-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada Itoobiya iyo Kooxda Macawiisley ku dhexmaray degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa ku bilowday israsaaseyn dhexmartay dhinacyada iyada oo markii dambana uu sii xoogeystay dagaalka oo la sheegay in ay ku dhinten dad kor u dhafaya 15-ruux o dhamaantood ah dhinacyada dagaalamay. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in dagaalku uu ka dhacay degaanka Afqurun ee duleedka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan,islamarkaana uu ku bilowday rasaas ay ciidamada Itoobiya ay ku fureen Kooxda Macawiisley. Ilaa iyo haatan maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka kama aysan hadal dagaalkaasi hase yeeshee Itoobiya ayaa u ruuqaansaday dhinaca xuduuda ay wadaagaan labada dal. PUNTLAND POST The post In ka badan 15 ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Ciiddamada Dowladda Maraykanka iyo Maleeshiyaad u dhashay Waddanka Suuriya ayaa ku dagaalamay Waqooyiga dalkaasi Suuriya ka dib banaan bax looga soo horjeedo Maraykanka uu ka dhacay halkaas. Dagaalka oo ka dhacay Tuuladda lagu magacaabo Khirbet Ammo oo u dhow Xuduudka Degmadda Qamishli ayaa la sheegay in lagu dilay Wiil 14-jir ah halka qof waayeel ahna lagu dhaawacay. Milliteriga Maraykanka ayaa la sheegay in ay rasaas fureen kadib markii ay dadka degaanka isku dayeen in ay ka dibad-baxaan Kolonyo Gaadiidka Ciiddankaasi oo doonaya inay gudaha u galaan dhulka ay Dowwladda Syria maamusho. Dhinaca kale Saxafi la socda Milliteriga Suuriya ayaa waxa uu Muuqaal Video ah ka qabtay Diyaarad Dagaal oo ay Maraykanka leeyihiin oo duqeyn ka geysatay Fariisimo ay Ciiddanka Dowladda Syria ku leeyihiin gudaha Degmadda Qamishli. Muuqaalka Video-ga waxaa ka muuqday Diyaarad nooceedu ahaa F 15 Jet oo ay Ciiddanka Cirka Maraykanka leeyihiin oo dul martay Deegaanka ay Ciiddanka Maraykanka iyo dadka Deegaanka ku dagaalameen. Isbahaysiga Maraykanka weli war kama soo saarin Muquaalka Diyaaradda duqeynta geysatay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Maraykanka iyo Malayshiyaad ku dagaallamay gudaha Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgal miino baaris ah ka sameeyay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellada Dhexe. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabellada dhexe ayaa sheegay in waddooynka ka baxa degaankaasi laga saaray miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen. Sidoo kale waxay sheegeen in ciidanku ay isku fidiyeen tuulooyinka hoos yimaada ku deegaanka Xaaji Cali si Amniga loo xaqiijiyo Ciidamada Militariga dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan dambe howlgallo ka dhan ah Al-shaaab waxay ka wadeen degaanno ka tirsan gobolkaasi Shabeellada Dhexe. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo miina baaris ka fuliyay gobolka Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika oo ay soo qabanqaabisay ARLAC,kaas oo lagu qabtay Magaalada Kambala ee dalka Uganda. Waxaa uu Wasiirka Shirkaasi ka sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kor u qaadday dadaallada Shaqada lagu abuurayo iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed. “Waxaan dhowaan dhaqan galiney Nidaamka daryeelka Bulshada haddana waxaan ku jirnaa wajigii ugu horreeyay ee hirgelintiisa.” ayuu yiri Wasiirka. Wasiir Sadiiq ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee ka qyeb-galay shirka 47aad ee Wasiirrada shaqada Afrika. PUNTLAND POST The post Wasiir Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galay Shirweynaha ARLAC appeared first on Puntland Post.
-
Bella, a young Somali, arrived in Switzerland when she was 16, carrying a burden that 200 million women in the world also have to live with. When she was five, she had to endure female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online)– Waxaa soo baxaya warar dheeri ah oo ku saabsan in saraakiil ciidan iyo madax ka tirsan dowladda ay ku lug lahaayeen qaabkii uu u baxsaday C/rashiid Xasan Nuur “Janan” oo 28-kii bishii hore ka baxsaday guri hay’adda `NISA ay xabsi guri ku gelisay. arrinta baxsahada C/rashiid Janan ayaa waxaa xabsiga loo dhigay afar askari oo seddax ka mid ah boolis yihiin, halka kale nabadsugida ka tirsanaa, waxaana askartaasi lagu hayaa xarunta danbi baarista ee NISA, iyadoo aysan jirin maxkamad la horkeenay. Seddax askari oo ka mid, kana tirsanaa booliska saldhiga qeybta Bari, waxayna heyb ahaan kasoo jeedaan beesha Abgaal, halka askariga kale oo ka tirsanaa NISA oo qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Shiikhaal ayaa xabsiga la dhigay maalintii uu baxsaday C-rashiid Janan, iyadoo lagu eedeeyay inay wax ka ogaayeen. Hase ahaatee askartaasi ayaa ku doodaya inaysan ka war hayn maxbuuska ay ilaalinayeen cida uu yahay iyo in aysan jirin maxbuus lagu wareejiyay ama la tusiyay oo lagu yiri maxbuuskaani ilaaliya, balse afka uun looga sheegay, lana tusin. Arrintaasi waxay abuurtay shaki badan iyo tuhun u baahan in la dabagalo, oo loo raad raacdo saraakiishii askartaan goobta keenay iyo kuwa awaamiirta faray, gaar ahaan taliyaha saldhiga Bari iyo taliyaha booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon oo amarka askarta lahaa. Waxaa yaab leh in wasiir ka tirsan Jubbaland ee lasoo eedeeyay in guri shacab lagu maxbuuso, askartii ilaalineysayna aan loo sheegin darajada iyo qofka ay ilaalinayaan waxa uu yahay, lana tusin, balse afka uun looga sheego. Arrintaan ayaa u muuqata mid lagu raad tiranaayo askarta shirqoolka loo dhigay ee cidda lagu amray inay ilaaliyaan lagu wargelin loona sheegin culeyska maxbuuska ay ilaalinayaan heerka uu la eg yahay, waxaana farta ku godan Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin iyo Taliyaha Booliska Saadaq Joon oo arrinta u xil saartay taliyaha saldhiga Bari ee ciidamada xabsiga la dhigay goobta keenay. Ma jirto cid u doodaysa askartaasi oo sharci ahaan iyo qaanuun ahaan marka la fiiriyo xabsi aysan ku jiri karin in ka badan 48 saac bilaa maxkamad la’aan, waxaase intaas kasii daran in taliskii ay ka tirsanaayeen ee booliska arrinta iska indha tireen, maadaama ay ku xiran yihiin xarunta danbi baarita Nabadsugida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho
-
Washington (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya weli diyaar uma ahan inay kaligood wajahaan kooxda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, waxaa sidaas lagu sheegay qiimeyn ay sameysay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Warbixinta qiimeynta, oo 11-ki bishan uu xafiiska baaraha guud ee Pentagon-ka u gudbiyey congress-ka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in inkasta oo waxoogaa guulo ah ay bilihii dhowaa gaareen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, haddana aysan horumar wanaagsan ka sameyn Howl-galka Badbaado. Howl-galka Badbaado ayaa ah dadaal lagu xaqiijinayo amniga deegaanada ku yeella koonfurta Muqdisho. Qiimeyntan ayaa timid ka hor qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee kuwa Soomaalida iyo Amisom ka caawiya dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Waxay sidoo kale su’aal gelineysaa hadafka taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ee ah in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ka hor 2021, taasi oo aan hadda muuqan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab weli ay haystaan talis iyo maamul wax ku ool ah, taasi oo ay caddeyn u tahay weeraradii kala duwanaa ee ay dhammaadkii 2019 ku qaadeen dhowr saldhig oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose. Inkasta oo ciidamada xoogga dalka ay si guul ah saldhigyadooda uga difaacdeen Al-Shabaab, haddana AFRICOM waxa ay sheegtay inaysan sidaas awoodi lahayn, haddii aanay helin taageero militari oo caalami ah. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xaqiiqda ah in dowladda Soomaaliya aysan maamulin dhul badan oo ka mid ah koonfurta ay macnaheedu tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda aysan gargaar gaarsiin karin meel ka baxsan Muqdisho. Washington ayaa rumeysan in gargaarka uu lagama maarmaan u yahay si meesha looga saaro ku tiirsanaanta deegaanada qaar ee habka maxkamadaha Al-Shabaab, canshuuraha iyo sadaqada. Waxaa sidaa kale xaaladda sii cakiraya, in Howl-galka Badbaado uu hadda hakad ku jiro sababo la xiriira xilli roobaadka, sida ay warbixinta xustay. “Rubac dhammaadkii 2019, Al-Shabaab waxay muujisay awoodda ay ku fulin karto weeraro heer sare, dagaal-yahanno ku qoran karto, islamarkaana ku maal-gelin karto howl-galladeeda,” ayaa lagu yiri warbixinta. Bishii Janaayo, dagaal-yahannada Al-Shabaab ayaa weerar aroor hore ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee Kenya, halkaasi oo ay ku dileen hal askar iyo laba qandaraasle.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu muddo kadib ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey wada-shaqeyntii dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira. Khilaafkan ayaa la bilaawday qabashadii hoggaanka dowladda federaalka ee Madaxweyne Farmaajo, kaas oo soo jiitamayey seddaxdii sano ee uu xilka hayey, iyadoo maamulada qaarna ay dowladiisu ka hir gelisay hoggaamiyaal aan sidaas dadkoodu ugu qanacsaneyn. Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siiyey TV-ga Universal isagoo jooga dalka Itoobiya ayaa sheegay, in dowlado shisheeye ay doonayaan in ay u kala dab qaadaan iyaga iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, taasna ay tahay mid aysan aqbali doonin ka dowlad-ahaan. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha dawlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo khilaafka ugu badan uu kala dhaxeeyo dowladda uu hoggaamiyo, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu ay sameysay isku dayo badan oo ay ku doonayso in lagu soo afjaro khilaafka ragaadiyey dowladnimada, balse ay ka suurtaabi weysay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Mar uu si gaar ah uga hadlayey khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni waxa uu yiri, “Walaalkey Saciid Deni madaxweynaha Puntland, dhawr jeer ayaan casuumay oo Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin, ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin”. Wereysigan ayuu Madaxweyne Farmaajo uga hadlay dhinacyo badan oo siyaasadda Soomaaliya ah, waxuuna mar kale ku celiyey in mudo kooban ay kusoo afjari doono dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya, Cabddullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isagoo weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya. Sanbalooshe ayaa wareysigaan kaga hadlay xaaladda dalka, wuxuuna sidoo kale dusiyey xogo cusub oo ku saabsan intii uu ahaa taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka. Siyaasigan oo aan inta badan la gambanin hadalladiisa ayaa marka hore shaaciyey inuu weli madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u cad yahay xukunka, islamarkaana uusan haatan cidna war ka malqeyn, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka cabsi qabo in dowladda federaalka ku burburto gacantiisa, sidii Maxamed Siyaasad Barre oo kale. “Dabiiciyan Farmaajo xukunkaa u cad, intuu xukunka u cad yahayna qof uu war ka maqlayo majirto waa gar ma qaate, Runtii cabsi baan ka qabaa sidii Maxamed Siyaad Barre dowladda gacantiisa iney ku burburto, wixii yaraa ee la soo dhab dhabaay gacantiisa iney ku baa’baan cabsi ah ayaan qabaa/” ayuu yiri taliye Sanbaloolshe. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrimo ku saabsan la shaqeyntii dowladda federaalka, gaar ahaan markii uu heystay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka. Cabddullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa carabka ku duftay in muddadii uu xilka hayey lagu amray inuu soo xiro siyaasiyiin badan oo mucaarad ah, oo uu ka tilmaamay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), balse uu iska diiday, siduu hadalka u dhigay. Ma shaacin taliyuhu cida bixisay amarkaasi iyo sidoo kale taariikhda la bixiyey intaba, isagoona ka gaabsaday inuu bixiyo macluumaad dheeraad ah. Si kastaba ha’ahaatee Sanbaloolshe oo marar badan bixiyey wareysiyo ayaa dhaleeceyn u jeediyey dowladda federaalka oo uu muddo ka tirsanaa, wuxuuna inta badan soo bandhigaa khaladaad uusan ka hadlin jirin intii uu hayey xilka taliyaha NISA. Hoos ka daawo wareysiga
-
Boorama (Caasimada Online) – Isu-duwaha wasaarada Howlaha guud iyo guryeynta ee gobolka Gabiley, Cabdi Cali Cilmi ayaa maanta shaqadii laga joojiyey, iyadoona sababta lagu sheegay ‘Been sheegid’. Badhasaabka gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan X. Axmed ayaa waraaq uu soo saaray shaqadii kaga joojiyey Isu-duwaha, isagoona xusay in Isu-duwuhu uu ka been sheegay arrin ay ka wada socdeen Wasaaradaha xukuumadu. Mas’uulkan shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa lagu eedeynaya in uu gebi ahaanba uu hareer maray, isla markaana uu been abuur ku tilmaamay qorshe ay Wasaarada gaadiidka iyo jidadka Somaliland ay ku rabtay dhul dan-guud ah oo ku yaala Wajaale. “Waxaan ka joojiyey shaqadii uu Gobolka Gabiley ka hayey Isu-duwaha Wasaarada hawlaha guud ee dhulka iyo Guryeynta, sababta oo ah in aad ka been sheegtay Shaqo ay Wasaaaradaha qaranku ka wada socdeen oo aad ka warqabtay” ayaa lagu yiri Warqada ka soo baxday xafiiska Badhasaabka. Waxa sidoo kale lagu yiri “Midaasi oo aheyd in dhulka danta guud ee Magaalada Wajaale ee ay xabaaluhu ku yaalan qeybta soo xigta wadada ay soo codsadeen Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland, si ay u noqoto goob lagu kala wareejiyo gadiidka sida badeecadaha, misaanka iyo isasaarka gawaadhida isjiidka ah”. Ugu dambeyntiina waxa uu Badhasaabku ku sheegay Warqadaasi in Isku-duwaha uu ka joojiyey shaqadii gobolka Gabiley, ilaa inta ay arrintaasi ka wada-hadlayaan Wasaarada hawlaha guud ee uu ka tirsanaa.
-
By: JARED SZUBA Troops loyal to Somalia’s Federal Government in Mogadishu are not yet ready to stand on their own against al-Shabaab militants in the country’s south, the U.S. Defense Department said in a new report. Despite some successes, the Somali National Army – backed by African Union and U.S. forces – have made little progress in recent months on Operation Badbaado, a joint effort to secure rural areas south of the capital, according to a Pentagon Office of the Inspector General report presented to Congress on Tuesday, February 11. The assessment comes ahead of a potential limited drawdown of both U.S. and A.U. military forces contributing to the fight against the al-Qaeda-linked Islamist militants who still control swaths of southern Somalia. It also calls into question the feasibility of U.S. Africa Command’s goal of significantly degrading the militant network’s capabilities by 2021, despite a blistering drone strike campaign and American Special Operations Forces’ assistance on the ground. The 21,000-strong African Union Mission in Somalia (AMISOM) and some 500 U.S. Special Operations Forces backed by air support have sought to continually weaken the militant network until local Somali Federal Government forces can hold the territory on their own and fill governance needs outside the capital. AMISOM is set for another withdrawal of 1,000 troops later this month as part of a long-delayed process of turning over control to Somali troops. U.S. Defense Secretary Mark Esper has said the Pentagon is considering drawing down some of the more than 5,000 troops in Africa in order to focus on countering Russia and China elsewhere. AFRICOM commander General Stephen Townsend told Congress last month that he believes the U.S. can achieve its counter-extremist objectives in Africa if the current number of American forces is sustained. “I don’t believe that it’s a whack-a-mole [mission],” Townsend told lawmakers during the budget hearing. Al-Shabaab has fought to establish an Islamic state in Somalia since 2006. The group was largely routed from Mogadishu in 2011 by AMISOM but still controls significant rural areas. The militants, the report says, still retain effective command and control, “as evidenced by the Fall 2019 synchronized attacks against separate SNA forward operating bases in the Lower Shabelle” region, a Shabaab stronghold. Though SNA forces successfully defended their new outposts, AFRICOM said they would not have been able to do so without international military support. Moreover, the Somali Federal Government’s lack of control prevents U.S. State Department stabilization aid from reaching areas outside of Mogadishu, the report read. Washington considers that aid necessary to supplant Shabaab’s Islamist courts, tax systems and charities that fill rural governance needs. “U.S. AFRICOM reported that there was limited impact on degrading al-Shabaab outside of Mogadishu due to slow police force generation and lack of stabilization activities, including local governance, within seized towns in the Lower Shabelle region,” the report reads. The State Department’s USAID office recently moved from Nairobi, Kenya to Mogadishu International Airport, but the SNA’s inability to effectively hold territory “means that USAID implementers cannot provide [stabilization] programs” in areas captured from al-Shabaab. The U.S. aid agency in Somalia relies on subcontractors who “can travel outside of the compound, meet with implementers and beneficiaries, and monitor programming” to evaluate the progress of stabilization projects. But by May 2020, the report said, only one contractor capable of leaving the airport will remain. Further complicating matters, Operation Badbaado is currently on hold due to seasonal rains flooding local roads, the report notes. “This quarter, al-Shabaab demonstrated its ability to conduct high-profile attacks, recruit fighters, and finance ongoing operations,” the report reads. The group claimed responsibility for a massive car bomb in Mogadishu in late December that killed at least 90 people, the worst attack in the capital since 2017. Earlier that month, the militants stormed a Mogadishu hotel frequented by government officials. In January, Shabaab fighters staged a brazen raid that penetrated the perimeter of Kenya’s air base at Manda Bay, killing ten civilians and one U.S. military member. SNA also receive backing from the United Arab Emirates, Turkey, Qatar and the European Union. Source: The Defense Post
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar____-Qumanha-Wararka-12022020.mp3 View the full article
-
Jubbaland ayaa iska hor-imaadkii maanta ka dhacay Kismaayo ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay dowladda Federaalku ku khalkhal gelinaysay nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyadoo adeegsanaysa kooxo maleyshiyaad ah, sida uu sheegay. Dhanka kale Cabdinaasir Seeraar ayaa isna iska hir-imaadkaas ku eedeeyey jubbaland, wuxuuna sheegay in la weeraray isaga iyo dad taageerayaashiisa ah oo si nabad ah u bannaan baxayay. Maanta ayaa dagaal kooban ka dhacay magaalada Kismaayo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo ciidan taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo sheegtay madaxweyne Jubbaland. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka Jubbaland ay xireen wadooyinka magaaladda Kismaayo, balse ay tallaabadaasi u hoggaansami waayeen ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar. Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada Siinaay ee magaaladda Kismaayo, halkaas oo ay daganyihiin xubnaha la baxay Isbedel doonka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Cabdinaasir Seeraar, kuwaasi oo diiday natiijadii ka soo baxday doorashada Jubbaland ee uu mar kale ku guuleystay Axmed Madoobe. Ilaa iyo hadda lagama hayo khasaare ka dhashay dagaalka Kismaayo oo ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirka Mareykanka, ay ku shirsanaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo. PUNTLAND POST The post Jubbaland iyo Seeraar oo ka hadlay iska hor-imaadkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdinaasir Seeraar oo hoggaamiya garab u doortay Madaxweynaha Jubaland, ayaa ka hadlay dagaalkii maanta magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwo isaga taabacsan. Seeraar ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu maalmihii dhowaa ku goodinayey in dulqaadkii ka dhamaaday magaaladana aysan wada joogi doonin qolo siyaasad ahaan kasoo hor jeedda, maantana uu dagaalkaan soo abaabulay, sida uu hadalka u dhigay. Cabdinaasir Seeraar oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in lagu soo weeraray guriga uu ka deganyahay magaalada Kismaayo, isagoo xusay in magaaladu maanta bandaw aheyd. “Xaafaddi aan magaalada ka daganaa ayaa la igu soo weeraray oo ciidanka Axmed Madoobe ayaa dagaal igu soo qaaday, mudooyinkaana dagaalka waa nagu haayey, oo dul qaadkaa iga dhamaaday ayuu ku hayey waayahaan, habeen hore ayuu Nairobi ka yimid saraakiishiisa ayuu shiriyey waxuuna ku amray in magaalada nalaga bixiyo” ayuu yiri Cabdinaasir Seeraar. Seeraar ayaa sheegay in u jeedka Kismaayo uu u joogo uu yahay in doorasho xalaal ah halkaas lagu qabto, isagoo madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyey si uu u burburiyo rabitaankooda in uu adeegsado awood, taasna aysan aqbali doonin, sida uu sheegay. “Anaga cid xoog noogu dowladeyn karta ma jirto, Axmedna in isagoo dano gaar ah ku gaaraya ayuu rabaa in uu dadkaan isku laayo, waxaan uga digayaa falalka uu sameynayo, wanaagu haduu wax tari waayey, aganu qaabka loola tacaamulo waa naqaanaa” ayuu hadalkiisa sii raaciiyey Cabdinaasir Seeraar. Ugu dambeyntii Seeraar waxa uu sheegay in dagaalkii maanta joojintiisa ay ka qeyb qaateen isaga iyo odayaal kale, khasaaraha ka dhashayna aan illaa hadda wax qiimayn ah lagu sameyn.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay kulankii shalay Xafiiska Raysul Wasaaraha Itoobiya ku dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Somaliland ayaa sheegtay in kulankaasi uusan aheyn mid khuseeya wada-hadallada labada dhinac oo Sanadihii udambeeyay u muuqday kuwo lagu fashilmay in dib loo furo. Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland oo arrintaasi ka hadlayey ayaa ka dhawaajiyey in kulankaasi uu ahaa mid is-macasalaameeyn ah kaliya, maadama uu dhamaaday shirkii madaxda Midowga Afrika. Wasiirka ayaa faah-faahin badan ka bixin waxyaabihii lagaga wada-hadlay Kulankaasi, wuxuuna yiri “Markii uu dhammaaday shirka madaxda midowga Africa, Madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, madaxweyne Farmaajona halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada madaxweyne, warkuna intaas ayuu ku dhan yahay”. Madaxweynaha Somaliland ayaa galabnimadii Axadii u dhoofay magaalada Addis Ababa, xili halkaasi ay ku sugnaayeen Madaxda midowga Afrika, oo ka mid yahay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Kulanka Muuse Biixi iyo Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa mid hore u qorsheysnaa, oo uu ka soo shaqeeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiy, inkasta oo aan la ogeyn waxa uu ka tari doona xiisada ka dhex aloosan Dowladda federaalka iyo Somaliland. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban ku sheegtay kaliya in kulan uu dhacay, ugana mahad-celisay ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo agaasimay, mana biixn wax faah-faahin oo intaas dheer.
-
Munaasabadaan oo lagu daahfurayay iskuulkii Dugsigii sare ee magaalada Xudur,waxa soo qaban qaabiyey bahda waxbarashada degmada Xuddur ee gobolka Bakool,iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS,Maamulka Bobolka Bakool,Maamulayaasha goobaha waxbarashada ee degmada Xuudr,ardadii hore ee Dugsiga Xudur oo u diyaarsan in dugsi sare ay ku biiraan waaladiinta ardada iyo Marti sharaf kale. Dig u furista iskuulkaasi ayaa ka dambeysay kadib markii Wasaaradda Maaliyada ee XFS ay muddo 30 sano ka dib dayactir ku sameysay dhismo cusubna ku sameysay xaruunta dugsiga sare ee Xudur. Ugu horey waxa munaasabada daahfurka ka hadlay maamulaha cusub ee dugsiga sare Cali Maxamed Sheekh Cali iyo guddoomiyaha waxabarashada degmada Xuddur Aadan Axmed Maxamuud (Qoosh) waxayna xuseen in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobolka Bakool ay dib u soo laabatay bulshadana waxay ugu baaqeen in ay ka faa’ideystaan. Aasaasayaashii iskuulada Shodog iyo iskuulka Xudur Sheekh Maxamed Kheyr iyo Luul Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey furitaanka dugsiga sare oo baahi weyn loo qabay,iyagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay dayactirka dugsigaasi. Guddoonka waxbarashada gobolka Bakool Cabdulqaadir Nuur Cadow ayaa u madahceliyey guddoomiyaha gobolka Bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano ka dib dugsi Sare dib u shaqeeyo,wuxuuna shahaado sharaf guddoonsiiyay guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed (Tol). Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed Tol iyo ex-Wasiir Xildhibaan Sheekh Xasan Ibraahim (Lubuur) oo geba gebada munaasabadaasi ka hadlay ayaa bahda waxbarashada iyo bulshada ku bogaadiyay in la iska kaashado horumarinta waxbarashada gobolka,iyagoo dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay maalgelinta dib u dhiska iskuulkaasi Sare ee Xududr. Dhismaha dugsi sare waa dhismo aad u balaaran qeyb ka mid ah waxa loo qorsheeyey in jaamacad laga furo maadaama degmada Xuddur oo xaruun u ah gobolka Bakool aysan ka jirin waxbarasho heer Jaamacadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Caasimadda Hargeysa waxa lagu soo dhaweeyay wefdi ay hogaaminayso wasiirka Haweenka iyo qoyska ee Jamhuuriyadda Jabuuti Muumina Muxumed Xasan, taas oo booqasho ku timi dalka. Wefdigaas waxa horkacayay safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, Waxana garoonka caasimadda ee Cigaal kusoo dhaweeyay wasiirka shaqo galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Wasiirka gaashaandhigga, Safiirka Jabuuti ee Somaliland, Wasiir ku xigeenka xanaanada Xoolaha, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqa galinta iyo dadweyne kale. Safiirada dalalka Jabuuti iyo Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Cabdifataax Siciid Axmed ayaa soo dhaweeyay wasiirka haweenka iyo qoyska ee Jabuuti waxaanay shegeen inay dalalka Jabuuti iyo Somaliland yihiin walaalo uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer. Hinda Jaamac Xirsi Gaanni Wasiirka shaqo galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay Somaliland timaado wasiirka Haweenka iyo qoyska ee dalka Jabuuti iyo wefdiga ay hogaaminayso. Geesta kale Muumina Muxumed Xasan Wasiirka haweenka iyo qoyska ee Jabuuti ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay imaatinka JSL iyo casuumadda ay u fidisay wasiir Hinda Jaamac Xirsi, iyadoo xustay inay ka shaqayn jirtay hay’adda samafalka ee ka hawl gala Somaliland, waxaanay sheegtay imaatinkeeda Somaliland inuu uga dhigan yahay iyadoo gurigeedii joogta. Source
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi oo hoggaaminayo Safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya danjire Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend. Danjiraha iyo Madaxweynahu ugu horayn waxaa ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan Gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee Dowlada Federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga Dowladu ay halkaas Weerarka ku qaaday ay ka jirtay Xaalada adag waxaana la isku raacay in Dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii Maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray Gobolka Gedo. Waxaa kale oo kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland howlgalkaas oo Si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Maraykanka. Kulanka maanta dhex maray madaxweyne dowlad gobaleedka Jubbaland safiirka dowladda Mareykanka iyo Taliyaha Africom, ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dhawaan dowladda Mareykanka iyo dowladda Kenya ay gaareen heshiis ka dhan ah la dagaalnka Al-shaab oo mudooyinkii ugu dambeeyey weeraro ka geysnayey gudaha Kenya, sidoo kale Al-shabaab ayaana ku sugan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Jubbaland. Goob joog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka goboleedka Jubaland ayaa ka war bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada. Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkaas ay soo abaabushay dowladda federaalka, balse ay fashiliyeen ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka warfaafinta Jubaland ayaa sheegay dowladda federaalka ay dagaalkaas soo abaabushay isla markaana ay ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo oo ay maanta gaareen xubno ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayey safiirka u jooga Muqdisho Donald Yamamoto. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in xogta abaabulka dagaalkan ay horay u hayeen, isla markaana ay u diyaar garoobeen, sidaasna ay iskaga caabiyeen iyadoo aysan ka soo gaarin wax khasaare ah sida uu sheegay, sidoo kale ma sheegin wax khasaare ah oo dagaalkaas ay ku gaar siiyeen garabka taabacsan Cabdinaasir Seeraar. Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa ku goodiyey in dulqaadkii uu maamulkiisu u hayey xubnaha mucaaradka ku ah uu dhamaaday, waxii hadda ka dambeeyana aan la isla sii joogi doonin magaalada Kismaayo. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii ay maanta Kismaayo ku tageen Taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, waxuuna sheegay in arimaha ugu weyn ee laga wadahadlay ay ku saabsanaayeen dhanka ammaanka, si nabad ahna ay galabta Jubbaland uga laabteen. Hoos ka Daawo
-
Kismaayo (SMN) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa war kasoo saarey iska hor-imaadkii maanta ka dhacay gudaha magaaladda. Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka warfaafinta Jubaland, ayaa sheegay in dagaalka uusan khasaaro ka dhashay. Maxamed oo tilmaamay in ciidankooda aysan xabadu bilaabin ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka dambeyso arrintaan. Ujeedada ay ka leedahay ayuu ku qeexay in ay khal-khal geliso ammaanka magaalada iyo wafdigii ka socday Mareykanka. Siyaasiyiinta Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ayuu cod dheer ku qeexay in ay ku shaqeeyaan fekerka Villa Soomaaliya. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ku nuux-nuux saday in wixii haatan ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin talaabooyin kale. View the full article
