Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay ku dedaalayaan sidii doorasho qof iyo cod ah uga dhici lahayd dalka. Xaliimo Yarey, gudoomiyaha guddigaas, ayaa daboolka ka qaadey in farsamo ahaan ay diyaar u yihiin qabashadda coddeynta. Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, waxay xustay in caqabada kaliya oo ay wajahayaan in ay tahay in qof walba uusan ka coddeyn karin meesha uu doono. Caqabadaas ayay xustay in ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii looga bixi lahaa sanada soo aadan, sidda ugu dhaqsiyaha badan. Hadalka gudoomiye Xaliimo Yarey ayaa kusoo aadaya iyaddoo madaxweynaha uu qalinka ku duugay sharciga doorashooyinka oo muhiim u ah hiigsiga Qaranka. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Munaasabadda Xiritanka Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho. Madaxda ugu sareysa waddanka ayaa ka qeybgalay xafladda oo ka dhacday Madaxtooyadda Qaranka. Kalfadhiga 7aad ee Golaha Aqalka Hoose ayaa la filayaa in uu dib u furmo bisha April ee sanadkaan aynu ku jirno ee 2020. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed. “Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad dooneysaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Waxaan ku guuleysanay xoojinta wadashaqeynta Dowladda dhexdeeda iyo midda aan la leenahay shacabkeenna, iyadoo aan caddeynay sida ay u kala madax-bannaan yihiin Hay’adaha dastuuriga ah. Waxa ay keentay wada-shaqeyntu in Baarlamaanku ay ansixiyeen 20 sharci, taas oo muujineysa in ay ka duwan yihiin dhammaan Baarlamaannadii hore.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu. Munaasabaddan oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa inta ay socotay, waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdirixmaan, halka Hoballada Qaranku ay soo bandhigeen suugaan isugu jirta wacyigelin, dardaaran iyo dhiirri gelin. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/War-Subax-21022020.mp3 View the full article
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka heer Federaal. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada soo diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed. “Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad dooneysaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Waxaan ku guuleysanay xoojinta wadashaqeynta Dowladda dhexdeeda iyo midda aan la leenahay shacabkeenna, iyadoo aan caddeynay sida ay u kala madax-bannaan yihiin Hay’adaha dastuuriga ah. Waxa ay keentay wada-shaqeyntu in Baarlamaanku ay ansixiyeen 20 sharci, taas oo muujineysa in ay ka duwan yihiin dhammaan Baarlamaannadii hore.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu. Munaasabaddan oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa inta ay socotay, waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdirixmaan, halka Hoballada Muqdisho soo bandhigeen suugaan isugu jirta wacyigelin, dardaaran iyo dhiirri gelin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo Saxiixay Sharciga Doorashooyinka Federaalka appeared first on Puntland Post.
  6. Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaana shirkan looga hadlay arrimo kala duwan o ay ka midyihiin amniga iyo nadaafadda gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) waxaa looga hadlay shirka Dardar galinta Aminiga Magaalada Nadafada iyo kordhinta dakhliga dalka oo dhamaantood qeyb ka ah horomarka magaalada Muqdisho. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab oo faahfaahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulanka ayaa sheegay in aad looga dooday in laga wada shaqeeyo sidii xoolaha magaalada lagusoo daayo loo geyn lahaa xarunta baadi qabadka oo dhawaan dib loo howlgeliyay. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa faray guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay si hufnaan leh ay u gutaan waajibaadkooda shaqo kana shaqeeyaan arrimaha hor tebinta leh ee uu ugu horeeyo amniga caasimadda. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday sidii dhismayaasha sharci darada ah ee laga dhisto waddooyinka magaalada Muqdisho waxaana maamulku uu sheegay in arrintaas aan oo dul qaadan doonin. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho Oo Amar Dul-Dhigay Guddoomiyaasha Degmoyinka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  7. Gudoomiyaha Ismaamulka Mandheera Cali Rooba waxa uu ka digay in uu dagaal ku dhexmaro Magaaladaas Ciidamada Dowladda Federaalka ee dhaq-dhaqaaqyada Ciidan ka wada Baladxaawo iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Mandheera ku sugan. Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ay xiligaan farta wadnaha ku hayaan, marka la eego dhaq-dhaqaaqyada ciidamada labada dhinac ay ka kala wadaan Labadaan ee isku dheggen. Cali Rooba waxa uu tilmaamay in Dowladda Kenya ay ka indha-saabanayso gulufka colaad ee ka dhex jira Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland. “Dowladda Kenya ayaa qaadaneysa mas’uuliyadda hadii uu dagaal ka dhaco Magaalada Mandheera, waayo goor hore ayaan u sheegtay n aysan indhaha ka qabsan waxa muuqda ee ah ciidamada isku hub uruursanayo, markale waxa aan leenahay gudda mas’uuliyadina oo Mandheera ka saara Ciidamada Jubbaland” ayuu yiri Gudoomiye Cali. Gudoomiyaha Magaalada Mandheera, Siyaasiyiin xilal horay deegaanka uga soo qabtay iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa bilawgii bishaan Dowladda Kenya ka dalbaday in Mandheera ay ka saarto Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday goob ay ku heysay DFS 28-kii Janaayo sanadkaan 2020 PUNTLAND POST The post Mandheera oo laga cabsi qabo in dagaal ku dhexmaro dowlada Soomaaliya iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  8. An unknown number of suspected Al-Shabaab militants attacked Sangailu area, Ijara Sub-County in Garissa, where they torched a police reservist's home. Source: Hiiraan Online
  9. Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa xalay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho loogu sameeyay xaflad lagu soo xirayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka. Xildhibaanada oo muddo afartan cisho shaqada ka nasaya ayuu fasaxooda u bilowday maalintii Arbacada, waxaana lagu wadaa in Kalfadhiga 7aad uu furmo bilowga bisha April. Xafladan ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Dowladda Federaalka, Guddoonka Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Labada Aqal, Duqa Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kaloo lagu soo casuumay inay ka soo qaybgalaan. Intii ay xafladda socotay ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay horey u soo meelmariyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Qaranka oo Talaadadii la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday inuu si deg deg ah u saxiixo Sharciga Doorashooyinka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo tallaabada uu sharcigaasi ku saxiixay. PUNTLAND POST The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo xaflad loogu sameeyay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  10. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soo saaray Wareegto lagu mamnuucay bixinta ruqsadaha Shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading. Guddoomiye, Cumar Filish ayaa sheegay in isagoo tixraacaya warqaddii horey uga soo baxday Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ee ku addanayd ruqsad siinta shirkadaha ka shaqeeya sarifka lacagaha qalaad, in la joojiyay bixinta ruqsadihii ay uga howlgalayeen Caasimadda Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa wareegtada ku xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay Dawladda Hoose ee Xamar ee la siiyay shirkadaha bixiya adeegga sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaari doono. Mudane Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa laga qaadi dona tallaabo sharci ah. PUNTLAND POST The post Dawladda hoose ee Xamar oo joojisay bixinta ruqsadaha Shirkadaha Forex Market Trading appeared first on Puntland Post.
  11. Booliska dalka Lesotho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalkaas, Thomas Thabane, oo da’diisu ay tahay 80 sano jir maanta loo maxkamadeyn doona dilka xaaskiisi hore, Lipolelo Thabane. Inkastoo uusan Mr Thabane ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay ayaa haddana waxaa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka degayo bisha July ee sanadkan, isagoo sheegay inuu hawlgab noqonayo. Xaaska uu haatan qabo ayaa sidoo kale dhawaan lagu so eedeeyay inay dishay xaaskii lala qabay. Waxa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikana ah ee lagu eedeeyo in ay ku lug lahaa dil isagoo xafiiska haya. Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta uusan Thabane noqon ra’iisul wasaare. Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii dhacay ku tilmaamay “axmaqnimo” balse booliska waxay haatan ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka xaaskiisa. PUNTLAND POST The post Hoggaamiye Afrikaan ah oo loo maxkamadaynayo dilkii xiiskiisa appeared first on Puntland Post.
  12. The government has banned nighttime boda boda taxi operations along the Kenyan borders with Somalia and Ethiopia with immediate effect. Source: Hiiraan Online
  13. Halima Aden has challenged a host of stereotypes that come with the label supermodel. Source: Hiiraan Online
  14. Turkey plans to start oil and gas exploration in the Horn of Africa in order to expand its energy ties with regional countries. In addition to Somalia, the Turkish parliament’s Foreign Affairs Committee has also approved a deal signed with Ethiopia, Source: Hiiraan Online
  15. Somaliland economic growth is on the rise despite the unique economic constraints the country is facing. Source: Hiiraan Online
  16. PHOENIX – As a Somali refugee and determined activist, Naruro Hassan is used to other people speaking on behalf of the refugee community. Source: Hiiraan Online
  17. The first-ever Giants of Africa festival – a week-long celebration focused on youth, basketball, empowerment and education – is to be held in Kigali, Rwanda this summer. Source: Hiiraan Online
  18. The political wrangles between Jubbaland and Federal Government of Somalia (FGS) is a threat to Mandera security, Governor Ali Roba has said. Source: Hiiraan Online
  19. Mandhera (Caasimada Online) – Barasaabka Mandhera Cali Roba ayaa sheegay in ciidamo Soomaali ah ay usoo gudbeen dhankooda, islamarkaana xiisadda ka dhex oogan dowladda federaalka iyo Jubaland ay halis ku hayso. Cali Roba ayaa sheegay in qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Beled-Xaawo ay soo barakicisay ciidamadii Jubaland, kuwaas oo usoo baxsaday, haatanna ku sugan Mandhera. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ceyrsanayaan wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo isna la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Mandhera. “Ciidamadii soo cararay waxay usoo gudbeen Kenya, waxayna hadda ku sugan yihiin gudaha Mandhera. Tani waxay halis amni oo weyn ku tahay shacabkeena,” ayuu yiri Cali Roba oo la hadlay golaha Mandhera. Maamulka Isbitalka weyn ee Mandhera ayaa heegan la geliyey si ay ugu diyaar-garoobaan inay u gurmadaan dhaawacyada, haddii dagaal uu ka dhex qarxo ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka. “Arrintan kama sii aamusi karno. Inkasta oo aan qadarineyno mowqifka dowladdeena ee ku aadan xiriirka Soomaaliya, haddana ma aqbali karno halista ay wajahayaan shacabkeena. Waxaan dowladda ka dalbaneynaa inay arrintan si wanaagsan iyo deg deg ah ula tacaasho,” ayuu yiri Cali Roba. Cali Roba ayaa ka digay in Nairobi ay mas’uul ka noqon doonto haddii dhib uu soo gaaro shacabka Mandhera. “Waxaan ka codsaneynaa dowladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada uga saarto ciidamada Jubaland, si loo nabad-geliyo Mandhera. Xaaladda waa ay sii xumaaneysa, waxaana qarka u saarannahay dagaal weyn oo shacabka waxyeeleeya.” Hadalka Roba ayaa imanaya ayada oo horey ay u jirtay cabsi laga qabo in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka gudbaan xuduudda, si ay halkaas uga soo qabtaan Cabdirashiid Janan, oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday Muqdisho.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo barta Facebook ee Villa Somalia xalay lagu baahiyey qoraal uu Madaxweyne Farmaajo uu xilkii uga qaaday Taliye ku-xigeenkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise, ayaa waxaa durba ka dhashay falcelin iyo dhaliilo ay madaxweynaha u soo jeedinayaan siyaasiyiinta dhaliila siyaasaddiisa. Taliye Bariise ayaa xilkaas loo magacaabay bishii October ee sanadkii 2019-kii, waxuuna xilkaas hayey wax ka yar 5-bilood, taas oo dhalisay in lagu dhaliilo madaxweyne Farmaajo, is bedellada joogtada ah ee uu ku sameeyo hoggaanka ciidamada qalabka sida. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta arintaas ku dhaliishay Madaxweyne Farmaajo, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in aysan sax aheyn is bedellada joogtada ah ee ciidanka lagu sameynayo iyo in loo hanjabo mararka qaar. “Waa markii lixaad uu madaxweynuhu isbaddel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Sax maaha in ciidanka beddelaad joogta ah lagu sameeyo, marna loo hanjabo, marna hawlo farsamo, diiwaan gelin iyo fayl u samayn, xafiisyada madaxda looga dhex faano” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ciidanku uu u baahanyahay dhiira gelin iyo lagu booqdo furimaha dagaal, si joogto ahna looga warqabo qoysaskooda. “Ciidanku wuxuu u baahanyahay in la dhiirrigeliyo, loo muujiyo hoggaan, lagu booqdo farumaha dagaalka, laga warqabo qoysaskooda, loo diro aqoon kororsi, laguna abaalmariyo naf huristooda” ayuu Cabdiraxmaan sii raaciyey qoraalkiisa.
  21. Qudus (Caasimada Online) – Inkasta oo aanu jirin xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Israel iyo Sucuudiga, haddana xiriirka qarsoon ee labada dal ayaa sii kordhayay sannadihii la soo dhaafay iyadoo ay taas sabab u tahay cadaawada labadaan dowladood kala dhaxeyso Iiraan. Bishii Janaayo ee sanadkaan, Tel-Aviv ayaa fasaxday safarada ganacsi iyo midka diinta ee Boqrtooyada Sacuudi Carabiya kadib dhawr sano oo ay xannibeen safarro toos ah. Sarkaal ka tirsan xisbiga Likud ayaa iminka shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, uu eegayo in la hoos keeno maamulka Xajka ee Falastiiniyiinta muslimiinta ah ee ku nool dhulka ay maamuusho Israel, islamarkaana haysta baasaboorka Israel, sida uu daabacday The New Arab oo soo xiganeyso illo wareedyo Falstiin u dhashay. Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Likud ayaa sidoo kale sheegay in arrintan la gala hadlay Sacuudi Carabiya, islamarkaana hormar laga gaaray, xilli uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Israel iyo Boqortooyada Sacuudiga. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu waydiistay Ra’isul wasaare Netanyahu inuu arrintaan suurtageliyo, isagoo adeegsanaya xiriirkiisa Sacuudiga, si Xujaajta Falastiiniyiinta ah ee hoos tagay dowladda Israel ay ugu safraan Saudi Arabia qiimo aad u hooseeya oo ah $ 1,460, halkii ay markii hore ka aheyd $ 8,700 oo ahaa safar lasii marayey Jordan. Muddo sanado ah, muslimiinta Falastiin ee ku nool Israel, waxay adeegsan jireen waraaqo ku meel gaar ah oo ay soo saartay Jordan si ay ugu safraan Mecca maadama Israel iyo Sacuudiga aysan ogoleyn safar toos ah. Laakiin dhawaan, iyada oo laga soo horjeedo in xiisadda sare usii kacdo, dowladda Israel waxay go’aansatay in muslimiinta Israel loo ogolaado inay u aadaan Sacuudiga. Duulimaadyadan tooska ah ayaa la filayaa inay ka baxaan garoonka Diyaaradaha Ben Gurion Airport, wuxuuna noqon doonaa safar isku xirayo Isra’il iyo Jeddah. Tiro ka mid ah Falastiiniyiinta iyo dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadeed ee ka socda dhulalka ay Israel qabsatay 1948 ayaa diiday dadaallada Ra’isul Wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ee ah in duulimaadyada Xajka iyo Cumrada ay si toos ah uga soo qaadaan garoonka diyaaradaha Ben Gurion illaa garoonka Jeddah, iyagoo diidmadooda sabab uga dhigay inaysan noqon buundo lagu gaaro xiriirka Sacuudiga iyo Israel. Madaxa guddiga xorriyadda, xubinna ka ah guddiga dabagalka guud ee Carabta ee arrimaha Falastiin, Sheikh Kamal Al-Khatib, wuxuu yiri: “Netanyahu kama labalabeeyo inuu adeegsado waxkasta oo u suurta gelinayo inuu kusoo noqdo kursiga, iyo inuu ka baxsado feylasha la xiriira musuqmaasuqa, jebinta kalsoonida, iyo maxkamad uu wajahayo oo sababi karto xabsi.” Bishii Janaayo, Wasiirka Arimaha Gudaha ee Israel Aryeh Deri ayaa saxiixay amar la mid ah qorshahaan oo u oggolaanaya muwaadiniinta Israel safaradii boqortooyada ee shirarka ganacsiga, baarista maalgashiga iyo sidoo kale waxa Xajka iyo Cumrada. Riyadh weli ma aysan soo dhaweyn qorshaha Benyamin, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Debadda Sacuudiga Amiir Faisal u sheegay CNN inaan weli dadka Reer Israel loo ogolaan inay usoo safraan Dalkooda.