Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiska madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay, Taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay magaalada Boosaaso. Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo halkaasi kulan gaar ah ku yeeshay, ayaa ka wada-hadlay arrima ku saabsan dhanka Amniga iyo la-dagaallanka Argagixisada. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Gen. Townsend, ay ka wada-hadleen Ammaanka guud, la-dagaallanka Argagixisada iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Taliska Africom. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri warkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Den iyo Taliyaha guud ee AFRICOM oo Boosaaso ku kulmay appeared first on Puntland Post.
  2. Odoyaaal ka ambabaxay magaalada Gurcieel ee gobalka Galgaduud islamarkaana ku wajahnaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa ishor istaag ku sameeyay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Galmudug. Sida aan xogta ku helnay maanta waxaa magaalada Dhuusamreeb ku madalsanaa Madaxweynaha garabka Ahlu sunna ee Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo odoyaasha beesha Cayr, balse ciidamo ka tirsan nabad sugidda Soomaaliya ayaa odoyaashan ku celiyay meel u dhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamreeb. Odoyaashan oo markii la celiyay ka dib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladdu ay si xun ula dhaqantay, waxa ayna xuseen in xitaa qaar ka mid ah odoyaasha ay jir dil u geysteen askartii maanta ka celisay in ay gaaraan magaalada Dhuusamreeb. Sidoo kale odoyaashan ayaa waxa ay tilmaameen in xitaa la isku dayay in la celiyo haween iyaguna ku sii jeeday magaalada, balse haweenkaasi ay u lugeeyeen Dhuusamareeb. Maalmihii ugu dambeeyay madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu sunna ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qaadanayay waxgaradka,odoyaasha iyo dhalinyarada magaalada, waxaana maanta la filayay in uu kulamo kale la qaato waxgaradka magaalada Guriceel oo loo diiday in ay Dhuusamreeb gaaraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Mudanayaasha Baarlamanka Waddanka Ethiopia, ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay sharci dhigaya in ciqaab adag la marsiiyo dadka ku kaca hadallada naceybka iyo maran-habaabinta ku saleysan. In ku dhow 300 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya, ayaa ogolaatay sharcigaas, halka in ka badan 20 xubnood oo kalena ay diideen, islamarkaana 2 mudan ka aamustay. Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa isku raacay, in qofki lagu helo hadallada naceybka ku saleysan iyo wararka been-abuurka ah, uu muteysan doono ganaax lacageed oo gaaraya $3,100 iyo xabsi laba sano ah. Baarlamaanka ayaa ku qeexay hadallada naceybka ku saleysan in noqon karaan, hadallada cunsuriyadda ah ee lagula kaco koox, iyadoo wax laga sheegayo halka ay kasoo jeedaan, jinsiyaddooda, diintooda ama iin ay leeyihiin. Sharcigaas ayay dowladda Itoobiya uga hortageysaa rabshadaha ku saleysan isirka ee kusoo noqnoqday dalka Itoobiya sannadihi dhawaa. Qaanuunkaan ayaa kusoo aaday xilli dalka Itoobiya lagu wado in bisha August ee sannadkaan ay ka dhacaan doorashooyin taariikhi ah. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Itoobiya oo ansixiyay Sharci ka dhan ah Naceybka iyo Cunsuriyadda appeared first on Puntland Post.
  4. Dawladda Mareykanka oo xayiraadii saareyd Shirkada Al-barkaat ka qaaday Dowladda Mareykanka ayaa xayiraadda ka qaaday islamarkaana liiska argagixisada ka saartay shirkadda Al-Barakaat Group of Companies ee Soomaaliya Qoraal lasoo dhigay website-ka wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo ku taariikheysan February 12, 2020, kana soo baxay xafiiska maamulka hantida dibedda, ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha hoos yimaada Al-Barakaat laga saaray liiska shirkadaha taageera argagixisada. Shirkadaha hoos tagay Al-Barakaat Group of Companies, waxaa ka mid ah Al-Baraka Exchange LLC, Al-Barakaat Bank, Al-Barakat Financial, Al-Barakat Global Telecommunications iyo kuwa kale. QM ayaa sideed sano ka hor, February 17 2012, waxay sidoo kale Al-Barakat ka saartay liiska xayiradda ee shirkadaha lala xiriiriyo argagixisada. Liiskan ayaa waxaa shirkadaha Al-Barakaat lagu daray sanaddii 2011 kadib markii kooxda Al-Qacida ay weerar argagixiso ku qaaday dalka Mareykanka. Shirkadda Al-Barakaat ayaa tan iyo markii liiskan lagu daray aan lagu helin wax caddeymo ah oo la xiriirinaya argagixiso, hase yeeshee waxaa caadiyan adag in shirkad ama qof lagu daro liis argagixiso oo Mareykan ah, laga saaro. Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela, oo liiska argagixisada Mareykanka lagu daray intuu u dagaalami jiray xoriyadda dalkiisa, ayaa ku jiray tan iyo 2008, 14 sano kadib markii loo doortay madaxweynaha 1994. Go’aanka looga saaray Al-Barakaat liiska Mareykanka ayaa albaabada u furaya inay dib u heshi hantidii uu Mareykanka ka xayiray. Qaran News
  5. Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa shaacisay in uu is casilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir. Qoraal kooba oo hay’addaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayay ku shaacisay iscasilaadda Muuse Macallin oo loo yaqaanno Mucaawiye, kaasi oo sida ay NISA sheegtay isu’ casilay sababa la xiriira khilaaf ka dhex jira ururka Al-shabaab. Ha’yadda ayaa sheegtay in khilaaf u dhexeeyo laba garab oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana khilaafkaasi uu keenay in uu is-casilo Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo raacsan Garabka horjooge Mahad Karataay. “Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Al-Shaabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], oo 39-jir ah, oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. PUNTLAND POST The post Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo la sheegay in uu is casilay appeared first on Puntland Post.
  6. Balcad (SMN) – Ugu yarana shan caruur ah ayaa ku dhimatay, tirro intaas ka badanna way la il-daran yihiin kadib Shuban-biyood ka dilaacay magaalada Balcad. Xambaley Cabdullaahi Axmed, gudoomiye ku xigeenka magaaladaas ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa Shabelle uga warbixiyey xaaladda taagan. Isagoo khadka telefoonka ugu waramay idaacadda Shabelle, mas’uulka ayaa daaha ka rogay in xaaladda ay tahay mid u baahan gurmad deg deg ah. Cudurkaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay fatahaadda uu sameeyay webiga Shabeelle oo saameeyay bulshadda gaar ahaan Beeraleyda oo uu cagta ka mariyey dalaga. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Shuban-Biyood.mp3 View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Si Weyn Dhaliilay Kulankii Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex-maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Dagaal khasaaro dhaliyay oo dhexmaray Macawisley iyo ciidamo Itoobiyaan ah Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawisley, waxa uuna dagaalka ka dhacay tuulada Af-qurun oo qiyaastii 48 KM u jirta deegaanka Far Libaax. Sababta dagaalka ka dambeysay ayaa lagu sheegay in kadib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo gudbay xadka u dhaxeeya gobollada Bakool iyo Hiiraan ay soo mareen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Macawisley, waxaana wararku intaasi ku darayaan in dagaalka dhexmaray labad dhinac uu saacado qaatay ayna ku dhinteen dad kor u dhaafaya labaan ruux. Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta heer maamul iyo mid Federaal oo xaqiijiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Macawisleyda ayaa ka howlgasha qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Bakool oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab. Waa kuwama “Macawisleyda”? Maleeshiyaadka “Macawisleyda” waxay soo shaac baxeen sannadkii 2014-kii, waxay ka bilowdeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo dagaal culus ay Al-Shabaab kula galeen. Sidoo kale waxay markii dambe ka aasaasmeen deegaanka Adan Yabaal oo Shabeellaha dhexe ka tirsan. Waxaa lagu qiyaasaa illaa 50 dabley, waxaa la sheegaa in aysan jirin cid taageerta sida dowladda Federaalka ee Soomaaliya ama ciidammada kale ee Soomaaliya ku sugan. Xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka waxay sheegeen in ay si iskood ah isku abaabuleen si ay dagaal ula galaan ururka Al Shabaab. Dhammaan, “Macawisley” uma tababarna dagaalka balse waxay ku dhiiran yihiin in ay si wataan dagaalkooda ka dhanka ah kooxdaas. Malleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in “shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan”. Arrimaha inta badan ku khasbay in qaar kamid ah dadka deegaanka ay billaabaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ka mid ah xoog ku qoridda dadka ay doonayaan inay ciidan u noqdaan ururka oo ay ka mid yihiin carruurta. Qaar ka mid ah odeyaasha deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatooyiinka ay ku hayaan Al-Shabaab isla markaana ay ka mid noqdeen malleeshiyaadka “Macawisleyda” si ay isaga difaacaan ururka Al Shabaab. Qaran News
  9. Qaramada Midoobey oo soo saartay warbixin ay ka cadhootay Israa’iil Deegaameynta Israa’iil ay ka waddo Daanta Galbeed waxaa loo arkaa mid sharci darro ah, sida ku xusan shuruucda caalamiga ah Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo saaray warbixin in muddo ah laga dhuursugayay oo ku saabsan shirkadaha lala xiriiriyay deegaameynta dadka Yuhuudda ah ay Israa’iil ka waddo Daanta galbeed. Warbixinta waxay shaaca ka qaaday ilaa 112 shirkadooda oo la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha deegaameynta, haddii ay ahaan laheyd guryaha Israa’iil ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo howlaha kale ee lagu duminayo dhismooyin ku yaal halkaas. Waxaan shirkadahaas kamid ah Airbnb, Booking.com, Expedia Group iyo Motorola Solutions. Falastiiniyiinta waxay soo dhaweeyeen warbixinta Qaramada Midoobey oo ay ku tilmaameen ‘Warbixinta waxay guul u tahay shuruucda caalamiga ah’ halka Israa’iil ay ku tilmaantay ‘mid fadeexo ah’ Ku dhawaad 600,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa ku nool ilaa 140 deegaan oo ay Israa’iil ka sameysay dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Quddus tan iyo sannadkii 1967-kii. Waxaana deegaameyntaas lagu sheegay mid sharci darro, sida ku xusan xeerarka caalamka, inkasta oo ay Israa’iil dood ka keentay arrintaas. Falastiiniyiinta waxay in muddo ah ku baaqayeen in dhulkaas laga saaro Israa’iil. Qaran News
  10. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraadda ka qaaday islamarkaana liiska argagixisada ka saartay shirkadda Al-Barakaat Group of Companies ee Soomaaliya Qoraal lasoo dhigay website-ka wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo ku taariikheysan February 12, 2020, kana soo baxay xafiiska maamulka hantida dibedda, ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha hoos yimaada Al-Barakaat laga saaray liiska shirkadaha taageera argagixisada. Shirkadaha hoos tagay Al-Barakaat Group of Companies, waxaa ka mid ah Al-Baraka Exchange LLC, Al-Barakaat Bank, Al-Barakat Financial, Al-Barakat Global Telecommunications iyo kuwa kale. QM ayaa sideed sano ka hor, February 17 2012, waxay sidoo kale Al-Barakat ka saartay liiska xayiradda ee shirkadaha lala xiriiriyo argagixisada. Liiskan ayaa waxaa shirkadaha Al-Barakaat lagu daray sanaddii 2011 kadib markii kooxda Al-Qacida ay weerar argagixiso ku qaaday dalka Mareykanka. Shirkadda Al-Barakaat ayaa tan iyo markii liiskan lagu daray aan lagu helin wax caddeymo ah oo la xiriirinaya argagixiso, hase yeeshee waxaa caadiyan adag in shirkad ama qof lagu daro liis argagixiso oo Mareykan ah, laga saaro. Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela, oo liiska argagixisada Mareykanka lagu daray intuu u dagaalami jiray xoriyadda dalkiisa, ayaa ku jiray tan iyo 2008, 14 sano kadib markii loo doortay madaxweynaha 1994. Go’aanka looga saaray Al-Barakaat liiska Mareykanka ayaa albaabada u furaya inay dib u heshi hantidii uu Mareykanka ka xayiray.
  11. (SLT-Hargeysa)-Caaqil iyo odayaal ka haaadley dil ka dhacey degaanka dabaaraha ee gobolka sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerareen saldhiga ciidamadda ee degaanka Ceel Saliini, gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in weerarka loo adeegsaday qaraxyo iyo dagaal toos ah oo hub culus loo adeegsaday. Ma cadda khasaaraha labada dhinac kasoo kala gaarey duulaankaas oo dhacay maanta oo Khamiis ah, sidda ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah. Saraakiisha ciidanka dowladda iyo xarakadda Al-Shabaab ayaanan wali wax war ah kasoo saarey dagaalka oo muddo saacado ah socday. Sanadkii hore ayay ahayd markii weerar lagu qaadey xerada Ceel Saliini, halkaasoo khasaaro xoogan uu kasoo gaarey Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed. View the full article
  13. (SLT-Washington)-Dowladda Maraykanka waxay shalay Liiska Argagaxisada ka sartay Kooxda Shirkaddaha Barakaat ee The Barakaat Group of Companies, taasi oo ay Cunaqabatayn saarnayd tan iyo bishii November ee sannadkii 2001-dii xilligaas oo weerar uu ka dhacay Maraykanka. Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Hadal-qoraal oo ka soo baxay lagu sheegay inay xidheen Cutubkii eedeymaha ee ay u haysteen Kooxda Shirkadaha Soomaaliyeed ee The Barakaat Group of Companies ee shaqadooda ahayd Shirkad ka shaqeyn jirtey Xawaaladda Lacagaha. Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daarihii Mataanaha ayey Dowladda Maraykanku xayirtay Hantidii Shirkadda Al-barakaat, lana wareegeen dhamaan Dukumentiyadii iyo Diiwaan-gelinadii ay Shirkadaasi ku lahayd Caalamka. Xayiraadaasi kadib, waxa uu Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O’Neil sheegay inay Al-barakaat malaayiin Dollar sannadkiiba u gudbin jirtey Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u yidhi, inkastoo ay Shirkadda The Barakaat Group of Companies had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi. Dhinaca kale, Kooxda Baadhayaasha Maraykanka ee Weeraradii Daaraha Mataanaha ee September 11-dii ee sannadkii 2001-dii waxay sheegeen in ayna haynin caddaymo Toos ah oo muujinaya in aanu waxa xidhiidh ah ka dhexeynin Al-barakaat iyo nooc kasta ee Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda. Qaadista Cunaqabatayntaasi ayaa timid dhowr toddobaad kadib, markii Waaxda Maaliyadda Maraykanka shaacisay in ayna wax dembi ah gelin Shirkadda u qabilsan U-ololeynta ee Park Strategies LLC ee xarunteeda ku taallo magaalladda New York ay wakiil u ahayd Shirkadda Albarakaat. Dowladda Maraykanka waxay Asaasaha Shirkadda Albarakaat, Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat ee The Barakaat Group of Companies waxay Liiska Xayiraadda ka saareen sannadkii 2016-kii, halka ay QM liiska Cunaqabataynta ka saartay Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat sannadkii 2012-kii. Shirkadda Al-barakaat waxay Xaruumahooda Maaliyadda ku yaallaan dalka Imaaraadka, waxayna lahaayeen in ka badan 180 Xafiisyo u qaabilsan Xawaaladda Lacagaha oo ku kala yaalla 40-Waddan. Source
  14. Muqdisho (SMN) – Iyaddoo mudo saddex sano ay u buuxsantay dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warbixin ay soo saartay hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay dowlada Soomaaliya ku eedeysay in ay habab sharci daro u adeegsato xoriyatul qowlka warbaahinta madaxa banaan. Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay waxaa cinwaan looga dhigay “waxaan ku noolnahay cabsi joogta ah”waxaana sidoo kale Amnesty ay warbixinteeda ku sheegtay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo ay dowlada Soomaaliya ay caburin ku heyso warbaahinta xorta ah ee gudaha dalka. Sidoo kale ha’yada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in dowlada Soomaaliya mudadii sadexda sano aheyd ee lasoo dhaafay ay kordhisay xariga iyo jirdilka saxafiyiinta ka howgala Soomaaliya,gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho. Deprose Muchena oo ah agaasimaha Amnesty International ee koonfurta iyo bariga Africa ayaa sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay xaalad adag kusoo shaqeynayaan mudo fara badan,gaar ahaan sadexdii sano ee lasoo dhaafay. Ku dhawaad 8 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2017,shan saxafi ayaa ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay Soomaaliya,sida Amnesty ay sheegtay,laba wariye waxaa dilay kooxo aan la garaneyn, halka wariyaha kalena uu sarkaal ka tirsan booliiska Soomaaliya ku toogtay magaalada Muqdisho bishii July ee sanadkii 2018. Dowlada Soomaaliya ayaan wax war kasoo saarin eedeymaha ay u jeedisay hay’ada u dooda xuquuql insaanka ee Amnesty International ee ku aadan la dagalaanka xoriyatul qowlka iyo caburinta saxaafada madaxa banaan. Soomaaliya oo kamid ah dalalka ugu halista badan ee saxafi uu ka howgalo, ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal wariyayaal ah oo ka howgalayay warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya. View the full article
  15. Suspected Al-Shabaab militants on Wednesday night torched shops and three homes belonging to National Police Reservists at Sangailu, Ijara Sub-County, Garissa County. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN) – Ku dhowaad 300 oo Askari oo iskugu jira Saraakiil iyo ku xigeeno ahna dufcaddii 1-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaliya ayaa Maanta loo soo xiray tababar muddo socday. Munaasabadda tabarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, Saraakiil ka tirsan AMISOM,UNKA, Masar. Taliye xigeenka hoggaanka iyo tabararrada Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Maxamuud Maxamed Garaar ayaa sheegay in Ciidankaan la baray Carasho ku saabsan ka hortagga dhagarta Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Xildhibaan; Zikiriye Xaaji Ismaanciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Taliska Booliiska ku bogaadiyay dedaallada ku aaddan tayaynta Ciidanka iyo sida ay ugu heellan yihiin la dagaallanka cadowga. Taliyaha Ciidanka Soomaliyeed sareeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay inay xoogga saarayaan dhismaha Ciidan Qaran oo hanta ammaanka Dalka iyo jiritaanka Qaranka Soomaliyeed. View the full article
  17. Wararka maanta aan ka helayno degmada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaare kala duwan. Qaraxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan baar lagu magacaabo Bageynle halkaas oo ah goob lagu iibiyo qaadka, waxaana qaraxaasi uu ahaa miino dhulka ku aasnayd sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa Goobjoog News waxa ay u xaqiijiyeen in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa iyo seddex qof oo shacab ah, waxaana la tilmaamay in dhaawacyadaasi ay yihiin kuwa fudud. Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Dhuusmareeb ayaa soo gaaray goobta waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano kala duwan. Amaaanka magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad loo adkeynayay, waxaana qaraxaani uu ku soo aadaya xilli heegan buuxa la galshay ciidamada ku sugan magaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland ee halkaasi ku sugnaa, waxaana arrintaasi geelayda ka caawiyey Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo u qabtay tartankan si loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela. Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland. Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay waajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xadhig. Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta. Hase yeeshee xaaladda ayaa iminka kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay “Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.” Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka waajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya. Sida warbixinta ay tidhi, ugu yaraan 8 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan 8 kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda. “Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xidho si sharci-darro ah, suxfiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yidhi Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Dowladda Soomaaliya weli jawaab kama bixin eedeymaha ka dhanka ah ee lagu sheegay warbixinta Amnesty. AFP Source
  20. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay shaaca ka qaadey in uu is-casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir. NISA oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa daboolka ka qaadey in xarakada ay laba garab u kala jabtay. “Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo ” 39, jir ah” oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay,” ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee kasoo baxay Hay’adda Mukhaabaraadka. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashaddaan oo kasoo baxay dhanka xarakadda Al-Shabaab. Horaantii bishaan ayay ahayd markii NISA ay baahisay in uu khilaaf soo kala dhex-galay hogaanka sare ee Al-Shabaab isla markaana ay taas keentay in xilalka laga qaado laba kamid ah saraakiisha xarakada. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-13022020.mp3 View the full article
  22. The U.S. Department of Treasury has updated Specially Designated Nationals List by removing the list from Somali businesses including branches of the eponymous Al-Barakat Group of Companies. Owners of businesses once based in Bakara market in Mogadishu include in the update. Counter Terrorism Designations Removals The update will affect more than thirty eight businesses and persons. The US Government blacklisted Al-Barakat and associated companies in 2002 several months after 9/11 attacks on World Trade Center. The update will enable companies and persons to withdraw any money frozen in foreign banks. Read more on here: Counter Terrorism Designations Removals © Puntland Post, 2020 The post US Removes Somali-owned Businesses from Specially Designated Nationals List appeared first on Puntland Post.
  23. Dhuusamareeb (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Qaraxa oo ka dhashay walax la rumeysan yahay in ay Miino ahayd oo la dhigay goob ku dhow Maxkamadda degmadda. Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhaawacantay falkaas, sidda uu idaacadda Shabelle u sheegay Taliska Booliska. Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad looga shakisan yahay falkaas ayaa xusay in ay baaris ku waddaan. Nabad-gelyadda magaala madaxda Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii u dambeeyay sarre loo qaadey tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadda. View the full article