Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay imaatinka Masar oo si toos ah usoo caga dhigtay gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka & Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda. Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay tahay dal xor ah, isla markaana cid kale aysan u daba fariisan doonin arrimaheeda gaarka ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka ay doonto ay la macaaleyso, ayna kasoo gudubtay marxaladdii wax loo meerin jiray sida uu hadalka u dhigay. “Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay iyadu leedahay go’aanka xulashada dalka ay la macaalimeyso, Masarna ay iyadu dooratay, sidaaasna ay ku timid Soomaaliya. “Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno. Gobanimo!” ayuu mar kale yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay dekedda Muqdisho uu soo gaaray markab siday hub culus oo ka yimid Masar, kaas oo baabuur waawayn looga soo daabulay, waxaana la geeyay wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale ee lagu kaydiyo hubka dowladda. Tallaabooyinkan ayaa sii hurinayo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyada oo haatan laga digayo in Soomaaliya ay ku dagaalamayaan dowladaha Itoobiya iyo Masar. The post DF oo war culus kasoo saartay imaatinka MASAR kadib hubkii ay lasoo degtay appeared first on Caasimada Online.
  2. Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Somaliland, xilli dhawaan ay xukuumadda Somaliland xidhay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa. Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira. “Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tidhi safaaradda Masar ee Soomaaliya. Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaadhay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii January ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxeexeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya heshiis taariikhi ah. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Masar inay kasoo horjeedo madax-banaanideeda, kadib markii ay Masar heshiis difaac la saxiixatay Soomaaliya oo haatan ay is-hayaan Itoobiya. Source
  3. Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeedha fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay Axaddii guddiga doorashada. Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa. Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaadhay doorashada. Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sanno ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran. Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka. Source
  4. La taliyihii hore ee amniga raysal wasaaraha Itoobiya ahna agaasimihii Guud ee Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya, Redwan Hussien, ayaa ka dhawaajiyay Itoobiya in ayna doonayn deked, balse ay doonayaan inay bad helaan. Redwan Hussien ayaa aaminsan in Itoobiya mar hore lumisay fursad ay bad ku heli kartid, hase ahaatee, markaan wuxuu sheegay wax kaste haku qaadatee inay Itoobiya ka go’an tahay inay bad hesho “Waa inaan Bad helnaa ujeedkeena ma ahan Deked, wax kasta ay nagu qaadato waxaan luminay fursadeenii ugu horreysa xiligii Mililiq. Laakiin hadda nagama hoos bixi doonto,” ayuu yidhi Redwan Hussien Horraantii sannadkan ayaa wareysi laga qaaday sarkaalkan mar uu ahaa la taliyaha amniga ee raysal wasaare Abiy, wuxuu sheegay, in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla ogaayeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxeexay. Source
  5. Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in tiro gantaallo ah ay Axaddii shlay ahayd ku weerareen saldhig millatari oo ku yaalla gunta Israel, maalin kaddib marki ay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ku garaacday caasimadda Beyrut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu ku jiro Ibrahim Caqiil oo ahaa taliye sare oo ka tirsan garabka ugu sarreeya millatariga Xizbullah. Ma cadda in gantaallada Xizbullah ay ku weerartay Israa’iil ay ku dhaceen bartilmaameedkooda. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Israel ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taalla aagga la weeraray. Warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa ku warramay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ka hor tageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaallada meel u dhaw magaalada Xayfa. Xizbullah waxay sheegtay in ay Israel ku garaacday daraasiin gantaallo ah oo ay ku jiraan gantaallada Fadi 1 iyo Fadi 2 oo ah gantaallo cusub oo ay kooxda sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsan. Waxay kaloo sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa saldhiga ciidamada cirka Israel ee Ramat David ee ku yaalla koonfur bari ee magaalada Xeyfa. Weeraro isugu jiray duqeyn cirka ah iyo qaraxyo loo adeegsaday aalado is-gaarsiineed oo ay Xizbullah dibadda kasoo iibsatay oo ka dhacay Lubnaan, ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 39 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3,000 oo ruux. Ra’iisul Wasaaraha Lubnan Najib Mikati ayaa sheegay inuu joojiyay safar uu ku imaan lahaa magaalada New York oo uu uga qeybgali lahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Source
  6. Israa’iil ayaa duqeyn naadir ah oo ay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah. Duqeynta oo lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta Beyruut, ayaa lagu khaarijiyay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan. Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsashada cadawga Isra’il si ay u difaacaan muwaadiniintooda, sida uu yiri. Goor danbe oo xalay ah, ayay Xisbullah xaqiijisay dilka Caqiil. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yidhaahdeen. Xisbullah ma aysan sheegin halka uu ku dhintay iyo sababaha dilkiisa. Akil ayaa kasoo mid noqday golaha ugu milatariga Xisbullah ee loo yaqaanno Golaha Jihaadka. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii sannadki 1983-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka iyo saldhigi ciidanka badda Mareykanka ee Beyruut, halkaas oo lagu dilay in ka badan 300 oo qof. Duqeynta lagu dilay Ibrahim Caqiil ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisad cusub oo u dhaxeysa Isra’il iyo Xisbullah, taasoo keentay cabsi laga qabo in dagaal buuxa uu ka qarxo Bariga Dhexe. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Mudane Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay kulan xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ficil u beddalay go’aankii madaxweynaha ee ku aadanaa hubka sharci darrada ah ee lagu dhex haysto gudaha caasimada. Shuute oo digniinta madaxweynaha sideeda u qaatay ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagi doonno cid weliba oo faraha kula jirto hub sharci darro ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maxkamad ahaan ay diyaariyeen xubno la shaqeeya ciidamada ammaanka oo marka lala wadaago xogta soo jaraya waaranka u ogolaanaya in la geli karo guryaha ama goobaha hubka lagu hayo. Guddoomiyaa maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale uga digay saraakiisha dowladda inay arrintan qayb ka noqdaan, isla markaana iyaga oo laga faa’iideysanayo darajaooda aan loo dhiiban karin hub, haddii ay taasi dhacdana ay tallaabo cad ka qaadi doonaan sarkaalkaasi. “Waa dambi weyn in laga ganacsado hub, waa jariimo lid ku ah badqabka muwaadinka iyo badbaadada Dalka, waxaa kale oo dambi ah in iyada oo lagu gambanayo mas’uuliyad in hub lagu heysto guriga, ka garsoor Ciidan ahaan waxaa diyaar naga ah marka la fulinayo howlgalka ka dhanka ah hubka sharci darrada ah Xeer Ilaaliye” ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Jimcihii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin digniin ah u diray cid kasta oo hub ku dhex haysata gudaha caasimada oo ay ku jiraan xubnaha mucaaradka, isaga oo sheegay in saq-dhexe la weerari doono guri kasta oo ay laamaha ammaanku ogaadaan inuu yaallo hub sharci darro ah. The post SHUUTE oo ficil u beddalay go’aankii madaxweyne XASAN SHEEKH appeared first on Caasimada Online.
  8. Hargeisa (HOL) – Somaliland's Minister of Internal Affairs, Mohamed Kahin Ahmed, called on the Somali government to address the emerging relationship between the militant group al-Shabaab and Houthi fighters in Yemen. Source: Hiiraan Online
  9. Baraawe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada NISA, qaybta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo ka dhacay halkaas ayaa lagu soo qabtay ninkan oo ku howlanaa diyaarinta weerar qarax ah. Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ninka lasoo qabtay uu qarax miino ku aasayay magaalada, balse ay kortageen, kadibna ay gacanta ku dhigeen. Sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedkiisa uu ahaa in qaraxaas uu ku dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi. Laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in weli baaris ay ku hayaan eedeysanaha, isla markaana ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. Howlgalkan ka dhacay Baraawe ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi oo ah caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed. Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed. The post Ciidanka amniga oo qabtay nin qarax aasayay kadib howlgal ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
  10. Kenya has pledged to send 600 more police officers to Haiti in the coming weeks to help fight gangs controlling much of the capital, Port-au-Prince, and nearby areas. Source: Hiiraan Online
  11. Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay hadal-hayn xooggan oo ku saabsan saanadda Ciidan oo la sheegay in dowladdu ay dekedda muqdisho ka soo degsatay, ayadoo mareegaha internet-ka si weyn loogu faallaynayay arrintaas. Sidoo kale maalmo ka hor waxay Warbaahintu aad u fallanqaynaysay hub la sheegay in dowlad gobololeedka Puntland ay ka keensatay dhinaca dalka Itoobiya, kaas ay dablay reer miyi ahi isku dayeen inay jid-gooyo u dhigtaan, balse dagaal ba’an ka dib gacanta maamulka si buuxda u galay. Hubkani wuxuu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Itoobiya ay ku howlantahay falal gardarro ah iyo tillaabooyin gef ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteed fallanqayntiisu waa shaqo muhiim ah oo tooshka ku ifinaysa halistiisa, balse saanadda sharciga ah iyo qorsheyaasha ciidanku waa sir aan faafinteeda la oggolayn. Waxyaabaha Warbaahinta ka reeban ee anshaxeeda gundhigga u ah, waxaa ugu horreeya baahinta xogaha xasaasiga ah ee nabad-gelyada la xariira, gaar ahaan arrimaha ciidamada, tiradooda, saanadda ay haystaan, Waxyaabaha ay qorshaynayaan, iyo dhaqdhaqaaqooda ku saabsan howl aan faahfaahin loo rabin. Dalalka caalamka intooda badan waxaa ka jirta Warbaanhin madax-bannaan oo awood u leh inay gudbiso xog kasta oo dhageysteyaasheeda, daawadeyaasheeda, ama akhristeyaasheedu ay xiisaynayaan, balse arrimaha militarigu kuma jiraan waxyaabaha ay Saxaafaddu si wararka caadiga ah u tebin karto. Waa run wararka ku saabsan Ciidamadu gebi ahaan mamnuuca kama aha warbaahinta, balse siraha qarsoon ee la xariira Saldhigyada militari, warshadaha hubka, duullaamada aan weli la qaadin, iyo xogaha kale ee oggaalkoodu cadowga danta u yahay faafintoodu saxaafadda way ka reebantahay. Sidoo xogaha Ciidan ee cadowga iyo kuwa dalku uma sinna warbaahinta oo midda gudaha inay ilaaliso ayaa ah masuuliyad lama dhaafaan ah, balse xilligan baraha bulshada iyo guud ahaan hannaanka Warfaafineed ee Soomaaliya ka jira wax waliba caadi ayay u yihiin, xogaha xasaasiga ah iyo dhacdooyinka kale ma kala saaraan. Faafinta siraha qaranka, gaar ahaan kuwa ku saabsan arrimaha nabad-gelyada iyo ciidamadu waa fal-dembiyeed cinqaab adag oo xarig iyo ganaax isugu jirta lagu mudaysto markii la joogo dalalka sharcigoodu taliyo, balse Soomaaliya oo ka soo kabanaysa dagaallo sokeeye iyo burbur dowladnimo waxaa lama huraan ah in dib u dhiskeeda laga ilaaliyo waxyaabaha halis ah oo cadowgu maja-xaabinteeda u adeegsan karo. Source: goobjoog.com
  12. Kenya's foreign exchange reserves had reached a new high of 7.85 billion U.S. dollars as of Thursday, marking an increase for the third consecutive week, the Central Bank of Kenya (CBK) said in its weekly financial market update released Friday evening. Source: Hiiraan Online
  13. Egypt called on its nationals Sunday to leave Somalia’s breakaway region of Somaliland as soon as possible. Source: Hiiraan Online
  14. Manchester City remain top of the Premier League as a late goal from John Stones saved their unbeaten start to the season in a 2-2 draw at home to Arsenal on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. Xaaladda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka deggan kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xalay laga dareemay magaalada. Ciidamada dowladda oo xalay la soo dhoobay inta badan jidadka iyo isgoysyada Boosaaso ayaa wer wer ku abuuray dadweynaha waxaana laga bara-kacay xaafadaha u dhaw xarunta PSF. Balse qoraal ka soo baxay Taliska qeybta Booliska gobolka Bari ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan Boosaaso islamarkaana ciidamadu ku jiraan shaqadoodii caadiga ahayd ee sugidda Amniga. Taliska qeybta Booliska gobolka Bari ayaa sidoo kale sheegay in aysan Boosaaso ka jirin wax ciidamo ah oo is horfadhiya waxaana ay ugu baaqeen shacabka magaalada Boosaso in ay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga. “Ma jirto wax xiisad ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan.” “Taliska Ciidan Booliska Gobolka Bari, waxa uu idiin xaqijiinayaa inaysan jirin wax ciidan ah oo wada Howl-gal gaar ah ama ciidamo is-horfidhiya” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Taliska qeybta Booliska gobolka Bari. “Dadka faafinaya wararka been abuurka ah waa kuwa ku sifoobay baahinta warar aan xaqiiq ahayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka magaalada Boosaso inay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayuu sii raaciyay qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay xiisad dagaal oo laga dareemay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. Ethiopia has escalated tensions with Somalia by sending a "shipment of ammunition" to the Puntland region in northern Somalia. Mogadishu condemned the move, calling it a “serious violation” of its sovereignty. Source: Hiiraan Online
  17. Dagaalka u dhexeeya maamulka Israa’iil iyo Ururka Xisbullaahi ee lubnaan ayaa cirka isku sii shareeray, ayadoo saacadihii la soo dhaafay ay labada dhinac is weydaarsadeen boqolaal weerar oo gantaallo iyo duqeymo diyaaradeed isugu jira. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in maalmihii sabtida iyo Axad ee la soo dhaafay ilaa 150 gantaal lagu garaacay gudaha dhulka maamulkooda ka taliyo, ayadoo duqeymaha Xisbullaahi ay kumanaan Israa’iiliyiin ah ku qasbeen inay ku xaroodaan godadka dhulka hoostiisa ah si ay gabbaad uga dhigtaan. Israa’iil dhankeeda sheegtay inay culays militari saaray waqooyiga, islamarkaana ay ka hortagayso weerarada joogtada ah ee ururka Xisbullaahi uga imaanaya, ayadoo hadda ay muuqato in furin dagaal oo Qasa ka halis badani ay ay ku furantahay maamulka Tel Aviv . Dagaalka Israa’iil iyo Xisbullaahi ayaa cirka isku sii shareeray ka dib weerarro is-miidaamin ah oo loo adeegsaday qalabka Isgaarsiinta, kaas oo todobaadkii hore lagu bartilmaameedsaday madaxda dhaqdhaqaaqan awoodda badan ee taageerada ka hela Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Source: goobjoog.com
  18. Israa’iil ayaa tan iyo saakay 150 weerarro dhinaca cirka ah ka geysatay gudaha dalka Lubnaan. Duqeymaha inta ay socdaan waxaa ka qeybqaatay inta badan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee noocyada F-35s, F-16s, iyo F-15s, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay gudaha Lubnaan ku leedahay Xisbullah. Sidoo kale , Israa’iil waxay hab farriimo telefoonka ay ugu dirtay iyo cawitaanba ugu sheegtay dadka deggan koonfurta Lubnaan inay ka fogaadaan aaggaga ay ku badanyihiin Xisbullah ee saldhigyadooda hubka. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo saakay 150 weerar oo dhinaca Cirka ah ku qaaday dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeera fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay Axaddii guddiga doorashada. Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa. Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaaray doorashada. Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sano ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran. Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka. The post Yaa kusoo baxay maanta doorashadii ka dhacday Sri Lanka? appeared first on Caasimada Online.
  20. AQOcneNdlNSso4xi95fPf5o_ajdgYvPHM8MjSvgz9llvArdgfgTuHikmQBnXqTgIBPU7ZIV1QJxGCuRS-3gtuvGw Qaran News
  21. Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeera fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay guddiga doorashada. Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa. Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaaray doorashada. Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sano ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran. Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka. PUNTLAND POST The post Dissanayake oo ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalka Sri Lanka appeared first on Puntland Post.
  22. Safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ka digtoonaanta safarka deeganada Somaliland. Safaaradda waxay ku baaqday in muwaadiniinta Masar aanay u safarin Somaliland sababo la xiriira xaalada amni ee aan degganayn. Waxa kale oo ay tiri muwaadiniinta Masar ee jooga halkaas inay ka baxaan sida ugu dhaqsaha badan iyagoo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Safaaradda ayaa sidoo kale xustay in muwaadiniinta doonaya inay booqdaan Soomaaliya inay raacaan nidaamyada iyo habraacyada ay dejisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa sheegtay in ay ka walwalsan yihiin ciidamada Masar ee ku sugan Soomaaliya, inkasta oo aan weli Masar ciidamo u dirin. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in Masar ka qayb qaadato howlgallada ay qorsheynayso Midowga Afrika ee AUSSOM, oo bilaaban doonnaa January 2025. Somalia ayaa sidoo kale codsatay in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024, iyadoo khilaaf daran ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Somaliland ayaa heshiis la gashay Itoobiya, taas oo Itoobiya ku aqoonsan doonto Somaliland. Sidoo kale, 11-kii Sebtember, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ku dhawaaqay in la xiray maktabadda dhaqanka ee Masar ee Hargeysa sababo la xiriira xaalada amniga. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in caawa Dowladda Soomaaliya ay la soo degtay Markab sida Hub aad u badan oo nooc walba isugu jira. Hubka waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka Masar, waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, kaas oo dowladda Soomaaliya ay leedahay. Hubkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowladda Masar ay siisay Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa caawa loo daad gureeyey hubkaan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho. Wadada ka baxda Dekadda Muqdisho illaa inta laga gaarayo wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caawa la xiray, waxaana marayey kaliya gaadiidkii hubka siday. Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Soomaaliya hubkaan dalka la keenay iyo qorshaha ay ka damacsan tahay, balse waxaa jirta saansaan dagaal. Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka jawaabto daandaansiga Itoobiya, hadii uu isku bedelo gacan ka hadal, waxaana jira dowladda cadeeyey in Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin hiilo militery. Sidoo kale hubkaan ayaa dowladda Soomaaliya ka saacidaya inay ka adkaato kooxaha Khawaarijta ah ee ka dagaalama gudaha dalka, kuwaas oo ka daran cadowga shisheeye ee dalkaan uu leeyahay. The post Markab hub sida oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho iyo DF Soomaaliya oo dagaal isku diyaarineysa appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (HOL) — Somalia will make its debut at the Miss Universe pageant in 2024, with Khadija Omar becoming the first-ever Miss Universe Somalia and the first hijabi woman to represent her country on the global stage. Omar, 23, will compete at the 73rd Miss Universe competition, which is set to take place in Mexico this November. Source: Hiiraan Online