-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boorama (Caasimada Online) – Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayey qaar kamid ah Culimada Boorama ugu baaqeen in uu “dib usoo islaamo,” maadama ay sheegeen in uu diinta caayey islamarkaana “uu ka baxay.” Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu si weyn uga carooday Wiil xiriirinayey xaflada. Badhasaabka ayaa si weyn uga carooday in qof laga hor-mariyay oo hadalka lagu soo dhaweeyo, xili uu dalbaday in isaga loogu horeysiiyo, si uu hadalkiisa uga jeediyo xaflada kadibna uu u baxo. Midaasi oo uu ku gacan sayray wiilkii dhalinyarada ahaa ee xiriiriyaha ka ahaa xaflada, taasi oo dhalisay in Badhasaabku uu yiraahdo ereyo uu ku aflagaadeynayo Diinta isagoo kasii baxaya xaflada, oo ah “Taga waan iska tagayaaye, diintiina W***” Sheekh Xasan Deheeye iyo Sheekh Maxamed Saaweer oo kamid ah Culimada waaweyn ee gobolka Awdal, ayaa khudbadii Jimcihii kaga hadlay arrinkaasi, iyagoona sheegay in Badhasaabku uu galay gaf weyn, maadama uu caayey Diinta Islaamka. Culimadan ayaa Madaxda sarre ee Xukuumada Somaliland ku canaantay in gobolka Awdal aysan u soo magacaabin Badhasaab ku fiican xagga diinta, isla markaana ugu baaqay inay talaabo adag ka qaadan Mas’uulkan. Waxay sidoo kale Culimadan ay ugu baaqeen Badhasaabka “in uu dib u soo Islaamo,” maadama uu caayay Diinta, iyagoona xusay in uu Xukunkiisu yahay in la dilo, haddii uusan dib uga soo laaban. “Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga rabaa inuu maanta Masaajidka ugu weyn Hargeysa uu ka khudbadeeyo oo isagu dadka uu hoogaamiyo oo khadiib uu noqdo sidii Cumar Binu Khadaab ilaa madaxdii muslimiinta waayo ninka muslimiinta xukumaaya iimaam ayaa la yidhaahdaa, wax la hogaamiyo salaada ayaa ugu wanaagsan waa inuu salaadooda hogaamiyaa oo toosiyaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Deheeye. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Badhasaab kastana waxa laga rabaa inuu isna gobalka loo diray in sidaas u hogamaiyo oo diinta ku hogaamiyo oo khudbadeeyo oo tujiyo, kumaa maanta ina tujin ma ka diinta caayaya ma ka alle caayaya ma ka malaa’igta caayaya”. “Meel lagu shiraayay ayaa shalay waxa lay sheegayay oo hoolalka ah ninka gobalkan haystaa inuu diinta caayay oo alle uu caayay, anigu isaga canaanan maayo ee kuwa soo magacaabay ee sidaas raali ka ah inuu diinta caayo, waa gaal ninkaasi ee waa inuu dib u ashahaataa xukunkiisuna waa in la dilo, aniga ayaa dilaaya ma lihi ee shareecada ayaa dilaysa”. Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo isaguna ka hadlayey arrinkaasi, wuxuu yiri “Dawaladu waa inay wax ka qabato ninka diinta caayay hadduu madax yahay haduu askari yahay , haduu cid kasta yahay waa in wax laga qabto oo la sheego, maaha in lays xanto qofku haduu alle iyo rasulkiisa caayo waa la dilayaa waa reer hebelnimo yaa loo dhimanayaa kuwa suuqa ku caayaya ee tolkeen ah maxaa wax looga qaban waayay”. “Miyaad aragtay qof diinta lagu dhirbaaxay, diinta ma sidaas ayaynu ku daynaa. Madaxweynuuna waa inuu dadka dhanka cibaadada ku doorto oo aan reer hebelnimo la eegin oo waa in la eegaa qof dhaqan fiican leh oo umadda masuul ka noqda” “Umaddu masuul wanaagsan ayay u baahantahay nin lagu daydo ayay u baahan tahay nin umadda la tukada ayay u baahan tahay oo jamaca soo dhexgala oo safka hore ku tukada oo umadda wax u sheega oo ay ku dayato”. Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu sii baxayey, midaasi oo dhalisay in loogu baaqo in uu Diinta dib ugu soo laabto.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah isbitalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho oo ay maamusho hay’ad Turkish ah. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo kala dhexeeyo hay’adda Yardimeli. “Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay inay ayada ka mas’uul tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka dalka, ayna dalka ka shaqeyn karin cid aan ayada ogolaansho ka haysan. “Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed,” Ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxay Wasaaradda Caafimaadka ka qaadanaysaa dadka u bareeray jabjnta sharciga iyo ku tumashada qawaaniinta tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah.” Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhinaca kale sheegtay inay dadka iyo dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celinayso is garab taagooda walaalnimo iyo gurmadka baaxada leh oo ay u fidinayaan dadka walaalaha ah Soomaliyeed. Hase yeeshee waxay intaas ku dartay “Wasaaradda Caafimaadka uma dulqaadan karto in kaalmada bani-aadanimo iyo taakulada walaalnimo ay noqdaan kuwo lagu fushado dano gaar ah, lagana dhigto deeqahaas kuwo laga macaasho oo ganacsi laga dhigto iyadoo dadka Soomaliyeed baahi wayn u qabaan adeegyada caafimaad oo ay ugu deeqeen walaalohood Turkida ah.” Hoos ka aqriso qoraalka
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa Maanta dad shacab ah ku laayey Isgoyska Ex-Control Balcad ee Magaalada Muqdisho. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Ciidanka AMISOM ayaa rasaas ku furay gaari kamid ah kuwa dadweynaha ee loo yaqaan BL oo marayey wadada Ex Control kadib markii qarax lala eegtay ciidankaas ka tirsan AMISOM. Rasaasta ay ciidamada AMISOM ku fureen dadka shacabka ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana inta la xaqiijiyey dhimashada gaareysaa ilaa 3 qof. Seddexda qof ee AMISOM rasaasta ku dishay ayaa kala ahaa laba Dumar ah oo gaariga saarnaa iyo qof kale oo la sheegay inuu ahaa darawalkii gaariga kaxeenayey. Wararkii ugu dambeeyey ee halkaas laga helayo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska Degmada Heliwaa ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamadii AMISOM ee shacabka dilay, waxaana ilaa hadda xiran wadada uu ka dhacay falkaas. Inta badan ciidamada howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa falal arxan darro ah waxa ay u geystaan shacabka iyada oo dowladduna aysan arrinkaasi tallaabo ka qaadin, waxaana ilaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyaan dhawr kiis oo AMISOM loo heystay oo la sheegay in baaritaan lagu sameenayo.
-
Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. War ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka, dib u heshiisiinta iyo xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka wada hadleen taageerada farsamo ee doorashooyinka baarlamaanka heer gobol ee Koonfur Galbeed oo dhawaan dhacaya iyo qodobbo kale oo la xiriira arrimaha mudnaanta qaran la siinayo. Beesha Caalamka ayaa in dhawaale kulamo gaar gaar ah la qaadanayey saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxa ugu weyn oo ay kala hadlayeena waxay ahayd in doorasho lagu mideysan yahay ay Soomaaliya ka dhacdo 2020/2021. PYNTLAND POST The post James Swan iyo Lafta-gareen oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay awood buuxda ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho isla markaasna ay iyaga maamulaan. Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan ka talin inta badan Magaalada Muqdisho isagoo taas sabab uga dhigay inay AL-Shabaab canshuur ka qaadaan dhammaan ganacstada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Hey’adaha Dowladda. “Shabaab maanta magaalada Muqdisho iyaga ayaa ka taliya dowladdu magaalada kama taliso xaqiiqda taas waaye canshuur ayay ka qaadaan ganacsatada bal hey’adaha dowladda ugu muhiimsan ayay canshuuraan” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Shariif ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay lacagtii dalka ku bixiso sidii loo aflagaadeyn lahaa madaxdii dalka horey usoo martay iyo siyaasi kasta oo ka fikir duwan sida uu hadalka u dhigay. “Dowlad iyada dadka caaynaysa oo xoolihii qaranka ku bixinaysa in dad la caayo dowladdu waxaan rabnaa in ay ka shaqeyso wixii loo wakiishay waxaa loo wakiishay ummadda in ay mideyso, aminga ka shaqeyso iyo in dhaqaalaha la hormariyo taas ayaa loo wakiishay” Ayuu yiri Shiikh Shariif. Sheeekh Shariif oo dhanka kale ka hadlay doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo ayaa sheegay inaysan doorasho dhici karin iyadoo aysan jirin isfaham siyaasadeed iyo mid xasilooni. “Doorasho marka la rabo in la sameeyo waa sifaham siyaasiya in uu jiro waa in ay jirto xasilooni doorasho lagu qaban karo doorasho qof iyo coda haddii la qabanayo dalka waxaa loo baahanyahay in nabad laga dhigo iyo in dadka la isku keeno” ayuu sii raaciyey. Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aadayo xilli Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaraadka ay ka hor imaadeen qaabka doorasho oo ay dooneyso Dowladda Soomaaliya.
-
Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta dad shacaba waxa ay ku dileen agagaarka isgoyska Ex-kontorool Balcad ee magaalada Muqdisho. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidanka AMISOM ayaa rasaas oodda uga qaaday gaari BL ah oo ku socdaalayay wadadaasi ka dib markii qarax lala eegatay ciidanka midowga Afrika waxana rasaastaasi ka dhalatay khasaare nafaeed. Inta la xaqiijiyay seddex qof ayaa ku geeriyootay rasaasta ay rideen ciidanka AMISOM oo laba ka mida ay ahaayeen dumar halka qofka kalane uu ahaa darawal. Ciidamo ka tirsan booliska degmada Heliwaa ayaa soo gaaray goobta iyaga oo ishor istaag ku sameeyay ciidankii dhibaatada geystay waxaana ilaa haatan xiran wadadii maanta qaraxa lagula eegtay AMISOM. Inta badan ciidamada howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa falal arxan darro ah waxa ay u geystaan shacabka iyada oo dowladduna aysan arrinkaasi tallaabo ka qaadin Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay doorashada maamulkaasi. Gacal ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay soo xaadiraan kulanka beri oo lagu dooran doono madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dhamaaday waqtigii ololaha, islamarkaana wejigii ugu dambeeyey ee doorashada Axada beri ah la soo gabagabeyn doono. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo wadooyinka waa weyn ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Doorashadaan ayaa waxaa hareeyey is jiid jiid siyaasadeed iyo khilaaf xoogan, waxaana jira musharraxiin dhowr ah oo qaadacay ka qeyb galka tartanka doorashadaasi. View the full article
-
(SLT-Burco)-Xisbiga WADDANI Oo U Jawaabay Wasiir Xasan Gaafaadhi, halkan hoose ka DAAWO Source
-
The African Union (AU) has reiterated its resolve to support Somalia’s peace and security sector efforts towards ensuring stability amid the ongoing drawdown of the AU troops in the troubled Horn of Africa country. The statement was made by the AU Commissioner for Peace and Security, Smail Chergui, as he expressed the AU’s “unwavering commitment to support Somalia and help facilitate achievement of the objectives of the Somalia Transition Plan,” the 55-member pan African bloc disclosed in a statement issued late Wednesday. The AU Commissioner made the remarks during the latest meeting of the Amisom Operations Coordination Committee (MOCC), which brought together military chiefs of the eight troop-contributing African countries to Somalia that are Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda and Ghana. According to the AU, the military chiefs mainly deliberated on the drawdown of an additional one thousand Amisom uniformed personnel by February 28, 2020 as part of the AU mission’s exit strategy. “The meeting agreed to implement the drawdown as per the timelines and to further study the implications to ensure mitigation of potential risks of reversing the security gains so far achieved,” an AU statement read. The outcomes of the Joint Threat Assessment, which underlines attacks and increased threats in and outside Somalia, was also highlighted during the meeting, it was noted. Military chiefs of the eight troop-contributing African countries also “expressed regrets on the decision for this additional drawdown,” as they emphasized the need to take note of the conditions on the ground as well as the pace of capacity development of Somali Security Forces to take over security responsibility from Amisom. They also took note of next steps regarding the reconfiguration of the AU Mission in Somalia (Amisom) to continue supporting the objectives of the Somalia Transition Plan and facilitating realignment of the Amisom 2018 to 2021 Concept of Operations (CONOPs) so as to address current priorities. The Concept of Operations (CONOPs) mainly envisaged providing a structure for Amisom’s operations from 2018 to 2021, and the final phase of the AU mission’s transition and its eventual exit from the troubled Horn of Africa country. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa diiday codsi ahaa in Kenya ka baxdo ka qeybgalka kiiska maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), ee ku saabsan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Garsoorayaasha maxkamada Sare ee Kenya, Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima ayaa xusay Jimcihii in arrimiha ay dalbanayaan codsadayaasha lagu raadin doono si hufan, oo qaab diblomaasiyadeed ah, halkii ay maxkamad go’aan ka gaari laheyd. Kiiskan ayaa waxaa diiwaan geliyey qareenno Kenyan ah oo gaaraya illaa 20 oo uu hoggaaminayo Kibe Mungai, kuwaas oo ku dooday in ka qeyb-galka dowladda Kenya ee kiiska ICJ uu ka hor imanayo dastuurka Kenya, sababtuna ay tahay in go’aanka maxkamadda uu wax ka beddeli karo “xuduudaha Kenya”. Qareenada kiiskan wada ayaa sidoo kale doonayey in maxkamadda sare ay dowladda Kenya ka joojiso inay u hoggaansato go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Maxkamadda ayaa go’aamisay in Kenya ay qeyb ka sii ahaato dacwada taala maxkamadda ICJ taas oo aan waxba iska badalin. Kenya ayaa ku dooday, si kastaba ha noqotee, in kiiska aan laga dhageysan maxkamadda ICJ, oo ay sheegtay inay tahay mid adag oo laga yaabo inaysan xallin karin arrimaha siyaasadeed ee ku xiran kiiska. Taas bedelkeed, waxay u martay Midowga Afrika iyo meelo kale, iyagoo raadinaya wada xaajood ka baxsan maxkamad.
-
Maleeshiyaad beeleed deegaanka ah ayaa lagu soo warramayaa inay saaka ku dagaalameen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii labo beel oo wada dega halkaasi ay isku qabteen arrimo la xariira dhul beereed. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay labo qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan ah dhinacyadii dagaalamay. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaal beeleedkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, balse waxaa weli is horfadhiya maleeshiyaadkii dagaalamay, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaalku uu qarxo. View the full article
-
Midowga Africa oo taageera howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaliya ayaa taageero ballaaran u balan qaaday Soomaaliya, xilli kun askari oo ka mid ah howgalka AMISOM la dhimayo bishan Febraayo ee sanadka 2020-ka Go’aanka ku aadan dhimista 100-ka askari oo kamid ah howgalka AMISOM ayaa waxaa gaaray madaxa guddiga nabadda iyo amniga ee midowga Africa. Sidoo kale qoraal ka soo baxay ururkan ayaa lagu sheegay inay qiimeyn doonaan xaaladda amaan ee goobaha ay baneeyaan kunka askari ee ladhimayo, haddii loo baahdo ciidamo dheeraad ahna ay kala shaqeyn doonaan dowlada Soomaliya. Si kastaba ha’ahaatee 28-ka bishan Febraayo ayaa la filayaa in 1000-ka askari ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay isaga baxaan Soomaaliya,taas oo qeyb ka ah qorshaha AMISOM ay uga bexeyso guud ahaan dalka. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in si xoogan loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi, iyadoona jidadka lagu arkayo ciidamo dheeraad ah. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale bilaabay howlgallado lagu baarayo gaadiidka iyo daddka saaran intaba. Ujeedada baaritaanadaan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo beri ka dhaceysa halkaasi. Sidoo kale qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhanka kale waxaa weli taagan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug. Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana la filayaa in beri Axad ah la doorto madaxweynaha cusub iyo madaxweyne ku xigeenka ee maamulkaasi. View the full article
-
Maamulayaasha iyo macalimiinta ku dhowaad toban iskuul oo ku yaalla degmada Gaarisa iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa yeeshay shir ka dhan ah xaaladda amaan ee gobolka, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab. Maamullada ku kulmay Gaarisa oo warbaahinta la hadlayey ayaa ku dhawaaqay in ay xiri doonaan iskuulladooda, iyaga oo sheegay in aan lisku haleyn karin amniga. Hasan Sheekh Cali oo ka tirsan maamulayaasha iskuullada ku yaala Waqooyi Bari ayaa sheegay in iskuulladaasi albaabada la isugu dhufan doono illaa ay wax ka qabato dowladda Kenya, qatarta amaan ee ka jirta halkaasi. Sidoo kale Cabdirisaaq Xuseen oo ah xoghayaha urur ay ku midoobeen macalimiinta Gaarisa ayaa sheegay in inta badan macalimiina ay isaga baxeen deegaanada gobolkaasi, kadib markii la dilay qaar ka mid ah barayaasha. Hadalkana ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay weeraro is daba joog ah ay ka dhacayeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Heliwaa ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax miino uu ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Control Balcad ee degmadaasi. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku socdaalayey dhabahaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ciidamadu ay fureen rasaas, taas oo la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhowaa halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey qaraxaas iyo rasaasta xigtay khasaaraja ka dhashay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/cc.mp3 View the full article
-
(SLT-London)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga ee dalka Ingiriiska ayaa kullan la qaatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Belgium, waxaana ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay horu-socodka hannaanka dimuqraaddiyadda Somaliland. Xildhibaan Karl Vanlouwe ayaa Somaliland ku ammaanay geeddi socodka doorashooyinkii Somaliland ay soo qabatay, isaga oo si weyn uga dayriyey dib u dhaca xadhkaha goostay ee doorashada golaha Wakiilada iyo golayaasha deegaanka, sida oo kale waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda xuquuqal iisaanka Somaliland iyo caddaadiska lagu hayo xorriyadda hadalka. Xildhibaanka iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa isla qaatay in wada jir loo qaban-qaabiyo kullan ka dhaca xarunta Baarlamaanka Yurub si loogu soo bandhigo horumarka Somaliland iyo caqabadaha ku gadaaman labadaba. Kullankan waxaa kale oo qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Belgium-ka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah Culimada Boorama ayaa khudbadii Jimcaha ku soo qaatay in badhasaabka gobalkaasi uu diinta caayay isla markaasna ay ugu baaqayaan inuu dib u soo islaamo, waxaanay madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha ay ku canaanteen in hogaamiye gobalkaas ay uga dhigeen ruux aan diinta ku fiicnayan. Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo ugu horayntii masaajidka uu ka jeediyo khudbada jimcaha ka hadlaayay waxa uu yidhi “ Dawaladu waa inay wax ka qabato ninka diinta caayay hadduu madax yahay haduu askari yahay , haduu cid kasta yahay waa in wax laga qabto oo la sheego, maaha in lays xanto qofku haduu alle iyo rasulkiisa caayo waa la dilayaa waa reer hebelnimo yaa loo dhimanayaa kuwa suuqa ku caayaya ee tolkeen ah maxaa wax looga qaban waayay, miyaad aragtay qof diinta lagu dhirbaaxay, diinta ma sidaas ayaynu ku daynaa. Madaxweynuuna waa inuu dadka dhanka cibaadada ku doorto oo aan reer hebelnimo la eegin oo waa in la eegaa qof dhaqan fiican leh oo umadda masuul ka noqda, umaddu masuul wanaagsan ayay u baahantahay nin lagu daydo ayay u baahan tahay nin umadda la tukada ayay u baahan tahay oo jamaca soo dhexgala oo safka hore ku tukada oo umadda wax u sheega oo ay ku dayato.” Sheekh Xasan Deheeye ayaa dhankiisa isaguna khudbadii jimcaha waxa uu kaga hadlay isla dhacdadan “Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga rabaa inuu maanta misaajidka ugu weyn Hargeysa uu ka khudbadeeyo oo isagu dadka uu hoogaamiyo oo khadiib uu noqdo sidii Cumar Binu Khadaab ilaa madaxdii muslimiinta waayo ninka muslimiinta xukumaaya iimaam ayaa la yidhaahdaa, wax la hogaamiyo salaada ayaa ugu wanaagsan waa inuu salaadooda hogaamiyaa oo toosiyaa,badhasaab kastana waxa laga rabaa inuu isna gobalka loo diray in sidaas u hogamaiyo oo diinta ku hogaamiyo oo khudbadeeyo oo tujiyo,kumaa maanta ina tujin ma ka diinta caayaya ma ka alle caayaya ma ka malaa’igta caayaya, shalay anigoo jooga hudheelka Rays la yidhaahdo wax layaab leh ayaan maqlay qofkii xaadirka ahaana ma ihi ee joogay meel lagu shiraayay ayaa shalay waxa lay sheegayay oo hoolalka ah ninka gobalkan haystaa inuu diinta caayay oo alle uu caayay,anigu isaga canaanan maayo ee kuwa soo magacaabay ee sidaas raali ka ah inuu diinta caayo, waa gaal ninkaasi ee waa inuu dib u ashahaataa xukunkiisuna waa in la dilo, aniga ayaa dilaaya ma lihi ee shareecada ayaa dilaysa.” Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-01022020s-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Soomaaliya (Axmed Ciise Cawad) ayaa sheegay in qiraal loo haayo badda Somaliya in lagu daadiyay sun xilli uu la hadlayay warbaahinta qaranka. Wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu carabaabo halka uu kasoo xigtay warkaan saameynta weyn leh iyo xitaa cidda leh masuuliyadda falkaan. Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga dowladda federaalka ayaa sheegtay dhawaan iney baaritaan ku sameyn doonto arrinta xilli dhawaan xeebaha magaalada Muqdisho ay kusoo caariyeen kalluun badan. Sida la wada ogyahay biyaha Soomaaliya waxaa ilaaliya maraakiib Shisheeye oo aad u badan hadana waxaa mar walba ka dhaca falalka ugu badan ee loogu xad gudbayo sharciga kallumeysiga iyo xad gudubyo kale, sidoo kale lama oga hadii hadalka kasoo yeeray Cawad uu salka ku haayo baaritaanada laga sugayay Wasaaradda ku shaqada leh arrimahaan. Dhanka kale Cawada wuxuu cudur daar ka bixiyay tabashooyinka laga soo gudbiyay safarada dibadda, wuxuuna sheegay iney wax ka qaban doonaan. Ugu dambeyntiina Cawad wuxuu qiray iney Sacuudiga aad isugu dhaw yahiin marka lala barbardhigo dhigooda Imaaraadka carabta, balse wuxuu rajeeyay in wax walba ay soo kobcaan wakhtiyada soo socda.
