-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Maamul goboleedka Galmudug waxaa wali ka taagan xaalado dhanka siyaasadda ah iyo is-mari-waa aad u xoogan. Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi, oo kamid ah murashaxiintii madaxtinimada Galmudug, ayaa ku baaqay in la farageliyo arrintaan. Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay gogol nabadeed fadhiso si loosoo afjaro kala aragti-duwanaanta oo meel sare mareysa. Siyaasiyiinta ayuu ku booriyey in ay xeeriyaan danta Galmudug iyo guud ahaan tan Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in sidda ugu dhaqsiyaha badan uu xal kusoo bixi doono. Galmudug ayaa haatan u kala qeybsantay saddex garab, kuwaasoo laba kamid ah ay yeesheen madaxweyneyaal iyo guddoon baarlamaan. View the full article
-
Afgooye (SMN) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerartay saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye. Weerarka ayaa lagu waramayaa in uu ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labadda dhinac, kaasoo ka dhashay khasaaro kala duwan. Ma cadda waxyeeladda guud ee ka dhashay iska hor-imaadka oo wararku qeexayaan in uu ahaa mid leysku adeegsaday hub kala duwan. Dadka degaanka ayaa tilmaamay in ay maqleen daryenka hub culus, wallow ay ka gaabsadeen khasaaraha guud. Laamaha ammaanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin isku dhaca, oo lagu qeexay mid ka dhacay xaafadaha ku teedsan Webiga Shabeelle. Degmadda Afgooye oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho ayaa inta badan weeraro noocaan ah kala kulanta xarakada Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-31012020.mp3 View the full article
-
Ankara (Caasimadda Online) – Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagu eedeeyey inay dalka dib ugu soo celineyso dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga kuwaas oo aan weli helin caafimaad dhameystiran. Hooyo Shariifo Maxamuud Rooble oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ay gabar uga dhimatay Qaraxii Ex Control mid kalana uga dhaawacan tahay kuwaas oo dhammaantood ahaa arday dhiganayey Jaamacadda Banaadir ayaa sheegtay inay ka cabaneyso Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Ankara. Shariifo Maxamuud Rooble oo ah Hooyada dhashay Aamina Maxamuud Axmed oo kamid aheyd Ardeyda Jaamacadda Banaadir kuna dhaawacntay qaraxaas iyo Faadumo Maxamuud Axmed oo qaraxa ku geeriyootey ayaa sheegtay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ay culeys ku saareyso in dalka dib loogu soo celiyo Gabadheeda oo weli xaaladeeda caafimaad aan hagaagin. Hooyadaan ayaa tilmaamtay inay safaaradda Soomaaliya Xalay ku wargelisay in Habeen dambe dib loogu celin doono Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaysan weli gabadheeda caafimaadin isla markaasna ay ku yaalaan dhaawacyo halis ah ayna ku noqon karin dalka. Mar wax laga waydiiyey haddii ay la xiriireen safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxay sheegtay inay safaaradda ka biyo diiday inay sii joogaan Turkiga lana jaray tikidkii ay diyaaradda ku raaci lahaayeen. Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya ee Ankara Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo la hadlay warbaahinta gudaha kana jawaabayey eedeyntaas ayaa sheegay in safaaradda aysan arrintaas wax lug ah ku laheyn isla markaasna ay tahay go’aan kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyo Dhaqaatiirta loo xil saaray daweynta dhaawacyadii laga soo qaaday Magaalada Muqdisho. Dadka lasoo celin rabo kaliya maahan gabadha ay dhashay hooyadaan, balse waxaa sidoo kale jiro dad kale oo iyagana lasoo celinayo kuwaas oo sheegay in dadkii ka dhaawacnaa aysan weli helin daryeel caafimaadka iyo waqti ku filan.
-
Click here to read Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa beeniyey in si qasab ah loo soo celinayo dadka dhaawaca ah ee la geeyey dalka Turkey. Safiirka ayaa sheegay in safaaradda aysan mas’uul ka ahayn dhaawacyadii halkaas la geeyay bishii hore 30-keedii kadib qaraxii Ex-control Afgooye, islamarkaana aysan soo celineyn. “Waxaan cadaynayaa in ay dowlada Turkiga aad iskaga xil saartay, dadkii Turkiga ahaa ayaa laga hor mariyay caafimaadkooda, dowlad safaarad iyo shacab waxaan dul taagneyn maalin kasta, xataa lacago ayaan u aruurinay” ayuu yiri. “Dadkaas qaarkood ma wataan baasabooro, Visa kuma imaan, waxaan safaarad ahaan shaqo aan ku leenahay maahan, laakiin waa dad Soomaaliyeed waan Kormeereynaa wixii adeeg ah ka safaarad ahaan waan u qabanaa, laakiin go’aanka in ay caafimaadkooda dhameysteen oo dalkii lagu celinayo waxaa iska leh dowlada Turkiga iyo wasaarada caafimaadka Turkiga” ayuu yiri danjire Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid). Hoos ka daawo safiirka Cabdixakiin Cilmi Xasan
-
"I heard the gunshots at 2am on January 7, a day after schools opened for the new academic year," says Safiyo Ali, 50, the headteacher of a primary school close to Kenya's porous border with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo oo ah Nabadoonka Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa tuhun xoogan ka muujiyay inuuba nool yahay Wasiirka. Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo ayaa sheegay in warkii Taliska Booliska ka soo yeeray ee la xiriiray baxsahada Wasiirka ay ka maqleen uun Warbaahinta, isla-markaana aanay jirin farriin loogu soo wargelinayo oo kaga timid dhinaca dowladda. Nabadoon Aadan Maxamed oo la hadlay BBC ayaa sheegay in tan iyo markii uu soo baxay warka Taliska Booliska, ay meelo kala duwan la xiriireen, hase ahaatee aanay helin cid ka warami karta halka uu ku dambeeyo Wasiirka. “Meel kasta waan la xiriirnay waxba lama hayo. Kismaayo lama hayo, Gedo waa meeshiisii, iyana lama hayo, Jubbaland lama hayo, Xamar dhexdeedana meel lagu hayn karo inaanay jirin baan fillaya.” Ayuu yiri Nabadoon Aadan Maxamed. Waxa uu soo hadalqaaday mudadii uu ku xirnaa Magaalada Muqdisho in odayaal uu ka mid yahay oo Gobolka Gedo ka tagey inay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla-markaana ay kala hadleen sidii xabsiga looga soo saari lahaa, balse aanay Madaxweynaha ka helin war rasmi ah oo uu ku cadaynayo, goorta uu xoriyadiisa dib u heli doono. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dowladdu ka diiday in lala kulansiiyo Cabdirashiid Janan, odayaal uu ka mid ahaa oo tiradoodu uu ku sheegay 17 xubnood. Nabadoon Gurumo ayaa malahooda ku sheegay in la dilay Wasiirkii Amniga Jubbaland, haddii aanay meel qarsoodi ah ku hayn Dowladda Federaalka. “Koley ninkaasu waa nin dhintay ama waa nin meel qarsoodi ah ku jiro oo qoladaan ay si kale u aragtay. Walaahi anaga waxaanba filleynaa ninkaasi inuusan noolleen.” Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa ku jahwareersan halka uu ku dambeeyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Jubbaland, oo tan iyo 31-kii bishii August ku xirnaa Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan wax war ah ka soo saarin xaaladda nololeyd ee Wasiir Janan, ka dib warkii uu boolisku ku sheegay inuu ninkaasi ka baxsaday xabsigii uu kaga xirnaa Caasimadda Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasaiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay wax uu ku sheegay shirqool lala damacsan yahay musharaxiinta mucaaradka ee madaxweynaha Galmuudg. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hogaamiya xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in rag loo haysto danbiyo ay Dhuusomareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan. Farriimahaas ayuu sheegay inay yihiin in la weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federaalka ah, sida uu hadalka u dhigay. Ma jirto cid xaqiijin karta warka Cabdiraxmaan. Cabdiraxmaan ma magacaabin shaqsiyaadka “fariintan ka sidda madaxda dowladda” ee uu eedeynta u jeediyey. Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga Waxaan xog ku helayaa in rag loo haysto danbiyo dagaal ay magaalada Dhuusamareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan oo ah in la weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federaalka ah. Waxaan ugu baaqayaa saraakiisha ciidanka in ay dibad joog ka ahaadaan loolanka siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, kuna ekaadaan sugidda amniga iyo la dagalaanka argagexisada, kuna cibra qaataan kuwa horay danbiyada la geliyey oo waysan meel ay maanta ciirsadaan, raadinayana saraakiil sidooda oo kale danbiyada ku wehashadaan.
-
UW Ph.D. candidate Abdiasis Hussein reflects on his journey to higher education Source: Hiiraan Online
-
Moscow's growing influence in Africa is worrying many in the West, the report says. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxda Ahlu Sunada Galmudug ayaa wax laga weydiiyay sababta aanay ugu tanaasulin doorashada ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka Somaliya, una qabteen doorasho kale oo taasi liddi ku ah. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha xigga ee Galmudug, ee garabka Ahlu-Sunna ayaa ka jawaabaya su’aasha ah, maxaa Ahlu Sunna tanaasul u diiday? “Waxaanba halkaan ku soo gaarsiinay tanaasul, laakiin dowladda maba aad sheegi kartit waxay ka tanaasushaba.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ay soo doorteen Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna. Sheekh Maxamed Shaakir oo wareysi siiyay VOA ayaa tilmaamay in imaanshaha dowladda ee Magaalada Dhuusamareeb, ay ku timid tanaasul ay u sameeyeen isaga iyo Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, waa Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). “Anagaa u tanaasulnay, Madaxweyne Xaaf iyo anigaa u tanaasulnay Dowladda Federaalka oo halkaan ku soo dhaweynay. Anagoo maamul haysana mideynay. Galmudug oo kala taagan saddex meelood iyo dhawr meelood u kala go’go’an uun baa inta shir qabanay, oo Jabuuti lagu soo heshiiyay ayaa calankeenii mid ka dhignay, ayadoo laba calan laheyd, dastuurkeedii baan mid ka dhignay, laba dastuur bay laheyd, astaanteediiyaa mid ka dhignay, magaciibaa mid ka dhignay oo Galmudugaa wada qaadanay, ciidankeediiyaa mid ka dhignay.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku waramaya iyagoo marxalad wanaagsan ku naalloonaya inay dowladdu ku tiri waxaan dhiseynaa maamul ka wanaagsan midka ka dhisan Gobolada Dhexe. “Markii aan mideynay oo magaaladii caasimadda ahayd bash-bash iyo baraara aan ku joognay, uun baa Dowladda Federaalka Somaliya waxay tiri Galmudug ka fiican midaan iyada ahaa dhiseynaa, bal xoogaa ka wareega. Markii aan isku adkeynana waxaan dareenay in dowladdu meel kale wax ka shideyso, si aan dab kale loo shidinaa u tanaasulnay aniga iyo Madaxweynihiiba. Markaan u tanaasulnayna dabkii la shidaayay waa iska shidmaa maahee wixii la saara waa bislaan diideen.” Ayuu yiri Sheekh Shaakir. Sheekh Shaakir waxa uu xilligan Villa Somalia ka doonayan inay ka tanaasusho doorashada ay toddobadka soo socdo qorsheyneyso inay ku qabato Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay taageerto doorashadii isaga loogu soo doortay Hoggaanka Galmudug.
-
Shilaabo (Caasimada Online) – Seddax wiil oo isku qoys kasoo jeeday ayaa shalay galab ku dhintay Baraag ay ku dheceen oo sida la sheegay ay biyo ku jireen. Wiilashaas oo dhamaantood ahaa ilmo aan qaan gaarin ayaa ka dhashay qoys reer guuraa ah oo ku nool deegaan lagu magacaabo Laascaanood oo hoos taga degmada Shillaabo gobolka Qoraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida Seddax wiil ee ku dhintay berkedda ayaa waalidkood waxay raacsadeen Ubad ama Nirgo laga reegay Geel irmaan ah oo ciddu laheyd. Wiilasha dhintay ayaa kala ahaa labo isla dhalatay iyo mid ay Adeer u ahaayeen labada isla dhalatay, waxaana lagu kala magacaabi jiray. Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7-sano Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini 6-sano Jir ahaa, iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4-sano jir ahaa. Dad biyo u doontay berkadda ay ku dhaceen ilmahaas ayaa soo saaray meydka seddaxdaas wiil ee isku reerka ahaa, isla markaana isla socday in kastoo aan weli faahdfaahin laga helin sababta keentay in seddaxduba ay berkedda ku dhacaan.
-
Ankara (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo laba gabdhood oo ay dhashay mid ku dhimatay Qaraxii 28-kii bishii hore December ka dhacay Ex-Control Afgooye midna ku dhaawacantay ayaa sheegtay inay cabasho ka tahay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara. Hooyadan oo gabadhii uga dhaawacmatay qaraxaas iyo gabar kale oo Jaamadacadda Banaadir la dhigeynaysay u qaaday dalka Turkiga ayaa sheegtay in safaaraddu ay caawa ku soo war gelisay in habeen dambe lagu celi doono dalkii, iyadoo gabdhihii aysan bogsan oo weli ay qabaan dhaawacyo daran. Waxay sheegtay in labada gabdhoodba ay weli qabaan dhaawacyo halis ah safarna aysan hadda u geli karin dalkii, sidaas markii ay u sheegeen safaaradana lagu gacan seyray oo loo sheegay in lasoo jaray tikidkii ay ku bixi lahaayeen. Sidoo kale hooyadan ayaa dowladda Soomaaliya iyo tan Turkiga ka dalbatay in eyagoo aan bogsan lagu celiyo dalkii looga soo qaaday xaaladda caafimaad, waxayna ku cataawday in labadeeda gabdhood ay Indho u ahaayeen mid kamid ah Indhahaasna ay weysay, hadana ay dalbaneyso in lala badbaadiyo Idhasha u hartay oo ay kala jeedo gabadheeda dhaawaca ah. Halkan ka Daawo
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowlada Ingiriiska ayaa markii u horeysay sheegtay in Somaliland ay wajaheyso sumcad xumo weyn oo ay kala kulantay cabudhinta ay kula kacdo warbaahinta ka howl-gasha iyo Suxufiyiintaba. UK ayaa ka deyrisay Suxufiyiin ay xidhay Xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo aan ilaa hadda la horgeynin Maxkamada, midaasi oo wax laga xumaado ay ku tilmaamtay. Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa oo hadal ka jeedinayay Madal lagaga hadlayey Xoriyadda Saxaafada, ayaa Xukuumada Biixi ku canaantay falalka ka dhan ah xoriyatul qolka ee ay ku kacdo, wuxuuna yiri “Soddon iyo kow kiis oo xadhig ah ayaa dhacay sanadkii 2019 balse Shan ka mid ah ayaa maxkamadd la geeyey, maxay taasi ku dhacday, aniga oo ka xun inaan si taban u hadlo. Somaliland sumcad xumo ayay ka qaaday cabudhinta xoriyadda hadalka”. “Hadii aan la hadlo diblomaasiyiinta aanu saaxiibka nahay, waxay igala hadlaan xuquuqda aadamaha, iyo iyaga oo leh suxufiyiintu waxay ku jiraan xaaladd adag. Waxa kale oo aanu maqalnaa in Somaliland ay meel sare kaga jirto marka la eego xoriyadda hadalka ee dalalka gobolka, hadaba siday wax u jiraan, sideebaa loola tacaali karaa fahamkaas”. Wuxuuna intaas kusii daray “Lix iyo labaatankii Suxufi ee kale ee aan kiisaskooda maxkamadaha la keenin maxaa loo soo qabtay markii hore, siday wax u jiraan, yaa eedaasi iska leh, way fududahay in farta la isku fiiqaa”. “Waxay ila tahay in mas’uuliyaddu ay fadhido meelo badan. Waxaynu hadda ognahay in aanay jirin qaab sharciyeed sax ah, waanay fiican tahay in wasiirka warfaafinta oo hadda halkan inala joogaa uu hore u riixayo arintaasi”.
-
U.N. agency declares global emergency over virus from China
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
U.N. agency declares global emergency over virus from China BEIJING (AP) — The World Health Organization declared the outbreak sparked by a new virus in China that has been exported to more than a dozen countries as a global emergency Thursday after the number of cases spiked tenfold in a week. The U.N. health agency defines an international emergency as an “extraordinary event” that constitutes a risk to other countries and requires a coordinated international response. China first informed WHO about cases of the new virus in late December. To date, China has reported more than 7,800 cases including 170 deaths. Eighteen other countries have since reported cases, as scientists race to understand how exactly the virus is spreading and how severe it is. Experts say there is significant evidence the virus is transmitting among people in China and have noted with concern several instances in other countries — including Japan, Germany, Canada and Vietnam — where there have also been isolated cases of human-to-human spread. China first informed WHO about cases of the new virus in late December. To date, China has reported more than 7,800 cases including 170 deaths. Eighteen other countries have since reported cases, as scientists race to understand how exactly the virus is spreading and how severe it is. Experts say there is significant evidence the virus is spreading g among people in China and have noted with concern several instances in other countries – including Japan, Germany, Canada and Vietnam – where there have also been isolated cases of human-to-human transmission. A declaration of a global emergency typically brings greater money and resources, but may also prompt nervous governments to restrict travel and trade to affected countries. The announcement also imposes more disease reporting requirements on countries. THIS IS A BREAKING NEWS UPDATE. AP’s earlier story follows below. BEIJING (AP) — China on Thursday raised the death toll to 170 and more countries reported infections from a worrisome new virus, including some spread locally, as foreign evacuees from China’s worst-hit region returned home to medical tests and even isolation. Russia announced it was closing its 2,600-mile border with China, joining Mongolia and North Korea in barring crossings to guard against a new viral outbreak. It had been de facto closed because of the Lunar New Year holiday, but Russian authorities said the closure would be extended until March 1. Train traffic between the countries was halted except for one train connecting Moscow and Beijing, but air traffic between the two countries continued, at least for now. Russia has not confirmed any cases of the virus. Meanwhile, the United States and South Korea confirmed their first cases of person-to-person spread of the virus. The man in the U.S. is married to a 60-year-old Chicago woman who got sick from the virus after she returned from a trip to Wuhan, the Chinese city that is the epicenter of the outbreak. There have been cases reported of the infectious virus spreading to others in a household or workplace in China and elsewhere. The case in South Korea was a 56-year-old man who had contact with a patient who was diagnosed with the new virus earlier. Human-to-human spread of the virus outside China has also occurred in Germany, Japan, Canada and Vietnam, and was a major reason the World Health Organization has convened its committee of experts Thursday to assess whether the outbreak warrants being declared a global emergency. The committee last week had advised the U.N. health agency it was too early to make that pronouncement. The new virus has now infected more people in China than were sickened there during the 2002-2003 outbreak of SARS, a cousin of the new virus. The latest figures for mainland China show an increase of 38 deaths and 1,737 cases for a total of 7,736 confirmed cases. Of the new deaths, 37 were in Hubei province, of which Wuhan is the capital, and one was in the southwestern province of Sichuan. Outside China, there are 82 infections in 18 countries, according to WHO. A second Japanese flight carrying 210 evacuees landed in Tokyo. Reports said nine of those aboard the flight showed signs of cough and fever. Three of Japan’s confirmed cases were among a group of evacuees who had returned on a government-chartered flight the previous day. A flight was also en route to China to bring back 350 Europeans. The U.S. said additional flights were planned for early next week after it evacuated 195 Americans from Wuhan on Wednesday. They are being tested and monitored at a Southern California military base. South Korea, Britain, New Zealand, Australia, Singapore and other countries were also trying to get their citizens out. Taiwan, the self-governing republic China considers its own territory, has also asked to be able to repatriate its passport holders from Wuhan, but it was awaiting approval from Beijing. Israel’s El Al , Spain’s Iberia, Scandinavian Airlines, Egypt Air and Korean Air joined the growing list of airlines suspending or reducing service to China. In South Korea, residents in two cities where quarantine facilities were being prepared threw eggs and water bottles at government officials to protest plans to isolate in their neighborhoods 700 South Koreans the government plans to evacuate from China. Amid reports of shortages in food and daily necessities in hot-spot areas, Chinese authorities are “stepping up efforts to ensure continuous supply and stable prices,” the official Xinhua News Agency reported. It cited Ministry of Commerce data showing current reserves in Wuhan can ensure a secure supply of rice and cooking oil for more than 15 days, pork and eggs for more than 10 days and vegetables for about five days. China’s highly developed online shopping and home delivery businesses were important in ensuring those confined to home by choice or by order could get food and other essentials. China extended its Lunar New Year holiday to Sunday to try to keep people home, but the wave of returning travelers could potentially cause the virus to spread further. Transport ministry spokesman Wu Chungeng outlined a series of rigorous temperature checks and other “severe measures” to detect possibly infectious passengers. Transport restrictions such as those isolating Wuhan and suspending inter-provincial bus services would remain in place, Wu said. “It’s definitely very challenging, but we’re confident we can exert effective control,” Wu told reporters at the briefing. The WHO emergencies chief, Michael Ryan, speaking in Geneva Wednesday after returning from Beijing, said China was taking “extraordinary measures in the face of an extraordinary challenge” posed by the outbreak. To date, about 99% of the cases are in China. Ryan estimated the death rate of the new virus at 2%, but said the figure was very preliminary. With fluctuating numbers of cases and deaths, scientists are only able to produce a rough estimate of the fatality rate and it’s likely many milder cases of the virus are being missed. In comparison, the SARS virus killed about 10% of people who caught it. The new virus is from the coronavirus family, which includes those that can cause the common cold as well as more serious illnesses such as SARS and MERS. Chinese authorities have demanded anyone who traveled from or through Wuhan report to health authorities and self-quarantine themselves for 14 days, the maximum incubation period during which patients can be infectious even if they don’t show symptoms. China has been largely praised for a swift and effective response to the outbreak, although questions have been raised about the police suppression of what were early on considered mere rumors — a reflection of the one-party Communist state’s determination to maintain a monopoly on information in spite of smart phones and social media. That stands in stark contrast to the initial response to SARS, when medical reports were hidden as state secrets. The delayed response was blamed for allowing the disease to spread worldwide, killing around 800 people. Associated Press writers Maria Cheng in London, Mari Yamaguchi in Tokyo and Kim Tong-hyung in Seoul, South Korea, contributed to this report. Qaran News -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-30012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Cabdi Dhaanto oo habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa maanta dib u helay xoriyaddiisa, kadib markii uu habeenadii u dambeeyey ku hoyday xabsiga dhexe ee Xamar. Cabdi Dhaanto, oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in markii hore maalinkii Isniinta laga soo wacay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadibna lagu wargeliyey in dacwad loo heysto oo uu yimaado saldhigga. “8:00am subaxnimo ayaan tegey saldhigga oo taliye ku xigeenkii joogo iima aysan sheegin in la i xiraayo, balse taliyaha ayaan is aragnay waxuu igu yiri dacwad ayaa kaa taalla mana rabo inaan hadda dacwadaas waxay ku saabsaneed sii guda galo, laakiin dacwadaasu lama xiriirin arimo argagixisom sida dadka qaar ay u fasirteen, isla markiina saldhigga ayaa la igu xiray weliba meel aad u dhib badan, maalin kadib anigoo katiinadeysan waxaa xabsiga iigu yimid qolooyinkii dacwada ii qabay, waxbaa la iga qoray kadibna waxaa la ii gudbiyey CID-da” ayuu yiri Cabdi Dhaanto. In kastoo Fanaankan si cad uusan u sheegin waxa uu salka ku hayey xarigiisa iyo eedeha loo soo jeediyey, haddana waxa uu ku celceliyey, in waxa ugu badan ee lagu heystay ay la xariirto xoriyadda hadalka. Saacado ka hor inta aan la xirin, Cabdi Dhaanto bartiisa Facebook waxa uu soo geliyey sawirka wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ka tirsan yahay garsoorka dowladda Soomaaliya, balse isagu markaas ku tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab, madaxiisana ay hey’adaha amaanku lacag badan duldhigeen ciddii aragtana ay la xiriirto laamaha ammaanka. Cabdi Dhaano oo qiranaya inuu dembi ka galay wiilkaas, waxa uu yiri, “Runtii wey jirtaa arrinta wiilkaas si aan ku talo-gal aheyn ayuuna qoraalkaas u dhacay, arrintaasna waa la xaliyey, waan ka wada hadalnay oo raali gelin ayaa ka dhacday, kiiska la igu heystana arrintaas kaliya maaheyn, balse wiilkaas dadkii wax iga soo daayey ayuu ka mid ahaa, oo ii doodaayey, cafiskiisa ayaana ku soo baxay”. Fanaanka Cabdi Dhaanto ayaa sidoo kale sheegay in markii maxkamadda gobolka Banaadir la geeyey ay yimaadeen dad badan oo dacwado u qaba, balse garsoorku uu diiday in lagu furo dacwadahaas. “Inta badana dacwadahaasi waxay u badnaayeen dad dhahaaya waxbuu iga qoray iyo waxbuu iga sheegay, dacwadahaasna waa la laalay, oo garsoorku waxa uu yiri qofkaan maxbuuska ah dacwadahaan ma qaadi karo, ugu dambeyntiina waa la i cafiyey, oo baaritaan dheer baan maray”. Halkan ka dhageyso wareysiga Cabdi Dhaanto https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Al-fanaan-Cabdi-Dhaanto-.mp3
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Cumar Mahad-Alle oo tirsanaa baalamaankii labaad ee Galmudug ayaa laga soo tarxiilay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Sheekh Cumar ayaa maalmo ka hor ciidamada dowladda ee ka howlgala Dhuusamareeb waxay ka soo qabteen Hotel uu ka deganaa magaalada, iyadoo wixii intaas ka dambeeyanaya lagu hayey guri ku yaalla magaalada. Siyaasigaan oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sababta loogu xiray gurigaas waxa uu ku sheegay in lagu eedeeyay inuu ka mid noqon rabay xubno baarlamaan oo ay Ahlu-Sunna dhismahooda ka waday magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale Sheekh Cumar ayaa sheegay intii uu ku xirnaa gurigaas in loo soo bandhigay inuu iskaga tago magaaladaan, maadaama ay madaxda dowladda federaalka dhibsadeen hadallo uu warbaahinta u mariyey. Mahad-Alle ayaa sheegay in muddo kadib uu ogolaaday inuu iskaga baxo magaalada Dhuusamareeb, sidaasna maanta duhurkii Muqdisho looga dejiyey. Sheekh Cumar Mahad Alle ayaa sheegay in dowladdu ay caburin ka wado magaalada Dhuusamareeb, isla markaana il gooni ah ay ku heyso cid kasta oo dhaliilsan sida ay wax ku wado, sida uu aaminsana hayna maalmaha soo socda dad kale laga soo tarxiili doono. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Sheekh-Cumar-Mahad-Alle-.mp3
