Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sahankii u horeeyay oo ah Mashruuc lagu dhisayo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilowday, ayada oo garoonkan uu ku fariisan doono dhul cabirkiisu yahay 14KM. Xubno ay ka mid yihiin xildhibaan Cabdulqaadir Carabow, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo Ganacsato ayaa waxaa ay kormeer ku tageen halka laga hirgelin doono Garoonka oo ah duleedka Waqooyi Bari ee Magaalada Muqdisho. Garoonkaan ayaa waxaa laga dhigi doonaan mid ku habboon istiraatiijiyad ahaan, waxaana mashruuca lagu dhisayo uu noqon doonaa kii ugu ballaarnaa ee laga fuliyo Soomaaliya. Goobta la sahmiyay ayaa Muqdisho u jirta ku dhowaad 35KM, waxaana dhul ahaan ay ka tirsan tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay u dhaxeysa Dekedii Ceel Macaan iyo degmada Warsheekh. In garoonka cusub laga dhiso dhulkan ayaa waxaa dadaal u galay xildhibaano kasoo jeeda deegaanka oo uu ugu horreeyey xildhibaan Cabdulqaadir Carabow. Xildhibaanka ayaa sheegay in dhulkan uu yahay kan ugu habboon ee garoonka laga dhiso karo, marka la eego sida uu u wanaagsan, iyo masaafada uu u jiro magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintii booqday dhulkan loo qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed ayaa sidoo kale isla qaatay inay tahay meel istiraatiijiyad ah oo ku habboon dhismo garoon diyaaradeed, marka loo eego baaxada dhulka uu ku fadhiyo, dhanka xeebta uu saaran yahay. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in mustaqbalka laga guuri doono, maadaama magaalada gudaheeda uu ku yaallo, garoonkana uu isku bedelay meelo deegaan u ah Safaarado iyo Hey’addo shisheeye, sidaas darteed mustaqbalka la rajeynayo in garoon weyn oo caalami ah laga dhisi doono duleedka Muqdisho. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa horay u balan-qaaday mashaariic ku baxaya ballaayiin doolar inay ka hirgelin doonto Soomaaliya, kaasoo uu ku jiro garoon diyaaradeed.
  2. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar kasoo saartay xanuunka CORONAVIRUS. “Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu waxay bulshada Soomaaliyeed la wadagaysaa dadaalada ku aadan cudur dillaaca xanuunka coronavirus oo laga xaqiijiya 18 dal oo dunida ku kala yaal,” ayay tiri. Waxay raacisay: “Wasaaraddu waxay had-iyo-jeer ku guda-jirtaa gudashada waajibaadkeeda qaran si walba oo ay xaaladuhu u adkaadaan”. View the full article
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Kismaayo, isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Janan ayaa waxaa Kismaayo ka qaaday diyaarad ciidan, oo ay leeyihiin militariga dalka Kenya, sida ay xubno ka tirsan maamulka Jubaland u xaqiijiyeen Caasimada Online. Xubnahan ayaa sidoo kale sheegay in sababta Janan loogu qaaday Nairobi ay tahay in lagu soo sameeyo baaritaan caafimaad, maadaama muddo shan bilood ah uu ku jiro xabsi. Janan ayaa la rumeysan yahay inuu ku xanuunsaday xabsiga, taasi oo ahayd sababta markii hore looga soo saaray ee loogu soo beddelay xabsi guriga, halkaasi oo uu ka baxsaday 28-kii Janaayo, sida ay sheegtay taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Jeneral Zakiya Zuseen. Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu hakad ku ahaa, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa.
  4. Kulan Deg Deg ah ayaa wuxuu hada ka socdaa Madaxtooyada Jubbaland kasoo lagusoo dhaweynayo Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Kismaayo Doon ugu soo tahriibay kadib markii [...] Source
  5. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka falceliyey cabashadda laga gudbiyo safaaradaha. “Safaaraduhu waxay u sameysan yihiin in ay u adeegaan dadka Soomaaliyeed, cabasho way imaan kartaa, laakiin mararka qaarkii dadku waxay dalbadaan waxa aysan awoodi karin safaaradu,” ayuu yiri wasiirku. Isagoo hadalkiisa sii wata, Mr Cawad ayaa daboolka ka qaadey in aysan jirin waqti xaadirkan wax cabasho ah oo loosoo gudbiyey. Dhanka kale, wasiirka ayaa ku nuux-nuux saday in mowqifka Soomaaliya ee kiiska badda uu yahay in ay go’aamiso Maxkamadda ICJ. Ugu dambeyntii, wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ah ay dedaal badan ku bixineyso sidii xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen muwaadiniinta ku xiran qaar kamid ah dowladdaha caalamka ee loo haysto dambiyo kala duwan. View the full article
  6. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Janan oo 28-kii bishan ka baxsaday xabsi ay dowladda federaalka ku haysay, kuna yaalla magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Janaan ayaa Kismaayo ku sugnaa saacado, wuxuuna halkaasi kula kulmay madaxda Jubbaland, waxgarad iyo saraakiil ciidan oo uu arrimo badan kala hadlay. Intaasi kadib ayaa la sheegay in diyaarad gaar ah ay ka qaadday garoonka Kismaayo, una duula dhanka magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhanka kale,degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo magaalada Kismaayo waxaa ka soconaya dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo imaanshiyaha Janan. Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasiir Janan uu ka baxsaday xabsi ay ku hayeen, balse qaabka faah faahin rasmi ah lagama helin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Aougadougou (SMN) – Kalfadhigii 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee maalmahanba ka socday Caasimadda Dalka Burkina Faso ee Aougadougou ayaa maanta lasoo gabeeyay,waxaana khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee shirka ka qeyb gashay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad dhinacyo Badan taabaneysa ka jeediyay Shirka ayaa waxa uu ugu horeyn khudbadiisa kaga hadlay xaaladda hada ka taagan Caalamka Islaamka oo uu sheegay in ay sabab u tahay is qab qabsiga Dowladaha dhexdooda ah oo laf ahaanteeda laga faa’ideystay iyo sidoo kale Argagaxisada ah oo uu sheegay in ay u baahantahay Qorshe lagula dagaalamo islamarkaana guud ahaan la cirib tiro,sidoo kalena dhibaatooyinka muslimiinta heysta ay ka mid tahay in ay yihiin qaxootiga ugu badan caalamka ee maanta Marka loo eego dadyowga kale ka dib markii ay waayeen amni ay ku noolaadaan waxa keliya looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo qorshe mid ah oo la yeesho. Waxa uu sheegay in hadii aan la helin talo dhab ah oo mideysan inaan horumar la gaari karin xaaladana laga yaabo in ay kasii darto. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar uu ka hadlayay xaaladda Dalka Falastiin waxa uu sheegay in dadka Reer Falastiin ay ku noolyihiin dhibaayooyin aan marnaba la aqbali karin ay tahayna in ka hadal keliya lagu soo koobin oo in ficil loo bedelo u baahan,waxa uu tusaale usoo qaatay in ay shacabka Falastiiniyiintu ay heystaan xaalado isugu jira dhinacyada Bulshada,dhaqaalaha iyo sidoo kale xornimo la’aan Oo ay u dheertahay islamarkaana dhulkooda lagu gumaadaayo taasoo bani’aadanimada iyo qaanuunka caalamiga ahba ka baxsan. Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay mar walba la xanuusaneyso walaalaha Falastiiniyiinta ayna ku garab taagantahay sidii mar walba ay u heli lahaayeen xuquuqaadka ay leeyihiin gaar ahaan In lama taabtaan ay tahay In Qudus Shariif ay tahay Caasimadda Falastiiniyiinta. Mar uu ka hadlay Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxaha Argagaxisada ah waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixineyso ciribtirka kooxaha Argagaxisada ah islamarkaana iyadoo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka dhow la ah iyo kuwa deriska la ahba ay guul weyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto. Waxa uu tilmaamay In Aragagixisadu aysan jirin meel ay dhaafeyso meelaha ay beegsadaanna ay u badanyihiin meelaha ay dadka Shacabka ah joogaan xitaa ay Dowladaha deriska ah dhibaato ku haayaan laakiin waxa keliya ee looga guuleysan karo ay tahay in meel looga soo wada jeesto. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay horumarinta Adeegyada bulshada iyo sidoo kale in Soomaaliya horumar Badan Oo dhinacyo Badan leh ay ku talaabsaneyso,waxaana la ansixiyay dhamaan sharciyadda muhiimka u ah doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo taasoo Hada diyaar garowgeeda lagu jiro. Maanta gelinkii dambe ayaa gebi ahaanba shirka lasoo gaba gabeeyay,waxaana laga soo saaray war murtiyeed ay ku xusanyihiin qodobadii ka qeyb galayaasha shirka ay ku shirka maalmaha uu socday. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Saddex Carruur ah oo ay Laba ka mid ah Walaalo ahaayeen ayaa Shalayto ku dhimatay Baraag ay Biyo ku jiraan oo ku taalla degaanka Laasa-Caanood oo ka tirsan Degmada Shilaabo ee Dhulka Soomaalida Itoobiya. Ilamahan oo dhammaantood Wiilal ahaa ayaa lagu kala Magacaabi jiray, Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7 Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini oo 6 Jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4 jir ahaa. Carruurtan oo kasoo jeeda Qoys reer Miyi ah ayaa la sheegay in ay la joogeen Nirgo Geela laga reebay xilligii ay Baraagta ku dhacayeen. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha Soomaliya, Marwo; Fowsiyo Maxamed Shiikh ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Dalka Marooko, Abdelkader Amara ,iyagoo ka wada hadlay in Iskaashi Labo geesood ah ay ka yeeshaan maamulka iyo maareynta khyeyraadka Biyaha ee Labada Waddan. Labda Wasiir ayaa isku waafaqay in la dhiso Guddi Farsamo oo ka arrinsada sidii Soomaliya looga taageeri lahaa xirfadaha aqoonta la xiriirta horumarinta Biyaha , ilaalinta aaggaga dhowrsoon iyo sidii loo joogteyn lahaa Biyaha. Sidoo kale waxay Wasiirradu ka wada hadleen sidii Soomaliya looga taageeri lahaa qalabka fududeeya maareynta Biyaha, sida yaraynta fatahaadaha iyo ka faa’iideysiga Biyaha Roobka. Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaliya, Marwo; Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa intaa ka dib booqatay goobo ay Dowladda Marooko ka fulisay mashaariic lagu horumarinayay isticmaalka Biyaha oo ay ka mid yihiin Dhaabab. Biyo xireennada ay Wasiiradda iyo wafdigeedu booqdeen ayaa ahaa kuwo ay Dowladda Marooko u isticmaasho Koronto dhalin, waraabinta Beeraha, Biyo gelinta Magaalooyinka iyo arrimo kale kale. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/War-Duhur-31012020.mp3 View the full article
  11. Kismaayo, Jubaland – Jubaland ayaa shaaciyey in wasiirkii amniga maamulkaas, Cabdirashiid Janan, uu maanta gaarey Kismaayo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedkaas. Wararka ayaa sheegaya in Janan ay dekadda Kismaayo ka dejisay doon ay ku wehliyeen mas’uuliyiin aan la shaacin magacyadooda. Janan oo loo gudbiyey xarunta Madaxtooyadda Jubaland ayaa qorshuhu yahay in uu hadlo saxaafadda. 28-kii Janaayo, 2020, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Janan uu ka baxsaday xabsiga uu ku xirnaa. Bishii August, 2019 ayay ahayd markii Janan laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda caasiamdda Itoobiya ee Addis Ababa. Booliska Soomaaliya ayaa tibaaxay in loo haysto dambiyo culus oo uu ka geystay gobolka Gedo, sidda uu hadalka u dhigay. Maxkamadda gobolka Banaadir ayuu hal jeer kasoo muuqday 6-da bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-ka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wasiir-Janan.mp3 View the full article
  12. Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo maalmahaanba laweysanaa ayaa wuxuu isagoo nabdoon soo gaaray Kismaayo, waxaa weheliya Sadex Askari oo lasoo goostay Wasiirka. Warar aad [...] Source
  13. Waxaa Xeebta Kismaayo soo gaaray Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland Cabdirashiid Janan oo in mudo maalmo ah lawaysanaa kadib markii bilaysku ay sheegeen inuu baxsadey. Wasiirka [...] Source
  14. Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland, ayaa xaqiijinaya in halkaasi oo maanta gaaray, Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan, oo maalmo ka hor dowladda Soomaaliya ay sheegtay in uu ka baxsaday meel uu ku xirnaa. Janan ayaa la sheegay in uu Kismaayo ku tegay dooni uu ka raacay xeebta Muqdisho, waxaana hadda la geeyay guriga Martida Jubaland ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo soo dhaweyn loogu samaynayo. Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto. Sakiya Xuseen Axmed, ayaa 28-dii bishan January Shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday, Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) oo mudda 5 bilood ah magalada Muqdisho ugu xirnaa dowladda Soomaaliya. Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay, ayay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saaka ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, islamarkaana ay ku raad-joogan hay’adaha Amniga, si gacanta mar kale loogu soo dhigo. 31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia. 6-dii October 2019, ayaa sidoo kale la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay denbiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa. Wixii intaas ka dambaysay, Cabdirashiid janan waxa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ka hor inta aan la shaacin, in uu xabsigaasi ka baxsaday. PUNTLAND POST The post Wasiir Janan oo gaaray magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubaland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, waxaana kadib loo gudbiyey madaxtooyada Jubaland oo uu hadda ku sugan yahay. Wararka aan helnay ayaa sheegay in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana marar badan soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin. Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Maamulka Jubaland weli war rasmi ah kama soo saarin tegintaanka Jana nee Kismaayo, balse waxaana hadda ay leeyihiin wada-tashiyo ku saabsan qaabka ay arrintan u shaacinayaan.
  16. Soomaaliya iyo Marooko oo heshiis cusub gaaray Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Fowsiyo Maxamed Shiikh, ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Boqortooyada dalka Marooko Abdelkader Amara, waxaan ay ka wada hadleen in Iskaashi Laba geesood ah ay ka yeeshaan maamulka iyo maareynta khyeyraadka Biyaha ee Labada Waddan. Wakaaladda SOONA, ayaa ku warrantay in Labda Wasiir ay ku heshiiyeen in la dhiso Guddi Farsamo oo ka arrimiya sidii Soomaliya looga taageeri lahaa, xirfadaha aqoonta la xiriirta horumarinta Biyaha , ilaalinta aaggaga dhowrsoon iyo sidii loo joogteyn lahaa Biyaha. Sidoo kale, waxay Wasiirradu ka wada hadleen sidii Soomaliya looga taageeri lahaa qalabka fududeeya maareynta Biyaha, sida yaraynta fatahaadaha iyo ka faa’iideysiga Biyaha Roobka. Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa intaas ka dib booqatay goobo ay dowladda Marooko ka fulisay mashaariic lagu horumarinayay isticmaalka Biyaha oo ay ka mid yihiin Biya-xireenno. Biyo xireennada ay Wasiiradda iyo wafdigeedu booqdeen ayaa ahaa kuwo ay dowladda Marooko u isticmaasho Koronto dhalin, waraabinta Beeraha, Biyo gelinta Magaalooyinka iyo arrimo kale kale. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo heshiis dhanka kheyraadka Biyaha ah la gashay Marooko appeared first on Puntland Post.
  17. Waxaa xalay gaaray Magaalada labaad ee dalka Cumaan ee Salalah wafti uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqorka Beelaha Daarood, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Boqor Burhaan oo maalmahan booqasho ku joogay wadanka Cumaan ayaa ka soo kicitimay Caasimadda Cumaan ee Masqad. Boqorka iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Salalah, waxaa soo dhoweeyey shuyuukhda beelaha carabta, Meheri, Daarood, Kuthayr iyo kuwa kale. Jeneraal Ahmed Mohamed Gahthani oo ah Sheekh, Xildhibaanna ka ah Barlamanka Yemen iyo taliyihii booliska hore ee Gobolka Mahra ee cumaan ayaa hoggaaminayay masuuliyiinta soo dhaweysay Boqorka. Waxaa Boqorka halkaas si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaalida ku dhaqan Dalka iyo odoyaasha ka soo jeeda beesha daarood ee dalka cumaan Boqorka iyo waftiga la socda mudada ay joogaan waxay kulama dhaqan la geli doonaa odoyaasha Beesha Daarood iyo Beelaha kale ee Carbeed ee wadanka Cumaan. PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan Oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Salalah appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan Casho ah kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ay ku weheliyeen Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan safaarada Talyaaniga. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga, waxaa kale oo laga wada hadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ee Puntland iyo mashaariicda horumarin. PUNTLAND POST The post Deni oo la kulmay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Khamiis’nimadii maanta Tariikhduna kubeegnayd 30/01/2020 Hay’ada marqaati ayaa Siminar ku saabsan ladagaalanka musuqmaasuqa ku qabatay magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka mudug. Tababarkaas waxaa aad looga hadlayey sidii loo cirib tiri lahaa musuqa iyo heerka uu ka joogo Somalia. Tababarkaas oo ay kasoo qayb galeen 50 qof oo bulshada qaybeheeda kala duwan.Waxaa si qoto dheer uga hadlay Aqoonyahanad Ayan Farhan Ali, Dr.Mohamed Yahye Iyo Shiek Abdikarin Elmi oo caddeeyay muwqifka diinta islamku kataagan tahay Musuq maasuqa. Dhammantood waxay bogaadiyeen Shaqada culus oo ay Hay’ada marqaati qabanayso, waxayna soojeediyeen 1. In lasameeyo Xeer Ciqaabeedka Musuqmaasuqa 2. In madax banaani buuxda lasiiyo Hay’adaha Garsoorka iyo kuwa kushaqada leh ladagaalanka musuqa. 2019 Hay’ada marqaati waxay soo saartay Daraasad ku saabsan musuqmaasuqa taaso aad kadaalacan kartaan Website-ka Hay’ada ee ah Marqaati.org PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Hay’adda MARQAATI oo qabatay Tababar ku saabsan Musuq maasuqa appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (SMN) – Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend oo su’aalo ay weydiinayeen xildhibaanada aqalka senatka ee Mareykanka ayaa faahfaahino ka bixiyay sidoo kalana suaalo laga weydiiyay howgalada Mareykanka ee dalal ay ku jirto Soomaaliya Haweeneey lagu magacaabo Martha McSally oo ka tirsan xildhibaanada aqalka senatka ee Mareykanka ayaa taliyaha ciidamada Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend weydiisay su’aalo ku saabsan weerarkii Al-shababa horaantii bishan ay ku qaadeen xero Mareykanka uu ku leeyahay dalka Kenya. Haweeneyda ayaa weydiisay taliyaha howgalka AFRICOM,hadii weerarkaasi looga adkaaday iyo sidoo kale tilaabada xigta uu qaadayo kadib weerarkii Al-shabaab ee xerada Manda Bay oo ku taala magaala xeebeedka Lamu ee woqooyi bari dalka Kenya ,halkaas askar looga dilay Mareykanka. Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend oo su’aashaasi ka jawabiyay ayaa sheegay in Al-shabaab ay gudaha usoo galeen xerada Manda,ayna u suurta gashay in ay dileen sadex askari oo American ah,isla markaana ay burburiyaan lix diyaaradood,waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamadii ku sugnaa xeradaasi aysan sidii loogu tala galay ugu diyaarsaneen xiligaasi weerarka,balse ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan weerarkaasi faahfaahina ay ka bixin doonaan. Ugu danbeyn, Taliyaha howgalka AFRICOM ee Mareykanka General Stephen Towsend View the full article
  21. Warbaahinta dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka soo warrantay in Saddex Carruur ah oo ay Laba ka mid ah Walaalo ahaayeen ay Shalayto ku dhimatay Baraag ay Biyo ku jiraan oo ku taalla degaanka Laasa-Caanood oo ka tirsan Degmada Shilaabo ee dowlad degaanka DDS.. Ilamahan oo dhammaantood Wiilal ahaa ayaa lagu kala Magacaabi jiray, Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7 Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi Diini oo 6 Jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4 jir ahaa. Carruurtan oo kasoo jeeda Qoys reer Miyi ah ayaa la sheegay in ay la joogeen Nirgo Geela laga reebay xilligii ay Baraagta ku dhacayeen. PUNTLAND POST The post Saddex Carruur ah oo ku dhimatay Baraag ku taalla Miyiga Shilaabo appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM aya ku dhawaad kun askari ka dhimi doona bisha labaad ee Febraayo ciidamada qeybta ka ah howgalka AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Kulankii 29-aad ay yeesheen gudiga howgalada ee AMISOMoo ay marti galisay dowlada Uganda ayaa lagu qabtay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi Uganda,waxaana shirkaasi shir gudoomiyay madaxa nabada iyo amniga ee midowga Africa Smail Chergui. Kulankaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiil sar sare oo qeyb ka ah howgalka AMISOM oo ka socday wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda ,Ghana iyo wakiilo ka socday dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay.Midowga Yurub,dowlada Mareykanka,booqrtooyada Ingiriiska Ruushka iyo Turkiga oo dhamaantood kulanka lagu casuumay. Golaha ayaa u codeeyay in la dhimo ciidamada jooga Soomaaliya ee howgalka nabad ilaalinta AMISOM qeybta ka ah,balse uu golaha albaabada u furo in dib looga fiirsan karo go’aankaasi hadii ay xaalada amaan ee goobaha ay ciidamadaasi ka baxeen ay ka darto. Midowga Africa ayaa bishii Febraayo ee sanadkii lasoo dhaafay kun askari ka dhimay howgalka uu taageero ee nabad ilaalinta AMISOM,ciidamadaasi oo isaga baxay deegaano ka tirsan maamulka Hirshabelle,balse markale AMISOM ayaa kun askari ka dhimeysa ciidamada ka jooga Soomaaliya. Ugu danbeyn, sanadkii 2017 ayuu qorshaha ahaa in ay AMISOM ay bilawdo qorshaha ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya,balse howgalka AMISOM ayaa soo jeediyay in dalka doorasho ay kusoo wajahantahay sidaas darteedna ay muhiim tahay joogitaankooda,balse AMIOSM ayaa hada wada qorshaha amaanka dalka ay ugu gacan galinayaan ciidanka xooga dalka,iyagoo sanadihii ugu danbeeyay isaga baxay goobo ay daganaayeen dhowr iyo toban sano kahor markii ay yimaadeen Soomaaliya. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Sheekh Isxaaq Mursal [Gees-dheere], gudoomiyaha Ahlu Sunna garabka Koonfurta Soomaaliya ayaa ka hor-yimid doorashadda Sheekh Shaakir. Shaakir ayaa la sheegay in loo doortay madaxweynaha Ahlu Sunnada ku sugan magaaladda Dhuusamareeb. Mr Gees-dheere oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay caasimadda maamul goboledka Galmudug aysan talo ku lahayn. Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay aqoonsan yihiin doorashadda dowladdu ka waddo guud ahaan degaanada maamulkaas. Wuxuu ka digay in Galmudug loo horseedo dhibaato horleh iyo qalalaaso, isagoo soo jeediyey in lawada hadalo oo xal laga gaaro. Dhowaan ayay ahayd markii Dhuusamareeb ay ka dhacday doorasho la sheegay in Sheekh Shaakir loogu doortay madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna. View the full article