ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi. “Waxa jiro waxaan ku arki doonaa indhaheyna, kadib ayaan tallaabo qaadi doonaan, si aan uga jawaabno baahiyaha jira” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu. Dabka ayaa si gaar ah u sameeyay makiinado lagu shiido Sisinta, waxaana gobtay boqol loor oo Sisin ah oo ay lahaayeen ganasatada suuqa wayn ee magaalada Jowhar. Suuqan ayaa horay sidaan oo kale ugu gubtay, waxaana madaxweynaha HirShabelle oo goobta tegay isla maalinta ay dhibaatada dhacday uu sheegay in la baarayo waxa soo cel-celiyay gubashada suuqa Hnatiwadaag ee magaalada Jowhar The post DF oo wafdi culus u dirtay Jowhar kadib dhibaatadii ka dhacday + Video appeared first on Caasimada Online.
  20. Marwo Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka. Ilhan ayaa doorashada kaga guuleysatay Don Samuels oo isna ah siyaasi dimoqraadi ah. Waana marki labaad oo xiriir ah oo ay Don ku garaaceyso doorashada is reeb reebka kursiga degmada Shanaad ee gobolka Minnesota. “Waxaa sharaf ii ah in bulshadaydu ay u codaysay in ay dib iigu celiyaan Congress-ka. Guusha caawa waxay ina tusinaysaa in degmada shanaad ay aamminsan tahay qiyamka wadajirka ah ee aanu Washington ugu dagaalamayno,” ayay tiri marwo Ilhan guusha kadib. Warbaahinta Maraykanka iyo Soomaalida deggan gobolka Minnesota ayaa saaka si weyn u hadal-haya guusha taariikhiga ah ee Ilhan ka gaartay doorashadaasi oo lagu tilmaamay mid loollan adag ahayd. PUNTLAND POST The post Ilhan Omar oo ku guulaysatay doorasho xasaasi ah oo si adag loogu loollamay appeared first on Puntland Post.
  21. Kulanka oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin sar sare iyo xubno kale oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar ayaa waxaa laga soo jeediyay khudbado muhiim ah iyo warbixino diiradda lagu saarayay mowduucyo kala duwan oo taabanayay hidaha dhaqanka, waxbarashada, cilmu-nafsiga carruurta, iyo arrimo kale oo muhiim u ah xoojinta midnimada, isku xirnaanta, iyo horumarinta bulshada. Furitaankii xafladda ayaa waxaa khudbado dhaxal gal ah ka jeediyay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray aqoonyahanno, waxgarad iyo qoraayaal, kuwaasoo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ee Masar ku nool ay fahmaan oo ay wax ka qabtaan baahiyaha waxbarasho ee ubadkooda, iyagoo sidoo kale ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la xaqiijiyo, Jiil soo koraya oo weli ku xiran hidahooda dhaqameed iyo dhulkooda hooyo. Nasteha Axmed, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Hay’adda SAFWAC Foundation, ayaa si diiran u soo dhaweysay ka soo qeyb galayaasha kulanka, iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda kulamadan oo kale ay u leeyihiin bulshada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in waalidiintu ay si ka baaraandeg ah u qorsheeyaan barbaarinta ubadkooda. Hadalkeeda soo dhaweynta ah, waxay ku tiri, “Waxaan si joogto ah ugu ololaynaynaa, dhiirigelinaynaa hab habaysan oo lagu kobciyo laguna tarbiyadeeyo ubadka qurbaha ku dhasha, tani waxay lama huraan u tahay ilaalinta Soomaalinimada iyo qiyamkooda diimeed.” Dhankiisa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cali Cabdi Awaare oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay furitaanka todobaadka Soomaalida ee Qaahira 2024 ayaa bogaadiyay hirgalinta iyo hirgalinta hindisahan, wuxuuna bogaadiyay cid kasta oo isku xilqaantay hagitaan iyo garab istaaga bulshada. Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dar daarmay xubnaha qurbajoogta ah in ay “ilaalinta karaamada bulshada Soomaaliyeed ayna ixtiraamaan shuruucda iyo shuruucda dalka martida loo yahay ee Masar”. Sidoo kale, Dr. Nuur Xasan oo ah qoraa iyo macallin ayaa soo bandhigay natiijada cilmi-baaris uu ku sameeyay barbaarinta iyo korriinka carruurta dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu ku adkaystay in “Waalidiinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay aad uga walaacsan yihiin caruurtooda oo ay la kulmaan dhibaatooyin aqoonsi iyo dhaqan xumo, kuwaas oo u baahan in si qoto dheer loo darso oo si sax ah wax looga qabto.” Dhankeeda, Professor Farxiya, oo ah bare sare, ayaa khudbad ay ka jeedisay toddobaadka Soomaalida ee Qaahira, waxay ku yiri, “Wadamada reer galbeedka, marka ay booqdaan Afrika iyo dunida saddexaad, waxay inta badan ku andacoonayaan in gobolladani ay dib uga dhaceen [dhinaca] xuquuqda aadanaha iyo cadaalada, iyo horumarka. Ugu dambeyn, Layla Xuseen oo ah dhaqaatiir ku taqasusay caafimaadka dhimirka ayaa warbixinteeda ku xustay in “Stress-ka joogtada ah, haddii aan la daweynin uu inta badan sababa xanuunno waqti dheer ku dhaca waalidiinta Soomaaliyeed, sida macaanka iyo dhiig-karka”. Source: goobjoog.com
  22. Mogadishu (HOL) – The Egyptian government reopened its newly constructed embassy headquarters in Mogadishu on Tuesday, marking a significant milestone in deepening relations between Egypt and Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. 455115033_1049128373266337_4615419635733632888_n Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan hadal-heynta ka dhalatay cabashada dhalinyarada ee ku aadan shiidka ama lacag la’aanta. Xamza ayaa sheegay in madaxda hadda tallada haysa oo uu ugu horreeyo madaxweynaha ay waxbadan u galeen dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay 30-kii sano ee lasoo dhaafay ay wax ka qabteen waxbarashadooda iyo horumarkooda. “Madaxda dowladdaani oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha JFS iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya xiriir aad u adag oo soo jireen ah, waxay madaxdaani ku suntan yihiin Aaabeyaal ay u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamza. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale si xun u weeraray, uguna jawaabay xubnaha mucaaradka ee sida wayn u naqdiyay khudbad uu Jimcihii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay cabashada dhalinyarada iyo shaqo la’aata ka jirta dalka “Dhalinyarada Soomaaliyeed lama siri karo lama qaldi karo siyaasi bar go’ ah ma qaldi karo, been ma u sheegi karo” ayuu ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka. Waxaa kale oo uu yiri “Maanta siyaasadda dadka ku jiraan ama muxaafad ha noqdaano ama mucaarad ha noqdee qof maanta dhashay ma’aha 30-kii sano ee ina soo dhaaftay dalkan maxaa laga qabtay? nin weliba wixii uu qabtay iyo wixii uu dhalinyarada Soomaaliyeed u galay ayaa rabnaa in lagu xisaabtamaa” Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ogaado xaqiiqada, runtana laga sheego taariikhda iyo qof kasta waxa uu soo qabtay. “Waxaan rabnaa xaqiiqada iyo runta in la sheeg waxaan rabaa in aan lagu khaldamin dhallinyarada Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre. The post R/Wasaare Xamza oo si xun u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka appeared first on Caasimada Online.