Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,400
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beelaha East Burco Clan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo si rasmi ah u furay shirka beelah Habar-jeclo Iyo West Burco Clan, waxaanu halkaa ka jeediyay khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka shirka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo xirtay nin Muqdisho ku lahaa goob lagu duubo muuqaallo anshax xumo ah, oo dhowaanahan aad looga hadal hayey baraha bulshada. Ninka ay NISA xirtay, oo ay soo qabteen taliska hay’adda ee Muqdisho, ayaa lagu magacaabaa Maxamed Mooge Maxamed (Walaal Goolaa). Ninkan ayaa wuxuu ku caan-baxay inuu soo duubo isaga iyo gabdho sameynaya muuqaallo ka hadlaya ama muujinaya sida la isgu galmoodo, iyo kuwa ay ku jiraan gabdho ka hadlaya rabitaankooda galmo, oo wiilal ku dheg-dhegaya. Muuqaalladaas ayaa kadib lasoo dhigaa Channel YouTube ah, si daawashada muuqaalladaas kadib lacag looga sameeyo, halka mararka qaarna ay dad kasoo qaada YouTube kusii baahiyaan facebook. Sida aan xogta ku helnay, hay’adda NISA ayaa sidoo kale ku raad joogta koox isaga la shaqaynaysay oo isugu jira wiilal iyo gabdho, si loo soo afjaro shabakaddan anshax xumada ku faafinaysay baraha bulshada. Tallaabada ay NISA ku xirtay ninkan ayaa mudan in la bogaadiyo, waana qeyb ka mid ah dadaallada ay hay’adda ku ilaalineyso, kuna bad-baadineyso shacabka. Bilihii dhowaa waxaa aad u batay Soomaalida soo dhigeysa YouTube muuqaallo qaarkood aan habooneyn, si ay ugu helaan daawasho badan, kadib markii la ogaaday in daawashada YouTube laga sameeyo lacag badan.
  3. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka Wada-tashiga Puntland, ayaa mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan hadallada xanafta leh ee mar kasta wax u dhimaya wadajirka iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Wasiirka Cawad, ayaa madaxda Puntland ka codsaday in ay joojiyaan dhaliilaha iyo raja-xumada ay mar kasta muujiyaan hoggaanka sare ee dowladda Soomaaliya, islamarkaana wuxuu ka dalbaday in tabashooyinka jira si hoose loo xalliyo, halkii mar walba warbaahinta laga sheegi lahaa hadallo dadka sii kala fogaynaya. Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa tilmaamay, in dalka Soomaaliya uu ka soo kabanayo marxalad burbur ah oo u baahan in dadka rajo loo abuuro, si loo soo celiyo kalsoonidoodii burburtay, taasina lagu gaari karo wada-tashi iyo isu’ tanaasul. Wasiirka ayaa ku cel-celiyay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta diyaar u tahay in la xalliyo, haddii ay jiraan tabashooyin Puntland ka qabto madaxda Federaalka, isagoo ku baaqay in wada-hadal iyo isu’ tanaasul lagu dhammeeyo khilaafaadka labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Soomaaliya. Wasiir Cawad ayaa sidoo kale caddeeyay, in madaxda dowladda Federaalku aysan marnaba doonayn, in ay burburiyaan hannaanka Federaalka ee dalka, maadaama iyaga lagu doortay. Hadalka Wasiir Axmed Ciise Cawad, ayaa daba socday khudbad madaxweyne Deni isla shirka ka jeediyay oo uu dhaliilo culus u mariyay dowladda Soomaaliya, isagoo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in ay burbur ku wadaan nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo Puntland ka codsaday in aysan raja-xumo ku abuurin dadka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay shirka burco uga furmay beelaha Habar-jeclo iyo West Burco Clan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. London (Caasimada Online) – Kadib sanado badan, Kooxda Daacish ee ka dagaalanto qeybo kamid ah dunida ayaa bilowday inay dagaalyahanadeeda ku booriso inaysan u jihaad tagin magaalooyinka waaweyn ee Yurub, iyadoo taas sabab uga dhigtay feejignaan ku aadan xanuunka Coronavirus Kooxda Daacish ayaa ugu baaqday Jihaadi kasta oo ka tirsan kooxdaan ee Yurub joogo inuu halkaas ku sugnaado, isla markaasna waxaa loo sheegay in kaliya uu cudurkaan ku dhacayo gaalada, sida ay qortay Jariirada Sunday Times ee London kasoo baxdo oo soo xiganeyso Joornaalka Al-Naba ee kooxda Daacish. “Qof kasta oo kooxda Daacish ka tirsan ee Caafimaad qabo waa inuusan gelin wadamada uu cudurka ku faafayo, sidoo kalana kuwa uu cudurka ku dhacay waa inaysan kasoo tagin wadamada ay hadda ku sugan yihiin” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray Wargeyska Al-Naba ee Kooxda Daacish. Kooxda ISIS ayaa sheegtay in cudurkaan uu yahay Cadaab uu Allah soo diray oo loogu talagalay in lagu ciqaabo gaalada. Dalka Ciraaq oo ah halka ugu badan oo ay ku sugan tahay kooxda Daacish ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga helay 110 kiis oo cudurka Coronavirus, iyadoo 10 kamid ah dadkii cudurkaan laga helay ay dhinteen, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University ee dalka Mareykanka. In ka badan 156,000 oo kiis oo la xiriira Coronavirus ayaa laga xaqiijiyey caalamka, hase yeeshee markay noqoto waxaa ugu darran dalka Talyaaniga oo laga diiwaan-geliyey in ka badan 21,000 iyo dhimashada dad ku dhow 1,500.
  6. Mogadishu (HOL) - A military officer who forced two civilians to work on his farm and later killed one following a scuffle has been sentenced to death by a military court in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  7. War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda duulista rayidka ayaa waxaa Soomaaliya looga mamnuucay inay yimaadaan muwaadiniinta illaa afar dal. Dalalka laga mamnuucay Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin Shiinaha, Koonfur-Kuuriya, Taliyaaniga iyo Iiraan oo uu dhammaantood fara ba’an uu ku hayo Coronavirus. Sidookale hay’adaha ka shaqeeya duulimaadyada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa lagu amray in ay la soo wadaagaan hay’ada duulista rayidka Soomaaliya, hadii ay rakaabka ugu shakiyaan caabuqa Corona. Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta ka hortaga xanuunka Corona, kadib markii dalalka Kenya iyo Itoobiya laga helay kiisas la xariira cudurkaasi. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  8. Somalia’s government has announced that it will not allow entry for passengers originating from the Islamic Republic of Iran, China, Republic of Korea and Italy in its country. The ban also affects travelers who transited one of the affected countries for the last 14 days. The move follows several measures taken by the Ministry of Health to prevent the possible spread of the coronavirus in the country. The Ministry of Health has recommended to Transport and Aviation officials to suspend flights from most affected countries including China and Italy as precaution measures. Citizens were also urged to limit social gatherings and uphold a high stand of hygiene. According to Somali immigration health officials, four people who arrived in the country last week from coronavirus affected destinations were quarantined at Aden Abdulle International Airport to determine their status. Emergency health centers were established at main entry points such as airports and ports to deal with the pandemic. Neighboring countries of Kenya and Ethiopia have reported their first coronavirus cases which puts Somalia on high alert. View the full article
  9. A military tribunal in Somalia sentenced a military officer to death Sunday for killing a civilian outside Somali capital, Mogadishu. Abdirahman Abdulle Hilowle, a military constable had killed Hussein Ahmed Abdulle and injured Yasin Gedow Hussein following a heated dispute. Hilowle reportedly tried to force the victims to work on his farm forcefully, prompting quarrel which left one of the victim’s death. According to the verdict read out by the judge, Colonel Hassan Shuute, Hilowle was captured by the military and handed him over to the prosecution department of the army. Shute said the court found Hilowle guilty of killing and wounding of two citizens and sentenced him to death. The convict has 30 days option to file an appeal. View the full article
  10. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Muxumed Cali Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey weerar gaadma ah oo saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen duleedka waqooyi ee magaaladaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaan lagu dilay illaa saddex qof oo beeraley ahaa, islamarkaana ay baxsadeen kooxdii dishay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ku raad-joogaan maleeshiyaadkaasi, islamarkaana ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Inta badan waxaa Hiiraan dhibaatooyin kala duwan ka geysta kooxo qooleysato ah oo jidka u gala dadka shacabka ah ee isaga kala goosha waddooyinka gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/hhh.mp3 View the full article
  11. Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Africa, Ismail Chergui. James Swan iyo guddoomiyaha guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Africa ayaa ugu horreyn ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto sanadka 2021-ka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale boggaadiyey dadaallada ay wado dowladda federaalka iyo horumarka laga gaaray dhinaca siyaasadda. Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa dowladda federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo muhiim ah, sida dib u dhiska ciidamada iyo ammaanka. View the full article
  12. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo ka hadlay furitaanka shirka Garoowe ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya. Deni ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka aysan daacad ka aheyn in la xaliyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda Qaranka ay ku tunteen shuruucda dalka, islamarkaana ay doonayaan inay isku koobaan awooda, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/SSS.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-15032020-SX.mp3 View the full article
  14. Shir weynaha Wada-tashiga Puntland ayaa maanta oo Axad ah ka furmay xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe. Shirka waxaa ka qeyb-galaya Golayaasha kala duwan ee Puntland iyo mas’uuliyiinta ku matala heer Federaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Siyaasiyiin, Qurba-joogta, qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Shirka waxa si rasmiya u furay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo halkaasi ka jeediyay khudbad uu dhaliilo culus u mariyay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku eedeeyay in ay burburin ku hayaan Nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dalka. “Waxyaabaha ugu muhiimsan oo la isku khilaafsan yahay waxaa ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka oo si bareer ah u hareer maray mabaadii’dii lagu dhisay dowlada federaalka oo ay ugu horrayso federaalaynta dalka” ayuu yiri madaxweyne Deni. “Burburinta, faragelinta,afduub iyo caburin sharci darro ah oo lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah waa mid Halis ku ah nidaamdka dalka iyo dadka” ayuu sii raaciyay. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay, in ay ku fashilantay arrima ay kamid yihiin dhammaystirka Dastuurka, Sugidda Amniga dalka, la-dagaallanka Argagixisada, dhismaha ciidan Qaran iyo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah. Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa tilmaamay in Puntland aysan sii daawan Karin hannaanka ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku waddo masiirka dalka iyo dadka, taasi oo sida uu sheegay halis ku ah mustaqbalka waddanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo eedaymo culus u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo hore laba jeer Ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Ex Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo haatan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta ku casuman Shirka Wada-tashiga Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garoowe. Socdaalka Cumar Cabdirashiid ayaa ah kii labaad oo uu ku yimaado Puntland gaar ahaanna Garoowe tan iyo markii la doortay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Siyaasi Cumar Cabdirashiid ayaa horay Garoowe u yimid 21 December 2019-kii wakhtigaas oo kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland iyo xubnaha bulshada Rayidka ah. PUNTLAND POST The post Senetor Cumar Cabdirashiid oo maanta soo gaaray Garoowe appeared first on Puntland Post.
  16. Taliska booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu ka hadlay dhacdo aad u xanuun badan oo xalay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Jii Caloosin oo ku taalla duleedka magaalada Dhuusamareeb, dhacdadaasi oo gabar yar jirdil loogu geystay deegaankaasi ay u geeriyootay. Taliyaha booliska degmada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay yaa sheegay in baaritaano hordhac oo ay heleen ay ku ogaadeen in gabdha qeybo ka mid ah jirkeeda u go’ay, waxa uuna tilmaamay in gabadha geeriyootay hooyadeed iyo nin gabadha adeer u ahaa ay falkaasi u soo qabteen. Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ikraan Mira Xaashi oo da’deeda lagu sheegay 11 sanno jir, waxaana taliska booliska Dhuusamareeb ay sheegeen in kiiskan aya uga soo hari doonaan sharciga. Dhanka kale abaaha dhalay gabadha ayaa taliska booliska uga mahad celiyay sida ay baaritaan ugu sameeyeen dhibka loo geystay gabadhiisa waxa uuna cod dheer ku sheegay in uu u baahanyahay cadaalad in ay hesho gabadhiisa. Dilalka loo geysanayo ilmaha aadka u yar ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo badanaya deegaanada iyo degmooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuuda Dowladda Federalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka wadatashiga Puntland, ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in tabashadooda ay u gudbiyaan si walaalnimo ah oo aan waxyeelayn wadajirka Soomaaliya. Cawad ayaa sheegay in mararka qaar ay dareemaan tuhun ah in Puntland ay si gooni ah wax u rabto, iyada oo sheegeyso inay tahay Hooyada Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee ay ka rajeynayeen in Madaxweyne Deni uu yimaado Magaalada Muqdisho. “Marmarka qaar waxaan dareennaa in Puntland ay si gooni ah wax u sheeganeyso oo ay leedahay hooyadii federaalka ayaan nahay; hooyadu ilmaheeda ayey u roonaan jirtay, Puntland waxa laga filayaa wax weyn oo wax tara dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo Puntland ku bogaadiyey horumarka ay gaartay. Wasiir Cawad ayaa shirka ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay usoo dhiibtay farriin ku aadan inay Puntland soo gudbiso cabashada ay qabto, si xal looga gaaro balse laga fiican yahay in Khilaafka la gaarsiiyo meel aan waxba laga qaban karin. “Madaxda Puntland waxaan ka rajeynaynaa in caqabadaha ay Dowladda Federaalka ka tirsanayaa inay ku gudbiyaan si walaalnimadii iyo wadajirkii Soomaaliyeed aan wax yeelayn. Madaxweynaha Soomaaliya annagaa ka wakiil ah, waxaan ku baaqeynaa in kalsoonida la xoojiyo, Dastuurka iyo arrimaheenna kale ka wada shaqeyno. Waxaan madaxda Puntland ka codsanaynaa in la xoojiyo kalsoonida, oo aan idaacadaha wax laysu marin,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda. Wuxuu wasiirka sheegay in dowladda federalku aad u dananayso in mar un madaxweyne Deni uu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo la dhiso kalsoonida wadashaqaynta dowladda federalka iyo Puntland. “Diyaarad walbo oo nasoo dul marta waxaanu dhahnaa armuu saaran yahay Deni, waana daalnay sidaan kuu sugaynay, marka Madaxwayne waan rajaynayaan inaad Muqdisho inoogu timaado,waayo waxaa nagu jira tuhun ah inaad si gooni ah wax u rabtaan ayuu yiri,” Wasiir Cawad. Madaxweyne Deni ayaa khudbadii furitaanka shirka wada-tashiga Puntland ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay wax kasta maroorsadeen oo ay awood ku maquuninayaan maamul Goboleedyada, taasoo aan u soconeynin, sida uu yiri.
  18. (SLT-Washington)-Natiijada baadhitaankii lagu sameeyey madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la shaaciyey, iyadoo laga waayey cudurka dilaaga ah ee Coronavirus oo haatan fara ba’aan ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka. Dhaqtarka gaarka ah ee ka howlgala madaxtooyada Mareykanka, Sean Conley ayaa xaqiijiyey in astaamaha cudurka laga waayey madaxweynaha. “Galabta waxaa isoo gaadhay war xaqiijinaya in cudurkaasi laga waayay madaxweynaha.” ayuu warbixin qoraal ah ku yidhi Sean Conley. Baadhitaanka lagu sameeyey Trump ayaa yimid, kadib markii wafuud ka socotay dalka Brazil oo uu toddobaadkii hore kula kulmay Flodrida laga helay cudurka Coronavirus. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka uu sameeyey Coronavirus oo ka soo bilaamay Shiinaha, iyadoona dowladdu shacabkeeda ay kula talisay in qofkii la kulmay amma taabtay qof la xaqiijiyey in uu ku dhacay cudurka ay tahay inuu is-karantiilo 14 maalmood. Source
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka wadatashiga ee ka furmay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah. Deni oo khudbaddiisu ay taabaneysay dhinacyo badan ayaa wuxuu ku soo qaaday khilaafka maamulkiisA kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Puntland ay xooga saartay xalinta khilaafkaas, balse dowladdu ay diiday. Sidoo kale wuxuu madaxda dowladda ku eedeeyey inay baal-mareen habkii lagu heshiiyey, laguna lagu dhisay dowladda federaalka. Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in madaxda dowladda dhexe ay isku dayayaan inay qaataan awooda dhan, siduu hadalka u dhigay. “Waxaan xooga saarnay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya DF & Puntland ,waxaana ka hadalnay arrimaha caqabadaha nagu ah,balse wax walba waxaa ay ka socon waayeen Madaxda dowladda Federaalka oo hareer maray qorshihii lagu dhisey dowladda iskuna dayay inay awooda dhan qaataan.” ayuu yiri madaxweyne Deni. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dib u eegi doonaan xiriirka sii xumaanaya ee haatanPuntland kala dhexeeyo dowladda, haddii aysan la imaan isbedal dhab ah. Shirweynaha Garoowe ee maanta furmay oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.
  20. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey Shirweynaha Wadatashiga Puntland wuxuu kaga hadlay qodobo dhowra. Gudoomiye Cabdirshiid wuxuu [...] Source
  21. Waxaa saaka Garowe ka furmay Shirweynihii Wadatashigan Puntlanf oo si heer sare iyo si wanaagsan loosoo agaasimay. Source