-
Content Count
214,400 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow Muqdisho ku soo gabagabeysay shir degdeg ahaa looga hadlayey Isku-xirka Hawlaha ka diyaar Garowga iyo k a hortagga Cudurka Coronavirus (COVID-19) , kaas oo dunida qalqal badan geliyey saacad welibana la arkayo kiisas cusub. Wasaaradda ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxaa ay soo saartay qoraal ayaa lagu yiri”Wasaaradda Caafimaadka oo Dawladda Soomaaliya hormuud uga ah hawlaha ka diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa maanta soo qabanqaabisay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo wasaaradaha ay khusayso arimaha ka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka coronavirus. Shirkaan ayaa daba socdey cudurka coronavirus ee kusii badanaya caalamka & gaar ahaan xaaladaha kasoo cusboonaaday waddama deriska ah. Ujeedooyinka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa: 1. in Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda 2.in laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii loga gudbi lahaa 3. in la xoojiyo sidii loo midayn lahaa dadaallada kala duwan ee socda. Kulanka ay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ay qabatay ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo caabuqa Coronavirus uu siweyn ugu sii baahayo dunida iyadoo xusid ay mudan tahay in kiisas caabuqaa laga helay wadamada dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa goor dhaw shaaciyey waqtiga loo qorsheeyey in ay dhacdo xafladda caleema saarka. Yuusuf Garaad oo fariin kooban soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in wada tashiyo dheer oo ay xubnaha guddigu madaxtooyada la yeesheen kadib la go’aamiyey waqtiga rasmiga ah oo la qabanay xafladda caleema saarka madaxda Galmudug. “Wadatashi Madaxtooyada Galmudug ka dib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay ka dhacdo Dhuusa Marreeb, Khamiis 26-ka Maarso 2020”ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray arintaas oo Dhuusamareeb ku sugan. Xafladaas ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan wafuud ka kala socota dowladda federaalka maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. 9-kii bishan ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood, kaas oo loo xilsaaray in uu ka soo shaqeeyo xafladda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxayna haatan xubnaha guddigaasi ku suganyihiin magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
-
Muqdisho (SMN) – Shir Deg Deg ah oo Ku Saabsan Isku-xirka Hawlaha Ka Diyaar Garowga & Ka Hortagga Cudurka Coronavirus (COVID-19) Wasaaradda Caafimaadka oo Dawladda Soomaaliya hormuud uga ah hawlaha ka diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa maanta soo qabanqaabisay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wasaaradaha ay khusayso arimaha ka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka coronavirus. Shirkaan ayaa daba socdey cudurka coronavirus ee kusii badanaya caalamka & gaar ahaan xaaladaha kasoo cusboonaaday waddama deriska ah. Ujeedooyinka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa: 1. in Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda 2. in laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii loga gudbi lahaa 3. in la xoojiyo sidii loo midayn lahaa dadaallada kala duwan ee socda Wasiir Fawziya Abikar Nur oo higaaminaysey shirka ayaa uga mahad celisey dhamaan intii ka qayb-qaadatay shaqooyinka wanaagsan ee socda, waxayna ku dhiiri gelisay in la sii laba laabo si loo xaqiijiyo bad-qabka bulshada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ahna la-taliyaha sare dhanka saxaafadda maamulka Hirshabelle State ayaa ugu baaqay Xildhibaannada labada gole ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle State in ay garab istaagaan shacabka ay wakiilka uga yihiin dowladda dhexe. Xasan Muudeey ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay baaqa ku aaddan Xildhibaannada iyo wasiirrada dowladda dhexe kusoo daabacay bartiisa facbooka ayuu aad uga dhawaajiyay muhiimadda ay uleedahay in taageero lagarab istaagaan bulshada ay wakiilka uga yihiin dowladda federaalka Soomaaliya, sidaan ayuuna uqornaa:- Xildhibaannada labada gole iyo wasiirrada dowladda dhexe nagu matala kana soo jeeda deegaannada Hirshabelle State waxaa laga rabaa in ay booqdaan halkii ay deegaan doorashadoodu ahayd. Waxaa laga rabaa in ay muujiyaan garab istaagga waajibka ku ah, waxaa laga rabaa in deegaanadeena baahiyooyinka dadkeenu ay qabaan sheegaan ,waxaa laga rabaa in ay warbaahinta qaranka ee uu wasiir Maareeye mas’uulka kayahay gaarsiiyaan in aan kamid nahay dowladnimada kajirta dalka. Waa muhiim in ay faham kawada yeeshaan deegaannada ay kasoo jeedaan looga baahan yahay, waa muhiim in dadkooda wixii khilaafaad kadhax jira ay nala xalliyaan. Waxaan markasta lawadaagayaa in loo baahan yahay in ay uguntadaan sidii aan usamata bixin lahayn shacabkeena oo aysan dhayalsan, waa muqaddas in mas’uul kasta uu gudto wixii loo wakiishay. Shacabkeena qiimaha badan ee Hirshabelle State waxaan iyagana leeyahay ilaashada midnimadiina iyo kashaqeynta wax kasta oo hormarin kara deegaannadeena.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-14032020.mp3 View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyay goob doorashooyinka baaralamaanka dowladda dhexe lagu soo galayo golaha shacabka dalkaasi iyo tirada ka imaneysa gobol walba. Xafiiska guddigaas ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu qabtay shirkii lagu shaacinayay goob doorashooyinka sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo, waxaana saamiyada gobollada ee la shaaciyey aad loogu bah-dilay Soomaalida. Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ee Itoobiya. Guddiga doorashada ayaa waxa uu shirkaasi ku soo bandhigay khariiddada goob doorashooyinka oo ka kooban 547 xubnood. Deegaannada sagaalka ah ee dalkaas iyo labada ismaamul magaalo ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen sida soo socota: Deegaanka Oromada: 178 kursi Deegaanka Amxaarada: 138 kursi Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi Deegaanka Tigreeda: 38 kursi Deegaanka Soomaalida: 23 kursi Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi Deegaanka Canfarta: 8 kursi Deegaanka Gambeella: 3 kursi Deegaanka Harerida: 2 kursi Ismaamulka magaalada Addis Ababa: 23 kursi Ismaamulka Diri-dhaba: 2 kursi Sida ka muuqata saamigan, Soomaalida ayaa la siiyey kuraas aad uga yaar baaxadda dhulkooda iyo tirada dadkooda, ayada oo gobolka Soomaalida uu yahay kan labaad ee ugu baaxadda weyn, halka tiro ahaan la sheego qowmiyadda saddexaad ee ugu badan. Haddaba gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya, Burtukan Mideqsa, oo goobta ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in goob doorashooyinka ay soo bandhigeen ay yihiin kuwii hore oo aanay waxba ka badelin. Mideqsa waxa ay intaasi sii raacisay in goob doorashooyinkan lagu saleeyay tirakoobkii la sameeyay 1984, waxaase goob doorashooyinkaas dalka laga dhaqangeliyay 1993-kii. Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa hore uga cabatay kuraasta uu deegaanku ku leeyahay golaha shacabka ee dalkaas. Deegaanka ayaa dalbaday in ugu yaraan 7 xubnood loogu kordhiyo 23 kursi ee uu hore u lahaa, maadaama ay korortay tirada shacabka deegaankaas. Isha: BBC
-
(SLT-Ciraaq)-Tiro kale oo gantaalo ah ayaa lagu weeraray saldhig milatari ee Taaj oo Maraykanku uu ku leeyahay dalka Ciraaq. Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee Saldhiga Milatariga Maraykanka ee Taaji oo 20 kiiloo mitir waqooyi kaga began caasimada Ciraaq lagu qaado mudo todobaad ah, inkastoo aan wali la soo sheegin wax khasaare ah. Kornayl reer Ciraaq ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay inuu maqlay ugu yaraan toban gantaal oo lagu soo weeraray saldhiga Taaji, oo sidoo kale Arbacadii weerar kale oo lagu soo qaaday ay ku dhinteen saddex askari oo Maraykan iyo Ingiriis isugu jira. Hase yeeshee weerar aargudasho ah oo Jimcihii uu Maraykanku ku qaaday bartilmaameedsaday xarumo milatari oo ay leeyihiin kooxda Kataib Xisbullah, oo ah maleeshiyo ciraaqiyiin Shiico ah. Waxaana Weerarkaasi ku dhintay Dadka shcibka ah iyo askar ka tirsan dawladda Ciraaq oo ay ku jiraan shaqaale dhisayey madaar ku yaala magaalada Karbalka. Dawladda Ciraaq ayaa cambaaraysay weerarka dhinaca cirka ah ee Jimcihii shalay Maraykanku uu qaaday, waxaanay uga digeen in cawaaqib xumi uu ka dhalan doono xadgudubyada ka dhanka ah madaxbanaanideeda iyo bartilmaameedyada garedarada ah ee ka dhanka ah ciidamadeeda qalabka sida. Madaxweynaha dalka Ciraaq Barham Salih ayaa sheegay in xadgudubyada soo noqnoqda ay sababi karaan in Ciraaq ay noqoto dal fashilmay dibna usoo nooleeya ISIS. Wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq ayaa iyaduna ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay ku sheegtay inay dacwad ugu gudbineyso Qaramada Midoobay, iyadoo u yeedhay safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska u jooga dalkaasi si ay sharaxaad uga bixiyaan weeraradaasi ay ku dhinteen dadka shacabka ah iyo askar dawladda Ciraaq. Balse Maraykanka ayaa difaacay weerarada cirka, isagoo sheegay in dhamaan shanta goobood ee ay bartilmaameed ay yihiin xarumo kooxda Kataib Hezbollah ay ku kaydsadaan hubka si ay weeraro ugu qaadaan xarumaha ciidamada isbahaysiga ee Maraykanku hogaamiyo. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne. Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ujeeddo: Magacaabid Guddi Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan. Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
ADDIS ABABA, Ethiopia Ethiopia on Friday reported the first coronavirus case in the country. “We confirm that a Japanese man who is 48 years of age, has tested positive for the virus. This is the first case in Ethiopia,” Liya Kebede, Ethiopia’s health minister, said in a news briefing. “The Japanese man arrived in Ethiopia from Burkina Faso last week, and he is now receiving medical treatment,” Liya said, adding: “He is in good condition.” She said they are identifying people who were in close contact with the patient. According to her, the country is prepared to tackle the coronavirus outbreak. After emerging in Wuhan, China last December, the virus, officially known as COVID-19, has spread to at least 123 countries and territories. The global death toll is now nearly 5,000, with more than 132,000 confirmed cases, according to the World Health Organization, which has declared the outbreak a “pandemic.” AA Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah culimada ugu caansan magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inuu qur’aanka ka dhex helay xanuunka Coronavirus ee hadda faraha ba’an ku haya caalamka. Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in xanuunkan uu yahay ama la mid yahay kii Nabi Muuse CS uu ku inkaaray ee kadibna lagu salladay Muuse Saamiri, kadib markii uu lumiyey qowmkiisa. Saamiri waxa uu ka mid aha qoomkii Nabi Muuse CS, waana ninkii ku hogaamiyey reer Bani Isra’iil inay caabudaan Dibiga Ilaahay qayrkii, intii Nebi Muuse CS uu ku maqnaa Buurta Duur, isaga oo lasoo hadlayey Allah SW. Ninkan magaciisa waxa la oran jiray Muuse, waxaanu ka mid ahaa dadkii reer banu Isra’iil ee Eebe kasoo badbaadiyey dulmigii Fircoon. Nabi Muuse oo inkaaraya Saamiri, wuxuu ku yiri “tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad tidhaahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn (maalinta qayaame).” Saamiri waxa lagu ciqaabay in hadii uu qof jirkiisa taabto inuu gubanayo ama maqaarka jirkiisu soo daadanayo, sidaa awgeed haduu arko cid bani aadam ah oo usoo dhowaata waxa uu odhanayey ha itaabanina, sidoo kale Eebe waxa uu u ballan qaaday mowcid aan baajismayn oo ah maalinta qayaame. Sheekh Maxamed Aadan ayaa hadda sheegay in maadaama cudurka Coronavirus uu dadkii oo dhan ka dhigay kuwa kala cararaya oo leh “ ha I taaban” uu la mid yahay kii lagu salladay Musue Saamiri. Hoos ka dhageyso Sheekh Maxamed Aadan
-
Midowga Yurub oo Eedo culculus ku miisay Dawlada Somalia,kana dayriyey Xaalada Dalku ku sugan yahay Midowga Yurub ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxayn sheegeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee dhowaan la geeyay gobolka gedo ay abuureen daganaansho la’aan iyo barakac ballaaran. Midowga Yurub wuxuu ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya hantidii iyo feejignaantii milatari ee la rabay in lagu wajaho howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda labada gobol ee shabbeele in loo leexiyay meel kale. Midowga wuxuu sheegay in wadashaqeyn buuxda loo baahan yahay in ay dhexmarto dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah federaalka iyo sidoo kale wadashaqeynta gobolka. Waxa uu tilmaamay in Xalka ugu dambeeya uu yahay, in la dhiso ciidamada isku dhafka ah ee amniga Soomaaliya iyo in la abuuro jawi deggan oo awood u siinaya dhismaha dowladnimada iyo horumarka. “Dhammaan dhinacyada ay khusayso waa inay sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaanka u ah inay yareeyaan xiisadahooda, is xakameeyaan, xushmeeyaan xuduudaha iyo raadinta xasilooni nabadeed oo dhexdooda ah,” ayuu yidhi midowga Yurub. Midowga Yurub wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo xuduud wadaag ah. Wuxuu kaloo soo dhoweeyay xiriirkii dhowaan dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya 5tii march. Qaran News
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa shaacisay in mudda saddex maalmood ah la fasaxay dhammmaan goobaha Waxbarashada ee ku yaalla caasimadda Garoowe. Fasaxaas ayaa lagu go’aamiyay Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland, oo lagu socod-siiyay dhammaan Maamulayaasha xarumaha Waxbarashada Garoowe iyo Guddoonka Waxbarashada gobolka Nugaal. Qoraalka waxaa lagu sheegay, in saddexda maalmood ee uu socdo Shirka Wada-tashiga Puntland oo ka bilaabata Axadda berriya, islamarkaana ku eg maalinta Talaadada ah ay dhammaan fasax yihiin xarumaha Waxbarashada magaalada Garoowe. PUNTLAND POST The post Goobaha Waxbarashada Garoowe oo loo fasaxay Shirka wada-tashiga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kormeeray xarun cusub oo ciidanka Xoogga dalka looga dhisayo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kormeerkaan ayaa waxaa madaxweyne Qoor Qoor ku wehlinayey xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Xarunta cusub ee loo dhisayo ciidanka qeybta 21-aad ee Xoogga dalka ayuu madaxweynuhu sheegay in la dardar gelin doono dhismaheeda. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/hada-ladag-by.mp3 View the full article
-
Soomaalida Kililka 5aad oo weyday kuraastii ay ka filayeen Baarlamaanka Itoobiya+Sababta Astaanta guddiga doorashooyinka ee Itoobiya Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyay goob doorashooyinka baaralamaanka dowladda dhexe lagu soo galayo golaha shacabka dalkaasi. Xafiiska guddigaas ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu qabtay shirkii lagu shaacinayay goob doorashooyinka sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo. Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ee Itoobiya. Guddiga doorashada ayaa waxa uu shirkaasi ku soo bandhigay khariiddada goob doorashooyinka oo ka kooban 547 goobood. Deegaannada sagaalka ah ee dalkaas iyo labada ismaamul magaalo ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen sida soo socota: Deegaanka Oromada: 178 kursi Deegaanka Amxaarada: 138 kursi Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi Deegaanka Tigreeda: 38 kursi Deegaanka Soomaalida: 23 kursi Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi Deegaanka Canfarta: 8 kursi Deegaanka Gambeella: 3 kursi Deegaanka Harerida: 2 kursi Ismaamulka magaalada Addis Ababa: 23 kursi Ismaamulka Diri-dhaba: 2 kursi Haddaba gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya, Burtukan Mideqsa, oo goobta ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in goob doorashooyinka ay soo bandhigeen ay yihiin kuwii hore oo aanay waxba ka badelin. Lahaanshaha sawirkaGUDDIGA DOORASHADA EE ITOOBIYAImage captionGudoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya, Burtukan Mideqsa Mideqsa waxa ay intaasi sii raacisay in goob doorashooyinkan lagu saleeyay tirakoobkii la sameeyay 1984, waxaase goob doorashooyinkaas dalka laga dhaqangeliyay 1993-kii. Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa hore uga cabatay kuraasta uu deegaanku ku leeyahay golaha shacabka ee dalkaas. Deegaanka ayaa dalbaday in ugu yaraan 7 xubnood loogu kordhiyo 23 kursi ee uu hore u lahaa, maadaama ay korortay tirada shacabka deegaankaas. Qaran News
-
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka dabaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay adkeyso garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha kale ee laga soo galo dalka. Dadweynahaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in lala socdo dhaq dhaqaaqa dadka soo galayo dalka, madaama uu sii baahayo cudurka Coronavirus. Xanuunkaan oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha ayaa hadda kiisas cusub waxaa laga helay wadamada Kenya iyo Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shacab.mp3 View the full article
-
Taliyaha ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta soo saaray amar ka dhan ah dharka la soo isticmaalay Huudheyda ee la geeyo deegaanada maamulkaasi. Gen. Muxyadiin Axmed Muuse oo ah taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in yagoo ilaalinayo caafimaadka dadka ay soo rogeen go’aankaasi, si looga hortago Coronavirus. Sidoo kale taliyaha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan cudurkaasi. Go’aankaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo kiiskas cusub oo la xariira Coronavirus laga helay wadamada Kenya iyo Itoobiya oo xuduud la leh Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Puntlland.mp3 View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saaka wade mooto Bajaajle ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmadaasi ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyey nin ku hubeysnaa bistoolad oo watay gaari nooca raaxada ah. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii marxuumka iyo ninka toogashada geystay uu soo kala dhex-galay muran ku saabsan seedka waddada ay isticmaalayeen. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shebelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in ninka dilka geystay uu goobta isaga dhaqaaqay falka kadib. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro faah faahin dheeri ah oo ay dowladda Soomaaliya ka bixisay dhacdadaasi. Inta badan darawallada mootada nooca loo yaqaano Bajaajta oo u badan dhaliyaro ayaa la kulma waxyeelo kala duwan, inta ay ku guda jiraan howlahooda shaqo. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ujeeddo: Magacaabid Guddi Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan. Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Darawal Mooto Bajaaj ayaa maanta lagu dilay Degmada Hodon Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Maraakiibta sida sharci darrada ah biyaha dalka uga kalluumeysta. Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa aad loo. Dowladaha Uganada iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay qorshaha joogitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaliya. Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday in uu dib u dhac ku yimid shir dhex mari ahaa Madaxda Dalalka Itoobiya, Somaliya iyo Kentya cabsi laga qabo Caabuqa CARONA. Hadabada halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdikariin Cali Aadan iyo Anfac Aadan https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-wareka-galabnimo-14-03-2020.mp3-ok.mp3 Source: goobjoog.com
