Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGAIDISHU (HOL) - Fear has gripped Somalis who invested in quick money schemes fashioned as forex trading companies as some announce closure amid what they term as ‘loss of money’. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-Saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, halkaasi oo shalay ay weerareen dagaal-yahanada Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, ayaa halyaayada qaranka ee dhaawacyada qaba u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan askartii shahiidayna uu Allah Shahiidnimadooda ka aqbalo.” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran. “Booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.” Ciidamada dhaawaca ah ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.
  3. Nairobi (SMN) – Kadib weeraro khasaaro geystay oo Al-shabaab ay ku qaadeen bas ay saarnaayeen dad shacab oo ku sii jeeday magaalada Nairobi, dowlada Kenya ayaa soo saartay amaro ka dhanka ah gaadiidka u kala goosha deegaanada gobolka woqooyi iyo magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Taliyaha ciidamada booliiska gobolka woqooyi bari dalka Kenya Nick Ndalana ayaa sheegay in dhamaan gaadiidka ku safraya gudaha gobolka woqooyi bari ay qasab tahay in ay la socdaan askar booliis ah,si loo yareeyo khatarta amni ee weerarada dhaba galka ah ee Al-shabaab. Sidoo kale taliyaha ciidamada booliiska gobolka woqooyi bari ayaa sheegay in gaadiidka ka hor yimaada amarkaasi ay la kulmi doonaan ganaax xoogan,isla markaana shatiga shaqada lagala noqon doono. Amarka kasoo baxay laamaha amaanka ee dowalda Kenya ayaa imaanaya saacado kadib markii Al-shabaab ay dileen sadex ruux oo ay kala dageen bas ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya oo kasoo safray deegaanka Mooyaale ee woqooyi bari. Si kastaba ha ahaatee, laamaha amaanka ee Kenya ayaa sheegay in mootooyinka yaryar ee ka shaqeeya woqooyi ay ka qeyb qaataan amaan darada gobolkaasi,waxaana lagu amray darawada mootooyinkaasi in aysan shaqeyn Karin wixii ka danbeeya 12ka maqribnimo. Meelaha ay saameyn doonaan amarada ay soo rogeen booliiska Kenya ayaa waxaa kamid ah Mooyaale,Marsabit, Mandera, Garissa,Wajeer iyo magaala xeebeedka Lamu. Dowladda Kenya ayaa dedaal badan oo feejignaan ah ku bixineysa weeraro hor leh oo Al-shabaab ay ka fuliyaan qeybo kamid ah gobolka woqooyi bari iyo xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  4. At least three al-Shabaab fighters have been killed following US airstrike in southern Somalia. In a statement, U.S. Africa Command said in coordination with the Federal Government of Somalia, the military conducted a precision airstrike targeting al-Shabaab terrorists in the vicinity of Wadajir of Middle Jubba region. The statement said the command’s initial assessment concluded this precision airstrike killed three terrorists. “We currently assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike,” the statement reads. “Al-Shabaab attacks range from unsophisticated to complex operations, and include assassinations, IEDs and vehicle-borne IED attacks, among other brutal tactics,” said U.S. Army Brig. Gen. Gregory Hadfield, U.S. Africa Command deputy director of intelligence. “Removing even one of these terrorists from the field supports our partners on the ground and prevents that individual terrorist from planning or executing future attacks on Africans and Americans.” The command said Somalia remains key to the security environment of East Africa, and its long-term stability is important to advancing U.S. interests in the region. “We will continue to work together on our support of the Federal Government of Somalia in its effort to bring improved governance, development and stability to the Somali people,” the mission said. View the full article
  5. A suspected Al-Shabaab militant has surrendered to security agencies in Mandera, a day after three people were killed in a bus attack. Source: Hiiraan Online
  6. The Uganda Peoples’ Defence Forces’ (UPDF) Joint Chief of Staff (JCOS), Lt Gen Joseph Musanyufu is visiting Ugandan troops deployed in Somalia under United Nations Guard Unit (UNGU) and African Union Mission in Somalia (AMISOM). Lt Gen Musanyufu who was received at Aden Ade International Airport in Mogadishu by AMISOM’s Sector One Commander Brig Gen Richard Otto made several interactions with AMISOM leadership and Ugandan troops by the close of the first day of his working visit. “I have come to Somalia to get a feel of the mission area and also to have an on-spot assessment of the challenges our troops face as they discharge their duties,” said Lt Gen Musanyufu. He commended AMISOM efforts in the pacification of Somalia despite some challenges and stressed the significance of a peaceful Somalia on the overall stability of the African continent. He said the UPDF leadership is committed to supporting the mission, stressing that it is partly for this reason that the leadership regularly sends key leaders to the mission area to make assessments and understand the challenges that could affect troop performance. The JCOS visited Level II AMISOM Hospital at the base camp where he interacted with the hospital’s command and administration. He also toured UNGU VI premises and the support units at sector one headquarters. The visiting Lt Gen also paid a courtesy call on the AMISOM Force Commander, Lt Gen Tigabu Yilma and he was briefed on the current security situation of Somalia. The Force Commander said AMISOM has achieved much through dedicated service and close coordination by all the sectors in the execution of AMISOM mandate. The briefing at AMISOM Force Headquarter was attended by AMISOM Deputy Force Commander in-charge operations and plans Lt Gen James Nakibus Lakara, AMISOM Deputy Force Commander in-charge support and logistics Maj Gen GRA Owinow, AMISOM Chief of Staff Brig-Gen Domitien Kabisa, Sector One Commander Brig Gen Richard Otto and Key Senior officer at AMISOM Force and Contingent Headquarters. View the full article
  7. Nairobi (SMN) – Gudoomiyaha degmada Mandera ee gobolka woqooyi bari dalka Kenya Ali Roba oo ka hadlayay kulan ka dhacay gudaha degmadaasi ayaa sheegay in dhaq dhaqaayada ciidan ee iska soo horjeeda ee ka jira gobolka Gedo ay saameyn dhanka amaanka ah ku yeelaneyso ku yeesheen degmada Mandera ee gobolka woqooyi bari. Ali Roba gudoomiyaha degmada Mandera ee woqooyi bari ayaa sheegay in dhinacyada siyaasad ahaan iska soo horjeeda ee ku sugan qeybo badan oo kamid ah gobolka Gedo ay dhibaatooyin badan ka abuureen gudaha Mandera ee xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Dowlada Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay boqolaal kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad geysay degmooyinka Beledxaawo,Luuq Dooloow ee gobolka Gedo. Si kastaba ha’aahatee gudoomiyaha degmada Mandera ee gobolka woqooyi bari dalka Kenya Ali Roba ayaa xusay in wasiirka amniga ee Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowlada Soomaaliya,intii ku sugnaa gudaha Mandera ay degmadaasi ka jirtay cabsi dhanka amanaka ah,maadaama ciidamo badan ay wehlinayeen wasiirka baxsadka ah ee Jubbaland. Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa hadalkiisa intaa ku daray in aysan aqbali doonin indhahana aysan ka qabsan doonin in gudaha Kenya uu markale si sharci darro ah kusoo galo wasiir janan oo dowlada Soomaaliya ay baadi goobeyso. Dowlada Soomaaliya ayaa wasiirka amniga ee Jubbaland horay ugu eedeysay in uu geystay danbiyo ka dhan bin aadanimada,waxaana 28-kii Janaayo ee bishii lasoo dhaafay uu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho,sida booliiska Soomaaliya ay shaaciyeen,isagoo sadex maalmood kadib doon ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. View the full article
  8. At least three people were on Wednesday killed and six others injured during an Al Shabaab attack on a passenger bus in Mandera. The owner of the bus told Capital News that they are still looking for the driver who sustained injuries on the hand, as he sped off. “This incident occurred at about 11am, three passengers are dead and six others are injured,” the driver who only gave his name as Abbas said on telephone. The bus owner said the crew was not given security when they left Mandera. “We don’t understand why they were not given security when they left,” he said. According to Abbas, quoting passengers, the ten gunmen started spraying the bus with bullets but the driver sped off, until they deflated the tyres. “They also shot him on the hand and that is when he could not move it any further and stopped,” he said, “passengers then alighted and sped off to the bushes and into the Manyattas where they were helped by locals.” He said the driver had not been traced. “Passengers who ran with him said they left him in the bush but we have not found him, we are still looking for him because they don’t seem to know the exact spot where they left him,” he said. A senior police officer in Mandera has confirmed the incident, saying, “we had an incident of a bus attack and there are three fatalities.” The bus was carrying more than 60 passengers to Nairobi. View the full article
  9. Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya eng Cabdullaahi Cali ayaa Magaalada Musqat kula kulmay dhiggiisa Dalka Cumaan, Ali bin Mascuud Al-Sanadi, waxa ayna labada masuul kawada hadleen heshiis cusub. Wasiirka oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo rugta ganacsiga Soomaaliya, ayaa madaxdii ay la kulmeen waxay kala hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada Waddan, gaar ahaan dhanka Xoolaha. Labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada Xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka. Labada masuul ayaa waxa ay sidoo kale ka wada hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xiriira arrimaha ganacsiga iyo Warshadaha, isla markaana la sameeyo Guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ganacsi ee labada dhinac. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojinaysa iskaashiga ay la sameynayso wadamada Caalamka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Goobaha ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta oo Khamiis ah xiran, kadib markii ganacsatada magaaladu ay cabasho ka muujiyeen ,canshuur dheeraad ah oo ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Ganacsatada, ayaa ka cabanayaa canshuurta iibka ee loo yaqaan “Macaash-mashaac-ka” taasi oo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyaddu horay ugaga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, haddana ay bilowday in ay mid labaad ka qaaddo goobaha ganacsiga ee gudaha magaalada. Qaar kamid ah Ganacsatada, oo maanta Warbaahinta isu’gu yeeray, si ay cabashadooda u muujiyaan, ayaa dhammaantood xabsiga loo taxaabay, inkastoo mudda kooban kadib xorriyadooda dib loogu celiyay. Saddex weriye oo muuqaallo ka duubayay ganacsatada, ayaa iyana si kooban xabsiga loo dhigay, balse markii dambe la sii daayay. Cabdiweli jaamac Cagaarane, Axmed Caana-geel iyo Siciid Nadaara, ayaa sidoo kale sheegay in laga qaaday qalabkii ay wax ku duubayeen, islamarkaana jir-dil loo gaystay. Dhinaca kale, Wasaaradda Maaliyadda Puntland weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada Gaalkacyo ee ay ka muujiyeen canshuurta iibka. ©PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Ganacsiga Gaalkacyo oo maanta xiran kadib markii Puntland ku soo rogtay Canshuuro dheeriya appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Wadajir oo hoos yimaada degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo. Mareykanka ayaa sheegay in isagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa qeybo kamid ah gobolka Gedo. Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalka ka soo baxay ku sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen sadex xubnood oo kamid ah Al-shabaab,sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka. Qoraalka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halka ay duqeynta ka dhacday. Mareykanka ayaa dhawaanahan sare u qaaday dagaalka uu kula jiro Al-Shababa, gaar ahaan duqeymaha dhanka cirka ah uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  12. Kampala (SMN) – Taliyaha ciidamada difaaca dadka ee dowlada Uganda Gen Joseph Musanyufu ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay cutubyo ka trisan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howgalka AMISOM. Taliyaha ciidamada difaaca dadka ee Uganda Gen Joseph Musanyufu ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaa ku soo dhaweeyay taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada AMISOM Gen Richard Otto. Isagoo warbaahinta la hadlayay taliyaha ciidamada difaaca dadka ee Uganda gen Joseph Musanyufu ayaa sheegay inta uu joogo Soomaaliya uu booqan doono meelo kala duwan ay ka howgalaan ciidamada,isla markaana uu qiimeyn doono xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciidamada AMISOM. Sidoo kale Gen Joseph Musanyufu ayaa bogaadiyay dedaalka howgalka AMISOM ay ugu jiraan nabadeynta Soomaaliya,isagoo sheegay in nabada Soomaaliya ay xal u horseedi karto dalal kale oo geeska Africa ka tirsan. Ugu danbeyn Taliyaha ciidamada difaaca dadka ee dowlada Uganda Gen Joseph Musanyufu ayaa sheegay in hogaanka taliska ciidamada difaaca dadka ee dowalda Uganda uu diyaar u yahay kaalintiisa ku aadan dadaalada xal u helida amaanka Soomaaliya,isagoo balan qaaday in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howgalka AMISOM ay si dhab u gudanayaan waajibadka ay dhowr iyo toban sano kahor u yimaadeen Soomaaliya. View the full article
  13. Madaxtooyada Jabuuti ayaa Qoraal Af-Faransiiska ku qoran waxay kasoo saareen kulankii shalay dhex maray Madaxweynaha Jabuuti iyo Puntland, Qoraalka oo aan soo turjunay waakan hoos [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Passport-ka diblomaasiga kala noqotay dhammaan xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda kale ee Jubbaland, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Passport-ka kala noqotay Wasiiradii iyo Xildhibaanadii hore ee Jubaland, iyo sidoo kale siyaasiin heestay Passport-ka islamarkaana taageersan Axmed Madoobe. Wararkaas ayaa intaas ku daraya in Immigration-ka Soomaaliya uu Cancel-gareeyay Passport-ka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenada, halka Wasiiro iyo Xildhibaano Muqdisho yimidna laga qaaday. Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka hore ee Jubaland ayaa Warbaahinta u sheegay in lagala noqday passport-ka diblomaasiga ayna kala wareegeen Immigration-ka Soomaaliya isaga iyo wasiiro iyo Xildhibaano kale, oo qaarkood hadda shaqeyaan. “Waxaan ku suganahay Muqdisho waxaana noola diiday Passporta-ka diblomaasiga, waxaana la sheegay in dowladda Soomaaliya ay bixisay amarkaas” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka hore ee Jubbaland. “Aniga kaligeey ma ahan waxaa ku jira wasiiro iyo Xildhibaano kale, xataa waxaa noola sheegay in laga qaaday madaxda sare, qaarna hadda laga qaadi rabo” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta gudaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, taas oo la sheegay in markale Madaxweyne loogu doortay Axmed Madoobe. Khilaafka Dowladda iyo Maamulka Jubaland ayaa saameeyay guud ahaan degaanda maamulkaasi iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
  15. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, iyaga oo argagaxisada ka difaacaya dhiiga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, ayaa halyaayada qaranka ee dhaawacyada qaba u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan askartii shahiidayna uu Allah Shahiidnimadooda ka aqbalo. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan. Geesiyaasha dhaawacyadu kusoo gaareen badbaadinta qarannimada, nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada cawadga looga xoreynayo qaybaha ay dalka uga suganyihiin Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-20022020.mp3 View the full article
  17. Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali ayaa Magaalada Musqat kula kulmay dhiggiisa Dalka Cumaan, Ali bin Mascuud Al-Sanadi. Wasiirka oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo rugta ganacsiga Soomaaliya, ayaa madaxdii ay la kulmeen waxay kala hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada Waddan, gaar ahaan dhanka Xoolaha. Labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada Xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka. Wasiirrada ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xiriira arrimaha ganacsiga iyo Warshadaha, isla markaana la sameeyo Guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ganacsi ee labada dhinac. Waxanay sidoo kale isku raaceen in la abuuro madal ay ku kulmaan ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Cummaan (Somali-Oman Business Forum). Dhinacyadu, waxa kale oo ay isla soo qaadeen in labada Dal ay isku xiraan Dhallinyarada leh hibada hal abuurka ganacsi, maaddaama ay haystaan da’yar aad u badan oo ku wanaagsan ganacsiga casriga ah ee dhanka Tiknoolojiyadda. Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo Cummaan ayaa iyaguna yeeshay kulan gaar ah,waxanay ka wada hadleen fursadaha ganacsi ee ay wada yeelan karaan Labada dhinac. Waxaanay isku Af-garteen in ay ganacsi wadaag noqdaan isla markaana ay yeeshaan kulamo joogto ah oo ay kaga tashadaan kordhinta ganacsigooda. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisa ayaa intaa ka dib booqday Matxafka Qaranka Dalka Cumman, kaas oo ah meel lagu keydiyo Taariikhda iyo dhaqanka Dalkaasi. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Cummaan oo heshiis ganacsi kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
  18. GAROWE (HOL) - A man who was sentenced to death for gang rape and murder of a 12 year old girl in Puntland last year has been released in a ’blood money’ deal with the family of the victim. Source: Hiiraan Online
  19. Tan iyo sanadkii 2011-ka markii uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyib Erdogan booqday magaalada Muqdisho, waxaa sii xoogeystay xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo xukuumadda Ankara, waxaana taas ay horseeday in Turkiga uu dhinacyo badan ka taageero Soomaaliya oo ay kamid tahay taageero dhaqaale, deeq waxbarasho iyo tababarka ciidamada. Arday badan ayaa jamaacadaha dalka Turkiga ka helay waxbarasho lacag la’aan, balse qaar kamid ah ayaa fursadahaas u arka mid u sahli karta inay kaga sii baxaan dalkaas, si ay ugu tahriibaan qaaradda Yurub. Weriye ka tirsan BBC-da oo dhawaan booqday magaalooyinka Ankara iyo Istanbul ayaa halkaas kula kulmay arday Soomaali ah oo xilligaas ku guda jiray sidii Yurub ay ugu tahriibi lahaayeen. Mid kamid ah ardayda Soomaalida ee deeqda waxbaraho ka helay Dowladda Turkiga, balse magaciisa ka gaabsaday ayaa BBC-da u sheegay in qorshihiisu yahay sidii uu Turkiga uga tahriibi lahaa. Ardaygan o xilliga aynu la kulanay wacayay dad ay saaxiibo yihiin oo horay u tahriibay, haddana ku sugan Yurub ayaa waxaa uu ka wareysanayay waddooyinka la maro iyo qaabka loo tahriibo. “Waxbarasho ayaan dalka kusoo galay, balse maalmahan waxaan rajeynayaa sidii aan uga bixi lahaa oo waxaan rabaa in aan aado Yurubta lagu sii yaacayo, sababtuna waxay tahay mar haddii ay noolashada caqabad ku timaado, dantu waxay kugu qasbeysaa sida aysan ka fursaneynin in aad ku dhaqaaqdo”, ayuu yiri ardaygaas oo la hadlayay BBC-da. Wuxuu sheegay in haddii xitaa uu wax ka barto Turkiga, dibna ugu laabto Soomaaliya ay adag tahay in uu shaqo helo, taasina ay ku dhalisay in uu noolal u raadsado dalalka Yurub. Qaar badan oo kamid ah ardaydan oo dhib u maray helitaanka deeqda waxbarasho ayaa BBC-da u sheegay in markii hore ay moodayeen in ay waxbaran karaan, gelinna ay ka shaqeysan karaan dalka Turkiga, waxaa se ay qirsan yihiin fursadda ay beerdareynayaan. “Fursad aysan ardayda kale helin ayaa khasaarinayaa, balse sabab ayaa igu kaliftay”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Arday badan oo Soomaali ah oo horay uga tahriibay Turkiga ayaa laga soo qabtay xadka dalka Turkiga uu la wadaago Giriigga, kuwaas oo dib loogu celiyay magaalooyinkii ay ka tahriibeen. “Waa arrin horta naadir ah, waxaana filayaa in laba sababood ay keeni karto, sabab waa mid saameyn dibadeed ah oo qofkaas qaraabadiisa oo dibadda joogta ay u gacan haadiyaan oo ay yiraahdaan imaw, sababta labaadna waa saameyn kaga timaada saaxiibo iyo dad ay is yaqaanaan oo soo booqda dalka Turkiga,” ayuu yiri Cabdicasiis Sheekh Cabdiraxmaan oo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha waxbarashada, hidaha iyo dhaqanka. Ardayda oo keliya ma ahan dadka ka tahriiba Turkiga ee aada dalalka Yurub ee waxaa sidoo kale ku wehliya askarta dowladda Soomaaliya ee tababarka loo geeyo dalkaasi, kuwaas oo marka ay dhameystaan tababarka ka dhuunta xeryaha lagu hayo. Laba xidigle kamid ahaa ciidamada kumaandoosta Danab ee Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday, laguna tababaray dalka Turkiga, haatanna ku sugan wadanka Sweden ayaa kamid ah saraakiisha u dhuuntay Yurub. Sarkaalkan ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo markii dib loogu celiyay Soomaaliya uu markale kusoo laabtay Turkiga, halkaasina uu kasii tahriibay, kadib markii sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ay daryeeli weyday. “Xilkeyga wuxuu ahaa laba xidigle ka tirsan ciidanka Danab, tababarka aan qaatayna wuxuu ahaa sida madaxda loo ilaaliyo oo aan ka bartay kulliyadaha dalka Turkiga, waxaa igu kallifay in aan soo tahriibo ayaa ahinay jiraan dhibaatooyin ila soo darsay oo ay kamid yihiin dhinaca cadowga, dhinaca dowladda, waxaana laga yaabaa in qofka marka uu tego garoonka uu isaga soo qaato baabuur oo uu isa soo dabaro”, ayuu yiri askarigaas horay uga tirsanaa ciidanka Danab balse hadda ku sugan dalka Sweden. Wuxuu intaa raaciyay in mararka qaar ay dhacdo in qofka takhasuska uu soo bartay aanan la geynin, wuxuna yiri: “waxaa laga yaabaa in qofka isagoo soo bartay kumandoos la geeyo caafimaadka ciidamada oo kale”. Hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisay inay jiraan askar ka baxsatay xeryaha ee dalka Turkiga oo u tahriiba Yurub. “Inta aan ogahay maba jiraanba, ciidanka maanta maalin uu ka fursad fiican yahay ma jiro, nin sarkaal sheeganaya oo baxsanaya anigu ma ogi, waxaana ciidankeenu ay inaga jiraa oo aan u dirnaa dalalka Talyaaniga, Mareykanka iyo wadamo kale”, ayuu yiri Maxamed Cali Bariise oo ah taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Dowladda Turkiga oo sadhig milateri oo aad u weyn ku leh magaalada Muqdisho ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa ay tababartay dhowr kun oo askari oo isugu jira kumandoos, taliyeyaal ciidan iyo askar milateri, kuwaas oo intooda badan dib ugu laabtay Soomaaliya, qeybna ka qaatay dagaalka ay dowladda kula jirta Al-Shabaab, waxaase muuqata in qaar kamid ah askarta tahriibta ay luminayaan fursad ay dowlddaha Soomaaliya iyo Turkigaba u arkaan in lagu xasilin karo dalka, loogana adkaan karo Al-Shabaab. Xigasho BBC
  20. (SLT-Hargeysa)-Waxaa maalintii labaad ku sugan magaalada Hargeysa weftigii uu hoggaamanayay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Ujeeddada socdaalka weftiga, cidda soo dhaweysay iyo cidda ay la kulmeen illaa hadda xukuumadda Somaliland war iyo sawir midna kama soo saarin. Socdaalka weftigan ayaa ku soo beegmayaa hal maalin kadib markii madaxweynaha Somaliland uu sheegay in aanay aqbalayn in uu Hargeysa yimaaddo madaxweyne Farmaajo. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la sheegay in uu doonayay in uu Hargeysa yimaaddo Farmaajo, hase ahatee isku daygaas ayay Somaliland si adag u diidday. Source
  21. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka ciidamada Militariga ku booqday askar ka tirsan ciidamadaas oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay degaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose. Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulka Isbitaallada ka waraystay xaaladda caafimaad ee askarta ku soo dhaawacmay dagaalkii Al-shabaab iyo dowladda ku dhexmaray degaanka Ceel-saliini. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan sidii Al-shabaab looga saari lahaa degaannasaasi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo isbitaalka ku booqday askar dagaal ku soo dhaawacantay appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland. Shirka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Al Shabaab, arrimaha qabyo tirka Dastuurka iyo Hindise sharciyeedka gudniinka fircooniga ah oo ay so gudbisay wasaaradda haweenka Jubbaland. Golaha wasiirada Jubbaland ayaa dood dheer ka yeeshay qodobka Dastuurka ee ay Dowladda Federaalku gudbisay kuwaasoo ay ka mid yihiin sharciyada Batroolka, warfaafinta iyo Doorashooyinka, waxaana ay goluhu ansaxiyeen in Dowlad goboleedka Jubbaland aysan qayb ka aheyn wixii kasoo baxana aanay shuqul ku lahayn. Sidoo kale Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Gudniinka Fircooniga oo ay soo gudbisay wasaaradda haweenka Jubbaland. Waxaa kaloo ay goluhu ka doodeen dagaalka lagula jiro Al shabaab, waxaana ay goluhu go’aamiyeen in cid kasta oo abuusha kana shaqaysa hurinta dagaal ay ula mid yihiin Al-shabaab lana dagaalami doonaan. Golaha wasiirada Jubbaland ayaa intii shirkoodu socday waxay ka tacsiyeeyeen khasaaraha ciidanka xoogga dalka iyo dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalkii ay kooxaha cadowgu ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose. Markii uu shirku soo idlaaday ayaa waxaa qodobadii kaso baxay warfidiyeenada u akhriyey Wasiirka warfaafinta Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wuxuuna wasiirku sheegay in shirka kusoo idlaaday sidii loo qorsheeyey. PUNTLAND POST The post Shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodoba muhiim ah appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (Caasimadda Online) – Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ayaa lagu eedeeyey inuu cunto dhacday siisay carruur ku jirtay xero agoon ah oo ku taalo Magaalada Gaarisa ee ismaamulka Soomaalida. Ciidamada Booliska qeybta dambi baarista ayaa u yeeray Aadan Barre Ducaale kadib markii loo gudbiyey eedeyn ku aadan inuu cunto dhacday siiyey ilmo agoon ah sida lagu daabacay Wargeysk Daily Nation ee kasoo baxo dalka Kenya. Aadan Barre Ducaale ayaa eedeynta loo soo jeediyey ee ah inuu cunto dhacday siiyey ilmo agoon ah ku tilmaamay inay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in lagu dilo sumcadiisa. Aadan Barre ayaa sheegay inuu taleefoon kala hadlay Taliyaha Booliska Wajeer uuna u sheegay inaysan waxba ka jirin eedeynta loo soo jeediyey. Eedda loo soo jeediyey Aadan Barre Ducaale ayaa kusoo aadeyso xilli uu 15 sano kadib markii ugu horeysay booqday xarun lagu xanaaneeyo carruurta oo taalo Magaalada Gaarisa isagoo u qebiyey deeq raashin ah.