Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta kormeer ku tagay madaarka magaalada Hargeysa, ayaa kulan gaar ah la qaatay dhaqaatiir loo tobabaray ka hor-tagida Faysurka halista badan ee Corona Virus, oo ku sugan madaarkaasi. Muuse Biixi ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay si deg deg ah u bixinayso kharashkii ku bixi lahaa dhismo cusub oo lagula tacaalo dadka cudurkaasi qaba ee lagu qabto gudaha madaarka Hargeysa. Biixi ayaa Dhakhaatiirtan faray inay muujiyaan taxadar fara-badan, isla markaana ay hubiyaan caafimaadka qof walba oo ka soo degaya garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, Wuxuuna yiri: “Maanta muhiimadda ugu weyn ee aynnu halkan u joognaa waxa weeye gurmadka caafimaadka, marka horena qolada madaarka waxa laga rabaa inay samayso koontaroollo ama teendhooyin dhisa ama hangar dhisa oo meel dadka lagu hayn karo oo la deggenaan karo oo degdeg ah waa la idinka rabaa, dhulkiina waad haysaan, dhaqaaluhuna wuu idin soo gaadhi doonaa laakiin waad bilaabaysaan”. “Waxa la rabaa madaarkaas rakaabka kasoo degaya inantaa Neeraska ahi marka ay farta taagto wixii ay doonayso in loo fuliyo, taliyaha socdaalka, Booliska iyo ciidamada waxa laga rabaa inay gurmadkan aad u galaan oo rakaabka soo degaya kaantaroolkooda iyo qof walba in la hubiyo wixii tilmaamo ahna amarka dhakhaatiirta la fuliyo, waayo waxa la yidhi la isma taaban karo, la isma salaami karo, la isumana dhawaan karo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Khatari innama soo gaadhin, laakiin adduunku wuu isu wada furan yahay, markaa inaynnu taxaddar farobadan oo aan cunfi lahayn, laakiin maamul ah waa inaynnu galnaa, halkanina waa halkii laga soo galayaye waa inaad nidaamkaas raacdaan, halkanna waannu idinkala dhisaynaa Emergency-ga, gurmadkana diyaar baa loo yahay.” Xukuumada Somaliland ayaa maalmihii u dambeysay Heegan ka gashay ka hortaga cudurka halista badan ee ka dilaacay dalka Shiinaha,kaasi oo si dhaqso ah ugu sii fidaya dunida.
  2. The helicopter that crashed Sunday killing basketball star Kobe Bryant and eight others was owned by a charter company that only operated under visual flight rules, Source: Hiiraan Online
  3. Greek PM welcomes move as row with Ankara over energy reserves intensifies Source: Hiiraan Online
  4. The Jan. 5. attack by al-Shabaab killed three Americans came as the Pentagon considers a further drawdown of its African presence. Source: Hiiraan Online
  5. Album Review of Mogadisco - Dancing Mogadishu Somalia 1972-1991 - Various Artists Source: Hiiraan Online
  6. Baghdad (Caasimada Online) – Xog dheer ah ayaa kasoo baxaysa qorshe ay waddo dowladda Mareykanka oo ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Iraq, kaasi oo kadib noqon doona dal madax-banaan, oo ay leeyihiin Suniyiinta Iraq. Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah dadaallada ay kooxaha Shiicada Iraq ku doonayaan iny ciidamada Mareykanka looga eryo dalkaas. Xog cusub ayaa sheegeysa in dalalka Khaliijka ee Mareykanka xulufada la ah, oo ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay maal-gelin doonaan mashruucan. “Maal-gelinta qorshahan waa diyaar, cadaadiska caalamiga ah waa diyaar, awoodda militari ee loo baahan yahay si dalkan loo abuuro waa diyaar,” waxaa sidaas yiri hogaamiye Sunni ah oo xog ogaal ah u arrintan, oo la hadlay wargeyska Middle East Eye. “Iran iyo xoogagga Shiicada midna awood uma yeelan doonaan inay hor-istaagaan mashruuca, sababtoo ah waxaa taageeraya Mareykanka iyo dalalka Khaliijka,” ayuu yiri. “Lacag aad u badan ayaa waxaa yaboohay dalal Sunni ah, waxaana la doonayaa in saxaraha gobolka Anbar loo rogo cagaar, dibna loo dhiso magaalooyinka Mosul iyo Salah Al-din,” ayuu yiri. Gobolka Sunniga ah ayaa wxaaa marka hore lagu aas-aasi doonaa si waafaqsan dastuurka Iraq oo ogolaanayo maamul hoosaadyo la mid ah midka Kurdistan. Markaas kadib ayaa gobolka waxa uu noqon doonaa mid federal ah oo ku biiraya Kurdistan si KMG ah, sida uu sheegay hogaamiye sare oo Sunni ah. Tallaabada xigta ayaa noqon doonta in gobolka si caalami ah loogu aqoonsado dal ahaan, taasi oo Mareykanka uu hoggaamin doono. Qorshaha Washington ay gobollada Sunniyiinta uga goyneyso Iraq, ayaa markiisii hore soo billowday sanaddii 2007, waxaana soo jeediyey Joe Biden, oo hadda u sharaxan madaxweyne, balse xilligaas ahaa Senator. Hadda, oo ay xoogeysteen dadaallada ciidamada Mareykanka looga eryayo Iraq, ayaa sameynta dal Sunni ah oo Iraq laga dhex-abuuro, uu yahay mid ka mid xeeladaha Washington ay kaga hortageyso saameynta xooggan ee Iran ay ku leedahay Iraq.
  7. bdi Warsame made history in 2013 when he became the first Somali in Minnesota elected to the Minneapolis City Council. Source: Hiiraan Online
  8. omalia's upper legislative house on Wednesday unanimously passed a resolution condemning the so-called "deal of the century" floated by U.S. President Donald Trump for the Middle East. Source: Hiiraan Online
  9. Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa caawa ka dhacday xaflad lagu soo dhoweynayey Madaxweynaha Puntland iyo wafdigii la socda. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa xafladda soo dhoweynta ah soo agaasimey Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane. Xafladda waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Siyaasiyiinta ka qeyb galay xafladan oo miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in kulamo ay maalmahan ku la haayeen Nairobi uga tashanayeen siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020/2021. Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar ka mid ah safiirada Beesha Caalamka oo kulamo gaar gaar ah maalmo ka hor ku yeeshay Nairobi ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Soomaaliya 2020/2021. PUNTLAND POST The post Siyaasiyiin miisan culus leh oo ka qeyb galay xaflad ka dhacday Nairobi appeared first on Puntland Post.
  10. Shir ay maanta Beesha Reer Axmed ee Mareexaan isku timid,kaas oo ka qabsoomay magaalada Doolow ayey Beeshu ugu baaqday masuuliyiinta ugu sareysa ee Dawlada Federaalka [...] Source
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-___-Qumanha-Wararka-29012020.mp3 View the full article
  12. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan ururka Al-shabaab. Bayaan kooban oo muuqaal iyo sawiro wadata oo NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in howlgalo qorsheysan oo ciidanka Amnigu ka fuliyeen Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ay ku soo qabteen shabakad Al-shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo maadooyinka laga sameeyo. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in soo qabashada shabakadan ay sahashay wadashaqeynta shacabka iyo NISA. “Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo. Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraal NISA. Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo. Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan…1 pic.twitter.com/u0tnORWWN6 — NISA (@HSNQ_NISA) January 29, 2020 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya ma soo bandhigin magacyada shabakada Shabaab ee ay sheegtay in ay qabatay. PUNTLAND POST The post NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad Al-shabaab ah appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaarayo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta dagaal mudo kooban socday uu dhex maray maliishiyo aan ka tirsaneyn kuwa dowladda iyo maliishiyo kale oo difaacaneysay guri laga dhisayay degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafada Irshaad ee dhacda Waqooyi bari Kaaraan. Dagaalkaan ayaa ka bilowday kadib markii maliishiyo ku labisan dareeska ciidamada ay lacago baad ah weydiisteen milkiilaha guri dhismahiisa ka socday xaafada Irshaad, wuxuuna u sheegay maliishiyadii leejada dooneysay in uu bixiyay lacagta canshuurta degmada, cadeynteedana uu haysto, hase ahaatee waxaa halkaasi ka dhashay muran iyo in galanta la iskula tågö. Dadka guriga dhisanayay ayaa u qeyla dhaansaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku heyb ah, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal, iyadoo labada dhinac ay ka kala dhinteen labo qof, halka seddax qof ee dadka deegaanka ay ku dhaawacmeen. Maliishiyada weerarka qaaday ee doonayay in baad laga siiyo guriga dhismaha ku socday ayaa la sheegay inay ku heyb yihiin Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor, isla markaana ay hoostagaan Taliyihii hore ee NISA Jen. Tuuryare. Ilaa hadda cid kusoo baxday ma jirto, waxaana laga cabsi qabaa in colaadaan ay isu badasho mid aano qabiil la isu ugaarsado.
  14. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka hor yimid heshiiska qarniga oo saaka aroortii uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. Dhammaan mudanayaasha aqallka sare ayaa cod gacantaag ah ku diiday waxaana ay tilmaaeen inuu heshiiskaaas uu meel uga dhacayo umadda Muslimka , qadyadda magaalada Qudus iyo dadka dulman ee reer Falastiin. Ugu horen Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa ka hor akhriyay qaraarkan ay soo saareen xubnaha golaha baarlamaanka waxaana lagu cambaareeyay go’aankii madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump iyagoo magaalada Qudus u aqoonsaday Caasimadda dhabta ah ee Falastiin. “Aqalka sare wuxuu si gaar ah ula socday dhacdooyinkii maalmihii ugu dambeeyey dhacayey ee ku aadanaa qadyadda Falastiin oo ah qadyad muhiim u ah umadda muslimka, umadda Carbeed iyo dhammaan umadaha Xoriyadda taageera, aqalka sare waxaa uu si gaar ah u cambaareynayaa heshiiskii lagu sheegay heshiiskii qarniga kaas oo lagu duudsiinaayo xuquuqda dadka reer Falastiin”. Ayaa lagu yiri qaraarka. Sidoo kale Sanator Ayuub Ismaaciil oo sii akhrinaya ayaa xusay in heshiiskaas uu yahay mid loogu daneynaayo shacabka Yahuuda laguna dulminaayo dadka dulman ee reer Falastiin. “Heshiiskaas waxaa uu dhigayaa in Falastiiniyiinta dhulbadan ay lahaayeen in ay ku wareegto Israaiil, waa heshiis wixii adduunyada dhan ay wada sugeysay mudada dheer in dadka reer Falastiin ay noqdaan dowlad madaxbannaan caasimadooduna tahay Qudus in ay baaba’day oo lamacna ah in laga dhigay heshiis cusub oo Israaiil loogu aqoonsanaayo caasimadeeda in ay tahay Qudus”. Dhanka kale Sanoter ayaa qeexay mowqifka golaha iyo sida uu u diidan yahay heshiiskii lagu tilmaamey qarniga oo dhawaan uu saxiisay masdaxweyne Trump. “Aqalka sare waxaa uu diidayaa sixiixa ama heshiiska quursiga ah ee uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo dhigaya in Israaiil ay ku helaan dhul badan aysan xuquuq u laheyn, waxaan si gaar ah u soo jeedinaynaa una aqaansan nahay dowlad la yiraahdo Falastiin caasimadeedana ay tahay magaalada Qudus” Ugu dambeyn hadalka maanta ka soo baxay aqalka senoterada Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dhawaan Donald Trump uu saxiixay heshiis uu ku tilmaamey heshiiska qarniga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa caawa magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay shabakad la sheegay inay qaraxyada u qaabil saneed Al-Shabaab. Qoraal kooban oo kasoo baxay hey’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgallo ay ciidanka ammaanku ka fuliyeen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho lagu soo qabtay shabakad sameynta qaraxyada u qaabilsaneed Al-Shabaab. Howlgalka lagu soo qabtay shabakaddan ayaa farriinta NISA lagu sheegay in uu dhacay intii u dhexeysay 26-kii ilaa 28 bishan Janaayo, waxaana lasoo bandhigay maadooyin la sheegay in laga sameynayey qaraxyada. Sidoo kale NISA ayaa farriinta ay caawa ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in soo qabashada shacakadaas ay ugu suurta gashay wada shaqeyn dhex martay laamaha ammaanka iyo shacabka Muqdisho “Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraalka caawa kasoo baxay hey’adda NISA. Halkan ka Daawo muuqaalka kooban ee NISA baahisay Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo. Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan…1 pic.twitter.com/u0tnORWWN6 — NISA (@HSNQ_NISA) January 29, 2020
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta loo doortay madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna, ayaa ka hadlay qorshaha uga degan xaaladda cakiran ee Galmudug. Sheekh Shaakir oo wareysi sii laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda federaalka ay uga mahad celinayaan dadaalkii ay horay ugu bixisay isu-keenidda Galmudug, hadda ay ka doonayaan inay tanaasusho si iyagu ay uga howlgalaan isu keenidda Galmudug. Doorashadii ay maanta ku qabteen magaalada Dhuusamareeb ee isagu kusoo baxay ayuu sheegay inay ka dhigan tahay raadinta midnimada Galmudug, haatanna uu soo baxay ififaalihii Galmudug iskugu imaan laheyd, sida uu hadalka u dhigay. “Madaama ay dowladda Soomaaliya ka dib dhacday inay isku keento dadka reer Galmudug, anagu waan soo dedejinay, waxaana u soo dedejinay inay Galmudug hadiiba midowdo, waxaana ka shaqeyn doonaa inay isku timaado, markii la isku yimaadana hadaan aragno qolo naga fiican waxaan u dhiibi doonaa hoggaanka, balse hada waxaan diideynaa in Galmudug dib u dhac ku yimaado” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii madaxweyne Xaaf ay uga wada shaqeyn lahaayeen aayaha Galmudug, haddii ay dowladda federaalku faraha kala baxdo. Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dhankooda ay dowladda ka rajeynayaan in aysan doorasho kale ku qaban magaalada Dhuusamareeb, oo ay u tanaasuli doonta buu yiri ‘rabitaanka dadka reer Galmudug’. “Galmudug waxaan halkaan ku soo gaarsiinay anaga iyo madaxweyne Xaaf isu tanaasul, waxaan mideynay Galmudug oo kala taagan, waxaan ku soo dhaweynay dowladda federaalka, markaan ciidankii, calankii iyo magaciiba mideynay oo caasimadii soo dejinay ayey dowladdu tiri Galmudug tan ka fiicanbaan dhiseynaa ee ka wareega. “Markaan isku adkeynay oo ka wareegi diidnay, waxaan aragna inay dowladdu meelo kale wax ka shideyso, si aan dab kale loo sii shidin ayaa u tanaasulnay, aniga iyo maxaweyne Xaaf-ba, marka dabkii ay dowladdu xilligaas shiday weli waa shidanyahay oo wixii saarnaa waa bislaa diideen” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Sheekh Maxamed Shaakir. Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Maxamed Shaakir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/a18bc098-3706-4022-96e8-f68f6e01f819_48k.mp3
  17. Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku –xigeenkiisa ee dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta ku dhawaaqay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay doorashada. Guddiga ayaa ku micneeyey dib u dhigista doorashada sidii musharaxiinta doonaya in ay ka qeyb galaan ay soo dhameystaan is u diiwaan geliyaan iyo shuruudaha la xariirara doorashada. Doorashada dowlad gobaleedka Galmudug ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa lagu waday in ay dhacdo malinimada barito oo Kjhamiis kuna began 30/1/2020-ka , waxaana guddigu uu sheegay in doorashada dhici doonto maalinimada Axada ah ee soo aadan 2/2/2020-ka. Galmudug ayaa waxaa ka jira xaalado maamul iyo madaxweynayaal isdiidan ayadoo maanta Madaxweyne garabka Ahlunna ay u doorteen Sheekh Maxamed Shaarik, lana filaayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu magaalada Gaalkacyo ku soo dhiso maamul kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal iyo waxgarad maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul ay ku leeyihiin deegaanka Jabad-Cadde ee degmada Deyniile uu cagaf ku burburiyey guddoomiyaha degmadaas Maxamed Abuukar Jacfar, isaga oo awood sheeganaya. Odayaashan ayaa kulankooda ku soo bandhigay sharciga dhulka uu ka burburiyey guddoomiye Jacfar oo ay iyagu leeyihiin, waxayna cabashadooda u gudbiyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxda ugu sareysa dalka. Cumar Xaaji Cali Maxamed oo ka mid ah xubnihii goobta ka hadalay ayaa sheegay in si awood ah lagu burburiyey dhulkooda, iyadoo aan loo sheegin sababta, dhulkana ay u heystaan sharciyadii lahaanshaha oo ay bixisay dowladdii dhexe. Xubnaha maanta iskugu yimid kulanka ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbaday in laga qabto guddoomiye Jacfar, haddii sharcigu uusan shaqeyneyna si cad loogu sheego. Nabadoon Dr. Maxamed Daahir Xasan oo kulankaas ka hadlay ayaa isna sheegay in dhulkaas uu yahay mid caan ah oo aan xoog lagu qaadan karin, maddo dheerna lagu yaqaanay iyaga, haatana ay dowladda ka dalbanayaan inay ku ixtiraamto sharciyada ay u heystaan lahaanshaha dhulkaas. Halkaan ka Daawo
  19. Beijing (SMN) – Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka warbixinayay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shinaha, si gaarana gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Koronaha, dad badanna dalka Shiinaha ugu dhinteen qaar kalene la il daran yihiin. Safiir Cawaale Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday waxkabarata shan Jaamacadood oo gobolkaas ku yaala, kuwaas oo kala ah 1: Wuhan University, 2: Huazhong University science and technology, 3: Wuhan University of sciences and Engineering, 4: China University of Geosciences 5: Central China Normal University. Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaa ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Korona la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso. Danjire Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas usii faafin oo loo xakameeyo. Ugu dambeyntii Safiirka Safaaradda J. F. Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa si guud ugu baaqay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Shiinaha ku nool in ay lasoo xariiraan safaaraddooda iyagoo kusoo diraya Email-kan beijingembassy@mfa.gov.so. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Dalka Burkina Faso ayaa Caasimadda dalkaasi waxa uu kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga baarlamaanada labada wadan. Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa isku afgartay siddii xiriir khibrad isweydaarsi ah u sameysan lahaayeen. Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulankooda ka dib ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria Suleymaan shaneyn waxu uu faah faahiyay waxa ay isku afgarteen. Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdirxmaan ayaa sheegay in Kulanka inta uu socday la isku afgartay In la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo wada shaqeynta labada baarlamaan. Kulanka waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu la qaadanayo madaxda ka qeyb galeysa shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee ka socda Magaaladda Aougadougou ee Caasimadda Dalka Burkina Faso. View the full article
  21. The Ethiopian Attorney General Berhanu Tsegaye said his office has faced difficulties bringing more than 1600 instigators of violence before justice due to lack of cooperation from regional governments and city administrations. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-29012020-sax.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online)- Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Somalia ayaa maanta guda galay sharci muhiim u ah muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo waxtar u leh caafimaadka iyo taya dhowrka Soomaaliyeed, maadaama dalkeena aysan jirin hay’ad kontoroosha waxa dalka soo gelaayo iyo waxa ka baxaayo. Sharcigaan ayaa waxaa golaha ka hor akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan. Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliya, ayaa abuuraya hay’adda Dhowrista Tayada oo mas’uul ka noqon doonto ilaalinta tayada waxyaabaha dalka soo galaaya, kuwa laga dhoofinaayo iyo wixii lagu isticmaalyo dalka gudahiisaba.