-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Qoor Qoor, ayaa billaabay dadaallo uu wada-hadallo kula galayo labada madaxweyne kale ee Galmudug Sheekh Shaakir iyo Xaaf. Wararka ayaa sheegaya in magaalada Dhuusamareeb ay iminka ka socdaan kulamo iyo dadaallo ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa xiisadda Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor Qoor, sida uu sheegay wasiirka tamarta Galmudug Axmed Shire Falagle. Qorshaha wada hadallada labada maamul ee ka dhisan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya odaayaasha dhaqanka iyo hoggaanka ururada bulshada rayidka Galmudug. Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu ku howlan yahay sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa arrimaha Galmudug. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in Qoor Qoor uu wada-hadal kula jiro maamullada ay hoggaaminayaan Sheekh Maxamed Shaakir iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo mid walba uu sheegto in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Galmdug. Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafka jira la soo afjaro waqti kooban kadib, si loo soo dhiso xukumadda cusub ee Galmudug. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Hodan-.mp3
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad weyn. Ugu horeyn, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaadey in madaxda talada haysa looga baahan yahay in ay xaliyaan khilaafka ka jira gudaha waddanka kahor inta aysan heshiisyo la gelin dibadda. Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa hoosta ka xariiqay in is-dhexgalka gobolka oo xukuumada ku howlan tahay uu noqdo mid aad looga fekeray isla markaana aanan lagu degdegin, sidda uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya uu salka ku hayo balamo ay horey uwada galeen labadda dhinac, balse uusan quseyn kiiska badda. Gudoomiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa xusay in madaxda dalka ay u balanqaadeen Kenya in ay xal hoose ka gaari doonan kiiska badda, wallow uusan soo bandhigin caddeymo buuxa. Ugu dambeyntii, labadda hogaamiye hore ayaa soo jeediyey in ay muhiim tahay in doorashooyinka 2020-21 ay ku dhacaan qaab hufan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamadda AMISOM ayaa lagu waramayaa in qarax Miino lagula eegtay duleedka degaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha Hoose. Buurane ayaa ah degaan banaanka kaga yaala magaaladda Mahadaay ee gobolkaas dhaca koonfurta dalka Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha ciidanka Midowga Afrika kasoo gaarey weerarkaas, oo aysan jirin koox illaa iyo haatan sheegatay. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in rasaas ay ciidanka ganeyn qaraxa kadib ay sababtay geerida hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca mid kale. Mukhtaar Xaaji Aadan ayaa lagu sheegay magaca qofka rayidka ah ee geeriyooday, kaasoo kamid ahaa dadka degaanka. Askarta AMISOM ee la beegsaday ayaa xiliga uu falku dhacayey biyo ka dhaan-sanayey ceel biyood ku yaala degaanka Buurane, halkaasoo shacab ku sugnaayeen. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-habeen-21022020-sax.mp3 View the full article
-
Bangiga Dowlada Puntland ayaa wuxuu yeelanayaa dhisme cusub oo Amaankiisuvaad u sareeyo, Sidacay Puntlandi.com u sheegeen Xubno ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland. Dhismaha Aqalka Bangiga [...] Source
-
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo isla markaasna ah Taliyaha Ciidamada Axmed Madoobe ayaa maanta wuxuu booqdey jiida hore ee Ciidamada ku wajahan Jamaame. Madaxweynaha ayaa Ciidanka [...] Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Cayr/Habargidir ayaa ka digay in lagu dagaalamo magaalada Dhuusomareeb, oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Hadalkooda ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusomareeb la sheegay inay wadaan qorshe ay Ahlu-Sunna uga saarayaan Dhuusomareeb. Ciidamadaas ayaa xalay si buuxda ula wareegay dhammaan ilaha dhaqaalaha ee magaalada. Odayaasha oo shalay ku shiray Dhuusomareeb ayaa sheegay in amniga Galmudug uu yahay mid lama taabtaan ah, oo aan gorgortan geli karin. Waxay ka digeen in la weeraro xarunta Inji oo ay degan yihiin madaxda Ahlu-Sunna, islamarkaana laga saaro magaaladii ay usoo dagaalameen, waxayna ku baaqeen in saamigooda laga siiyo Galmudug. “Waxaan uga digeynaa dhallinyarada in ay hubkooda u adeegsadaan dad aan ahayn kuwii loogu talo-galay in lagula dagaalo,” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka hadlay. Odayaasha ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay raali-gelin buuxda ka bixiso odayaashii Guriceel lagu celiyey xilli ay u socdeen Dhuusomareeb. Hoos ka daawo muuqaalka odayaasha.
-
SIYAASADAHII GABOOBAY EE GEESKA AFRICA HORE LOO SOO ARKAY NATIIJADOODA QARNIGII TAGEY AYEY AHAAYEEN COLAADAHA , CADAAWADAHA IYO DAGAALADU , MANA AHA MAANTA IN DIB LOO HURIYO . ( Hadii soomaalidu u aragto in dano qoomiyadeed bilaabmeen waxa iman doonta in somalida Bariga Africa oo dhami midowdo oo ay noqdaan dawlad xoog badan oo khariidad kale sameysanto ) Marka sida wanaagsan loo fikirayo aragti ahaan waxa aan aaminsanahay Ethiopia oo horumarta , iyo Djibouti oo horumarta iyo Somalia oo nabad noqotaa intuba waa danta Somaliland midna Somaliland waxba kaga xumaan mayaan waxa ugu hagaaga mooyaane , iyada oo ay jiraan tartanadu hadana horumarkeenu wuu isku xidhan yahay , hoos u dhaceenuna wuu isku xidhan yahay , iyaguna sidaasi oo kale Somaliland oo aqoonsi hesha oo horumartaa waa wanaagooda iyo ka gobolka guud ahaan. Shacabka ku nool dalalka Ethiopia , Somaliland, Somalia iyo Djibouti waxa ay wadaagaan dano badan oo ka dhexeeya , mana aha umad kala maarmaysa dhinaca iskaashiyada nolosha sababta oo ah Alle ayaa meel ku wada abuuray oo umaduhu way isku wada baahan yihiin. Marka ay timaado qadiyadaha la kala aaminsan yahay iyo siyaasadu way dhacdaa in marba hogaanka jooga dal siyaasadiisu raali galin waydo dal kale oo halkaa cunfi iyo cadaawadi ka timaado taasi oo marka ugu dambaysa natiijadeedu noqoto dagaalo iyo cadaawado hor leh oo cusboonaada. Haddaba maanta casrigan aynu joogno iyo marka la eego marxaladihii GEESKA AFRICA soo maray ee qarnigii tagey oo ay ku sagootiday cadaawado iyo dagaalo keenay burbur iyo dib u dhac uu gobolkani kaga hadhay gobolada kale ee Africa iyo guud ahaan aduunka looma baahna maanta in dib loo huriyo , ee waxa la rabaa in waxii hore la bogsiiyo. Su’aalaha yaala waxa weeyaan Geeska Africa in uu horumaro cidwaliba way jeceshahay , in colaaduhu ka dhamaadaan cidwaliba way jeceshahay, in cadaawadaha iyo dagaalada lagu badelo nabadgalyo iyo bogsiin waxii hore waa wanaag la soo wada dhaweynayo , e … maxaa la isku diidan yahay ee jira ? Waxa jira oo dhacda in danuhu iska hor yimaadaan ( Conflict of interest ) ama dariiqyada loo marayaa ay cidiba dhinac iska taagto taasina ay keento kala fogaansho iyo iska diidooyin siyaasadeed oo uu gobolkani galo oo dhalin karta colaado hor leh iyo dagaalo ka cusboonaada gobolka hadii uu u muuqdo mid maalinba cida awooda is bidaa inta kale muquuniso oo doonto in ay uga faaiideysato danaheega. Marka laga yimaado dalalka gobolkani Geeska Africa waxa jira isaguna awoodo kala hororsi iyo tartano ka dhexeeya qoomiyadaha ku nool gobolka Geeska Africa oo aad u badan kaasi oo dhalin kara cadaawado iyo cunfiyo dib u abuurma oo dhaliya is nacayb dagaalo iyo in umaduhu kala xidh-xidhmaan , taasina maaha mid maanta loo baahan yahay. Somalidu waxa ay ka mid tahay qoomiyad ahaan quwadaha ugu waaweyn Geeska Africa , hadii haddaba siyaasaduhu u muuqdaan qaar dano qoomiyadeed waxa isweydiin leh maxaa dadka soomaalida ah ugu jira isbadelka Geeska Africa qoomiyad ahaan ee daaiido ah , ama maxaa khasaare ah ee ka soo gaadhi kara siyaasadaha ka socda gobolkani maanta ? Jawaabteedu waxa ay u taalaa dadka soomaalida ah . Markaa isbadelkageeska Africa iyo arimahamaanta socda ” hadii soomaalidu u aragto in dano qoomiyadeed bilaabmeen waxa iman doonta in somalida bariga Africa oo dhami midowdo oo noqoto dawlad xoog badan ” isla markaana Bariga Africa oo dhami yeesho waji siyaasadeed iyo qaab ka duwan noocan uu maanta u habeysan yahay. Haddaba sidaasi oo kale ayaa la doonayaa in dalal ahaana loo xisaabtamo oo la yidhaahdo dalka Somaliland maxaa ugu jira isbadelka siyaasadeed ee ka socda gobolkani Geeska Africa , Djibouti maxaa ugu jira , Somalia maxaa ugu jira , Ethiopia maxaa ugu jira ? oo la isweydiiyo mala gaadhay xili si siman loo xisaabtami karo oo isbadel dano iyo dhaqaale aan is muquunin jirin la gali karo ? Jawaabta waxa aan u dhaafayaa akhristayaasha. Haddaba waxa aad moodaa in maanta siyaasadii gabowday ee Gobolkani Geeska Africa iyo Jamhuuriyadii Somalia ba ku burburtay in boodhka laga jafayo , waxa aan aaminsanahay in hadii dhinacaa loo kaco uu Gobolkani waajihi doono colaado iyo carqalado ka xun waxii hore u soo dhacay oo guud ahaan dadka ku nool gobolkanina aan dantooda aheyn. Markaa waxa aan soo jeedinayaa in aanu dalna dalka kale ku qasbin rabitaankiisa iyo sida ay danihiisu yihiin , hadii uu taa isku dayona ha u diyaar garoobo foolxumada iyo cawaaqibka ka dhalan doona mustaqbalka dhow , sababta oo ah waxa aad maanta qabanayso waa natiijada waxa aad helayso barito. Maanta waxa la joogaa goortii gacmaha la is qabsan lahaa ee horumarka wanaaga iyo xalka laga shaqeyn lahaa , dagaalada , colaadaha iyo cadaawadaha gaamurayna lagu badali lahaa nabadgalyo iyo is jacayl wax wada qabsi iyo walaalnimo la isku ixtiraamayo dalba dalka kale , waxii horumar ah ee la wadaagi karona la wadaago . Marka aynu hadaba xaqiiqda siyaasadeed ee masnta lagu sugan yahay iyo danta guud ahaan gobolkani Geeska Africa aynu u soo noqono , marka koowaad waa in arimaha #Somaliland iyo #Somalia la dhameeyo iyada oo si dhex ah oo aan xaglin iyo dano gaar ahi ku jirin loo galo , waa in la ixtiraamo halgaadii dadka reer Somaliland u soo galeen gobanimada iyo dawladnimada ay maanta haystaan oo 1885 ilaa 1991kii socday. Hadii la eegayo danaha dadka Somalida ah ugu jira Somaliland oo dawlad noqotaa waxa aan is leeyahay way uga faaiido badaneysaa danihii midnimadii Jamhuriyadii burburtay ee Somalia sababta oo ah , Bariga Africa waxa ka jiraya 3 dawladood oo soomaali hogaamiso iyo laba dawladood oo ay qayb ka yihiin , markaa maadaama ay isku dano yihiin waxkasta oo ay olole ka galaan wuu hirgalayaa hadii ay noqoto IGAD , AU , UN iyo meelwalba oo wax kaga xudhmaan. Aragtidayda Muxamed Dhimbiil Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ujeedka ay Hargeysa u yimaadeen wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda dalkaas Axmed Shide. Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyey in wafdigaas ay u socdeen qorshe la xiriira imaatinka madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa. Koore ayaa sheegay in wafdiga Axmed Shide aanay wax culays ah ku saarayn xukuumadda Somaliland sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa, taasi oo horey ay u diiday Somaliland. Waxa uu intaas ku daray in aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka. “Wax allaale wax arrintaa ka jiraa ma jiro. Waxaa cad oo meel looga leexdo lahayn in madaxweynaha Somaliland laba cisho ka hor sheegay mawqifka Somaliland taaggan tahay marka meel wasiir wax ka odhan karo way dhaaftay goleyaasha ayuu madaxweynuhu u sheegay siyaasadda Somaliland halka ay taaggan tahay iyo waxa umadda Somaliland rabto,” ayuu yiri. Koore ayaa sheegay in ujeedka wafdigaas uu ahaa arrimo ganacsi, gaar ahaan dekedda Berbera oo Itoobiya ay samai kula leedahay DP World iyo dowladda Somaliland, iyo jidka Berbera Corridor. “Dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh aad u dhaw oo degaan ahaan iyo dal ahaan aan kala maarmin, waxa laga wada hadlayay danaha guud ee umadda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya haddii ay tahay ganacsi, DP World iyo Berbera Corridor” ayuu yiri Koore. Weftiga Itoobiya ayaa la sheegay in uu maanta dib u laabtay magaalada Addis Ababa. Somaliland weli wax war ah kama aysan soo saarin cidda la kulantay wafdiga iyo waxyaabaha ka soo baxay.
-
By ABDULKADIR KHALIF Somali President Mohamed Abdullahi alias Farmaajo signed into law the electoral bill on Friday, passing one more hurdle for the country to hold planned polls this year. The president signed the bill into law during the closing ceremony of the 6th assembly of Somalia’s 10th Parliament, allowing the legislators to take a two-month break. The law allows every eligible citizen to directly vote for their leaders, as opposed to the system where clan elders selected delegates to vote for leaders. “You, the people of Somalia, can see that the bill had been endorsed by both the Peoples’ Hall and by the Upper House, and I have signed it in this ceremony. It returns the power to you so you can vote for the (political) party you choose and for the person you want,” Farmaajo said. The gathering that started on Thursday evening went on beyond midnight at the Villa Somalia, the official residence of the Somali President in Mogadishu. The new law is expected to advance the democratic process of the Horn of Africa country, which seeks to hold the first all-participating elections in five decades. Somalia has held four presidential elections since 2007. But they were mostly done through a type of college system where clan elders nominated delegates who in turn elected MPs. The MPs then voted in the President. This year, Somalia and its partners plan to involve every eligible citizen to take part, although it is unclear for now whether it will be universal suffrage given the security situation in the country. The bill had earlier been approved by the Peoples’ House (the lower chamber of Parliament) on December 28 last year and by the Upper House (Senate) on February 2 this year. If implemented, Somalia could either hold polls this year or early 2021, offering citizens a chance to elect MPs and senators for the first time in 50 years. The last multiparty general election was held in Somalia on March 26, 1969 before a military junta of Siad Barre took over power on October 21 the same year. Source: The East African
-
Iranians are voting in their country's eleventh parliamentary election, seen as a test for the popularity of President Hassan Rouhani's reformist-moderate camp, as hardliners are expected to make gains. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay kiiska taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka Jeneral Maxamed Cali Bariise, ee madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu xilka ka qaaday, balse isaga uu sheegay inuu is-casilay. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad. Madaxweyne mansabka ummadda aad u hayso iyo magacii Alle ee aad ku dhaartay midna ma aadan dhowrin! Sida ku cad Qodobka 90aad dastuurka Madaxweynahu waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Wuxuuna magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal, xilkana waa ka qaadayaa markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu. Sidoo kale sida ku cad Qodobka 126aad ee dastuurka Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xilkoodu waa ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed. Lamana siyaasadeyn karo shaqada naftoodhurnimada ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan. Sida ku cad Dastuurka KMG ah afar wadiiqo midkood ayaa qofka mas’uulka ah xilka ama jagada uu ku magacaaban yahay uu ku banay karaa ama ku waayi karaa: In uu geeriyoodo. 2. In uu istiqaalad soo gudbiyo, lagana oggolaado. 3. In ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah. 4. In xil ka qaadis lagu sameeyo. Taliye Xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) Gen Maxamed Cali Bariise wuxuu waraaq iscasilaad ah u qoray Madaxweyne Farmaajo 18kii bishaan, isagoo ku sababeeyay iscasilaadiisa marxalada adag ee CXDS ku suganyahay iyo faragelinta siyaasadeed ee shaqada ciidanka lagu hayo. Madaxweyne Farmaajo labo mid in uu yeelo ayaa u furneed: In uu ka aqbalo iscasilaada sidaasna ku shaaciyo istiqaalada taliyaha. In uu ka diido kuna amro in uu shaqadiisa sii wato, kalana shaqeeyo taliyaha sidii loo xalin lahaa mushkilada heysata maadaaba isagu uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Labadaas midna ma yeelin ee Madaxweynuhu labo maalmood kadib ayuu Facebook giisa ku soo qoray in uu xilka ka qaaday taliyaha si tayeyn iyo qaabeyn loogu sameeyo CXDS. Madaxweyne Farmaajo waa markii boqolaad ee uu ka been sheegayo mansabka ummadda uu u hayo iyo magacii Alle ee uu ku dhaartay in uu xilkiisa u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrayana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla. Waana sifo ka mid ah sifooyinkii Rasuulkeena Suuban NNKH nooga digay. Qofka la yimaadana lagu sheegay sifooyinka ama calaamadaha MUNAAFIQA: Haduu kuu sheekeenaayo been ayuu kuu sheegayaa (إذا حدث كذب). 2. Hadii aad balantaan balanka ayuu kaaga baxayaa (وإذا وعد أخلف). 3. Hadii aad aamintana wuu ku qiyaamayaa (وإذا اؤتمن خان) Alle ayaan ka magan galnay. Mudane Madaxweyne wali rajo ayaan kaa qabnaa waxaan kuu soo jeedinaynaa in aad isdabo qabato inshaa’allah. Mahadsanid. Hon. Mahad Salad
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa soo jeediyey in daryeel la siiyo ciidamadda si uu isku bedelo hab-dhaqankooda isla markaana u sugaan ammaankooda. Garaad ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan mareegta Facebook-ga. Hoos ka akhriso faalada Yuusuf Garaad Muqdisho waxaa ku badan baraha ciidan ee baabuurta lagu baaro. Ka dib marka isha la mariyo dadka fuushan baabuurka, darawalka ayaa la weydiiyaa meesha uu u socdo iyo Aqoonsi. Markii aan u fiirsaday waxay ila noqotay in aan soo bandhigo qoraalkan oo ah talo. Waa daryeel loo awoodo, ciidanku aanuu wada haysan, kana maarmin. Goobaha fatashka oo magaalada ku tiro badan, wiilasha ciidanka ah ee jooga ee shaqada muhiimka ah hayaa waa nafleey. Askarta waddada taagan iyo kuwa ag fadhiya, kuwooda aan haysan waa in ay dhakhso u helaan daryeelka asaasiga ah ee ciidan iyo aadane oo dhan aanay ka maarmin. Ugu horreyn, waa in askari kastaa uu helo biyo uu cabbo. In aanuu cidna weydiisan ee uu leeyahay meel uu ku sii daayo wasakhda aan jirkiisu u baahnayn. Meelaha qaar waxaa xal noqon karta musqul yar oo hal qof uun qaadda oo mobile ah. Askarigu waa in uu helo meel uu ku nasto ama uu seexdo saacadaha aanuu ilaalada saarnayn. Waxay u baahan yihiin in la isu wada ekeysiiyo, loona ekeysiiyo ciidan Dowladeed. Waxay u baahan yihiin in ay lahaadaan lebbis ciidan oo isku nooc ah, astaamo isku nooc ah lehna astaan lagu aqoonsado. In lagu tababbaro, ka dibna lagu kormeero anshaxa siiba qaabka uu askarigu u fadhiyo, heybadda uu u taagan yahay, hannaanka uu qoriga u haysto, sida uu u socdo iyo asluubta uu ula hadlayo muwaaddiniinta waddada maraya. Marka laga reebo anshaxa iyo asluubta, talooyinka kale ee aan soo jeediyay waa laga maarmaa marka ay goobtu tahay bar aan joogto ahayn oo howlgal gaar ah loogu talo galay saacado kooban. Talooyinkaan qaarkood waxaan soo billaabay in aan soo gudbiyo xilli hadda laga joogo shan sannadood. View the full article
-
Muqdisho (SNM) – Shirka maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Kulanka waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish]. Ajendaha ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa dardargalinta amniga magaala madaxda, nadafada iyo kordhinta dakhliga. Gudoomiye Cumar Filish ayaa la sheegay in uu ku amray guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay xooga saaraan bilicda magaaladda. Sidoo kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa la faray in ay la xisaabtamaan dadka xoolahooda kusoo dhex-deynaya magaaladda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxay si furan ka hadlay sababta aan wax guul looga gaareyn wada-hadalka Somaliland. Cabdulle Faarax Xirsi, oo kamid ahaa baarlamaanka 8aad ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay dedaalada u dambeeyay. Xirsi oo ka qeybgalay barnaamijka Dooda Jimcaha Shabelle ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaga mahadceliyey in uu kulan siiyey madaxweyneyaasha Dowlada federaalka ah iyo maamulka Somaliland. Mudanaha ayaa daboolka ka qaadey in talaabadaas ay tahay mid horey loo qaadey oo isu soo dhaweyneysa labada dhinac. Dhanka kale, aqoonyahan Injineer Nuur Sheekh ayaa kasoo horjeestay aragtida Xildhibaan Cabdulle Xirsi. Wuxuu ku adkeystay in aysan muhiim ahayn dhinac afaraad oo u kala dab-qaado Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna arrintaas ku qeexay mid caqabad ah isla markaana aysan guul keeni karin. Wada-xaajoodyadda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad ku jira muddo sanado ah, waxaana dowladda Farmaajo fileysaa in ay dib u bilowdo. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey xaflad lagu xirayo kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in xillgan laga bilaabo uu dalku doorasho aadayo. Arrintan ayaa dhaceyso iyada oo uu Farmaajo saxiixay sharciga doorashada oo ka soo gudbay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Dhanka kale, waxaa jira khilaaf u dhaxeeya maamulka Farmaajo iyo dowlad goboleedyada oo hadalkiisa ka dhigaya mid iska hadal ah. Guddiga doorashada madaxbannaan ee qaranka ayaa horay u sheegay in March ay qorsheynayaan in ay diiwaan geliyaan codbixiyeyaasha taasi oo aan hadda dhici karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Maanta oo kale waxaa Caalamka laga xusaa maalinta Afka hooyo, waxaana bishii Nofembar sanadkii1999-kii shir ay qabatay Hey”adda UNESCO ee Qaramada Midoobay, la isku raacay in wixii ka dambeeyay 2-dii kun sanad kasta la qabto xuska maalinta Afka Hooyo. Afka Soomaaligu waxa uu ka mid yahay luqadaha looga hadlo Qaaradda Afrika,gaar ahaan Geeska Afreika,waana luqadda keliya ee kulmisa dad aad u fara badan oo ku kala baahsan ama ku kala noo dhul aad u ballaaran oo dhaca ama u dhexeeya Gacanka Tojorra ilaa iyo Webiga Tana ee Waqooyi Bari Dalka Kenya. Inkastoo Farta Soomaaliga la qoray sanadkii 1973-dii,haddana waxaa jiray xoriyadda ka hor dad badan oo aqon u lahaa luqadaha Faransiiska,Ingiriiska ,Carabiga iyo Talyaaniga,isla markaana gacan ka geystay soo ifbixii ama hindisihi lagu qoray Afka Hooyo. 1-di July sanadkii 1961-dii, Dowladdii Rayidka ee uu hoggaaminaayey Aadan C/lle Cismaan,waxaa la aasasay mac-had iyo qorayaal Soomaliyeed oo ka baaraan-dega habka loo heli karo qoraalka Far Somaaliyeed oo qoran,hasa yeeshee,isku daygaasi waxa uu noqday mid fashilma ka dib markii la isku qabtay nidaamka xuruufta ee farta Laatiinka iyo Carabiga. Sanadkii 1971 waxaa Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii ay ku guuleysteen magacaabidda Guddi ka soo tala ixiya habka loo qorayo Afka hooyo,Guddigasina waxa iska ku yimid fashil la kale. Bishii Oktoobar 21keedii, sannadkii 1972-dii Dowladdi Kacaanka aheyd ee Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday go’aan ah in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo isbeddel yar lagu sameeynaayo nidaamka erayada,gaar ahaan xarfaha shaqalada iyo shibanayaasha. Bishii Jannaayo 21-keedii 1973dii,waa markii ugu horreysay ee uu dalka Soomaalia ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, isla markaana Manhajka waxbarasho loo adeegsado Dugsiyada Dalka,ka dib kolkii Guddi Aqoonyahanno ah oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudigii qorista Afka Soomkaaliga ay diyaariyeen nidaamka naxwaha Afka Hooyo. Weey iska muuqata in ay jiraan burbur ku yimid luqadda Afka Soomaliga,hasa yeeshee marka loo eego tirada dadka wax qora ama wax akhriya aad ayeey u kordhayaan, sababtuna waxa ay tahay Hey’ado gaar ah ayaa burburkii ka dib xil iska saray sii ambaqaadidda Manhajyadii waxbarasho ee dalka,inkastoo Aqoontii cilmiga ay ku fudbiyay luqado Ajanabi ah. Mas’uuliyiinta Dowlada,gaar ahan kuwa Waxbarashada oo kaashanaaya maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa ku howlan soo celinta nidaamkii waxbarasho ee dalka,waxaana haatan socda dadaallo Gobolada Dalka loogu qeybinaayo manhajyo ku qoran Afka Hooyo oo loo qorsheeyay mustaqbalka waxbarashada ardayda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-210220-SAX.mp3 View the full article
-
Budget carrier Jambojet has frozen plans to fly to Mogadishu after Somali authorities failed to grant the airline a morning landing slot. Source: Hiiraan Online
-
SALES TAX REGIME SPARKS DOUBLE TAXATION WORRIES IN PUNTLAND
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garowe ( PP News Desk) – Businesses in North Galka’yo under Puntland State were closed for trading yesterday in protest of a new sales tax regime introduced by Puntland Finance Ministry. Business owners take issue with the new taxation policy that obliges them have tax levied on their goods at a customs point and business premises. Puntland authorities in North Galka’yo temporarily detained business owners, who had voiced their anger at what they view as double taxation aimed at boosting Puntland government revenues at the expense of local businesses. Double taxation stifles entrepreneurship in Puntland Authorities confiscated equipment of journalists covering the story and manhandled three journalists. The Finance Ministry of Puntland has not commented on the controversial sales tax introduced in North Galka’yo. In a 2009 paper on taxation in Puntland Professor Mohamed Said Samantar of Puntland State University argued that the Federal Member State “does not have a clear-cut and well defined taxation policy such as … poverty reduction, export promotion and import substitution.” © Puntland Post, 2020 The post SALES TAX REGIME SPARKS DOUBLE TAXATION WORRIES IN PUNTLAND appeared first on Puntland Post. -
Dhuusmareeb (Caasimadda Online) Ciidamada Militariga dowladda ayaa la wareegay baraha lacagaha lagu qaado ee magaalada Dhuusmareeb sida ay sheegayaan warar laga helayo caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. Ilo wareedyo lagu kalsosonaan karo ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Militariga ay gabi ahaan la wareegeen barahii ay ciidamada taabacsan Maamulka Ahlu Sunna lacagaha ku qaadi jireen ee ku yaalla xarunta Galmudug. Ciidamadii halkaas lacagaha ku qaadi jiray ayaa isaga baxay goobaha ka hor inta aysan ciidamada Militariga imaan, waxaana la fahamsan yahay in goobahaas ay lacago uga soo xaroon jireen maamulka Ahlu Sunna. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa go’aamiyay la wareegista ilaha dhaqaalaha kulankoodii isbuucaan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo shalay shir gudoomiyay kulankii golaha wasiirada, waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda maamulka ee 2020, taasoo lagu sheegay 17,230,054.00 (Todobo iyo toban milyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar). Miisaaniyaddaan ay meerl mariyeen golaha wasiirada Galmudug waxa ay labo-laab ka badan tahay miisaaniyadii 2018 oo aheyd kaliya $8,000,000 (Sideed Malyan oo Dollar).
-
Dhuusamareeb (SMN) – Shaacir Sheegow ayaa la sheegay in uu iska casilay xilka Xildhibaanimo ee baarlamaanka Galmudug. Warqadda is-casilaadda ayaa lagu waramay in uu u gudbiyey guddoonka Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaas. Sidda ay tibaaxayaan warbixinadda, sababaha u isku casilay mudanaha ayaa la xiriirta “arrimo isaga gaar u ah”. Sharci-dejiyaha ayaa kamid ahaa 20-ka Xildhibaan ee ururka Ahlu Sunna Waljameeca uu lahaa baarlamaanka maamul goboleedkaas. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sareeye Guuto Jeneraal Maxamed Cali Bariise ayaa shaaciyey in uu is-casilay 18-kii Febraayo sanadkan 2020. Hadalka Bariise ayaa kusoo aadaya iyaddoo Madaxtooyadda Qaranka ay baahisay in xilka laga qaadey sarkaalkan. Wareegto uu la wadaagay saxaafadda ayuu ku shaaciyey in uu shaqadda kaga tegay faragelinta siyaasadeed ee ciidanka. Hoos ka akhriso wareegtadiisa View the full article
-
Nairobi (SMN) – Wararka ka imaanaya sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in laga dareemayo xiisad aad u xoogan. Xiisadda ayaa ka dambeysay markii ciidamadda dowladda federaalka ah ay talaabeen dhanka Mandeera. Warbixinada ayaa intaas ku daraya in ciidanka ay doonayaan in ay burburiyeen fariisimo uu halkaas ka sameysanayo wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan oo halkaas dhaqdhaqaayo culus kawada. Dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in uu gedaal dhexmaro Ciidamadda labadda dowladood. Cali Rooba, gudoomiyaha Mandera, ayaa sheegay in aysan aqbali karin in lagu dul-dagaalamo shacabka ay metelaan. View the full article
