-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Haddii mar kale loo doorto madaxweyne, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu samayn doono masaafurin ballaaran dadka an ogolaansho sharci ah ku joogaan Mareykanka. Ololahiisa ayaa bixiyey jawaabo kala duwan oo ku saabsan qorshaha saarida, ninka uu ku xigeenkiisa u magaacabay JD Vance, ayaa bixiyey hal tiro intii uu ku jiray waraysi uu todobaadkan siiyey warbaainta ABC. “Aan ku bilowno hal milyan,” ayuu yiri, taasi waa meesha Kamala Harris ay ku guuldaraysatay, kadibna halkaas ayaan ka dhaqaaqi karnaa,” ayuu yiri Trump. Laakiin xitaa isku soo baxyada ololaha Trump iyo madalada ay ka hadlaan waxaa ka muuqdo calaamo laga akhrin karo “musaafurin tiro badan ah.” Khubarradu waxay sheegayaan inay jiraan caqabado sharaci iyo caqabado kale oo la taaban karo oo ay wajihi kraan masaafurinta dad badan. Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew, ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo ku sugan dalkaas tan iyo 2005tii. Badankoodu waxay deggan yihiin muddo dheer ah – ku dhawaad afar-meelood meel ayaa dalka joogay in ka badan toban sano. Soo-galootiga dalka ku jooga bilaa sharci waxay xaq u leeyihiin inay helaan nidaam cadaalad ah, oo ay ku jirto dhageysi maxkamadeed ka hor intaan la saarin. Kororka ba’an ee masaafurinta waxay u badan tahay inay keenayso balaarin lagu sameeyo nidaamka maxkamada socdaalka, taas oo ay hareeyaan dib u dhacyo. Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka, laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah. The post Xogta tirada muhaajiriinta la saadaalinayo inay tarxiilayaan Trump iyo kooxdiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimada Online) – Waxaa deegaanka Burka Derin ee degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gabagabeeyay gogosha nabadeed ee deegaankaas la dhigay sanad ka hor. Gogoshaas ayaa lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah oo horay ugu dagaalamay aagga degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe. Gogoshaan Nabadeed oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed oo ay wehliyeen duubabka Dhaqanka Mudullood. Waxaa halkaan la fadhiyey in ka badan hal sano, waxaana go’aan looga gaaray colaada labada beelood ee lagu dhex dhigay heshiis rasmi ah. Gabagabadii gogoshaan waxaa lagu gowracay suman iyo sumeyn oo loogu magac daray Axdi iyo Duco. Sheekh Shariif iyo waxgaradka Mudullood ayaa ku balamay in la xoojiyo heshiiskaas oo uu dhaqan galo. Sheekh Shariif ayaa kulankii ugu dambeeyey ee gogoshaas lagu soo xiray ka sheegay in caloodii dadka badan lagu dilay ee deegaanadaas ka jirtay loo xiray ku dhowaad 100 oday dhaqameed. Odayaasha la xiray ayaa loo heystaa rag dhowr jeer fashiliyey heshiisyo la gaaray oo dilal geystay, kuwaas oo laga doonayo inay soo qabtaan, maadaama ay dhaqan ahaan u metelaan. The post Sawirro: Sheekh Shariif oo soo gabagabeeyey qorshe culus oo sanad ka hor uu bilaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Balanbal (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud. Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardowso Maxamed Cigaal ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Ballanballe. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bulshada reer Balanbale isku tashiga ay ku dhisteen Airport-kan. Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa bulshada reer Balanbale ka ballan qaaday in maamulkiisu uu la dhameystiri doono waxyaabaha ka dhimman. “Markasta waxaa inoo muhiim ah isku tashi, waana in aan kamaarano gacmo aan kuweena aheyn, reer Balanbale waxay muujiyeen deeqsinimo iyo isku xirnaan, dhamaan reer Galmudug-na waa ku caan isku tashiga,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Balanballe Airport, laguma dhisin lacag ka timid qasnadda dowladda ama dhaqaale ka yimid caalamka ee waxaa lagu dhisay dhaqaale ay iska uruuriyeen dadka reer Balanbale oo isugu jira Qurbajoog, Qoraxjoog iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaankaas. Dadka reer Balanbale waxaa muddo dheer ragaadiyey colaado sokeeye iyo adeeg la’aan dowladeed, waxayna gaadiid ugu safri jireen si ay diyaarad u helaan Guriceel ama Caabudwaaq oo misaafo dheer u jira, balse hadda waxay toos uga baxeen dhibaatadii ka heysatay safarada cirka ah. The post Sawirro: Qoor Qoor iyo Wasiir Gaadiidka oo xarigga ka jaray garoon lagu dhisay qorshe cajiib ah appeared first on Caasimada Online.
-
(Analysis) In the vast, turbulent expanse of the Horn of Africa, a significant development has emerged that underscores the intricate geopolitical tapestry of the region. A Memorandum of Understanding (MoU) between Ethiopia and Somaliland stands at the center of these complexities, reflecting a mesh of political ambitions and economic strategies. Ethiopia aims to broaden its political and economic reach, seeing the MoU as a vital tool in this quest. This ambition must navigate Somaliland’s intricate internal politics. Clan dynamics, elections, and governance challenges could sway the MoU’s fate in the coming months. Regional diplomatic interactions add another layer of complexity to this scenario. Turkiye’s Strategic Moves and Economic Ventures in the Horn Turkiye has positioned itself as a mediator and influencer in the Horn, particularly through its involvement in the maritime MoU between Ethiopia and Somaliland. Ethiopia and Somaliland: Navigating a New Strategic Alliance in the Horn of Africa. (Photo Internet reproduction) By hosting diplomatic talks, Turkiye reinforces its role as a peacemaker, while its economic and military ventures in Somalia mark a significant footprint. Investments in Somali infrastructure like roads and airports are pivotal, boosting Somalia’s economy and solidifying Turkiye’s strategic position. The military domain is equally critical for Turkiye, with its largest overseas base in Mogadishu serving dual purposes: securing its economic interests and bolstering regional stability. This military engagement complements its economic ventures, projecting Turkiye as a guardian of stability and a benefactor of prosperity. Challenges and Critiques Despite these efforts, Turkiye faces scrutiny over its motives and the sustainability of its investments. Its diplomatic neutrality could be tested as it navigates the competing interests of Somalia and Somaliland, especially concerning territorial and maritime claims. However, the balance Turkiye strives to maintain could be disrupted if perceived as favoring one side over the other. Elections and Clan Dynamics: Internal Factors Affecting the MoU In Somaliland, upcoming elections and prevailing clan rivalries are pivotal to the political landscape, potentially impacting the MoU’s success. The need for political stability and cohesion is critical, as is the role of neighboring nations like Djibouti, Kenya, and Somalia, whose positions could influence regional perceptions and the efficacy of the MoU. Broader Geopolitical Influences and Future Prospects The geopolitical environment is further complicated by interests from powers like Egypt, Qatar, Saudi Arabia, and the UAE, particularly concerning issues like the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and regional maritime access. Turkiye’s recent decision to deploy its navy to Somali waters adds another dimension to this complex geopolitical puzzle, potentially reshaping the security dynamics of the region. Looking forward, the horn faces several challenges and opportunities. The escalation of military activities, such as those by Eritrea, poses the risk of increased regional tensions. The political shifts in major global powers like the U.S. and the UK could also sway the dynamics in the Horn of Africa. Achieving political stability is crucial for nurturing a conducive environment for diplomatic and economic advancements. Recommendations for a Stable Future To navigate these complexities, adopting new strategies for de-escalation and limiting non-state actors’ roles is vital. Promoting effective dispute resolution and inclusive political processes can mitigate conflicts and enhance unity. A thorough analysis of regional partnerships will facilitate informed decisions. This is essential for strategic planning and long-term stability in the Horn of Africa. This landscape of alliances, rivalries, and diplomatic maneuvers paints a vivid picture of a region at a crossroads. It highlights the importance of strategic diplomacy and economic collaborations in shaping its future. Rio Times Qaran News
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Waqooyiga Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool. Howlgalladan ayaa u jeedkoodu ahaa xaqiijinta nabad-gelyada iyo furista wadada Xariirisa Qurac-joome iyo magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Howlgalkan ayaa waxa hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq iyo Taliyaha sahanka guutada dhamme Aadan Gaabow isaaq. Sidoo kale deegaanka exmed-kooray oo qiyaastii 60-Km ujirta Magaalada Xuddur, waxaana ay kooxda Al-Shabaab wadadaas ku lahaayeen baro jod gooyo oo ay dadka iyo gaadiidka ku fatashaan, ayadoo ciidanku ay inta badan soo dhaafsiyeen Gawaari shacab ee ku xayiran goobahaas sida ay saraakiishu sheegeen. Source: goobjoog.com
-
Bangkok (Caasimada Online) – Paetongtarn Shinawatra ayaa jagada ugu sarreysa dalkaas kusoo biirineysa weji cusub, oo da’yar, iyo weliba xubin kale oo awood badan oo ka tirsan qabiilka Shinawatra. Waa gabadha Thaksin Shinawatra, raysal wasaarihii hore oo kusoo laabtay Thailand bishii August ee sanadkii hore kadib 15 sano oo uu dibad-joog ahaa. Gabadhan 37-jirka ah ayaa sidoo kale raysal wasaarihii ugu da’da yaraa taariikhda Thailand, waana keliya haweeneyda labaad – tii ugu horreysay waxay ahayd eeddadeed Yingluck Shinawatra. Paetongtarn oo Thailand looga yaqaanno naaneysteeda Ung Ing, Ms Paetongtarn ayaa caan noqotay markii ay horkacaysay xisbigeeda, Pheu Thai, doorashadii guud ee sanadkii hore. Waxay noqotay qof caan ku ah ololaha, iyadoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ka hadli jirtay ilaa bisheedii ugu dambeysay oo ay ilmaheeda labaad uurka ku sidda. Si kastaba qoyskeeda, gaar ahaan hooyadeed Potjaman, oo weli xubin awood leh ka ah Pheu Thai, ayaan dooneyn inay raysal wasaare noqoto, iyadoo ka baqeysa inay u nuglaato faragelinnada sharciga ah ee ku qasbay Ms Yingluck iyo Mr Thaksin inay dibad-joog noqdaan. Balse xukunka maxkamadda ee aan la fileyn ayaa qaadacay raysal wasaarenimada Srettha Thavisin horraantii toddobaadkii hore. Marka laga reebo Mr Srettha, Pheu Thai wuxuu keliya lahaa labo musharrax raysal wasaare oo u qalmay inay beddelaan. Ms Paetongtarn ayaa ka mid ahayd, kan kale waa dacwad-oogaha hore ee da’da ah, kaasoo xildhibaannada xisbiga ay aamisan yihiin inuusan tamar u heyn inuu hoggaamiyo ilaa doorashada xigta, ee la filayo inay ku qabsoonto muddo saddex sano ah. Khibradda ugu weyn ee Ms Paetongtarn ayaa ah inay la shaqeyneysay kooxda hoteellada ee ay leeyihiin reer Shinawatra. Lagama fileyn inay gasho siyaasadda, waxayna keliya Pheu Thai ku biirtay sanadkii 2021. Inay noqotay raysal wasaare, waxay ka dhigan tahay inay galeyso saaxad siyaasadeed oo adag. Waxay isu tilmaantaa qof aad u taageersan hanti-wadaagga, qof xornimada bulshada la dhacsan oo si buuxda u taageerta sharciga cusub ee guurka ee Thailand. Balse erayga ay inta badan dadka ku xusuusan doonaan ayaa ah “gabadha aabbahay”. Micno ma sameyneyso waxa ay ka qabato dowladda, waxaa mar walba loo arki doonaa inay ku hoos shaqeyneyso amarrada aabbaheed. Mr Thaksin ayaana ah qof aad loogu kala qeybsan yahay. Kasoo laabashadiisii dibad-joognimada sanad kahor waxay ahayd natiijada kaoso baxday gorgortan xooggan oo lala galay xoogagga asal-raaca ee awoodda leh. Waxaa ka mid ah militariga, oo afgembiyay labo dowladood oo Shinawatra ay mamaulayeen, iyo kooxo u dhow boqortooyada, oo muddo ka badan 20 sano kasoo horjeeday Mr Thaksin. Guushii cajiibka ahayd ee xisbiga Move Forwad (Hore u Dhaqaaqa) ay ka gaareen doorashadii hore, ee ku riixay Pheu Thai iyo qabiilka Shinawatra inay markii horreysay kaalinta labaad galaan, ayaa ku qasbay asal-raaca, oo axsaabtooda ayba meelo kasii hoose galeen, inay dib isu eegaan oo xaaladda la qabsadaan. Isha: BBC The post Paetongtarn Shinawatra: Waa tuma ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar Thailand? appeared first on Caasimada Online.
-
UN chief António Guterres has called for Africa to be given a permanent seat at the UN Security Council, a reform aimed at making the body more representative and globally credible. Addressing the council on Monday, Guterres said the current composition of the Council was anachronistic and undermined the body’s legitimacy. “We cannot accept that the world’s preeminent peace and security body lacks a permanent voice for a continent of well over a billion people,” said Guterres. “Nor can we accept that Africa’s views are undervalued on questions of peace and security, both on the continent and around the world.” The five permanent members of the Council – China, France, Russia, the UK, and the US – represent international power dynamics at the end of World War Two, when colonial rule still largely prevailed. Ten non-permanent seats on the Council are allocated by region, but unlike the five permanent members, they do not have veto power. The African Union has long lobbied for two permanent continental representatives on the Council and an additional two seats as non-permanent representatives. The East African Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Sudan ee Soomaaliya, Ammar Ali. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta. Ra’iisul wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin xaaladda ka taagan Sudan. Waxa uuna xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda Sudan, iyagoo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkaas. Sudan ayaa xilligan ku jirta xaalad adag, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in dhinacyada isku haya dalkaasi la iskugu keeno miiska wada-hadalka, si loogu soo afjaro dagaalka 16-ka bilood qaatay. Wada-hadallada nabadeed ayaa la sheegay in uu diiday mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya oo ah ciidamada qaranka, halka RSF ay sheegtay in ay gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland si ay uga qeyb galaan wada-hadallada, iyagoona xaqiijiyay inay ka go’an tahay fulinta rabitaanka shacabka Sudan. Dhanka kale, ciidamada Sudan ayaa diidan in Imaaraadka Carabta ay goobjoog ka ahaato wada-hadallada, iyagoona ku eedeeyay in ay taageereen ciidanka RSF. Mareykanka oo dhex-dhexaadinaya wada-hadalada ayaa ku baaqay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay goobjoog ka ahaadaan wada-hadalada. Si kastaba, muddo dhowr toddobaad ah ayay ciidamada gargaarka deg-degga ah isku dayayeen in ay qabsadaan magaalada, iyagoona tobanaan kun oo rayid ah ku qasbay in ay qaxaan. The post Xamza oo ballan-qaad culus u sameeyay SUDAN xilli ay xaalad adag ka taagan tahay appeared first on Caasimada Online.
-
Pakistan ayaa ku dhawaaqday in la diiwaan galiyay saddexdii kiis ee ugu horreeyay gudaha dalkaasi ee fayruska Mpox, oo loo yaqaanno furuqa daanyeerka. Fayruska Mpox, oo kiisaskii u horreeyay laga helay bartamaha iyo galbeedka Afrika taa oo ku dhalisay ururka Midowga Afrika iyo Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO inay u aqoonsadaan xaalad deg deg ah oo caafimaad oo caalami ah. Cudurkan ayaa hadda u muuqda inuu isaga talaabayo qaaradaha, shalay dalka Sweden ayaa laga diiwaangeliyay kiiskii u horreyay , iyadoo fayruskan lagu kala qaado taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Pakistan oo diiwaan-gelisay kiisaskii ugu horreeyay ee Furuqa daanyeerka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan dheer oo ka kooba 30 qodob, kaasi oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin wada-hadallada Itoobiya, heshiiskii Masar iyo safaradii u dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah qoraalkan ay soo saartay dowladda oo ay ku sheegtay “warbixinta todobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya”, dagaalka Al-Shabaab iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda ay qaaday. Hoos ka aqriso qodobada bayaanka; 1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kaga qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo dhowaan dib loo doortey. 2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kigali kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto. 3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib booqasho laba maalmood ah ku tagey magaalada Qaahira ee dalka Masar. 4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. 5. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar oo heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira. 6. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka teleefonka kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan. 7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha kaga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga saarayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha dimuqraadiyeynta iyo hannaanka doorashooyinka dalka. 8. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay saddex dhalinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido. 9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Ammar Ali. 10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey dejinta qorshaha kobaca iyo casriyaynta dhaqaalaha Soomaaliya deyn cafinta kaddib, iyo ku biirista Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika. 11. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib. 12. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku tagay xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah oo hoostagta Hay’adda SODMA. 13. Wadahadaladii Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka socday magaalada Ankara ee garwadeenka ay ka tahay Dowladda Turkiga ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana lagu balamey wareeg 3aad oo dhici doona bishii September. 14. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho oo dhawaan la baneeyay. 15. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, iyagoo ka wadahadley taageerada horumarka dhinaca warbaahinta ee Soomaaliya. 16. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa kulliyadda Turksom tababar ugu soo xiray saraakiil xigeeno ka mid noqonayo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo tababar takhasus u aadaya dalka Turkiga. 17. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta ee Xeebta Liido. 18. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa deeq lacageed ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Qaranka ee shacabkii ku dhaawacmay qaraxii Liido ee magaalada Muqdisho . 19. Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo muhiim ah, kaas oo looga hadlay Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran. 20. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh, ayaa kulan la qaatay Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, iyagoo ka wadahadley arrimah amniga iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. 21. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir. 22. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa soo bandhigtay natiijada tartanka 3,000 oo macallimiin cusub ah oo ka hawalgeli doona dugsiyada dalka. 23. Dowladda Masar ayaa magaaladda Muqdisho si rasmi ah dib uga furtey xarunta cusub ee safaaraddeed. 24. Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa in ka badan 30 Khawaarij ah ku dilay hawlgalo ka dhacay degaannada Yadi iyo Xaliimo Caddey oo hoos taga degmada Badhaadhe ee Jubbada Hoose. 25. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray taliska cusub ee loo diyaarinayo Ciidanka Dhulka oo laga hirgelinayo Degmada Hodan. 26. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ku dilay ku dhowaad 10 Khawaarij ah, isla markaana cadowga ka furtay hubkii iyo gaadiidkii ay wateen. 27. Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta guud ee INTERPOL oo ku taalla magaalada Lyon ee Dalka France. 28. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaaddo oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO. 29. Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay madaxa UNDP ee Somaaliya Mr. Lionel Laurens. 30. Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ee degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Beledweyne. The post Aqriso: DF oo soo saartay bayaan dheer oo looga hadlay wada-hadallada Itoobiya iyo arrimo kale appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Danjire Nebiyu Tedla ayaa sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo in ay hesho marin badeed la isku halleyn karo. Waxa uu soo hadal qaaday wada-hadalladii u dambeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhex-maray magaalada Ankara, isagoo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa isku afgarteen in wejigii saddexaad ee wadahadalka la qabto. Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto xaaladda Soomaaliya. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dalalka hadda ciidamadooda ay ka mid yihiin ATMIS-ka ay yihiin daneeyayaal muhiim ah oo ay tahay in lagu tixgeliyo, aragtidooda iyo tabashooyinka ay qabaanna ay tahay in la qaato si loo fududeeyo buu yiri in si habsami leh howlgallada loogu wareejiyo howlgalka ATMIS bedelaya. Waxa kale oo uu muujiyay sida ay Itoobiya u aaminsan tahay in hay’adaha ay khusayso, oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo QM ay tahay in ay hubiyaan sida uu yiri talooyinka lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada ay khusayso oo ay ku jiraan dalalka ku deeqay ciidamada ATMIS. Sidoo kale in si taxadar leh ciidamo cusub loogu diyaariyo si buu yiri looga fogaado isfaham la’aan aan loo baahnayn iyo xiisad lama filaan ah oo gobolka ka dhacda. Warkan ka soo baxay Itoobiya ayaa yimid maalmo uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay magaalada Qaahira heshiis dhinaca difaaca ah kula saxiixatay Masar, taasi oo labada madaxweyne ay ku tilmaameen in uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka. The post Muxuu yahay go’aanka ay DF gaartay ee walaaca xooggan ka muujisay Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa soo jiitay indhaha caalamka sida weyn ee uu uga dhexmuuqday wada xaajoodyada u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia, si xal kama dambays ah looga gaaro xiisadda labada dal, loona gaaro is fahan wax ka beddeli kara mustaqbalka Geeska Afrika. Hakan Fidan, waa diblomaasi xirfadihiisu ay ku saleysan yihiin awooddiisa uu ku maareyn karo xaaladaha adag. Fidan oo ku dhashay Ankara 1968. Waddadiisa ugu horreysay ee inuu noqdo mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan Turkiga, waxay kasoo bilaabatay Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, halkaas oo uu ka soo shaqeeyay sida sarkaal ka tirsan sirdoonka isgaarsiinta. Waxbarashadiisa sare ee millatariga waxa uu ku qaatay dibadda, gaar ahaan xilligii uu ka shaqeynayay NATO ee dalka Jarmalka. Intii uu ku sugnaa Jarmalka, Fidan wuxuu ka qaatay shahaadada jaamacadeed ee Maamulka iyo Cilmiga Siyaasadda jaamacadda University of Maryland University College (UMUC). Markii uu dib ugu soo laabtay Turkiga, Fidan wuxuu sii waday barashadiisa jaamacadda Bilkent University, halkaas oo uu ku dhameystay shahaadada mastarka isaga oo qoray mowduuc ku saabsan “Doorka Sirdoonka ee Siyaasadda Dibadda.” Wuxuu sidoo kale qaatay Ph.D. isla jaamacaddaas, isagoo diiradda saaray “Diblomaasiyadda Xilligii Macluumaadka: Isticmaalka Tiknoolajiyada Macluumaadka ee Caddeynta.” Shaqooyinkiisa cilmiga ah waxay aasaas u ahaayeen kaalintiisa dambe ee sirdoonka iyo diblomaasiyadda Turkiga. Isbeddelka Fidan ee ka yimid adeegga millatariga una wareegay dowladnimada rayidka wuxuu ku bilaabmay magacaabistiisa 2003-dii sida Madaxweynaha Hay’adda Iskaashiga iyo Isuduwidda ee Turkiga (TIKA). Shaqadiisa TIKA iyo doorkiisa latalinta dhow ee uu la lahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xiligaas, Ahmet Davutoğlu, waxay ka dhigeen mid muhiim ah oo ku dhex jira mishiinka siyaasadda dibadda ee Turkiga. Isbeddelka Fidan ee ka yimid sirdoonka millatari una wareegay diblomaasiyadda waxaa calaamadeeyay magacaabistiisa sanadkii 2010 sida Kaaliyaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka (MİT); isagoo 42 jir ah, wuxuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee xilkaas qabta. Xilligii uu joogay MİT, wuxuu ku lug yeeshay wadaxaajood qarsoodi ah oo lala galay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistaan (PKK). Wada xaajoodyadaas oo loo yaqaan Oslo, waxay ujeedkeedu ahayeen in lagu xalliyo arrinta Kurdiyiinta, balse wuxuu noqday mid muran badan iyo ismaandhaaf siyaasadeed ka dhaliyay gudaha Turkiga. Doorka Fidan ee sirdoonka Turkiga sidoo kale wuxuu ku lug yeeshay la tacaalidda xaaladdii murugsanayd ee isku daygii afgambiga ee July 15, 2016. Ficilladiisa degdegga ah xilligii afgambiga, kaas oo si toos ah isaga loogu wajahnaa, waxaa lagu ammaanay inay door muhiim ah ka ciyaareen fashilka afgambiga iyo sugidda xasilloonida dowladda Turkiga. Mudadii uu joogay, wuxuu ku kasbaday sumcad ahaan shakhsi lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan, isagoo helay naanaysta “Sir-doonka Erdoğan.” Bishii June 2023, Fidan waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, waana xilkaas oo uu hadda ku hoggaaminayo wadaxaajoodka muhiimka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Habka Fidan ee wadaxaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ahaa mid sabir iyo is-dulqaad leh, isagoo adeegsanaya diblomaasiyadda isku socodka si uu u furo wadaxaajoodka labada dal. Inkastoo cadaadiska xooggan iyo halista wadaxaajoodka u galay inay burburaan, Fidan wuxuu ku dhawaaqay in ay jirto “horumar la taaban karo,” taasoo muujinaysa awoodiisa uu ku dhex socon karo xiisadaha iyo inuu labada dhinacba ku hayo wadaxaajoodka nabadeed. Istiraatijiyadiisa waxay ka kooban tahay dhaqdhaqaaq feejigan, isagoo ka jawaabaya baahiyaha degdegga ah ee dhinacyada isku haya iyadoo la waafajinayo danaha ballaaran ee Turkiga, gaar ahaan Soomaaliya. Intii uu Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan xilka hayay, Turkiga wuxuu si weyn u xoojiyay joogitaankiisa guud ahaan Afrika, iyadoo Soomaaliya ay tahay bartilmaameed muhiim ah oo dadaalladaas. Safaaradda ugu weyn ee Turkiga ee dibadda waxay ku taallaa Muqdisho, waxaana jira iskaashi amni oo la xoojiyay, taasoo muujinaysa qoto dheerida xiriirka ka dhexeeya labada dal. Shirkadaha Turkiga waxay maamulaan kaabayaasha muhiimka ah, sida garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda, halka shirkadda tamarta ee dowladda Turkiga ay diyaar u tahay inay bilowdo sahminta shidaalka iyo gaaska ee xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale, Turkiga wuxuu qorsheynayaa inuu dhiso dhisme safaaradeed oo loogu talagalay Soomaaliya oo ku yaal Ankara oo qiimaheeda lagu qiyaasay in ka badan $6 milyan. Sanadkii 2024, Turkiga iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiisyo taxane ah oo ah dhinaca badda iyo difaaca kuwaas oo xoojiyay iskaashiga millatariga iyo dhigay aasaaska doorka Turkiga ee sugidda biyaha Soomaaliya. Heshiisyadan waxaa ka mid ah ballanqaadka Turkiga ee ah inuu ka caawinayo Soomaaliya inay horumariso awoodaha baddeeda iyo inay sugto xuduudaha badda, taasoo ah tallaabo istiraatiiji ah oo la jaanqaadaysa danaha muddada-dheer ee ammaanka iyo dhaqaalaha ee Turkiga ee gobolka. Guusha Fidan ee dhexdhexaadinta muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya muhiimaddeedu ma ahan oo kaliya xasilloonida gobolka, laakiin sidoo kale ilaalinta maalgashiyada ballaaran ee Turkiga iyo hubinta in saameynta Turkiga ee Geeska Afrika ay sii xoogaysato. Xaaladda Soomaaliya ee wadaxaajoodka waa mid xasaasi ah. Dalka oo wali ka soo kabanaya tobanaan sano oo colaado ah, wuxuu u arkaa in wax kasta oo laga gorgortamayo oo ku saabsan midnimada dhuleed ay tahay musiibo mustaqbalkeeda dhibaato ku noqon kara. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuu si weyn uga soo horjeestay heshiiska is-fahamka, isagoo ka digaya in Itoobiya loo oggolaado inay saldhig ciidan ku yeelato biyaha Soomaaliya ay halis ku noqon karto dalka iyo gobolka intiisa kale. Isha: HOL The post Waa kuma Fidan: Diblumaasiga Turkiga ee horseedka u ah wada-hadalka Somalia iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
455801940_2009629842773733_5126386636505547175_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay meesha uga saareyso leexsashada gargaarka bani’aadannimo, taasi oo ay ka qeyliyeen deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. Madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada hay’adda SODMA Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa soo xiray aqoon is weydaarsi ku saabsan dhaqan-gelinta xeerarka iyo siyaasadaha looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadannimo. Aqoon-is-weydaarsigani waxaa ka soo qayb-galay la-taliyayaal, howl-wadeenno ka tirasan SODMA, saraakiil ka kala socday ururka qareenada, NGO-yada iyo hay’addaha ka shaqada arrimaha gargaar ka. La-taliyaha sare ee hay’adda maareynta musiibooyinka u qaabilsan ka hortagga leexsashada gargaarka Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa sharaxaad ballaaran ka siiyay ka qayb-galayaasha muhiimadda hay’adda SODMA iyo dadaalka dheeraad ah ay ku bixisay in xeerar iyo siyaasado looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadminimo. Kulanka ayaa sidoo kale ahaa madal lagaga wada-hadlay oo la isku weydaarsaday sidii loo hirgelin lahaa fulinta siyaasado iyo xeerar adag oo loogaga hortagi karo khataraha leexsashada gargaarka bani’aadminimo, si loo ilaaliyo hufnaanta howlaha samafalka iyo gargaarka, kuwaas oo kala ah: 1- In loo ololeeyo horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka looga hortagayo leexsashada gargaarka bini’aadantinimo. 2- Muujinta muhimadda ay leedahay dhaqan gelinta siyaasadaha iyo xeerarka jira si looga hortago leexsashada gargaarka. 3- Dhiiri-gelinta iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha si loo xoojiyo hufnaanta bixinta gargaarka bani’aadminimo. Ugu dambeyntiina madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada SODMA ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in la helo wadiiqooyin, xeerar iyo siyaasado ay dowladda Soomaaliya leedahay, kaas oo lagu hago hay’addaha arrimaha gargaarka bani’aadminimo ka shaqeeya, taas oo lagu gaarayo in la helo sharci lagu istaajin karo isdaba marin arrimaha gargaarka ah taas oo muhiim tahay in si sax ah u gaarsiino dadka loogu talagalay. The post DF oo isku dayeysa inay ka hortagto arrin ay deeq bixiyayaashu ka qeyliyeen appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar qabyo ah oo oggolaanaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan fulinta howlaha loo igmaday ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December. Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in Safiirka Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan oo hadlay ka dib codeynta uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS-ka illaa bisha December 2024-ka si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka, anagoo buu yiri isku diyaarinayna howlgalka ATMIS ka bacdi ee sanadka 2025-ka.” “Waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS in ay sii wataan shaqadooda muhiimka ah. Dadaalkan wada shaqayneed waa mid muhiim ah innagoo ka shaqaynayna sidii aan ugu gudbi lahayn qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta,” ayuu safiirku ku yiri hadalkiisa. Warsaxaafadeedka ka soo baxay QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in danjire Daahir Cismaan uu yiri, “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, iskudubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ugu muhiimsan hannaankaan. Wadashaqeyn wax ku ool ah kaliya ma fududeyneyso in si badbaado leh oo habsami leh ay ciidamada nabad ilaalinta u baxaan, laakiin sidoo kale waxa ay yareeynaysaa carqaladaha ka dhalan kara inta lagu jiro marxaladan xasaasiga ah,” ayuu yiri. Waxaa la filayaa in codeyntani ay noqoto markii u danbeeysay ee uu Golaha Ammaanku ansixiyo qaraar kordhinaya muddada ay ATMIS ka howlgaleyso Soomaaliya, iyadoo lagu wado in bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya uu la wareego howlgal cusub. Qaraarka qabyada ah ayaa u oggolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay sii wadaan in ilaa 12,626 askari oo tuutaha ciidanka xiran oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ay sii wadaan howlaha nabad ilaalinta ATMIS illaa 31ka Diseembar. Waxaa kale oo warsaxaafadeedka looga codsaday Xoghayaha Guud in uu sii wado bixinta xirmada taageerada saadka iyadoo la sii marinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo kordhiyay mudada ATMIS joogayaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
455689727_515463840947337_1307449840009324487_n Qaran News
-
Qaran News
-
Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in weerar saacadihii la soo dhaafay Israa’iil ay ku qaaday guri ku yaala xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Qasa ay ku dhinteen dhowr qof oo rayid ah oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan caruur, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo badan, sida ay sheegtay wakaalada difaaca madaniga ah ee Qasa. Dhanka kale in ka badan 12 qof oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jia ayaa laga soo warinayaa Daanta Galbeed, halkaas oo Israa’iiliyiin hubaysani ay weerar u geysteen dad reer Falastiin ah, iyagoo gubay baabuur iyo sidoo kalena burbur baaxad leh oo hantiyeed geystay. Wasaaradda Caafimaadka Qasa ayaa ayaduna ku dhawaaqday in tirada dhimashada dadka reer Falastiin ay gaartay 40 kun oo waliba ku dhowaad 10 qof ay weheliso, taas oo ah isku darka ama wadarta dadkii ku dhintay dagaalka iyo duqaymaha Israa’iil ee bishii 10-aad ka socda Qasa. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooby ayaa shalay galinkii dambe si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar qabyo ah oo oggolaanaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan fulinta howlaha loo igmaday ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December. Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan kulanka ka hadlay ka dib codeynta uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS-ka illaa bisha December 2024-ka si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka.” “Waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS in ay sii wataan shaqadooda muhiimka ah. Dadaalkan wada shaqayneed waa mid muhiim ah innagoo ka shaqaynayna sidii aan ugu gudbi lahayn qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta,” ayuu safiirku ku yiri hadalkiisa. Waxaa intaasi kusii daray “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, iskudubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ugu muhiimsan hannaankaan. Wadashaqeyn wax ku ool ah kaliya ma fududeyneyso in si badbaado leh oo habsami leh ay ciidamada nabad ilaalinta u baxaan, laakiin sidoo kale waxa ay yareeynaysaa carqaladaha ka dhalan kara inta lagu jiro marxaladan xasaasiga ah,” Waxaa la filayaa in codeyntani ay noqoto markii u danbeeysay ee uu Golaha Ammaanku ansixiyo qaraar kordhinaya muddada ay ATMIS ka howlgaleyso Soomaaliya, iyadoo lagu wado in bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya uu la wareego howlgal cusub. Qaraarka qabyada ah ayaa u oggolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay sii wadaan in ilaa 12,626 askari oo tuutaha ciidanka xiran oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ay sii wadaan howlaha nabad ilaalinta ATMIS illaa 31ka Diseembar. Waxaa kale oo warsaxaafadeedka looga codsaday Xoghayaha Guud in uu sii wado bixinta xirmada taageerada saadka iyadoo la sii marinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay in ciidamada ATMIS ay Soomaaliya sii joogaan waqti dheeraad ah. Golaha ayaa meel-mariyay qaraarkan oo oggolaanaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan fulinta howlaha loo igmaday ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December. Bayaan ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in safiirka Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan oo hadlay kadib codeynta uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS-ka illaa bisha December 2024-ka si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka, anagoo buu yiri isku diyaarinayna howlgalka ATMIS ka bacdi ee sanadka 2025-ka.” “Waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS in ay sii wataan shaqadooda muhiimka ah,” ayuu yiri safiirka. Waxa uu intaas kusii daray “Dadaalkan wada shaqayneed waa mid muhiim ah innagoo ka shaqaynayna sidii aan ugu gudbi lahayn qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta.” Bayaanka QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in danjire Daahir Cismaan uu yiri, “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, iskudubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ugu muhiimsan hannaankaan.” “Wadashaqeyn wax ku ool ah kaliya ma fududeyneyso in si badbaado leh oo habsami leh ay ciidamada nabad ilaalinta u baxaan, laakiin sidoo kale waxa ay yareeynaysaa carqaladaha ka dhalan kara inta lagu jiro marxaladan xasaasiga ah.” Waxaa la filayaa in codeyntani ay noqoto markii u danbeeysay ee uu Golaha Ammaanku ansixiyo qaraar kordhinaya muddada ay ATMIS ka howlgaleyso Soomaaliya, iyadoo lagu wado in bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya uu la wareego howlgal cusub. Qaraarka qabyada ah ayaa u oggolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay sii wadaan in ilaa 12,626 askari oo tuutaha ciidanka xiran oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ay sii wadaan howlaha nabad ilaalinta ATMIS illaa 31ka Diseembar. Waxaa kale oo qoraalka looga codsaday Xoghayaha Guud in uu sii wado bixinta xirmada taageerada saadka iyadoo la sii marinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). The post Golaha Ammaanka oo kordhiyay muddada ATMIS ay joogayaan Soomaaliya + Sababta appeared first on Caasimada Online.