Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland oo maanta oo sabti ah shir jaraa’id Hargeysa ku qabtay ayaa eedeyn kulul usoo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Ciro oo Xisbiyada [...] Source
  2. NAIROBI (HOL) - Somalis are the sixth largest ethnic tribe in Kenya with a population of 2.7 million, the newly released second part of the 2019 population and housing report indicates. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukumadda federaalka ayaa si deg deg ah ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee wadanka Cumaan, Mudane Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani). Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa amray danjiraha in muddo afar cisho gudhood ah uu dib ugu soo laabto dalka. Sidoo kale warqadaan ayaa lagu sheegay in u jeedadu ay tahay sidii wax looga weydiin lahaa dacwado loo heysto Danjire Jeylaani oo ku aadan khilaafka kala dhexeeya diblumaasiyiinta kale ee safaaradda Soomaalya ay ku leedahay dalka Cumaan. “Hadaba waxaa si xushmad ku jirto lagaaga codsanayaa inaad dhowrto ujeedada sare ku xusan, kuna timaado waqtiga laguu tilmaamay gudihiisa” ayaa lagu yiri warqadda. Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in ku sime uu sii ahaan doono, Mudane Cumar Sheekh Maxmed oo ah lataliyah koowaad ee safaaradda. Waa safrkii 2-aad ee loogu yeerayo inuu Muqdisho yimaado, iyadoona wasaaraddu saacadihii la soo dhaafay u yeertay safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo ku xigeenkiisa, oo Caasimada Online ay ogaatay in 20-kii bishan uu dhex maray dagaal gacan ka hadal ah.
  4. Dikareeto ka soo baxday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa isbadal cusub lagu sameeyay guud ahaan taliska booliska dowlad goboleedka Galmudug. Taliyaha booliska Deeganada Galmudug ayaa waxaa loo magacaabay gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin, waxaana taliye ku xigeen loogu magacaabay gaashaanle sare Maxamed Nuur Cali. Sidoo kale waxaa taliyaha booliska gobalka Mudug loo magacaabay gaashaanle dhexe Qaasim Sheekh Doon Cali, waxaana gobalka Galgaduud taliye looga dhigay gaashaanle dhexe Saciid Muuse Daad. Dhanka kale waxaa isbadal lagu sameeyay oo taliyayaal cusub loo magacaabay degmooyinka kala ah Dhuusamreeb, Balambal, Caabudwaaq, Guriceel, Xeraale, Hobyo iyo Matabaan. Halkan ka akhriso magacaabista Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday isbadalo lagu sameynayo talisyada kala duwan ciidanka booliska Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Dr.Yuuusuf Muxidiin Axmed ayaa iminka u buuxsantay mudo hal sano ah oo la shaqaynay madaxda Xiriirka waxaana jagadan loo magabaacay bisha Febraayo 2019,isagoo xilkaa ka badalay Xasan Maxamuud Maxamed (Farey),Dr Yuusuf Muxidiin ayaa Goobjoog u sheegay mudadii uu joogay xafiiska xogheynta Xiriirka uu gaaray guulo waaweyn ee gudaha iyo dibadda wuxuuna u mahad celiyay dadkii kala gedisanaa uu la shaqeeyay. Guddoomiyaha Kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) ayaa Goobjoog u sheegay in Dr Yuusuf Muxidiin Axmed uu wax badan kusoo kordhiyay xafiiska xogheynta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya kooxaha kubbadda cagtana ay aad u amanaayaan dhallinyarada aqoonta wanaagsan ee iminka hogaaminaysa waxaayaha kala duwan ee xafiisyada Xiriirka Kubbadda cagta. Mudadii sanadka aheyd oo Dr.Yuusuf Muxidiin Axmed ahaa xoghaya guud ee Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya waxa uu ka qeyb galay shirka kala duwan kuwaas oo ka kala dhacay wadamada Qaarada Africa iyo Yurub,isagoo sheegay in uu qibrad wanaagsan uu kasoo qaatay shirarkaas madaxa ciyaaraha caalamkana ay aad soo dhaweeyeen iminkana uu la lee yahay wada shaqeynta joogta ah. Kolkii aad booqato xarunta dhexe uu xiriirka kubbadda cagta dalka waxaa dareemaysaa kaalinta ay dhallinyarada ku lee yihiin shaqooyinka socota waxaana bahda kubbadda cagta iyo kooxaha hoosyimaada xiriirka ayaa bogaadiyaan horomarka iyo is badalka muuqda ee iminka lagu tilaabsaday. Si kastaba dad badan yaa talabaadan u arka mid horomar iyo guul ah maadam dhainyarada wax baratay ay door wanaagsan ka ciyaarayaan guulaha kubbadda cagta Wadanka,balse taa badalkeeda Dr.Yuuauf Muxidiin Axmed ayaa sheegaya in aqoontiisa iyo qibradiisa uu ugu faa’ideeneeyo horomarka socda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Mudadii Xafiiska Uu Joogay DR.Yuusuf Muxidiin W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Moscow)-Safiirka Ruushka ee dalka Djibouti danjire Mikhail Golovanov, ayaa sheegay inaanay dawladda Ruushka u qorshaysnayn inay saldhig milatari ka samaysto Berbera. Safiirka Ruuska ee Djibouti oo u waramay shabakadda wararka ee RIA Novosti News Agency, ayaa waxa su’aalihii la weydiiyay ka mid ahaa wararka sheegaya in dalka Ruushku uu saldhig milatari ka samaysanayo Berbera, waxaanu safiirku su’aashaas si kooban ugaga jawaabay, “Ruushku; ma waddo inuu dekedda Berbera ka samaysto saldhig milatari. Wada hadalo arrintan ku saabsan lama qabanin.” Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa horaantii bishan qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruusku uu xidhiidho badan la sameeyayAfrika, kuwaas oo uu kaga kasbaday kalsooni. Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo katirsan waaxda gaashaandhiga ee Maraykanka, wuxuu sheegay in meelaha uu Ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland, “Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu, madaxda Ruushku waxa ay isha ku hayaan dekedda Berbera inay u noqoto goob ay ka samaystaan saldhig ku yaalla magaalo Xeebeedda Berbera ee Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan. Shiinaha iyo Maraykanka, oo saldhigyo ciidan ku leh Jibuuti, waxa ay la wadaagaan isla xeeb dekedda ay suurtagalka tahay in Ruushku dego.” Sidaas ayay tdhi warbixinta wargeysku qoray. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa isbedal ballaaran ku sameeyey qeybaha kala duwan ee talisyada Booliska Galmudug. Warqad ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa waxaa isbadal loogu sameeyey taliska guud ee Booliska Galmudug, kuwa qeybta ee gobollada Galgaduud iyo Mudug iyo xittaa kuwa qaar ee degmooyinka. Gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay taliyaha Booliska Galmudug, halka taliye ku xigeen isna loo magacaabay G/sare Maxamed Nuur Cali. Sidoo kale taliyaha qeybta Booliska gobolka Galgaduud ayaa waxaa loo magacaabay, gaashaanle dhexe Saciid Muuse Daad, halka taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug loo magacaabay, gaashaanle dhexe Qaasim Sheekh Doon Cali. Xijaar ayaa sidoo kale taliyeyaal cusub u magacaabay degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Hobyo, Matabaan, deegaanka Xeraale iyo deegaanka Balambale. Halkaan hoose ka aqriso:-
  8. (SLT-Hargeysa)-Weftigii uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide, ee socdaalka ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dib ugu laabtay dalkooda, khamiistii, ka dib markii ay habeen u hoyden magaalada Hargeysa. Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan oo Madaxweyne Biixi la yeeshay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin iyo mid ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiiradu. Laakiin warar uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ujeedada ugu weyn ee socdaalka Wasiirka maaliyadda Itoobiya salka ku hayay dardargelinta heshiiskii dekedda Berbera ee ay Itoobiya ku lahayd saami ah 19% oo tan iyo markii uu Raysalwasaare Abiye talada qabtay u muuqday mid hoos loo dhigay oo dhaqdhaqaaqiisii yaraaday. Waxa kale oo uu u socday is waafajinta cashuuraha ganacsiga iyo jidka Berbera Corridor. Warku wuxuu sheegay in Raysalwasaare Abiye oo toddobaadkii hore socdaal ku tagay dalka UAE ay madaxda UAE wax ka weydiisay heshiiskii dekedda Berbera ee ay ku midaysnaayeen DP world oo leh 51%, Somaliland oo leh 30% iyo Itoobiya oo leh saami ah 19%, waxaanu warka uu Geeska Afrika helay sheegay in socdaalka Wasiir Axmed Shide ahaa jawaabta socdaalkii uu Abiye ku tagay dalka UAE. Warka uu Geeska Afrika helay waxa kale oo uu sheegay in Wasiir Shide ay Madaxweyne Biixi sidoo kale ka wada hadleen qorshaha uu Abiye Axmed ku doonayay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo keeno magaalada Hargeysa ee Somaliland oo uu Madaxweyne Biixi khudbadii uu Baarlamaanka u jeediyay ku gacan saydhay. Wasiir Shide, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Biixi u sheegay in qorshaha Itoobiya ahaa niyad wanaag, balse aanay uga jeedin cadaadis iyo in xaaladu sii xumaato, waxaanu sheegay inay arkeen dareenka ka dhashay qorshaha Raysalwasaare Abiye. Waxa uu warku sheegay inuu muuqdo inuu halkaas ku istaagay fikirkii uu Raysalwasaare Abiye Axmed watay uu ku doonayay inuu Farmaajo ku keeno Hargeysa, laakiin si rasmi ah looma xaqiijin karo in Raysalwasaare Abiye hakiyay fikirkiisa iyo inuu sidaas ku laalay. Geesta kale, warbixinta ‘Week in the horn’ ee ay jimce kasta soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa shalay lagu soo hadal qaaday raaligelintii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay xasuuqii Siyaad Barre iyo soo dhawaynta Madaxweyne Biixi. Waxaanay tidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raaligelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah.” Wasaaradu waxay xaqiijisay kulankii Addis Ababa ku dhex maray labada madaxweyne waxaanay sheegtay in dhawaaqa Madaxweyne Farmaajo ee uu raaligelinta ku bixiyay ay ka mid tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkay isfaham ay labada dhinac gaadheen, “Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa.” Ayay warbixintu ku soo gunaanaday Source
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Afgooye ee Sh/ Hoose. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay bartamaha magaaladaasi, iyadoona ay fuliyeen rag bistoolado watay oo goobta isaga baxsaday. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afgooye ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceeyn, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka marxuumka. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, waxaana ay shaacisay in xoogag ka tirsan kuwooda ay qeybaha sare ka toogteen askarigaasi. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Banagarafta Soomaaliya. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo sidoo kale maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi. Afgooye ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, iyadoona dilkii ugu dambeeyey todobaadkii hore degmadaasi loogu geystay Allaha u naxariistee weriye Caweli Cali Xuseen (Online) oo ka tirsanaa shaqaalaha TV-ga Universal.
  10. Ciidanka xooga dalka ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe, sida lagu daabacay wakaaladda wararka Sonna. Howlgalkan oo si gaara uga dhacay deegaanka Danida ayaa la sheegay in ciidanka xoogga ay burburiyeen Saldhig Al shabaab ay halkaasi ku lahaayeen, waxaana la tilmaamay in 2 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab halkaasi lagu dilay halka kuwa kalane lagu dhaawacay. Waxaana haatan la soo sheegayaa in ciidanka dowladda ay isku fidiyeen deegaanka ay kala wareegeen Al shabaab. Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay kaga hadlayaan in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Danida iyo in halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab. Ciidanka xoogga ayaa muddoyinkii dambe waday howlgallo qorsheysan oo ay ku qaadayaan deegaanada ay ku suganyihiin Al shabaab, wallow mararka qaar weeraro gaadmo ah lagu qaado fariisimaha ciidanka dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ciidamada Dowlada Federaalka ee ka Amar qaata Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxay Magaalada ka wadaan dhaqdhaqaaq ka dhan ah Ahlu Suna iyo Madaxweynohooda Sheikh Shaakir. Maalmahaanba [...] Source
  12. Ganacsatada yaryar ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya Canshuur dheeraada oo lagu soo ragayiney bixiyaan. Maalintii Sadexaad ayaa u socota Mudaharaadka ay Ganacsigooda ku xireen [...] Source
  13. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maalintii saddexaad uu xiran yahay suuqa ugu weyn gobolkaasi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Arrintaan ayaa timid, kadib markii ganasatada magaaladaasi ay ka biyo diideen lacago canshuuraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee Puntland. Sawirro laga soo qaaday suuqa ayaa la arkayaa dhammaan xarumihii ganacsiyada oo ay albaabada iskugu laaban yihiin. Qaar ka mid ah ganasatada ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka soo horjeedaan canshuurta iibka, taas oo markii hore laga qaadi jiray kastamyada oo kaliya. Sidoo kale ganacsatada ayaa ku doodaya in aysan dhiibi karin laba canshuur, waxayna doorbideen inay sameeyaan shaqo joojin inta cabashadooda wax laga qabanayo. Illaa iyo hadda wax hadal kama soo bixin Puntland, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda maamulkaasi oo ku aadan cabashada ganacsatadaasi. Xirnaasha suuqaan oo ay dad ku xirnaayeen ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Mudug.
  14. Shariif Sheekh Axmed guddooomiyaha madasha Xisbiyada qaran ayaa maalinimadii shalay oo jimco aheyd si guud uga hadlay xaaladda dalka isaga oo xusay in dadka Soomaaliyeed hadda ay u baahan yihiin sharci, cadaalad iyo kala dambeyn. Ugu horen guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dowladnimadii dalka laga weeciyey halkii loo baahnaa in loo wado, waxaana uu sheegay in laga aamusana aysan macquul aheyn. “Dowladnimadii oo wadadeedii ka leexatay ma haboon tahay inaan ka aamusno, maya ma’ haboona, dowladnimda waan jecelnahay lakiin waxaan ka sii jecel nahay sharciga, sharcigana waxaan ka sii jecel nahay cadaaladda, diinta Allah waxaa uu u soo dejiyey waa cadaalad, haddii aan cadli la sameyneen maxaa laga faa’idayaa barashada diinta” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran. Sidoo kale guddoomiye Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladnimadu tahay wax lawada leeyahay kana weyn wax labo ama sedex qof ay maamulayaan waxaana uu yiri. “Dowladnimadu waa ka weyn tahay wax mugdi lagu haayo, dowladnimadu waa ka weyn tahay wax sedex qof og yihiin, dowladnimo waa wax dadka ka dhexeeyo,dowlanimada, sharciga iyo Demukhuraadiyadda waa midda keentay in la is doorto oo midka kursi hayo uu ka tago oo nin cusub oo la doortay uu yimaado masidaas ayaa fiican mise in uu yiraahdo aniga ima dhaafto” Dhanka kale guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay wax qabadka dowladda federaalka sedexdii sano ee u soo idlaatay tan iyo markii talada dalka ay la wareegtay. “Dowladdu Canshuur ayey qaadaa magaca dalka ayey wax ku soo qaadaa magacii dadka ayey mataleysaa, amniga, arrimaha bulshada, siyaasadda maxey ka qabatay, mise waxaa ay aaminsan tahay in iyadu hoggaamiye tahay dadkuna taabiciyiin u yihiin, maya, dowladdu waa shaqale annaga ayaa doranay annaga ayey nooshaqeysaa” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed. Ugu dambeyn Shariif Sheikh Axmed guddoomiyaha madasha sxisbiyada qaran ee dalka ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka in iyagu ilaaliyaan sharciga, waxaana uu madaxda dalka ku dhaliilay in shaqadoodii ay ku soo koobeen baraha bulshada iyo iyaga oo aan dooneyn in bulshada ay horyimaadaan oo ay la hadlaan. “Kursiga in laguu doorto waa shey dadku ay u siman yihiin nasiibka ayaa kuu galay waa lagugu soo dhaweeyey lakiin ku dhaqan sharciga, markii wax lagaa sheego meelo mugdiya hamarin ee banaanka imoow ,haddii lagu fikiraayo in dalka lagu xukumi karo Facebook iyo cajalado la jarjaray u maleyn maayo in ay sax tahay arrintaas, Cajalado la jarjaray wiilal Facebook ha aadine dadka hor imow oo wax u sheeg waan ku dhageysaneynaa.ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey Shsriif Sheikh Axmed. Hadalka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya iyada oo madaxweynaha dalka uu saxiixay sharciga doorashooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Ciidanka Asluubta soomaaliya ayaa Maanta xusaya sanad guuradii 50-aad ee ku beegan aas-aaskooda. Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu dalku bur-bursanaa. Xarunta Ciidamada Asluubta Waxaa ka socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan Mas’uuliyiinta dowlada qaarkood, si ay khudbad uga jeediyaa. View the full article
  16. Aqoon ilaahayoow hanagu cadaabin, eexna hanooga tagin. Qoraalkan kooban waxa igu kallifay, waxan arkay dad ka fal celiyey qoraalo iyo qudbado an ku beegsaday inaan ku iftiimiyo sida aan u arko in ummada soomaaliyeed markale laysugu soo dhaweyn karo, anigoo qaarkood isku dul taagay waxyaabaha keenay inay somaliya burburto iyo in somaliland ku dhawaaqdo inay dib ula soo noqdaan madax-bannaanidoodii ay ka heleen gumaysigii ingiriiska. Shaki kuma jiro in udub-dhexaadka dhaqdhaqaaqii SNM uu ahaa beesha isaaq walow ay jireen dad tiro yar oo kasoo jeeda beelaha kale ee soomaaliyeed oo la afkaar ahaa sida madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan aw Cali Faarax oo ahaa mid kamid ah saraakiishii SNM kuwa ugu cad cad. Sidaa daraadeed wax deelqaaf ah uma arko in dusha laga saaro beesha reer sheekh isaxaaq wixii dhibaato SNM gaysatay, si lamid ah, waxan sax u arkaa in beel ahaan iyo SNM ahaanba ay isaga difaaci karaan wixii ay u arkaan in aanu qaban ama been abuur lagu sameeyo wixii ka dhacay soomaaliya. Jabhadii SNM ee dagaalka hubaysan kula jirtay ciidamadii xoogga badnaa ee daacadda u ahaa Siyaad Barre suuragal umay ahayn inay ka dagaalamaan aagag ka baxsan deeganada beeshoodu degen tahay sababo badan awgood haba ugu waynaato awoodooda ciidan iyo logistics ka ay haysteen oon u saamaxayn inay isku fidiyaan dhul ka balaadhan intii ay ka dagaalamyeen ee la ogaa. Jabhadda umay suuro galin inay xataa hal mar dagaal ku galaan gudaha Boorama iyo Laas-caanood ka hor jabitaankii ciidamadii Siyaad Barre dabayaaqadii bishii January iyo horraantii February sannadkii 1991. Marka laga yimaado xurgufaha iyo aanooyinka qabiil ee aalaaba dhex mara beelaha jaarka ah ee soomalidu caanka ku tahay, waxaynu kawada dharagsanahay in beelaha Sool iyo Awdal si toosa ula safnaayeen xukuumadii Siyaad Barre sida beelo kale oo badan oo soomaaliyeed, laakiin faraqa udhexeeya iyaga iyo beelahaa kale uu yahay kan ah inay jaar la yihiin beesha isaaq ee dagaalka iyo isir xasuuqa lagu hayay. Markii cagta la mariyey ciidamadii kacaanka ee goboladii woqooyi gacanta u galeen jabhadii SNM, dagaalkii u dabeeyey ee SNM kula gasho gudaha goboladaas waxa uu ahaa kii ka dhacay Borama 4tii February 1991. Haddaad aaminsan tahay in dagaalkaa SNM la gashay beesha degta gobolkaa, waad qaldan tahay xaalkuna sidaa muu ahayne wuxuu ahaa sidan; dagaal qadhaadh oo faraha lagaga gubtay oo hal wiig oon kala go’ lahayn ka socday gudaha magaalada Berbera iyo inta u dhaxaysa Berbera iyo hargeysa badhtamihii bishii January + dagaalkii xoogagii USC ku galeen gudaha magaalada Muqdisho waxa lumay kala amar qaadashadii iyo kala danbayntii ciidamadii soomaaliya, waxaanay bilaabeen inay kala firxadaan. Hagaag, ciidamadii ku sugnaa Burco agagaarkeeda iyo wixii koonfur ka xiga waxay u baxsadeen xagaa iyo koonfur, Berbera iyo galbeed wixii ka xiga ciidamadii joogayna waxay ka baxeen wadada galbeed iyagoo mar kale isku urursaday degmada Dila ee duleedka Borama, ciidan xoog badan oo 9 taangi (kaare) iyo tikniko kale oo fara badan wata ayaa halkaa mar kale Iyaga iyo SNM dagaal ku dhexmaray waana isla 4ta February ee Boorama ciidamada SNM dagaalka ku galeen kadib markay jiidheen difaacii hore ee Dila. Ciidamadii SNM waxay Isla naalintaa gudaheeda dagaal kula galeen hadhaagii ciidamadii ka firxaday Dila iyo ciidan qaab beeleed isu abaabulay oo isu diyaariyey inay magaalada Borama ka difaacaan xoogagii SNM, lakin waa laga itaal roonaaday kadib dagaal saacado galin danbe ah qaatay, magaaladiina dhamaanteed waxay ku dhacday gacanta SNM, habeenkiina halkaasay u hoydeen lakiin markii waagu baryay inyar kadib waxa bilaambay dhaq-dhaqaaq uu hormood ka yahay Cabdiraxmaan aw cali Faarax kaas oo isla maalintaaba ciidamadii SNM magaalada lagaga soo saaray qaab heshiis, waxan isku dayay marar badan inaan wax ka ogaado 24 kaas saacadood ee SNM Borama haysatay qasaaraha ay gaysteen intu leekaa, waayo waxan arkay in bilkasta iyo sannad kasta lasii kordhinayo wixii halkaa ka dhacay, iyadoo dad ka xun nabadda ay reer somaliland kuwada noolyihiin si xun oo runta ka fog wax uga sheegaan taariikhda. waa xaqiiq in maalintaa dad rayid ah ay ku dhinteen Borama balse ma jirto dad dhicib ah oo inta lasoo ururiyey la laayay sidii ka dhici jirtay magaalooyinka ay degto beesha dhexe iyo waliba xamar sida xasuuqii jasiira. Magaalada Laascanood iyada gudaheeda xiligaa SNM mabay gaadhin. Hadaba cidda aaminsan in ciidamadii SNM ay xasuuq ka gaysteen magaalooyinkaa iyo goboladaas aynu soo sheegnay waxa looga fadhiyaa caddaymo wakhtiyeysan, goobo markhaati leh, oo laysla ogyahay wixii ka dhacay, mana jirto taariikh la qarin karo iyo cid dadka been iyo waxaan dhicin ka dhaadhicin kartaa. Inaanay Somaliland ka dhicin kala aar goosasho waxa kuu caddaynaysa sida ilaa imika nabad galyada loogu wada noolyahay. Waana inta ay kaga duwan tahay koonfur. Runta oo laga fogaadaa xalkana way sii fogaysaa. Wa billaahi tawfiiq. Source
  17. Xarumaha Ganacsiga dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, ayaa maalintii saddexaad xiran, kadib markii ganacsatadu ay cabasho ka muujiyeen, canshuur dheeriya oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Ganacsatada Gaalkacyo, ayaa ka cabanayaa canshuurta iibka, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyaddu kaga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, haddana ay bilowday in ay mid labaad ka qaaddo xarumahooda ganacsiga ee ku yaalla magaalada. Dhammaan goobaha ganacsiga waqooyiga Gaalkacyo, ayaa la xiray Khamiistii, waxaana ganacsatadu u yeertay warbaahinta, si ay cabashadooda u mariyaan, balse iyaga iyo weriyaashiiba xabsiga ayaa la dhigay, inkastoo saacado kadib la sii daayay. Wasaaradda Maaliyadda Puntland, weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada Gaalkacyo ee la xiriirta Canshuurta lagu kordhiyay. Hoos ka eeg sawirada xaruma xiran PUNTLAND POST The post Ganacsiga waqooyiga Gaalkacyo oo maalintii saddexaad xiran appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa saakay xiran inta badan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana jirin wax gaadiid ah oo isticmaali kara waddoyinka xiran, dadka ayaana la arkayaa iyaga oo lugeynaya. Waddooyinka saakay ciidamada dowladda ay xireen ayaa waxaa ay aheyn kuwo muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ka mid ah wadadada Maka Almukarama iyo Wadnaha ee magaalada Mudisho. Ujeedka loo xiray wadooyinka magaalada ayaa lagu sheegay in maanta ay tahay sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas aasay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Waxaana lagu wadaa in munaasabad lagu maamuusayo lagu qabto magaalada, iyada oo la filayo in ay ka soo qeyb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan iyo taliska Asluubta. Xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada ayaa marka ay dhacdo waxaa ay saameyn ku yeelataa isku socodka dadka iyada oo marka waddooyinka la xiro shacabku ay ku dhibtoodaan lugta masaafada dheer ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan soo dhoweyn ah la qaatay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey). Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cali Daahir Ciid. Ugu horreyn madaxweyne Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ku amaanay howlaha wacyigalinta bulshada ee ay u tageen deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka heer federaal ee la filayo in la qabto sanadka soo socdo ee 2121-ka. Xalimo Yarey oo u mahadcelisay hoggaanka Galmudug ayaa sheegtay in maamulkaasi uu ka mid yahay meelaha loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada soo socota. Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa dadaal badan iyo diyaar garow ugu jiray doorashooyinka Qaranka oo weli la’isku hayo sida loo wajahayo.
  20. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) iyo madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb. Madaxwayne Qoor Qoor ayaa marka hore gudooomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan iyo wafdigeeda ku soo dhoweeyay xarunta madaxtooyada Galmudug, isagoo ku amaanay howlaha wacyigalinta bulshada ee ay u tageen deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka heer federaal ee la filayo in la qabto sanadka soo socdo ee 2121-ka. Ugu dambeyn Xaliimo Yarey ayaa hoggaanka cusub ee Galmudug uga mahadcelisay soo dhoweynta ee loogu sameeyey wafdigeeda Dhuusamareeb. Halkaam hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii ugu dambeeyey ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaanka Daniga oo dhaca inta u dhexeysa dmagaalooyinka caanka ah ee Balacad iyo Afgooye. Howlgalka ayaa si gaar ah ciidanku waxa ay ula beegsadeen barkoontarool oo la sheegay in Al-Shabaab ay lacago uga qaadayeen gadiidak mara halkaasi. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalkaasi lagu dilay labo ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xubnahahaasi ay ka soo furtaan hub, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagaalytahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
  22. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Wadooyinkaasi ayaa lagu arkayaa ciidan ka tirsan dowladda ,kuwaas oo hakad galiyey dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Meelaha ciidamada dadka ay ka celinayaan waxaa ka mid isgoysyada Exkontorool, Banaadir, Soob, KM4, Dabka iyo kuwa kale. Sidoo kale shacabka ayaa saaka maalaya gacahooda ,iyadoona jidadka waa weyn lagu arkayo dad badan oo raxan raxan u socda. Tani ayaa lagu sababeeyey munaasabad uu ka qeyb galayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , taas oo lagu xusayo maalinta aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-22022020.mp3 View the full article
  24. (SLT- Luxembourg)-Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay dal u aqoonsadaan Falastiin, kadib hindise uu soo gudbiyey dalka Luxembourg. A picture taken on October 16, 2019 shows the European Union flags floating in the air in front of the European Commission building in Brussels. (Photo by Kenzo TRIBOUILLARD / AFP) (Photo by KENZO TRIBOUILLARD/AFP via Getty Images) Wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israa’iil ayaa qoray in wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg, Jean Asselborn uu arrintan kala hadlay dhigaggiisa Yurub, ayada oo qorshuhu uu yahay heshiis la isku raacsan yahay oo lagu aqoonsanayo Falastiin. Hindisahan ayaa waxaa lagala hadlay wasiirrada arrimaha dibedda France, Spain, Finland, Ireland, Portugal, Malta, Sweden iyo Slovenia, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu soo xigtay warbixinta. Casuumadda uu fidiyey Jean Asselborn ayaa la mid ah baaq hore oo uu bishii December ee 2019 si isku mid ah ugu jeediyeen dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub kadib warqad uu u diray madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ururka Josep Borell, kaasi oo uu ku sheegay in sida kaliya ee lagu bad-baadin karo xalka laba dal uu yahay in la abuuro “xaalad isu dhiganta” oo u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin. Horumarkan cusub ayaa loo arkaa inuu jawaab toos ah u yahay qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ee loogu magac daray “Heshiiska Qarniga”, kaasi oo si cadho leh ay u diideen Falastiiniyiinta oo ku qeexay mid la isugu dhiibayo dalabyada Israa’iil. Qorshaha Trump ayaa Falastiiniyiinta siinaya dhul kooban oo ku yaalla duleedka Qudus oo ay caasimad ka dhigtaan, halka Israa’iil uu u damaanad qaadayo inay dalkeeda ku darsato qeyb ballaadhan oo ka mid ah Daanta Galbeed. Inkasta oo dalal dhowr ah oo ka mid ah ururka ay si gooni ah Falastiin ugu aqoonsan yihiin dal xuduudihiisu yihiin kuwii ka hor dagaalkii 1967-kii, caasimadiisuna tahay Bariga Qudus, haddana Midowga Yurub si guud uma aqoonsana. Sida uu qoray wargeyska Haaretz, tallaabada Midowga Yurub ayaa walaac ku ah Israa’iil, waxaana ay billowday cadaadis xooggan oo ay qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah uga dhaadhicineyso inay diidaan. Source
  25. (SLT-Washington)-Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sharci-dejiyayaasha u sheegay toddobaadkii tagay in Ruushka ay faro-gelinayaan ololaha doorashada 2020, ayada oo ujeedku yahay in shaki la geliyo sax ahaanshaha codadka, lana taageero dib u doorashada madaxweyne Trump. Qof arrintan xog-ogaal u ah oo magaciisa qariyey, sababo la xidhiidha xasaasi ahaanshaha warkan, ayaa sheegay in xulufada Trump ee Jamhuuriga ah ee Aqalka Wakiilada ay su’aalo ka keeneen qiimeyntan oo ay sameeyeen saraakiisha Xafiiska Sirdoonka Qaranka, Khamiistii tagtay. “Jamhuurigu waxay arrintan kaga jawaabeen sidii la filayey, aad ayey uga cadhoodeen. Waxa ay su’aal ka keeneen xogta sirdoonka,” ayuu yidhi. Saraakiisha sirdoonka ayaa kulan sir ah waxay sharci-dejiyayaasha uga digeen in Ruushka ay ka shaqeynayeen in shaki la geliyo sax ahaanshaha cod-bixinta dhaceysa 3-da November, ayada oo islamarkaana la xoojinayo in Trump dib loo soo doorto afar sano oo kale. “Ruushku waxay door-bidayaan hal musharax, musharaxaasna waa Trump,” ayuu yidhi ilo-wareed, kaasi oo diiday inuu sharaxaad bixiyo. Wargeyska The New York Times ayaa khamiistii ku warramay in Trump uu cadho kula dul-dhacay sii-hayaha Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Joseph Maguire, sababo la xidhiidha inuu shaqaalihiisa u ogolaaday inay hortagaan guddi hoosaadka Aqalka Wakiilada. Wargeyska ayaa soo xigtay shan qof oo arrintan xog-ogaal u ah. Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu Maguire ka qaaday xilka sii-hayaha, kuna beddelayo Richard Grenell, oo ahaa safiirka Mareykanka ee Jarmalka tan iyo 2018, islamarkaana aad daacad ugu ah madaxweynaha. Source