-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
WASHINGTON: The eldest daughter of Microsoft founder Bill and Melinda Gates, Jennifer, is engaged to an Egyptian Muslim, Nayel Nasser. Source: Hiiraan Online
-
Safiirka dowladda Mareykanaka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xalay war ka soo saaray doorashada madaxtinimada Galmudug oo sida qorshaysan saacdaha soo socda ka dhacaysa magaalada Dhuusaamreeb. Mr. Yamamoto oo Qoraal ah kooban soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in uu Isha ku hayo Arrimaha doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug. Safiirka ayaa ku baaqay in qof kasta oo ay khusayso doorahada Galmudug uu ka fogaado fowdo iyo rabshado dhaca, isla markana waxaa uu la dalbaday in laga wada qeyb qaato wada-hadallada nabadeed ee socda. “Waxaan uga baaqeynaa qof kasta inuu ka fogaado halista rabshado, islamarkaana lasii wado in laga qeyb qaato wada-hadallo nabadeed” ayaa lagu yiri Donald Yamamoto Doorashada maanta ka dhacaysa Dhuusamareeb waxaa ka soo horjeeda qaar kamid ah Musharaxiinta Galmudug Xaaf iyo Ahlusunna oo maalmo ka hor madaxweyne u doortay Sheikh Shaakir. PUNTLAND POST The post Safiirka Maraykanka oo war ka soo saaray doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Former US president, Jimmy Carter, announced on Friday that current US President Donald Trump’s “deal of the century” breaches international law, CNN and other international agencies reported. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa digniin ka soo saaray doorashada maanta lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa saqdii dhexe ee xalay qoraal uu soo saaray, kuna qornaa afka qalaad waxa uu gaarsiiyay Beesha Caalamka, isagoo markaasi ka digaya cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Dowladda Federaalka iska indho tirto doorashadii maalmo ka hor isaga lagu soo doortay, isla-markaana ay qabato doorashada maanta la fillayo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraalka ku sheegay inay Dowladda Federaalka dooratay wadadaan, isla-markaana ay sii waddo qorshaheeda ka dhanka ah Xarunta Gobolka iyo daneeye-yaasha siyaasadda. Sidoo kale waxaa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka hortimid talooyinkii ay u jeediyeen iyo cabashooyinkoodii ku aadanaa arrimaha maamul u samaynta Galmudug. Qoraalkan ayuu ku sheegay inay Dowladda Federaalka qaadi doonto masuuliyadda wixii dhimasho iyo burbur ee ka dhasha fowdada uu dowladda ku eedeeyay inay ka abuureyso Galmudug. Sidaasi daraadeed waxaa uu si naxariis leh uu Beesha Caalamka uga codsaday inay ka hortagto dhibaatada ka soo wajahan doorashada ay dhabarka ka riixeyso Dowladda Federaalka, isla-markaana ay dowladda ku booriyaan in wadahadal nabadeed lagu dhameeyo xaaladan siyaasadeed. Khilaafkan hareeray dhismaha Galmudug ayaa cirka isu sii shareeray, ka dib markii Dowladda Federaalka lagu eedeeyay inaanay doorashada ka dhigin mid daah-furan, isla-markaana ay cid gaar ahi ku taageereyso. Tani ayaa waxay Galmudug ku jiheysay jid ay saddex maamul ku yeelaneyso Galmudug-tii mideysneyd.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa ka jawaabay codsi dhawaan ka yimid Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa in laga cafiyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisii. Qalbi-Dhagax oo u waramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Sanbaloolshe uu dhageystay hadalkiisa, balse uu u arko nin aan diyaar u aheyn ka garaabidda khaladkii uu ka galay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in cafiska uu ka dalbaday Sanbaloolshe uusan kaligiis go’aan ka gaari karin, balse uu yahay khalad laga galay umadda Soomaaliyeed oo dhan. “Iima muuqan Sanbaloolshe dunuubtii uu iga galay inuu ka toobad keenayey, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayuuna dembi ka galay, ONLF oo urur gobanimo doona ah, oo ku halgamaya mabaadii’idii 600 oo sano ay umadda Soomaaliyeed ku halgameysay ayuu dembi ka galay, shakhsiyanteyda dembi ayuu iga galay, marka cafiskiisu ii gaar maaha, intaas aan soo sheegay ayuu cafis ka sugayaa, markii uu si dhab ah uga soo laabto khaladkiisa ayaan sugeynaa” ayuu yiri Qalbi-dhagax. Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko in ONLF ay weli dowladda ugu diiwaan gashantahay urur argagixiso ayuu yiri Qalbi-Dhagax, “Dowladdu ha iskaga adkeysato go’aankeeda iyadey u taalaa waana la arki doonaa ciddii xiriir la leh argagixiso, marka uma tilmaamayo dowladda waxii ay ka yeeli laheyd arintaas”. Halkan ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Wareysi-Qalbi-Dhagax.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Ibraahim Daqarre oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo ayaa sheegay in laga hor istaagay inay booqdaan deegaanadii laga soo doortay ee gobolkaas. Xildhibaankan ayaa xaaladda qalafsan ee ka taagan gobolka Gedo ku eedeeyey in ay ka bilaabato kuna dhamaato madaxweyne Farmaajo, waxuuna u soo jeediyey talooyin iyo dhaliilo dhowr ah. Xildhibaan Daqarre ayaa sheegay in diyaaradihii loo diiday inay u raacaan gobolka Gedo ay dowladdu ku qaaday ciidamo lagu daabulay gobolkaas oo uu sheegay in ay fidno ka abuureen. Sidoo kale Xildhibaan Daqarre ayaa sheegay in ciidamadii la geeyay gobolkaas ay u kala baxeen kuwo Shabaab raacay iyo kuwo gobolka ka hurinaaya dagaal qabiil. “Sagaal duulimaad oo ciidamo wada ayaa la geeyey Luuq, ciidamadii dalka loo tababarayu in dib loo celiyo oo deegaanka Daawo lagu qabsado waa nasiib darro, degmooyinka gobolka Gedo waxaa la xoreeyey 2011-kii, iyadoo Farmaajo shacab yahay oo uu iska joogo Mareykanka, maantana isgoo Madaxweyne ah ayuu dagaal ka hurinayaa oo Shabaab u loogayaa deegaankiisa. Xildhibaan Daqarre ayaa sheegay in dowladan ay ka filayeen xoreynta Bu’aale iyo deeganada kale oo Shabaab heysto, balse hadda ay ka mareyso Jubbaland Gedo halaga jaro. “Madaxweyne waxa gobolka Gedo aad ka wado kor uga bax arin fiican maaha sideeda bilood ee kuu hartay si nabad ah ku dhameyso hadaa sharaf rabto” ayuu yiri xildhibaan Axmed Ibraahim Daqarre. Ugu dambeyntii xildhibaankan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo haduu diyaar u yahay ay soo hor fariisinayaan Axmed Madoobe, balse aan la qaadan karin hagar daamo uu sheegay in uu ku hayo gobolkaas. “Madaxweynaha waxaan leeyahay dowladaadu Maka Al-mukarama ayey ka tali la’dahay, waxa aad Gedo ka wadana waa gacan togaaleysi ee ka har, sideedaada bilood dhameyso ee ka wareeg umaddan kolba soo laaban meyside, in aadan soo laabeyn adiguna waad ogtahay anaguna waan ognahaye dadka haraati dambeedka kadaa” ayuu yiri Xildhibaan Daqarre oo ka tirsan golaha shacabka. Halkan ka Daawo
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa digniin ka dhan ah madax-banaanideeda u dirtay Beesha Caalamka, midaasi oo ay uga digeysay in gobolka laga sameeyo faro-gelin wax u geysaan kara madax-banaanida Somaliland. Somaliland ayaa Beesha caalamka uga digtay faro-gelin kasta oo waxyeelo ku noqon karta madax-bannaanideeda, xornimada siyaasadeed iyo mideeda dhuleed. Wasaarada arrimaha dibeda Somaliland, ayaa digniintaasi Beesha caalamka ugu dirtay War-saxaafadeed ay maanta soo saartay, kaasi oo ay jawaab kaga bixinaysay war-saxaafadeedkii wada-jirka ahaa ee ay soo saareen Guddida doorashooyinka ee Soomaaliya iyo beesha caalamka 28-kii Bishii Janaury, 2020-kii. Wasaarada ayaa sheegtay in Somaliland ay ka jirto dimuqraadiga ugu xoogga badan ee Bariga Afrika, sidaas darteed aanay habboonayn in la isku khaldo geddi-socodka tijaabada ah ee aan laga heshiin ee dalka Soomaaliya. War-saxaafadeedkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka u cadeynayso inay sii wadayso dimuqraadiyadeeda iyo kaalinta ay ku leedahay nabadgelyada gobolka iyo gacan siinta Komishanka doorashooyinka ee maamulkeedu sameystay. Wasaarada ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqday beesha caalamka inay dhex ka noqdaan oo ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo ammaanka gobolka, iyadoona xustay inay soo dhaweynayso in beesha caalamku ay dhiirigeliyaan wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya si ay labada dhinac u xaqiijiyaan nabad-gelyada iyo iskaashiga ay yeelan karaan.
-
Isku aadka ciyaaraha xagaaga Columbus Ohio oo la soo saaray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xaflad si aad ah loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio. Xafladda ayaa loo sameeyay qori isku tuurka isku aadka ciyaaraha xagaaga ee sanadka 2020, taasoo lagu wado in ay ka soo qeyb galaan kooxo dhan 31 kooxood oo ka kala imaanaya gobolada dalka Mareykanka iyo Canada. Xafladda Qori tuurka oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan madaxda gobolka Ohio aya halkaa ku baraarujiyay kooxaha tartamaya in aay xoojiyaan tayada ciyaar yahanada da’da yar isla markaana loo carbiyo ciyaartooyda kuwa noqdo hoggaamiyeyaasha jaaliyadda. Koobka ciyaaraha xagaaga ayaa sanadkan wuxuu noqonayaa sanadkii seddexaad iyadoo koobkii sanadkii hore ay ku guuleysteen kooxda Ohio Elite. Halka koobka ciyaartoyda cuslaatay ay ku guuleysteen kooxdii Boston. Isku aadka jadwalka ciyaaraha iyo wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaa bartooda internetka Ohio Spring Cup Isku aadka kooxaha tartanka kubbadda cagta ee xagaaga 2020. April 8 -to- 11. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay soo saartay warqad ay ugu hanjabeyso hey’ad laga leeyahay dalka Turkiga oo maamusha isbitalka Yardimeli oo ku yaalla degmada Xamar-Jabab gobolka Banaadir. Haddaba maxay isku hayaan labada dhinac? Caasimada Online waxay ogaatay in arrinta ka dhaxeysa maamulka isbitaalkaas iyo iyo wasaaradda caafimaadka ay muddo soo taagneed, waana idiin soo gudbi doonaynaa jawaabo ay warbaahinta isku mariyeen maamulka wasaaradda iyo kan isbitaalka. Ugu horeyn Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdullahi Xaashi Cali oo 29-kii bishii hore ee Janaayo la hadlay VOA ayaa sheegay in wasaaraddu ay wado qorshe dib loogu soo celinayo goobihii caafimaadka dad-weynaha ee hoos tagi jiray wasaaradda caafimaadka, iyagoo gacan ka helaya dowladda Talyaaniga. “18-ka gobol ee dalka waxaa ku yaallay isbitaallo bixiya adeeg dadweyne oo dowladdu gacanta ku heysay, markii ay dalku burburayna badankood waxay gacanta u galeen shakhsiyaad gaar ah sanadkii hore ee 2019 wasaaradda waxaa u suurta gashay inay dib u soo ceshato labadii isbitaal ee ugu waaweynaa dalka oo kala ah isbitaal Banaadir iyo Martiini, kuwa kalena waan lasoo wareegi doonaa” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda caafimaadka. Mar uu si gaar ah uga hadlayey arinta Isbitaalka Yardimeli waxa uu yiri, “Isbitaalka Yardimeli oo isagu dhul aad u weyn ku fadhiya badda agteedana ku yaalla waxaa heysta hey’ad la yiraahdo Yardimeli waxay ku doodaa waa la i siiyey, si gaar ah ayey ugu shaqeysataa dadka lacagtooda ayaa loogu adeegaa dhismihiisana waxaa bixiyey dad Turkish ah oo ugu tabarucay, si shakhsi ah ayaana loogu shaqeystaa, dowladana xiriir lama lahan, in badan oo wasaaradu u yeertana wey ka dhega adeegeen.” “Waxay ku doodayaan dhulkaan anagaa iska leh wasaaraduna waxay ku doodeysaa dhulkan malihid, sharciyadna uma heysatid, dhismahana malihid, marka waxaan ku niri idiinma diidanine sharciyadda maamulka isbitaalku ha cadaato oo heshiis wasaaradda la gal doorka dowladuna ha cadaado” ayuu yiri agaasimaha wasaarada caafimaadka Cabdullahi Xaashi Cali. Hadaba mar kale 30-kii Janaayo waxaa VOA u waramay isku duwaha isbitaalka Yardimeli oo u jawaabay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdullahi Xaashi. Isku duwaha Isbitaalka, Emre Gitel ayaa yiri, “Dhismaha isbitaalkan waxaan billawnay sanadkii 2011-kii, waxaana adeegiisa bilaawnay 2017-kii adeegyo badan ayaan siinaa dadka Soomaaliyeed, hadalka agaasime Cabdullahi aadbaan uga xumaanay malaha agaasimuhu kama war qabo waxaa jira nidaam qaran oo noo dhexeeya anaga iyo wasaaradda caafimaadka kaas oo qeexaya qaabka uu isbitaalkani u shaqey doono, marka hadalka agaasimaha aadbuu noo taabtay waxaana gaarsii doonaa dadka aan looga maarmin”. Sidoo kale mas’uulkaan ka tirsan maamulka isbitaalka Yardimeli ayaa sheegay in dhulka sanadkii 2011-kii uu siiyey madaxweyne Shariif Sheekh iyo duqii Muqdisho ee xilligaas, isla markaana ay ka dhiseen dhisme qurux badan iyadoo meeshu horay u aheyd qashin qub. “Agaasimuhu waxa uu sheegay in Yardimeli uu yahay isbitaal u furan ganacsi, waxaa jira heshiis u dhaxeeya wasaaradda caafimaadka, hey’adda Yardimeli iyo hey’adda Manhal, lacgta aan halkan ka shaqeyno waxay ku laabataa isbitaalka oo u shaqeeya shacabka Soomaaliyeed, tusaale korontada laga isticmaalo isbitaalka waxaa nooga baxda 20,000 oo dollar, waxaana ka shaqeeya 180 qof oo Soomaali ah, marka lacagaha ka soo baxa isbitaalka uma dirno Turkiga ee waxaan kuu sheegayaa in lacago aan ka keeno Turkiga aan ku bixino gudaha Soomaaliya wixii cadeymo ahna waxay ku cadyihiin bankiyada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalkan Turkiga ah. Hadaba warqadda maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka ayaa lagu yiri, “Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan.” Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay inay ayada ka mas’uul tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka dalka, ayna dalka ka shaqeyn karin cid aan ayada ogolaansho ka haysan. “Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed,” Ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxay Wasaaradda Caafimaadka ka qaadanaysaa dadka u bareeray jabjnta sharciga iyo ku tumashada qawaaniinta tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah.” Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhinaca kale sheegtay inay dadka iyo dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celinayso is garab taagooda walaalnimo iyo gurmadka baaxada leh oo ay u fidinayaan dadka walaalaha ah Soomaliyeed. Hase yeeshee waxay intaas ku dartay “Wasaaradda Caafimaadka uma dulqaadan karto in kaalmada bani-aadanimo iyo taakulada walaalnimo ay noqdaan kuwo lagu fushado dano gaar ah, lagana dhigto deeqahaas kuwo laga macaasho oo ganacsi laga dhigto iyadoo dadka Soomaliyeed baahi wayn u qabaan adeegyada caafimaad oo ay ugu deeqeen walaalohood Turkida ah.” Halkan ka aqriso warqadda
-
Somalia’s Federal Minister of Education clearly demonstrates why he is not the right person for the education portfolio. He went on TV to talk about [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar-___-Qumanha-Wararka-01022020.mp3 View the full article
-
Magaalada Garowe waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub laanta Puntland ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil . Xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada Puntland, Wasiir ku xigeenla Amniga, ku xigeenada Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Taliyaha qeybta dambi baarista ee Puntland. 8-dii bishii Jannaayo 2020 ayaa Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil loo magacaabay Agaasimaha cusub laanta Puntland ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, halka agaasimihii hore Maxamed Faarax Qambi loo wareejiyay xarunta dhexe ee Muqdisho. Balse ku simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa 25 Janaayo 2020 amar ku bixiyay in la hakiyo munaasabadda xil-wareejinta. Dikreeto xiligaas ka soo baxday Axmed Karaash ayaa lagu amray Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta laanta hay’addaasi ee Puntland. Lama oga sababta horey loogu hakiyay xil wareejinta iyo waxa hadda lagu dhammeeyey midna. PUNTLAND POST The post Garowe: Xil wareejin horey loo hakiyay oo dhacday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa qoraal kooban oo uu caawa soo saaray ku sheegay inuu si dhow isha ugu hayo xaaladda Galmudug, oo la filayo inay berri doorasho ka dhacdo. “Waxaan uga baaqeynaa qof kasta inuu ka fogaado halista rabshado, islamarkaana lasii wado in laga qeyb qaato wada-hadallo nabadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Yamamoto oo lasoo dhigay barta twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Amb Yamamoto & @US2Somalia are closely watching the process in #Galmudug. We call for everyone to refrain threats of violence & continue to participate in peaceful dialogue. #Somalia — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) February 1, 2020 Warka kasoo baxay Yamamoto ayaa imanaya ayada oo la filayo in guddiga doorashada Galmudug ee garabka taageersan dowladda federaalka ay shaaciyeen inay berri magaalada Dhuusomareeb ku qaban doonaan doorasho. Doorashadan ayaa waxaa horey u qaadacay musharaxiinta mucaaradka, iyo kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo horey u qabatay doorasho ay Sheekh Maxamed Shaakir ugu doorteen madaxweynaha Galmudug. Doorashada berri ayaa haddii ay dhacdo waxaa ka qeyb-gali doona musharaxa dowladda ay wadato ee Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo musharaxiin kale oo dowladda ay u diyaarisay si ay ugu “camiraan.” Dhinaca kale, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ee Galmudug, wuxuuna xarun ka dhigtay magaalada Gaalkacyo. Xaaladda magaalada Dhuusomareeb ayaa caawa mid cabsi ah, waxaana jidadka lasoo dhoobay ciidamo, ay suurta-gal tahay inay isku dhacaan.
-
Wasaardaa caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in wasaaraddaasi aaney jirin wax wada shaqeyn ama howlgelin ah uusan kala dhaxeyn hey’adda Yardimeli ee hirgelisay Isbitaalka Yardimeli. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaardadda ayaa lagu xusay in howlaha caafimaad ee hey’addan ay ka heyso wadanka ay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo qawaaniinta dalka u deggan. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo klae lagu sheeay in wasaaradda aysan u dulqaadan doonin in kaalmada Baniiadamnimo iyo taakulada walaalnimo ee loo fido shacabka Soomaliyeed ay noqdaan kuwo lagu fushado dano gaar ah oo laga macaasho. Halkaan ka Akhrisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday hay’adda UNCDF oo u qaabilsan adduunka horumarinta dhaqaalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaaminayey David Jackson oo ah agaasimaha guud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya dhinaca dhaqaalaha. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay horumarinta dawladdaha Hoose ee JPLG-ga, waxaanu madaxweyne ku xigeenka Somaliland warbixin ka siiyey madaxa weftiga halka uu marayo horumarinta dhaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland oo ay taageerto hay’addani, isagoo uga mahadceliyey doorka hay’addaha UN-ku ay ka qaataan ka midho dhalinta barnaamijka JPLG guud ahaan iyo khaasatan doorka horumarinta dhaqaalaha ee ay hay’adda UNCDF ay ka taageerto Dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo aad loogu lafo-guray balaadhinta barnaamijkan si loo wada gaadho degmo doorashooyinka dalka mustaqbalka iyo sidii fiiro gaara loo siin lahaa caasimada dalka, waxaanu madaxweyne ku xigeenku u caddeeyey masuuliyiintaasi in qaybtii kaga aadanayd dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dhinaceeda bixisay, gobolada bariggana ay ka bilowday barnaamijka JPLG. Ugu danbayntii waxa la isla qaatay in xukuumadda iyo hay’adda UNCDF ay si wada jira uga wada hawlgalaan kobcinta dhaqaale ee lagu horumarinayo barnaamijkan dawladaha hoose. Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey kulanka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska JPLG-ga u qaabilsan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Dhinaca weftiga UNCDF-na waxa ku wehelinaayey agaasimaha UNCDF, Dmitry Pozhidaev oo ah masuulka xafiiska geeska Afrika u qaabilsan hay’adda, Anka Kitunzi oo u qaabilsan Xidhiidhka hay’adda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo masuuliyiinta xafiiska Somaliland ay ku leedahay Hay’addu. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Darueelka Bulshada ayaa war-saxaafadeed ku tiri “wasaaradu cadaynaysaa inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo kala dhexeeyo hay’adda Yardimeli”. Qoraalka ayaa raaciyey: “Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan” Hoos ka degso war-saxaafadeedka oo dhamaystiran View the full article
-
Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Darueelka Bulshada Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in uusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo kala dhexeeyo hay’adda Yardimeli oo laga leeyahay dalka Turkiga. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay xustay in aysan u dulqaadan karin in kaalmada bani-aadanimo iyo taakulada Turkigu ay noqdaan kuwo lagu fushado dano gaar ah, lagana dhigto deeqahaas kuwo laga macaasho oo ganacsi laga dhigto, iyadoo dadka Soomaliyeed baahi wayn u qabaan adeegyada caafimaad oo ay ugu deeqeen walaalohood Turkida ah. Wasaaradda Caafimaadka waxay sheegtay in ay mas’uul ka tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka, ayna jirin qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkeeda ku soo gabagabaysay in dadka u bareeray jabjnta sharciga iyo ku tumashada qawaaniinta ay ka qaadayso tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantay shaqo ay hay’ad Turki ah ka wado Muqdihso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka arimiyaan kooxda Al-Shabaab. Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa tilmaamay in dowladdu ku fashilantay in ay wax ka qabato ammaanka magaalo madaxda. Dhanka kale, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa daboolka ka qaadey in ay doonayaan in doorashada 2020-21 noqoto mid hufan. Hadalkaan ayuu ka sheegay magaalada London, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Sikastaba ha ahaatee, Shariif ayaa kamid ah murashaxiinta u taagan doorashadda Soomaaliya ee sanadka dambe oo qorshuhu yahay in ay noqoto qof iyo cod. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankooda 34aad ee kalfadhiga 6aad ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay goob joog ahaayeen Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Golaha Aqalka Sare ee Senatar Mowlid Xuseen Guhaad. Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Akhrintii 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka heer Federaal. Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa gudagalay ka doodista qodobada Hindise Sharciyeed Dooroshooyinka Qaranka heer Federaal, iyagoo fikirkooda ka dhiibtay, soona jeediyay in la caddeeyo qoondada haweenka ee 30% si kaalinta dumarka ay u noqoto mid muuqato, isla markaana aysan noqon mid gor gortan gasha. Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u jeediyay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha bulshada Galmudug in ay xaaladda dajiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-01022020.mp3 View the full article
