-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugaas Yarow: DF Guluf Colaadeed Ayey Ka Waddaa Gobalka Gedo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ugaas Maxamed ugaas Xasan ugaas Yarow oo sheegay in uu yahay ugaaska beesha Mareexaan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada ka taagan gobalka Gedo ay masuul ka tahay dowladda waxa uuna sidoo kale tilmaamay in gobalkaasi ay haatan dowladdu ka waddo guluf colaadeed. “Annagu waxa aan nahay Jubbaland waxaan ka sii nahay federal dowladdii federaalka ahayd ayaa dhibaatada ka wadda gobalka Gedo, sidaad la socotaan degmooyinka Luuq, Dooloow, Beladxaawo guluf colaadeed baa ka jira dowladda federaalka ayaa wada gulufkaas colaadeed” ayuu yiri ugaas Yarow. Sidoo kale ugaas Yarow ayaa sheegay in gulufkaasi colaadeed ay keentay in lagu geeriyoodo sidoo kalane ay dad ku barakacaan, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladdii Soomaaliyeed ay iminka dhibaatadaasi waddo. Ugaaska oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Waa lagu geeriyooday gulufkaasi colaadeed waa lagu dhaawacmay waa lagu qaxay, dhibaatadaas foosha xun baa ka jirta gobalka Gedo, nasiib darro weeye dowladdi federaalka ahayd oo ummadda dowladedii ahayd in dhibaatadaas ay waddo nasiib darro aad u xun weeye” Dhinaca kale ugaaska beesha Mareexaan ayaa carabka ku dhuftay in wax aad loola yaabo ay tahay in maalinkasta madaxweyne Farmaajo uu gobol dhibaateeyo sida uu sheegay ugaas yarow. “Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in maalin walba uu gobolka dhibaateeyo waa waxaan la yaabanahay weeye, haka joojiyo dhibaatada uu ummadda ku haayo, taariikh ayaa jirta oo madaxweyne kasta laga qoro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ugaas Maxamed. Ugu dambeyn ugaaska ayaa baaq dheer u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in dowladdu dhibaatada ka deyso dadka. “Waxaan baaq dheer u soo jeedinayaa dowladda federaalka Soomaaliya dhibaatada ay ku wado dadka ha ka deyso” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa ugaas Maxamed ugaas Xasan ugaas Yarow. Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadaan ciidanka dowladda ee gobolkaasi la geeyay iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo iyagu horay uga arrimin jiray inta badan gobolkaasi, lamana oga halka ay ku dambeyn doonaan dhaqdhaqaaqyadaasi ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Sawir hore Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in weerarada rabshadaha wata, hanjabaada, dhibaateynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo. Warbixin cusub oo Amnesty International maanta oo Khamiis ah soo saartay ayey ku sheegay in ilaa iyo dabayaaqadii 2017, xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya ay xakameeyeen ciidamada amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha amniga, mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo kooxda Al-Shabaab Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda waxay sheegtay in tan xiligaas (2017) ay diiwangelisay dhibaatooyin isku jira hanjabaado, kadeed, cabsi gelin, jirdilo, dilal, isku day dil, xarig aan sabab lahayn, dhaleeceyn kale iyo xayiraado helitaanka macluumaadka oo loo geysto suxufiyiinta iyo warbaahinta bulshada. Warbixinta Amnesty International waxaa kaloo lagu xusay in masuuliyiinta dowladda ay laaluushaan warbaahinta, si ay ugu shaqeeyaan is-faafreebid. Amnesty International waxay ugu baaqday dawladda inay ixtiraamto, ilaaliso, kor u qaaddo oo ay fuliso xuquuqda xorriyadda hadalka, iyo xorriyadda saxaafadda kahor doorashada Soomaaliya ee 2021/2020. Soomaaliya ayaa kow ka ah dalalka aan la maxkamadayn kuwa dhibaateynta u geysta saxaafadda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Dilalka, musuqmaasuqa iyo faafreebida ayaa hareereeyay xorriyadda saxaafadda appeared first on Puntland Post.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) and the Aljazeera Media Institute (AJMI) have successfully concluded 5-day training on TV reporting for Somali journalists in Mogadishu to operate effectively and professionally as a broadcast journalist in television. The training, which was held in Mogadishu from 8 to 12 February 2020, was specially designed to arm young TV reporters to do their job with the necessary professional tools of broadcast journalism to enable them to understand the nature of the reporter’s role and his/her work in the field as well as his/her tools and responsibilities, to learn the foundations and principles of preparing a TV report and to be able to produce TV reports from the field. Training course focused on Introduction to TV work fundamentals, characteristics of TV journalism, different TV news formats and packaging, relationship between the reporter and the rest of the team, TV reporting mechanisms, how to make a report from the field, how to conduct interviews for television reports (form and content), The reporter’s live TV message DTL (Down the Line) and walk and talk. It also instilled a degree of familiarity with the new technology as well as the language of broadcasting and the methodologies used in everyday television reporting and interviewing. The journalists were taught practical skills during the training. The training was conducted by prominent Aljazeera Media Network’s Senior International Correspondent Mohamed Adow who commended the trainees as committed and talented young journalists. TV reporting is one of the most physically challenging television jobs, but certainly one of the most exciting and interesting ones. “The purpose of this intense training course is to give working TV journalists the knowledge to develop their broadcast journalism skills by learning TV reporting methods. The training was held with high-quality standards and it included the vocabulary theory and work practice,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ and AJMI are jointly carrying out a set of specialized training courses for Somali journalists in a bid to capacitate young and aspiring journalists. Scroll down for pictures: View the full article
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) Dowladda Soomaaliya ayaa durba ku guuleysatay iney ballan qaad ka hesho dowladda dalka Canada kadib markii laba xunood oo labada dowladood ka socda ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Wasiirka Waaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaata wasiirka wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta Bulshada ee dalkaas Axmed Xuseen, waxeyna ka wada hadleen in dib loo soo celiyo iskaashiga labada dowladood. Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay dhigeeda Soomaaliya ka bixin doonto lacag dhan 8.1 Malyan oo qeyb ka noqon doonta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in dib loo bilaabi doono socdaalkii labada wadan. Mudane Xasan Cali Maxamed oo ah wasiirka difaaca ayaa dowladda Canada kaga mahad celiyay sida ay ugu muujiyeen garab istaagga iyo taageerada quruxda badan. Dowladda Soomaaliya waxey mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsaneyd sidii deymaha looga cafin lahaa, waxaana la ogyahay iney jiraan wadamo dhawr ah oo ballan qaaday iney deymaha qaar ka bixin doonaan wadankaan qaaradda Afrika ku yaalla.
-
Federation of Somali Journalists (FESOJ) welcomes the report by the Amnesty International focusing on Violations and Abuses of Freedom of Expression in Somalia and urge Somali authorities ensure freedom of media and freedom of expression in Somalia. A surge in violent attacks, threats, harassment and intimidation of media workers is entrenching Somalia as one of the most dangerous places in the world to be a journalist, Amnesty International said on Thursday. In a new report, “We live in perpetual fear”, the organization documents dramatic deterioration in the right to freedom of expression and media freedom since President Mohamed Abdullahi ‘Farmajo’ took office in February 2017. Journalists contend with targeted attacks from both Al-Shabaab and government security forces, increased censorship and arbitrary arrests, forcing eight to flee the country. The Somali federal government and state authorities use various abusive tactics in an attempt to silence the independent media. Such tactics include arbitrary arrests, corruption ,censorship ,orced closures of media outlets, and constant intimidation. Therefore, FESOJ urges the Somali government and Federal states to take the report Amnesty report very seriously and implement its key recommendations such as strengthening law and policy frameworks, fostering a conducive environment for all Somalis to express their opinions freely, particularly at such a critical juncture in Somalia’s political landscape, and ensure accountability for human rights violations and abuses. Amnesty International also documented 16 Facebook accounts that had been permanently disabled, 13 of them belonging to journalists, between 2018 and 2019, reportedly for violating Facebook “Community Standards”. “Facebook must ensure it is not manipulated by the Somalia authorities to undermine the right to freedom of expression, especially ahead of the elections later this year. They must strengthen due diligence when investigating purported abuses of the Community Standards,” said Deprose Muchena. “Amnesty’s report today is in-depth about the true nature of journalists and media workers in Somalia , so we are demanding the leaders of federal government of Somalia , members state and all stakeholders from national level to police to come up with genuine commitment in which the existing conditions can be totally be transformed and improved” Mohamed Ibrahim Moalimuu ,Secretray General of Federation of Somali Journalist said. “Somali journalists are concerned about the attempts to limit the freedom of expression and fair reporting during Somalia’s upcoming elections in 2020-2021 . Therefore, we call on the leaders of the government, heads of states and opposition leaders to respect and guarantee freedom of expression, freedom of media and build acceptable environment where both local and international media can thrive by working effectively and with objectivity during elections,” said Mohamed Ibrahim Moalimuu, the Secretary General of Federation of Somali journalists Amnesty Recommendations to Senior Somali Government leaders TO THE PRESIDENT OF SOMALIA: • Publicly condemn physical attacks, killings, threats, harassment, obstruction, intimidation and arbitrary arrests of journalists and other media workers; • Issue clear instructions to all government officials and security forces to stop harassing, threatening or physically attacking journalists and media organizations and ensure that all government institutions including the security forces respect, protect and promote the right to freedom of expression of everyone and media freedom; • Take immediate steps to ensure prompt, thorough, independent and effective investigation of abuses and attacks, including killings and threats against journalists, and to address the failure to adequately investigate and prosecute suspected perpetrators of such abuses and attacks; • Publicly commit ahead of the elections to ensure that authorities and government institutions respect, protect, promote and fulfil the right to freedom of expression, and media freedom before, during and after the elections, including by providing a conducive and safe environment for journalists and other media practitioners to report on sensitive and public interest-related issues, such as security, election related debates; and publicizing news from opposition figures; • Take steps to ensure a prompt, thorough and effective investigation of allegations that officials from your office routinely bribe media outlets for the purpose of achieving positive media coverage for the authorities and government institutions, and to ensure that anyone suspected to be responsible is brought to justice in fair trials; • Direct government officials and security forces to allow journalists and media workers access to government information including by not putting impediments and restrictions on accessing government buildings and interviewing public officials; • Direct government officials and others working on behalf of the government to not impermissibly restrict and interfere with the rights of individuals to seek, receive and impart information through any means of communication including the internet, through restrictive measures such as removing, blocking and filtering of content . TO THE PRIME MINISTER OF SOMALIA: • Promptly ensure that relevant government agencies take immediate steps to address the failure to thoroughly, independently and effectively investigate and bring to justice suspected perpetrators of abuses and attacks against journalists and media workers; • Direct government officials and security forces to allow journalists and media workers have access to government information including not putting impediments and restrictions on accessing government buildings and interviewing public officials; • Direct government officials and others working on behalf of the government to not impermissibly restrict and interfere with the rights of individuals to seek, receive and impart information through any means of communication including the internet, through restrictive measures such as removing, blocking and filtering of content. FESOJ finally focuses on Amnesty’s recommendations to Somali media organizations which were summarized the continuation of monitoring and reporting violations and abuses against journalists throughout south central Somalia and Puntland; and urging the Somalia authorities to investigate all kinds of human rights violations and abuses against journalists in south central Somalia and Puntland. In the other hand to enhance the professional capacity of journalists and other media workers in Somalia FESOJ has trained more than 150 journalists on basic skills ,safety of journalists ,female journalist trainings and labour rights of journalists in all regional states in Somalia with the support of the European Union and the Finnish Foundation for Media Development organization (VIKES), based in Helsinki. End.
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegayaa dhibaato dagaal oo cusub, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya ayaa dagaal la galay maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley. Sida xogta lagu helay dagaalka wuxuu ka dhacay tuulada Af qurun oo 48KM u jirta deegaanka Far Libaax, wuxuuna dagaalka ku bilowday kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ah ay kusoo dhaceen fariisin ay lahaayeen ciidamada maleeshiiyaadka. Kala shaki ay kala qaadeen darteed ayuu dagaalka ku bilowday, saacado ayuu dagaalka dhexmarayay labada dhinac, warbaahinta ayaa soo tabisay in dhawr iyo toban qofood ay dagaalka uga dhinteen labada dhinac, sidoo kalana dhaawac badan uu jiro. Ciidamadaan maleeshiyaadka ah waxey ka hawlgalaan gobolada Hiiraan iyo Bakool, waxeyna sidoo kale dhawr jeer dagaalo la galeen Al-Shabaab. Ciidanka AMISOM, maamulka Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka ahba kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii labada dhinac dhexmaray.
-
Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay ka dambeysay dagaalkii maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, una dhaxeeyey ciidamada amniga Jubbaland iyo kuwo taabacsan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig. Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa xusay in dowladda federaalka ah ay dooneysay in khalkhal amni ay ku abuurto wafdi ka socday dowladda Mareykanka iyo taliska Africom oo shalay gaaray magaalada caasimadda ku meel gaarka u ah Jubbaland ee Kismaayo. “Waxaa dhacday in dowladda federaalka ah ay ka shaqeysay in Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ay abuuraan qas iyo qalaase amni oo ay galiyaan imaatinka safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Taliyaha heysta ciidamada Africom Stephen Townsend oo imaanayey magaalada Kismaayo” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale wasiirka warfaafinta Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Jubbaland ay ka warheysay waxaa ay damacsanaayeen Seeraar iyo Xiddig, lagana digtoonaa, waxaana uu xusay in laga hortagay isku daygaas oo ciidamada amniga ay ka horyimaadeen, waxaana uu yiri. “Arrintaas waa laga warhaayey, waana laga digtoonaa in ay rabeen qalalaaso galiyaan magaalada, jekboontiyeyaal ayaa agagaarahooda la dhigay kuwo kale horay ayeey u yaaleen meelahaas isku dhac ciidanka ayeey ka sameeyeen wax dhimasho iyo dhaawac ah midna majiro si nadiifa ayey ku istaagtay oo ciidamadu amnigu u soo afgareen” Dhinaca kale wasiirka ayaa digniin u diray Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid xidig, waxaana uu sheegay in hadda ka dib Jubbaland aysan u dulqaadan doonin qalalaaso amni oo ay ka abuuraan, waxaana uu intaas ku daray in wixii ka yimaado ay qaadanayso dowladda federaalka Soomaaliya. “Waxaan bulshada Jubbaland iyo umadda Soomaaliyeed ogeysiinaynaa in mudo lix bilood ah aan u dul qaadaneynay raggaas oo dowladda federaalka maskaxdooda iyo ra’yigooda ku shaqeeyo wixii intaas ka dambeeyana ma’ ahan wax aan u dul;qaadan doono wixii ka yimaadana waxaa qadayso dowladda federaalka” ayuu yiri wasirka warfaafinta Jubbaland. Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta dowlad gobaleed gobaleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay dhowr jeer isku dayday in ay wadahadallo la gasho Cabdinaasir seeraar iyo Cabdirashiid Xidig. “Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa intii aan sulux ku xalin karnay dhaqan, aqoonyahan iyo culimada waan adeegsanay intaan in ka badan in qas iyo qalalaaso ay Jubbaland ay ka siiwadaan inta lacag loo soo diro uma dulqaadan doono” ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka warfaafinta Jubbaland. Hadalka ka soo yeeray dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ka dhashay doorashadii dhawaan lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe, wixii intaas ka danbeeyey waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka aan maanta ka helayno gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegan ka tirsan goblkaasi uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeyay ciidamo Itoobiyaan ah iyo meeleeshiyo ka tirsan kooxda Macawisleey. Dagaalkan ayaa waxa uu si gaara uga dhacay tuulo la yiraahdo Afqurun oo qiyaastii 48-km u jirta degmada Farlibaax, waxaa uuna dagaalku yimid ka dib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid gobalka Bakool ay gudaha u soo galeen fariisin ay ciidanka Macawisleyda ku lahaayeen halkaasi. Dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kooxdan ayaa qaatay saacado waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Taliyaha kooxda macawisleey Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Afqurun ay ku dileen askar Itoobiyaan ah oo uu tiradooda ku sheegay 20 askari. Sidoo kale taliyahan ayaa tilmaamay in askarta ay la dagaalameen ay ahaayeen kuwa baxsad ah oo ka soo baxsaday gobalka Bakool, waxa uuna xusay in inta ay dileen maahine qaarka kale ay gacanta ku hayaan. Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku aadan dagaalkan la sheegay in kooxda macawsileey iyo ciidan ka tirsan dalkooda uu ku dhexmaray gobolka Hiirran. 9-kii bishan ayey ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay sheegeen in gobalka Bakool ay ku dileen 2 asakri oo Itoobiyaan ah oo ay sheegeen in ay baxsad ahaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Munaasabadan lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, Iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhinaanno ka tirsan labada Aqal, Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Difaaca, Ururada Bulshadda Rayidka iyo mas’uuliyiin mataleysay hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalla dalka. Axmed Diini oo ku hadlayay magaca Ururada Bulshadda Rayidka oo xafladda ka hadlay ayaa xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay dhaqan-galinta shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo arintaas ku bogaadiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in taliska xoogga ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta, isagoo intaa ku daray in argagixada Al-Shabaab aan loogu dulqaadan doonin in carruurta ay si qasab ah ku askareeyaan, kana codsaday shacabka inay ku gacansiiyaan sidii loo soo badbaadin lahaa carruurta sida khaldan ay u adeegsadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed oo ugu dambeyn xafladda ka hadlay ayaa shaaciyay in dowladdu ay ka go’antahay ka hortagga askareynta carruurta Soomaaliyeed… Munaasabadan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen inay soo furtaan carruur ay argagixada si qasab ah ku askareyneysay, kuwaasi oo la geeyay saldhiga booliska ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana sanad walba manta oo kale 12 February oo loo asteeyay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta laga xusaa dalal badan oo caalamka ka tirsan. View the full article
-
(SLT-Cape Town)-Muddooyinkii dambe waxaa isasoo tarayay weerarka lagu hayo goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin Ajaanibta ka shaqeysata gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Africa iyo qaar ka mid ah gobolada dalkaas. Budhcadda Koonfur Afrikaan ka ah ayaa caadeystay weerarada goobaha ganacsiyada oo dhac u gesta inta badana sameeyay weeraro dhiig uu ku daato,oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac lagula kaco ganacsatada Ajaanibta ah ee ay ku jiraan Soomaalida. Ganacsatada Koonfur Africa ayaa sheegay in ay arkeen dhacdo ay aad uga argagaxeen kadib markii ay arkeen Ganacsade Itoobiyaan ah oo goobtiisa Ganacsi Isku daldalay, kadib markii Booliisku ay ku amreen in uu xidho goobtiisa Ganacsi sida ay sheegeen. Muuqaal laga soo qaday ayaa muujinayay Ganacsadaha oo xadhig ku xidhay goobtiisa Ganacsi kadibna qoorata gashaday isaga oo sidaas ku geeriyooday,qaar ka mid ah Soomaalida ka ag dhawaa oo ku baxay ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen dhacdadaan kuna wargeliyeen Booliiska. Ganacsato ayaa xaqiijiyay in dhacdadaani ay ka dhacay Gobolka Gauteng mawaadin Itoobiyaan ka ahna uu isku daldalay kadib markii lagu amray in uu xidho goobtiisa ganacsi taas oo u cuntami weyday kana door biday in uu isdilo. Inta badan dalka Koonfur Africa ayaa waxaa laga soo weriyaa weeraro khasaare geysta oo Budhcad Koonfur Afrikaan ah kula kacaan Soomaalida iyo qaar kale oo ka mid ah Ajaanibta kale ee ganacsiyada ku leh gudaha dalka Koonfur Africa. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqdey in ay xayiraadii ka qaadey shirkadii Al Barakaat ee Soomaaliya. Paul Onela, xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa shaaciyey in tani ay ka dambeysay markii ay ku waayeen wax dambi ah. Mr Onel ayaa daaha ka rogay in ay gebi ahaanba xireen gal-dacwadeedkii shirkaddaas kana saareen liiska argagixisadda. Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii xayiraad la saarey Barakaat, taasoo timid weerar culus oo ka dhacay gudaha Mareykanka. View the full article
-
(SLT-Berbera)-Shabakadda Wararka Al-masdar Online ee laga leeyahay dalka Yemen ayaa Ilo-wareedyo gudaha ah waxa ay u sheegeen in 2 Kalluumeysato oo ka mid ahaa saddex kalluumeysato oo la la’aa ilaa dabayaaqadii bishii hore ee Jeeniweri laga helay Badda Calaamiga ee u dhexeysa Xeebaha Somaliland iyo Yemen ee Kaabiga ku haya Gacanka Cadmeed oo marin muhiim ah u ah Kalluumaysatada. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Kalluumeysatadaasi inay dhowr maalmood ka hor u kalluumeysi tageen Xeebta magaalada Axwaar ee Gobalka Abyan ee Yemen si ay gutaan shaqo maalmeedkooda hase’ahaatee la waayay markii dambe. Markab nooca Ganacsiga ah ayaa la sheegay inuu Maydadkaasi ka helay dooni dul sabaynaysay meel ku dhow Xeebta Degmadda Shakra oo ku taalla Badda Xeebta Caraabi oo la aamnisanyahay in ay kusoo cariday. Kalluumaysatada Yamanyiiinta ah ee Maydadka la helay waxaa lagu kala sheegay Ali C/llahi Xasan oo 40-jir ahaa iyo wiilkiisa Saciid Cali oo 14-jir ah, kuwaasi oo la la’aa tan iyo bishii la soo dhaafay ee Jeeniweri 27-dii. Dhinaca kalana Shabakadda Almasdar Online waxay kaloo qortay in weli la la’ yahay wiil 13-jir ah, oo lagu magacaabi jirey Abu Bakar Fowzi Abu Bakar, kaasi oo la socday doonida laga helay maydadka Aabe iyo Wiilkiisa. Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya, waxaana muuqata in Puntland ay digniin hordhigtay madaxda dowladda federaalka. Cali Xasan Axmed (Sabareey) oo ah Wasiirka Wasaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada ay bilahii ugu dambeysay sare u qaaday faragalinta dhanka maamulkaoo ay ku heyso nidaamka ay ku shaqeeyaan, wuxuuna u sheegay iney horseedi karto dhibaato hor leh. Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay dhawr jeer isku dayday iney wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mugdiga ku dhex jira, balse ay dowladda ku fashilantay. “Dhibaato ayaa ku imaan karta dalka hadii aan la tixgelin dastuurka, madaxda dowladda waxaan usoo jeedinayaa iney maamulka Puntland ka dhaafaan faragalinta” ayuu yiri ali Sabareey. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli wareysi gaar ah oo ay TV-ga Universal ka qaadeen madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu dhawr jeer isku dayay inuu la fariisto Deni, balse madaxweynaha dhawaan la doortay uu ka caga-jiiday.
-
(SLT-Doha)-Dowlada Maraykanka iyo kooxda Taalibaan ayaa gaadhay heshiis muhiim ah oo lagu yareynayo colaada ka taagan Afghanistan, iyadoo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiskan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taalibaan. Waxaan gaadhnay heshiisyo la xidhiidha wadaxaajoodka nabada waxaana si rasmi u soo saari doonaa warsaxafadeed la xidhiidha yareynta colaada ka taagan Afghanistan, ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan taalibaan oo la hadlay Tv-ga Al-Jazeera Arbacadii shalay. Arintaan ayaa wadada u xaadhi doonta in si rasmi ah ay Mareykanka iyo Taalibaan qalinka ugu duugaan heshiis nabadeed, oo lagu soo afjarayo dagaalada 18-kii sanno ee la soo dhaafay ka socday dalka Afghanistan. Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah in Mareykanka uu ka saaro kumanaan askari oo ka jooga dalkaasi iyo in Taalibaan ay aqbasho wadahadal ay la gasho xukuumada Kabul, loona damaanad qaado sidoo kale amniga saraakiishooda sare oo Mareykanka beegsanayo. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sheegay In Mareykanka uu ku wargaliyay in meel wanaagsan ay marayaan wada xaajoodka ka socda caasimada Dooxa. Source
-
The U.S. Treasury Department on Wednesday delisted a Somali-owned group of companies chiefly involved in remittances, closing a chapter in sanctions history that dates back to the beginning of the War on Terror. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar oo ah musharixiintii isku doortay magaalada Kismaayo ay khalalaaso dhinaca Amniga ah ka wadaan halkaas. Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtey Kismaayo ayuu ku sheegay wasiirka in labada mas’uul ay u dul qaadanayeen muddoo badan, isla markaana ay yihiin kuwo aan rabin in kismaayo ay xasisho. Wasiirka warfaafinta maamulka jubaland ayaa sheegay in dhinac walba masuuliyiintaasi xalkooda in ay u mareen balse wax natiijo ah aysan kala kulmin. Talaabada maamulka Jubaland iyo go’aankooda ugu dambeeya ka maamul ahaan ayuu tilmaamay wasiirka in ay tahay in ragaasi markale aysan ugu dulqaadan doonin waxyaabaha ay ku kacayaan. Wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland ayaa ugu dambeen sheegay in jawi nabdoon ay kusoo dhaweeyeen wafdigii shalay gaaray Kismaayo oo uu horkacayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Hadalka wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Jubaland ayaa kusoo aadaya xili shalay dagaal kooban magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka iyo ciidamada Cabdinaasir Seeraar dagaalkaasina waxa uu sababay dhaawaca labo qof oo haween ah oo kamid ah dadka dushooda lagu dagaalamay iyo askari ka tirsan maamulka Jubanad, inkastoo Kasaaraha dagaalka uusan ka hadlin maamulka Jubaland. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamadda xooga ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa la tilmaamay in uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa degmadda Cadale iyo degaanka Xaaji Cali. Illo wareedyo ayaa Shabelle u xaqiijiyey in askarta dowladda ay soo saareen Miino la damacsanaa in qarax lagu fuliyo. Saraakiisha ciidamadda ayaa u mahadceliyey askartii fulisay howlgalka oo qeyb ka ahaa kuwa lagu sugayo ammaanka. Inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa falal noocaan ah ka fuliya dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab oo aan wali hadlin. View the full article
-
Beledwayne (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay fiidkii ka dhacay degaanka Af-quran ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo u dhaxeeyay Macawiisleyda iyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa sababay dhimashadda 20 qof oo labada dhinac ah. Illaa iyo haatan lama ogga waxa dhaliyey dagaalka. Ciidamadda Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen magaalada Xudur ee gobolka Bakool kuna soo jeedeen Kilinka Shanaad. Saraakiil u hadashay Macawiisleyda ayaa tilmaamay in ay sidoo kale qabteen qaar kamid ah ciidamadda Itoobiya, oo aan wali dhankooda hadlin. Isku dhacaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo Macawiisleyda ay la galaan ciidamo shisheeye maadaama looga bartay Al-Shabaab. View the full article
-
(SLT-London)-Wadamada Turkiga, Ingariiska iyo Mareykanka ayaa laga dalbaday in ay furaan baadhitaano ka dhan ah tacadiyo bani’aadanimo oo ciidanka Imaaraadka carabta ay ka geesteen dalka Yemen intii u dhaxeysay sanadkii 2015-kii ilaa sanadkii dhamaaday ee 2019-ka. Hey’ad ka shaqeysa dhanka sharciga oo fadhigeedu yahay UK oo lagu magacaabo Stoke White ayaa booliska Ingariiska iyo waaxyaha garsoorka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga u gudbisay cabasho ka dhan ah saraakiil ka tirsan dowlada Imaaraadka oo mas’uul ka ahaa tacadiyo bani’aadanimo oo ka dhacay Yemen. Sharci yaqaanadan ayaa tusaale ahaan u soo qaatay duqeyn lala beegsaday saxafi lagu magacaabo Abdullah Suleymaan Cabdulaahi Dubaalax sannadkii 2015-kii. Inkastoo uu badbaaday wariyahaan ayaa hadane waxaa uu ka mid yahay dhibanayaasha eheladooda waxyeelada ka soo gaadhay dagaalka sokeeye ee ka taagan dalkan carbeed waxaana ku dhintay walaalkii oo lagu magacaabi jiray Salah Muslem Salem. Mr Suleymaan ayaa intaa ku daray in loo beegsaday saxafi ahaan weerar dhacay 29-kii December, sanadkii 2015-kii duqeyn diyaaradaha imaaraadka ka gaysteen magaalada Seeyuum, balse uu ku dhintay Mr Muslim Saliim. Si kastaba ha ahaatee hey’ada UK ee gudbisay dacwadan ayaa sheegtay inay heyso caddeymo muujinaya tacadiyo loo gaystay dad rayid ah iyo siyaasiyiin diidan joogitaanka ciidanka Imaaraadka ee ku sugan Yemen. Lama oga sida ay ka yeeli doonaan wadamada Turkiga Ingariiska iyo Mareykanka dacwada loo gudbiyay oo ah in ay gacanta ku dhigaan sarakiisha Imaaraadka ee eeda loo Jeediyay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-130220.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in xaaladda goobahii ay shalay ku dagaalameen ciidamo kala taageersan Cabdinaasir Seeraar iy Axmed Madooba ay dagan tahay. Guud ahaan amaanka magaalada ayaa si aad ah looga taxaaada taxadarayaa maanta, waxaana wadooyinka ku sugan ciidamo badan. Taliska Axmed Madoobe wuxuu dhibaatadii shalay ka dhacday magaalada ku eedeeyay dowladda Federaalka oo aan maamulkaas ku qanacsaneyn. Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegeysa in jawiga Kismaayo saakay uu yahay mid iska dagan, balse ay jirto feejignaan daran maadaama ciidamada Jubbaland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka sameynayaan wadooyinka magaalada.
-
Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Netherlands ee Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Netherlands Soomaaliya Frans Makken. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in wasiirka iyo Danjiruhu ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ku suntan nafci wadaagga labada dal. Qoraalku wuxuu intaas raaciyay in kulanka lagu fallanqeeyay arrimaha nabadgelyada socdaalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay gobolka iyo dunida inteeda kale. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Netherlands ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
