Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xilli ay dhowaan Shabakadda Warbaahinta Shabelle baahisay warbixin ku aadan amni darro baahsan oo ka jirta Dharkenley oo uu barakac ka bilowday ayaa waxaa arrintaasi durbo ka jawaabay maamulka degmadaasi oo howlgallo amni xaqiijin ah ka bilaabay halkaasi. Guddoomiye degmada Dharkeynley Abuukar Axmed Cadow oo la hadlay warbnaahinta ayaa ka warbixiyey baaritaano ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmadaasi. Cadow ayaaa tilmaamay in howlgalladaan lagu soo qab qabtay rag burcad ah oo dhac ka geysan jiray afarta waaxood ee degmadaasi Dharkenley. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Dharkeenleey.mp3 View the full article
  2. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin loogaa bixiyey duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe. Warka ka soo baxay taliska taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran eeS oomaaliya ay diyaaradahooda duqeymo ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan degmada Saakow. Mareykanka ayaa sheegtay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradahiisa ay ku dileen illaa laba xubnood oo ka trisanaa Al-Shabaab, mid kalena ay ku dhaawaceen. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyey saldhig ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi. Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa maalmihii u dambeeyey kordhiyey duqeymaha ay ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliy. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley Abuukar Axmed Cadow oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahiyey howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi. Cadow ayaa sheegay in howlgalladaan oo ay fuliyeen ciidanka Booliska Soomaaliya lagu soo qabtay labo nin oo dhac ka geysan jiray degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay hubkii ay dadka ku dhici jireen xilliyada habeenkii ah. Howlgalka lagu soo qabtay burcada ayuu sheegay inuu amary guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Cumar. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga inta laga ciribtirayo kooxaha burcada ah. Ammanka degmada Dharkenley ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid aad u liita, waxaana ka dilaacay kooxo burcad ah oo habeen iyo maalin boob u geysta dadka shacabka ah oo qaarkood bilaabay inay isaga barakacaan xaafado qaar ee degmadaasi.
  4. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed dadka barakayaasha ah ee ku sugan magaalda Baladweyne iyo nawaaxigeeda. Guddoomiyaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda dadka ku barakacay gudaha magaalada ay wajahayaan xaalad nolol xumi ah, isaga oo intaas ku daray fatahaadihii gobalaka Hiiraan ka dhacay in ay sii kordhiyeen xaalada dadka barakacay iyo weliba tiradooda. “Barakacayaasha magaalada Baledweyne waxaa moodaa in tiradooda ay aad u kordheyso markii magaalada laga baxay oo fatahaadaha ay dheceen markii la yiri hala soo laabto waxaa abuurmay barakacayaal cusub waxaana keenay, dadkii guryaha iska jilacsan degenaa markii ay soo laabteen guryahoodii ayaa ka baaba’ay waxaa ayna kala nondeen labo qeybood qeyb barakacayaashii hore ku biiray iyo kuwo noqday barakacayaal cusub” ayuu yiri guddoomiyaha. Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in xaaladda ay aad u adagtay ayna sabab u tahay barakaca oo ka badan intii u diiwaan gashanaa maamulka gobalka Hiiraan iyo hey’adaha Samafalka waxaana uu yiri. “Barakacayaashii haddii ay bateen waxaa dhacday in hey’adihii samafalka dadaalkoodii uu yaraado baahida oo badan awgeed,marka aad baracayaasha aad dhex gasho waxaad arkeysaa barakacayaal aan weliba loo tagin oo dadkii wali ay degan yihiin oo biyo, cunto aan heysan iyo musqulo aan laheyn xaalad adag ayaa jirto waxaana keenayo raadadkii fataadaha ayaa nagu dambeeyo” Dhanka kale guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in dhankooda maamul ahaan ay wadaan da’daallo lagu samato bixinayo dadka lakiin baahida dadka baracayaasha ah ay ka badan tahay mid uu dabooli karo maamulka gobalka Hiiraan waxaana uu yiri. “Maamulkii ma baahi tiri karo, wax waa la qabtay awal gooba barakaca waa uu koobnaa afarta xaafadood ee magaalada, hadda aad ayuu u kordhay oo 100 ayuu ku dhow yahay awal ilaa 30 ayey ahaayeen, marka baaxadda intaas la’ eg maamulku ma dabooli karo waadna ogtihiin fatahaadii 65000 ayaa magaalada ka baxday oo Ceeljaale iyo meelo kale kala degay” Ugu dambeyn guddoomiyaha arrimaha bulshada ayaa baaq u diray wasaaraddaha gargaalka heer federal iyo heer gobol waxaana uu ugu baaqay in si dhaqsi ah loo soo gaaro dadka ku barakacay magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda. “Wasaaradaha gargaarka federaalka iyo Hirshabeelle waxaan leeyahay fatahaadihii waa laga yimid, laakiin raadadkeedii ayaa wali yaalla magalada waa la dhooban yahay barakacayaashii waa badan yiihiin waa dadkii markii hore fatahaadaha ka soo cararay ma’aysan helin qorshe dowladeed oo dadkaas lagu badbaadiyo”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Tehran)-Dawladda Kuwait ayaa ku dhawaaqday inay 750 Muwaadiniinteeda ah ka soo daad-guraynayso Dalka IRAN, ka dib markii laba Qof ay xanuunka coronavirus ugu Geeriyoodeen gudaha Iran. Diyaaraddii ugu horraysay ee Dadka Reer Kuwait ka soo qaadday Dalka IRAN ayaa Sabtidii gaadhay Kuwait, taasi oo sidday Dad tiradoodu dhan tahay 130. Wasiirka Caafimaadka ee Kuwait Dr Basel Al Sabah oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Muwaadiniintaasi ka fayow yihiin Caabuqa coronavirus. Dhanka kale, Dalka Lubnaan waxa Caabuqa coronavirus laga helay haweenay 45 jir ah, taasi oo ka soo safartay Magaalada Qom ee dalka IRAN. Wasiirka Caafimaadka ee Lubnaan Hassan Hamad ayaa sheegay inay Dawladda IRAN kala hadleen sidiu loo qaadi lahaa Tallaabooyin lagula soconayo Dadka u kala gooshaya labada dal, iyaguna ay heegan ku jiraan. Sida la xaqiijiyey, Dad gaadhaya illaa 28 Qof ayaa uu Caabuqa coronavirus ku dhacay gudaha IRAN. Source
  6. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland laga dareemayo gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyadaan milatari ayaa salka ku haya safar la filayo in magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose uu ku tego madaxweyne Axmed Madoobe. Safarka madaxweynaha Jubbaland ayaa la xariira kulamo uu ugu kuur galayo xaaladda amni iyo mida nololeed ee ka jirta halkaasi. Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Axmed Madoobe Dhoobley wuxuu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta maamulka magaaladaas iyo saraakiisha ciidamada. Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale intiisa badan booqashadiisa iyo kulamada diirada ku saarayo dhaq dhaqaaqy ka socda gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan xiisada u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkiisa ee ka taagan gobolkaasi. Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wada deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka. Saraakiisha horkaceysa howlgalladan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, loogna saari lahaa deegaanada ay heystaan. Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. View the full article
  7. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarigga ka jaray xaruta labaad ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo laga hirgeliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Xaruntaan cusub ee laga daahfuray degmada Cabdicasiis ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caasimadda gaar ahaan 8-degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah, degmooyinka,Cabdicasiis,Kaaraan,Yaaqshid,Shibbis,Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo XamarWeyne. Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Maxamed Aadan Koofi oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in furitaanka xaruntaan ay timid kaddib dalab uga yimid shacabka oo ahaa in la ballaariyo xarumaha hay’adda maadaama uu ciriiri badan ka jiray xarunta laga bixin jiray Baasaboorka,isagoo sheegay in xaruntaan ay hadda wixi ka dambeeya loogu adeegi doono bulshada ku nool 8 degmo. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hay’adda socdaalka ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u heyso, waxaa uuna sheeyay in tani ay kamid tahay dadaallada dowladdu ay ugu jirto in adeegyada loo dhaweeyo shacabka. Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane Ibraahin Cumar Mahad Alle (Ibraahin Dheere) iyo masuuliyiin kale. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has completed a week-long training workshop to enhance the skills of the Somali Police in crime prevention through community policing. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha guud ee wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac. Kullanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, mudane Xassan Abshirow Maxamed ayaa lagu boggaadiyay howlaha wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed. Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay inuu dardar geliyo shaqada uu Qaranka u haayo,isagoo uga mahadceliyay isbedelada uu sameeyay muddadii yareed ee uu xafiiska joogay. Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray wada-shaqeyn dhow oo ay wakaaladdu la yeelato wasaaradda iyo guddiga. PUNTLAND POST The post Wasiir Sadiiq oo qaabilay Maareeyaha wakaaladda Dhismaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-23022020.mp3 View the full article
  11. Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahiyey howlgallo ballaaran oo laga sameeyey gobolkaasi. Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya laga sameeyey deegaanada Baladul amiin, Tooratoorow, Macalinka, Buulo Bashiir iyo degaano kale oo hoos yimaado degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in nolosha lagu soo qabtay illaa lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkooda, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ciidamadu ay cagta mariyeen dhowr xarumood oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. “Howlgalkaani ujeedkiisu yahay burburinta meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan Al-Shabaab ayaa waxaa sameeynaya ciidmadda Kumaandooska xoogga dalka Danab, waxaana lagu burburiyey dhowr xarumaad, sidoo kalena lagu qabtey lix xbnood kuwo kalena ay ku raad joogaan ayuu yiri”. guddoomiyuhu. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab. Si kastaba ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii weeraro khasaaro geystay ay Al-Shabaab ka fulisay degmada Qoyooley iyo deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose.
  12. MOGADISHU (HOL) - Banaadir Regional Court judge Muse Moalim Mohamed has called on the government to build juvenile detention centres noting it was improper to keep underage suspects with adults. Source: Hiiraan Online
  13. Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya deegaan doorashadiisuna ay tahay magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa maanta waxa uu deeq raashin ah gaarsiiyay dadka naafada ah ee magaaladaasi Qoysas gaaraya 33 qoys islamarkaanka ku sugan degmada cadaado ayaa xildhibaanku waxa uu gaarsiiyay raashin isugu jira bur, bariis iyo saliid. Dadka naafada ah ee la gaarsiiyay deeqda ayaa waxa ay u mahad celiyeen Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye. Xildhibaan Saabir oo laga soo doorto cadaado ayaa ka mid ah mudanayaasha isu taaga sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka ay ku matalaan dowladda dhexe. Daawo Sawirrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan cidda leh awoodda Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland marka ay deegaanadaas ka wada maqan yihiin madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa madaxweynaha Puntland Deni ku eedeeyay in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirka Cadaaladda. Abuukaate Ismaaciil ayaa ku doodayo in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin, ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamanka, maadaama Puntland ku dhisantahay Parliamentary system. “Puntland waa baarlamanteri haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay maqan yihiin waa in talada Baarlamaanka lagu soo celiyaa, sida aan hadda wax ku wadno waa ‘Maamuus ku ciyaarid” ayuu yiri xildhibaan Ismaaciil. Waxaa hadda dalka dibadiisa ku maqan Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Saciid Deni, ku xigeeniisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Abwaan Jibriil, waxaana xilka sii haye ka ah Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Cabdiweli Shiikh Xaamud.
  15. Ciidanka xoogga dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in xoolo nool ay howlgalkaasi kaga furteen dagaalyahanada Al shabaab. Howlgalka oo si gaara uga dhacay deegaanka Muuse-geel ayaa ciidanka dowladda waxa ay sheegeen in Al shabaab ay ka furteen 400 oo neef oo Ari ah, iyaga oo tilmaamay in xoolahaas Al shabaab ay ka dhaceen dadka deegaanka sida lagu baahiyay warbaahinta qaranka. Dhanka kale saraakiisha ciidanka dowladda waxa ay carabaabeen in xoolahaasi ay dib ugu celin doonaan dadkii lahaa. Al shabaab wali wax jawaaba ma aysan ka bixin xoolahan ay dowladdu sheegtay in ay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan kaga furteen dagaalamayaasha Al shabaab. Al shabaab ayaa deegaanada ay dalka uga suganyihiin waxa ay dadka ka qaadaan waxa ay ugu yeeraan Sakawaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Barnaamijka Cuntada Aduunka ee loo soo gaabiyo (WFP) ayaa kala saxiixday heshiis is faham ah kaas oo Dalka dhan loogu sameynayo xarumaha digniinaha xilliga hore ee halis- wadareedyada. Wasaaradda Gagaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan uga jirta maareynta iyo yareynta qattaraha Musiibooyinka ayaa ku guuleysatay in ay qabato mid ka mid ah hal- beegyada ugu muhiimsanaa ee looga fadhiyay Wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Md Xamsa Saciid Xamsa iyo Madaxa ugu sarreeya hey’adda qeybteeda Soomaaliya Md. Ceysar Arroyo ayaa labada dhinac u saxiixay heshiiska. Heshiikan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa loona abuuri lahaa xirfadda iyo agabka loo baahanyahay si Soomaaliya ay awood ugu yeelato in laga sii digo qataraha musiibooyinka ka hor inta aanay dhincin Isfahamka ayaa dhigaya in dhammaan Dowlada Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir loo sameeyo xarumaha sii darsa halis-wadareedyada bixiyana digniinaha ka hor inta aanay qatarta soo dhawaan. Md Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya waxa uu sheegay in sammeynta xarumaha ka sii digo qataraha ay dowr weyn ka cayaari doonto in la xakameeyo qasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca. “Abuurista iyo kobcinta xarumaha ka sii diga halis-wadareedyada waxay noo sahleysaa in aan awood u yeellanno in aannu ka jawaabno, yareyno isla markaasna aan maareyno musiibooyinka”. Ayuu yiri. Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyina Soomaaliya Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Xamsa Sheegay in Wasaaraddiisa ku dadaaleyso sidii dalka uu uga gudbi lahaa Musiibooyinka soo noqnoqda loona gaari lahaa xal waara. Dhiniciisa Agaasimaha WFP Soomaaliya Md Ceysar Arroyo ayaa sheegay in QM diyaar u tahay in ay ka taageerto Wasaaradda dhinacyada dhismaha kaabayaasha loogu tala galay maareynta iyo yareynta qattaraha musiibooyinka. Md Arroyo wuxuu sheegay in heshiiska oo socon doono muddo lix bil ah ay ka shaqeyn doonaan sidii uu u soo saari lahaa xirfadlayaal iyo xarumo awood u leh in ay sii saadaaliyaan kana sii digaan halis- wadareedyada. Heshiiskan oo seddex geesood ah waxaa dhinaca dhaqaalaha ka taageeraya hey’adda Sacuudiga laga leeyahay ee loo yaqaanno King Salman Foundation. Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay labada hey’adood howsha ay ka taageerayaan dalka Soomaaliya.
  17. Wararka aan ka helayno waqooyiga magaalada gaalkacyo ayaa ku soo wamaraya in maanta uu dib u furmay ganacsigii magaaladaasi, ka dib markii ganacsatada ay shaqo joojin wadeen muddo seddex maalin ah. Axmed Muuse Nuur guddomiyaha gobolka Mudug qeybta Puntland oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ganacsiga magaalada Gaalkacyo uu shaqeynayo islamarkaana aysan jirin ganacsiyo xiran. Dhinaca kale guddoomiyaha gobalka Mudug oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay in khilaafka ka dhashay canshuur kordhinta ay u saareen guddi ganacsato ah kuwaas oo uu sheegay in maanta ay shir la yeelan doonaan si xal looga gaaro arrinkan, isaga oo si cad u cadeeyay in uusan jirin ganacsi xiran maalinkii 4-aad. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ganacsatada ka dalbaday in canshuurta lagu soo rogay ay la qaataan maamulkooda islamarkaana waxa uu tilmaamay in wax badan ay canshuurtaasi ka dabari doonto. Ganacsatada Gaalkacyo ayaa joojiyey shaqadooda ka dib markii ay sheegeen in wasaaradda maaliyadda ee dowlad gobaleedka Puntland ay ku soo rogtay Canshuur dheeri ah , ganacsatada ayaana xusay in aysan awoodin bixinta canshuuraha lagu soo kordhiyey. Cabashada ka soo yeertay ganacsatada yar yare ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku soo aadeysa iyadoo wasaaradda maaliyadda dowlad gobaleedka Puntland ay ganacsatada ku soo rogtay canshuuro dheeri ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo, kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirkiisa Cadaaladda. Abuukaate Ismaaciil oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin, ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamanka, maadaama Puntland ku dhisantaha Parliamentary system. Parliamentary system: waa nidaamka madaxweynaha ay soo doortan Golaha Baarlamanka, sidaas darteedna dowladda nidaamkaas ku dhisan, hay’adda ugu sarraysaa waa Baarlamanka. “Puntland waa baarlamanteri haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay maqan yihiin waa in talada Baarlamaanka lagu soo celiyaa, sida aan hadda wax ku wadno waa ‘Maamuus ku ciyaarid” ayuu yidhi xildhibaan Ismaaciil. Puntland oo hadda ay dalka dibaddiisa ku wada-maqan yihiin madaxweyne Deni, ku xigeeniisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyihii Baarlamanka Abwaan Cabdirashiid Jibriil, waxaa ku sime madaxweyne ka ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Cawil Sheekh Xaamud. Hadalka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka ayaa ku soo beegmay, iyadoo warbaahinta Puntland Post ay todobaadkii hore qortay warbixin iftiimisay cidda nidaam ahaan sii hayaa madaxweynaha noqon karta, maadaama Puntland ay Parliamentary system ku dhisantahay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Ismaaciil: Waa lagu ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose uu ka wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga bixiyay fasiraado kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada uu wado Axmed Madoobe ay salka ku hayaan sidii looga hortagi lahaa deegaanada ay isku fidinayaan ciidanka dowladda ee ka tirsan gobalka Gedo ee maamulkiisa. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa la soo sheegayaa in ay si gaara uga socdaan degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose, waxaana saraakiisha ciidamada daraawiishta kulan xasaasi ah la qaatay madaxweynaha Jubbaland. Afhayeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdinuu Ibraahim Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadan looga gonleeyahay sidii deeganada Jubbooyinka looga saari lahaa dagaalyahanada Al shabaab. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa haatan wada dadaalo uu Al shabaab kaga qabsanayo deeganada Jubboyinka maadaama inta ugu badan gobalka Gedo ay gacan ku heyntiisa la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Mudo toban sano ah ayay Dhuusamareeb ahayd Xarunta Ehlu Suna Waljameeca, laakiin hada waxay u muuqataa inay gacantooda ka baxdo Magaaladu. Tan iyo markii la [...] Source
  21. Col. Bashiir Cismaan Cawad Taliyaha Saldhiga Galbeed ee caasimadda Garoowe Gaashaanle Bashiir Cismaan Cawad, oo haatan ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu ka joojiyay, Bandhig Wacyi-gelin ah oo uu ku qaban lahaa magaalada Burco. Gaashaanle Bashiir Cawad oo la nool cudurka HIV/AIDS, ayaa laga soo xigtay in Somaliland ka joojisay Wacyi-gelin ku saabsan AIDS-ka, oo uu halkaas ugu qaban lahaa bulshada ku dhaqan Burco, si ay isaga ilaaliyaan cudurkaasi halist ah. Taliyaha Cawad, ayaa warbaahinta u sheegay in amarka lagu joojiyay bandhigaas wacyi-gelinta ah, uu bixiyay Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), inkastoo uusan faahfaahin sababta loo joojiyay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uu doonayo meel kasta oo Soomaali joogto, in uu ka sameeyo wacy-gelinta cudurka HIV/AIDS, si uu dadka Soomaaliyeed ugu baaraarujiyo halista cudurkaas. Taliye Bashiir Cismaan Cawad, ayaa horay u soo bandhigay sheeko la xiriirta, sida uu ku qaaday cudurka AIDS-ka, oo ay u qarisay gabar ay is-guursadeen, balse markii dambe kala tageen. Qisadiisa kadib, 1-dii December 2019, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ,oo markaas ahaa ku simaha madaxweynaha, ayaa Taliye Bashiir u dallacsiiyay derejada Gaashaanle, isagoo ku abaal-mariyay sida uu bulshada uga wacyi-geliyo cudurka AIDS-ka. PUNTLAND POST The post Somaliland oo Taliye ka tirsan Puntland ka joojisay bandhig uu ku qaban lahaa Burco appeared first on Puntland Post.