Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Doorasho goordhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, xarunta Galmudug islamarkaan ay garwadeen ka ahayd dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Baarlamaanka ay aqoonsantahay dowladda ee soo xaadiray kulankan ayaa ahaa 77 mudane , waxa ayna cododkooda kala siinayeen murashaxiintii kala ahaa Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor), Dr. Abdirahman Sabriye, Axmed Shire Falagle iyo Cabdullaahi Axmed Samatar. Murashaxa ku guuleystay xilka madaxweynaha ee Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa helay codad gaaray 66 cod halka Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod, waxaana 1 cod helay Abdirahman Aadan Sabriye. Gudoomiyaha baarlamnaka Galmudug Maxamed Nuur Gacl ayaana ku dhawaaqay natiijada isaga oo shaaciyay in Qoorqoor uu yahay madaxweynaha galmudug ee ay dowladdu aqoonsantahay. Doorashada waxaa qaadhacay saddex koox: (1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer, (2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan (3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow doortay madaxweynah cusub ee mamaulkaasi, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha cusub ayaa waxaa loo doortay, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), kaas oo wareegii koowaad helay 66 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka. Sidoo kale saddexda musharrax ee kale ayaa kala helay Cabdullaahi Axmed Samater. 9 Cod Cabdiraxman Aadan Sabriye 1 Cod Axmed Shire Maxamed (falagle) 1 Cod View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka musharraxii kale ee ku xigay ee Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod. Sidoo kale waxaa wareegaan ku haray Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod. Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu hoggaamin doono afarta sano ee soo socota. Musharraxa guuleystay oo ay wadatay dowladda federaalka ayaa horay loo sii ogaa inuu ku soo bixi doono doorashadaan. Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale isla markii guda galay u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo kal ah:- 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo 5-Cabdiqani Sheekh Cali Diini. Wixii warar ah oo ka soo kordha doorashada Galmudug kala soco:-Caasimada.net.
  4. Waxaa goor dhow si rasmi ah u bilaabatay doorashada madaxtinimo Galmudug oo ka dhaceysa xarunta Shiirkoole oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud. Doorashada oo isugu jira madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ku loolamaya illaa 9 musharrax oo u taagan hoggaanka sare ee maamulka Galmudug. Halkaan hoose ka aqriso magacyada:- Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha 1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 2: Cabdiraxman Axmed Sabriye 3: Axmed Shire Maxamed (falagle) 4: Axmed Cabdullaahi Samater. Sidoo kale musharaxiinta u taagan xil ka madaweyne ku xigeenka ayaa kala ah:- 1: Cali Daahir Ciid 2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir) 3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi 4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) 5:Cabdi Qani Sheekh Cali Diini. View the full article
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow bilowday codeynta doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, taas oo haatan ka socota xarunta Shiirkoole oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Doorashada oo ah mid aad la’isugu hayo, islamarkaana lagu muransan yahay ayaa waxaa ku tartamaha musharraxiiin dhowr ah oo u taagan hoggaanka maamulkaasi. Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Dr Maxamed Nuur Gacal oo furay kulanka xildhibaanada ayaa sheegay inay soo xaadireen illaa 77 mudane, kuwaas oo u codeynaya musharraxiinta ku loolamaya labada xil ee ugu sarreeya maamulkaasi. Musharraxiinta oo gaaraya illaa 9 ayaa afar ka mid ah waxa ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha, kuwaas oo kala ah: 1-Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), 2- Cabdiraxman Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) iyo 4-Axmed Cabdullaahi Samater. Sidoo kale waxaa xil ka madaxweyne ku xigeenka isku soo taagay llaa shan musharrax oo kala ah 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini. Qabsoomida doorashadaan oo horay walaac badan looga muujiyey ayaa waxaa jira musharraxiin saameyn leh oo banaanka ka jooga tartanka doorashadaasi, islamarkaana qaadacay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxamaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo garwadeen ka ah doorashadaan iyo guddiga doorashada baarlamaanka Galmudug ayaa ku adkeystay in maanta la qabto doorashada oo muddo uu ka taagnaa khilaaf sababay inGalmudug ay u qeybsanto illaa sadex dhinac.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wadaadka xabsiga guriga ku ah magaalada Muqdisho ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal iska soo duubay ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan khilaafaadka hareeyey doorashada maamulkaasi. Sheekh Xasan Daahir ayaa marka hore dhaliilay qorshaha dowladda ee dhismaha Galmudug, isagoo tilmaamay inay si qaldan ay u wajahday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dadkii mudnaa ee aqoonta lahaa arrimaha Galmudug aan loo dirin Dhuusamreeb, si loo qaboojiyo xiisada magaaladaasi. Wadaadka ayaa sidoo kale xusay inuu si aad ula socday safarkii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kharye ee deegaanada Galmudug oo uu tilmaamay in aysan waxba ka soo bixin. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in reer Galmudug ay yihiin dad firfircoon, islamarkaana aysan yeeleyn juujuub , loona baahan yahay in laga shaqeeyo danaha guud. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada Galmudug, islamarkaana laga tago dano gaar ahaaneed ee la’isku hayo, si loo dhiso maamul mid ah. Galmudug ayaa haatan ku jirta xaalad is mari waa ah, waxaana la filayaa in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka mamaulkaasi oo ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka lagu qanto degmada Dhuusamareen ee gobolka Galgaduud. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Xasan-Daahir.mp3
  7. Doorasho hal dhinac ah ayaa maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb kadib markii ay qaadhaceen murashaxiinta mucaaradka. Doorashadan waxaa ku tartami-doona: Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor), Dr. Abdirahman Sabriye, Axmed Shire Falagle iyo Cabdullaahi Axmed Samatar. Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor) oo ah ninka loo saadaalinayo, waxaa uu sheegay haddii la doorto inuu xoogga saari-doono: dib u heshiisiin, amniga, adeegga bulshada, Cadalaad, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale, arrimaha deegaanka Waxaa uu ahaa ganacsade, Maareeya ku xigeenkii Dekadda Muqdisho| 2009-2017), Sidoo kalena, swaxaa uu noqday wasiiru dowlihii wasaarradda Howlaha Guud iyo Guryeenta Xukuumadda hada ka arrimisa Dalka. Dr. Abdirahman .A Sabriye: Waxaa la sheegayaa inuu bartay dhaqaalaha, kana shaqeeyey dhaqaalaha dalalka soo koraya, gaar ahaa ganacsiga iyo warshaddeenta, waxaa uu ka shaqeyay Wasaaradda Ganacsiga Axmed Shire Falagle: waxaa muddo ku dhexjiray deegaannada Galmudug, haddana ah wasiirka Biyaha iyo Tamarta Dowlad Goboleedka Galmudug. Cabdullaahi Axmed Samatar: ganacsade hore, guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Galgaduud. Doorashada waxaa qaadhacay saddex koox: (1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer, (2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan (3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale. Goobjoog news Source: goobjoog.com
  8. Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, madaxweynaha maamulka Galmudug garabka Gaalkacyo oo ka hadlayay arrimaha doorashada maamulkaasi ayaa sheegay in ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uusan waligiis run sheegin waxa uuna xusay in dekadda Hobyana aysan waxaba ka jirin dhismaheeda. “Dekadda la idin yiraah waa la idiin dhisaa waa been waxba kama jiraan, Xasan Cali Kheyre waligiis run ma sheegin batroolkii shalay la saxiixi lahaa isaga ayaa diiday” ayuu yiri madaxweyne Xaaf. Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu soo hadal qaaday doorashada maanta ka dhacaysa Dhuusamareeb isaga oo doorashadaasina ku tilmaamay in ay noqon doonto tii Cadaado ka dhacaday ee lagu doortay Axmed Baasto. Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri “Doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb waa tii Cadaado lagu doortay Axmed Baasto oo kale midka la dooranaya waa midkii Baasto sameeyay ee Cadaado ka helay mana ka duwanaanayso tii Baasto” Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in ciidan federaala aysan joogin Galmudug isaga oo hoosta ka xariiqay in kuwa haatan jooga ay yihiin ciidan gobalka uu leeyahay. “Federaal lama yiraah ciidan gabalkii laga qoray jooga gobalka ayaa iska leh waxaan ka digayaa oo aan u sheegayaa dhamaan ciidamada gobalka jooga waa Galmudug kulligood wax ciidana oo federal ah ma jiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xaaf Waxaa isi soo taraya eedaha loo jeedinayo dowladda federaalka ee ku aadan hanaanka dowladdu u waddo doorashada galmudug oo maanta la soo gabagabeyn doono iyada oo maamulkaasina uu yeealan doono seddex madaxweyne Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Magaalada Dhuusamareeb waxaa saaka ka jira cabsi laga qabonin faraha la isula tago kadib markii ay Dowlada Federaalku Ciidan soo galisay Magaalada. Madaxweynaha Ehlu Suna [...] Source
  10. Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed labadii maalin ugu dambeysay ka socday galbeedka magaalada Kismaayo. Dagaalkan oo u dhaxeeya beelaha Majeerteen iyo Cawra-male, waxaa la sheegayaa in uu salka ku hayo muran dhulka ah. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad beelo kale ah oo ku dhintay gaari la rasaaseeyey oo isla goobtaas ah. Xildhibaan Maxamed Salaad oo ka tirsan kuwa deegaankaas oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka ay qeyb ka yihiin isla markaana ay hurinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, eedeyntaas oo Goobjoog aaney xaqiijin karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar iyo dagaal toos ah oo saaka ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Qalimow oo dhaca wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/ Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah. Labada dhinac ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan, islamarkaana socday muddo saacado ah. Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ee joogay saldhigga ay sameeyeen iska caabin xoogan, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Sidoo kale saraakiishaan ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 7 dagaalyahan, sidoo kalena ay dhaawaceen shan kale, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkan iyo dagaalka xigay. Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dagaalyahanooda cagta mariyeen saldhigga, islamarkaana ay la wareegeen muddo kooban. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ee lagu baahiyey Internet-ka ayaa lagu sheegay in halkaasi ay ku khaarijiyeen illaa 13 askari oo ay ku jiraan 2 sarkaal. “Mujaahidiinta ayaa saaka soo afjaray saldhig ay maleeshiyaadka murtadiinta uga sugnaayeen deegaanka Qalimoow ee wilaayada Sh/dhexe, dhimashada murtadiinta waa 13 askari oo ay ku jiraan laba sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Indhabuur oo ahaaa sedax xidigle Urur iyo sarkaal kale oo la oran jiray Jilibeey.” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda yara degan, waxaana deegaanka Qalimow haatan ku sugan ciidanka dowladda, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya duleedka Balcad iyo deegaanada ku xeeran halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Milatariga Soomaaliya.
  12. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo la hadlayay Xildhibaanadiisa ayaa sheegay in Doorashada ka socota Dhuusamareeb ay la mid tahay tii Baasto oo kale. “Kuwa [...] Source
  13. Madaxax xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo dhowaan garabka Ahlu Sunna ay madaxweyne u doorteen ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Sheekh Shaakir ayaa waxa looga digay in maanta doorasho lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka dhalata doorashadaasi ay qaadi doonto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo xalay hadal ka jeediyay Gaalkacyo, ayaa si kulul uga hadlay doorashada maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in isaga si rasmiya madaxweyne loogu doortay 3-May-2017-kii, islamarkaana wakhtiga xil-hayntiisa u harsantahay mudda 15 bilood ah, isagoo xusay in haddii mudadaasi u dhammaato uu doorasho qaban doono. Mar uu ka hadlayay doorashada Natiijadeeda la sii ogyahay, ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta ka qabanayso magaalada Dhuusamareeb, ayuu sheegay in aysan waxba ka duwaneyn xafladdii Axmed Baasto ku dhigtay Cadaado ee isku doortay. Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee ku sugan Galmudug ku amray, in aysan sheegan Karin magaca heer Federaal, isagoo tilmaamay in dhammaantood ay yihiin ciidamo Galmudug, balse qaarkood ka mushahar-qaatan dowladda Federaalka. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Xaaf oo ku amray Ciidamada Galmudug jooga in aysan Sheegan karin Federaal appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Xiisada lagu soo warramayaa inay u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaalamay halkaasi, kuwaas oo iska dilay illaa 9 qof. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Jubbaland oo ku baxday xiisadaasi ay xabsiga dhigtay illaa 12 qof oo lagu eedeeyey hurinta colaadaasi. Dhinaca kale siyaasiga Maxamed Salaad oo ka soo jeeda deegaanada Jubbaland oo la hadlay Shabelel ayaa baaq u diray dhinacyada diriraya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Jaamac-.mp3 View the full article
  16. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo haatan xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa muuqaal uu iska soo duubay uga hadlay xaaladda maamulka Galmudug, gaar ahaan maamullada is barbar yaacaya ee laga dhisay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo Ugu horreyn wuxuu tilmaamay inay qaldan tahay, sida ay dowladda federaalka u wajahday xalinta khilaafka maamulkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ka sii daray. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in reer Galmudug ay yihiin dad firfircoon, islamarkaana aysan qaadaneytn juujuub, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/DDDD.mp3 View the full article
  17. Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka taas oo ay waddo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa si aada loo adkeeyay amniga magaalada, iyada oo dhamaan la xiray waddooyinka soo gala Dhuusamareeb si loo sugo amniga halka ay maanta ka qabsoomayso doorashada galmudug oo ay garwadeenka ka tahay dowladda. Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in mudanayaasha baarlamaanka ay aqoonsantahay dowladda federaalka ay haatan ku sii qulqulayaan hoolka ay ka dhaceyso doorashada. Doorashada maanta ka dhacaysa Galmudug ayaa waxa ay ka dhigaysaa in maamulkaasi uu yeesho seddex madaxweyne maadaama Sheekh Shaakir iyo Xaaf horay loogu doortay xilkaaasi lamana oga natiijada arrinkaasi ka dhalankarta. Beesha caalamka ayaa horay uga digtay in la qabto doorasho aan loo dhameyn balse dowladda ayaa ku adkaysanaysa in ay dhisto maamul iyadu ay wadato. Sidoo kale waxagaradka iyo qaar ka mida murashaxiinta iska diiday in ay doorashadaasi ka qeyb galaan ayaa iyaguna walaac ka muujiyay sida ay dowladdu wax u waddo. Wixii ku soo kordha halkaan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Qaaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Galmudug oo maanta dhaceysa ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Doorashada oo isugu jira mida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa saacadaha socda ka qabsoomi doonta xarunta shiirkoole ee magaaladaasi. Musharraxiin dhowr ah ayaa ku loolami doono hoggaanka sare ee Galmudug, walow ay jiraan musharraxiin banaanka ka jooga doorashada, islamarkaana qaadacay Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Dhuusamareeb. Wixii warar ah ee soo kordha kala soco: radioshabelle.com View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-020220-www.mp3 View the full article
  20. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo warbaahinta ugu warramayey degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Muduh ayaa ka hadlay doorashada maanta la filayo inay ka dhacdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xaaf ayaa sheegay in doorashadan ay la mid noqoneyso midii horay Cadaado loogu qabtay ee lagu doortay Axmed Baasto, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan waxba soo kordhineyn, islamarkaana ay tahay doorasho la soo dhoo-dhoobay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka badbadisay, islamarkaana dad laga soo qaaday Xamar ay ka dhigtay xildhibaano, iyada oo ay joogaan kuwiii Galmudug ee deegaanka lagu doortay. “Dowladda ayaa wadata xildhibaanada wax dooranaya iyo madaxweynaha la dooranaya”. ayuu yiri Xaaf. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in weli uu yahay madaxweynaha sharciga ah, isla markaana waqti ahaan 15-bilood ay uga harsan tahay muddo xileedkiisa. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadaha soo socda ee maanta doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb oo haatan laga dareemayo qaban qaabo xoogan. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Co-Xaaf.mp3
  21. Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale shaacisay, in uu dib u dhacay ku yimid bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah, oo horay hay’addu u sheegtay in todobaad dib loo dhigay. Qoraal ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ayey ku sheegtay in khamiista soo socota la billaabayo bixinta Baasaboorka, waxaana ay bulshada ka codsatay, in ay dulqaad ka muujiyaan dib u dhaca kooban. “Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda. “Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo.” PUNTLAND POST The post Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo mar kale dib u dhac ku yimid appeared first on Puntland Post.
  22. Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo maalmo ka hor loo doortay madaxweynaha Galmudug Garabka Ahlusunna, ayaa digniin adag ka soo saaray doorashada maanta lagu wado, in ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb. War-saxaafadeed luuqadda English-ka ku qoran, oo xalay ka soo baxay Xafiiska Sheikh Shaakir, lana gaarsiiyay Beesha Caalamka, ayaa looga digay cawaaqib-xumada ka dhalan kartaa, haddii dowladda Federaalku Dhuusamareeb ka qabato doorasho kale. Sidoo kale, waxaa uu Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay ka hortimid talooyinkii ay u jeediyeen iyo cabashooyinkoodii ku aadanaa arrimaha hannaanka doorashada. Wuxuu intaas raaciyay in ay Villa Somalia qaadi doonto mas,uuliyadda wixii dhimasho iyo burbur ee ka dhasha fowdada ay dowladda ka abuurayso Galmudug. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo ka digay in dowladda Federaalku qalalaaso ka riddo Galmudug appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac uu ku yimid bixinta baasaboorka Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in isbedal uu ku yimid waqtigii ay horay u shaacisay oo ahaa in todobaad dib loo dhigay qabashada codsiyada baasaboorka, iyada oo sababta ku sheegtay inay sameyneyso howlo dib u habeyn iyo horumarin intaba. Sidoo kale hay’adda ayaa warsaxaafadeedkaan ku shaacisay in khamiista soo socota ee todobaadkan la billaabayo bixinta Baasaboorka. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay dulqaad muujiyaan mudadaasi. Halkaan hoose ka aqriso: “Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda. “Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo” sida lagu yiri qoraalka Hay’adda.
  24. Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa ka jawaabay codsi dhawaan ka yimid Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa in laga cafiyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisii. Qalbi-Dhagax oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sanbaloolshe uu dhegaystay hadalkiisa balse uu u arko nin aan diyaar u aheyn ka garaabidda khaladkii uu ka galay sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in cafiska uu ka dalbaday Sanbaloolshe uusan kaligiis go’aan ka gaari karin balse uu yahay khalad laga galay umadda Soomaaliyeed oo dhan. “Iima muuqan Sanbaloolshe dunuubtii uu iga galay inuu ka toobad keenayey, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayuuna dembi ka galay. ONLF oo urur gobanimo doona ah oo ku halgamaya mabaadii’idii 600 oo sano ay umadda Soomaaliyeed ku halgameysay ayuu dembi ka galay shakhsiyanteyda dembi ayuu iga galay marka cafiskiisu ii gaar maaha intaas aan soo sheegay ayuu cafis ka sugayaa markii uu si dhab ah uga soo laabto khaladkiisa ayaan sugeynaa” ayuu yiri Qalbi-dhagax. Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko in ONLF ay weli dowladda ugu diiwaan gashantahay urur argagixiso ayuu yiri Qalbi-Dhagax: Dowladdu ha iskaga adkeysato go’aankeeda iyadey u taalaa waana la arki doonaa ciddii xiriir la leh argagixiso, marka uma tilmaamayo dowladda waxii ay ka yeeli laheyd arintaas. PUNTLAND POST The post Qalbi-dhagax oo diiday in uu Cafiyo Sanbalooshe appeared first on Puntland Post.
  25. Minnesotans with ties to Myanmar and Eritrea raised concerns on Friday that President Donald Trump’s new executive order restricting immigration from those countries could interfere with families reuniting. Source: Hiiraan Online