-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirka Wada-tashiga Puntland oo uu 7-February ee sannadkaan iclaamiyay madaxweyne Deni, ayaa maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirka waxaa ka qeyb-galaya Golayaasha kala duwan ee Puntland iyo mas’uuliyiinta ku matala heer Federaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Qurba-joogta, qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Shirka oo sida qorshaysan goor dhow furmi doona, ayaan weli la shaacin ajandihiisa rasmiga ah, marka laga reebo cinwaanka guud, waxaana aad loo xaddiday warbaahinta madaxa-bannaan oo aan loo ogolaan in ay wax ka duubaan hoolka shirkaasi ka dhacayo. Guddiga qaban-qaabada, ayaa warbaahinta madaxa-bannaan u sheegay in aysan duuban Karin shirka, balse taas beddelkeeda loo ogolyahay warbaahinta dowladda oo keliya in laga qaato hadallada shirkaasi laga yiraahdo. Go’aankaas ayaa loo arkaa mid lagu faaf-reebayo warbaahinta madaxa-bannaan, si aysan u baahin wax aan dowladdu raalli ka ahayn. PUNTLAND POST The post Shirka Wada-tashiga Puntland oo Garoowe ka furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka baaqday Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-ka bisha Maarso ka furmaya magaalada Garoowe. Ilo lagu kalsoonaan karo, oo wasiirka ku dhow, ayaa sheegaya in dhowr sababood ay keeneen in Wasiir Jamaal uu ka biya-diido Shirweynaha isla markaana ka tanaasulo ka qayb-galkiisa oo dadka badankiisu ay aad u hadal hayeen. Sababta kowaad ee uu Wasiir Jamaal uga baaqday Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa salka ku haysa ujeeddada shirkan laga leeyahay iyo wakhtiga uu ku soo aaday oo ay dadka badankiisu u arkaan mid looga dan leeyahay in lagu mucaarado, culaysna lagu saaro Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiir Jamaal ka tirsan yahay. Sababta labaad ee keentay in Wasiirku ka baaqdo Shirweynahan ayaa la sheegay inay timi ka dib markii Wasiir Jamaal oo sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya uu la tashaday bulshada deegaanka uu metalo, iyaga oo Wasiirka kula taliyey inaanu aqbalin martiqaadka shirkaas oo aannu ka qaybgelin maadaama ay jiraan cabashooyin badan oo dadka deegaanku ka qabaan Maamulka Puntland iyo meesha wax loo wado. Ugu danbayntii, sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, Wasiir Jamaal ayaa la sheegay inuu shirka ka baaqday ka dib markii uu ku dooday inaanu diyaar u ahayn inuu goobjoog ka ahaado madal, sida uu rumeysan yahay “lagu kala fogaynayo shacabka Soomaaliyeed oo wakhtigan baahi weyn u qaba midnimo, dowladnimo iyo isu soo dhawayn.” Shirka Garoowe, ayaa madaxweyne Saciid Deni waxa uu ku baaqay kadib markii uu ka carrooday dowladda dhexe, oo uu ku eedeyey “inay dagaal ku hayso maamul goboleedyada.”
-
A total of 198 newly recruited Somali police personnel have graduated and are expected to boost ongoing efforts to maintain law and order in Hirshabelle State. Trained by police instructors from the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the police personnel including 21 women, on Thursday passed out at the Jowhar Police Academy. This is the third batch of Hirshabelle police recruits trained by AMISOM at the academy. They will be deployed in Hiraan and Middle Shabelle regions. So far, AMISOM has trained a total of 600 police officers, including this batch. At the colourful ceremony, they displayed a simulation exercise including drills, self-defence, and alertness. The Hirshabelle State Deputy President, Ali Abdullahi Hussein, urged the new police personnel to cooperate with the public to defeat the terrorists. “The police force should be friendly to the public to assist victims and apprehend criminals. They need to take action on terrorists and support efforts to restore peace and stability, which are essential for development,” Deputy President Hussein, told the recruits. The AMISOM Police Coordinating Officer for Hirshabelle State, Assistant Commissioner of Police (ACP) Yuyi Mwala, was confident of the capacity of the newly trained Somali police personnel. “We have delivered a good cadre of recruits,” said ACP Mwala. The Hirshabelle Minister for Security, Mohamed Abdirahman Kheyre, thanked AMISOM and international partners including the European Union, United Kingdom, Germany, and UNOPS, for their support in building the capacity of the police force in Somalia. “Hirshabelle plans to train 800 officers. We will soon start recruiting two hundred more officers, and the preparations have been finalised,” said Minister Kheyre. One of the police graduates, Amran Ali Hussein, said he was ready to apply the skills and knowledge acquired to secure Somalia. “I am ready to defend and serve my people and nation using my newly acquired skills,” said Amran. As part of its mandate, the AMISOM Police component trains, mentors, and advises the Somali Police Force (SPF) to help build their capacity and meet international policing standards. This is also contained in the Somalia Transition Plan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar____-Qumanaha-Wararka-14032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo saaray walaac uga muujiyey xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya, iyo tan dowladda federaalka iyo dowlad goboleeydada xubnaha ka ah. “Xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya iyo ciidamada isku urursanaya gobolka Gedo waxay abuureen xasilooni darro iyo khasaare nafeed oo gaaray shacabka. Sidoo kale dagaalkii bishii tagtay dhamaadkeeda ka dhacay Galmudug wuxuu abuuray xiisad,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Si guud, xaaladahan waa kuwa halis ah, waxayna weecinayaan kheyraadkii militari ee howl-gallada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ayaga oo halis gelinaya xasiloonida ay heshay Soomaaliya. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.” Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda. Ururka reer Yurub ayaa sidoo kale dalbaday wada-shaqeyn buuxda oo dhex-marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo saaxiibada gobolka. “Dhammaan dhinacyada ku lugta leh waa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo qaboojiyo xiisadda, islamarkaana ay is-xakameeyaan, ayada oo la xushmeynayo madax-banaanida xuduudeeda ee dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Midowga Yurub ayaa sheegay inay muhiim tahay xasilooni iyo wada-shaqeyn ku dhex marta Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya xuduudaha ay wadaagaan iyo danaha ka dhaxeeya. Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in taageerada militari iyo midda dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya ay ka dhigan tahay in la isla xisaabtamo. “Xaaladda militari ee iminka waxay ku baaqeysa in wada-xaajood deg deg ah laga yeeshto fulinta ahmiyadaha si wadajirka ah la isugu raacay ee siyaasaddda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Wada-xaajoodkan waa qodob muhiim ah, si loo sii wado xoojinta wada-shaqeynta wax ku oolka ah ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee ku dhisan isla xisaabtanka labada dhinac ah iyo iskaashiga.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qabatay shir ay iskugu yimaadeen hey’adaha Qaramada Midooday, deeq-bixiyaasha, hey’ado dhowr ah oo heer caalami ah iyo wasaaradaha ay khuseyso arimaha ka diyaar garowga Coronavirus. War kasoo baxay wasaaradda caafimaad ayaa lagu sheegay in shirkaas diiradda lagu saaray ka hortaga iyo la tacaalidda caCoronavirus, iyadoo qoraalka wasaaradda lagu xusay in looga hadlay kiisaskii la xariiray cudurkaas ee ka soo cusboonaaday dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya. Sidoo kale qoraalka caawa kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu xusay seddaxda qodob ee ugu muhiimsanaa shirkaas kuwaas oo kala ah. 1- In Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda. 2- In laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa, iyo 3- In la xoojiyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada kala duwan ee socda. Wasiirka caafimaadka Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay markii lasoo gaba-gabeeyey shirkaas ayaa sheegtay in markii cudurkaan lagu arkay dalalka deriska la ah Soomaaliya ay khasab noqotay in wasaaraddu ay iskugu yeerto wasaaradaha ay khuseyso arintan iyo hey’adaha taageera Soomaaliya, si wax la iskaga weydiiyo arrimaha Coronavirus. Sidoo kale wasiir Fowziyo ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbatay in la yareeyo isku socodka iyo safarrada, isla markaana meelaha lagu kulmo iyo shirarka aad loo yareeyo, hadii laga maarmi karana la iskaba joojiyo. Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay u xaqiijineyso in kiis la xariira Coronavirus aan weli dalka lagu arkin. Ugu dambeyntii wasiir Fowziya Abiikar ayaa xubnihii kasoo qeyb galay shirkaas looga hadlayey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus u mahad celisay, waxeyna ka dalbatay in lasii laba jibaaro dadaalada socoda, sibey tiri loo badbaadiyo bulshada.
-
Saxaafadda madaxa bannaanka ayaa laga xadiday shirka wadatashiga Puntland oo berri ka furmaya magaalada Garowe. Guddiga qabanqaabada shirka ayaa weriyeyaasha ku wargeliyey in aan la ogolayn in weriyeyaasha ka socda warbaahinta madaxa bannaan ay gudaha u galaan oo muuqaallo ka duubaan xarunta uu shirku ka dhacayo. Guddigu wuxuu sheegay in weriyeyaal ka socda warbaahinta dowladda iyo madaxtooyadda kaliya loo ogal yahay in ay goobjoog ka noqdaan oo muuqaallo iyo sawirro ka qaadaan xarunta shirka, kadibna ay la wadaagaan xogta shirka saxaafadda madaxa bannaan. Inkasta oo saxaafadda madaxa bannaan loo qeybiyey kaararka ka qeybgalka shirka, hadana sida aan ogaanay waxaa la qorsheeyey in la geeyo xarun ka baxsan goobta uu shirku ka socdo, taas oo la macne ah in aysan la socon doonin waxa ka socda xarunta shirka. Sababta sidaas loo sameynayo ayaa la aaminsan yahay in ay tahay in wararka shirka laga faafreebo warbaahinta madaxa bannaan. Dowladda ayaa warbaahinta u xadidaysa, si ay marin-habaabin ugu sameyso shacabka doonaya inay helaan xogta saxda ah ee shirka wadatashiga Puntland oo ilaa iyo hadda aan si dhab ah loo ogeyn ajandayaasha looga hadlayo. Waa arrin meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda Puntland, haddii aan warbaahinta madaxa bannaan loo oggolaan inay si xor ah uga warranto shirka wadatashiga Puntland. Dowladda hadda jirta ee hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa si adag u xakamaysay madax bannaanida saxaafadda iyo guud ahaan xuquuqda xorriyadda hadalka, waxayna taas bedelkeeda adeegsataa baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga. Maalin ka hor ayey ahayd markii Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu wacad ku maray in ay talaabo ka qaadi doonaan weriyeyaasha duuba waxa aysan jeclayn dowladdu. Qodobka 14-aad ee Dastuurka Puntland, ayaa qoraya in qofkasta uu u madax bannaan yahay fikirkiisa, uuna ku cabbiri karo hadal, qoraal, muuqaal, suugaan, saxaafad iyo hab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan. PUNTLAND POST The post Saxaafadda madaxa bannaan oo laga xadiday shirka wadatashiga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow Muqdisho ku soo gabagabeysay shir degdeg ahaa looga hadlayey Isku-xirka Hawlaha ka diyaar Garowga iyo k a hortagga Cudurka Coronavirus (COVID-19) , kaas oo dunida qalqal badan geliyey saacad welibana la arkayo kiisas cusub. Wasaaradda ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxaa ay soo saartay qoraal ayaa lagu yiri”Wasaaradda Caafimaadka oo Dawladda Soomaaliya hormuud uga ah hawlaha ka diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa maanta soo qabanqaabisay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo wasaaradaha ay khusayso arimaha ka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka coronavirus. Shirkaan ayaa daba socdey cudurka coronavirus ee kusii badanaya caalamka & gaar ahaan xaaladaha kasoo cusboonaaday waddama deriska ah. Ujeedooyinka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa: 1. in Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda 2.in laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii loga gudbi lahaa 3. in la xoojiyo sidii loo midayn lahaa dadaallada kala duwan ee socda. Kulanka ay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ay qabatay ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo caabuqa Coronavirus uu siweyn ugu sii baahayo dunida iyadoo xusid ay mudan tahay in kiisas caabuqaa laga helay wadamada dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa goor dhaw shaaciyey waqtiga loo qorsheeyey in ay dhacdo xafladda caleema saarka. Yuusuf Garaad oo fariin kooban soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in wada tashiyo dheer oo ay xubnaha guddigu madaxtooyada la yeesheen kadib la go’aamiyey waqtiga rasmiga ah oo la qabanay xafladda caleema saarka madaxda Galmudug. “Wadatashi Madaxtooyada Galmudug ka dib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay ka dhacdo Dhuusa Marreeb, Khamiis 26-ka Maarso 2020”ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray arintaas oo Dhuusamareeb ku sugan. Xafladaas ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan wafuud ka kala socota dowladda federaalka maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. 9-kii bishan ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood, kaas oo loo xilsaaray in uu ka soo shaqeeyo xafladda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxayna haatan xubnaha guddigaasi ku suganyihiin magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
-
Muqdisho (SMN) – Shir Deg Deg ah oo Ku Saabsan Isku-xirka Hawlaha Ka Diyaar Garowga & Ka Hortagga Cudurka Coronavirus (COVID-19) Wasaaradda Caafimaadka oo Dawladda Soomaaliya hormuud uga ah hawlaha ka diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa maanta soo qabanqaabisay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wasaaradaha ay khusayso arimaha ka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka coronavirus. Shirkaan ayaa daba socdey cudurka coronavirus ee kusii badanaya caalamka & gaar ahaan xaaladaha kasoo cusboonaaday waddama deriska ah. Ujeedooyinka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa: 1. in Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda 2. in laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii loga gudbi lahaa 3. in la xoojiyo sidii loo midayn lahaa dadaallada kala duwan ee socda Wasiir Fawziya Abikar Nur oo higaaminaysey shirka ayaa uga mahad celisey dhamaan intii ka qayb-qaadatay shaqooyinka wanaagsan ee socda, waxayna ku dhiiri gelisay in la sii laba laabo si loo xaqiijiyo bad-qabka bulshada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ahna la-taliyaha sare dhanka saxaafadda maamulka Hirshabelle State ayaa ugu baaqay Xildhibaannada labada gole ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle State in ay garab istaagaan shacabka ay wakiilka uga yihiin dowladda dhexe. Xasan Muudeey ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay baaqa ku aaddan Xildhibaannada iyo wasiirrada dowladda dhexe kusoo daabacay bartiisa facbooka ayuu aad uga dhawaajiyay muhiimadda ay uleedahay in taageero lagarab istaagaan bulshada ay wakiilka uga yihiin dowladda federaalka Soomaaliya, sidaan ayuuna uqornaa:- Xildhibaannada labada gole iyo wasiirrada dowladda dhexe nagu matala kana soo jeeda deegaannada Hirshabelle State waxaa laga rabaa in ay booqdaan halkii ay deegaan doorashadoodu ahayd. Waxaa laga rabaa in ay muujiyaan garab istaagga waajibka ku ah, waxaa laga rabaa in deegaanadeena baahiyooyinka dadkeenu ay qabaan sheegaan ,waxaa laga rabaa in ay warbaahinta qaranka ee uu wasiir Maareeye mas’uulka kayahay gaarsiiyaan in aan kamid nahay dowladnimada kajirta dalka. Waa muhiim in ay faham kawada yeeshaan deegaannada ay kasoo jeedaan looga baahan yahay, waa muhiim in dadkooda wixii khilaafaad kadhax jira ay nala xalliyaan. Waxaan markasta lawadaagayaa in loo baahan yahay in ay uguntadaan sidii aan usamata bixin lahayn shacabkeena oo aysan dhayalsan, waa muqaddas in mas’uul kasta uu gudto wixii loo wakiishay. Shacabkeena qiimaha badan ee Hirshabelle State waxaan iyagana leeyahay ilaashada midnimadiina iyo kashaqeynta wax kasta oo hormarin kara deegaannadeena.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-14032020.mp3 View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyay goob doorashooyinka baaralamaanka dowladda dhexe lagu soo galayo golaha shacabka dalkaasi iyo tirada ka imaneysa gobol walba. Xafiiska guddigaas ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu qabtay shirkii lagu shaacinayay goob doorashooyinka sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo, waxaana saamiyada gobollada ee la shaaciyey aad loogu bah-dilay Soomaalida. Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ee Itoobiya. Guddiga doorashada ayaa waxa uu shirkaasi ku soo bandhigay khariiddada goob doorashooyinka oo ka kooban 547 xubnood. Deegaannada sagaalka ah ee dalkaas iyo labada ismaamul magaalo ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen sida soo socota: Deegaanka Oromada: 178 kursi Deegaanka Amxaarada: 138 kursi Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi Deegaanka Tigreeda: 38 kursi Deegaanka Soomaalida: 23 kursi Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi Deegaanka Canfarta: 8 kursi Deegaanka Gambeella: 3 kursi Deegaanka Harerida: 2 kursi Ismaamulka magaalada Addis Ababa: 23 kursi Ismaamulka Diri-dhaba: 2 kursi Sida ka muuqata saamigan, Soomaalida ayaa la siiyey kuraas aad uga yaar baaxadda dhulkooda iyo tirada dadkooda, ayada oo gobolka Soomaalida uu yahay kan labaad ee ugu baaxadda weyn, halka tiro ahaan la sheego qowmiyadda saddexaad ee ugu badan. Haddaba gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya, Burtukan Mideqsa, oo goobta ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in goob doorashooyinka ay soo bandhigeen ay yihiin kuwii hore oo aanay waxba ka badelin. Mideqsa waxa ay intaasi sii raacisay in goob doorashooyinkan lagu saleeyay tirakoobkii la sameeyay 1984, waxaase goob doorashooyinkaas dalka laga dhaqangeliyay 1993-kii. Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa hore uga cabatay kuraasta uu deegaanku ku leeyahay golaha shacabka ee dalkaas. Deegaanka ayaa dalbaday in ugu yaraan 7 xubnood loogu kordhiyo 23 kursi ee uu hore u lahaa, maadaama ay korortay tirada shacabka deegaankaas. Isha: BBC
-
(SLT-Ciraaq)-Tiro kale oo gantaalo ah ayaa lagu weeraray saldhig milatari ee Taaj oo Maraykanku uu ku leeyahay dalka Ciraaq. Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee Saldhiga Milatariga Maraykanka ee Taaji oo 20 kiiloo mitir waqooyi kaga began caasimada Ciraaq lagu qaado mudo todobaad ah, inkastoo aan wali la soo sheegin wax khasaare ah. Kornayl reer Ciraaq ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay inuu maqlay ugu yaraan toban gantaal oo lagu soo weeraray saldhiga Taaji, oo sidoo kale Arbacadii weerar kale oo lagu soo qaaday ay ku dhinteen saddex askari oo Maraykan iyo Ingiriis isugu jira. Hase yeeshee weerar aargudasho ah oo Jimcihii uu Maraykanku ku qaaday bartilmaameedsaday xarumo milatari oo ay leeyihiin kooxda Kataib Xisbullah, oo ah maleeshiyo ciraaqiyiin Shiico ah. Waxaana Weerarkaasi ku dhintay Dadka shcibka ah iyo askar ka tirsan dawladda Ciraaq oo ay ku jiraan shaqaale dhisayey madaar ku yaala magaalada Karbalka. Dawladda Ciraaq ayaa cambaaraysay weerarka dhinaca cirka ah ee Jimcihii shalay Maraykanku uu qaaday, waxaanay uga digeen in cawaaqib xumi uu ka dhalan doono xadgudubyada ka dhanka ah madaxbanaanideeda iyo bartilmaameedyada garedarada ah ee ka dhanka ah ciidamadeeda qalabka sida. Madaxweynaha dalka Ciraaq Barham Salih ayaa sheegay in xadgudubyada soo noqnoqda ay sababi karaan in Ciraaq ay noqoto dal fashilmay dibna usoo nooleeya ISIS. Wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq ayaa iyaduna ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay ku sheegtay inay dacwad ugu gudbineyso Qaramada Midoobay, iyadoo u yeedhay safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska u jooga dalkaasi si ay sharaxaad uga bixiyaan weeraradaasi ay ku dhinteen dadka shacabka ah iyo askar dawladda Ciraaq. Balse Maraykanka ayaa difaacay weerarada cirka, isagoo sheegay in dhamaan shanta goobood ee ay bartilmaameed ay yihiin xarumo kooxda Kataib Hezbollah ay ku kaydsadaan hubka si ay weeraro ugu qaadaan xarumaha ciidamada isbahaysiga ee Maraykanku hogaamiyo. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne. Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ujeeddo: Magacaabid Guddi Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan. Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
ADDIS ABABA, Ethiopia Ethiopia on Friday reported the first coronavirus case in the country. “We confirm that a Japanese man who is 48 years of age, has tested positive for the virus. This is the first case in Ethiopia,” Liya Kebede, Ethiopia’s health minister, said in a news briefing. “The Japanese man arrived in Ethiopia from Burkina Faso last week, and he is now receiving medical treatment,” Liya said, adding: “He is in good condition.” She said they are identifying people who were in close contact with the patient. According to her, the country is prepared to tackle the coronavirus outbreak. After emerging in Wuhan, China last December, the virus, officially known as COVID-19, has spread to at least 123 countries and territories. The global death toll is now nearly 5,000, with more than 132,000 confirmed cases, according to the World Health Organization, which has declared the outbreak a “pandemic.” AA Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah culimada ugu caansan magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inuu qur’aanka ka dhex helay xanuunka Coronavirus ee hadda faraha ba’an ku haya caalamka. Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in xanuunkan uu yahay ama la mid yahay kii Nabi Muuse CS uu ku inkaaray ee kadibna lagu salladay Muuse Saamiri, kadib markii uu lumiyey qowmkiisa. Saamiri waxa uu ka mid aha qoomkii Nabi Muuse CS, waana ninkii ku hogaamiyey reer Bani Isra’iil inay caabudaan Dibiga Ilaahay qayrkii, intii Nebi Muuse CS uu ku maqnaa Buurta Duur, isaga oo lasoo hadlayey Allah SW. Ninkan magaciisa waxa la oran jiray Muuse, waxaanu ka mid ahaa dadkii reer banu Isra’iil ee Eebe kasoo badbaadiyey dulmigii Fircoon. Nabi Muuse oo inkaaraya Saamiri, wuxuu ku yiri “tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad tidhaahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn (maalinta qayaame).” Saamiri waxa lagu ciqaabay in hadii uu qof jirkiisa taabto inuu gubanayo ama maqaarka jirkiisu soo daadanayo, sidaa awgeed haduu arko cid bani aadam ah oo usoo dhowaata waxa uu odhanayey ha itaabanina, sidoo kale Eebe waxa uu u ballan qaaday mowcid aan baajismayn oo ah maalinta qayaame. Sheekh Maxamed Aadan ayaa hadda sheegay in maadaama cudurka Coronavirus uu dadkii oo dhan ka dhigay kuwa kala cararaya oo leh “ ha I taaban” uu la mid yahay kii lagu salladay Musue Saamiri. Hoos ka dhageyso Sheekh Maxamed Aadan
-
Popular Contributors
