Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. EDITORIAL. The SIDRA Policy Brief on youth radicalisation in Somalia contains an implausible theory about motivations of young Somalis who join Al-shabaab. SIDRA argues that youths from Puntland join the group for ideological reasons whereas Al-shabaab recruits young men from other parts of Southern Somalia for empowerment goals. Ideology is defined as a set of dominant ideas in society or a way to conceal how power is exercised. The distinction SIRDA draws between between the two sets of “motivations” pays no attention to what young recruits do once they join the proscribed group to advance interests of the terrorist organisation. Guled Salah Barre: Will he defend or retract SIDRA Policy Brief? New recruits gather intelligence, support assassination squads, assassinate identified targets, collect “tax” from businesses or identity potential recruits in the community. In 2016 Al-shabaab fighters who launched the foiled attack against Puntland recruited In South-central and Southern, inter-riverine regions. Mr Guled Salah Barre, the founder and the Executive Director of SIDRA, is the Chairperson of Transitional Puntland Electoral Commission. He was a Minister under the administration of Dr Abdiweli Mohamed Ali. It is the responsibility of Guled to defend or retract the misleading information in SIDRA Policy Brief about Puntlanders in general and Puntland youths in particular. Once a young man becomes radicalised there is no doubt that commitment to ideals and goals of the terror group he had joined is uppermost in his mind. © Puntland Post, 2020 The post SIDRA AND AL-SHABAAB IDEOLOGY appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka banaadir Muuse Macalin Maxamed oo ka qayb galayay munaasabad lagu waynaynayay 50 sano guuradii kasoo wareegtay markii la’aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Carruurta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku qabaan xabsiyada dalka. “Carruurta ma qaadan Koriimo ku filan jirkooda, waxaa suurta gal ah in lala xiro dad ka da’ weyn oo ay macquul tahay in ay galeen dambiyo kala duwan sida in ay dilal geysteen, waxaan codsanayaa in loo dhiso qolal u gaar ah, waxaana ku filan labo qol oo loo dhameystiray waxyaabaha ay u baahan yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha. Waxa uu sheegay in aysan jirin Xabsi u gaar ah Caruurta oo loogu talagalay in lagu xero mararka ay galaan fal dambiyeedyada balse lagu dhex xiro dadka waawayn xabsiyada ay ku jiraan. Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray Guddoomiyaha in dhawaan uu xabsiga kasii daayay laba Caruur ah oo galay fal dambiyeed maadaama aysan jirin meel ugaar ah oo loogu talagalay in lagu xiro caruurta. “Labo todobaad kahor waxa aan Xabsiga dhexe kasii daayay labo carruur ah oo lagu helay dambiyo cad, balse sababta aan u sii daayay waxa ay ahayd in aysan gaarsiineen da’da ay mas’uulka ugu noqon karaan fal dambiyeedka, Xabsiga dhexe kuma ogi in uu leeyahay goobo u gaar ah Carruurta” Ayuu yiri.
  3. (SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeyay ka hadashay kulankii dhawaan dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay inay tahay arrin wanaagsan raali-gelintii Madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay dhibaatadii dowladda Kacaanka u geysatay shacabkii Gobolada Waqooyi, iyadoo xilligaas la adeegsanayay magaca dowladda. Sidoo kale Qoraalka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in aqbalaadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee raali-gelintii Farmaajo ay tahay mid muujineysa isku soo dhawaansho labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland. “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre, Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay tallaabadan inay tahay mid taariikhi ah” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya. Si kastaba kulankii dhexmaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kasoo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa Xalay Saqdii dhexe uu dab ka kacay, waxaana ka dhashay khasaare Hantiyeed. Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidammada Dab-damiska Caasimadda Hargeysa, kaasi oo u qornaa sidan “Abaaro 2:45 ee habeenimadii xalay ayaa dab xooggan ka kacay goobta sawirrada Caafimaadka ee Hayat Diagnostic Centre, dabkan oo ahaa dab laxaad leh ayaa ka bilaabmay dhismaha oo ka koobnaa laba qaybood, dhisme hore iyo dhismayaasha dambe ee casriga ah. Dhismaha qaybta hore ayaa dabku ka bilaabmay kuna xooganaa iyadoo halkaasna ka dhashay khasaare hantiyeed, halka dhismaha cusub ee fooqa ah ay ciidanka Dab-demisku dabkaa ka xakameeyeen kana hor istaageen inuu ku fido dabku, iyo meherado oo u badnaa bakhaaro oo ku dhinac yaalay. Dabkan waxaa ka hawlgalay 12 Gaadhi oo Dab-demis ah iyo 85 Xubnood oo heegan u ahaa haddii dabku sii fido, kuwaasoo ka kala yimi dhamaan xarumaha ciidanka Dab-demiska Caasimadda Hargeysa. Waxaa dabkan dhaawac ka soo gaadhay 4 Xubnood oo Ciidanka Dab-demiska ah, kuwaasoo ku hawlanaa xakamaynta iyo nabadgelyanta qalabka cusbitaalka. Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa isagoo hawlgalka ku jira laba jeer ku siibtay marmarka goobtaas. Hawlgalkan ayaa ilaa habeenimadii xalay ilaa saaka subaxdii hore ay heegan ku ahaayeen goobtaas Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Taliye Xigeenka, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska iyo dhamaan saraakiisha ciidanka, sidoo kale waxaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay labada Taliye qaybeed ee Ciidanka Booliska Caasimadda iyo xarumahooda. Dabkan ayaa la soo gabagabeeyay abaaro 6:45 Subaxnimo ee subaxnimadii hore saaka, waxaana ciidanka Dab-demisku badbaadiyeen hanti badan oo dhex taalay dhismaha goobtaas, iyadoo dhamaan dabkaas laga hakiyay dhismaha cusub ee xarunta oo ay yaalleen qalab aad u farabadan.” Allaa Mahad Leh. Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL Hargeysa/Somaliland 990 Gurmadka Degdega ah ee Ciidanka Dab-demiska Source
  5. Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo degaanka Muqokori. Howlgalka oo la sheegay in uu ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka u dhaxeeya degaanka Moqokori iyo degmada Maxaas ee gobolkaasi Hiiraan. Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay Alshabaab ka soo furteen in ka badan 400(Afar boqol) neef oo ari ah oo ay dadka shacabka ka dhaceen. Xoolahaas ayaa dadkii lahaa ciidamadu dib ugu celiyeen sida laga soo xigtay Saraakiisha. PUNTLAND POST The post Militariga dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab ka furtay in ka badan 400 oo ari ah appeared first on Puntland Post.
  6. Guddoomiyaha Kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) ayaa sheegay in kooxaha kubbadda cagta ay ku qanacsanyihiin habka ay wax u wadaan madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta oo iyaga doortay 15 November 2018 wuxuuna intaa ku daray in mudoodayinkii lasoo dhaafay kubbadda cagta dalka laga dareemay is badalo waaweyn. Dib u doorashadii guddiga fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta ka dib waxaa is badalo waaweyn lagu sameeyay hanaanka shaqo waxaana guddiga fulinta ay go’aan ku qaateen in mudada ay joogaan xafiisyada shaqada la horomariyo gobolada iyo dib u habeyn lagu sameeyay guud garoomada Kubbadda Cagta dalka waxaana iminka gabo gabo ah garotada Jamaacadaha iyo Stadium Muqdisho. Mudada xiligeeda guddiga fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa ku eg sanada 2022 waxaana Guddoomiyaha Kooxda Geeska Afrika ,Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) oo sheegayaa mudada u hartay in lagu tilaab sado horomar waaweyn ee guul ah kubbadda cagta Wadanka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Kubbadda Cagta Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Dhakar)-Ramla Cali oo ah gabadh Soomaaliyeed ayaa u soo baxday Rubuc dhammaadka Isreebreebka Feedhka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ee magaalada Tokiyo ee Cariga Jabaan. Ciyaartaasi oo ka dhacday magaalada dhakar ee dalka Senegaal, ayay Ramla garaacday Beatrice Akoth oo u dhalatay dalka Kenya, waxayna hadda u baahan tahay inay kulanka soo socda guulleysato, si ay taariikh u sameyso, islamarkaana ay u noqoto gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Feedhyahanad ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olambikada Adduunka. Ramla Cali ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho balse waxa ay hadda ku nooshahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.Tartano badan oo ay ka qeybgashay ayay Ramla ku guulleysatay billado. Source
  8. Ceel-Cali (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan deegaanka Ceel-Cali ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhaxeeyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka Deegaanka. Dagaalka dhex maray dadka Deegaanka Ceel Cali iyo Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii deegaanka lagu arkay Dhagax qaali ah oo dadka deegaanka ay heleen. Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo maqlay Dhagaxa Qaaliga ah ee heleen dadka Ceel Cali ayaa weerar kusoo qaaday, waxayna taas keentay inuu qarxo dagaal dhiig badan ku daatay. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo Shacab ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen ilaa 5 qof oo kale. Sidoo kale dagaalka ayaa wuxuu Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda deegaanada lagu dagaalamay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay loo soo farmuqay dadka helay dhagaxdaas, taas oo sababtay in ay weerar ku qaadaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhagaxda gaadiid sida lagu qabtay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in Muqdisho loo soo wado, si looga iibiyo dadka daneeya. Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Ceel Cali ayaa arrintaan ku tilmaamay wax laga xumaado, iyagoo xusay in Dhagaxaas uu keenay dhimashada 2 qof oo Shacab ah iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.
  9. Dowladda Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee (week in the horn) uga hadashay raalli-gelintii uu madaxweynaha Soomaaliya u diray reer Somaliland. Warbixintaan oo todobaad weliba ay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in sidoo kale madaxweyne Biixi uu aqbalay raalli-gelintaasi. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid loo qaaday dhanka horumarka iyo isku dhowaanshaha xiriirka labada dhinac. “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxa uu soo dhaweeyay raalli gelinta dadwaynaha ee uu Madaxweyne Farmaajo ka muujiyay xasuuqii Siyaad Barre, Madaxweyne Biixi ayaa ku ammaanay tallaabadaas mid gaar ah oo taariikhi ah, Ku dhawaaqista Farmaajo go’aankaas ee 13-kii Febraayo todobaadkii tagay ayaa kamid ah tilaabooyinki ugu dambeeyay ee ay arkeen is afgarad ka dhexeeya labada dhinac, Toddobaadkii la soo dhaafay labada waxa ay wada qaateen kulankoodii ugu horeeyay taariikhda oo ahaa mid Albaabada u xiran oo ay ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yiri qoraalka. Arrintaan aya ku soo aadaya, iyadoo dhowaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo midka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay kulankoodii ugu horreeyey ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya View the full article
  10. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada milatariga Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa si gaar ah waxaa looga dareemayaa agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay baarayaan gaadiidka kala duwan ee isaga kala gooasha halkaasi. Shalay ayey aheyd markii howlgal qorsheysan oo laga fuliyey inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye lagu dilay laba xubnoood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  11. Rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu mgacaabo Cabdirisaaq Axmed Ibraahim waxa ay ku dhaawacmeen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir Falka ayaa dhacay kadib markii ay raggaasi isku dayeen inay taleefanka ka dhacaan wiilkaasi dhalinyarada ah oo ka biyo diiday, kadibna ay rasaas ku fureen. Rasaasta ayaa sababatay inuu dhaawac xoogan soo gaaro Cabdirisaaq oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Maxamed Axmed Ibraahim oo la dhashay dhibanaha ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in ragga falkaasi geystay ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda, siduu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka tirsan yihiin ciidamada degan nawaaxiga Masjidka Cumar Cabrey oo ku yalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/shardi-.mp3 View the full article
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaas. Madaxweynaha ayaa saraakiisha kala hadlay dagaalka Al-shabaab, waxaana uu ku amray Saraakiisha Ciidamada ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka, si looga saaro degaannada ay ku sugan yihiin. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u ballan-qaaday Saraakiisha Ciidamada Jubbaland in la siin doono agab kasta oo ay u baahan yihiin, islamarkaana dhankooda looga baahan yahay in ay bilaabaan hawlgallada Al-Shabaab. Saraakiisha uu la kulmay madaxweynaha Jubbaland, ayaa laba Todobaad ka hor waxaa ay Magaalada Dhoobleey kusoo bandhigeen Ciidamo farabadan, kuwaas oo ay Saraakiishu sheegeen in ay fulin doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo cid kasta oo cadaw ku ah Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo amar siiyay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Dhoobleey appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-230220.mp3 View the full article
  14. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Cawil Shiikh Xaamud ayaa Caawa Ka Qayb galay Munaasabada Xuska 50-guurada as’aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Kulanka oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Asluubta Puntland, waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar, Xeer- ilaayaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan, Saraakiil Ciidan,Xubno ka socday Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale. Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka qeyb-galay Xuska ayaa ka sheekeeyay Taariikhda as’aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliya, waxaana ay hambalyo iyo bogaadi u direen Talisyada kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo xustay 50-guurada as’aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Gaari nuuca Raaxada ah oo ay la socdeen dad shacab ah ay waxyeelo gaartay kadib markii uu dul maray Miino la sheegay in wadada ay ku aasnayd. laba qof oo Rayid ah oo gaariga saarnayd ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxaas waxaana burbur uu gaaray Gaariga oo kasoo ambabaxay Degmada Afmadow una socday Magaalada Kismaayo. Gudoomiyaha Degmada Afmadow Yuusuf Xasan Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la aqoonsaday labada ruux ee ku geeriyootay Gaariga nuuca Raaxada ah gaar ahaan (Toyota Succed) oo kamid ahaa gaadiidka ka dhex shaqeeya inta u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gaariga uu dul maray Miino wadada ku aasneed isla markaana ay geliyeen Al-Shabaab oo ku sugan degaanka qaraxa uu ka dhacay sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Dad Shacab ah oo ku dhintay qarax kula kacay gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  16. Munaasabadda madaxweyne ku xigeenka loogu dhaariyay Riek Machar ayaa ka dhacday aqalka madaxtooyada dalka South Sudan ee ku yaalla magaalada Jubba. Munaasabadda waxaa goob joog u ahaa Madaxweyne Salvakir iyo Madaxa golaha madaxa bannaan ee Sudan Abdel Fatah Al-Burhan. Seddex madaxweyne ku xigeen oo kale oo uu yeelanayo dalka South Sudan ayaa sida oo kale lagu dhaariyey. Madaxweyne ku xigeennada seddexda ee la dhaarinayana waxaa ka mid ah xaaski madaxweynihi hore John Garang ee Rebeca Garang. Madaxweynenku xigeenka kalana wuxuu ka imanayaa isnbahaysiga xulafada mucaaradka ee isbahaysatay balse weli xulafada iskuma waafaqin cidda ay xilkasi u dhiiban lahaayeen. PUNTLAND POST The post Riek Machar oo loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenka South Sudan appeared first on Puntland Post.
  17. Dhoobley (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaas, isaga oo kala hadlayay la-dagaalanka Al-Shabaab. Waxaa uu Axmed Madoobe amray Saraakiisha Ciidamada ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka si looga saaro deegaannada ay ku sugan yihiin. Waxaa uu u balan qaadey Axmed Madoobe Saraakiisha Ciidamada Jubbaland in la siin doono agab kasta oo ay u baahan yihiin,hayeeshee dhankooda looga baahan yahay inay bilaabaan dagaalka Al-Shabaab. Saraakiisha uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland ayaa laba Todobaad ka hor waxaa ay Magaalada Dhoobleey kusoo bandhigeen Ciidamo farabadan, kuwaas oo ay Saraakiishu sheegeen inay fulin doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo cid kasta oo cadaw ku ah Maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe oo doorashadii uu ku qabtay Kismaayo kahor timid Dowladda federaalka, waxa uu wadaa abaabul uu dib isugu uruurinayo Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas, si aan saameyn taban ugu yeelan dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada DFS. Maanta waxa uu la kulmayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, waxaana kulan kale uu kula ballansan yahay Saraakiisha Kenya ee hogaamineysa howlgalka AMISOM gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.
  18. Dowladda Itoobiya ayaa markii u horraysay ka hadashay raali-gelintii madaxweynaha dowladda federaalka ah Soomaaliya uu maamulka Somaliland ka siiyay xasuuqii Siyaad Barre ka gaystay gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaareen. Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah”. Sidoo kale waxa warbixintaasi lagu sheegay in labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay magaalada Addis-Ababa ay ku qaateen kulankoodii ugu horeeyay oo albaabadu u xirnaayeen. “Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yiri Warbixinta todobaadlaha ee wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo ka hadashay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo uu siiyay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  19. Since 2016, Slovak legislation makes it impossible for Islam to become a state-recognized religion. Source: Hiiraan Online
  20. The Turkish government is moving to exploit oil, gas and mining prospects in Somalia by establishing a mechanism that will allow both private and state-owned companies to explore energy opportunities in the country, which is strategically located in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  21. The director of the Israeli Mossad and an army general in charge of the Israeli army southern operations conducted a secret visit to Doha earlier this month and met with the head of Qatari intelligence, Source: Hiiraan Online
  22. Dhacdo layaab leh ayaa waxaa ay ka dhacday dalkaasi Ireland kaddib markii nin lagu magacaabo Clifton Collins (49-jir) uu tagay saldhigga booliska uuna ku wargeliyay in ay ka luntay warqad ay ugu qornaayeen lambarsireedyada accoun-no ay ugu jireen lacagta loo yaqaan Bitcoin oo u dhigantay €55 milyan oo lacagta yuurada ah. Qisadan ayaa ku bilaabatay ninkan oo markiisii hore ka ganacsan jiray daroogada ayaa waxaa uu maal-gashtay lacagta internetka ka shaqeysa ee loo yaqaan Bitcoin, waxaana uu sannadkii 2011 soo iibsaday 6000 oo bitcoins xilligaas oo uu calaa xabad bitcoin marayay lacag u dhiganta 5 dollar, hadan qiimeheeda uu ku dhow yahay 1000 dollar (kun dollar) calaa xabad. Nasiibdarrada ku dhacday ninkan ayaa aheyd in xilliyadaas agteeda loo taxaabat xabsiga sababo la xiriira dambiyo daroogo oo lagu helay, isagoona loo jaray xabsi sanooyin ah. Isagoo ka baqayay in lacagtiisa bitconka uu hal accoun isugu geeyo dabadeedna ay ka jabsadaan qowleysatada internet-ka ayaa waxaa uu sameeyay in uu lacagtiisa u kala qeybiyay dhowr account kuwaas oo uu u kala yeeshay nambar sireedka uu ku daabacday warqad A4 ah, sidaasna uu ugu qarsaday goob kiro ah uu daganaa islamarkaana ku beeran jiray daroogada. Markii la xiray, oo ninkii guriga lahaa heli waayay lacagta kiradiisa ayaa waxa uu qashinka ku daray dhammaan agabkii ninka oo uu ku jiray sanduuq yar oo warqadda lambarsireedyada lagu dhex qariyay. Rajada in uu dib u helo warqadda ay lambarsireedyada ugu qornaayeen ayaa aad u liidata, sababtoo ah qashinkii nawaaxigaas laga qaaday waxaa loo diray dalka Shiinaha. Lacagta Bitcoin-ta Marka hadda waxaa accounadaasi ku jirta lacag dhan 55 milyan oo EURO taas oo aan cidi la bixi karin marka laga reebo ruuxa haysta ama hela lambar-sireedyada. Baarayaal ka socda Garda Síochána (Booliska Ireland) ayaa warbaahinta u sheegay in ay aaminsan yihiin sheegashada ninkan, balse aan ka gaar laheyn. Collins ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatadan ku dhacday loo aaneyn karo dabaalnimadiisa oo keliya. Qaran News
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay raali-gelintii uu Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu dhowaan ka bixiyey xasuuqii Siyaad Barre ee deegaanada Somaliland. Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaadheen. Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah”. Sidoo kale waxa warbixintaasi lagu sheegay in Labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay magaalada Addis-Ababa ay ku qaateen kulankoodii ugu horeeyay oo albaabadu u xirnaayeen. “Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yiri Warbixinta todobaadlaha ee Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid iyadu door weyn ka ciyaareysa in dib u furmaan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jirey, iyo weliba dajinta xiisada ka dhaxeysa labada dhinac.
  24. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa jawaab ka bixin doona “caburinta ay dowladda federaalka ku hayso” magaalada Dhuusomareeb, waxaa sidaas sheegtay mid ka mid ah 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna ugu jirta baarlamanka Galmudug. Xildhibaan Cibaado ayaa sheegtay maamulka Ahlu-Sunna ay hadda kadib u dulqaadan doonin bandowga dowladda Soomaliya ay ku soo rogtay magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Magaalada ayaa waxaa ku wada sugan Axmed Cabdi Qoor Qoor, oo ah madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo ah madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna. Xildhibaan Cibaado ayaa sheegtay in magaaladda Dhuusomareeb ay amni aheyd, ka hor inta la geynin ciidamada laga qaaday magaalada Muqdisho ee Haram-cad loo yaqaano, kuwaasi oo magaalada galiyay xaaladd bandow ah. Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadday in hoggaanka Ahlu-Sunna ay kulamo ka yeesheen xaaladda taagan, islamarkaana ay go’aan ku gaareen in jawaab laga bixiyo “caburinta ay dowladda Soomaaliya ku hayso” shacabka Dhuusamareeb. Xildhibaanka ma aysan shaacin nooca jawaabta ay bixin doonaan, hasee yeeshee cabsi xooggan ayaa ka taagan magaalada. Hoggaamiyaha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud ayaa 13-kii bishan ku dhowaaqay in Ahlu-Sunna ay lasoo baxayaan hubkooda, si ay uga hortagaan “fasaadka” ay dowladda ka waddo magaalada Dhuusomareeb. Hase yeeshee waxaa muuqata in maamulka iyo awoodda magaalada ay kasii dhamaaneyso gacanta Ahlu-Sunna, ayada oo dhowaan kooxdan lagala wareegay ilihii dhaqaalaha ee magaalada, halkii ay horey u lumiyeen awooddii ciidan.