-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo lagu dhaqan gelinayo barnaamijka xasilinta caasimadda iyo loogana hor tegay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah. Taliye Macalin Mahdi ayaa sheegay in howlgallo muddo socday lagu soo qabtay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsa jiray, isagoo soo bandhigay tirada qoryo lagu soo qabtay howlgalkaan. “Howlgalkaan 72 saac ayuu socday ayaa lagu soo qabtay 36 qori oo afar ay tahay BKM, kuwaas oo si sharci darro ah looga ganacsanayey, sidoo kale waxaan soo qabanay rasaas aad u badan,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Taliyaha ayaa sheegay in hubkaan uu khatar ku ahaa amniga caasimadda, isla markaana laga iibi jiray dadka ka shaqeeya amni darada iyo kooxaha argagixisada ah, sida uu hadalka u dhigay. “Halka aan ka imaanay iyo halkaan u socono waxaa dhow halkaan u socono gadaal uma noqon doono, qofkii hadda kadib ku howlan arrintaan waxaan u cadeynayaa in gacanta ciidamada amaanka uusan ka badbaadi doonin,” ayuu yiri Macalin Mahdi. Taliyaha ayaa aad ugu goodiyey in hadda kadib ay aad u beegsa doonaan hubka sharci darada ah, dadka ka ganacsada, kuwa dalka soo geliya iyo guryaha lagu hayo, intaba. ”Hub sharci darro ah laguma arki karo guri masuul leeyahay. Hub sharci darro ah ayaa la soo qabtay, ogaada Qof kasta ee ka ganacsada hub wuxuu lamid yahay Al-Shabaab” ayuu yiri Macalin Mahdi. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska oo soo bandhigay hubkii ugu badnaa iyo ragii watay, soona saaray amar culus appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ay ka sameyeen magaalada Muqdisho ay kusoo qabteen Hub sharci daro ah. Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Benaadir Macalin Mahdi ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ka ganacsanayay hubka. Waxaa uu sheegay in la mamnuucay ganacsiga hubka. sidoo kale waxaa uu sheegay in uusan jirin masuul heysan kara hub aan diwaangashaneyn. Macalin Mahdi ayaa ka digay in hub lagu dhex heysto magaalada. sidoo kale cidii ku howlan ay la mid tahay Shabaab. Amarkaan maanta kasoo baxay Booliska Soomaaliyeed waxaa ku wehliyay maamulka gobolka Benaadir iyo Ciidanka xasilinta caasimadda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho xilli uu socdo qorshe baarlamaanka lagu marsiinayo rabitaanka Villa Somalia. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna ka wada-hadleen shaqada baarlamaanka 11-aad, sida uu shaaciyay xafiiska guddoonka. Labada guddoomiye ayaa isla soo hadal qaaday xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta baarlamaanka labadiisa aqal iyo ka wada-shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka. Kulanka labada masuul ayaa imanaya saacado un kadib markii guddiga joogtada ee Golaha Shacabka uu ansixiyay ajendayaasha horu-tebinta u leh kulamada guud ee todobaadka soo socda, kadib kulan ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa. Sidoo kale waxa uu imaanaya kulankaan xilli ay Villa Somalia dooneyso in baarlamaanka marsato sharciyada qabyada u ah hanaanka doorasho ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhagan yahay ee qof iyo cod. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka ah marsaday sharciga doorashooyinka iyo midka axsaabta, iyada oo mucaaradka ay diidan yihiin. Waxaa kale oo marhore baarlamaanka loo gudbiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka. Fadhiyada soo socda ee baarlamaanka ayaa la rabaa in saddexdaas arrimood diirada lagu saaro, inkasta oo hadda jihadii baarlamaanka ay kala qeybsantay. Lama oga sida ay Villa Somalia ku marsan doonto rabitaankeeda baarlamaanka, iyada oo dhinaca kalena ay ku furan tahay xiisadda Koonfur Galbeed, oo markii hore ay xildhibaannadeeda ay jireen dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse ay hadda ku kala furteen khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Lafta-gareen. The post Cabdi Xaashi iyo Aadan Madoobe oo kulmay xilli uu socdo qorshe xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
460374060_886236046282102_7503554913274166387_n Qaran News
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa maalintii labaad howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab waxay ka wadaan aagga tuulada Caanoole oo dhanka Koonfureed kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Ismaaciil Saxar-diid oo la hadlay Warbaanhinta Qaranka wuxuu u sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ay burburiyeen fariisimihii khawaarijta ay ku lahaayeen tuulada Caanoole. Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mudooyinkaan ka socday howlgallo ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa dowlad goboleedka jubbalaand, kuwaas oo deegaano badan looga saaray kooxda Alshabaab Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa markale taageero xooggan u muujiyay Soomaaliya oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya. Mareykanka iyo Masar ayaa xaqiijiyay taageerada madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka horyimid damaca guracan ee xukuumadda Addis Ababa ay dooneyso inay ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. “Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xad-gudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah shir jaraa’id oo si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken. Dowladsa Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, iyadoo ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho. Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanideeda. Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed. “Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Waxa uu intaas kusii daray “Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.” Arrimahan ayaa imanaya xilli ay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara. Si rasmi ah loma ogga sababta shirkaasi oo Turkiga dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallan-qeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay. Sidoo kale Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in xiisadda kasii darto. The post Mareykanka iyo Masar oo mowqif culus ka qaatay xiisadda Somalia iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia announced on Wednesday that it has apprehended a senior member of the terrorist organization al-Shahaab in the central Galgadud region. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen shaqada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayagoo isla soo hadalqaaday xoojinta iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka . Sidoo waxay hoosta ka wada xariiqeen muhiimadda ay leedahay ka wada shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Turkiga ayaa shaacisay hannaan cusub oo ay u wajahayso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu fashilmay wareeggii 3-aad ee wada-hadallada. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah. Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah. “Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan. Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo hannaan cusub u rogtay Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha golaha aqalka sare oo kulan la yeeshay Danjiraha dalka Shiinaha Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Yu Wang. Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka soo-jireenka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo sidii loo sii adkayn lahaa xiriirkaas ka wada dhexeeya labada dowladood. Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa adkeeyay in Dowladda Shiinaha ay marwalba garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dhinac walba, isla markaana uu ka shaqeynayo xiriir wada shaqayn dhow oo dhexmara Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacbiga Qaran ee Shiinaha. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalada kacsan ee Koonfur Galbeed ayaa u muuqata in haatan ay yeelatay weji cusub, waxaana soo baxay khilaaf horleh oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada maamulaas ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya. Khilaafka ayaa maanta bannaanka usoo baxay kadib markii Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba lagu celiyay garoonka magaalada Muqdisho. Arrintan ayay si weyn ugu kala qayb-sameen xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana qaarkood ay kasoo horjeesteen in la hor istaago Xildhibaan Sareedo, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in laga celiyo magaalada Baydhaba oo ay saaka kusii jeedday. Sareedo oo qudheeda la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in lagu xagdubay, isla markaana saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen, kana reebeen dyaaradda. “Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle. Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay is hortaagga lagu sameeyay xildhibaannada, isaga oo toos ugu eedeeyay inay ka dambeyso Villa Soomaaliya. “Xildhibaannadu ma’ah shaqaale Xasan Sheekh, waa xadgudub sharci iyo gef wayn in saaka xildhibaan qaran kahor istaago inuu u safro Baydhaba oo ah deegaan doorashadiisa” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi. Dhankiisa Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay war ka duwan midkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in horay isaga iyo xildhibaanno kale uu maamulka Laftagareen u diiday Baydhaba, haddana aysan macquul ahayn in xildhibaan aan fasax haysan loo ogolaado Baydhaba oo uu tilmaamay inuu ka socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan sirdoonno shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. “Maamulka Laftagareen wuxuu horey Xildhibaano reer Koonfur Galbeed ugu diidey in ay degaankooda tagaan. Maanta ma jirto sabab Xildhibaan aan fasax haysan uu Baydhabo u tago la kulanka sirdoon shisheeye” ayuu isna ku jawaabay Xildhibaan Mukhtaar Guuleed. Wasiirkii hore ee haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Hanifa Ibraahim Habsade ayaa iyaduna ku jawaabtay “Xildhibaankii isaga oo Mayd wado diyaarada laga soo dejinaayey shalay ma ahayno! Guddoomiye Jawaari Allah u naxariistee isaga oo Baydhabo loo diiday ayuu Xamar ku dhintay, xitaa Maydkiisa loo qaadin. Dadkii dad celin jiray oo diyaaradaha lahadli jiray lee Eedadayna (Xildhibaan Sareedo) maanta celiyey.” Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd, kadib markii uu Laftagareen ka horyimid gebi ahaan qorshaha Villa Somalia. The post Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin cusub oo ka soo baxday Oxfam ayaa muujinaysay waxqabad la’aanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay ka hor istaagtay fursadaha nabadda iyo horumarka ee qaaradda Afrika, taas oo keentay in baahiyaha bini’aadantinimo ay si xawli ah u korodhaan. In ka badan 80% go’aannada UNSC ee la soo saaray tobankii sano ee la soo dhaafay waxay quseeyeen Afrika, hase yeeshee midna ma gaadhin nabad waarta. Saameynta Veto-ga Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in xubnaha joogtada ah ee UNSC—Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, UK, iyo Maraykanka—ay ka faa’iideysanayaan awoodahooda gaarka ah si ay u ilaashadaan danahooda juqraafi ahaan. Tani waxay hoos u dhigeysaa awoodda Golaha inuu ilaaliyo nabadda iyo ammaanka caalamiga. Ruushka iyo Maraykanka ayaa si gaar ah u adeegsanaya awooddooda veto-ga, taas oo carqaladaynaysa horumarka nabadeed ee Ukraine, Suuriya, iyo Falastiin. Baahida Afrika Afar boqol oo million oo dad ah oo Afrika ku nool, ma haystaan wax kaalmo ah oo joogto ah oo ka mid ah UNSC, inkastoo qaaraddu ka kooban tahay 54 dal. Abuurista xaalado siman iyo matalaad toos ah ayaa lagama maarmaan u ah in la xoojiyo codka Afrika ee go’aannada caalamiga ah. Ms. Fati N’Zi Hassane, agaasimaha Oxfam ee Afrika, ayaa sheegtay: “Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa la dhisay xilli ay ka talinayeen gumeystayaashu, waxaana lagu sifeeyey kala sooc qoto dheer oo aan ka tarjumayn xaqiiqooyinka maanta.” Dhibaatooyinka Bini’aadantinimo Baahida bini’aadantinimo ee Afrika ayaa ka badan afar laab tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo baahida lacagta loogu talagalay kaalmada bini’aadantinimo ay si weyn u kordhay. Intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2023, codsiga UN ee kaalmo bini’aadantinimo ee dalalka Afrika ayaa laba jibbaarmay, laakiin wax ka yar badh ayaa la fuliyey. Talooyinka Oxfam Oxfam waxay ugu baaqday in la sameeyo isbeddel weyn oo ku saabsan UNSC, oo ay ku jiraan joojinta awoodda veto. “Africa waxay u baahan tahay inay leedahay fadhiyo joogto ah oo ay ka qayb qaadato go’aan qaadashada, si loo xalliyo caqabadaha bini’aadantinimo iyo ammaanka,” ayay tiri N’Zi-Hassane. Marka la eego isbeddelka ugu dambeeyay, waqtigaan waxa uu u muuqdaa fursad lagu horumarinayo masiirka Afrika, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee ay ciyaarayaan ururrada sida Midowga Afrika. Source: goobjoog.com
-
460318130_1178596263222094_1610390718503568586_n Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah. Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah. Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara. “Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan. Waxa uu sidoo kale sheegay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada. Turkey ayaa illaa hadda marti-gelisay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirkooda. Wareeggii saddexaad ee wada-hadalalda oo la qorsheeyey in uu Ankara ka dhaco Talaadadii ayaa la baajiyey. Xiriirka labada dal ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso. Muqdisho ayaa heshiiska ku tilmaamtay sharci-darro, waxayna uga aargudatay inay cayrisay safiirkii Itoobiya kuna hanjabtay in ay dalka ka saareyso kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, oo gacan ka gaysta la-dagaalanka Al-Shabaab. Kadib labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay ayada oo ay hawada isu mariyeen hadallo kulkul. REUTERS + VOA The post Hakan Fidan oo war cusub ka soo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun kasoo saartay kiis dil oo loo haystay ex-dable xoogga Maxamud Cabdulle Geesood (AJ). Maxamuud AJ oo ka tirsanaa guutada 7-aad ee XDS ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed (Qeylo), markii taariikhdu aheyd 19/2/2024. Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in eedeysanaha uu rasaas ku furo marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed. Eedeysanaha oo dilka kadib baxsaday ayaa gacanta hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay 20-kii bisha 4 ee sanadkaan 2024. Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 3-dii bishaan September 2024. Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay ex-dable xoogga Maxamud Cabdulle Geesood (AJ) dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed (Qeylo). Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida. The post Askari sabab yaab leh dil uga geystay Xarardheere oo maanta la xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
Beirut (Caasimada Online) – Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama fooneeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xiriirayeen ayaa shalay ku qarxay meelo badan oo kamid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan. Tani ayaa imaneysa maalin kadib markii ay ku dhawaad 3,000 oo kamid ah dagaal-yahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaarsiineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale. Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac. Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah. Israa’iil si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Israa’iil Arbacadii sheegay in Israa’iil ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal. Ma uusan soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu amaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yiri “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.” Xisbullah waxay weerarkan ku eedeysay Israa’iil ’il. Waxayna wacad ku martay in ay ka aargudan doonto. The post Xogta aalado kale oo isgaarsiineed oo lagu qarxiyay Xizbullah + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay dalkaasi Daahir Xasan Carab oo horay u ahaa guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Simad. Danjire Daahir Carab oo si toos u guda galay shaqadiisa diblumaasiyadeed ayaa ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay Joe Biden, kadib markii uu ka qabtay warqadaha aqoonsiga. “Madaxweynaha Mareykanka maanta waa la kulanay waxaana u gudbinay warqadaha aqoonsiga oo si rasmi ah nooga qabtay” ayuu yiri danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Washinton. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in fariin uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ummadda Soomaaliyeed uu gaarsiiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Binde. “Waxaan gaarsiiyay salaan aan ka waday Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri mar kale yiri danjiruhu. Dhinaca kale Daahir Carab oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, isla markaana uu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta. “Waxaan is weydaarsanay muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa” ayuu sii raaciyay Waxaa kale oo uu intaasi ku daray “Wuxuu madaxweynahu ballan qaaday inuu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay dib ugu soo kaban lahayd arrimaha nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo tacliinta”. Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir qoto dheer iyo iskaashi buuxa, waxayna Washinton qayb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. The post Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Xasan u direy Joe Biden ee la gaarsiiyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” oo ka tirsan Guutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024. Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in Eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed. Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo” Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida. Source: goobjoog.com