-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay gargaar la soo gaaraan. Ardaydan oo qaarkood la hadlay warbaahita VOA ayaa sheegay in ay ku go’doonsanyihiin magaalada Wuhan oo ah halka uu ka dilaacay virus-ka Coronavirus waxa ayna sheegeen in aysan guryahooda ka soo bixi karin. Dhanka kale Safiirka dowladda Federaalka ee dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ardayda soomaaliyeed ee ku sugan magaalada uu cudrka ka dilaacay ay badqabaan. Safiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hey’adaha caafimaadka ay ardayda Soomaaliyeed siiyeen talaabooyin caafimaad. Dowladaha ay muwaadiniinta ka joogaan magalada Wuhan ayaa bilaabay daad guraynta muwaadiniintooda, iyada oo ardayda Soomaaliyeed aysan wali helin gurmadkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi ( Caasimadda Online)– Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa sheegay in dadka xagjirka ay caqabad ku yihiin nabadda, degenaanshaha iyo wada noolaanshaha dadka ku nool Geeska Afrika. Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto, gaar ahaan Al-Shabaab, isagoo xusay haddii si qoto dheer loo fiiriyo xal waara laga gaari karo, waxaana uu tilmaamay in aad looga gaabiyay arrintaas. “La dagaalanka fikirka Xagjirka ah iyo nabadgelyadooda ma ahan daawadooda in lala dagaalamo Militari ahana, waa in si kobac dhaqaale lagula diriro oo dadka inta la qaldayo laga gooyo”ayuu yiri Saciid Deni. Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in la isku xiro masaaliixda dadka ku nool geeska Afrika, isla markaana wax laga bedelo isu socodka xuduudaha, dadka iyo danaha is dhex galaan, si nabadda loo ilaaliyo. Munaasabaddii loogu sameeyay magaalada Nairobi Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa waxaa ka mid ahaa xubnihii ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo C/weli Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada Soomaalida ee Kenya.
-
Somali National Intelligence and Security Agency said on Wednesday evening said that it had “infiltrated and dismantled” Al-Shabab cell in Mogadishu, the Somali capital. The agency said in a twitter that a “qualitative operation” was conducted by “its forces to penetrate and dismantle a terrorist cell in the city.” Explosives, electronics, large amounts of black explosive powder, wires, rocket-propelled grenades were recovered from the scene. In a video clip, the agency displayed the substances, disassembled computed, small plastic containers, black substances inboxes, and wires. “In a well-coordinated operation which took place between 26th and 28th of this month, an IED cell belonging to al-Shabaab and IED making substances,” reads the post by NISA. The spy agency did not give detail of the number of operatives. The operation comes barely a week after NISA detained a singer who they say was a supporter of al-Shabaab. NISA said they had arrested the singer who was a member of a music band associated with Benadir local government in Mogadishu. They accused him of “spying” for al-Shabaab. Somali government has intensified operations to hunt down al-Shabaab and its sympathizers in and outside Mogadishu. View the full article
-
Wuhan ( Caasimadda Online) – Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka warbixinayay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shiinaha si gaarana gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Koronaha, dad badanna dalka Shiinaha ugu dhinteen qaar kalene la il daran yihiin. Safiir Cawaale Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday waxkabarata shan Jaamacadood oo gobolkaas ku yaala, kuwaas oo kala ah 1: Wuhan University, 2: Huazhong University science and technology, 3: Wuhan University of sciences and Engineering, 4: China University of Geosciences 5: Central China Normal University. Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaa ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Korona la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso. Safiir Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas usii faafin oo loo xakameeyo.
-
MINNESOTA (HOL) - Minnesota is buzzing with activity after the arrival of a high-level delegation from Kenya, on Friday, January 24. The group is led by the majority leader of the National Assembly of Kenya, H.E. Aden Bare Duale, who was received by a large crowd from the Kenyan and Somali community. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Al shabaab lagala dagaalamo dhinaca dhaqaalaha oo aysan ahayn kaliya in loo wajaho qaab mileteri. Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay ka hortaga dhalinyarada ku biiraysa Al shabab kuwaas oo uu sheegay in dhaqaale lagu qaldayo. “waa caqabad waxa ay ku tahay hormarka, degenaanshaha iyo wada noolaansha marka la dagaalanka fikirka xagjirka ah ee nabad gelyada ka soo horjeeda daawadiisu ma ahan in si mileteri ah loola dagaalamo ee waxa ay u baahantahay in si kobac dhaqaale ahna loola diriro” ayuu yiri madaxweyne Deni. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland, ayaa dowladda Kenya ku ammaanay sida ay u garab istaagtay ummada Soomaaliyeed markii dhibaatooyinku ay dhaceen, isaga oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in lagala shaqeeyo sugidda amaanka dalkeeda. “Abaal weyn ayey nagu leedahay Kenya hadaa nahay Soomaali shacabka iyo dowladda Kenya waxaan uga mahad naqeynaa garab istaaga ay noo muujiyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Puntland. Madaxweynha dowlad goboleedka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniinta todobaadka soo socda magaaalada Boosaaso ka daah-furi doona duullimaadkii u horreeyay ee Shirkadda Ethiopian Airline ay ku tegi doonto Boosaaso. Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan kamid noqon doona Rakaabka u horreeya ee Shirkadda Ethiopian Airline ay Isniinta todobaadka soo socda ka soo qaadi doonto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Duullimaadkaasi ayaa si toos ah uga degi doona Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaasi oo isla maalinta Isniinta ee ku beegan 3-da Fabraato laga daah-furi doono duullimaadyada Shirkadda. Ethiopian Airline ayaa todobaadkiiba saddex jeer ka degi doonta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso sida ay horay u sheegtay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland. 15- July 2019 ayay ahayd markii u horraysay ee Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia ay duullimaadyo toos ah ka bilowday gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe. PUNTLAND POST The post Deni oo kamid noqon doona Rakaabka u horeeya ee Ethiopian Airline geyso Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Deni iyo Axmed Madoobe oo Nairobi marti qaad loogu sameeyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Cali Qorane Gudoomiyaha Gaarisa ayaa marti qaad u sameeyey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo waliba Siyaasiyiin ay kamid yihiin Madaxweyne Xigeenka Jubbland Maxamed Siyid , [...] Source -
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay khudbad ka jeediyay munaasabad Soo dhoweyn ah oo magaalada Nairobi loogu sameeyay isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo oo halkaasi ku sugan. Madaxweyne Deni, ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahad-celin uu u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii soo agaasimay munaasabadda soo dhaweyntiisa. Sidoo kale wuxu amaan weyn u jeediyay dowladda kenya oo uu sheegay in ay mar walba garab-taagantahay Umadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay abaalka ay u gashay shacabka Soomaaliyed tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay, in Bulshooyinka ku dhaqan Geeska Afrika ay dhammaan noloshoodu isku xirantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda, islamarkaana ay Soomaalidu udub-dhexaad u yihiin gobolka Geeska Afrika, maadaama ay deggan yihiin dalalka ugu muhiimsan gobolka. Deni ayaa tilmaamay, in dadka Soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad aan saarnayn Qowmiyadaha kale ee ku dhaqan gobolka Geeska Afrika, maadaama Soomaalidu ay wada degto dalalka Geeska Afrika, sidaasi darteedna laga rabo in ay hormuud u noqdaan Nabadda iyo Horumarka gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, wuxuu sheegay in wakhtiyadii hore dadka Soomaaliyeed ee gobolka Geeska Afrika ku dhaqan, ay badbaado u ahayd dowladdii Soomaaliyeed, balse wixii burburkii ka dambeeyay, dowladda Kenya ay tahay meesha Keliya ee Soomaalida Geeska Afrika dib looga yagleeli karo. Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku soo qaaday la’dagaallanka Argagixisada, gaar ahaanna malayshiyaadka Al-shabaab, waxaana uu ku baaqay in Bulshada gobolka ay u midoobaan la’adagaallanka Argagixisada, isaga oo sheegay in siyaasaddaa murugsan ee Soomaaliya ay awood-siinayso kooxahaasi. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Nuxurka Khudbad uu madaxweyne Deni ka jeediyay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Saaka, salaaddii subax waa qaraxyo isdabajoog ah lala eegtay baallayaasha ay NISA ku xirtay Kaamirooyinka ee qeybo ka mida wadada dheer Maka Almukrama, ee bartamaha Muqdisho. Kaamirooyinkan oo ah “Security Camera”, ayaa ku teedsan Jidkaasi, waxaana muuqato in aaney jirin cid ka warqabtay goorta lagu xirayey qaraxyada, taasi oo su’aal ka keeni karta, ujeedka laga lahaa iyo sababta aan loo ilaalin. Agaasimaha NISA, Fahad Yaasin Xaaji oo fikradda kaamirooyinka lahaa, waxaa uu rumeysnaa in wax badan ka tari-doonaan ammaanka gobolka Banaadir, laakin hadda waxaa uuba sugi waayey amniga Kaamirooyinka. Ma jirto wali wax wara oo ka baxay laamaha ammaanka dowladda oo ay kaga hadlayaan qaraxyadan lagu gubay kaamirooyanka qarsoon ee lagu xiray hareeraha wadada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay soo faragelisay is-qabqabsi ka taagan gobolka Gedo. Is-qabqabsiga ayaa salka ku haya dhanka maamulka kadib markii guddooomiyeyaal iska soo horjeeda loo magacaabay halkaas. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax [Koofi] u magacaabay gudoomiye gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda la tibaaxay in ay gudoomiye uga dhigtay gobolkaas mas’uul kale. Mr Koofi ayaa la sheegay in uu qaab awood ah uu ku qabsaday xafiisyadii maamulka ee gobolka Gedo, kuwoodii ugu muhiimanaa. Tani ayaa xoojisay xiisadda, waxaana la sheegayaa in Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya u yeertay saraakiiska gobolka. Wararka ayaa intaas ku daraya in wasaaraddu u sheegtay xubnahaasi in khilaafkooda lagu dhameyn doono magaaladda Muqdisho. Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Gedo.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Gudoonka baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in uu wado dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan magaalada Dhuusamareeb. Xasarada ayaa ku saabsan tabashooyin ka dhashay doorashada madaxtinimada oo ay ku kala qeybsameen dowladda iyo Ahlu Sunna. Wararka ayaa sheegaya in guddoonka Golaha Wakiilada maamulkaas ku howlan yahay sidii xal waara loogu heli lahaa cabashadaas. Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in gudoonka uu dhinacyadda tabashadda qaba kala hadlayo qaabka ugu wanaagsan ee xal loo heli karo. Dedaaladan ayaa imaanaya iyaddoo muddo saddex cisho ah dib loo dhigay doorashadda hogaanka dowlad goboleedka Galmudug oo lagu wadday in ay dhacdo maanta. Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Xal-raadin.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo culus oo saaka ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxyadda oo laga maqlay qaybo kamid ah magaalada ayaa lagu beegsaday qaar kamid ah Kaamirooyinka lagu xiray jidadka. Fahfaahinadda ayaa muujinaya in qaraxyadda lagu bartilmaameedsaday kaamirooyinka lagu rakibay wadada Maka Al Mukarama. Tafaasiil madax banaan ayaa qeexeysa in kaamirooyinka la waxyeelaayey ay gaarayaan illaa iyo afar xabo oo muhiim ahaa. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkan, oo aysan wali ka warbixin hay’addaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Kaamirooyinkaan oo laga maamulo xarunta hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa loogu talagalay sugitaanka amniga. View the full article
-
Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wefdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Burkina Faso ayaa Caasimadda dalkaasi waxa uu kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga baarlamaanada labada wadan. Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa isku afgartay siddii xiriir khibrad isweydaarsi ah u sameysan lahaayeen. Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulankooda ka dib ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Algeria Suleymaan shaneyn waxu uu faah faahiyay waxa ay isku afgarteen. Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdirxmaan ayaa sheegay in Kulanka inta uu socday la isku afgartay In la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo wada shaqeynta labada baarlamaan. Kulanka waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu la qaadanayo madaxda ka qeyb galeysa shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee ka socda Magaaladda Aougadougou ee Caasimadda Dalka Burkina Faso. Shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ayaa lagu wadaa in la so geba-gabeeyo Khamiista maanta ah islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed qodobaysan oo lagu faahfahainayo waxyaabihii looga hadlay. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaasha Baarlamanada Soomaaliya iyo Burkina Faso oo qodoba isku afgartay appeared first on Puntland Post.
-
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane ayaa ka warbixiyay xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shinaha, gaar ahaanna gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Korona. Mudane Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday waxkabarata shan Jaamacadood oo gobolkaas ku yaala, kuwaas oo kala ah 1: Wuhan University, 2: Huazhong University science and technology, 3: Wuhan University of sciences and Engineering, 4: China University of Geosciences 5: Central China Normal University. Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaa ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Korona la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso. Danjire Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas usii faafin oo loo xakameeyo. PUNTLAND POST The post Waa sidee xaaladda Caafimaad ee Soomaalida ku nool dalka Shiinaha oo cudur halis ah ka dillaacay? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-300120.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan aan caadi aheyn ku yeeshay ka mid ah madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta mucaarad ah, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane. Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni , Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Warar ay heshay Caasimadda ayaa sheegaya in madaxda Maamulada Puntland, Jubbland iyo Siyaasiyiinta miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ay maalmahan Nairobi ku la haayeen kulan ay uga tashanayeen siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020/2021. Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar ka mid ah safiirada Beesha Caalamka oo kulamo gaar gaar ah maalmo ka hor ku yeeshay Nairobi ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Soomaaliya 2020/2021. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa isku xulafeystay sidii ay uga hortagi lahaayeen damaca ku jiro Dowladda Soomaaliya oo ah inay sameysato waqti kororsi ama inay qabato doorasho shubasho ah. Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa dhawaan shir ugu soo dhamaaday Magaalada Boosaaso waxay ku diideen dhawr sharci oo uu ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya.
-
More than a decade ago, some 20 young Somali-Americans shocked their families when they left behind jobs and schools and returned to their native Somalia to join jihadist group al-Shabab. Now at least two of them have defected, and say their deadly adventure ruined their future. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigtay shabakad ay ku eedeysay Al-Shabaabnimo. NISA ma aysan shaacin tiradda shaqsiyaadka soo galay gacanta laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah. Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa lagu qeexay in howlgalka lagu soo qabtay xubnahaan laga sameeyay Muqdisho 26 illaa iyo 28 Janaayo, 2020. War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in eedeysaneyaasha ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka sameynta qaraxyadda. Dhanka kale, Al-Shabaab ayaanan wali ka jawaabin hadalka NISA. Ugu dambeyntii, NISA ayaa baahisay sawiradda iyo muuqaaladda agab ay sheegtay in laga sameeyo qaraxyadda iyo hub ay kamid yihiin Zaban. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga maqlay xilligii Salaada Subax jugta qaraxyo Culus,kaas oo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay siweyn u dareemeen cabsina ku abuurey. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxyo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama. Xilliga ay dhacayeen Jugta qaraxyada ayaa waxaa markii hore ay dadka u maleynayeen in hoobiyeyaal ay kusoo dhacayaan magaalada Muqdisho,hayeeshee markii uu waagii baryey la ogaadey in la qarxiyey qaar kamid ah kaamirooyinka lagu xirey meelo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama. Dad saakay tegay qeybo badan oo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa sheegeen in dhowr kaamirooyin ah la qarxiyey,kuwaas oo gebi ahaan burburey. Goobaha wadooyinka ah ee lagu xirey Kaamirooyinka ayaa waxaa inta badan Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro ku leh Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,hayeeshee aan la ogeyn sababta keentay in kaamirooyinka qaraxyo lagu xiro lana qarxiyo. Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin kaamirooyinka la qarxiyey,waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ee wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku xirnaayeen kaamiooyinka la qarxiyey.
-
Qaran News
