-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garsoorayaasha maxkamadda Garoowe Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Sabtiya mar kale dib u dhigtay, gar-maqalka 7 nin oo ku eedaysan Kiiska Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste). Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan, ayaa saaka maxkamadda ka hor akhriyay, codsi ka yimid qoyska marxuumad Hodan Shanlayste, oo dalbaday in dhegaysiga kiiska dib loogu dhigo mudda 4 maalmood ah. Qoyska ayaa codsigooda ku saleeyay, in uu maqanyahay aabbaha dhalay marxuumad Hodan Hodan Axmed Maxamed, sidaas darteedna kiiska dib loogu dhigo, inta uu ka imaanayo Shanlayste, si uu goob joog uga noqdo maxkamadda. Guddoomiyaha Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa shaaciyay in mar kale dacwadda la dhegaysan doono maalinta Arbacada ah ee ku beegan 26-ka bishan February 2020. PUNTLAND POST The post Kiiskii Hodan Shanlayste oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Two al-Shabaab ring leaders have been killed in the Middle Shabelle region following security operations by the Somali army. The state media reported two Al-Shabaab senior commanders and several others wounded during the military operation on the outskirts of Balad town. The forces also destroyed Shabaab based in the area. This military operation is part of the huge efforts made by the national army to eliminate the terrorists and secure the roads between the cities of Balad and Jowhar. Shabaab control number villages in the region as it lost major towns including Qoryoolay, Afgooye, Marka, Janaale and other to SNA forces. View the full article
-
The African Union Mission to Somalia (AMISOM) said on Friday it has trained 200 more Somali police officers, who will maintain law and order in Hirshabelle State in the central part of the country. Yuyi Mwala, AMISOM police coordinating officer for the state, said the police officers will soon graduate from Jowhar Police Academy as part of stabilization efforts in the Horn of Africa nation. “We have 200 recruits who will graduate soon. They are well-prepared, and we are thankful to the Hirshabelle State leadership and the police leadership for supporting AMISOM to achieve its mandate,” Mwala said in a statement issued in Mogadishu. The AU mission is implementing the transition plan, under which the mission will gradually hand over security responsibilities to Somali security forces and exit by 2021. As part of its mandate, AMISOM Police continue to partner with the Somali Police Force to train, mentor and advise them to build their capacity and meet international policing standards. The AU mission said it has been working closely with the federal and state governments to secure Somalia and provide a conducive environment for universal elections. View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Urur siyaasadeedka ugu weyn Mareykanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha muslimiinta ayaa taageeray musharaxa xisbiga dimoqraadiga Mareykanka Bernie Sanders. Sanders oo ku guuleystay labadii codbixin ee ka kala dhacay gobollada Iowa iyo New Hampshire ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay inay “sharaf” u tahay inuu helo taageerada ururka Emgage PAC. “Ayada oo Donald Trump uu liido bulshooyinka muslimiinta, ayaa dhaq-dhaqaaqeena waxa uu ka shaqeynayaa inuu hab siyaasadeed isugu keeno muslimiinta iyo dhammaan bulshooyinka kale,” ayuu Sanders soo tweet gareeyey. Ururka Emgage PAC ayaa sababta ay u taageereen Sanders ku sheegay in ololihiisa yahay “mid dadka oo dhan ay qeyb ka yihiin, oo ku dhisan fikrad ah in dadka oo dhan ay siman yihiin una qalmaan inay u noolaadaan si sharaf leh.” Daraasad aan rasmi ahayn ayaa muujisay in 75% xubnaha ururkan ay taageersan yihiin Sanders. Madaxa Emgage Wa’el Alzayat ayaa sheegay in xubnahooda ay door bidayaan siyaasadda Sanders ee caafimaadka, is-beddelka nidaamka cadaaladda, ilaalinta deegaanka, iyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda, oo ay ku jirto taageerada xooggan ee uu u muujiyey xuquuqda Falastiiniyiinta. Sanders oo haysta diinta Yahuudda, ayaa kulan uu qabtay Talaadaddii waxa uu ku sheegay in dowladda hadda hoggaamisa Israel ay tahay “cunsuri”, wuxuuna ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ka taagan Gaza. Sanders ayaa waxaa horey u taageeray labada gabdhood ee muslimka ah ee ku jira Aqalka Wakiilada Mareykanka, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib.
-
Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Wershadaha ugu waaweyn ee Dalka Cumaan. Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, waxaa booqashadiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Gacansiga , Safiirka Soomaaliya u jooga Cumaan, Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani) iyo xubno kale. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn booqday Warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kalena farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka laga isticmaalo Wadankaasi. Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ka furtaan gudaha Dalka Soomaaliya. Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md; Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha Dekadaha iyo goobaha ganacsiga xorta ah. Labada Wasiir, ayaa waxay ka wada hadleen siddii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga Gaadiidka iyo sidii loo heli lahaa duulimaad toos ah oo isku xira Oman iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadaha ugu waaweyn Dalka Cumaan appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa milatariga ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/Hoose. Howlgallada ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana ciidanka dowladda ay si weyn baaritaanadaasi uga sameeyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi. U jeedka howlgalladaan ayaa sidoo kale saraakiishu waxa ay ku sheegeen sidii looga hortagi lahaa weeraro hor leh oo Al-shabaab ay ka filiso gobolka Shabeelaha Hoose. Si kastaba ha’ahaatee howlgalladaani ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyeen deegaano ku yaalla gobolkaasi. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahanyahay in dib-u-habeynta caddaaladda in lagu dadaalo. Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelaayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan. Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey ciidamada asluubta iyo qoysaskooda ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre: Waa In Dib-U-Habeyn Lagu Sameeyaa Caddaaladda Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aan ka helayno degmada Buulo burde ee gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay guddomiye maamulka Hirshabeelle ay u magacaabeen degmadaasi. Nabaddoon Cabdiraxmaan Dhicisoow oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Goobjoog News waxa uu u sheegay in madaxda ugu sareysa Hirshabeelle ay balantii uga baxeen dadka ku dhaqan Buulo burde, maadaama halkaasi ay u soo magacaabeen guddoomiye. Dadka deegaanka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa ku heshiiyay in gole deegaan loo dhiso degmada Buulo burde inta ka horeysana aan la soo magacaabin wax guddoomiye ah, nabadoon Dhicisoow ayaana tilmaamay in balantaasi ay si cad uga baxeen madaxda maamulkaasi. Sidoo kale maanta waxaa la tilmaamay in degmada ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo guddomiyaha ay soo magacawday wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle. Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka u dhaxeeya bulshada degmada Buulo burde iyo maamulka uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maalintii saddexaad uu xiran yahay suuqa Gaalkacyo, kadib markii ganacsatada lagu rogay lacago canshuuro ah. Ganacatada ayaa albaabada isugu dhuftay dhammaan xarumaha ganacsiga, iyaga ay ka cabanayo lacago dheeraad ah oo ay ku dalacday wasaaradda maaliyadda Puntland. Sidoo kale xirnaashaha suuqaan ayaa sameyn xoogan ku yeesha nolosha dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/War-Cali-gaab-suuqa-kaalkacyo.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has recalled its ambassador to Sudan following what it termed as ’unfortunate incident’ within the embassy amid reports of a scuffle. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caddeeyay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda Dalka oo ah jiridda Dowladnimada ee isku haya Bulshada, si loo helo nidaam Dowladeed oo isu dheelli tiran. Mudane; Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska Sanad guurada 50-aad ee aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga Dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahan yahay in dib-u-habeynta caddaaladda lagu dedaalo. Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, Ciidanka Qarankuna ay noqdaan Albaabka cadaallada laga gelayo, maadaama Bulsho aan cadaalad haysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyni, is-aaminaad iyo dhiirranaan. Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey Ciidamada Asluubta iyo Qoysaskooda ayaa sheegay in Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin Dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda Qarannimada Soomaaliyeed. View the full article
-
Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee Somailand ayaa maanta si weyn u dhaliilay xukuumadda maamulkaasi ee uu hoggaamiyo, Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo Wadani, Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa eedeymo u jeediyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo sheegay inuu ku fashilmay hoggaaminta Somaliland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, kadib kulankii ay Biixi iyo Farmaajo ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-onkod.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku fashilmay hogaaminta Somaliland, waxayna dalbadeen in xilka uu ka dego, oo loo qabto doorasho deg deg ah. Waddani iyo Ucid ayaa ka dhawaajiyey in Muuse Biixi uu “noqday Kaligii-taliye”, isla markaana loo baahan yahay in xilka si deg deg ah looga xayuubiyo, waa sida ay hadalka u dhigeene. Labada xisbi ayaa si wada-jir u soo wada jeediyay in Doorashada madaxtooyada la qabto sanadkan inta uusan dhamaanba muddo xileedka Biixi, maadama “uu ku fashilmay” xilkii loo igmaday. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qadiyadii gooni isu-taaga Somaliland uu hoos u dhac weyn ku yimid, isagoona xusay in Xukuumada Biixi ay dhiiri-gelisay inay lunta rajadii madax banaanida. “Waxa muuqata maanta in Muuse Biixi uu u xuubsiibtay keligii taliye, cagtana saaray waddadii hore loo eeday ee khayrkii iyo jannanadii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen” ayuu yiri Guddoomiye Ciro oo isaguna warbaahinta la hadlay. Xisbiyada Mucaaridka ayaa si weyn uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Muuse Biixi, iyadoona xiisada kala dhaxeysa Mucaaridka ay sarre u sii kacday muddooyinkii u dambeeysay.
-
Shir jaraa’id oo si wadajira ay maanta magaalada Hargeysa ugu qabteen xisbiyada mucaaradka ee kala ah Wadani iyo Ucid ayaa waxa ay ku dhawaaqeen doorasho waqtigeeda laga soo hormarinayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Somaliland. Labada xisbi ayaa waxa ay sheegeen in xalka maanta ay u arkaan in doorasho waqtigeeda laga soo hormarinayo ay ka dhacdo maamulkaasi sanadka 2020, waxa ayna doorashadan la soo hormarinayo ku sababeeyeen in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku fashilmay hogaaminta maamulkaasi. “Labada xisbi qaran waxa ay xalka iyo badbaadinta Somaliland ee marxaladaan aan maanta ku jirno u arkaan in doorasho madaxtooyo oo xilligeeda laga soo hormariyo ka qabsoomto dalka sanadkan gudihiisa 2020, maadaama muuse ku fashilmay hogaaminta dalka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta u akhrinayay bayaanka axsaabta mucaaradka. Sidoo kale xisbiyada mucaaradka ayaa Muuse Biixi waxa ay ku eedeeyeen in haatan uu cagta saaray wadadii kaligii talisnimada, iyaga oo dhinaca kale u jeediyay eed ah in uu burburiyay dimuquraadiyaddi curdunka ahayd, islamarkaana uu majaxaabiyay qaranimada iyo midnimada ummadda reer Soomaaliland. “Waxaa muuqata in Muuse Biixi uu u xuubsiibtay kaligii taliye cagtana saaray wadadii horay loo eeday ee qeyrkii iyo jananadii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen, waxaa muuqata in uu burburiyay dimuquraadiyadii curdunka ahayd ee la korinayay islamarkaana tacab fara badan ka galay shacabkan, waxaa muuqata in uu majaxaabiyay qaranimadii iyo midnimadii ummadda Soomaaliland oo maanta ku jirta jahwareer siyaasadeed” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro. Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ayaa isku haya doorashada la filayo in ay ka dhacdo maamulkaasi, waxaana haatan soo baxaya khilaaf hor leh oo ku aadan doorashada maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wareegto Maanata kasoo baxday Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah Saraakiisha Taliska guud ee Galmudug, iyadoo loo Magacaabay kuwa kale. Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo Magacaabey G/Sare; C/kariin Xussen Macallin , Taliye ku-xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo Magacaabey G/sare; Maxamed Nuur Cali, halka Taliyaha Booliiska Degmada Dhuusamareeb loo Magacaabey dhamme; Burhaan Axmad Rooble, Isbeddalka ayaa sidoo kale lagu sameeyay Talisyada Boliiska ee Degmooyinka Caabudwaaq ,Hobyo ,Balanballe, Xeraale iyo Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-22022020.mp3 View the full article
-
Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa waxaa shir ku yeeshay Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani iyo UCID, waxana inta uu shirka socday looga hadlay xaalada maamulkaas. Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Ciro oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu noqday keligii-taliye, isla markaana uu burburtay dowladnimadii Maamulka Somaliland. Sidoo kale Guddoomiye Ciro ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalada degaanada Somaliland haatan ay marayso meel xun uuna Muuse Biixi burburiyay Dastuurka u degsan Somaliland. Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa waxaa uu ku baaqay in la qabto Doorasho Madaxweyne oo deg deg ah sanadkaan gudihiisa, wuxuuna Muuse Bixii uu xusay inuu ku fashilmay xilka. PUNTLAND POST The post Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo doorasho deg deg ah ku baaqay appeared first on Puntland Post.
-
SIDRA researchers have interviewed respondents in seven regions . The geographical focus of the research on which policy brief is based — Bay, Hiiraan, Bari, Togdheer, Mudug, Lower Jubba and Banadir — betrays a tenuous grasp of the nature of youth radicalisation in Somalia. The seven regions visited by SIDRA researchers are under different jurisdictions. Except for Togdheer, five of the regions are affiliated with a Federal Member State. SIDRA does not specify how it secured a clearance from Somaliland authorities to conduct a research in Burco. There are no reported Al-shabaab cells in Burco. Several years ago Al-shabaab assassinated a former Hizbul Islam member in Buuhoodle, a district under pre-1991 jurisdiction of Togdheer. The causes of the failure of youth deradicalisation projects lie in the conflicting counter-terrorism initiatives developed with foreign countries involved in the stabilisation agenda for Somalia. This is the insight SIDRA policy brief accurately shares and stresses. Different radicalisation situations obtaining in different parts of Somalia make the formulation of national counter-terrorism and deradicalisation strategies a quixotic goal. Guled Salah Barre: SIDRA Executive Director Sharing of experience from counter-terrorism initiatives in Somalia has yet to become a standard practice to deal with Al-shabaab. A study on a UK-funded deradicalisation project in several districts of Mogadishu found that some former Al-shabaab young operatives had redefected to the group.To explain why young Somalis join Al-shabaab SIDRA policy brief makes a fallacious distinction between “empowerment” and “ideological motivations”. In Southern regions of Somalia ( e.g. Lower Shabelle, Middle Shabelle, Hiiraan, Banadir, Bay, Bakool, Lower Jubba, Gedo and Upper Jubba), a young man joins Al-shabaab to benefit from “empowerment” opportunity afforded by membership in Al-shabaab whereas in Puntland a young man joins Al-shabaab for ideological reasons, argues SIDRA. SIDRA policy brief points out that political injustice — under-representation and marginalisation of certain Somali clans — is a catalyst for Al-shabaab campaigns to recruit young men. In parts of Somalia where people rely upon Al-shabaab justice system and where the legacy of post-1990 dispossession and displacement reflect the ineffectual Federal Government judiciary, many young men find Al-shabaab rhetoric persuasive. Youths in those parts of Somalia join Al-shabaab to help the group advance its ideological and governance goals. Al-shabaab expects recruits to commit themselves to the ideological and operational goals of the group. © Puntland Post Monthly, 2020 The post SIDRA: NEGOTIATE WITH AL-SHABAAB appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay maalintii la asaasay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Munaasabadda xuska oo ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee ku taalla Ex-Control Afgooye, ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul wasaaraha dalka, wasiirro, xildhinaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa ugu horreyn waxa uu u hambalyeeyay qaybaha kala duwan ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo dhammaan xubnihii kasoo qayb qaatay jiritaanka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxa uu khudbaddiisa kusoo hadal qaaday arrimaha cadaaladda dalka, isaga oo sheegay in xukuumaddiisu ay dib u habayn ku samayn doonto, si lamid ah dib u habayntii ay dowladdu ku sameysay ciidamada militeriga Soomaaliya. “Si Shaqada Ciidamada ay u sahlanaato, waa in mas’uuliyad la iska saaraa Caddaaladda oo sal u ah howl waliba oo la qabanayo, waxaana Taliyaasha iyo Wasiirka Caddaaladda farayaa in ay mas’uuliyad iska saaraan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Ciidamada Aluubta aysan shaqada u fududaan doonin haddii aan la helin cadaalad, wuxuuna yiri “Ciidanka Asluubta ee halkaan ku sugan shaqada uma fududaaneyso haddii aysan Caddaalad helin ama wax ku qaban, Haddii Hay’adaha kale ee Dowladda dib u habeyn lagu sameeyo oo laga tago Caddaaladda, howsha ama nidaamka Dowladda ma isku dheeli-tirmayo” Isagoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Sida qofka uu ugu baahan yahay Hoy ama Cunto ayuu dadka u baahan yahay Caddaaladda, waxaana lagu gaari karaa in wax laga qabto Qabyaaladda, Qaraabo kiilka, Laaluushka, Marqaati beenaadka, Dulmiga bareerka ah iyo danta gaarka ah oo laga hormariyo tan guud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Maanta oo kale 22-kii Febraayo 1970-kii ayay ahayd markii la aas-aasay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, waxaana sanad walba la dhigaa munaasabad lagu xusayo.
-
Wareegto Maanta kasoo baxday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah Saraakiisha Taliska guud ee Booliiska Galmudug, iyadoo loo Magacaabay Taliyeyaal kale. Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo Magacaabey G/Sare; C/kariin Xussen Macallin , Taliye ku-xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo Magacaabey G/sare; Maxamed Nuur Cali, halka Taliyaha Booliiska Degmada Dhuusamareeb loo Magacaabey dhamme; Burhaan Axmad Rooble, Isbeddalka ayaa sidoo kale lagu sameeyay Talisyada Boliiska ee Degmooyinka Caabudwaaq ,Hobyo ,Balanballe, Xeraale iyo Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Taliska Booliiska Galmudug oo dib u habayn ballaaran lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qadiyadda Badda dalka ee kala dhexeyso wadanka aan deriska nahay ee Kenya, waxa uuna madaxweyne Xasan madaxda dowladda hadda jirta ku dhaliilay qaabka ay u wadaan arrinta badda ee ka dhaxeyso labada wadan ee ku aadan qadiyadda Badda waxaana uu yiri. “Maanta waxaan keenay halka ay joogto arrinta Badda, madaxda dalkeena ayaa arrinta badda si qaldan u isticmaashay, dowladda Kenya iyaga ayaa u carab laalaadiyey, iyaga ayaa yiri xal ayaan gaareynaa, maxkamadda banaankeeda ayaa lagu xalinaa oo habeenno madoow Nairobi la geynayey” Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya in kiiska arrinta badda iyada oo taallo maxkamadda cadaaladda Adduunka ee ICJ in ay labada wadan isbooqan jireen cadaawadna aysan ka dhaxeynin islamarkaan talada ay wadaagi jireen. “Arrinta qadiyadda badda iyada oo maxkamadda taallo ayaan Kenya isku fiicneyn isku imaaneynay lawada hadlaayey oo maxkamaddu tagan tahay oo arrinkaas marna la isku soo qaadin ama aan laga hadlin ayaan soo marnay oo aan joognay ” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la yaab ku tilmaamay hadal dhawaan uu jeediyey madaxweynaha dalk uu ku sheegay in Kenya cadow ku tahay Soomaaliya mar walibana ay farageliso. “Maalin dhoweed aad ayuu madaxweynu ku tilmaamay dowladda Kenya in cadow tahay oo dalka faragelin ay ku heyso, magaranayo meesha Kenya cadow ay ku tahay Eratariya iyo ninka 40-sano joogo uu xabib ku yahay” Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn in Dimlumaasiyadda been laga sheego ama balan aadan oofin Karin la qaado. “Curfi Dimlumaasiyadda ah balan lagama sheego, Diblumaasiyadda magasho balan inaad qaado aad ogtahay inaadan oofin doonin, madaxweynaheenna iyo ra’iisalwasaaraheenna waa ay ogaayeen in arrinta badda aan maxkamadda aan laga soo celin Karin dadka Soomaaliyeedna aysan ka aqbaleynin” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilsan siyaasadda madaxda ugu sareysa ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
