Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu weheliyo afhayeenka xisbiga Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guud ee Xisbiga waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha hay’adaha kala duwan ee saxaafadda. Guddoomiyaha ayaa bahda warbaahinta la wadaagay sida uu uga xun yahay eedda xukumaddu u jeedisay warbaahinta, islamarkaana ku booriyay in ay ilaaliyaan Qarannimada iyo sidii Somaliland u wanaagsanaan lahayd. “30-ka Wariye ee xukumaddu ku eedaysay in ay Xamar ka mushahar qaataan waa talaabo lagu cabsi galinayo Warbaahinta madaxa-banaan, waana meel ka dhac, xisbi ahaan waan ka soo hor-jeednaa waanan ka tacsiyaynaya Saxaafadda Somaliland eeddaas,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Guddoomiyaha ayaa saxaafadda u sheegay in uu ogol yahay madaxbannaanida saxaafadda si ay ugu warramaan si dhexdhexaadnimo ah oo xirfadaysan “kulankani maaha mid aanu taageero idinkaga doonayno. Laakiin wuxuu daaran yahay in aynu si fiican isku xog-waraysano, wixii jira ee dhib nooc kasta leh,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro Guddoomiyaha ayaa sida oo kale saxaafadda u ballanqaaday in uu ka shaqaynayo kobcinteeda iyo dhawrista xorriyaddeeda “Guddoomiye ahaan iyo xisbi ahaanba waan idiin baahanahay hadda barina waan idiin baahanahay (haddaan talada qabto).” Waxa uu intaasi raaciyay “Diyaar baan idiin la nahay inaan idin difaacno, Waad na dhalliili kartaan; Cirro wax baad ka sheegi kartaan, Muuse wax baad ka sheegi kartaan, xukumadda wax baad ka sheegi kartaan, waayo saxaafaddu way madax-banaan tahay,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha ayaa saxaafadda Somaliland u ballanqaaday in uu barbar istaagayo, islamarkaana ka taageerayo wax kasta oo lagu dhawrayo xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul qawlka. Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay kulanka uu la qaatay iyo sida uu ula dareen ka yahay saxaafadda madaxa bannaan, halkan hoose ka DAAWO Source
  2. London (SMN) – Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador James Swan iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magalada London ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen arimo ay kamid tahay diyaar garowga doorashooyinka madaxtinimo ee 2021-2022. Danjire James Swan iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh ayaa isla soo qaaday sida xiligan dowlada Soomaaliya ay ugu diyaar garoobeyso qabashada doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa madaxtinimo ee ka dhici doona Soomaaliya. Sidoo kale daniraha iyo Shariif Sheekh Axmed oo ah gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran ee ka qeyb galaya doorashooyinka qaran ee 2021-2022 ayaa isla soo qaaday sida ay dhankooda ugu diyaar garoobayaan xisbiyada siyaasadeed ee ka qeyb galaya doorashada madaxtinimo ee soo aadan Labada masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay inta uu kulankooda socday muhiimada ay leedahay wadatashi balaaran iyo is afgarad dhexmara dhinacyada siyaasada sanadkan 2020 iyo gogol xaar loo sameeyo doorashooynka madaxtinimo ee ka dhici doono dalka 2021-2022. Qoraal kooban oo lagu soo daabacay barta Twitterka ee xafiiska howgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri. “Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya James Swan wuxuu aad ugu faraxsanahay in uu la kulmo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isla markaana ay kawada hadlaan muhiimada ay leedahay siyaasad sal balaaran oo la wadaago, heshiis iyo is afgarad dhaca sanadkan 2020,kaas oo loogu gogol xaarayo horumarinta qaranka oo doorashooyinka ay qeyb ka yihiin”. Ugu dambeyn, dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashooyin qaran oo markii ugu horeysay loo qaban doono qaab axsaab ah,waxaana doorashadaasi ka qeyb gali doona xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo la kulmay Madaxda Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya,ayaa ay ka wada-hadleen sidii kor looggu qaadi lahaa Ganacsiga Soomaaliya sidoo kale looggu abuuri lahaa mashaariic lagu horumarinaayo Ganacsatada dalka. Wasiirka iyo Madaxda Baanka Aduunku,waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay horumarinta Awooda, jiritaanka iyo hal-abuurka Ganacsiga Soomaaliya iyada oo loo maraayo hababka casriga ah ee loo horumariyo ganacsiyada Aduunka (Digital Uplift Project). (SCALED-UP). Injineer Cabdullaahi Cali Xasan oo uu wehelinaayay ,Axmed Cilmi Muxumed oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS, ayaa madaxda Baanka Adduunka uga mahad-celiyey kulankan qiimaha badan, waxayna isku Af-garteen in si wada-jir ah looga shaqeeyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya. View the full article
  4. Beledwayne (SMN) – Maamulka HirShabelle ayaa xaqiijiyey in ay korodhay dadka uu gobolka Hiiraan kusoo ridanayo cudurka Shuban-biyoodka. Cabdi Macalin, wasiirka caafimaadka HirShabelle, ayaa sheegay in illaa iyo haatan ay xaqiijiyeen geerida sideed ruux. Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar ugu fidin lahaayeen bukaanadda. Dadka u geeriyooday cududrkaan ayuu hoosta ka xariiqay in ay isugu jiraan caruur iyo dad waaweyn, wallow ay u badan yihiin dhalaan. Wararka ayaa sheegaya in dadka u dhintay cudurkaan ay u badan yihiin barakacyaasha magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Beledwayne. Ugu dambeyntii, dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah ee gargaarka ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay kaalmo degdeg ah lasoo garaan dadkan dhibaateysan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Shuban-biyood.mp3 View the full article
  5. London (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah Magaalada London ee dalka Ingiriiska kula qaatay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan. Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyey dalka Soomaaliya gaar ahaan dhincyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2020-2011. Sidoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaalidihii ugu dambeeyey doorashada Galmudug. Labada Mas’uul ayaa isku afgartay in doorashada Galmudug ay noqoto mid ay u dhan yihiin dhammaan dhinacyada ayna u dhacdo qaab ay heshiis ku yihiin dhammaan daneeyaasha siyaadeed ee deegaanadaas. Sidoo kale Sheekh Shariif iyo Swam ayaa ku taliyey in xal deg deg ah loo helo khilaafka mudada dheer qaatay ee u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jiro, waxayna dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka. Ugu dambeyn Ambassador James Swan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saamileyda Siyaasadda Somaaliya kaalin weyn ka qaataan sidii xal looga heli lahaa Arrimaha doorashooyinka. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeyso Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe, iyadoo laga cabsi qabo inay Dhuusamareeb marti geliso laba madaxweyne oo ka kala socdo Ahlu Sunna iyo Dowladda halka Madaxweyne Xaaf uu howlo doorasho ka wado Magaalada Gaalkacyo.
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa. Madaxweynaha oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo mareeyaha hay’adda Duulista iyo madaarrada, ayaa kormeeray dhallinyaro ku takhasustay caafimaadka oo madaarka heegan ugu jira sidii ay xannuunka CORONAVIRUS uga hubin lahaayeen qof kasta oo kasoo dega madaarka. Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa ugu horrayn sharraxay sida loogu baahan yahay in laga hortago isbeddelada caafimaad ee dunida ka socda iyo la tacaalistooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Adduunyada waxa lagu jiraa feejignaan iyo in lala socdo isbeddellada ku imanaya caafimaadka dunida, taasina waxa ay keentay madaxweyne inaannu annaguna hawlgalkaas aannu hawshii aannu hore u haynnay sii xoojinno iyo in arrinta hadda adduunka kusoo cusbaanaatay ee Fayraska cusub ee CORONAVIRUS oo aynnu ognahay in innaga lafteenna in baayac-mushtar iyo dhaqdhaqaaq badani inaga dhexeeyo dunida aynnu u diyaar garowno.” Maareerayaha hay’adda Duulista Madaarrada iyo Somaliland, Mudane Maxamed Cabdi Rodol, ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay si weyn ugu diyaar garoobeen ka hortagga xanuunkan, islamarkaana shaqaalaha uu gacanta ku hayaa si dhaw ula shaqaynayaan shaqaalaha gaarka ah ee wasaaradda horumarinta maaliyaddu madaarka u soo dirtay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si mug leh uga hadlay muhiimadda shaqaalaha caafimaadka ee carbisan ee wasaaradda horumarinta caafimaadku heeganka gelisay iyo sidii wada-shaqayn iyo dhiirrigelin dhaw loogu samayn lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta muhiimadda ugu weyn ee aynnu halkan u joognaa waxa weeye gurmadka caafimaadka, marka horena qolada madaarka waxa laga rabaa inay samayso koontaroollo ama teendhooyin dhisa ama hangar dhisa oo meel dadka lagu hayn karo oo la deggenaan karo oo degdeg ah waa la idinka rabaa, dhulkiina waad haysaan, dhaqaaluhuna wuu idin soo gaadhi doonaa laakiin waad bilaabaysaan.” Madaxweynuhu waxa uu sharraxay sida loogu baahan yahay in taxadar dheeraad ah la sameeyo, loona hoggaansamo tilmaamaha dhakhaatiirta, madaxda laamaha socdaalka iyo Booliskuna la shaqeeyaan dhakhaatiirta gurmadka loo keenay madaarka, “Waxa la rabaa madaarkaas rakaabka kasoo degaya inantaa Neeraska ahi marka ay farta taagto wixii ay doonayso in loo fuliyo, taliyaha socdaalka, Booliska iyo ciidamada waxa laga rabaa inay gurmadkan aad u galaan oo rakaabka soo degaya kaantaroolkooda iyo qof walba in la hubiyo wixii tilmaamo ahna amarka dhakhaatiirta la fuliyo, waayo waxa la yidhi la isma taaban karo, la isma salaami karo, la isumana dhawaan karo,”, ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey inaanay jirin wax khatar ah oo weyni, balse ay tallaabadani tahay taxadar iyo ka hortag, waxana uu yidhi, “Khatari innama soo gaadhin, laakiin adduunku wuu isu wada furan yahay, markaa inaynnu taxaddar farobadan oo aan cunfi lahayn, laakiin maamul ah waa inaynnu galnaa, halkanina waa halkii laga soo galayaye waa inaad nidaamkaas raacdaan, halkanna waannu idinkala dhisaynaa Emergency-ga, gurmadkana diyaar baa loo yahay.” Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa heegan gelisay dhakhaatiir u carbisan ka hortagga iyo baadhista xannuunka CORONAVIRUS oo maanta meelo badan oo dunida ah ku faafaya. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-30012020.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Ruushka ayaa indhaha ku haysa inay dekedda Berbera ka samaysato saldhig milatari. Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa cadadkiisii shalay wuxuu qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruusku uu xidhiidho badan la sameeyay Afrika, kuwaas oo uu kaga samaystay kalsooni. Source
  9. Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee Kulan Cismaan Xasan Cilimi oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay qas ka waddo dhismaha maamulka Galmudug oo hadda leh seddex baarlamaan. Cismaan Xasan Cilmi ayaa carabaabay in dowladda ay shaki kala galisay murashaxiintii ka qeyb gali lahayd doorashada Galmudug taasina ay keentay khilaaf hor leh Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Murashaxiintii u timid doorashada iyo saamileydii shaki ayaa la kala galiyay dowladda ayaa lambar koow ka ah shakigaasi iyo gudoonka baraalamaanka Galmudug” Dhinaca kale guddoomiyaha Xisbiga Kulan ayaa cod dheer ku sheegay in haddii aan la xalin tabashooyinka jira Galmudug ay gali karto burbur iyo natiijo xumo tii ugu darnayd. “Galmudug haddii aan laga badalin wajiga hadda ee Dhuusamareeb ka socda waxa ka imaan kara waa kala fogaansho waa dhimasho waa dhaawac waa burbur waa natiijo xumu khilaafkii ugu darnaana ay ku danbeyn doonto” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha xisbiga Kulan. Dhismaha Galmudug ayaa marba marka ka dambeeya sii daba dheeraanaya iyada oo haatan guddiga doorashada maamulkaasi ay sheegeen in markale dib loo dhigay doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyahah golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan inuu go’aansaday inuu iska casilo xilka guddoomiyaha golaha guurtida. Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan is casilaada guddoomiye Saleban, laakiin wararkan ayaa 48kii saacadood ee u dambeeyay si weyn u baahayay. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in guddoomiye Saleban uu arrintan u sheegay Madaxweyne Biixi oo uu laba habeen ka hor kulan kula yeeshay Madaxtooyada. Laakiin guddoomiye Saleban oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka warkan ayaanay noo suurtogelin. Lamana garanayo jawaabta rasmiga ah ee haddii uu warkani rasmi yahay uu Madaxweyne Biixi ka bixiyay is casiladda la sheegay in guddoomiye Saleban ku wargeliyay. Arrintan is casilaada ayaa haddii ay run noqoto waxa ay soo afjaraysaa 16 sannadood oo uu Saleban Maxamuud Aadan ahaa guddoomiyaha golaha guurtida oo ka soo bilaabmay sannadkii 2004, ka dib geeridii Alle haw naxariiste guddoomiyihii golahaas guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Guddoomiyaha golaha guurtida, ayaa haddii uu kaga dhabeeyo is casilaadan, waxa la filayaa inuu is casilaadiisa u gudbiyo mudanayaasha golaha guurtida oo uu kalfadhigooda cusubi furmayo bisha February horaanteeda. Source
  11. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Khamiista Maanta ah shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlay Arrimaha Amniga, Shirkii Dib-u-eegista Waxbarashada, Mashaariicda Horumarinta Degmada Qandala iyo Shirkii Degmooyinka ee ka qabsoomay Boosaaso. Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in Shirka lagu ansixiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Istaraatijiyada Wacyigelinta iyo Xeerka Dugsiyada Qur’aanka. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerka Dugsiyada Qur’aanka appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Paris)-Su’aasha ah goorma ayay dunida arki doontaa diyaarad rakaab oo aan duuliye lahayn waxay taagneyd muddo sannado ah, balse hadda waxaa muuqata in shirkadaha qaar ay arrintaa ku dhiiranayaan. Inkastoo tiknoljiyadda casriga ah ay hadda ka hana qaaday dunida, haddana ma jirin caddeymo sax oo muujin kara in diyaaradaha ay duuli karaan iyadoo uusan la socon qof duuliye ah. Shirkadda sameysa diyaaradaha ee Airbus ee Yurub ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah diyaaradaheeda tijabaada ku jira ay duusha iyadoo uusan duuliye la’aan ah. Diyaaradan waxay ka duushay garoon ku yaala Magaalada Toulouse-Blagnac ee dalka Faransiiska. Shirkadda European aerospace ayaa bilihii lasoo dhaafay sameysay dhowr tijaabo oo ah diyaarado si iskood ah u duulaya, inkastoo diyaaradahaas ay la socdeen laba duuliye oo heegan ku jira haddii ay wax dhacaan. Sida ay sheegtay shirkadda Airbus, diyaaradda nooceedu yahay A350-1000 ayaa sideed jeer duushay iyadoo wax duuliye uusan wadin, muddo afar saac iyo bar ahna hawada ku maqnayd. “Intii aan ku wajahneyn halka ay diyaaradda ku oroddo oo aanu sugeynay in nala fasaxo waxaanu la macaamilnay duuliyaha casriga ah,” ayuu yiri kaptan Yann Beaufils oo tijaabada sameeyay. “Waxaan dhaqaajinay gacanka diyaaradda laga duuliyo, si ay diyaaradda u duusho, indhaha ayaanu ku heynay diyaaradda, waxayy u dhaqaaqday si tartiib ah, iyada ayaa si toos ah u duusha,” ayuu raaciyay hadalkiisa. Waxaa kale oo uu sheegay in afka hore ee diyaaradda uu sare u kacay, si ay madaxa kor ugu qaado, dhowr il-biriqsi kadibna diyaaradda waxay gashay hawada. Muuqaal ay baahiysa Airbus, wuxuu muujinayaa mid ka mid ah duuliyeyaasha heeganka ku jira oo gacantiisu ay ka fogtahay halka diyaaradda laga hago, diyaaradduna si qumaati ah ay u kaceyso. Arrintan ayaa la sheegay inay suurtageliysay tiknolojiyad casri ah oo si toos ah loogu rakibay diyaaradda, tas oo u sahashay in ay duusho duuliye la’aan. Airbus waxaa kale oo ay sheegtay in qorsheheedu yahay in ay isku daydo qaab kale oo diyaaradda u sahli kara in ay si iskeed ah u timaado halka diyaaradaha ay ka duulaan ee garoonka, si fududna ay ku degi karto iyadoo duuliye la’aan ah. Daraasad sannadkii 2019-kii laga sameeyay dalka Mareykanka oo ay ka qeyb qaateen dad gaaraya 22 kun ayaa lagu muujiyay in boqolkiiba 70% dadka safra ay u diyaar garoobi doonaan in ay ku safraan diyaarado iyaga is-hagi doonaa. Hirgelinta arrintan ayaa loo sababeynayaa duuliyeyaasha oo la sheegay in ay ku yar yihiin dunida iyo sidii loo yareyn lahaa kharashaadka ku baxa. Diyaaradaha rakaabka ee hadda dunida laga isticmaalo waxaa wada duuliyeyaal taageero ka helaya Kumbyuutaro ku rakiban diyaaradda, waxaana yar shaqada looga baahan yahay duuliyaha, maadaama diyaaradaha la isticmaalo ay u badan yihiin kuwa casri ah. Haseyeeshee dad badan ayaa walaac ka muujiyay badqabka diyaarad uusan qof duuliye ah wadin, gaar ahaan markii ay dhowr jeer dhacday diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 Max, taas oo dhicitaankeeda loo sababeeyay cilad dhanka tiknoljiyadda. Sharciga diyaaradaha ee hadda dunida ka jira waxaa uu dhigayaa in diyaarad walba laga doonayo in ay la socdaan afar indhood oo micnaheedu yahay laba duuliye. Source
  13. (SLT-Jigjiga)-Berhanu Tasegaye oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia, ayaa sheegay inay Xafiiskiisa dhibaatooyin ka soo waajaheen sidii loo soo qaban lahaa ku dhawaad 1,600 qof oo uu ku tilmaamay Qas-wadayaal ka dambeeyey colaado iyo dilal ka dhacay qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyadda iyo kuwa magaallooyinka ee guud ahaan dalkaasi. Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi Berhanu Tasegaye waxa uu hadalkaasi ku sheegay Warbixin uu siiyey Aqalka Wakiiladda ee Barlamaanka Federalka Ethiopia, wuxuuna xusay inuu Xafiiskiisa awooday inuu 1,400 Eedeysanayaal hor keeno Sharciga, kuwaasi oo ka mid ahaa in ka badan 3,000 oo qof oo ku lug lahaa colaado ka dhacay dalkaasi sannadkii hore iyo kuwo ka sii horeyey. Waxa kale oo uu tilmaamay inay baadi-goob ugu jiraan in ka badan 1,600 oo qof oo ku eedeysan dilal iyo dhaawacyo loo geystay dad rayid ah oo ku noolaa Maamul-gobaleedyadda Soomaalida, Amxaarada, Oromada,Bebishagul Gumus, Shucuubta Koonfureed iyo Gobalka Waddaniyiinta iyo Dadka ee SNNPR. Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia, Berhanu Tasegaye waxa faahfaahiyey goobaha ay Eedeysanayaashaasi ku kula sugan, wuxuuna xusay in 827 ka mid ah la rumeysan yahay inuu isku dhex qarinayaan Gobalka Benishaangul Gumuz, 655 Eedeysane oo ku dhuumalaysa Gobalka Waddaniyiinta iyo Dadka ee SNNPR, 50 ku sugan Gobalka Amxaarada, 4 ku sugan Gobalka Tigreeyga. Mar uu ka hadlayey Eedeysanayaasha la rumeysan inay weli ku dhex sugan yihiin Dowlad-gobaleedka Soomaalida waxa uu xusay inay gaarayaan 33 qof, kuwaasi oo lala xiriirinayo dilal iyo dhaawacyo loo geystay dad rayid ahaa sannadihii la soo dhaafay. Waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dhowr xubnood oo ka tirsan Dowlad-gobaleedyada, kuwaasi oo si toos ah iyo si dadban ugu lug lahaa shaqaaqooyinkii dhacay. Madaxweynihii hore ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hayey sannadihii 2005-tii ilaa 2018-kii ayaa ka mid ahaa dadka u xiran Tacadiyo ka dhacay Is-maamulkaasi, gaar ahaan magaalladda Jigjiga. Waxa kaloo la xiran 5 qof oo ka mid ahaa xubnihii Maamulkiisa, kuwaasi oo kala ah: 1- Raxma Maxamed Haybe oo ahayd Madixii hore ee Arrimaha Haweenka iyo Carruurta, 2- C/risaaq Saxane Cilmi, oo ahaa Madixii Qurbo-joogta, 3- Farxaan Timir oo ahaa Taliyihii hore ee Boliska Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia Iyo Laba Aqoonyahan oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Abel. Dhinaca kale, Xeer-ilaalinyaha Guud ee Ethiopia waxa uu tilmaamay inay Warqad soo qabasho ah u jareen Eedeysanayaal kale oo qaarkooda u baxsadeen Waddan kale oo uusan carabaabin, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Dowladdaasi, si loo celiyo xubnahaasi. Taliyihii hore ee Ciiddanka Liyuu Bolis ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia, C/raxmaan Laba-Go’le ayaa ka mid ah dadka la raadinayo, kaasi oo la sheegay inuu ku nool yahay dalka Turkiga. Source
  14. (SLT-China)-Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka warbixinayay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shiinaha si gaarana gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Koronaha, dad badanna dalka Shiinaha ugu dhinteen qaar kalene la il daran yihiin. Safiir Cawaale Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday waxkabarata shan Jaamacadood oo gobolkaas ku yaala, kuwaas oo kala ah 1: Wuhan University, 2: Huazhong University science and technology, 3: Wuhan University of sciences and Engineering, 4: China University of Geosciences 5: Central China Normal University. Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaa ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Korona la tacaalaya, sidoo kalena xadhiidh lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso. Safiir Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas usii faafin oo loo xakameeyo. Source
  15. Waxaa wali lawaysannyahay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo markii ugu dambeysay smuk jiray gacanta Villa Soomaaliya, balse laba maalmood ka hor la sheegay inuu [...] Source
  16. Wararka ku saabsan baxsashada wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa weli isasoo taraya, Jubbaland ayaa sheegtay iney dooneyso warkiisa nolol iyo geeriba. Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in wasiir Cabdi rashiid Janan dowladda federaalka Soomaaliya laga doonayo in ay soo cadeyso halka uu jiro, waxaana uu dafiray in uu Jubbaland uu joogo. Wasiirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xusay in dowladda federaalka ah markii hore ay iyadu afduubtay oo ku tilmaamtay inuu yahay danbiile iyaduna uu u xirnaa. “ Wasiir Cabdi rashiid annagu waxaan ku ogeyn gacanta dowladda iyaga ayaa xiray, afduubay oo yiri waa dambiile xabsina ku haayey, haddana in ay yiraahdaan wuu baxsaday iyaga ayaa laga rabaa inay cadeeyaan halka uu Cabdi rashiid jiro ayuu yir”. Wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in Cabdi rashiid Janan la geeyey magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in Janan nolol iyo geeri Jubbaland aysan ku heynin. “Cabdi rashiid annagu Wasiir Cabdi rashiid maanan qarin laheyn, waayo hadii uu Kismaayo yimaado waxaa uu imaan lahaa deegaankiisa iyo waliba dadkiisa , annagu ayaga ayaan ka rabnaa oo yiri waa dabiile Kismaayo ma joogo dooninna ma keenin”. Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa dhanka kale shaki geliyey in Cabdi rashiid uu nool yahay ama uu ku xiran yhay xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho waxaana hadalkiisii kamid ahaa. “ Wax weliba waa ay dhici karaan oo waa suurtogal, waxaa laga yaabaa in ay meel kale oo wadanka ka baxsan geeyeen, waxaana macquul in uusan nooleenba, lakiin annagu sida ugu Kheyrka badan ayaan filaynaa iinuu Allaahey ka dhigo, waxaana rabnaa inuu wax fiican ka soo baxo Allah idankii”. Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiita Jubbaland En Cabdi Xuseen Maxamed, ayaa caddeeyey in mowqifka dowlad gobaleedka Jubbaland uu yahay in dowladda federaalka soo cadeyso halka uu ku danbeeyo wasiirkii amniga Cabdirashiid Janan. “ Dowladda ayaa mas’uuliyadda qaadeyso wax walbo oo Cabdirashiid soo gaara iyaga ayaa gacanta ku haayey Soomaali oo dhanna ay ogeyd , wax kale oo war ah m ajiro waa in laga war sugaa halka ay ku dambeeyaan”. Cabdirashiid Janan ayey booliiska Soomaaliyeed sheegeen inuu baxsaday 28-kii bishan ilaa hadda lama oga meel uu ku sagan yahay. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  17. MOGADISHU (HOL) - CCT cameras along Mogadishu’s Maka al Mukarama street and Debka Junction near Somali parliament were destroyed Thursday morning under mysterious circumstances. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU (HOL) - CCTV cameras along Mogadishu’s Maka al Mukarama street and Debka Junction near Somali parliament were destroyed Thursday morning under mysterious circumstances. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) - Somali intelligence agency, NISA has burst an Al-Shabaab explosives ring in Mogadishu averting an attack by the militants intending to use the explosives. Source: Hiiraan Online
  20. Luuq (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Gobolka Gedo ee mamulka Jubbaland ayaa sheegaya inay halkaas gaareen ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadaas ka dajisay Degmada Luuq ee Gobolkaas, waxaana la filayaa in la kala geeyo Baardheere, Garbahaareey iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Gedo, sida ay illo wareedyo amni u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ciidamada ay Dowladda Maanta ka dajisay Luuq ayaa ku biiri doonaan boqolaal kale oo ay horey halkaas u geysay dowladda, iyadoo ujeedada ay tahay in Maamulka Axmed Madoobe lagala wareego taliska Gobolka Gedo. Xiisad ka dhalatay ciidamada cusub ee Maanta la geeyey Luuq ayaa ka taagan qeybo kamid ah Gobolka Gedo, waxaana jidadka Luuq Maanta lagu arkay ciidamo ka tirsan daraawiishta Soomaaliya ee ka tirsan Booliska. Dhawaan ayay aheyd markii ciidamo aad u fara badan ay dowladda Soomaaliya geysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku hardamayaan Axmed Madoobe iyo Dowladda Dhexe. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo muddooyinkii dambe khilaaf u dhexeeyey dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland laga dareemayey gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya. Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa imaaday kadib markii Axmed Madoobe uu diiday inay dowladda faragelin ku sameyso arrimaha doorashadii ka dhacday dhawaan Magaalada Kismaayo ee isaga dib loogu doortay. Beesha Caalamka ayaa Dowladda Dhexe ku cadaadineyso inay aqoonsato Axmed Madoobe, waxaana muuqato inay Dowladda weli ka dhago fureysaneyso dadaalada Beesha Caalamka, waxayna weli sii wadaa howlihii Militari ee Gobolka Gedo. Wixii kusoo kordha xiisadda Gobolka Gedo kala soco Caasimadda Online
  21. Sheikh Shaakir oo hada Sheeganaya inuu isagu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Galmudug ayaa wuxuu saaka sheegay inuu dhakhso usoo dhisayo Xukuumad loo dhan yahay [...] Source
  22. An outbreak of acute watery diarrhea has killed 8 people, including women and children in Somalia’s central region of Hiraan, an official confirmed. A local hospital said the acute watery diarrhea broke out in BeledWeyne town, the capital of the Hiraan region causing deaths. “Acute Watery Diarrhoea killed up to 8 people mainly kids with more than 60 other people suffering from the disease,” it said. The local authorities appealed to humanitarian agencies to deliver assistance to the region. “We are in shortage of medical equipment, hence we appeal to the international and local humanitarian agencies to help the victims in the region,” they added. Medical sources also said the number of patients was increasing by the day. “From Friday up to date, more than 65 people have been admitted to the hospital coming from distant areas of the region and the hospital is overcrowded with patients,” Abdul Halim, director of the main hospital in Beledweyne town told journalists. The outbreak follows major flooding in Beledweyne in November 2019, which displaced over 300,000 people. According to the UN, up to 85 percent of the town was submerged in water after Shabelle River breached its banks. View the full article