Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ingiriiska oo si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub Xafiiksa Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Ingiriiska ayaa caawa saqdii dhexe markii saacaddu gaadhay 12 habeenimo oo gaw ah si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub oo uu muddo 47 sanadood ah ka tirsanaa. Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowgaa, waxaanay tirinayeyeen ilbidhiqsiyada ka hadhay wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaadhay damaashaad ballaadhan dhigay. Hase yeeshee Ingiriisku waxa uu inta sannadkan ka hadhsan ku sii dhaqmi doonaa heshiiskii Midowga Yurub, waana muddo loo qoondeeyey in lagu galo wada xaajoodyo lagu gorfaynayo sida uu noqon doono xidhiidhka mustaqbalka ee dalkaas iyo Midowga Yurub. Hadaba Ingiriiskii ka bax Midowgii Yurub e sidee wax isku bedelayaan. Ingiriisku ka qayb gali maayo shirarka Midowga Yurub. Laga billaaboi sabtida soo socota, ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, wuxuu noqonayaa qof si gaar ah loogu casuumi doona oo keliya shirka EU. Sidoo kale wasiirada Britain iyaguna kama qeybgeli doonaan shirarka caadiga ah ee Midowga Yurub ay kaga arrinsaneyso arrimo badan. Xidhiidhka ganacsiga UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli doontaa heshiisyo ganacsi oo ku aadan waxyaabaha laga iibsado iyo badeecadaha ay Britain ka soo iibsan doonto dalalka caalamka. Wixii hadda kahoreeyay looma oggoleyn Britain in ay heshiis ganacsi la gasho dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale, maadaama ay ka mid ahayd Midowga Yurub. Dadkii taageersanaa ka bixitaanka Yurub ayaa ku doodaya in ay helin doonaa xoriyad ay dal walba kula ganacsan karaan, taasina ay sare u qaadi doonta dhaqaalaha UK. Waxaa jira waxyaabo badan oo ay labad dhinac ka wada hadli doonaan, waxaana ugu muhiimsan heshiis ganacsi oo labada dhinac ay ku heshiiyaan. Heshiis kasta poo ganacsi oo dhexmara UK iyo dalalka kale ee Midowga Yurub, waxay dhaqan gali doonaan ka dib xilliga kala guurka. Midabka baasaboorka oo la bedeli doono Midabka baasaboorka dalka UK ayaa markale la badeli doonaa, waxaana dib loo soo celin doonaa midabkii hore ee buluuga. Mar uu ka dhawaaqay isbadelka, sannadkii 2017-kii, wasirkii socdaalka ee xiligaas, Brandon Lewis, ayaa aad u bogaadiyay dib usoo celinta baasaboorkii hore. Baasaboorka cusub ee la bixin doono ayaa la sheegay in uu noqon doono midka cusub, halka kuwa hadda jirana ay sii shaqeyn doonaan. Wasaaraddii Brexit oo la baabiin doono Kooxdii ka shaqeysa ka bixtaanka Britain ee Midowga Yurub ayaa la kala diri doonaa, halka kuwa kale oo gacanta ku hayay xallinta khilaafaadka, haddii aanan la heshiinin lahayan, la kala diri doono marka Britain ay ka baxdo Midowga Yurub. Jarmalka dembiileyaasha Ingiriisku doonayo u dhiibi maayo. Suurtagal ma noqon doonto in dadka lagu tuhmo dembiyada dib loogu soo celiyo Britain, haddii ay u baxsadaan dalka Jarmalka. Dastuurka dalka Jarmalka wuxuu dhigayaa in muwaadiniinta u dhalatay dalkaas aanan loo gacan gelinin dal kale, haddii dalkaas uusan ahayn mid ka tirsan Midowga Yurub. Wasaaradda arrimaha gudaha ee UK waxay sheegtay in sharcigaas uu shaqeyn doono inta lagu guda jiro xilliga kala guurka, waxayna taas ka dhigan tahay in Jarmalka uu Britain u gacan gelin doono dadka ay doonayaan. Maxaa sidii hore u sii shaqayn doona Maadaama xilliga kala guurka uu bilaabanayo maanta oo bisha Feeberweri kow tahay, inta badan waxyaabaha ka dhaxeeya labada dhinac ayaa sii ahaan doono sidii hore. Socdaalka Socdaalka dhanka badda ama diyaaradaha iyo tareenada ayaa sii socon doona. Muwaadiniinta u dhashay dalka UK ayaa wali sii adeegsan kara baasaboorkooda xilliyada ay u safrayaan dalalka Midowga Yurub, waxaana loo tixgelin doonaa si lamid ah sidii hore. Shatiga socdaalka iyo lahaanshaha hantida Shatiga kaxeynta baabuurta ee UK wuxuu ahaan doonaa sidiisa, waxaana sidaas oo kale u shaqeyn doona warqadda aqoonsiga xoolaha nool ee ay dadka xananaeystaan oo ay la safraan sida eyda oo kale. Caymiska caafimaadka Kaararka ceymiska caafimaadka ee ay bixiso Dowladda Britain ayaa wali sii shaqeyn doona, dadkuna ay isku daweyn doonaan haddii ay xanuunsadaan. Kaararkan waxaa lagu isticmali karaa dal walba oo katirsan EU iyo kuwa aan katirsaneyn ee kala ah Switzerland, Norway, Iceland iyo Liechtenstein In qofku ka shaqeysto kuna noolaado dalalka Midowga Yurub Xorriyadda socdaalka ayaa sideeda sii ahaan doonto inta lagu guda jiro xilliga kala guurka ama kumeel gaarka. Muwaadiniinta u dhashay Britain ayaa ka shaqeysan kara, kuna noolaan kara dalalka Midowga Yurub. Sidaas si lamid ah ah, muwaadiniinta dalalka Midowga Yurub ayaa iyaguna ka shaqeyn kara, kuna noolaan kara Britain. Lacagaha hawlgabka Muwaadiniinta Ingiriiska ee ku nool dalalka Yurub ayaa heli doona lacagaha hawlgabka ee ay siiso dowladda meelwalba oo ay joogaan. Dadkan ayaa sidoo kale waxay heli doonaan lacagaha sannadwalba lagu daro dhaqaalaha la siiyo. Qaran News
  2. The African Union (AU) has reiterated its resolve to support Somalia's peace and security sector efforts towards ensuring stability amid the ongoing drawdown of the AU troops in the troubled Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Saacado ka dib markii uu Magaalada Kismaayo gaaray, Wasiirkii Amniga Jubbaland ayuu safar ugu amba baxay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya, halkaasoo uu gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa sida la xaqiijiyay waxaa uu dooni ku tagey Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu ka raacay Magaalada Muqdisho, wixii ka dambeeyay tan iyo markii uu Talaadadii ka baxsaday xabsiga. Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka xog waramay socdaalka uu xilligan Wasiirkii Amniga Jubbaland ku jooggo Magaalada Nairobi, isagoo ka dhawaajiyay in arrimo caafimaad uu u tagey. Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiintii Magaalada Kismaayo kula kulmay markii uu Wasiirku yimid ayaa xusay in Wasiirku uu ku dhacay xanuunka muddooyinkii ugu dambeysay dalka ka jiray ee Kaduudiyaha loo yaqaano. “Wuxuu noo sheegay intii uu xabsiga ku jiray inuu ku xanuunsaday, isla-markaana uu ku dhawacay Kaduudiye cudur la yiraahdo, uu xagaha lugaha kaga dhacay, laakiin sidiisa kale caafimaadkiisu wuu fiicnaa, laakiin waxaa ka muuqday dhafar/soo jeed badan. Markuu Kismaayo soo gaarayna waxaanu gaynay Garoonka Kismaayo, qaybta xarunta caafimaadka ee Amisom, xoogaa dawooyinaa ka siinay, isla-markiina waxaan qalqaalinay sidii deg deg Nairobi loogu gayn lahaa, si uu halkaasi ugu soo nasto, xaaladiisa caafimaadna loogu baaro. Marka hadda wuxuu ku sugan yahay Nairobi.” Ayuu yiri Xildhibaan Shire Coley. Xildhibaan Coley oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa soo hadalqaaday in dadka reer Kismaayo iyo Madaxda Jubbaland-ba ay si weyn ugu farxeen markii ay arkayn in Wasiir Janan uu nool yahay. Wasiir Janan ayaan weli wax war ah siinin Saxaafadda, balse Madaxtooyada Jubbaland waxay ballanqaaday in uu la hadli doono Warbaahinta, waqti aan la shaacin.
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo xalay ka qeyb galay Barnaamij Dood Wadaag ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo waliba faragelinta Beesha Caalamka Soomaaliya. Mudane Jawaari ayaa sheegay marka hore in muhiimad gaar ah leedahay dhameystirka Dastuurka oo soo afjaraya is qabqabsiga iyo loolanka u dhaxeeya madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada. Jawaari ayaa naqdiyay danaha caalamka uu ka leeyahay Soomaaliya xiligan waxaana uu si dad badan u taageeray inaan warkooda muhiimad gaar ah la siinin, isagoo yiri” intaan leenahay Beesha Caalamka maxey tiri, safiir hebal muxuu yiri horay uma soconeyno, safiirada jooga wadanka waa Danjireyaal, danahiisa inuu kaa fushado mooyee ujeedo kale malahan” Waxa uu intaa ku daray Jawaari in Beesha Caalamka warkeeda meel la iska dhigo, isagoo tilmaamay ineysan ka hor imaan karin dowladda Federalka maadama aan dano kala duwan ka leeyihiin. Jawaari ayaa xusay iney Soomaalida u kala dab qaadaan oo midba midka kale oo ay la kulmaan uga sheekeeyaan wixii dhexmaray kii ka horeeyay. Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qirtay in Dowladii Xasan Sheekh in Beesha Caalamka ay galaan gal weyn ku laheyd go’aamada la gaarayo islamarkana faragelin nuuc walba ah ay ku heyso dalka, wuxuuna uu tibaaxay in hadda aysan sidaas aheyn oo ay Ilko beeleen. “2016-kii Doorkii ay ku lahaayeen Beesha Caalamka Soomaaliya iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya, maanta waa ilka beeleen, laakiin markaas qoorta bey nooga dhaganaayeen, hadda waxey xooga saarayaan danta ay Dowladda Federalka ka rabaan, hadda doorkooda ma ahan in Dowladda Federalka ama maamul Goboleed ku soo hogaamiso danahooda, marnaba laga sugi mayo iney dadka isku keento iney Soomaalida isku imaadaan mooyee” ayuu yiri Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya hadana ah xubin katirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka.
  5. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay dowladda federalka in aysan marnaba kasoo dabcayn mowqifkeeda ku aadan in arday ka socda Puntland uusan helidoonin wax shahaado ah, haddii uusan gelin imtixaanka dowladda Soomaaliya ay qaadayso. Goodax Barre ayaa Puntland ku eedeeyay inay iyadu siyaasadaysay waxbarashada oo ay qiil ka raadinayso khilaafka waxbarashada kadib markii siyaasadihii kale meel marsiin waayeen, waa sida uu hadalka dhigee. Wasiir Goodax ayaa sheegay in waxa ay isku hayaan Puntland ay tahay arrin fudud oo ah, “Ardayga waa inuu imtixaanka galo oo la siiyo shahaado u qalanta”, Balse wuxuu sheegay inay Puntland doonayso “Arday waa inuu imtixaan galo, arday kale oo aan imtixaanka gelina waa inay isku shahaado helaan”, taasina aysan ahayn wax caqliga saliimka ah uu qaadanayo. Goodax Barre ayaa dhinaca kale jawaab culus ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Senator Cabdiraxmaan Faroole, isaga oo weerar kale ku qaaday. Goodax Barre ayaa sheegay in ay wax laga qoslo ay tahay heshiiska Faroole uu sheegay inuu Gaalkacyo kula galay Cumar Cabdirashiid intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa, kaasi oo dhigaya in deeqda waxbarasho ee Soomaaliya oo dhan 25% laga siiyo Puntland. Goodax Barre ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaas xitaa hadduu jiro uu yahay mid ay wada galeen laba nin oo isku meel kasoo wada jeeda. “Heshiiskaas lama yaqaan meesha uu Cumar Cabdirashiid geeyey, kolayba Xamar lama keenin” ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Turkiga. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Goodax oo dhameystiran.
  6. Russia is stepping up plans to set up a military base in the Somaliland Port of Berbera according to reports from the United States Defense Department officials. AFRICA EAC INDUSTRY Russia Finalizes Plans To Set Up Naval Base In Somaliland 31st January 2020 EABW Editor0 Comments Russia is stepping up plans to set up a military base in the Somaliland Port of Berbera according to reports from the United States Defense Department officials. This comes amid reports that Russia has also held talks with Eritrea with an interest to build a naval logistics centre. Should this materialize, Russia will join China and the United States who have bases in Djibouti along the Suez Canal. The Russian government says it is closely monitoring the port city of Berbera in Somaliland as a military base. A publication by The New-York Times this week stated that Russia’s continued interest in Africa is worrying many in the West. The article stated in part: “American officials, analyzing what they call great power competition, say they are alarmed by Russia’s growing influence, as well as China’s, as Washington struggles to exert its economic and security goals on the continent.” “Russian officials are looking to establish a base in Berbera port on the coast of Somaliland, a self-declared autonomous administration of Somalia in the Gulf of Aden, according to officials of the Russia Defense Department. The United States and China, both based in Djibouti, share a maritime border with this port Russia saw its future.” the New York Times wrote. The Horn of Africa is strategically important for a number of reasons, amongst others because it allows both power projection into the Middle East and influences over the Suez Canal through the Gulf of Aden. If realized, this would be Russia’s first base in Africa since the Cold War and be a major step forward for (Vladimir) Putin’s programme to revive Russia’s once proud navy. The base is expected to be home to two destroyer-sized ships, four frigate class ships, two large submarine pens, two airstrips that can host up to six heavy aircraft and 15 fighter jets. Experts believe a new “Scramble for Africa” is unfolding. The main players are China, the EU and the US. India, Brazil, Turkey, Iran, South Korea and the Gulf countries are also interested in increasing cooperation with Africa. Russia’s volume of trade and economic interaction with Africa is inferior to almost all of the abovementioned players. Currently, Russia’s trade with Africa is less than $12bn. A report by the NewAfrican magazine in November 2018 stated that Russia was in negotiation ns with Somaliland leaders for a naval base to support its warships and submarines to operate in the region and the busy shipping lanes carrying most of Europe’s goods. It was reported that the naval base would be staffed by 1,500 people and service destroyers, frigates and submarines and would be located outside Zeila city, in Somaliland, on the border with Djibouti – near the location of China’s first overseas base in modern times, which opened in 2017. The report further stated that Russia had proposed that it will recognize the breakaway Republic of Somaliland in return for being allowed to establish the base and ensure security in the breakaway country by training the Somaliland military. Russia previously had a military base in Somaliland but they were forced to exit by former Somali dictator Siad Barre The United Kingdom has also previously expressed the desire to have a military base in Somaliland. BY ODINDO AYIEKO Source Busiweek Qaran News
  7. HORDHAC Tan iyo markii ugu horraysay ee uu Aadanuhu dunidaan guudkeeda yimid garashada iyo garaadkiisu waxa ay ahaayeen kuwo si joogtaa isula baddalayay wadcigii iyo waaqicii hadba ku xeernaa. Mar walba xaalad qallafsan ayuu uga gudbayey mid ka sahlan kolka uu barto xeerar iyo qawaaniin cusub oo uu waayo-aragnimada nolasha ka kasbaday. Maamulka, dawladnimada iyo fahanka siyaasaddu na sidaas si la mida ayay iyana isula baddalayeen kobaca garashada Aadanaha. Hadba marxalad cusub oo siyaasadeed ayuu uga gudbayey mid kale, marka uu si ka wacan tii hore u maareeyo midda uu markaa ku sugan yahay. Sida caadiga ah waxaa la yiraahdaa Aadanuhu waxa uu uga gaddisanyahay noolaha kale rabitaanka xad dhaafka ah ee uu awoodda iyo maamulka u qabo. Waana kobtii ugu horaysay ee Ibliisku aadanaha ka soo galay, kolkii uu Ibliis Aadan ku yiri “Ma ku tusaa geedka waaritaanka iyo mulki aan dhammaanay” Marka laga hadlayo taariikhda dawladnimada waxaa dib loogu celiyaa askumkii hore ee Aadanaha iyo maraaxiishii nololeed ee uu soomaray. Maraaxishaas waxaa loo qaybiyaa saddex marxalad-nololeed. Saddexdaas marxalad-nololeed ayaynu gundhig uga dhigi doonaa qormadeenaan. Waxa aynu faahfaahin doonnaa marxalad walba iyo inta uu gaarsiisnaa fahankooda dawladnimo. Aakhirka waxa aynu arki doonaa sida uu Aadanuhu uga kala gudbay maraaxiishaan. Waxa aynu arki doonaa dadyow maraaxiishaas ka gudbay illaa ugu dambaynytii ay dhisteen dawlado qiimo badan oo u adeegaya danaha dadkooda. Waxa aynu arki doonaa dadyow wali taagaan kobtii laga askumay iyo kuwo kale oo meel dhexe ku haray. Saddexda marxaladood ee aynu saldhigga uga dhigi doonno qormadeena waa saddex marxaladood oo ay bulsho-yaqaanadu u qaybshaan bulshooyinka marka ay ka hadlayaan taariikhdoodii hore. Marxadda koobaadi waa marxaladdii bilowga ee loo yaqaan “Bulsho Kooxo ah” (Band Level Societies). Si kale haddii aynu u niraahno waa “Ugaarato-Qaraabatadii” (Hunters-gatherers) uu qaraabka iyo ugaarsigu noloshu u ahaa. Marxadda taa ku xigtaana waa midda loo yaqaan Bulsho Qabaliya (Tribal Level Societies) oo ah xilligii uu qabiilku saldhigga u ahaa bulshooyinka noloshooda siyaasiga ah. Marxaladda ugu dambaysaana waa “Bulsho Dawlad ah” (State Level Societies.) Saddexdaan marxaladood midda ugu dambaysa oo ah bulshada dawladda ah ayaynu aad ugu dheeraan doonaa, maxaa yeelay iyada ayaa ka turjumi doonta waxa aynu doonayno in aynu sida mugga leh ugaga hadalno oo ah taariikhdii dawladnimada. Ujeeddo: muhiimadda ugu wayn ee aynu qoraalkaan ka leenahay waxa weeye in akhristuhu faham ku filan ka helo taxanihii taariikheed ee ay dawladnimadu soo martay si macluumaadkaasi ugu sahlo kolka uu rabo in uu qiimayn ku sameeyo nidaam siyaasiya ama dawlad mucayana. Macluumaadkaan waxa uu kaa caawin doonaa in aadan ku dhicin khalad ay in badan oo dadka ka mid ahi ku dhacaan oo ah in dawladnimadeena aad ka rajayso awood dawladnimo oo aanay lahayn adiga oo barbar dhigaya nidaamyo qaangaar ah. Waxa aad kala ogaan doontaa waxa “Somaliya soomaaliya ka dhigay Denmark na Denmark ka dhigay” sida uu Dr. Francis Fukuyama yiraahdo. Afeef: waxa aan ka afeefanayaa in maqaalkaani si dhab ah uusan hoos ugu gonada dagi doonin taariikhada uu ka hadlayo. Waxa aynu macluumaadka usoo gudbin doonaa si dulmar ah oo aragti guud kaa siin doonta mawduuca. Waxa aynu sidaas u yeelanyaa maqaalka oo aad inoogu dheeraanaya haddii aynu aad ugu gonada dagno taariikhaha. Haddaba Inta aynaan u galin maraaxishii saddexda ahayd ee aynu niri maqaalka ayaynu saldhig uga dhignay,bal aynu marka hore qeexno waxa ay dawladnimadu tahay, si aynu isu waafajinno taariikhda aynu ka hadlayno iyo maxsuulka dawladnimo ee ka soo baxay. DAWLAD Dawlad waxaa la yiraahdaa nidaam siyaasiya oo ay bulsho goob mucayana ka yagleesho si ay u xaqiijiso himilooyinka aasaasiga ah. In kasta oo siyaabo kala gaddisan loo qeexo dawladnimada haddana qeexista ugu wanaagsan waxaa leh bulsho iyo siyaasad yaqaankii reer Jarmal ee Max Weber oo yiri “ dawladi waa cidda kaliya ee leh awoodda baas-abuur ( monopoly on viollence) ee sharciga ah ee kaligeed ka fusha buqcad mucayan ah.” Sida qeexistan ka muuqata dawladi waa cidda leh sharciyad ay ku dhisantahay iyo awood wax maquunisa oo aan lala loolami karin. Kama hadlayno in dawladdu ay tahay mid xoog ku timid ama ay tahay mid heshiis bulsholagu lagu yagleelay. Nooc kasta oo ay ku timaadaba waxaa laga rabaa in ay fuliso himilooyinka aasaasiga ah ee aanay koox ama qaabili toonna kaligood fulin karin sida: Amniga guud, ilaalinta xudduudaha, ilaalinta deegaanka, caafimaadka iyo waxbarashada. Meelo badan oo caalamka ka mid ah waxaa ka jira dawlado xaqiijiyey himilooyinka aasaasiga ah ee ay u jiraan. Meelhaas waxaa ka dhisan dawlado muddo soo jiray oo ka kooban dhadhaabyo is dheeli tiraya, sida dawald sharci iyo sharciyad. Meelaha dawladahoodu aanay lahayn dhisme qadiima ama dawladnimada gadaal ka soo gaaray kama jiraan dawlado si qumman u fulin kara himilooyinka aasaasiga ah. Haddaba aynu eegno kuwa dawladnimada dhidibada u taagay dariiqa ay u soo mareen si aynu u fahanno kuwa taagi kari waayey ama dawlado daciif ahi ay imminka u dhisan yihiin halka ay dhibtu ka haysato. Mohamed Ahmed Elmi La soco qabta 2aad. The post Maqaal: Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 1aad appeared first on Puntland Post.
  8. Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa mar kale ku celiyay in Ardayda Puntland ee ka baxday Dugsiyada Sare, aysan heli doonin Shahaadada Heer Federaalka. Wasiir Goodax, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka, aysan shahaado siin Karin Arday aan gelin Imtixaanka ay qaaddo Wasaaaraddaasi, islamarkaana aysan aqoonsan doonin Shahaadada uu wato Ardayga ka yimaada Puntland. Mr Goodax, ayaa sidoo kale tilmaamay in uu Jaamacadaha dalka gudihiisa ku amray , in aysan aqbalin Arday aan gelin Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada ee heer Federaal, isagoo ku hanjabay in Jaamacaddii amarkaasi jebisa laga qaadi doono tallaabo adag, oo ah in lagala noqdo Aqoonsiga. Sidoo kale, wuxuu ku cel-celiyay in Ardayda Reer Puntland aysan marnaba arki doonin Shahaadada heer Federaal, haddii aysan gelin Imtixaanka ay qaaddo Wasaaraddiisa, taasina ay tahay mowqif adag oo uu difaacayo. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in Wasiirada Waxbarashada ee dowlad goboleedyada kale ay ku cadaadiyeen, in uusan aqoonsan Shahaadada ay bixiso Wasaaradda Waxbarashada Puntland, go’aankaasina uu yahay mid lama taabtaan ah sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Wasiir Goodax oo haddana Jaamacadaha dalka ku amray in aysan aqbalin Ardayda Reer Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa habka uu wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan maanta ku gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland. Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, isaga oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana mar soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin. Waxaan sidoo kale ogaanay, in Janan uusan doonta ka raacin magaalada Muqdisho, balse uu magaalada uga baxay baabuur kadibna uu tegay xeeb ku dhow Muqdisho oo weli aan la xaqiijin, halkaasi oo uu doonta ka raacay. Intii uu xabsiga ka baxay illaa uu ka tagay Kismaayo waxaa jiray xiriiro kala duwan oo uu sameystay, kuna xaqiijiyey in wax kasta ay diyaar usii ahaadaan. Janan ayaa intii uu xabsiga ku jiray mar mar loo ogolaa xiriirka dibedda, taasi oo ka caawisay diyaarinta qorshihiisa. Kadib doontii uu ka raacay xeeb ku dhow Muqdisho, ayaa la sheegay inuu la xiriiray maamulka Jubaland, oo kadibna ay usoo direen doon dheereysa iyo ciidamo , taasi oo gaysay Kismaayo. Howl-galka Janan uu kaga baxay Muqdisho, kuna gaaray Kismaayo, ayaa waxaa ku baxay qarash badan, oo la siiyey qaar ka mid ah dadkii caawiyey. Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, isaga oo jebiyey daaqadda. Xilligaas ayaa Janan wuxuu ku sugnaa guriga kaliya shan maalmood kadib markii laga soo wareejiyey xabsiga uu kaga xirnaa magaalada. Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu hakad ku ahaa, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa.
  10. NAIROBI - A three-judge bench has dismissed a petition to bar Kenyan officials from participating before the International Court of Justice (ICJ) in a maritime dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Russia ayaa dooneysa in ay magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya noqoto xarunta saldhig ciidan oo ay qorsheyneyso inay ka sameysato Geeska Afrika, waxaa sidaas laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Xeebta Berbera ayaa aad ugu dhow xeebta Jabuuti, halkaasi oo sidoo kale saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Mareykanka iyo Shiinaha, waana taas sababta la rumeysan yahay in Russia ay u dooratay. Russia ayaa sidoo kale muujisay inay daneyneyso inay xarun qaabilsan adeegga ciidamada cirka ka sameysato dalka Eritrea, hase yeeshee weli ma cadda halka ay marayaan wada-hadalladaas, sida uu qoray wargeyska New York Times. Somaliland oo maamusha Berbera ma ahan dal madax banaan, waxayna ka tirsan tahay Soomaaliya, mana cadda sida Russia ay saldhiggaas u sameyn doonto, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Horey waxaa Berbera saldhig ciidan inay ka sameystaan isugu dayey Imaaraadka Carabta, taasi oo dowladda Soomaaliya ay ka hor-timid. Waxaan sidoo kale caddeyn, sida dowladda Somaliland ay ula sii macaamili karto dalalka Reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, haddii ay dhacdo inay saldhig siiso Russia, taasi oo Mareykanka uu aad u diidan yahay. Russia ayaa saameyn xooggan ku lahayd Africa intii uu socday xifaaltanka dalalka Bari iyo kuwa Galbeed ee dagaalkii qabow, hase yeeshee Russia ayaa isaga tagtay Africa wixii ka dambeeyey markii looga adkaaday dagaalkii qaboobaa ee 1991-kii markaasi oo uu burburay Midowga Soviet.
  12. Xildhibaan Cabdullaahi Alankey oo ka tirsan Xildhibaanada Federaalka ee kasoo Jeeda Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo oo ay weheliyaan Sadex xildhibaan oo kale ayaa shir [...] Source
  13. Russian officials are eyeing a port of Berbera as a location for their base on the coast of Somaliland, a self-declared state within Somalia on the Gulf of Aden, according to U.S. Defense Department officials. Both China and the United States, with military bases in Djibouti, share the same coastline as the potential Russian port. Russia has also expressed interest in building a naval logistics center in Eritrea, but it is unclear how far along those negotiations are, American officials said, according to NYT. About 1,500 miles south, down the eastern coast of Africa, Russian military transport planes landed last summer in Cabo Delgado Province in northern Mozambique and, according to American officials, deployed about 160 personnel belonging to the Wagner Group, a Russian private military contractor. The Mozambique government hired the Russian mercenaries to help beleaguered local security forces combat an insurgency that claimed to be affiliated with the Islamic State. At least seven Russian personnel have been killed in operations, American officials say, underscoring the risks facing troops for hire. American officials, analyzing what they call great power competition, say they are alarmed by Russia’s growing influence, as well as China’s, as Washington struggles to exert its economic and security goals on the continent. This campaign for influence is playing out as U.S. Defense Secretary Mark T. Esper is weighing the potential withdrawal of hundreds of forces from West Africa to better counter threats from Russia and China closer to their borders. But Mr. Esper’s review has drawn sharp criticism from influential congressional Republicans and Democrats who argue that cutting American forces in Africa would help only its rivals. Source: UNIAN.INFO
  14. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha Bariga Dhexe ee uu shaaca ka qaaday madaxweyne Donald Trump, taasi oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan. “Gaar ahaan Sacuudi Carabiya, waad aamusan tihiin, goorma ayaad hadli doontaan? Waxaad eegtaa Jordan, Baxreyn iyo Imaaraadka, ayagana waa la mid,” ayuu yiri. “Ceeb ha idinku dhacdo, sidee gacmaha u sacbinaya qorshahan ay u taageeri karaan?” ayuu yiri Erdogan. Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa Qudus u aqoonsanaya caasimadda aan la kala qeybin ee Israel. Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jaraan gacanta Israel. Dowladda Sacuudiga ayaa horey madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas ugu yaboohday 10 bilyan oo dollar si uu aqbalo qorshaha Mareykanka ee loogu magac daray “heshiiska qarniga”, kaasi oo si rasmi ah magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda.
  15. Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aden Aw Xirsi ayaa Galabta is casilay isagoo Iscasilaadiisa soo mariyey markii ugu horaysay Baraha Bulshada. Wasiirka ayaa si cad wuxuu ugu [...] Source
  16. Muqdisho (SMN) – Wasiiro iyo xlidhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele iyo rugta ganacsata Soomaaliyeed ayaa dhowr goobood oo kamid ah gobolka Shabeelaha dhaxe kormeer ku sameeyay si ay sahmin ugu sameeyaan halka ku haboon in laga hirgaliyo garoon diyaaradeed oo casri ah. Mas’uuliyiintan waxaa kormeer kooda ku wehlinaayo qubara ku xeel dheer sahminta garoomadaha diyaaradeed waxeyna madaxda quburada Sahminta sameynayay ay isku raaceen in goob kamid ah degmada Warsheekh ay tahay halka ku haboon in laga hirgaliyo garoonka cusub ee diyaaradaha. Qaar kamid ah odayaasha iyo culumada deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa dhulkooda ugu yaboohay qaranka iyo in looga shaqeeyo danaha umada Soomaaliyeed. Xildhiban Cabdiqaadir Carabow oo kamid xildhibaanada golaha shacabka ee BFS ayaa ka hadlay muhiimada ay dadka deegaanka u lee dahay hirgalinta garoonka cusub ee diyaaradaha. Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan fulinta masharuucan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kamid ahaa madaxdii goobta ka hadlay. Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) waxa uu faah faahiyay qorshaha ay dowlada ku fulineyso Mashruuca garoon diyaaradeed oo casri ah. Wasiirka wasaarada maaliyada XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii midnimada iyo horumarka. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-31012020.mp3 View the full article
  18. STOCKHOLM, Sweden — Ugandan climate activist Vanessa Nakate and peers from other African nations on Friday made an urgent appeal for the world to pay more attention to the continent that stands to suffer the most from global warming despite contributing to it the least. Source: Hiiraan Online
  19. The African Union (AU) has reiterated its resolve to support Somalia’s peace and security sector efforts towards ensuring stability amid the ongoing drawdown of the AU troops in the troubled Horn of Africa country. The statement was made by the AU Commissioner for Peace and Security, Smail Chergui, as he expressed the AU’s “unwavering commitment to support Somalia and help facilitate achievement of the objectives of the Somalia Transition Plan,” the 55-member pan African bloc disclosed in a statement issued late Wednesday. The AU Commissioner made the remarks during the latest meeting of the Amisom Operations Coordination Committee (MOCC), which brought together military chiefs of the eight troop-contributing African countries to Somalia that are Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda and Ghana. According to the AU, the military chiefs mainly deliberated on the drawdown of an additional one thousand Amisom uniformed personnel by February 28, 2020 as part of the AU mission’s exit strategy. THREAT ASSESSMENT “The meeting agreed to implement the drawdown as per the timelines and to further study the implications to ensure mitigation of potential risks of reversing the security gains so far achieved,” an AU statement read. The outcomes of the Joint Threat Assessment, which underlines attacks and increased threats in and outside Somalia, was also highlighted during the meeting, it was noted. Military chiefs of the eight troop-contributing African countries also “expressed regrets on the decision for this additional drawdown,” as they emphasized the need to take note of the conditions on the ground as well as the pace of capacity development of Somali Security Forces to take over security responsibility from Amisom. They also took note of next steps regarding the reconfiguration of the AU Mission in Somalia (Amisom) to continue supporting the objectives of the Somalia Transition Plan and facilitating realignment of the Amisom 2018 to 2021 Concept of Operations (CONOPs) so as to address current priorities. The Concept of Operations (CONOPs) mainly envisaged providing a structure for Amisom’s operations from 2018 to 2021, and the final phase of the AU mission’s transition and its eventual exit from the troubled Horn of Africa country. Source: Xinhua
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Qorshaynta maamulka Jubaland Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa maanta ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Aw-Xirsi, oo ka mid ahaa wasiirada ugu saameynta badan Jubaland, ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay inay tahay in maamulka Jubaland uu u dabbaal degay, islamarkaana uu soo dhoweeyey qof baxsad, oo ah wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday xabsi guri uu kaga sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta doon ku gaaray magaalada Kismaayo, ka hor inta aan baaritaan caafimaad loogu qaadin magaalada Nairobi. Aw-Xirsi ayaa ku eedeeyey Janan inuu gaystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ah, ayna qalad tahay in qof sidaas ah lagu soo dhoweeyo Kismaayo iyo madaxtooyada Jubaland. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa horey u sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadmanimada, iyo in uu kaalmada iyo muwacaanada samaflka ah is-hortaagay. Amnesty waxay sidoo kale ku baaqday in maxkamad la soo taago Cabdirashiid Janan laguna xukumo sida ay dhigayaan sharciyada caalamiga ah. Aw-Xirsi iyo Janan ayaa labadaba beel ahaan kasoo jeeda gobolka Gedo.
  21. Waxaa goordhow ka dhacay Dhuusamareeb dibadbax lagu taageerayo Ahlu Sunna kaas oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada. Dubadbaxayaasha ayaa taageero u muujiyey madaxweynaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir Cali Xasan waxaa kale oo ay eedeeyeen dowladda federaalka ah. Afhayeen u hadlay kooxda oo lasoo xiriiray Goobjoog News, codsadana in magaciisa aan la xusin ayaa sheegay in beesha caalamka ay garowsatay tallaabooyinka Ahlu Suuna, kana codsatay in intaas aan la dhaafin iyaga oo balanqaaday in dowladda federaalka ah ay soo hor fariisin doonaan dowladda oo dhinaca ah. Wixii Soo kordha, la soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa goor dhaweyd u duulay Nairobi si Caafimaadkiisa loogu baaro kadib markii uu baxay Xabsi ku yaal Muqdisho oo mudo 7 bilood [...] Source
  23. Kismaayo (SMN) – Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland. Fariin uu soo dhigay baraha bulshadda ayuu is-casilaadiisa sabab uga dhigay baxshadda Cabdirahsiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland. Hoos ka akhriso qoraalkiisa “Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland. Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga. Waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego”. View the full article