Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. US Attorney General William Barr has said that President Donald Trump "undercuts" him by tweeting, making it "impossible for me to do my job". Source: Hiiraan Online
  2. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa magaalada Nayroobi ka furay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka. Shirkan oo Agaasimaha ay ku wehelinayeen Madax ka tirsan Wasaaradda, ayaa hay’adda ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dhinac, horumarinta Ganacsiga iyo fududeynta wax dhoofinta. Shirka, waxa kale oo ay kaga wada-hadleen siddii kor looggu qaadi lahaa mashaariicda iyo shaqooyinka ay ka wada-shaqeen labada dhinac ee khuseeya Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama oo wakhtigan ay dawladda Soomaaliya u dhow dahay in wakhtiyada soo socda laga cafiyo deynta. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayo Arrimaha Somalia oo ka furmay magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  3. Somali al-Shabab militants on Wednesday night burnt eight homes and some shops belonging to National Police Reservists (NPR) in Garissa county near the border with Somalia, officials said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  4. Istar Restaurant is located at 235 Dixon Rd. in Etobicoke Source: Hiiraan Online
  5. The US Army's Africa Command (Africom) says in a new report that it aims to render al-Shabaab incapable of conducting effective operations by next year. Source: Hiiraan Online
  6. The World Bank and the International Monetary Fund on Thursday said they had taken a next historic step toward forgiveness of Somalia’s $5.3 billion in debt, with a final decision possible by the end of March. Source: Hiiraan Online
  7. ADDIS ABABA, Ethiopia - Ethiopian lawmakers on Thursday approved a controversial law aimed at curbing hate speech and disinformation, especially online, just months ahead of a major election. Source: Hiiraan Online
  8. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka, General William Bar oo la hadalay ABC News ee Mareykanka ayaa sheegay in uu ka sahqeysan la’ yahaymadaxweyne Donald Trump oo uu wiiqayo shaqadiisa, una adeegsanayo Tweeter-ka, taas aysan u surtagalineynin in uu shaqadiisa qabsado. Dhaleceynta uu u jeediyay Madaxweynaha ayaa timid xilli isha lagu hayo sida waaxda cadaaladda ee Mareykanka ay ula tacaamusho kiis la xiriira Roger Stone oo la taliye u ahaa madaxweyne Donald Trump balse la xukumay. Xeer ilaalinta ayaa lagu eedeeyay in ay u liiceen cadaadis uga imanayay madaxweyne Donald Trump. Hogaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee senetka, Mitch McConnell ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu dhageysto hadalka xeer ilaaliyaha. PUNTLAND POST The post Xeer Ilaaliyaha guud ee Maraykanka oo sheegay in uu ka shaqeyn waayay Trump appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyey waxa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan siyaasadda dalka, sida xiriirka dowladaha deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya, khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaar, kan wadamada Khaliijka, doorashooyinka iyo arimo kale. Madaxweyne Farmaajo oo wareysigan siiyey TV-ga Universal xilli uu joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu qiray in dowladda Kenya uu khilaaf muranka badda ah kala dhaxeeyo Soomaaliya, iyadoo taas ka duuleysana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, si gaar ah waxa uu sheegay in ay adeegsaneyso Jubbaland, taasna aysan aqbali doonin. “Kenya fara-gelin hanagu sameyso laakiin maxaa ka galay Jubbaland, Kenya Jubbaland waxba kalama dhaxey karaan fara gelinna kuma sameyn karto, waxaa naga dhexeeya arrin badda ah, meel kasta ayeyna u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan laheyd Jubbaland, anagana ma dooneyn Jubbaland in ay u ekaato wax naloo is ticmaalo, cidii la shaqeyneysana waxaan u aqoonsanaynaa qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneyn” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Arinta Jubbaland waa arrin qadiyadda badda ah in la fahmo ayaa la rabaa, Kenya waxay dooneysaa saameyn in ay ku yeelato Jubbaland, markii ay hesho meel ay naga gacma maroojiso in aan dhahney rabtaa waayehee arrinta badda aan ka wadahadalno, taasna awoodeeda malihi baddaasna go’aan kama gaari karo oo waxaa wax ku leh ilma Soomaaliyeed oo aan weli dhalan.” “Waxaa naloo dhaariyey difaaca dalka ma ogolaan doono faro-gelin shisheeye anaguna ma fara geli doono arrimaha gudaha ee Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadamada kaleba, mana aqbaleyno in dowlad goboleedyadeena qaarkood oo aan ognahay in dibadda laga soo dhistay oo IGAD loo soo xil saartay dhismahooda in ay caqabad nagu noqdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo oo wax laga weydiiyey sida uu u arko seddaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo waxa u qabsoomay dowladiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ku qanacsanyahay wax qabadka dowladiisa siyaasadda dalkana ay xasiliyeen, sida uu sheegay, balse waxa uu qiray in weli dhib ka heysto ka rumaynta riyadii shacabka. Farmaajo oo wax laga weydiiyey waxa adkeeyey xiriirka dowladiisa iyo maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in mudo laba jeer ah uu Puntland tegay intii uu talada hayey Madaxweyne Deni, dhawr jeerna uu ka dalbaday in uu Xamar ugu yimaado oo safarada dibadda ah uu yareeyo, balse uu ka dhega adeygay safaradiisiina uu iska wato. “Walaalkey Saciid Deni madaxweynaha Puntland, dhawr jeer ayaan casuumay oo Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin, ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Muranka ka tagan bixinta shahaadada arday reer Puntland waxa uu ku tilmaamay nasiib darro, maantana aysan ku habooneyn in muran la geliyo mustaqbalka arday Soomaaliyeed, balse halka loo socdo ay tahay tayeynta waxbarashada dalka. Halkan ka Daawo wareysiga oo dhameystiran
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga fal celisay warbixin ay shalay soo saartay hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, taas oo ka hadleysay xadgudubyada ay la kulantay saxaafadda Soomaaliya seddaxdii sano oo ay jirtay dowladan. Warbaahinta dowladda ayaa baahisay qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah. “Waxaa nasoo gaaray qoraal kasoo baxay hey’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka, dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka. Jawaabta dowladda ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid been abuur ah, oo magan geliyo looga raadsanayo dalalka reer Yurub, sida lagu sheegay qoraalka. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in aysan jirin cadeymo loo hayo eedeynta loo jeediyey dowladda federaalka, ee ku aadan xad-gudubyada suxufiyiinta. Iyadoo ku tilmaantay mid laga leeyahay dano siyaasadeed.
  11. The Executive Boards of the International Monetary Fund (IMF) and World Bank met, on February 12 and 13, respectively, to consider Somalia’s eligibility for debt relief under the Enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. Source: Hiiraan Online
  12. Beeni raad ma leh,Kooxda Villa Somaaliya ayaa maanta naf ka raadiyey oo Shacbiga Somaaliyeed ku jahawareeriyey hadalo maran oo qeyb ka ahaa khudbad COPY aheyd [...] Source
  13. Washington (Caasimada Online) – Guddiga fuinta ee Banka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalantay in deynta laga cafiyo. Guddiga ayaa ammaanay dadaallada joogtada ah ee mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku sameynayaan is-beddelo maamul iyo kuwa dhaqaale, xilli ay wajahayaan caqabado dhowr ah. “Guddiga waxay isku raaceen in ayada oo la eegayo qiimeyn horudhac ah, ay Soomaaliya u qalantay caawimaad loo marayo barnaamijka HIPC ee dalalka ay dul-saaran tahay deyn ka tan badan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Banka Adduunka iyo IMF. Qiimeyntan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya oo gaareysa 5.3 bilyan dollar. “In Soomaaliya laga cafiyo deynta waxay ka caawin kartaa inay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay sare ugu qaado kobaceeda, islamarkaana u yareyso saboolnimada, taasi oo ahmiyad u leh IMF,” waxaa sidaas tiri agaasimaha IMF Kristalina Georgieva. “Waxaan Soomaaliya ku amaanayaa inay sameysay is-beddelo muhiim ah oo dhiir-gelinaya yareynta saboolnimada, waxaana saaxiibada caalamka uga mahad-celinaya inay naga caawiyeen in Soomaaliya lasoo gaarsiiyo marxaladdan muhiimka ah,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Banka Adduunka David Malpass. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay marxaladda kusoo gaartay waqtigii ugu deg degta badnaa. Soomaaliya ayaa hadda waxaa u harsan kaliya in barnaamijka SPM Staff-Monitored Program ee lagula socdo nidaamkeeda maaliyadeed lagu dhowaaqo in lagu qancay, taasi oo dhici karta ka hor dhammaadka bisha March. Haddii sidaas ay dhacdo, Soomaaliya waa laga cafinayaa deymaha.
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar___Qubanaha-130220.mp3 View the full article
  15. Ciidamo gaaraya 34 Askari iyo taliyohooda oo lagu magacaabo Canjeex ayaa waxay shalay Galab ka goosteen Dowlada Federaalka waxayna u galeen Ciidamada Jubbaland ee Gobolka [...] Source
  16. PRESS RELEASE Ethiopian Prime Minister (PM) arrives in UAE Sheikh Abdullah welcomed Prime Minister Abiy Ahmed and discussed friendship ties and cooperation between the UAE and Ethiopia ABU DHABI, United Arab Emirates, February 13, 2020/ — Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed arrived today in the UAE for a several-day visit. H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation and H.H. Sheikh Theyab bin Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Chairman of Abu Dhabi Crown Prince’s Court, received the Ethiopian Prime Minister and his accompanying delegation at the Presidential Flight airport in Abu Dhabi. Sheikh Abdullah welcomed Prime Minister Abiy Ahmed and discussed friendship ties and cooperation between the UAE and Ethiopia and ways to enhance them in all fields during a meeting, which also tackled a number of issues of mutual interest. The accompanying delegation of the Ethiopian Prime Minister included Ethiopian First Lady, Zinash Tayachew; Minister of Culture and Tourism Dr. Hirut Kassaw; Minister of Revenues Adanech Abebe, and Ethiopian Minister of Peace Muferiat Kamil. Also present were Ambassador of Ethiopia to the UAE, Suleiman Dedefo and Shehab Ahmed Al Fahim, Assistant Under-Secretary for Protocol Affairs of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
  17. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic lagu weeraray nawaaxiga Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya. Hoobiyeyaasha oo lagu sheegay laba xabo ayaa la tilmaamay in ay ku dhaceen agagaarka goob uu ku yaalo Ceel. Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaas. Sidoo kale, waxaanan jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkaan. Tirro dhowr jeer ah ayay u horey u dhacday in weeraro noocaan ah lagu qaadey xarumo dowladeed oo ku yaala magaaladda caasimadda ah. View the full article
  18. Guddiga tirakoobka iyo dib u habaynta casriga ah ee ciidamada Puntland ayaa maanta gaaray fariisimaha ciidamada ee buuraleyda Galgala. Wafdigan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Abdisamed Mohamed Gallan iyo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yasiin Omar Dheere ayaa u jeedkoodu ahayd u guur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland ee ka hawlgala buuralayda Galgala iyo sidii tirakoob iyo diiwaangalin casri ah loogu sameyn lahaa. Intii ay wafdiga ku sugnaayeen Galgala waxay tirakoob ku sameeyeen qaar kamid ah ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan, sidoo kale waxay booqdeen goobo taariikhi ah oo ay ka mid tahay Isha biyaha Galagala. Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku howlanayd tirakoob iyo dib u habayn ay ku sameynaysay ciidamada. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u balanqaaday in uu dhisi doono ciidamo tiradooda iyo tayadooda la hubo. PUNTLAND POST The post Guddiga tirakoobka ciidamada Puntland oo booqday Galgala appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka caawa laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu ka dhacay goob ku taalla bartamaha magaalada oo ay ku caweynayeen dad u badan dhallinyaro. Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad u badan dhalinyaro oo halkaas ku sugnaa, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd biibito lagu cayaarayey Dublad. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weeraray maqaaxida oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan isgoyska Golol. Weli si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxayna dadka noo waramay ay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, dadkii ay wax yeeladu soo gaartana loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
  20. Kismaayo (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya qarax ka dhashay bam gacmeed oo caawa ka dhacay magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubada Hoose. Bamka ayaa lagu waramayaa in lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala magaala madaxda ku meel gaarka ah ee maamul goboleedkaas. Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday, sagaal kelana way ku dhaawacmeen, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaas oo kasoo baxay laamaha ammaanka. Sidoo kale, ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas. Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo todobaadkan ay bartamaha magaalada isku rasaaseeyeen Ciidamada Jubaland iyo ilaalada siyaasi Cabdinaasir Seeraar. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi Cirro oo dalka dib ugu soo laabtay galabta ayaa ka kulan ay Madaxweyne Muuse Biixi ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo kulan kale oo dhex-maray Muuse Biixi iyo Farmaajo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay xubna lagu biiriyay guddiga sare ee bangiga dhexe ee dalka oo ka kooban shan xubnood. Xubnaha guddiga kamdi noqnaya maamulka sare ee baniga ee la meel mariyay oo kala ah, Prof. Xuseen A. Warsame, Dr. Aweys Sheekh, Dr. Abdisamad N. Looyaan, Sakhaawadiin M. Mohamed iyo Mr. Cusmaan S. Gabeyre, ayaa buuxiyay shuruudaha looga baahnaa mas’uuliyiinka kamid noqonaya guddiga maamulka bankiga. Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay siyaasadda deegaanka, heshiis dhex maray wasaaradda waxbarashada dalka iyo UNESCO iyo is afgarad dhex maray wasaaradda ganacsiga dalka iyo wasaaradda maalgashiga dalka Masar. View the full article