-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mukhtar Cabdullahi Cali oo ka mid ah ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee da’daalka wanaagsan ka sameeyay qaarada yurub ayaa iminka waqti wanaagsan la qaadanaya Xulka wadanka Sacudiya iyo kooxda Al Nasar,waxaana aabaha dhalay ciyaaryahan Mukhaar Cali Cabdullahi Sheekh uu sheegay in aad ugu faraxsanyahay da’daalka iyo heerka uu iminka joogo. “Sharaf weyn ay umadda Soomaaliyeed iyo qoyskayga u tahay in wiilkayga Mukhtaar oo magac iyo heer sareka gaaro ciyaaraha caalamka,waxaana heerka uu iminka joogo laacib Mukhtaar ay dhiir-gelin u noqonaysaa dhallinyarada kale ee jecel xirfadan” ayuuu Goobjoog Sports ugu waramay Cali Cabdullahi Sheekh (Cali Afgooye) oo ah aabaha dhalay laacib Xulka Sacuudi Carabiya Muqtaar Cali Afgooye. Laacib Mukhtar Afgooye wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa in isaga iyo saaxiibadii ay soo booqdaan dalka iyo in ay la kulmaan xidigaha ka dheela Soomaaliya,balse waqtigooda sanadkan oo cariiri yahay. Sanadihii lasoo dhaafay waxaa garoomada waaweyn ee kubbadda cagta Caalamka lagu arkayay dhallinayaro badan oo Soomaaliyeed kuwaas u ciyaaraya kooxaha heerarka kala gedisan ee qaaarad Qaarada Yururb waxaana aabaha xirfadyahan Cali Cabdullahi (Cali Afgooye) waalidiinta kale uu u soo jeediyay in ay caruuurtooda ku dhiiri-geliyaan qeybaha kala duwan ee isboortiga. Si kastaba 23 Jirada Sacduuiya Carabiya ayaaa bishii Janaayo ee sanada 2020 soo tiigsatay kama dambeysta tartanka Asian Championship,inkastoo fiinalaha ay guuldarokala kulmeen South Korea. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Muqtaar Cali Afgooye W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madasha xisbiyada qaran oo soo saaray warmurtiyeed ku aadan xaaladda Galmudug ayaa dowladda Federaalka waxa ay ugu baaqeen in ay joojiso faragalinta siyaasadeed ee ay ku hayso maamulkaasi. Sidoo kale madasha ayaa ka digtay khilaafka xowliga ah in uu horseedo gacan ka hadal uu dhiig ku daato iyada oo ciidamada qaranka ugu baaqday in aysan ku lugyeelan muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya siyaasiyiinta taa badalkeedana ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadgelyada. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa ciidanka ajnabiga ah loogu baaqay in aysan aqbalin in loo adeegsado khilaafka siyaasadeed ee halkaasi ka jira islamarkaana ay ka fogaadaan in ay la saftaan dhinacyada siyaasada isku haya dhinac ka mida. Ugu dambeyn madasha xisbiyada qaran waxa ay beesha caalamka ugu baaqday in xaalada aamusnaanta ah ay ka baxdo islamarkaana ay ka shaqeyso dhexdhexaadinta iyo isu soo dhaweynta saamileyda siyaasadeed ee Galmudug. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Senetor Faroole uu kadeeday Ummadda Soomaaliyeed markii la sameyanayay dastuurka ku meel gaarka ah waxa uuna xusay in arrinkaasi uu isagu marqaati ka yahay. Wasiir Goodax oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Aniga Faroole waan la soo shaqeeyay markii dastuurkaan KMG-ka ah laga shaqeynayay ummadda soomaaliyeed siduu ninkaas u kadeeday iyo dastuurkan dhan ciladaha uu leeyahay in uu isaga sabab u yahay anigaa ka marqaati ah” Sidoo kale wasiirka waxbarashada DFS ayaa ka dhawaajiyay in Senetor Faroole la joogo xilligii uu siyaasadda ka fariisan lahaa isaga oo dhinaca kale ku eedeeyay in madaxdii puntland soo martay iyo kuwa hadaba ay ka shaqeyn la’ yihiin. “waxaad joogtaa waqtigii aad fariisan lahayd inta aad joogtay oo aad puntland madaxda u ahayd ummadda Soomaaliyeed ayaad kadeeday markii reer Puntland iska kaa qabteen ma aadan fariisan Cabdiwali Gaas hal maalin kaama shaqeyn hadana waxaad afduub ku haysaa kan maanta jooga waxaan kugu waaninaa inaad ummadda meel ka fariisato” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Goodax Barre. Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Senetor Faroole uu kal hore sheegay in wasiir Goodax cunaqabateyn xagga waxabarada uu ku hayo dowlad goboleedka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, Qarax goor dhoweyd ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay, ayaa waxa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo Askar Ilaalo u aheyd. Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa laga soo xigtay, in qaraxas uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmadaKaxda Cabdinaasir Xasan Cali, isla markaana ay ku geeriyoodeen laba Askari oo la socday. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, ayaa gaaray Isgoyska Xoosh, waxaana au halkaas soo qaaday dhaawaca guddoomiye ku-xigeenka iyo Meydadka Askartii Ilaalada u aheyd. Dhinaca kale, wararka laga helayo Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi saaka qarax miino lagula eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, inkastoo aan weli khasaaraha gaaray la xaqiijin. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aan ka helayno isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeynley ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagula eegatay guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada kaxda ee gobalka Banaadir kaas oo lagu magacaabo Cabdinaasir Xasan Cali. Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Kaxda. Dhinaca kale qaraxa ayaa la warinayaa in ay ku geeriyoodeen askar ilaalo u ahayd guddomiyaha halka seddex qof oo shacaba ay ku dhaawacmeen. Gudoomiyaha ayaa durbadiiba loola cararay mid ka mida cisbitaalada ku yaalada magaalada Muqdisho si xaaladdiisa caafimaad loola tacaalo. Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa soo gaaray goobta iyaga oo halkaasi baaritaano ka sameeyay. Wixii ku soo kordha warkan halkaan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka halkaasi dhaq dhaqaaqyo Milatari ay ka wadaan ciidamada dalka Kenya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan deegaano dhowr ah oo dhaca xadka labada dal. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in howlgalladaasi oo saameyn ku yeeshay ay fulinayaan ciidanka sida gaarka ah u tabaran ee loo yaqaano Argagixisa la darirka. Kenya ayaa muddooyinkii dambe ciidamo soo dhoobtay Waqooyi Bari, Kenya kadib markii Al-Shabaab ay kordhisay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliso gobolkaasi. View the full article
-
Madaxweynihii hore dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, ayaa ku baaqay in xal rasmiya laga gaaro khilaafka ka taagan doorashada dowlad goboleedka Galmudug. Mudane Xasan Sheikh ayaa sheegay in aan la joogin waqtigii khilaaf lagu kala geyn lahaa dadka Galmudug, waxaana uu ka digay in la dhiso maamulo iska soo horjeeda oo caqabad ku noqda geedi-socodka Galmudug. Waxa uu tilmaamay in duruufo kala duwan loosoo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, maantana aan la joogin waqtigii dib loogu celin lahaa halkii laga keenay Galmudug sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameeyo cabashooyinka ka soo yeera Galmudug, wax walibana xal looga dhigi doono dastuurka dalka. PUNTLAND POST The post Xassan Sheikh oo ka digay in Galmudug laga dhiso maamulo is-diiddan appeared first on Puntland Post.
-
Faha faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo goor dhow ka dhacay isgoyska Xoosh degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qarax ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Kaxda, C/naasir Xasan Cali. Wararka qaar ayaa sheegaya qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ilaalo u aheyd mas’uulkaasi, isaguna uu ka soo gaaray dhaawac fudud. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com: kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in dadka reer Galmudug aan dib loogu celin dhibatooyinkii ay soo mareen. Madaxweyne Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Galmudug ay soo martay xilli ay lahayd maamulo is bar baryaacaya balse waqtigaas lagu xaliyay wadaxaajood iyo isu tanaasul. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka, siyaasiyiinta iyo madaxda beelaha in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul si loo helo Galmudug mideysan oo leh hoggaan lawada doortay. “Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan Fursadaha faraha badan ee ka jira degaannadooda” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in ay garab siin doonaan Galmudug waxa uuna ku taliyay in xalka la dajiyo islamarkaana laga fiirsado hadalada iyo ficilada aan waxba soo kordhinayn. “Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xaalada siyaasadeed ee maamulka Galmudug ayaa ah mid qasan ka dib markii maamulkaasi uu yeeshay seddex baarlamaan iyo laba madaxweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay gaari uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda iyo ilaaladiisa, xilli ay marayeen isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley. Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan-ta, waxaana la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda, Cabdinaasir Xasan Cali, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo u ahaa mas’uulkaasi, isaguna uu dhaawac ka soo gaaray. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan kuwa howlgala degmada Dharkenley ayaa goobta gaaray, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqyo isgoyska Xoosh ee degmadaasi. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga ay ka bixiyeen qaraxaasi. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Heliwaa ayaa sheegaya in qarax miino ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay agagaarka Ex-Control Balcad ee degmadaasi. Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee konlonyada AMISOM soo gaaray marka laga reebo burburta gaariga uu qaraxu haleelay. Qaraxyadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe falal liddi ku ah nabad gelyada ay dhacayeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
-
Ciidamada Amniga dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay adkeeyeen Ammaanka guud magaalada Dhuusamareeb xilli halkaas looga diyaar garowbayo doorashada lagu muransanyahay. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan baraha Control ee magaaladaasi baaritaannada oo lagu samaynayo gaadiidka iyo dadka saaran. Sidoo kale ciidamada ayaa xadiday dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta Shiirkoole oo lagu wado in lagu qabto doorashada Galmudug. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota halkaasi, taas oo lagu wado in la qabto beri oo Axad ah kuna beegan waqtigii loo asteeyey. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kulamo siyaasadeed weli ay ka socdaan Dhuusamareeb kuwaas oo xal loogu raadinayo khilaafka taagan. PUNTLAND POST The post Amniga Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay saaka si aad ah u xoojiyeen ammaanka guud magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada gobolka Galgaduud. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan baraha Control ee magaaladaasi, iyaga oo baaraya gaadiidka iyo dadka saaran intaba. Sidoo kale ciidamada ayaa xadiday dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta Shiirkoole oo lagu wado in lagu qabto doorashada Galmudug. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota halkaasi, taas oo lagu wado in la qabto beri oo Axad ah, kuna beegan waqtigii loo asteeyey. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weli kulamo siyaasadeed ay ka socdaan Dhuusamareeb, kuwaas oo xal loogu raadinayo khilaafka maamulkaasi. Kulamada ah kuwa xasaasi ayaa waxa ay u dhexeeyaan guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi, gaar ahaan kuwa diidan ka qeyb galka doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Galmudug ayaa gashay marxaldo adag, tan iyo markii la galay dhismaheeda, waxaana sii kala qeyb samay hoggaanka sare ee maamulkaasi. Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda abaabullo iska soo horrjeeda oo lagu dhisayo saddex maamul oo kala madax banaan. Xaaladda ayaa haatan cakiran, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, iyada oo uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.
-
Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan dhismaha maamulkaasi. Ugu horreyn wuxuu sheegay in Galmudug aas-aaskeedii laga soo maray wado dheer oo dhib badan, gaar ahaan isu keenidii beelaha dega deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeeyo danaha reer Galmudug, islamarkaana meel la’iska dhigo kuwa gaar ahaaneed. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka: Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya. Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug. Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u badnaa. Kuwo magac ahaan u jiray iyo dhab ahaan u jirayba. Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in laga TANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas. Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid. Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira degaannadooda. Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn. Guul iyo Nabad dhammaan degaannada iyo dadeynaha reer Galmudug. View the full article
-
Wafti ka socday Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo ay wehelinayeen guddiyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee labada Aqal Baarlamaan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa ka qeyb-galay shirkii ugu horreeyey ee is-dhex-galka Ganacsiga ee dalka Pakistan iyo Wadamada Afrika oo Khamiistii ka furmay magaalada Nayroobi. Shirkan oo ay marti-gelisay dawladda Kenya sidoo kale na uu daah-furay Madaxweynaha dalkaasi, ayaa socday muddo laba cisho ah iyada oo ay ka soo qeyb-galeen wadamo badan oo ka socday Afrika, waxaana loogga hadlay sidii wadamada Afrika iyo dalka Pakistaan ba ay u wadaagi lahaayeen fursadaha Ganacsi iyo Maal-gashi ee dal walba. Waftiga ka socday Soomaaliya, ayaa halkaas dawladda Pakistaan iyo wadamada kale ba kula wadaagay fursadaha Ganacsi iyo Maal-gashi ee ka jira Soomaaliya kuwaasi oo dhinacyadu ay ka sameyn karaan iskaashi kor-u-qaada dhaqaalaha wadamada. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli kulamo siyaasadeed ay ka socdaan gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda Galmudug. Kulamada ah kuwa xasaasi ayaa waxa ay u dhexeeyaan guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi, gaar ahaan kuwa diidan ka qeyb galka doorashada madaxweynaha ee lagu wado in la qabto beri oo axad ah. Sidoo kale qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socota Dhuusamareeb, taas oo ku aadan qabsoomida doorashada madaxweynaha iyo ku xigeeniisa. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan degmooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-01022020-sx.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan dhismaha maamulkaasi ayaa baaq ka soo saaray is jiid jiidka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn wuxuu tilmaamay in aas-aaskii Galmudug iyo isu keenidii beelaha dega mamaulkaasi, laga soo maray wado dheer oo dhib badan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay isu tanaasul iyo midnimo, si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Hadalka hoose ka akhriso qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh. Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya. Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug. Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u badnaa. Kuwo magac ahaan u jiray iyo dhab ahaan u jirayba. Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in laga TANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas. Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid. Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira degaannadooda. Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn. Guul iyo Nabad dhammaan degaannada iyo dadeynaha reer Galmudug.
-
'It's not about somebody else. This election cycle is about us,' US congresswoman tells Muslim Americans Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian Parliament approved controversial investment law amendment which was tabled in the House in Decemeber 2019. Source: Hiiraan Online
-
Several schools in Garissa County were yesterday closed for lack of teachers following mass transfers over insecurity. Source: Hiiraan Online
-
The United Kingdom has officially left the European Union more than three years after a referendum that left the country bitterly divided. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa ay kulan ku yeelan doonan Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa uu yahay sii wadida ka doodista Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaran ee heer Federaalka, kaasi oo ay horey dood adeg uga yeesheen. Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa, waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulan Maanta. Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hore u ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxaana haatan uu horyaalla Golaha Aqalka Sare oo laga doonayo inay meel-mariyaan. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ka doodaya Sharciga Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
