Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Abiy Axmed oo lagu wareejiyay taaj qarnigii 18-aad laga xaday Itoobiya Taajka lagu wareejiyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed Taaj laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay dowladda Itoobiya kaddib 21 sanno oo Taajkan dib looga helay guri ku yaal dalka Netherlands. Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba, wuxuu ogaaday in lasoo xaday. Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa Itoobiya. Taajkan wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirro muujinayo isago lagu wareejinayo taajka, waxaana ku wareejiyay wasiirka ganacsiga iyo iskaashiga dalka Netherlands,Sigrid Kaag. Today #Ethiopia receives a precious crown stolen several years ago and taken to the #Netherlands. I am grateful to Sirak Asfaw and the Netherlands government for facilitating its return. @NLinEthiopia @Landoforigins pic.twitter.com/BDwdaoo7io — Abiy Ahmed Ali (@AbiyAhmedAli) February 20, 2020 Qaran News
  2. Cummaan (Caasimada Online) –Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. C/llaahi Cali Xasan iyo wefti uu hoggaaminaayey oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ku joogay wadanka Cummaan, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi Saldanada Cummaan Ali bin Mascuud Al-Sanadi. Wasiirka Ganacsiga oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa waxay labada dhinac ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xidhiidhka Ganacsi ee soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada wadan gaar ahaan Xoolaha nool, waxaana ay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka ba. Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Cummaan, waxa kale oo ay ka wada-hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xidhiidha arrimaha Ganacsiga iyo Warshadaha isla mar ahaantaana la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa xariirka Ganacsi ee labada dhinac. Iyaga oo sidoo kale na isku raacay in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Cummaan (Somali-Oman Business Forum). Dhinacyadu, waxa kale oo ay isla soo hadal-qaadeen in labada dal ay isku xidhaan dhallinyarada leh hibada hal abuurka Ganacsi maadaama ay haystaan dhallinyaro aad u badan oo ku wanaagsan Ganacsiga casriga ah ee Tiknoolojiyadda. Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisu ba, waxay booqasho ku tageen Matxafka Qaranka dalka Cumman kaas oo ah meel lagu keydiyo taariikhda iyo dhaqanka Cumman. Ugu danbeyntii na, waxaa gaar u wada-kulmay madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga ee Saladana Cummaan, kuwaas oo ka wada-hadlay fursadaha Ganacsi ee ay wada yeelan karaan labada dhinac, waxaana ay isku af-garteen inay ganacsi wadaag noqdaan isla markaana ay yeeshaan kulamo joogto ah oo ay kaga tashadaan kordhinta Ganacsigooda.
  3. Wararka aan ka helayno deegaanada gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda federaalka ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana la soo warinayaa in ay la wareegeen ciidankaasi deegaanada kala ah Kaban iyo Bangaani ee gobalkaasi, iyaga oo kaabiga ku haya degmada Jamaame. Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda waxa ay sheegeen in Al shabaab ay isga baxeen degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose. Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay haatan u jiraan hal Kiilo mitir. Maxamed Badal oo howlgalkan hogaaminaya ayaa sidoo kale sheegay in deegaanadii ay ka qabsadeen Al shabaab ay ku soo sameeyeen xaqiijin amni waxa uuna xusay in miinooyin nuuca dhulka lagu aaso ah ay ka soo saareen deegaanadii ay soo mareen. Howlgalkan ayaa ku soo aadaya iyada oo dagaalamayaasha Al shabaab ay ku xoogganyihiin gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Warasaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykaka ay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah Jubbada dhexe gelinkii dambe ee shalay. Howlgalkan oo ahaa weerar dhica cirka ah islamarkana si gaara uga dhacay deegaanka Wadajir oo u dhaw degmada Jilib ayaa Mareykanka iyo dowladda federaalka waxa ay si wadajira u sheegeen in seddex dagaalame oo ka tirsan Al shabaab ay weerarkaasi ku dileen. Dhanka kale qoraalada ka soo kala baxay dowladda federaalka iyo Mareykanka waxaa lagu sheegay in wax khasaare ah aan la garsiin dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobaha la duqeeyay wallow eedeymo loo jeediyay Mareykanka. Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya gaar ahaa gobolada Koonfureed oo ay ku suganyihiin dagaalamayaasha Al shabaab, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garowe (PP News Desk) Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, one of the three men sentenced to death by firing squad for gangraping and killing Aisha Ilyas, was granted a stay of execution. The families of the deceased Aisha and Cabdisalaan agreed a deal involving blood money. The surviving convicted murderer’s family will have to give blood-money (mag in Somali) in the form of 75 camels to the family of the late Aisha Ilyas. Each camel Is priced at US$ 500. The family of the Cabdisalaan Warsame are legally required to pay off the remaining portion of blood-money ( 25 camels) within three months, as a source familiar with case told Puntland Post. Ilyas: The father of the late Aisha Ilyas The blood-money is 25% higher than the amount of camels given to a family of a female who loses her life as a result of premeditated murder. The two families submitted a jointly signed agreement to the Puntland courts to facilitate the release of Cabdisalaan Warsame from the death row. This development revives debates about anomalies in the hybrid justice system of Puntland. There is no a Probation Service within Puntland criminal justice system to monitor behaviours of people who are spared jail time or execution as a result of deals reached by parties involved in a given case. “Recidivism rate is probably high in the absence of a Probation Service in Puntland” says a legal researcher in Bosaso. The deal to accept blood-money brings to an end a gang-rape and murder case involving three men, two of whom were executed eight days in Garowe. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Blood-money Secures Stay of Execution for a Convicted Murderer appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ah shirkad laga leeyahay dalka Kenya ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport. Shirkadda ayaa ku sheegtay sababta ay u joojisay duulimaadyada inay Dowladda Soomaaliya u diiday duulimaadyo ay subixii hore dooneysay inay ku timaado Garoonka Aadan Cadde. Madaxa Guud ee Fulinta Shirkadda Jambojet, Allan Kilavuka ayaa sheegay in qorshaha shirkadda ay aheyd inay 6-da subaxnimo kasoo duusho Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi isla markaasna ay duulimaad kale 9-ka subaxnimo uga baxdo Muqdisho. Allan Kilavuka ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay fursadaan siin waayeen isla markaasna looga baxay ballanqaadyo badan oo ku aadan in loo ogolaan doono duulimaad subaxii hore. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa Shirkadda Jambojet ku wargeliyey inuusan waqtigaas garoonka firaaqo aheyn isla markaasna kaliya loo heli karo duulimaadyo duhurkii ah. Bishii November ee sanadkii hore ayey aheyd inay shirkadaan bilowdo duulimaadyadeeda Muqdisho balse waxaa dib loo dhigay ilaa bilowga sanadkaan, waxayna hadda shirkadda ku dhawaaqday inay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi. Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Shirkadda Diyaaradaha Jambojet ee laga leeyahay dalka Kenya, kaas oo ku aadan inay joojiyaan duulimaadyadii diyaaradahooda ku imaan jireen muqdisho.
  7. Wararka aan ka helayo deeganada Puntland ayaa sheegaya in Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame lagu wado in la sii daayo ka dib markii sida la sheegay labada qoys ay ku heshiiyeen in ay kala qaataan mag. Qoysaska ayaa ku heshiiyay in mag gaaraysa 75 neef oo geela la siiyo qoyska Caa’isha Ilyaas, sidaasina lagu soo daayo Cabdisalaam Cabdiraxmaan warsame oo horay xukun dil ah loogu xukumay. Haatan qoyska aabe Ilyaas Aadan waxaa gacanta loogu shubay lacag gaaraysa 25,000 oo doolar oo u dhiganta 50 halaad sida la tilmaamay, waxaana muddo 3 bilood ah loo qabtay qoyska Cabdisalaam in ay ku bixiyaan inta ka dhiman magta lagu heshiiyay. 11-kii bishan ayaa laba ka mid ah xukumanayaashii loo heystay kiiskii Caa’isha Ilyaas waxaa lagu toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Jamaame (Caasimadda Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo ka ambabaxay deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaas. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in deegaano dhowr ah ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay kamid yihiin deegaannada, Kaban,iyo Bengaani, ee gobolka Jubada hoose,waxaana ay sheegeen inay ku dhawaadeen degmada Jamaame oo ay gacanta ku haayeen Al-Shabaab. Taliyaha Guutada 11aad Qaybta 43aad Ciidanka Dalka Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in saacadaha soo socda ay gaaridoonaan Jamaame halkaasi oo ay isaga baxeen Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa tilmaamay howlgalkaani inay sameeynaayaan Ciidamadda Guutada 11aad Qaybta 43aad iyo Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed islamarkaasna intii wadeen ay kusoo saareen ilaa labo miino oo nooca dhulka lagu aaso ah. Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin warkaan kasoo yeeray Taliska ciidanka xoogga dalka kaas oo ku aadan iay isaga baxeen degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
  9. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Si Kulul Uga Hadlay Xaalada Dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Guddoomiye Cirro Oo Xilal Sare U Magacaabay Mas’uuliyiin Ka Tirsanaa Xisbiga WADDANI Source
  11. Qaraxa la fashiliyay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa fashilisay qarax lagu aasay xaafad ka tirsan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland. Qoraal kooban oo ay soo saartay Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayay ku sheegtay in ay fashilisay qarax miino oo lagu aasay wadada gasha xaafadda Madiina ee magaalada Kismaayo kaasi oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo. Qoraalka ayaa lagu sheegay in xaafadda qaraxaasi lagu aasay ay deggan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Kismaayo waxaana hay’addu qaraxa ku eedaysay in ay ka dambeeyeen malayshiyaadka Al-shabaab. “Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa Miinada goor dhow ka soo saaray wadada gashay xaafada Madiina, ee magaalada Kismaayo taa oo ay dagan yihiin dadka Barakacayaasha” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Hay’adda Nabad Sugidda Jubaland oo fashilisay qarax lagu aasay gudaha Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Washington)-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka mr William Barr ayaa ka fiirsanaya in uu ka tago xafiiska sida ay xaqiijiyeen xubno ka Agdhow. Go,aanka mr Barr ku doonayo in uu isku casilo ayaa la xidhiidhinayaa kadib markii madaxweyne Trump uu ka biyo diiday digniin uu u diray oo ku aadan qoraalada uu soo dhigayo barta Twitter ka ee ka dhanka ah garsoorka Mareykanka. Mr Barr ayaa maalmo ka hor u sheegay warbaahinta in hadalada Trump ee la xidhiidha dacwadaha garsoorka aysan u saamaxeyn in howshiisa uu sii wato Shaqadiisa. Saraakiil ka tirsan xukuumadda Washington ayaa ka gaabsaday ka hadalka Arintaan. Dhanka kale afhayeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa beeniyay in uu iscasilayo mr William Barr. Source
  13. (SLT-Ankara)-Turkiga iyo Ruushka ayaa is-dhaafsaday hadallo kul kulul shalay Arbacadii ka dib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doonno Syria, si loo dhammeeyo waxa ay Ankara ugu yeedhay howlgallada arxandarrada ah ee ciidammada Syria ay ka wadaan gobolka Idlib. Tani ayaa imanaysa iyadoo hay’adaha gargaarka ee Syria ay soo saareen baaq degdeg ah oo ku aaddan in xabadda la joojiyo iyo in caawimaad caalami ah loo fidiyo dad ku dhow hal milyan oo qof oo ka cararaya dhibaatada ciidamada maamulka Asad ay ka wadaan gobolka ku yaalla waqooyi-bari dalkaasi ee Idlib. Dowladda Turkey oo taageerta kooxaha fallaagada ee ku sugan Idlib, ayaa in muddo ahba kala hadleysay Russia in xabbada la joojiyo, iyadoo dooneysa in ay ka hortagto mowjado kale oo qaxooti ah oo dalkeeda soo gala kuwaasi oo sii kordhin kara 3.7 milyan oo qaxooti Syria u dhashay oo haatan ku nool dalkeeda. Laakin Erdogan ayaa sheegay in wadahadalladii u danbeeyey ee dhexmaray Ankara iyo Moscow aan lagu guuleysan in natiijo wax ku ool ah laga gaaro, waxaana uu ka digay in Turkey uu qaadi doono howlgal uu ka fuliyo gudaha Syria waa haddii buu yiri aysan ciidamada Damascus isaga bixin gobolkaasi dhamaadka bishan. Hase ahaatee, aqalka Kremlin ee looga taliyo Russia ayaa si degdeg ah uga jawaabay hanjabaadda ka soo baxday Erdogan, waxaana ay ka digeen in weerar lagu qaado ciidamada Syria ay tahay “xaallada ugu xun.” AFP Source
  14. Nairobi (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha waddanka Kenya gaar ahaan gobolka Mandera. Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kadib markii ay dableydu rasaas ku furtay gaari bas ah oo kusii jeeday Nairobi. Dadka dhintay ayaa ah shacab, sidda uu taliska booliska ku sheegay war-saxaafadeed aan tafaasiil dheeri ah aan lagu bixin. Baska la beegsaday waxaa iska leh Moyaale Raha, oo kamid ah shirkaddaha gaadiidka basaska ee waddanka Kenya ugu caansan. Wali ma jiro wax war ah oo Al-Shabaab ay falkaas kasoo saartay. Bilooyinkii lasoo dhaafay Kenya waxaa ka dhacayay weeraro noocaan ah oo ay dusha saartay mas’uuliyadooda Al-Shabaab oo guulo ka faafisay. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kala qeyb galay wasaradda dakadaha iyo gadiidka Shir lagu soo bandhigayay sooyaalka taariikhda Dekadaha Soomaaliya. Cumar Maxamud Maxamed [Cumar Filish] ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lagu tartamo horumarinta waddanka. Bulshadda ayuu ku booriyey in ay isla ilaabaan dhibaatooyinkii lasoo maray, isla markaana u midoobaan samatabixinta dalka. Sikastaba ha ahaatee, fariinta Cumar Filish ayaa la sheegay in hadii sidda ay tahay loo dhaqan-geliyo ay wax badan bedeli doonto. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Yuusuf, ayaa sheegay in dowladdii kacaanka ku sax-saneyd duulaankii gobolada waqooyi. Mr Yuusuf ayaa ku eedeeyay jabhadda SNM in ay taageereysay olihii kala qeybinta Soomaaliya ee dowladaha shisheeye gedaal ka riixayeen. Isagoo la hadlay Telefishinka Shabelle, wuxuu daboolka ka qaadey in sidoo kale ay qalad ahayd raalligelintii uu bixiyey madaxweyne Farmaajo. SMN ayuu carabka ku dhuftay in ay dhankooda mas’uul ka ahaayeen dhimashadda iyo barakaca boqolaal kale oo Soomaaliyeed, sidda uu hadalka u dhigay. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan Biixi uu soo dhaweeyay cudurdaarka madaxweynaha Soomaaliya, balse uu ka diidey in uu ka dego Hargeysa. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka hareereeyay gaari looga shakiyey qarax oo lasoo dhigay wadada Maka Al Mukarama. Baabuurka ayaa lasoo dhigay nawaaxiga xarunta Hay’adda Socdaalka oo ku dhow isgoyska Shaqaalaha ee magaaladda Muqdisho. Isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa muddo kooban hakad uu ku yimid, wallow kolkii dambe ay xaaladu caadi kusoo noqotay. Tiro dhowr jeer ayay siddaan oo kale u dhacday in ciidamaddu au hareeyaan gaari looga shakiyey qarax, wallow kolkii dambe laga waayey. Maalmihii lasoo dhaafay, hay’addaha ammaanka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyadda magaala madaxda waddanka ee Muqdisho. View the full article
  18. Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray xilligii ku meel gaar ah, ayaa sheegay in xasuuqii loo gaystay Somaliland uu ku saxnaa Taliskii Jaalle Siyaad. Isagoo wareysi gaar ah siinayay SHABEELLE TV, ayuu sheegay in dowladdii Kacaanka ay dalka ka difaacaysay, jabhadda SNM oo ku soo duushay gobollada Waqooyi Galbeed, si ay dalka intiisa kale uga goooyaan, sidaasi darteedna dhibaatadii dhacday ay mas’uuliyadeeda qaadayso SNM, balse aysan wax qalad ah samayn dowladdii Kacaanka. Siyaasiga ayaa intaasi raaciyay, in dowladdii Jaalle Siyaad uu waajib ka saarnaa difaaca gobollada Waqooyi galbeed oo ay ku soo duuleen jabhadda SNM oo wadatay calan kale iyo dowladda Itoobiya wakhtigaas cadaawad xun u qabtay Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in hadda dowladda Soomaaliya ee joogta, ay tallaabo militari ka qaaddo Somaliland, haddii maamulkaas Somaliland wada-hadal xal looga keeni waayo Hoos ka daawo wareysigiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Somaliland sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado appeared first on Puntland Post.
  19. Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo jeediyay eedaymo la xiriira in uu cunto dhacday u qeybiyay carruur ku jirta xerada Agoonta magaalada Garissa. Balse Aadan Barre Ducaale oo ka jawaabay eedayntaasi ayaa sheegay in aysan jirin cunto dhacday oo uu qeybiyay carruurta ku xeraysan Xarunta xannaaneynta Aqoonta ee Garissa. Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa Booliiska dalkaasi ka soo xigtay in ay u yeereen Aadan Barre si laanta C.I.D wax uga weydiiso eedaymaha loo jeedinayo ee la xiriira in uu cunta dhacday qeybiyay. Laakiin Aadan Barre ayaa isna sheegay in uu Khadka Taleefonka kula hadlay Taliyaha Booliska Wajeer kaasi oo u sheegay in wax dacwad ah laga soo gudbin. Sidoo kale dacwadda la xiriirta in Aadan Barre uu cunta dhacday qeybiyay ayaan wax faahfaahin sii dheer ah laga bixin. PUNTLAND POST The post Aaden Barre oo lagu eedeeyay in uu cunta dhacday ka qeybiyay xarunta Agoonta Garissa appeared first on Puntland Post.
  20. Wakaaladda Wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, ayaa ku warrantay in malayshiyaadka Al-shabaab ay isaga baxeen, degmada Jammaame ee gobolka Jubada Hoose, kadib markii ay kaabiga u yimaadeen ciidamada Militariga dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Jubaland. Wakaaladda SONNA, ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo ka soo ruqaansaday degaanka Araare, islamarkaana cagta soo mariyay degaannada Kaban iyo Bangaani ee gobolka Jubada hoose, ay wax ka yar hal Kiilo Mitir u jiraan degmada Jammaame, halkaasna Al-shabaab isaga carareen, kadib markii ciidamadu ku soo dhowaadeen. Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidamada Militariga Soomaaliya G/sare Maxamed Badal Xasan, ayaa wakaaladda SONNA ka soo xigatay, in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay haatan u jiraan hal Kiilo mitir. Warkaas ayaa ku soo beegmay, xilli Ciidamada Militariga Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Jubaland ay hawlgal ballaaran saacadihii u dambeeyay ka wadeen degaanno hoos yimaada degmada jammaane ee gobolkaas Jubada hoose. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxeen degmada Jammaane iyo ciidamada dowlada oo kaabiga ku haya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-200220-1.mp3 View the full article
  22. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dowladda Fedeaalka Soomaaliya Xaliima yareey iyo wefdi ay hoggaaminayso oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo la xiriira Hannaanka doorashooyinka 2021-ka. Wefdiga ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sida ay u qabsoomi karaan iyada oo dadka la barayo hanaanka codeynta. Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Federaalka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug maanta ka daahfuray Ololaha wacyi galinta Bulshada Galmudug ee arrimaha Doorashooyinka Qaranka 2020-2021. Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa tegi doona degaano kale oo ka tirsan maamul gobaleedyada kaas oo ay kasoo sameyn doonaan kulamo wacyigelin ah oo looga hadlayo doorashooyinka dalka kusoo wajahan. PUNTLAND POST The post Kulamo Looga Hadlayo doorashada Somalia ka socda magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  23. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa Militariga Maraykanka ay duqeyn dhanka cirka ka fulisay degaanka Wadajir oo ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe. Qoraal lagu daabacay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo aaad looga baaraan-degay lagu dilay saddex ka tirsan Mintidiinta Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka Wadajir ee hoostaga degmada Jilib. “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa bahwadaageeda Melatariga Dawlada Mareykanka ayaa weerar dhanka cirka ku qaaday mintidiinta AL-Shabaab deegaanka Wadajir ee u dhaw jilib, Soomaaliya.Duqeyntan oo aad looga baaraandegay ayaa waxa lagu dilay saddex ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyaga iyo Maraykanku ay taxaddar dheeriya ka muujinayaan in waxyeello soo gaarto dadka Rayidka ah ee ku sugan goobaha Argagixisada lagu duqeynayo. “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka ayaa qaada taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga waxyeelada rayidka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda argagaxisada ah iyada oo si buuxda loo baarayo eedaymaha lasoo wariyo.” PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday degmada Jilib appeared first on Puntland Post.
  24. Sideed ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib markii laba toogasho ay ka dhacday magaalo ku taala galbeedka dalka Jarmalka. Sidoo kale ugu yaraan shan ruux ayaa weeraradani ku dhaawacantay sida ay boolisku sheegeen. Toogashada koowaad ayaa lagu soo warramay in ay ka dhacday baar ku yaalo bartamaha magaalada halka tan kalana ay ka dhacday meel aanan sidaas uga fogeen. Booliska ayaa sheegaya in ay wadaan baaritaano ku adaan kooxdii weerarka ka danbeesay oo ay la sheegay in ay goobta iskaga baxadeen. Sidoo kale waxaanan wali caddayn waxa ku kalifay kooxdani in ay weeraradan gaystaan. PUNTLAND POST The post Dad ku dhintay Weerar ka dhacay Jarmalka appeared first on Puntland Post.