Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa si rasmiya u soo bandhigay, sawiro muujinaya Khasaarihii ay gaarsiiyeen ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya, kadib weerarkii Al-shabaab ka fulisay Saldhiga degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellada Hoose. Sawirada Al-shabaab soo bandhigtay, ayaa muujinaya malayshiyaadkooda oo si buuxda gacanta ugu haya Saldhiga Ceel Saliini iyo maydad aad u badan oo daadsan gudaha xeradaas, kuwaas oo Al-shabaab ay ku sheegtay askartii ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya. Al-shabaab waxay sheegtay in ay ceel saliini ku dileen in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, islamarkaana qaar kale ay nolosha ku qabteen, hub fara badana ka qaateen saldhigaas Ceel Saliini. Sidoo kale, sawirada waxaa ka muuqda malayshiyaadkooda oo gubaya qeyba kamid ah Saldhiga iyo qaar kale oo saran gaadiidkii dagaalka ee xeradaasi yaallay. Al-shabaab ayaa saldhiga Ceel Saliini weerartay 19-kii bishaan February oo ku beegnayd Arbacadii todobaadkii hore. Saldhigaas oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa qiyaastii 55 KM u jra magaalada Muqdisho. Hoos ka eeg sawirada qaar PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo soo bandhigtay Khasaaraha Weerarkii Ceel Saliini appeared first on Puntland Post.
  2. In order to make housing affordable for middle income families in Ottawa, the Canadian government is investing $115 million to help build a 27 storey residential building Source: Hiiraan Online
  3. Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa lagu wadaa in ay mar kale maanta oo Sabtiya u fariisato, dhegaysiga Gar-maqalka eedaysanayaasha loo haysto Kiiskii Hodan Shanlayste. Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Maxkamadda derejada kowaad, ayaa 15-kii bishaan February la hor-keenay, 7 eedaysane oo loo haysto kiiskaasi Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste), balse waxay dhegaysi kadib go’aamisay, in mar kale kiiska loo fariisto 22-ka February oo ku beegan maanta oo Sabtiya. Kiiska Hodan, waa kii labaad ee noociisa ah, oo Puntland ka dhacay sannadkii 2019, waxaana baaritaankiisa loo adeegsanayaa Shaybaarka Dambiyada ee loo yaqaan Forensic laboratory. Kiiskii Caa’isha oo kan ka horreeyay, ayaa isna loo adeegsaday Shaybaarka Forensic Lab, kaasi oo fududeeyay in lagu kala saaro 10 eedaysane oo kiiskaasi loo haystay. PUNTLAND POST The post Garoowe: Gar-maqalka Kiiskii Hodan Shanlayste oo maanta la dhegaysanayo appeared first on Puntland Post.
  4. The pilot of the helicopter that crashed into a Calabasas hillside last month, killing NBA star Kobe Bryant and eight others, violated federal flight rules in 2015 when he flew into busy airspace near Los Angeles International Airport despite being ordered not to by air traffic control, Source: Hiiraan Online
  5. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay dalka ugu soo laabtaan Safiirka u jooga dalka Suudaan Maxamed Islaaq Ibraahim iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Cusmaan Maxamed Axmed, iyagoona lagu amray inay dalka ugu soo laaban muddo 4 maalmood oo ka bilaabaneysa 21-ka bishaan February 2020. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada Safiirka Soomaaliya ee Suudaan uu si KMG ah u sii wadi doono Axmed Ismaaciil Xuseen oo ah la-taliyaha labaad ee Safaaradda. Dhawaan ayay aheyd markii dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray Safiirka Suudaan u fadhiya dowladda Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf mudo soo jiitamayay oo ku salaysnaa sida la sheegay howlaha Safaaradda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Si deg deg ah ugu Yeertay Safiirkeedi Suudaan u fadhiyay appeared first on Puntland Post.
  6. Ciidanka Asluubta soomaaliya ayaa Maanta xusaya sanad guuradii 50-aad ee ku beegan aas-aaskooda. Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu dalku bur-bursanaa. Xarunta Ciidamada Asluubta Waxaa ka socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan Mas’uuliyiinta dowlada qaarkood, si ay khudbad uga jeediyaa. PUNTLAND POST The post Sannad-guuradii as’aaska ciidamada Asluubta Soomaaliya oo maanta la xusayo appeared first on Puntland Post.
  7. Kadib Weerarkii Shabaab ay Arbacadii ku qaadeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuna burburiyeen buundadii ugu weynayd ee degmada ayay xaalad adag soo wajahday degmadaas. Buundada ayaa ka mid ahayd laba buundo oo ku yaala Degmada Qoryooley, balse waxay tani ahayd middii ay adeegsan jireen gaadiidka xamuulka iyo kuwa kale ee ganacsiga geeya degmadaasi. Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayay go’doon ku jirtay Degmada Qoryooley, halkaas oo aysan imaanin gaadiidkii ganacsiga iyo khudaarta keeni jiray, sida uu xaqiijiyay Siid Cali Ibraahim, Gudoomiyaha Degmada Qoryooley. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in go’doonka degmada Qoryooley uu sababi karo xaalad banii’aadanimo oo aad u daran, haddii aan laga soo gaarin. PUNTLAND POST The post Degmada Qoryooley oo xaalad go’doon ah ku jirta appeared first on Puntland Post.
  8. Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saaka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wadaan inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha galeen deegaanka Daniga oo la sheegay inay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in haatan la maqlayo rasaas teel teel ah, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay howlgalkaasi, balse aan la ogeyn inta uu la egyahay. Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo dhankooda la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weeraro ay tilmaameen in dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi. Inta badan dagaalyahannadaan ayaa weeraradooda ugu xoogan ka fuliya wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
  9. Ethiopia, whose energy needs are constantly growing, remains dependent on Djibouti's infrastructure policies - and keeps demanding more. But the announced extension of the port of Horizon could be compromised by another project: the Damerjog petrochemical complex. Source: Hiiraan Online
  10. There is a candidate looking to make history in the Democratic primary for Ohio's 25th House district Source: Hiiraan Online
  11. Investigators say two brothers sold ineligible items or paid cash for federal food assistance benefits through their Sullivant Avenue market. Fraudulent purchases totaled about $10 million over nearly a decade, according to court documents. Source: Hiiraan Online
  12. Results of the 2019 population census have given more insight into the Kenyan population based on different ethnicities. Source: Hiiraan Online
  13. It is now 50 years since the publication of the first novel by the prolific Somali writer Nuruddin Farah. The novel entitled, From A Crooked Rib, was first published by Heinemann in 1970. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi maalmo ka hor gaaray. Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in Kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Galmudug diirada lagu saaray sidii Galmudug door Muuqda ay uga qaadan laheyd doorashadda heer Federaal ee 2021-ka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa dhankeeda ka warbixisay hawlaha guddiga ee ku aaddan arimaha doorashada iyo sida uu guddiga ugu diyaargaroobay doorashada soo socota. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa sidoo kale madaxda Cusub ee Galmudug uga mahadcelisay soo dhawaynta ay u sameeyay guddigeeda. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo Kulan La qaatay madaxweynaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
  15. Soomaaligii ugu horreeyey ee u ciyaaraya kooxda Liverpool Abdi Sharif Cabdi Shariif waa wiil Soomaaliyeed oo u ciyaara Kooxda Liverpool. Wuxuu kooxda la saxiixday heshiis heer sare ah oo uu kaga mid noqonayo laacibiinta ay Liverpool ku tashato. “Laacibkan qadka dhexe ee 18 jirka ah wuxuu kooxda ka tirsanaa illaa markii uu lix jirka ahaa, wuxuuna seddax sano ka hor billaabay inuu kooxda u ciyaaro”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed Liverpool ay soo saartay. “Wuxuu ciyaaraha ku billaabay tartanka FA-ga ee dhallinyarada, wuxuuna kullankii ugu dambeeyay dhaliyay gool ku laad ay Liverpool ku qaaday koobka. Waxay ahayd markii ugu horeysay muddo 12 sano ah oo kooxda ay heerkaa gaarto”. Sidey u arkaan Laacibiinta Liverpool Steven Gerrard wuxuu toddobaadki hore sheegay “In dhaab dhismeedka Cabdi uu u dhigmo ciyaartooyda waaweyn”. Wuxuuna Gerrard intaasi raaciyey “Cabdi inuu orodka aad ugu wanaagsan yahay, uuna lugo dhaadheeryahay. Wuxuu ka dhex muuqday kooxdiisa iyo ciyaartooyda Keydka, sidaa darteed waxaan isku dayeynaa inaan Cabdi ku boorino sidii uu u noqon lahaa mid ciyaaraha ka qayb qaato.” “100/100 waan ku raacsanahay, Shariif 17- jir ah inuu tababar uu dhawaan ku qaatay Akaadeemiga kooxda si uu uga mid noqdo kooxda Liverpool. Abdi Sharif “Billow aad u wanaagsan ayaan ku billaawday xilli ciyaareedkan, laakiin ciyaartooy kasta wuxuu leeyahay xirfad ciyaareed oo u gaar ah aniguna waxaan wadaa dadaal inta awooddeyda ah.” “Steven iyo tababaraha wax badan ayey igu dhiirrageliyaan ciyaartoy ahaanna aad ayaan ugu baahanahay. Aniga ahaan si aan xirfaddeyda ciyaareed u soo saaro oo aan ciyaaraha heerki looga baahnaa uga gaaro, dhiirragelinta noocaasi waan u baahanahay. Steven wuxuu marwalba igala shaqeeyaa sidi aan xirfaddeyda goor walba ku hormarin lahaa.” Cabdi Shariif wuxuu ku dhahshay Soomaaliya wuxuuna ku soo barbaaray Toxteth, Sharif wuxuu ciyaaraha kubadda cagta billaabay marki ay qoyskiisa u hayaameen dalka UK isaga oo 3 jir ah. Wuxuuna wakhtiga carruurnimadiisa u la soo qaatay bulshooyinka St Margaret’s iyo Dugsiga hoose Lawrence, inta badan xilliyada uu fasaxa yahay isaga iyo walaalkii oo 9 jir ah kana isaga ayay wada ciyaari jireen kubadda cagta. Liverpool oo Koob qaadday “Taageerayaal badan ayaan lahayn aniga iyo walaalkeey markaan kubadda wada ciyaari jirnay. Waxaanna ahaa qof adag guul darrada ama in la iga raayana ma jecleen” ayuu yiri ciyaartooyga da’da yar Shariif. Marka ay da’diisu lix jir gaartay, Shariif wuxuu nasiib u helay inuu tababar uu ka helo Liverpool wuxuuna si toos ah uu ugu biiray akaadamiyada kubadda cagta Liverpool. “Marwalba waxaan u fiirsadaa Cabdi Shariif. Markasta oo uu ciyaaraya si gaar ah ayan u daawadaa ciyaaraha soo bandhigo, xeeladihiisa, xirfaddiisa, dabeecadihiisa, sida ay uga go’an tahay inuu kooxda ku soo biro, Shariff wax weliba oo looga baahnaa ciyaartooy waa u leeyahay, gaar ahanna xirfadda ay kooxdan Liverppool u baahnayd waa uu leeyahay.” Liverpool oo Koob qaadday Shariif waxaa marar badan loo xilsaaray inuu Kooxda dhalinyarada ee Liverpool uu uga ciyaaro difaaca dambe iyo dhanka midig, balse Cabdi wuxuu aaminsan yahay mustaqbalkiisa fog inuu ka ciyaaro khadka dhexe. “Marki hore khadka dhexe inaan ka ciyaaro ayaan ciyaaraha laakin marki dambe waa la iga wareejiyey” ayuu yiri “Khadka dhexe inaan ka ciyaaro ayaan anigu jecelahay waa haddii ay kooxda ku qanacdo sida aan u ciyaaro. Aniguse mar weliba diyaar Ayaan u ahay inaan khadka dhexe ka ciyaaro” ayuuna sii raaciyey. “Marka aad carruur tahay iyo marka aad soo weynaatidba waxa aad marwalba ku taameysid waxaa weeyey inaad kooxda Liverpool oo aad ka baxdidi kooxda dhlinyarada. Waana waxa ugu wanaagsan ee aan ku taamayo” ayuu shariif hadalkiisa ku soo afmeeray. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa “lagu qal-qaalinayaa” inuu darajooyinka ciidamada ka qaado Jeneral Maxamed Cali Bariise, oo 20-kii bishan sheegay inuu iska casilay xilka taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka. Ka hor inta aanu is-casilaaddiisa shaacin, soona bandhigin warqad ku taariikheysan 18-kii Febraay, madaxweynaha ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu xilka ka qaaday Jeneral Bariise, kadib markii uu “garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah.” Hase yeeshee, Jeneral Bariise ayaa sheegay inay la-yaab ku noqotay in isaga oo is-casilay 18-kii Febraayo, laga faafiyo qoraal “been abuur ah” oo la leeyhaay “xilkii ayaa laga qaaday.” Si kastaba, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa hadda ku warramaya inay sii xumaan karto muranka labada dhinac, ayna jirto in madaxweynaha lagu riixayo inuu darajooyinka ciidan ka xayuubiyo Jeneral Bariise, si la mid ah Cabdalla Cabdalla. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, 9-kii September 2018. “Waxaa jira warar ka soo baxaya madaxtooyada oo ka caraysan warqadda xil ka tagista Gen. Bariise ee warbaahintu ay faafisay taasoo lagu bartilmaameedsanayo Gen. Maxamed Cali Bariise oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka XDS,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. “Madaxweynaha ayaa lagu qalqaalinayaa In Gen. Bariise uu rabo in uu kula kaco qaabkii Gen. Cabdalla Cabdalla oo darajooyinka ciidamanimo ee uu tobankii sano ee la soo dhaafay taliyuhu dadaalkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku kasbaday. Waxaan ka digaynaa In aan awoodda madaxtinimada si qaldan loogu adeegsan shakhdiyaadkii dalkaan u soo halgamay, diyaarkana u ahaa In ay naftooda huraan.” Saraakiil ka tirsan Villa Somalia oo aan wax ka weydiinay haddii uu jiro qorshe noocan ah, way ka gaabsadeen inay ka hadlaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 10-kii October 2019 waxa uu darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise, xilligaasi oo sidoo kalena uu u magacaabay Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka.
  17. Brussels (Caasimada Online) – Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay dal u aqoonsadaan Falastiin, kadib hindise uu soo gudbiyey dalka Luxembourg. Wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israel ayaa qoray in wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg, Jean Asselborn uu arrintan kala hadlay dhigaggiisa Yurub, ayada oo qorshuhu uu yahay heshiis la isku raacsan yahay oo lagu aqoonsanayo Falastiin. Hindisahan ayaa waxaa lagala hadlay wasiirada arrimaha dibedda France, Spain, Finland, Ireland, Portugal, Malta, Sweden iyo Slovenia, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu soo xigtay warbixinta. Casuumadda uu fidiyey Jean Asselborn ayaa la mid ah baaq hore oo uu bishii December ee 2019 si isku mid ah ugu jeediyeen dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub kadib warqad uu u diray madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ururka Josep Borell, kaasi oo uu ku sheegay in sida kaliya ee lagu bad-baadin karo xalka laba dal uu yahay in la abuuro “xaalad isu dhiganta” oo u dhaxeysa Israel iyo Falastiin. Horumarkan cusub ayaa loo arkaa inuu jawaab toos ah u yahay qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ee loogu magac daray “Heshiiska Qarniga”, kaasi oo si carro leh ay u diideen Falastiiniyiinta oo ku qeexay mid la isugu dhiibayo dalabyada Israel. Qorshaha Trump ayaa Falastiiniyiinta siinaya dhul kooban oo ku yaalla duleedka Qudus oo ay caasimad ka dhigtaan, halka Israel uu u damaanad qaadayo inay dalkeeda ku darsato qeyb ballaaran oo ka mid ah Daanta Galbeed. Inkasta oo dalal dhowr ah oo ka mid ah ururka ay si gooni ah Falastiin ugu aqoonsan yihiin dal xuduudihiisu yihiin kuwii ka hor dagaalkii 1967-kii, caasimadiisuna tahay Bariga Qudus, haddana Midowga Yurub si guud uma aqoonsana. Sida uu qoray wargeyska Haaretz, tallaabada Midowga Yurub ayaa walaac ku ah Israel, waxaana ay billowday cadaadis xooggan oo ay qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah uga dhaadhicineyso inay diidaan.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Muqdisho loogu yeeray safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri yiri “Iyadoo la tixraacayo, arrimaha aan fiicnayn ee naga soo gaarayo safaaradda aad mas’uulka ka tihiin, una dhaxeeya danjiraha iyo la-taliyaha 1-aad, ayaa waxaa la idinku wargalinayaa, in aad dalka kusoo laabataan muddo dhan 4 maalmood oo ka bilaabanaysa 21/02/2020 kuna eg 25/02/2020.” “Haddaba, waxaa si xushamd ku jirto la idinka codsanayaa inaad dhowrtaan ujeedada kor ku xusan, kuna timaadaan waqtiga la idiin tilmaamay gudahiisa.” Caasimada Online ayaa ogaatay in dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray safiir Maxamed Isaaq iyo la-taliye 1-aad Cusmaan Axmed oo loo yaqaan Cusmaan Dheere, 20-kii bishan. Wararka ayaa sheegaya in safiirka iyo la-taliyaha koowaad uu maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay khilaaf dhanka shaqada safaaradda ah, oo muddo soo socday, kaasi oo ugu dambeyn sababay in la is feero. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in inta danjiraha uu ka maqan yahay safaaradda, uu shaqada sii wadi doono Mudane Axmed Ismaaciil Xuseen – La-taliyaha 2-aad ee safaaradda. Hoos ka aqriso warqadda loogu yeeray labada mas’uul
  19. The President of the federal republic of Somalia H.E Mohamed Abdullahi Farmaajo has signed the long-awaited Election Bill into law on a historic night at the State House, Villa Somalia. H.E President Farmaajo was joined by the Prime Minister of the Republic H.E Hassan Ali Khaire, the Deputy Prime Minister H.E Mahdi Guleid, and Speakers of the Federal houses led Speaker of the House of the People, Hon. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman and the Speaker of the Upper House Hon. Abdi Hashi Abdullahi. “This night marks a historic night for our nation because after nearly fifty years, our Republic and our beloved citizens will have the chance to execute their democratic rights for one man, one vote in the forthcoming 2021 elections. No one has a special status and it will be the time for everyone to seek a mandate from the people based on their performance.” Before signing the bill, H.E President Farmaajo gave a background of the bill and the history-making processes it underwent. “This law marks the culmination of a long process which started with the Baidoa Agreement in 2018 where we discussed the form of elections. It has the blessings of all stakeholders including the Federal Member States.’’ In addition, H.E President Farmaajo praised the 10th Parliament for playing their crucial roles and working tirelessly to prepare the critical document. “I applaud Members of the 10th Parliament and their Speakers for spearheading this historic process and making a significant contribution to our Republic by executing their legislative duties diligently and independently. Both houses have passed 20 significant bills while displaying teamwork and putting country first without giving attention to selfish interest and political affiliations. We have witnessed harmonious collaboration between all stakeholders and I am truly proud to see all our constitutionally independent institutions working hand in hand for the benefit of our people and our country,” President Farmaajo said. H.E President Farmaajo termed the historic milestone as a process which underwent a transformation and acknowledged the input of previous presidents of the Federal Republic of Somalia for laying the foundation on the form of representation and fulfilling democracy. “We are honoured to share the credit with our previous leaders; H.E Sheikh Shariff and H.E Hassan Sheikh who left a legacy and contributed to our nation’s democratic process which began with the selection of representatives by elders to our next step which will now return the mandate and power to the individual voter. My administration is now proud to ensure our nation participates in a free, fair, transparent and democratic election. H.E President Farmaajo later called upon all elected leaders, the electorates and all stakeholders including the elections body to take the next step to enable the citizens to fulfil their dreams. “To our citizens, the people of Somalia, especially our youth who make a large percentage of our population, the power to vote for your candidate of choice is in your hands. Let’s keep away from tribalism and divisive politics. We are on a democratic path to move our nation away from selfish interests, bloodshed and loss of property.” “To our MPs, have faith in your people, in the election process and the nation. It is now upon the elections body to partner and engages all stakeholders such as the civil society, MPs, the government, the public, Regional administrations, and friends and partners of Somalia.” H.E President Farmaajo has also urged the citizens to prepare for the commemoration of the country’s 60th Independence Anniversary which will be held later this year. “This is a significant year for our nation, and I ask every one of us, each and every citizen of Somalia, wherever you are, to join the celebrations and do something for our Republic be it planting a tree and volunteering to remind ourselves the greatness of our republic and work towards bringing it back.” View the full article
  20. Democratic Minnesota Rep. Ilhan Omar on Thursday denounced allegations by a Somali individual in Minnesota who says he knows Omar married her brother, with the congresswoman suggesting that the man is being paid to make the accusations. Source: Hiiraan Online
  21. Midowga Yurub ayaa daqiiqado ka hor shaaciyay, in dowladda Soomaaliya ay si rasmiya u saxiixday Xeer-Anshaxeedka loo yaqaan the Hague Code of Conduct, oo mamnuucaya faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada (weapons of mass destruction). Soomaaliya ayaa noqotay dowladdii 143-aad ee saxiixday Xeer-Anshaxeedkaas, oo magaalada the Hague ee waddanka Netherlands lagu aas’ aasay 25-kii November ee sannadkii 2002, si loo xakameeyo faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada. Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ku biirtay dalalka saxiixay xeer-Anshaxeedka the Hague Code of Conduct, waxaana uu dalalka harsan ugu baaqay in ay saxiixan Xeerkaasi, gaar ahaanna dowladaha haysta gantaalaha Ballistic Missiles-ka. Sidoo kale, Midowga Yurub, wuxuu sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin the Hague Code of Conduct ,islamarkaana dhammmaan dalalka Xubnaha ka ah Midowgaasi Yurub ay saxiixeen Xeerka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ku biirtay the Hague Code of Conduct appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee dalka isaga madaxda hadda joogta ku dhaliilay qaabka ay u doonayaan in ay u wajahaan xaaladda Somalailand. Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay tahay wax aan sahlaneyn in arrin soo taagneyd 30 sano in lagu xaliyo waqti gaaban, isaga oo dhaliil arrinkaas ku aadan jeediyey. “Somaliland arrinteeda waxaa ay soo taagneyd 30 sano, arrin 30 sano taalay ma sahlana in maalin lagu soo kobo oo lagu soo dhammeeyo, dadkii waxaas ay ka dhaxeeyeen oo 30- kaas sano wixii dhacay isga imaan waayey oo xalin waayeen, aniga oo nin kale diyaaraddiisa saran ayaan xalinaa ma’ ahan xaajo suurto galeyso magaranayo cidda madaxdaxweynaha kula talisay arruntaas” ayuu yiri. Sidoo kale madaxweyne Xasan oo hadalkiisa siiwato ayaa aad u dhaliilay la taliyayaasha madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu sheegay in iyagu hurinayaan sii fogaanshiyaha qadiyadds Somaliland. “Sida halkaan laga sheegay nimanka la taliyayaasha oo ah niman afkaartooda ay bannaanka taallo kuwaas oo leh Khaainiin ayey aheeyn dalka ayey kala gooyeen in la ciqaabo oo maxkamad la saaro iyo mid yiraahdo maalintaas waxaas ay dhacayen sax ayey aheyd, dadkaas waa dadka madaxweynaha hareeraha ka fadhiyo oo la taliyo|” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Dhankale Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday in dowladdii Kacaanka ay dalka oo dhan dhibaateysay lakiin waxaa uu xusay in ugu darnaayeen gobalada waqooyi oo u baahan in si gooni ah loola macaamilo. Waxaana uu yiri. “Dowladdaas in badan ayaa la sheegay dalka oo dhan dhibaato ayey u geysatay, dadkaas Soomaaliyeed ee gobaladaas degan ma ‘aheyn labo qabiil oo is dagaashay, waxaa ay aheyd dowlad dalkeedii qeyb ka mid ah ku duushay meel aan meeshaas aheyn oo diyaarado lagu duqeeyey majirto” Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa soo hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey in arrinta Somaliland loo bahan yahay si xal waaro loo gaaro in walaalnimo loo muujiyo, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yanay in la daaweeyo dadkii ay wax gaareen. “Wixii dhacay waa la cafin karaa oo go’aan ayaa lagu gaari karaa, wixii dhacay wax ka fiican waa inuu arkaa qofkii oo taariikhdaas madoow inta uu iska gooyo midaan cusub oo hadda socoto uu la jaan qaado, waxaan leeyahay garowshihii Madaxweynuhu uu dhiibay waa bilow fiican ma dhameystirneyn waxa uu gadaal uaga darayna ma fiicneyn, dadkaas hal hadal oo meel laga sheegay kuma daawoobayaan ” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeye. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiin kale oo ay ku wada mideysanyihiin Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si guud uga hadlay arrimaha siyaasadda dalka. Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliilay sida ay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo u wajaheyso wadahadalada iyo soo xera gelinta walaalaha gobollada waqooyi ee Somaliland. Xasan Sheekh ayaa sheegay in khilaafka ka dhaxeeya gobollada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya oo soo taagnaa muddo 30-sano ah aysan maanta suurta gal aheyn in Madaxweyne Farmaajo oo saaran diyaarad uu wato Abiy Axmed uu soo xaliyo tabashada Somaliland. “Somaliland arrinteedu waxay soo taagneed 30-sano, dadkii wax soo kala gaareen inta is xali waayeen, anigoo nin kale diyaaradiisa saaran ayaan tegaa oo soo xalinaa xaaja suurta gelee maaha, taasna cidda madaxweynaha kula talisay garan mayo, laakiin la-taliyaasha madaxweynaha ayeyba maanta afkaartoodu banaanka taal oo leh, khaa’iniin waayee dadkey kala gooyeen, in la ciqaabo waaye, iyo mid yiraa wixii dadkaas ku dhacay sax bey ahaayeen, maanta dadka madaxweynaha dhinacyada ka fadhiya oo la taliya waa kuwaas” ayuu yiri Madaxweynihii talada ku wareejiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Madaxweynihii dowladdi ku meel gaarka Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marka hore ay habooneed in Somaliland lagala hadlo tabashadooda iyo halka loo socdo mustaqbalka, balse arrinta is weydiinta mudan ay tahay waxa dowladaha deriska loo dhex geliyey arintaan. Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay waxa Madaxweyne Farmaajo uu ka aaminsan yahay qadiyaddan “Ma waxa uu aaminsan yahay dowladdi hore in ay ku saxneyd arrinta gobollada waqooyi oo ay Qaranka isku celineysay? Mise waxa uu aaminsan yahay in khalad dhacay? Mowqifkiisa hanoo cadeeyo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran. Dhinaca kale Shariif Sheekh Axmed ayaa arrinta is-dhex galka Geeska Afrika ku dhaliilay hal arin, taas oo ah in dalka gudihiisa uu hadda kala xiranyahay, oo maamul goboleedyada qaar deegaanadooda aysan tegi karin madaxda hoggaamisa dowladda dhexe. “Arrinta is-dhexgalka ee dalalka deriska nala ah wey fiicantahay oo dan ayaan ka leenahay iyaguna dan ayey naga leeyihiin, laakiin su’aashu waxay tahay diyaar ma u nahay oo mar xaladdii aan wax kula qabsa laheyn ma joognaa? Hadii aad deriska aad iyadoo reerku kaa daba qeylinaayo ma jirto sabab aad horay ugu sii socoto oo waa inaad guriga xalisaa, balse gurigaaga oo xal u baahan hadaa qof u orodo, waxay kaliftay intaas oo heshiis in lasoo galay hal heshiis oo la haayana uusan jirin” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh. Dhankiisa Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka mid ah Madaxsha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in xalay markii loo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka hadli doono xafladdii lagu soo xirayey kalfadhiga golayaasha baarlamaanka dalka ay ka sugayeen in uu faahfaahiyo waxa uu ka damacsanyahay iyo mowqif kiisa ku aadan sidii loo soo xera geli lahaa Somaliland, balse uu is ilowsiiyey oo ay nasiib saro aheyd in uusan soo hadal qaadin arintaas masiirigaa. Sidoo kale Xildhibaan Cosoble waxa uu soo dhaweeyey sharciga doorashooyinka qaranka ee uu xalay saxiixay madaxweyne Farmaajo, balse waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay u muuqato mid aan ogoleyn in ay u hoggaansanto sharcigaas. Hoos ka Daawo khudbadaha mas’uuliyiintaas