Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Somalia's banking sector, valued at $2 billion, is on track for growth, bolstered by regulatory reforms and rising interest in fintech. However, cryptocurrency integration poses challenges, as the sector must align with international financial standards and Islamic banking principles. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Macluuimaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo xalay ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid lagu qancinayay Axmed Madoobe oo diiday go’aan la xiriira doorashada oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qaybgaleyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka socdo magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ay madaxda dowladda dhexe ku raaceen in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase qodobkaas ka horyimid madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku dhagan yahay inuu qabsado doorashada u gaar ah oo loo marayo habka xildhibaannada baarlamaan goboleedka oo uu horay ugu soo caano maalay. Intaas kadib ayaa waxaa xalay kulan gaar ah isugu yimid madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe, si loo qanciyo balse waxaa la xaqiijiyey inuu markale ku adkeystay in deegaanada Jubbaland uu ka qabanayo doorashadii dadbaneyd. Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay in nadaxweynaha Jubbalane uu qaato go’aanka uu kaliguus ku yahay iyada oo dhammaan madaxdii kale ay isku aragti ka noqdeen dooda doorashada ee miiska saaran. Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe The post Xog: Kulan dhex-maray Xasan, Xamza iyo Axmed Madoobe oo natiijo la’aan soo dhamaaday appeared first on Caasimada Online.
  3. Wakiilka Shiinaha Qaramada Midoobay Dai Bing, ayaa ugu ku baaqay in dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed ay sii wadaan dadaalka nabadda iyo wada-xaajoodka. Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in lagu dadaalo in khilaafaadka la xalliyo iyada oo loo marayo wada hadal si loo gaaro midnimo. Dai Bing, oo ah wakiilka joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dib-u-dhiska -ka qaranka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadgelyada. Wuxuu xusay in hawlgalada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay galeen marxalad muhiim ah, taasoo u baahan in la xoojiyo taageerada caalamiga ah. Wuxuu muujiyay in lagama maarmaan tahay in la xoojiyo aasaaska isbeddelka amniga, si loo hubiyo in ciidamada gudaha ay ka soo baxaan taageerada caalamiga ah iyo in amniga dalka la sugo. Wakiilku wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in si habsami leh loo hormariyo isbeddelka UNSOM (Hawlgalka Caawinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya) si loo hubiyo in taageerada la siinayo Soomaaliya ay waafaqsan tahay baahida dalka. Dai Bing ayaa ku xusay in taageerada bulshada caalamka ay tahay mid aan la dhimi karin waqtigan, isagoo ku boorinaya in dhammaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa xasillooni iyo horumar waara. Source: goobjoog.com
  4. Work is underway in Mogadishu on mission design and funding for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) that will replace ATMIS (AU Transition Mission in Somalia) three months from now. Source: Hiiraan Online
  5. Tensions are increasing in the Horn of Africa where a dispute between Ethiopia and Somalia over access to the Red Sea has brought Egypt and its military might into the frame. Facebook posts in Ethiopia are adding to the sabre-rattling by circulating videos in misleading contexts. Source: Hiiraan Online
  6. Sanca (Caasimada Online) – Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen. Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran. Warbaahinta Xuuriga ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa. Meelaha kale ee ay ciidamada Mareykanka garaaceen waxaa ka mid ah gobolka Damar iyo gobolka kale ee Beyda ee dhanka koofurbari kaga beegan magaalada Sancaa. Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yeen. Kooxda ayaa sidoo kale todobaadki hore sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka oo marayay Badda Cas. The post Mareykanka oo duqeeyay bartilmaameedyo ku yaalla YEMEN appeared first on Caasimada Online.
  7. Israa’il ayaa shaacisay in ay duqeysay xarunta sirdoonka Xisbullah ay ku leedahay magaalada Beyrut, weerarkaas oo ay sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay. Saakay waabarigiina, qaraxyo ayaa laga maqlay nawaaxiga koofureed ee Beyrut, balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Beyruut. Israa’iil ayaa dhanka kale aanan wali ka jawaabin duqeymihi cuslaa ee dhawaan kaga yimid Iran. Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ah nuuca baallistiga ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Isra’il, kaas oo ay Iran ku sheegtay in ay uga jawaabeyso duullaanka ay Isra’il ku qaadday Lubnan. Ilaa 1.2 milyan oo ruux ayaa ku baracakay duqeymaha iyo dagaalka ay Isra’il ku qaadday Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo shaacisay in ay duqeysay xaruntii Sirdoonka Xisbullah ee magaalada Beyrut appeared first on Puntland Post.
  8. Amb. Elmi Declares Somalia Has No Stake in November 13 Elections in Somaliland Somaliland has consistently maintained that it operates as a fully sovereign state, independent from Somalia, since declaring its separation in 1991. The upcoming November 13 elections in Somaliland fall under the jurisdiction of the Somaliland government and its National Election Commission, a point that Ambassador Rhoda J. Elmi emphasized in her statement. Amb. Elmi, Somaliland’s Deputy Minister of Foreign Affairs, issued this statement on Friday. The assertion is clear that these elections are solely the responsibility of Somaliland’s government and people, with no involvement from Somalia’s government. She hit out at recent comments by Somalia’s Foreign Minister Ahmed Fiqi at the United Nations Security Council (UNSC) regarding Somaliland’s elections. Amb. Elmi’s stance suggests that the statements by Fiqi were misleading, and it’s notable that no challenges were raised against his claims during the briefing. The tension between Somalia and Somaliland continues to revolve around the latter’s quest for international recognition as a separate entity, which Somalia does not acknowledge. This ongoing disagreement is central to political discussions and events like these, where statements on sovereignty and election matters can provoke significant responses from both sides.q Qaran News
  9. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November. Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda. “Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland. Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November. Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda. “Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland. Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. The post Somaliland oo si adag uga jawaabtay sheegashada DF ee doorashooyinkeeda appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) – Turkish President Recep Tayyip Erdogan and top Somali officials will attend a farewell ceremony for Turkey's domestically developed Oruc Reis research vessel in Istanbul on Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. New York (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay kala dhaxeeyay dalka Eritrea oo ay deris yihiin, Jabuuti iyo Eritrea ayaa mar hore ku kala tegay dagaal al dhashay soohdinta labada dal. Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule ayaa sheegay in khilaafka xuduudda ee aan la xalin ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ay hadda diyaar u yihiin in lagu xaliyo wadahadal. Mar uu ka hadlayey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Sayid ayuu sheegay in Jabuuti ay dooneyso inay ogaato meesha ay joogaan askarteeda oo Eritrea ay maxaabiis ahaan u qabsatay intii lagu jiray dagaalkii dhexmaray labada dal. “Masuuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn qalbiyadeenna, qoysaskoodu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan hal arrin, waana nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan askarteenii,” ayuu yiri Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule. Wuxuu intaas ku sii daray, “Jabuuti waxay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkeeda Eritrea, sidoo kale waxay diyaar u tahay in khilaafkaan la xaliyo, iyadoo loo marayo wadahadal, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.” Majirto jawaab ka timid Eritrea oo ku saabsan codsiga Jamhuuriyadda Jabuuti, balse waxaa suurtagal ah in markaan ay soo jawaabto Eritrea, maadaama hoggaamiyaha dalkaas uu hadda isisoo furfurayo oo muhiimdan uu siinayo la macaamilka dunidii go’doomisay 30 sano ka hor. Sanadkii 2008-dii ayuu qarxay khilaafka ugu dambeyntii lagu kala tegay ee salka ku haya xuduudda Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna khilaafkan sababay dagaal milatari oo lagu hoobtay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin habayaraatee wax cilaaqaad ah oo labada dowladood ay yeesheen. Sanado ka hor dowladda Eritrea waxay sheegtay in aysan jirin ciidamo Jabuutiyaan ah oo maxaabiis ahaan ay u heystaan, iyadoo arrinta maxaabiista ku macneyaay dibindaabyo ay reer Galbeedku wadaan, halka Jabuuti ay marar badan ku celcelisay in Eritrea ay nolosha ku qabatay askar badan oo nolol ay ku tuhmeyso iyo inay xabsiyada Eritrea ku jiraan. Dowladaha Itoobiya iyo Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii isku dayey inay xaliyaan khilaafka labada dalka ee Jabuuti iyo Eritrea, labada Madaxweyne ee Isayas Afewerki iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu kulansiiyey magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, balse lama gaarin heshiis rasmi ah. Wuxuu noqday kulan taariikhi ah oo sababay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax uu booqday Jabuuti, isagoo xiligaas la kulmay masuuliyiintii Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa shirkii Qaramada Midoobey ee July 2018 ka jeesiday codsi nabadeed oo ay dooneyso in lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya Eritrea, safiirkii Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa u qoray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres “Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo inaan diyaar u nahay inaan aqbalno xal nabadeed oo kasta oo Golaha Ammaanka ee QM uu soo jeediyo, si loo soo afjaro khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.” The post Jabuuti oo heshiis ka dalbatay Eritrea oo ka heysata dhul iyo askar maxaabiis ah appeared first on Caasimada Online.
  13. Laascaanood (Caasimada Online) – War-saxaafadeed garnaqsi ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo ayaa farriin loogu diray Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan. Qoraalka Khaatumo waxaa lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan. Hoos ka akhriso qoraalka SSC oo dhameystiran: Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo. Si waafaqsan Qodobada Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Cutubka 5-aad, qodobadiisa 48-aad 49-aad, iyo 50-aad. Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran. Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal looga wadatashado arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulshada inta aan loo gudbin goleyaasha dowliga ah waa madal ka qayb galkeedu ku dhisanyahay matalaad Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamullada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hadaba, Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu caddeynayaa: 1. In aan marna la aqbali karin in midnimo iyo wadajir la doono, matalaadda dad iyo deegaan baaxad lehna aysan qayb ka ahayn aayo katashiga arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dowlad-dhiska Soomaaliya. 2. In SSC-Khaatumo xaq u leedahay ka qayb galka, ka tashiga iyo ka talinta arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee saamaynta ku leh Soomaaliya. 3. In Maamulka SSC Khaatumo xaq u leeyahay mashaariicda horumarineed iyo kabka miisaaniyadeed ee heerarka iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad- goboleedyada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir. SSC Khaatumo waxa ay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka rajeynaysaa in ay ka dhabeeyaan magaca iyo masuuliyadda Goluhu huwanyahay. SSC-Khaatumo waxa ay sii laba jibaari doontaa hawlaheeda dowlad-dhiska, amniga iyo difaaca, iskutashiga, daadajinta maamulka iyo dimoqraadiyaynta. SSC Khaatumo Soomaaliya Loo Dhanyahay. The post Khaatumo oo soo saartay qoraal garnaqsi ah farriin culusna u dirtay Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
  14. Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen. Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran. Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi”Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.” Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare. PUNTLAND POST The post Khamenei oo sheegay in Iran iyo Xulafadooda aysan ka waaban doonin dagaalka Israel appeared first on Puntland Post.
  15. Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa Howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose ku diley in ka badan 24 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab sida ay sheegtay warbaahinta afka ciidamada qalabka sida ku hadashahi. Deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ayey Ciidanku howlgalka ka fuliyeen, ayagoo si gaadmo ah uga dul dhacay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo ay ka dileen ugu yaraan 24 xubnood sida laga soo xigtay Saraakiisha. Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xogta la xariirta howgalkan. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah gulufka ballaaran ee ay ciidamada Xoogga, kuwa Daraawiishta, iyo xoogagga deegaanku kula jiraan kooxda Alshabaab oo ku sugan meelo ka tirsan gobollada koonfurta iyo Bartamaha dalka. Source: goobjoog.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horeysay ka hadlay silsilad suuggaaneedka ay Xidigaha Geeska ku dhaliileen xukunkiisa ayaa ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland.” Muuse Biixi ayaa sheegay in cida askarta u heestay aanay ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, isaga oo ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, sida uu hadalka u dhigay. “Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kooxda hobollada Xidigaha Geeska oo haatan taageeradooda iskugu geeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhawaan soo saaray heeso silsilad ah oo ay ku dhaliilayaan xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Biixi. Kooxda ayaa si gaar ah madaxweyne Biixi ugu dhaliishay jabkii ciidamada Somaliland kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood iyo dhulka ay Somaliland lumisay intii uu talada hayay. Heesahaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada maalmihii lasoo dhaafay ayaa badankooda waxay ka siman yihiin inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi. Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan. The post Muxuu MUUSE BIIXI ka yiri heesaha sida weyn u faafay ee lagu dhaliilay xukunkiisa? appeared first on Caasimada Online.
  17. Kenyan President William Ruto on Wednesday opened an international travel expo in the capital, Nairobi, reaffirming his commitment to growing tourist numbers through diversification and targeted marketing in emerging source markets. Source: Hiiraan Online
  18. Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen. Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran. Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi: “Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.” Khamenei ayaa ammaanay ururka Xizbullah, isaga oo sheegay in ay “adeeg muhiim ah u hayaan gobolka oo dhan iyo dhammaan caalamka Islaamka”. Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare. Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ku hanjaby “kuwa weerara qaranka Israel, waxay bixiyaan qiimo culus”. Iran ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto jawaabteeda haddii Israel ay weerar celis sameyso. Ku dhowaad sanad kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Xamas ay ku qaaday Israel 7-dii October, Israel ayaa ku dhowaaqday inay diiradda u wareejineyso xaqiijinta xuduudda Lubnaan. Israel waxay sheegtay in hadafka uu yahay in ay u ogolaato in 60,000 oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay gantaallada Xizbullah, ay ku soo noqdaan guryahooda. Weerarada Israel ee meelaha ay ku xoogan tahay Xizbullah ee Lubnaan ayaa dilay 1,000 qof tan iyo 23-kii September, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, waxaana ku barakacay boqolaal kun oo qof. Waxay sidoo kale dilaan, Jeneral Irani ah iyo taliyeyaal sare oo ka tirsan Xizbullah, oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxda Xasan Nasrallah. The post Khamenei oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisadda Israel appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay goorta ay Jubbaland u abaal-gudeyso Puntland, xilli uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maqnaanshaha Puntland soo saaray miiska shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Villa Soomaaliya. Fahad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Puntland ay abaal siyaasadeed aan lasoo koobi karin ku leedahay Jubbaland, marka loo fiiriyo duruufihii adkaa ee siyaasiga ahaa ee Saciid Deni uu kala soo dabaashay Axmed Madoobe. “Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Fahad. Sidoo kale waxa uu yiri “Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.” Hoos ka aqriso qoraalka Fahad JUBALAND GOORMEEY GUDEYSAA ABAALKII PUNTLAND? Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo. Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka. Waxaa la hadal hayaa in Madaxweyne Madoobe shirka madasha kaga khudbeeyey in Punland la’aanteed aanan go’aanno masiiri ah la gaari karin. Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono. The post Fahad: Jubaland goormey gudeysaa abaalkii Puntland? appeared first on Caasimada Online.
  20. Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee Socdaalka walaaleye ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobalka Daadmadheedh . Qaran News