Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug ee ka dhalatay doorashadd baarlamaanka iyo hoggaanka maamulkaasi ee la isku hayo. Guuleed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa ugu baaqay Culumadiinta Ahlusunna in ay ka mid noqdaan maamulka laga dhisaayo Dhuusamareeb, islamarkaana markale aysan u horseedin Khilaaf iyo labo maamul. Warka uu saaray Guuleed ayaa qornaa siddaan: Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana muddo kordhinta ay gudoonka Baarlamaanka ee Galmudug xiligii doorashada ku sameeyeen, si dadaalada wadahal iyo wax isku soo jiid fursad loo siiyo. Waxaana ku boorinayaa gudoonka Baarlamaanka inay dadaal weyn ku bixiyaan qancinta dhinacyada kala duwan, gaar ahaan culumada Ahlu Sunna. Dhanka kale waxaan culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay u turaan una tanaasulaan bulshada reer Galmudug oo aan muddo intaan ka badan maamul la,aan sii ahaan karin. Waxaan kaloo culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay ogaadaan in la gaaray xiligii ay gali lahaayeen kuna milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, ayagoo garwaaqsanaya inaysan dhici karin sii jirista nidaam siyaasadeed, maamul iyo ciidan oo ka baxsan, hareerna socda midaamka dowladeed.
  2. Shalay ayaa Ciidamada Booliska Magaalada Muqdisho waxay shaaciyeen inuu Xabsiga ka baxsadey Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirshiid Xasan Janan, Boolisku tafaasiil intaas dheer kama aysan bixin. [...] Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraar ka dhan ah heshiiska Qarniga ee caasimada Qudus uu madaxweynaha Trump uu ugu aqoonsaday inay tahay caasimada Yuhuudda. Aqalka Sare ayaa cod u qaaday mooshinka ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madax bannaanida Falastiin,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhammaan mudanayaashii fadhiga soo xaadiray oo gaarayey 30 Senator. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe, wuxuuna ballan-qaaday in Qudus oo aan la ka qeybin ay ahaan doonto caasimadda Israel. Qorshahan oo Trump uu ugu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa soo jeedinaya dal madax banaan oo Falastiin ah, hase yeeshee wuxuu deegaanada Daanta Galbeed ee Yahuudda ay qabsadeen u aqoonsanayaa dhul Israel. Dhinaca kale qaar ka tirsan Hoggaamiyeyaasha Dunida ayaa ka horyimid qorshaha Trump ee ku aadan qadiyadda Bariga Dhexe, iyadoona maslimiinta qaar ay ka banaan baxeen arrintan. Waxaa xusid mudan in Dowlado ka tirsan Carabta ay Mareykanka kala shaqeeyeen heshiiskaan isla markaasna ay raali ka yihiin in Yahuuda ay xoog ku qaadato dhulka reer Falastiin.
  4. Shirkada Diyaaradaha ee British Airway ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojiyeen dhamaan Duulimaadyadii u duuli jiray kana imaan jiray Dalka Shiinaha ka dib markii khatar [...] Source
  5. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay muddo saddex cisho ah dib u dhigeen coddeynta madaxweynaha. War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey in hakinta ay timid kadib codsi kaga yimid murashaxiinta iyo guddoonka Golaha Wakiilada. Bayaanka ayaa intaas ku daray in doorashadda ay qabsoomi doonto maalinta Axadda ah ee todobaadka soo aadan. Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo khilaafka hareeyay doorashadda Galmudug uu gaarey meeshii ugu sareeyay walina aan xal waara loo helin. View the full article
  6. “Gorfeynta Sooyaalka, Saameynta, Baadhitaannada, Xakameynta, Ka Hortagga, Maareynta, Raad-reebka Daran iyo Feejignaanta Faafidda Caabuqa Coronavirus” Gogol-dhig: °°°°°°°°°°°°° Ugu horreyn, caabuq-dhaliyaha Coronavirus oo ka mid ah xaynta cudurada faafa “Infectious Diseases”, waxa markii koowaad la ogaaday ku beegnaan sannadihii lixdamaadkii. Balse xilligaa si buuxda looma aqoonsan aroor cilmiyeedkiisa, waxaana lagu magacaabay crown-like shape. Iyada oo la bayaamiyey in caabuqa Coronavirus uu caadiyan asiibo dadka iyo xayawaankaba. Run ahaantii, xanuunka Coronavirus xilli-meertada uu dhaco ama dillaaco waxa ugu badan xiliyada Deyrta iyo Jiilaalka. Sidoo kale, tubaha faafidda caabuqa Coronavirus waa dariiqyo isku mid ah oo ay ka mid yihiin: Hawo-raac “Airborne”, Hindhiso ku dhalad “Droplet”, Taabasho ku faaf “Direct Contact”. Dhinaca kale, caabuqa Coronavirus waa nooc ka mid ah cudurada ka dhasha caabuq-dhaliyaha Coronavirus, kaasi oo asiiba aagga sanka, god-biyoodyada hareeraha sanka “Sinuses” iyo qaybta sare ee cunaha, balse dabeecad ahaan ma’aha xanuun aad u halis badan. Haseyeeshe, mararka qaarkood wuxuu la soo baxaa dhaqan halis iyo hagardaamo huwan. Haddaba, ku sinnaan sannadkii 2012-kii 858 qof ayaa xanuunkan ugu dhintay gobalka bariga dhexe “Middle East Respiratory Syndrome”, iyada oo markii ugu horreysay lagu arkay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ka dibna wuxuu ku sii faafay waddamada kale ee dhaca gobolka bariga dhexe iyo Qaaraddaha Afrika, Aasiya, Yurub iyo America. Mar kale, qiyaas ahaan sannadkii 2015-kii wuxuu caabuq-dhaliyaha Coronavirus ka dilaacay Korea, isaga oo ku sii fiday jasiiradda Carabta, halka gu’gii 2003-dii 774 qof ayaa u dhintay Acute Respiratory Syndrome “SARS”. Run ahaantii, SARS iyo MERS waa jilib hoosaadyo ka mid ah noocyada caabuq-dhaliyaha Coronavirus. Sidaa awgeed, horraantii bishan January 2020, Ururka Caafimaadka Dunida “WHO” ayaa daah-qaaday nooc cusub oo ka mid ah noocyada caabuq-dhaliyaha Corona Virus. Caabuq-dhaliyaha cusub oo laga helay dal weynaha Shiinaha, waxa loogu wanqalay magaca 2019 Novel coronavirus “2019-nCoV”. Saameynta Iyo Dhimashada: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Wararkii ugu danbeeyey ee cudurka Coronavirus ayaa xaqiijiyey inuu cudrkani dunida oo dhan asiibay ilaa 4,520 qof, halka 106 qofna ay u dhinteen. Tirada ugu badan ee caabuq-dhaliyaha Coronavirus u dhintay ama uu asiibay ayaa ka soo jeedda qaaradda Aaasiya. Iyada oo in ka badan 56 milyan oo qof oo ku kala nool 20 magaalo oo ku yaalla dalka Shiinaha laga mamnuucay dhammaan socdaallada guddaha iyo dibedda dalka. Waxaana dalka China hadda ku sugan Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Dunida “WHO” mudane Tedros Adhenon. Calaamaddaha Cudurka: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Inta badan calaamaddaha cudurka Coronavirus ayaa lagu arkaa ama ka soo shaac-baxa qaybaha sare ee Hab-Dhiska Neef Mareenka “Upper Respiratory Tract”. Haddaba, calaamaddaha waaweyn ama muhiimka ah ee lagu garto, lagu aqoonsado ama uu soo bandhigo Coronavirus, waxa ka mid ah: Duuf/Biyo Sanka ka yimaadda “Runny nose”, Qufac “Cough” Cuna-xanuun daran “Sore Throat”, Caabuq-dhageedka Carruurta ” Middle Ear Infections in children, Iyo xummad. Raad-reebka Daran ee Xanuunka: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Akhriste, haddii caabuq-dhaliyaha Coronavirus u gudbo aagga hoose ee Hab-Dhiska Neef Mareenka “Dhuumaha neefmareenka iyo Sanbabka” wuxuu dhalin karaa: Oof-wareen/Jeeni-wareen “Pneumoniae”, Wadne Xanuun “Heart Disease”, gaar ahaan dadka waaweyn, Naafeynta Hab-Dhiska Difaaca bukaanka ” Weakened Immune Systems”. Baadhitaannada Shaybaadhka: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Bukaannada xanuunka Coronavirus asiibo, waxa loo diri karaa baadhitaan shaybaadh. Iyada oo diiradda la saarayo: Sameynta Baadhista Duufka ama Biyaha sanka bukaanka ka yimaadda, Sameynta Baadhista Malaxda cunaha, Baadhista Dhiiggaga, Iwm. Daaweynta: °°°°°°°°°°°°°° Nasasho, Cabbitaanka Biyaha iyo Sharaabka, Daawooyinka Xummad Jebinta “Take over-the-counter medicine” gaar ahaan bukaannada lagu arko cuna-xanuun daran “Sore Throat”,iyo xummad “Fever”. Waxa la siin karaa Aspirin, Ibuprofen ama Acetaminophen. Balse Aspirin lama siin karocarruurta iyo dadka da’doodu ka yar tahay 19 jir. Maareyn Iyo ka hortag: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Caabuqa Coronavirusa malaha talaal laga hortagi karo. Haseyeeshee, waxa lagu maareyn karaa hannaan la mid ah habka maareynta Durayga “Common Cold”. Iyada oo la raacayo qodobadan soo socda: Maydhista Gacmaha oo loo ade3gsanayo isticmaalka Saabuunta, biyaha kulul, iyo nadiifiyaha Alcohol. Faro iyo gacan ka ilaalinta Indhaha, Sanka iyo Afka. Ka Fogaanta Taabashada Ruux Kale, gaar ahaan dadka looga shikisan yahay asiibka xanuunka Coronavirus. U daaweynta hannaan la mid ah hab-daaweynta durayga. Adkeynta Nadaafadda degsiimada “Environmental cleaning”. Gunnaanad: °°°°°°°°°°°°°° Ugu danbeyntii, Somaliland waxa la gudboon in ay kor u qaaddo feejignaanta iska xakameynta faafidda caabuq-dhaliyaha Coronavirus. Iyada oo cuskanaysa jideynta, waajibaadyada guud iyo ujeedka International Health Regulations oo xaq inoo siinaya sii xoojinta ka hortagga, xakameynta, ilaalinta, feejignaanta faafidda cudurka Coronavirus “To prevent, protect against, control”. Sidaa awgeed, si loo ilaaliyo sugnaanta caafimaadka shacabka Jamhuuriyadda somaliland, islamarkaana loo yareeyo halisaha iyo saameynta taban ee caabuqa Coronavirus. Waxa muhiim ah in aad loola socdo bed-qabka/caafimaad-samaanta dadka socdaalka ku yimaadda dalka, siiba Gegidda Diyaaraddaha ee Cigaal, Dekedda Berbera, Dekeddaha yar yar ee dalka, iyo goob baadhiseedyada xuduuddaha dalka. F.G: Gorfeyn Cilmiyeed kooban. Allaa mahad leh. Jamal A. Muse Qaran News
  7. WAR-SAXAAFADEED Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland Hargeisa, 29 January 2020 – Md. Adam Abdelmoula oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland 27kii ilaa 29kii January isagoo kulano la qaatay xukuumadda kuwaas oo ku saabsan arrimaha bani’aadanimada iyo hadafyada mudnaanta u ah horumarinta Somaliland. Wuxu sidoo kale kulano la mid ah la qaatay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay. Adam wuxu ka shaqayn jiray Hargeysa muddadii u dhaxaysay 1999 ilaa 2002 hase ahaatee safarkani waa kiisii ugu horreeyey tan iyo intii dhammaadkii sannadkii hore loo magacaabay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo. Md. Adam Abdelmoula madaxda sare ee dawladda ee uu la kulmay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”. Md. Abdelmoula wuxu hadalkiisa awoodda ku saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha muddada dheer soo taagnaa: “Waxaynu og nahay in Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday iyo barakaca bulshadu” ayuu yidhi Adam. Wuxu intaa raaciyey “Taasi maaha wax lala yaabi karo, laakiin waxa ka dhashay dhibaatooyin soo taxnaa ku dhawaad 20kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxayna taasi innoo sheegaysaa in aynu u baahan nahay in aynu la nidaamno qaabab cusub oo aynu dhibaatooyinkaa wax kaga qabanayno.” Kadib kulan uu Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay la qaatay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” wuxu yidhi “Waxan rajaynayaa in aan dhakhso u soo noqdo oo aan kulano iyo falanqayn intan ka qoto dheer la yeesho Xukuumadda oo aanu ka wada shaqayno arrimaha horumarinta iyadoo aanu hadda ku gudo jirno diyaarinta Hannaanka Wada-shaqaynta Qaramada Midoobay”. Intii uu joogay Hargeysa, Md. Abdelmoula wuxu sidoo kale booqday mashaariic ay wadaan UNHCR, UNFPA iyo IOM. Qaran News
  8. United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation PRESS RELEASE UAE has prioritised relations with African countries: His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Kabore thanked Sheikh Mohamed for the warm reception and expressed his keenness to develop the relations between the UAE and Burkina Faso ABU DHABI, United Arab Emirates, January 29, 2020/ — His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces, stated that the UAE has prioritised its relations with African countries based on mutual respect and common interests, to achieve the aspirations of their peoples for development, progress and prosperity. The UAE has made progress in this goal over the past years, deepening its overall relations with African countries, he added. His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed made this statement during his meeting today at the Emirates Palace with Roch Marc Christian Kabore, President of Burkina Faso, who is visiting the country. During the meeting, both sides discussed their bilateral relations and ways of enhancing and developing them in various areas, as well as the situation in the Middle East and Africa and regional and international issues of common concern. At the start of the meeting, His Highness Sheikh Mohamed welcomed Kabore and wished him a successful visit while expressing his wishes to Burkina Faso and its people for further progress and prosperity. He further added that the relations between the UAE and Burkina Faso have the potential for development and growth in the areas of the economy, investment and trade. Kabore thanked Sheikh Mohamed for the warm reception and expressed his keenness to develop the relations between the UAE and Burkina Faso, adding that the UAE is a pioneering development model and plays a key role in supporting regional and international development, stability and peace. During the meeting, Sheikh Mohamed and Kabore witnessed the signing of two agreements between their countries to expand their mutual cooperation. The first agreement, which aims to avoid double taxation and prevent tax evasion, was signed by Obaid bin Humaid Al Tayer, Minister of State for Financial Affairs, and Alpha Barry, Minister of Foreign Affairs and Cooperation of Burkina Faso. The second agreement, which aims to support and finance small and medium-sized enterprises was signed by Hussain Jassim Al Nowais, Chairman of the Khalifa Fund for Enterprise Development, KFED, and Barry. The meeting was attended by Khaldoon Khalifa Al Mubarak, Chairman of the Abu Dhabi Executive Affairs Authority, EAA, Mohamed Mubarak Al Mazrouei, Under-Secretary of the Abu Dhabi Crown Prince’s Court, and Kabore’s delegation. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
  9. GAROWE ONLINE (HOL) - Police in Puntland Wednesday seized and destroyed 20,000 bottles of alcohol and 30 kilograms of hashish reportedly imported from Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  10. GAROWE (HOL) - Police in Puntland Wednesday seized and destroyed 20,000 bottles of alcohol and 30 kilograms of hashish reportedly imported from Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  11. Sheikh Shaakir ayaa garabka Garabka Ehlu Suna ee Galmudug waxay u Doorteen Madaxweyne, Waxayna ahayd Arin la sugayay lana filayay iney saas ku dhamaato. Ehlu [...] Source
  12. Doorasho maanta ka dhacday maagalada Dhuusamareeb, ayaa xildhibaanada baarlamaanka Ahlu sunna waxa ay madaxweyne u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Doorashadan ayaa ka dhacday xarunta Inji oo xarun u ah Ahlu sunna, waxaana Sheekh Shaakir la tartamayay murashaxiinta kala ah Cabdulahi Maxamad Aadan iyo Axmed Kooshin. Xildhibaanada Ahlu sunna ee soo xaadiray doorashadan ayaa gaarayay 74-mudane kuwaas oo markii dambe si gacan taaga ugu codeeyay Sheekh Shaakir, ka dib markii murashaxii la tartamayay uu tanaasulay. Galmudug waxaa ay xilligan leedahay saddex baarlamaan, madaxweyne Axmed Geelle Xaaf waxaa uu magacaabay ilaa 68 xildhibaan, Ahlu sunna waxaa ay ku dhawaaqday 69 xildhibaan halka uu jiro baarlamaanka kale oo dowladda federaalka ah aqoonsantahay oo gaaraya 89 xildhibaan, Baarlamaanka Ahlu sunna ayaana maanta madaxweyne cusub doortay. Sidoo kale murashaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa iyagu codsaday in doorashada Galmudug dib loo dhigo 2 todobaad maadama aan loo dhammeyn. Maadxweynaha ay maanta doorteen baarlamaanka Ahlu sunna ayaa ku soo aadaya xilli maanta murashaxiinta doorashada Galmudug ay hortageen Xildhibaanada ay aqoonsantahay dowladda, halkaasi oo ay hadalo ka jeediyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug ee garabka ay taageersan tahay dowladda federaalka ayaa ku dhowaaqay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay doorashada madaxweynaha. Doorashada, oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Khamiista, ayaa hadda laga dhigay maalinta Axadda ee labada bisha Febraayo. Guddiga ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib codsi ka yimid guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda Maxamed Nuur Gacal, iyo qaar ka mid ah musharaxiinta maanta khudbadaha u jeediyey baarlamanka uu hogaamiyo Gacal. Hase yeeshee ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dib u dhigistan ay ku timid cadaadiska beesha caalamka, oo dowladda uga digtay inay qabato doorasho aan loo dhameyn. Qoraal ay shalay soo saareen ayaa Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladihii ugu dambeeyey ee kasoo ifbaxay Galmudug, intii lagu guda jiray marxaladdii geba-gebada ee dadaalka socday bilaha ee maamulka cusub loogu dhisayo Galmudug. Doorashada ayaa waxaa diiday musharaxiinta mucaaradka, oo sheegay in nidaamka ay wax u waddo dowladda aysan doorasho ku gali karin. Dhinaca kale, go’aanka doorashad adib loogu dhigay illaa Axadda ayaa imanaya ayada oo maanta Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan loo doortay madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Waljamaca, kadib codeyn ka dhacday magaalada Dhuusomareeb. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa doortay xildhibaanada baarlamanka Galmudug ee shalay ay soo dhistay Ahlu-Sunna.
  14. Waa kuma Wasiir Cabdirashiid Janan? Wuxuu ka mid yahay wasiirrada aan dhicin ee maamulka Jubbaland Ku xigeenka taliyaha booliska Soomaaliya, Sareeye-guuto Zakiya Xuseen, ayaa shalay shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiida Janan. Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan. Dhanka maamulka Jubbaland ayaa shaki ka muujiyay arrintaan. Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulkas aya lagu yiri “Waxaan madaxda xukuumadda federaalka si degdeg ah uga dalbaneynaan in ay meel ku sheegaan wasiirka”. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bishii Augst ee 2019-kii, shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), wasiirka amninga ee Jubaland. Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay. Soo shaacbixii Janan Bartamihii sagaashameeyadii ayuu isagoo da’yar waxa uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay kuwii ururkii SNF ee la wareegay degmooyiinka Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirka Amniga ee Jubbaland Muddo ka dib, markii laga adkaaday ururka Al-Itixaad, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib, uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya. Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul. Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya. Mudadii uu maamulayay magaalada wuxuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo in xarun uu degmada uga dhigay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Koonfurta Soomaaliya taas oo fursado shaqo u abuurtay dhalinyarada deegaankaasi. Dagaallada uu ka qeybgalay Cabdirashiid Janan waxaa la sheegaa inuu dagaallo kala duwan ka qeybgalay. Sagaashameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalami jirtay ururka Al-Itixaad ee ka soo horjeeday ciidammadii Itoobiya ee Gedo soo galay, kaas oo uu ka soo helay khibraddiisa dagaal walow aanan la ogayn tirada dagaallada uu waqtigaas galay. Markii uu noqday gudoomiyaha degmada Doolow, waxa uu bilaabay inuu abaabulo ciidamo isaga ka amar qaata oo daacad u ah kuwaas oo ay u tababareen una qalabeeyeen ciidammada Itoobiya. Dagaalladii ugu cuslaana wuxuu la galay ururka Al-Shabaab oo muddadaas haystay inta badan degmooyinka gobolka Gedo. Hasayeeshee Cabdirashiid Janan wuxuu ku dhaawacmay mid ka mid ah dagaalladii uu la galay ururka Al-Shabaab. Waxaa la sheegaa in dagaalkaasi uu Shabaab iyo ciidammadiisa ku dhexmaray inta u dhaxaysa magaalooyinka Luuq iyo Garbahaarey. Tacaddiyada lagu eedeeyay Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su’aal galiya sida uu wax u maamulo. Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha. Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”. Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”. “Waxaa ka mid ah carqaladeynta kaalmada bini-aadamnimo,” ayuu yiri Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika, Seif Magango. “Xarigga Cabdirashid Janan waa tallaabo muhiim u ah isla xisaabtanka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee muddada sanadaha ah la geysanayay iyadoo ciqaab aysan marin kuwii ka dambeeyay ee ah dadka awoodda leh ee Soomaaliya”, ayuu yiri Seif Magango. “Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay horseedaan xilli ay cadaalad helaan dadka dhibanayaasha ah ee xuquuqdooda aadanaha lagu tuntay iyo qoysaskooda ku sugan Soomaaliya”, ayuu hadalka ku sii daray. Cabdirashiid Janan wuxuu ka mid yahay wasiirrada ugu awoodda badan maamulka Jubbaland Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiray uuna musaafuriyay qaar ka mid ah dad ku noolaa magaalooyiinka uu ka taliyay ee maamulkiisa uu gaaray. Eedahaas waxaa ka mid ah dagaal bartimihii sannadkii 2016 ka dhacay magaalada Baledxaawo halkaas oo lagu dilay laba qof iyo lix kalana lagu dhaawacay ka dib markii “ciidammada Jubaland ay weerrareen maleeshiyo ay sheegeen inay isku uruursanayeen magaalada”. Hay’adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinnadoodii 2016 iyo 2017 ku eedeeyay Cabdirashiid Janan “Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha”. Sidoo kale waxay la xiriiriyeen “Abaabullidda carqaladeyn ka dhan ahayd kaalmada bini-aadamnimo” muddadii u dhexeysay 2014 iyo 2017. Waxaa ka sii horraysay eed aheyd inuu si bareer ah u toogtay oo maydkoodana uu bannaanka ku tuur afar qof oo haweeney ay ka mid aheyd oo ku jiray xabsiga degmada Doolow, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria. Dhammaan eedahaasi Cabdirashiid Janan gaashaanka ayuu u daruuray wuxuuna sheegay inay warar aan jirin buunbuubinayaan dadka diiddan sida wanaagsan ee uu wax u maamulo, inta badanna dadka deegaannada uu ka taliyana ay isaga taageersan yihiin. Shilkii gaari Cabdirashiid Janan, bilowgii sannadkii 2015-kii, wuxuu dalka Itoobiya ku galay shil gaari. Dhaawac culus ayaa shilkaasi ka soo gaaray waxaana markii hore lagu dabiibay isbitaal ku yaalla dalka Itoobiya markii dambana dibadda ayaa loo sii qaaday. Shilkaas wuxuu saameeyay caafimaadkiisa. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur waxaa wajigiisa ka muuqda raadka qalliinnadii lagu sameeyay intii lala tacaalayay. Muddo ayuu ka maqnaa xafiiska awoodda badan ee uu ka hayay maamulka Jubbaland ee ah wasiirka amniga. Shaacinta dilkii Dulyadayn Bartamihii bishii June ee sannadkii 2016, wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo magaalada Kismaayo kula hadlay wariyayaasha, ayaa xaqiijiyay in ragga la dilay uu ku jiro Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn), iyo ciidan tiradoodu uu ku sheegay 16 oo 4 ay saraakiil Al-Shabaab yihiin. Saraakiisha kale ayuu magacyadoodu ku sheegay Farxaan iyo Macalin Isxaaq oo “qaraxyada Kismaayo u qaabilsanaa” ururka. Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayey dowladda Soomaliya u haysatay weeraro badan oo dad ku dhinteen, halka dowladda Kenya ay ku eedeysay weerarkii jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 150 qof. Dalabka Jubbaland ee siideynta Janan Maamulka Jubbaland ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii ay dowladda Federaalka Soomaaliya xabsiga ugu taxaabtay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, waxa ayna si degdeg ah u codsatay in la sii daayo. Jubbaland ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay “nolosha, amniga iyo badqabka” wasiirka Muqdisho lagu xiray. Isagoo Wasiir ah ayuu si joogto ah ugu noqon jiray Doolow oo Gudoomiye uu ka ahaan jiray Wasiirka warfaafinta ee Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa BBC-da sharraxaad ka siiyay war-saxaafadeedka ay arrintaas kasoo saareen, wuxuuna sheegay in wasiirka la xiray isagoo xasaanad leh, meel uu illaa iyo hadda ku sugan yahayna aan laga warqabin. “Waxaan dooneynaa inaan ogaanno xaaladda uu ku sugan yahay wasiirka, meesha lagu hayo iyo sababta loo qabtay intaba”, ayuu yiri Injireen Cabdi. Wuxuu intaa ku daray in dalabka uu ku aaddan yahay cid walba oo ku lug leh xarigga Cabdirashiid Janan, wuxuuna yiri: “Waa inaan fahanno sharciyadda loo maray xiritaankiisa, war saxaafadeedkeennana wuxuu ku socdaa ciddii ka dambeysay qabashadiisa; dowladda Federaalka iyo garsoorka. Waan damacnay in aan la hadalno dowladda laakiin way diideen inay ka hadlaan arrintaas, wasiirkana meel lagala xiriiri karo ma jirto”. Go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku cafisay Janan Bishii Juun ee sannadkan ayay aheyd markii ay soo shaacbaxday warqad ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay ku burinaysay dacwad Cabdirashiid Janan ka taallay maxkamadda kaas oo uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ee Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku astaysnaa 30 kii bishii Abriil ee isla sannadkan ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid maxkamadeed oo horay maxkamaddaasi uga soo baxay. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), waa mid ka mid ah wasiirrada ugu awoodda badan maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya. Wuxuu dowr muhiim ah ka soo dheelay abaabulkii iyo aasaaskii dowlad goboleedkaas, taas oo keentay inuu wasiirka amniga ee aan dhicin ka noqdo maamulkaas mudada uu jiray. Shaac baxa khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland Bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-kii, wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirishiid Jana oo la hadlayay saraakiisha ciidamada ee maamulkaas wuxuu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso maamulkooda, wuxuuna ka digay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii kusoo xad gudubta. “Meesha la yiraahdo Baydhabo doorashaa ka socota, waxa ka jirana waad ogtihiin, baabuur dad laga soo hormariyo, 20 wasiir oo la’isku soo daro. Anagana doorasho ayaan u soconaa, qof kii raba in uu doorasho galo waxaan ogolnahay isaga oo nabad ah, oo shaqsi ah in uu garoonkaas kasoo dego, ma dhibaateyneyno, xaq buu leeyahay”, ayuu yiri Janan. Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin waxa dadka qaarkiis lagula dhaqanayo ciddii nagula dhaqanta awood baan u leenahay in aan garoonka ka celino”. “Qofka doonaya in nidaamka aan ku shaqayno mid aan ahayn uu meeshan ka sameeyo, waa in marka hore uu inaga na xaaqo; haba na buufiyo haddii uu rabee. Qaab awoodeed haddii aan dareeno, waxaan waddano bakoorado ma ahan,” ayuu yiri Cabdirishiid oo u muuqday in uu muujinayay in Jubbaland ay hubeysantahay. Qaran News
  15. XISBIYO/URURO SIYAASADEED QARAN OO DHISAN AYAA XUKUUMAD WANAAGSAN SOO SAARI KARA !!! Abwaanka wayn ee Maxamed Irahim Warsame ” Hadraawi ” ayaa tuducyadan hore ugu sifeeyey hirdanka hogaanka Somalida iyo ujeedada uu daaran yahay , waxaana uu yidhi Abwaanku ; waxa laysku dilayaa in xumaa la doorshiyo xil daryeeliddiisiyo dad-u-hiilin maahee geenyada dakaanka ah anna aan dul-buuxshoo dala’sado kolkaygoo daadka aan ku dhafee iiga soo deg weeyaan. Tuducyadani waxa ay si wanaagsan u sifaynayaan sida aynaan isbadel mug leh oo siyaasadeed iyo dariiq horumar aanu inoogu muuqan , sababtuna waxa ay tahay kuwa maanta dibada ka jooga taladu in ay kursiga doonayaan mooyaane ma muuqato wax ay kaga duwan yihiin kuw maanta fadhiya , kaaga darane dad cusubna maaha e waa kuwii shalay ka kacay kuraasta ee dadku soo barteen. Haddaba marka aynu rabno in aynu helno xukuumad wanaagsan oo sharci iyo kaladambayn , barnaamij iyo wadashaqayn leh , fulinaysana balanqaadyadii ay dadka u sameeyeen waa in aynu seeska ka soo bilownaa oo isweydiinaa xukuumadan horta xagay ka timid ? Xukuumad waliba waxa ay ka timaadaa xisbi intii dalku u guuray nidaamka ururada siyaasada iyo axsaabta badan , waxaana ay u eekaataa ama u shaqeysaa qaabkii uu xisbigaasi ahaa , hadii uu yahay mid dimuqaradiyadu biyo dhigtay oo afkaarta iyo aaraada la wareejiyo lagagana dhaqmo talo wadaag iyo waxii sax ah oo la isla qaato , waxaa aynu helaynaa xukuumad ku soo bislaatay xisbiga gudihiisa oo wadata qorshe shiilan . Laakiin hadii axsaabteenu tahay tolaay yaa reer hebelaay iyo kaabado kursiga uun lagu fuulo oo dadka ku jiraa aanay wax badan isweydiin amaba ay yihiin dad kalifan oo reernimo ku diran ama dhaqaale ku diran ma helayno waxa aynu rabno ee wanaagsan , halka ay sartu ka qudhuntay ee waxa inaga xumi fadhiyo ee aynu garan laanahayna waa halkaasi . Si haddaba aynu uga bad-baadno nidaamyada noocan ah waxa aynu u baahanahay in axsaabta qaranku noqdaan qaar dadku leeyihiin oo aan qolo iyo qof midna u afduubnayn dhaqaalena lagu afduubi karin , gudahoogana ay ka jirto doodo , iyo afkaaro la isweydaarsadaa si wax sax ahi uga soo baxaan , waxyaabaha lagu bineynayo ee umadu ku midoobaysaana ay yihiin aragtiyo iyo mabaadii qofwaliba dantiisa iyo ta dalku uga dhex muuqan karto. Arimahani waxa ay ka mid yihiin ujeedooyinkii loo samaystay amaba dalku u qaatay nidaamka ururada iyo axsaabta badan , loogumana talo galin in xisbigu yeesho sumad qabiil iyo sansaan deegaan kali ahi danihiisa ku gaadho , waaba sida aynu maanta u habeysanahaye , qaabkani waxa uu macnihii iyo milgihii ka qaadayaa quruxdii iyo qiimihii uu lahaa hanaanka dimuqaradiga ah ee dalka u yaallaa , waxaanu uu dib inoogu celinayaa nidaam qabali iyo shir-beeleed aan waxba dhaamin. Habka dimuqaradiga ah ee dalku qaatay waa mid loogu talogalay in uu muwaadin kasta oo han iyo himilo lehi ku soo bixi karo isaga oo qofku galaya xisbi ama urur si aragtidiisa iyo aqoonta uu xambaarsan yahay uu ugaga soo gudbo isaga oo aan abtirsiin iyo aduunyo midna lagu xidhayn , si loo helo hogaamiyaha ugu haboon ee dalkan iyo dadkan wadi kara , waana nidaam maamul iyo isdoorasho oo la isticmaalo aduunka ka ugu casrisan cahdigan aynu ku jirno. Haddaba inta aynu seeska iska soo hagaajinayno oo aynu helayno axsaab siyaasadeed oo dhisan oo dadku ku midaysan aragtiyo iyo mabaadii , axsaab iyo ururo leh hiigsi fog iyo qorshe siyaasadeedyo waxa aynu ahaanaynaa sida aynu maanta nahay , waxaana inoo talinaya kaabe qabiilada , kuwa lacagta haysta iyo inta reernimada laabta ku garaacata , mana waayayaan in iska daba socota oo aan waxba ku diidin oo ay ku shaqeystaan , haseyeeshee waxa lumaya masiirkii iyo mustaqbalkii umadani halganada dhaadheer ugu soo jirtay boqol iyo dheeraadkii sanadood ee ugu dambeeyey. Markaa waxa aynu u baahanahay in dib loogu noqdo dhismaha axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira si loo kobciyo dimuqaradiyada oo ay uga dhisnaadaan ilaa tuulo walba oo dalka ah , taladuna uga timaado hoosta ee aanay dusha uun kaga iman , maanta xisbiyadu waxa ay dalka ka jiraan inta ololeyaasha doorashada oo kaliya marka doorasho dhacdo hogaanka xisbiga iyo in kooban ayuun baa ka soo hadha xisbigii dhamaa , arimahani oo ay sababaan daadejin la’aan maamul iyo dhaqaale yaraani ayaa curyaamiyey xisbiyadii Somaliland ee shacabku rejada ka filayey. Waxa kale oo iyaduna dhibaatooyin hor leh noqday shacbigana rejo la’aanta ku riday waa in axsaabta iyo hogaamiyeyaasha tartamayaa aanay lahayn qorsheyaal iyo mabaadii kala duwan oo lagu kala xusho isla markaana ay yihiin uun dad kursiga uun u ordaya , waana sababta ilaa maanta aan looga hayn hogaamiyeyaal curin iyo aragtiyo siyaasiya umada ula yimaada ee mid waliba marka uu kursiga tago ugu dul fikirayo waxii ay la noqotana ku kacayo. Si haddaba aynu uga bad-baadno qaabka iyo hababka noocan ah waa in la helaa dad bisil oo garashadoodu ka sarayso wax kasta oo maanta noqday xayndaab lagu jilaabto sida qabiilka iyo dhaqaalaha oo u adkaysta in ay isbadel dhalin karaan ay u aayaan dadkooga dambe , mana aha wax adag ee waxa ay u baahan tahay uun adkaysi , is aamin iyo ku dhac , waxaana aan rajeynayaa in dhowaan Somaliland lagaga dhawaaqi doono ururo dhawr ah oo ka qayb gali doona tartanka doorashada 2022 insha Allah kuwaasi oo aan ka rajo qabno in ka duwanaan doonaan axsaabta siyaasada ee maanta jirta. Waxa aan qoraalkayga ku soo gebo-gabaynayaa tuducyo dhiirigalin ah oo uu Alle ha u naxariisto e Abwaankii weynaa ee Cabdilaahi Suldaan Timacade lahaa , oo tilmaamaya in waxa wanaagsan ee aynu rabno tacab iyo hawl loo maro ; Lama helo wadaadoow Waxa aan cidi ku hawshoone Naftaa loo hintaaqaa Waxaad hiigso leedahaye ! waxa aanan leeyahay dadka reer Somaliland ha quusanina waxa aynu samaysan karnaa dawlada aduunka ugu wanaagsan ugu horumarsan ee iyada la hiigsado , taasina inaga ayuun bay inagu xidhan tahay waana aynu samaysan karnaa oo waa hubaal. Muhamed Dhimbiil Email: hormood@hotmail.com Qaran News
  16. Somalia’s upper legislative house on Wednesday unanimously passed a resolution condemning the so-called “deal of the century” floated by U.S. President Donald Trump for the Middle East. On Twitter, Senator Ilyas Ali Hassan announced that the chamber voted for the resolution against Trump’s proposal, which he said: “claims non-existence” of Palestine. “The house condemned the deal and voted on a resolution against it and we are not going to accept any deal which compromises the Palestinians’ rights to have a state with Jerusalem as its capital,” Ilyas told Anadolu Agency. On Tuesday, Trump released his oft-delayed plan to end the Israel-Palestine dispute in the White House where Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu was present, whereas Palestinian authorities were not represented. During the news conference, Trump referred to Jerusalem as “Israel’s undivided capital.” Several groups and countries, including Palestine and Turkey, have condemned the so-called peace plan. View the full article
  17. Dhuusomaree (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa goor dhow loo doortay madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Waljamaca, kadib codeyn ka dhacday magaalada Dhuusomareeb. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa doortay xildhibaanada baarlamanka Galmudug ee shalay ay soo dhistay Ahlu-Sunna, waxaana la sheegay inay la tartameen laba musharax oo markii dambe u tanaasulay Sheekha. Xildhibaanada ayaa tanaasulka kadib codeyn gacan taag ah qaaday, kuna doortay Sheekh maxamed Shaakir inuu noqdo madaxweynaha Galmudug. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhinaca kale baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda taageersan ay maanta dhageysteen hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha Galmudug. Doorashada Galmudug ee garabka dowladda taageersan ayaa la qorsheeyey berri, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in laga yaabo in dib loo dhigo, ayada oo cadaadis xooggan uu ka imanayo beesha caalamka. Xaaladda Galmudug ayaa jahwareer iyo qas xooggan isu beddeshay, ayada oo sababtana lagu sheegay faro-gelinta dowladda federaalka iyo qorshaha ay musharaxa ay wadato si qasab ah uga dhigeyso madaxweyne.
  18. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraar ka dhan ah heshiiska qarniga oo caasimada Qudus lagu wareejiyey Israel oo uusaxiixay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Aqalka Sare ayaa cod u qaaday mooshinka ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madax bannaanida Falastiin,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhammaan mudanayaashii fadhiga soo xaadiray oo dhammaa 30 Senator. Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ayaa soo bandhigay qorshihiisa mudada dheer la sugayay ee ku aadan in Magaalada Qudus ay noqoto Caasimada Israa’iil. Dhinaca kale Hoggaamiyeyaasha Dunida ayaa ka horyimid qorshaha Trump ee ku aadan qadiyadda Bariga Dhexe. View the full article
  19. Kulamadaan oo looga hadlayey xaaladda degmada Baardheere ee gobolka Gedo, gaar ahaan amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu qabtay gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in kulamadaasi uu garwadeen ka ahaa taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Cabdixamiid Maxamed Dirir, iyadoona ay ka qeyb galeen saraakiisha Milatariga ee ka howlgala halkaasi iyo waxgaradka deegaanka. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadaasi. Taliye Dirir oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay la shaqeeyaan ciidanka amniga ee dowladda, si looga hortagao xiisadaha ka jira halkaasi. Ugu dambeyn odayaasha dhaqanka oo dhankooda la hadlay warbaahinta ayaa ballan qaaday inay wada shaqeyn dhow la yeelan doonaan hay’adaha amniga dowladda. Baardheere ayaa waxaa muddooyinkii dambe laga dareemayey dhaq dhaqaaqyo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan magaaladaasi. View the full article
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday -Alle ha u naxariistee- Janaraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraalku waxa uu naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hooygiisa ka yeelo Jannatul-Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Alle ha u naxariistee, Janaraal Cabdirisaaq waxa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ka qaatay dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee isu soo abaabulay gumaadka dadkeenna Soomaaliyeed. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun View the full article
  21. Guddoomiyaha maamulka deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan, Jamaac Cali Cismaan oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee deegaankaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa wareysigaan ku beeniyey in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay gudaha u soo galeen Farlibaax, balse wuxuu tilmaamay in dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyeen meel deegaanka u jirat 10 KM. Jamaal Cali Cismaan ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka qaar ee lagu baahiyey baraha bulshada, wuxuuna carabka ku dhuftay in deegaankaan oo 45 KM Beledweyne ay joogaan meleeshiyaadka Macawiisley. Dhowaan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Farlibaax, inkastoo kooxda gacanta ku heysa ay ka hortagay weerarkaasi, kadib iska caabin xoogan oo ay sameeyeen. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wareysiga.mp3 View the full article
  22. Somalia’s international partners reaffirm their commitment to supporting preparations for the 2020/2021 federal elections. Source: Hiiraan Online
  23. Garoowe (Caasimadda Online) – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre, wuxuuna ka digay in dowladda ay Puntland saarto cunaqabateyn waxbarasho. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dastuurka dalka uu maamul goboleedyada u ogolaanayo inay maamushaan arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, wuxuuna codsaday in la xormeeyo dastuurka. Cabdiraxmaan Faroole ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay hantidii qaranka u adeegsaneyso kala fur furka dowlad goboleedyada ka jiro dalka sida uu hadalka u dhigay. “Ma aha in dowladda Soomaaliya ay furfurto waxbarashada Puntland, hadba sarkaal in ay qaadato sax ma aha, agaasimigii imtixaanaadka waa la dafay oo la-taliye ayaa laga dhigtay” ayuu yiri Senator Faroole. Faroole ayaa ku faanay in Puntland ay tahay hooyada waxbarashada Soomaaliya, ayna tahay inay dowladda Soomaaliya uga dayato maadaama uu sheegay inay Puntland kaga fiican tahay dhanka waxbarashada. “Awoodda Waxbarashada Soomaaliya oo dhan meesha laga fuliyo waa Puntland, ma jirto cid inkiri karto taas, Maamul Goboleedyada kale ee dalka waa inay ka shidaal qaataan, dowladda federaalka ahna waa inay ku dayato meesha looga fiican yahay” Ayuu yiri Faroole. Intii lagu guda jira shirka jaraa’id, Faroole ayaa si adag ka digay in cunaqabateyn waxbarasho ay dowladda federaalka kusoo rogto Puntland, siddii Jubaland u saartay xayiraad hawada ah”. Senator-ka ayaa sheegay in dooda Puntland iyo go’aankeeda waxbarashada ay cuksan tahay Dastuurka Qabayada ah ee u yaalo Dalka. Ugu dambeyntii Senator Faroole ayaa waalidiinta Ardayda sugeysa Shahaahada ugu baaqay inay dulqaataan isla markaasna xal deg deg ah loo heli doono khilaafka taagan. Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku adkeystay in Ardayda ay ka qaadaan Imtixaan sanadeedka, isla markaana shahaadadooda laga doonayo in ay bixiso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.