-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad la xiriirta go’aanka kasoo baxay dowladda ee canshuurta Iibka laga dareemayo suuqyada waa wayn ee dalka sida Bakaaraha. Ganacsatada ayaa weli ka cabanaya go’aanka kasoo baxay dowladda oo uu maanta bilowday dhaqan-galkiisa, kaas oo ah canshuurta Iibka oo dhan 5%. Inkastoo suuqa uu furan yahay, haddana jawiga guud ee saaka ayaa ka duwan sidii hore, waxaana laga dareemayaa saameynta ka dhalatay go’aanka dowladda dhexe. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee suuqa ay xiran yihiin, sababo la xiriira cabashada ay canshuurta cusub ka qabaan ganacsatada. Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan culays ay soo saartay dowladda, kaas oo ka dhashay canshuurta cusub ee la saaray. “Waxaan dareemeynaa inuu culayska nagu sii badanayo, waana arrin aan qaadi karin canshuurta cusub ee lasoo rogay” ayuu yiri mid kamid ganacsatada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ninka Marchanti lacag ka jaro EVC-gana wuu ka jari karaa sida xaqiiqda ah marka aan ka hadalno”. Dhinaca kale Madaxweynaha oo xalay la hadlay dadweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurta iibka ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda dalka , kuwaas oo kala ah: 1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. 2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Bakaaraha kadib go’aankii DF appeared first on Caasimada Online.
-
dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday hannaan canshuureed cusub oo ku saabsan wax kala iibsiga, taas oo laga qaadayo labada dhinac ee badeecadaha, adeegyada, dhulalka iyo wixii lamida kala gadanaya. Canshuurtani ma aha mid dunida ku cusub oo dalalka caalamka intooda badan oo ay kuwa derisku kamidyihiin way ka jirtaa, waana qidmad loogu talo-galay in lagu xoojiyo dakhliga dowladda, islamarkaana bixinteedu ay hormarka dalka wax badan ku biirinayso. Haddaba yaa laga rabaa bixinta canshuurta caynkaan ah? Warcelinta weydiintaan waxaa bulshada Soomaaliyeed u faahfaahiyay wasiirka maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo kulan ay dowladdu qaar ganacsatada Gobolka Benaadir kamida la yeelatay ka dib warbaahinta la hadlay. Wasiirka ayaa sheegay inaysan canshuurtani saamayn doonin laba qof oo lacago isku diraya sida adeegga Danabaysan, lacag bank-ga ku keydsan, ganacsade alaab jumlo ah soo iibsanaya si uu faa’iido uga sii raadiyo, iyo warshad wax soo saar oo gudaha dalka ku taalla, islamarkaana doonaysa inay farsamadeeda suuq-geyso. Wasiir Biixi ayaa sheegay in kala canshuurtani ay ka go’ayso laba dhinac ee toos wax u kala iibsanaya, islamarkaana lacag kula kala wareegaya akoon ganacsi oo diiwaan-geshan, islamarkaana boqolkiiba 5 si toos ah looga jari doono isla xilliga wax kala gashadooda. Haddaba canshuurtan oo haddii la dhaqan-geliyo kobaca dakhliga dowladda kor u qaadaysa ayaa haddana saamayn ku yeelan doonta nolosha dadweynaha gaar ahaan maciishadda, maxaa-yeelay alaabaha oo dhan qeymohoodu wuu kordhayaa oo qofkii wax iibsanayay lacag dheeraad ah laga doonayaa inuu bixiyo. Si kastaba ha ahaatee sida ay qabaan xeeldheereyaashu Xukuumadda waxaa la gudboon inay ka feejignaato in canshuurtani ay culays ku noqato nolosha dadweynaha, gaar ahaan baahiyaha aas-aasiga ah sida cuntada, biyaha, caafimaadka, adeegga korantada, iyo lacaga gaadiidka lagu raaco. Dhanka bulshada oo ay ganacsatadu ugu horreeyaan canshuurtani waxay kamid tahay xuquuqda uu dalku ayaga ku leeyahay, islamarkaana la doonayo inay hormarkiisa uga qeyb-qaataan sidaas darteed waa inay dhanka togan ka fiiriyaan oo ay bixinteeda u dulqaataan maadaama ay dowladdu doonayso inay ka maaranto deeqaha shisheeye ee madax-bannaanida dalka dhaawacaya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa qeyb ka mid ah khudbad dheer oo uu jeediyey kaga hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah, isagoo cadeeyey in dagaalkii uusan joogsan, balse uu isbedelay. Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshihii dagaalka uu is bedelay, isagoo tusaale u soo qaatay howlgallada ka bilowday Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo labadii sano ee lasoo dhaafay aysan wax dagaal ah oo ciidamada dowladdu qaadeen uusan ka dhicin. “Dagaalkii labo sano ka hor soo bilowday ee Khawaarijta walaalayaal waa socdaa, hadii la idin yiri dagaalkii waa joogsaday waa been, dagaalku maanta ayuu intii hore kasii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeedacihiisu waa is bedeleen, nooca dagaalkuna waa is bedelay,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka lasii balaariyey, “Meel kasta ayuu dagaalku ka socdaa, dowladaan ajandeheeda koowaad waa dagaalka Khawaarijta waana socdaa, waxaana idiin xaqiijinayaa inuu socon doono ilaa Khawaarijta laga adkaado, ma istaagin, mana daciifin, maanta ayaan ka awood badanahay maalintii aan soo bilownay,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa cadeeyey in uusan ka walwaleyn in Shabaab ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka guuleystaan “Waan gaareynaa guusha, qofkii walwal muujiya wuxuu macna tirayaa wiilka Soomaaliyeed ee xoreynta dalkaan dhiigiisa u huray,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka faafinaya dacaayadaha ka dhanka ah ciidanka iyo dagaalka ay shalay tageen dhulkii la xoreeyey ee wiilashada Soomaaliyeed ay u shahiideen, taasi oo u muuqatay inuu ugu jawaabayo Sheekh Shariif oo shalay joogay deegaanka Burka Derin ee Sh/Dhexe oo ka mid ah deegaanadii la xoreeyey. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey is-bedel ku yimid dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
At least eight people were killed and several others wounded in twin explosions in the Somali capital Mogadishu on Saturday, an official said. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukyumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulankaas diiradda lagu saarayey hannaanka canshuurah iibka oo ay dowladdu dhowaan soo rogtay, balse cabasho xoogan laga muujiyay Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto. Ganacsatada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay albaabada isugu dhifanayaan dhammaan xarumohooda, sidoo kalena aysan wax dibadda ka keensan doonin inta laga xallinayo tabashadooda oo ay ugu horrayso culaysyo ay sheegeen inay dekadda ka kala kulmaan, balse dowladda ayaa hadda ballan-qaaday in cabashadooda wax laga qaban doono. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU: Somalia’s semi-autonomous state of Puntland executed 10 fighters from Al-Shabab on Saturday, the region’s police said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Ipswich Town 0-2 Liverpool Source: Hiiraan Online
-
Khartoum (Caasimada Online) – Millatariga Sudan iyo dad goob-joogayaal ah ayaa Sabtidi sheegay, in malleeshiyo ka tirsan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada Sudan ay cagta mariyeen tuulo ku taalla bartamaha Sudan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 85 qof. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa lagu sheegay, in rag hubeysan oo ka tirsan xoogagga RSF ay dhammaadki bishi Julay iyo todobaadki hore, ay weerar xoog leh ku ekeeyeen deegaanka Galgani oo ka tirsan gobolka Sennar ee bartamaha Sudan, halkaas oo ay ka geysteen gabood-fallo isugu jiray dil, kufsi, bili-laqo iyo qarbudaad. Warbixinta ayaa sheegeysa, in kooxdani ay dab qabad siiyeen tuulada, kaddib marki ay dadka deegaanka iska caabiyeen isku day ay malleeshiyadni ku rabeen in ay ku afduubtaan dumar iyo gabdho yar yar. Kooxda RSF, dhowr jeer ayaa horay loogu eedeeyay in ay xasuusq, kufsi iyo danbiyo kale oo gurracan oo ka dhan ah bani’aadannimada oo ay kula kaceen rayidka Sudan, tan iyo marki uu billowday dagaalka sokeeye, bishi April ee sannadki hore. The post Ku dhowaad 100 qof oo lagu dilay dalka SUDAN appeared first on Caasimada Online.
-
Millatariga Sudan iyo dad goob-joogayaal ah ayaa Sabtidi sheegay, in malleeshiyo ka tirsan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada Sudan ay cagta mariyeen tuulo ku taalla bartamaha Sudan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 85 qof. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa lagu sheegay, in rag hubeysan oo ka tirsan xoogagga RSF ay dhammaadki bishi Julay iyo todobaadki hore, ay weerar xoog leh ku ekeeyeen deegaanka Galgani oo ka tirsan gobolka Sennar ee bartamaha Sudan. Warbixinta ayaa sheegeysa, in kooxdani ay dab qabad siiyeen tuulada, kaddib marki ay dadka deegaanka iska caabiyeen isku day ay malleeshiyadni ku rabeen in ay ku afduubtaan dumar iyo gabdho yar yar. Kooxda RSF, dhowr jeer ayaa horay loogu eedeeyay in ay xasuusq, kufsi iyo danbiyo kale oo gurracan oo ka dhan ah bani’aadannimada oo ay kula kaceen rayidka Sudan, tan iyo marki uu billowday dagaalka sokeeye, bishi April ee sannadki hore. PUNTLAND POST The post Ilaa 85 qof oo rayid ah oo lagu dilay dalka Sudan appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay sii xoojineyso dadaalladeeda diblomaasiyadeed si ay u hesho hab laysku haleyn karo oo ammaan ah ay ku gaari karto badda. Afhayeenka, Nebiyu Tedla, waxa uu hadalkan ka sheegay maanta kulanka toddobaadlaha warbaahinta ee wasaaradda. Mowqifka Itoobiya waa in ay heshaa bad sida uu marar badan ku celceliyay raysalwasaarahooda. Soomaaliyana waxay sheegtay in xadgudub lagu hayo madaxbanaanideeda, kadib heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gaashay Somaliland. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa sheegay in aysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbannaanida iyo Qarannimada Soomaaliya. Dhan kale, afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qabanqaabada howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto xaaladda dalka dariska la ah. waxaan geynay ayuu yiri ciidamo waxaana qeyb ka nahay amaanka iyo xasiloonida gobolka. “Dalalka ciidamadooda ay ku jiraan ATMIS qeyb muhiim ah ayey kaga jiraan arrinta, aragtidooda iyo walaacdooda waa in la tixigeliyaa si loo fududeeyo in si habsami ah loogu wareejiyo howlgalka ku xigi doono ATMIS” ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku daray Itoobiya waxa ay aaminsan tahay in hay’adaha ay quseyso sida Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay xaqiijin doonaan la-tashiyada lagama maarmaanka ee lala yeelanayo dalalka ciidamadooda ay ku jiraan howgalka ATMIS si looga fogaado isfaham la’aan aan loo baahneyn oo keenta xiisado goboleed lama filaan ah. Waxaa jira dalal ay ku jiraan Jabuuti iyo Masar oo codsaday in ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada nabad ilaalinta. Midwoga Afrika waa uu soo dhaweeyay codsiga Masar ay ciidmo ugu soo direyso Soomaaliya. Midowga Afrika waxay sheegeen in howgalka ATMIS lagu badli doono ciidamo cusub oo wata magaca Howgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Caawa hadal jeedin sameeyay ayaa mar kale ka hadlay Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga horyimid damaca dowladda Itoobiya ku raadinayso badda Soomaaliya kadib is afgaradkii ay la saxiixatay maamulka Somaliland. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan Itoobiya Soomaaliyaba u aqoonsaneyn dal jira oo madax banaan, ayna taasi keentay in uu fashilmo shirkii Ankara. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale sheegay in aysan Taako dhul Soomaaliyeed ah ka tanaasuli doonin, una ogolaan doonin damaca Itoobiyaanka ee bahalnimo. Halkan ka daawo hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag uga hadlay damaca Itoobiya ku raadinayso badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbadiisa uga hadlay cidda ay ku waajibeyso canshuurta cusub ee iibka oo wasaaradda maaliyadda ay sheegtay in qaadisteeda la bilaabayo Axada berri ee 18-ka bishaan. Madaxweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurtaas, kuwaas oo kala ah: 1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. 2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in dadka ku takri falaya awooda dowladnimada uu dadka ka qaban doono, isagoo codsaday in dowladnimada loo hogaansamo oo canshuurta la bixiyo. “Waa nala kabaa tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimadeena 3-aad sanadkii 2000, taas waxaan uga bixi karnaa inaad canshuurta bixisaan,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo gaartay cabashada ganacsatadu ay ka qabaan dekedda, canshuuraha ama meel kasta oo ay wax ka tabanayaan “Wasiirka Maaliyadda ayey la fariisteen oo cabashada u gudbiyeen, wasiirka kaligiis ma quseyso arrintaan ee hey’ado badan oo dowladda kamid ah ayey ka dhaxeysaa, waxaana lagu dhaqaaqay in wixii qaldan la saxo,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu hayo xogta qaar kamid ah ganacsatadii balanta la soo gashay wasiirka oo abaabulaya rabshado iyo balaayo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ka digay in magaaladaan lala yimaado wax sharciga baal-marsan. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey dadka laga qaadayo canshuurta cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin ayaa loo magacaabay inuu maareeyo arrimaha degdegga ah (Emergency) ee Caafimaadka Dalka Soomaaliya, National Incident Manager-ka dalka for mpox diseases. Sida aan la socono waxaa wadamada deriska ah ka dilaacay cudurka MPOX, waxaana la aas-aasay koox quburo caafimaad ah oo Agaasime Guud Dr. Xuseen Abuukar Muxyadiin uu hoggaaminayo. Quburada loo soo xulay howlgalka degdegga ah ee Caafimaadka Qaranka, gaar ahaan ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaacay ee Mpox ayaa ka kooban 19 qof, waxaana hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa si dhow ula socotay digniin caalami ah oo ay dhawaan soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, taas oo sheegeysa in cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan ‘Mpox’ uu ka dilaacay qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya. “Anigoo aqoonsan masuuliyadda weyn ee wasaaradda ka saaran ilaalinta caafimaadka iyo fayo-qabka shacabka Soomaaliyeed, waxaan qoraalkan idiinku soo gudbinayaa in aan idinla socodsiiyo dhismaha Guddiga Gurmadka Caafimaadka Qaranka,” ayaa lagu yiri warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dillaaca Mpok ee dalalka deriska ah iyo ku dhawaaqista WHO ee Xaaladda degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha ayaa sababtay in deg deg loo soo xulo guddi dhakhaatiir qaran ah oo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Xuseen Abuukar uu hoggaaminayo. “Digniinaha jira waxay muhiim ka dhiganayaan inaan u diyaar garowno khatarta oo firfircoon muujino, si loo maareeyo dhibaatadan caafimaadka dadweynaha ku soo wajahan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kooxda Maaraynta Dhacdada oo uu hoggaamiyo Maareeyaha Dhacdada Dr. Xuseen Abuukar waxa loo igmaday inay hogaamiso oo isku dubarido dhamaan qorshooyinka u diyaar garowga cudurka Mpox, ka hor inta aan lagu dhawaaqin kiisas dilaacay. Xanuunkaan cusub ayaa u eg cudurka ay Soomaalidu u taqaano Busbuska, waxaana kiisas cudurkaan laga helay dalal ay ugu horeyso Kenya, waxaana cabsi badan laga qabaa inuu soo gaaro Soomaaliya. Hoos ka akhriso warqadda The post DF oo Dr. Xuseen Abuukar madax uga dhigtay guddi ka hortagaya cudur halis ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo dadweynaha Soomaaliyeed khodbad u jeediyay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan hannaanka canshuuraha iibka, dagaalka Al-Shabaab, iyo xadgudubka maamulka Abii Axmed ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya oo horay u haysatay dhul Soomaaliyeed ay haddana u soo jeesatay inay goosato qeyb cusub oo kamida geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana aysan aqoonsanayn madax-bannaanida Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamey mid kamida waxyaabaha fashiliyay shirkii Ankara. Itoobiya ayaa weli ku dheggan dameceedii guracnaa ee ay ku doonaysay qeyb kamida badda Soomaaliya, balse madaxweynaha ayaa sheegay inaysan arrintaasi marnaba u suurta-gelini doonin, dowladda iyo dadka Soomaaliyeedna ayagoo sida ay maanta yihiin ka itaal yar dhulkooda cadow qaadan waayay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay fashilmeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yesheen Ankara, isagoo shaacuiyey go’aan culus oo Soomaaliya ay qaadatay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday inay aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaan, una cadeeyey wax bad ama ganacsi ah aysan labada dal ka wadahadli doonin. “Wadahadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday daandaansi, balse hadafka Soomaaliya uu yahay in Jamhuuriyadda Soomaaliyeed aan lasoo faro-gelin, hadii wax kasta dhacaan. “Uma aanaan jawaabin Itoobiya wax kasta oo ay sameysan, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadaaleen, waana u mahad celinaynaa, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiisyada ay Soomaaliya la geleyso dalalka kale, “Soomaaliya waa xor, cidey doonto oo maslaxadeeda ay ka dhex aragto ayey la heshiinee, danaheena cidii ka hor imaata, anagana danahooda waan ka hor imaaneynaa, waxaan ka shaqeynaa maslaxadeena kaliya,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Itoobiya uga digay inay danqiso boogihii Soomaaliya iyo Itoobiya kala gaaray, “Deris inaan ahaano ma aanaan dooran, xuduuda ugu dheer oo aad leedihiin, anaga ayaad nala wadaagtaan ee cadowga aan wada leenahay ha u hiilinina ee ku soo laabta jidka toosan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo dhawaaqday go’aan culus oo ka dhashay qorshaha Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ku saabsan iyo farriin u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dul-istaagay cabashada Bajaaj-leyda, arrimaha canshuuraha cusub ee iibka, wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha doorashooyinka. Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in cabashada Bajaaj-leyda Muqdisho ay soo gaartay, isagoo balan qaaday in qabad kasta oo jirta ay dowladdu xali doonto, isagoo dhalinyarada uga digay in lagu soo dhex dhuunto oo dano gaar ah laga dhex fushado. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay canshuurta cusub ee lasoo rogayo, isagoo faahfaahiyey qaabka loo qaadayo canshuurtaas oo horay wax faahfaahin ah aan looga bixin. “Been ayaa la idiin sheegay nidaamka Marjentiga la yiraahdo ee goobaha ganacsiga lacagta loogu diro ayaa lagu qaadayaa lacagtaan, adduunka waa canshuurta ugu yar ee dal qaado, dadka dhan iyo lacag kasta oo la isku dirayo ma ahan waxa la canshuurayo ee waa iibka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in dadka ku takri falaya awooda dowladnimada uu dadka ka qaban doono, isagoo codsaday in dowladnimada loo hogaansamo “Waa nala kabaa tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimadeena 3-aad sanadkii labadii 2000, taas waxaan uga bixi karnaa inaad canshuurta bixisaan,” ayuu yiri. Wax kasta oo cabasho ah oo ganacsatada ka timid ayuu sheegay inay soo gaareen, sidoo kalena wasiirka maaliyadda uu la fariistay ganacsatada, isagoo xaqiijiyey in dowladda ay ka go’an tahay in canshuurtaasi la qaado, “Anigoo odagii dalka ah waxaan codkeyga ku biiriyey in canshuurtaas qaadideeda la bilaabo ee walaalayaal nala ogolaada, wixii tabasho ahna dowladdu waa xalineysaa,” ayuu yiri. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato qawaaniinta caalamiga ah, isagoo shaaciyey wax yaabihii fashiliyey wadahadaladii Itoobiya. “Wadahadalkii Ankara sababta loogu kala tegay waa in Itoobiya ay weli diidan tahay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo deriskeeda ah, taas ilaa ay ka aqoonsaneyso bad iyo ganacsi toona kama wadahadli karno, waa nasiib darro in qadiyadaas ay dadka qaar noo fahmeen inaan siyaasad ka dhex raadineyno ee xuquuqdii qarankaan ayaan ilaalineynaa, qof naga dambeeyana ma ogolaa doono ee dowladda Itoobiya miyirku ha u soo laabto,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Hoos ka daawo The post DEG DEG: Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad uu kaga hadlay 4 qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Maaliyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka soo horjeesatay in hannaanka canshuuraha iibka deegaannada maamulkaas laga hirgeliyo, ayadoo sheegtay inaan wax wada-tashi ah lagala samaysan arrintaas sida lagu tibaaxay war qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay. Sidoo kale Wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jubbaland ayaa sheegtay inay hannaankaasi uu abuuri karo is dhacyo dhinaca maamulka dhaqaalaha ah, islamarkaana uu ka hor imaanayo madax-bannaaninada awoodda canshuur qaadista dowlad goboleedyada. Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday canshuur cusub oo laga jari doono dadka wax kala iibsanaya, taas oo 18-ka bishan dhaqan-gelaysa, balse ganacsatada waaweyn qaarkood, siyaasiyiin, dowlad goboleedyada Jubbaland ugu horraysa, iyo dadweynaha intiisa badan ayaa walaac ka muujiyay arrintaas. Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Masar, isaga oo ka horyimid ciidamada ay usoo direyso Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa sheegay in Masar ay waligeed kasoo horjeeday qaranimada Somaliland, isaga oo su’aal ka keenay sababta ay ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, uguna gurman waysay walaalaha reer Falasteen ee la gumaadayo. “Masar la dagaalanka Somaliland inay qaran noqoto ee haddane u dagaalameyso inay Xamar kamid noqoto ee ciidanka usoo direyso horta waxaa uga baahan Rafax inay furto oo deeqda caalamka siinayo walaalaha Falastiin oo aad aragteen waxa ku dhacay ee 40 kun lagu dilay” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Sidoo kale wuxuu is barbar dhig ku sameeyay Masar iyo Turkiga oo labaduba haatan saaxibo la ah Soomaaliya, isla markaana ka caawiya dhinaca ammaanka. Madaxweyne Biixi ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo ay soo dirtay Masar aanay horumar gaarsiin doonin Soomaaliya, wuxuuna tusaale usoo qaatay dalka Yemen oo uu sheegay in Masar ay ciidamo u dirtay xilligii gumeystaha, illaa maantana ay dhibaato ka jirto. “Waxaan kaloo caddeynayaa dowladda Masar oo dowlad wayn ah in iyada Turkiga ay isku dhaqan yihiin meelo badan waa wada Islaam waa dowlado qaabkooda dhismahooda u baahan yahay inuu wax badan hagaago, haddana Masar inta la hubo meel ay ciidan u dirtay oo tiri waan gargaarayaa waxa ugu horreeyay uguna dambeeyay dalka la yiraah Yemen Mushkiladdii uu ku abuuray lixdankii illaa maanta waa ka taagan tahay Yeman” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu dambeyn ka digay ciidamada Masar ee Muqdisho la keenayo, wuxuuna sheegay inay dhibaato horleh ka abuuri doonaan. “Waxaan leenahay ciidanka Masaarida ee la geynaayo Xamar dabka uu ka shidi doono iga qora waa la arki doonaa hee” ayuu mar kale yiri madaxweyne Biixi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii ay heshiis difaac kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar, sidoo kalena labada dal ay isku raaceen in Masar ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka cusub ee bedalaya ATMIS. The post Maxay Somaliland ka tiri ciidamada ay Masar usoo direyso Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.