-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar, Cabdifitaax Al-siisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ka dalbaday inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed. Al-siisi ayaa qoraal uu Axadii soo gaarsiiyey madaxweyne (Farmaajo) ugu baaqay inuu kala shaqeeyo xal u helista arrinta biyo-xireenka ee ay haatan isku hayaan labada dal. Warqadda la soo gaarsiiyey madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa keenay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika, Abuubakar Xifni Maxamuud. Kaaliyaha oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xukuumadda Qaahira ay rajo weyn ka qabto inuu Farmaajo xalin karo xiisada u dhexeysa wadamada Itoobiya iyo Masar, isaga oo ka faa’ideysanayo saxiibtinnimadiisa labada dhinac. “Soomaaliya waa dal muhiim ah, siyaado iyo miisaan leh, xiriir fiican la leh labada dhinac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya xiriirkiisa saaxiibtinnimo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xireenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”. ayuu yiri Abuubakar Xifni Maxamuud. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday kaaliyuhu ahmiyadda uu webiga Nile-ka u leeyahay Masar, isagoo carabka ku dhuftay in la’aantiisa ay u sababi karto shaqo la’aan baahsan. “Webiga Nile waxaa ku tiirsan biyo ahaan 97% dadka Masar, dalkeenna ma jirayo Nile la’aantiis, waa amni qaran, haddii dhibaato soo gaarto waxaa shaqo la’aan noqon doona 4 Milyan oo qof, inta kalena biyo la’aan iyo harraad”. ayuu sii raaciyey Abuubakar Xifni. Masar iyo Itoobiya ayaa in muddo ah isku haya arrinta biyo-xireenka ee Webiga Nile, iyadoona ay fashilmeen wadahadallo lagu dhex-dhexaadin lahaa labada dowladood.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dalacsiiyey taliyaha ciidamada daraawiishta maamulkaasi ee ka howlgala degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa maanta oo Isniin ah Gaashanle Mahad Maxamed Islaam u xiray darajada Gaashanle dhexe, kadib markii ay Jubbaland shaacisay inuu diiday qorshe ay ku sheegtay shirqool iyo afgmabi ay la damacsaneyd dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Mahad Maxamed Islaam waxa aan ku amaanayaa wadaniyadda iyo dal jaceylka uu muujiyay, isaga oo iska diiday shirqool iyo afgambi la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada degmad Afmadow, taas oo Dowladda Federaalka ay la damacsaneed” sidaas ayaa waxaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta gaarka ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale saraakiisha iyo ciidamada maamulkiisa kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada adag ee ay u hayaan shacabka. Dhowaan ayey aheyd markii muuqaal laga soo duubay taliyaha degmada Afmadow Mahad Maxamed Islaam uu kaga hadlay sheeko uu tilmaamay inay dhex-martay isaga iyo xubno katirsan dowladda federaalka, gaar ahaan taliska hay’adda nabad-sugida Somalia. Xiisada dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa u muuqata inay sii xoogeysaneyso marba marka ka dambeysa, taasoo ka soo bilaabatay doorashadii muranka badan dhalisay ee dib loogu doortay Axmed Madoobe, islamarkaana dhacday sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.
-
The European Union has asked Kenya and Ethiopia to organise a security summit on cross-border cooperation following tensions on the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
-
Kenya Air Force fighter jets patrolling the border with Somalia on Saturday flew over the airspace in Jubaland after clashes between rival forces spilled into Mandera Town. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi ayaa qoraal axaddii la soo gaarsiiyey dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku dalbaday inuu dhexgalo isaga iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kalana shaqeeyo xal u helista arrinta biyo-xireenka ay dhiseyso Itoobiya. Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Abuubakar Xifni Maxamuud oo warqadda u keenay madaxweyne Farmaajo ayaa wareysi gaar ah uu siiyey Goobjoog News ku sheegay sida Masar ay ugu hanweyn tahay in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya saxiibtinnimadiisa labada dhinac uu arrintan ka shaqeyn karo isu soo dhowaanshiyaha. Abuubakar Xifni Maxamuud oo arrintan ka hadalaya waxaa uu yiri “Soomaaliya waa dal muhiim ah, siyaado iyo miisaan leh, xiriir fiican la leh labada dhinac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya xiriirkiisa saaxiibtinnimo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xireenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”. Safiir Xifni oo sidoo kale ka hadlayey ahmiyadda webiga Nile-ka u leeyahay Masar waxaa uu yiri “Webiga Nile waxaa ku tiirsan biyo ahaan 97% dadka Masar, dalkeenna ma jirayo Nile la’aantiis, waa amni qaran, haddii dhibaato soo gaarto waxaa shaqo la’aan noqon doona 4 Milyan oo qof, inta kalena biyo la’aan iyo harraad”. Cadaadiska ay Masar waddo waxaa uu imaanayaa iyada oo Itoobiya ay iska diiday heshiis uu Mareykanka garwadeen ka ahaa oo la doonayey in xal looga gaaro arrinta biyo-xireenka Itoobiya iyada oo sheegtay in la cadaadiyey taasina ay tahay gardarro. Adis Ababa waxaa ay dooneysaa in dhaamiso biyo-xireeda sida ugu dhaqsiyaha badan si ay dhaqaale ahaan uga faa’ideysato halka Qaahira ay cabsi ka qabto in howshaasi ay saameyn ku yeelan-doonto xisabada biyaha ee gaara dalkeeda. Dhinaca kale, mar safiir Abuubakar Xifni Maxamuud uu ka hadlayey xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar waxaa uu ku dheraaday sooyaalka xiriirka labada dhinac tan iyo faraacinadii, xuriyadda kar iyo kadibba isaga oo intaas raaciyey hadda ay ka taageeraan tababarka ciidanka, waxbarasho gudaha iyo deeqo waxbarasho ah iyada oo 6 bil gudaheed Muqdisho lagu furi doonno Bank Masr oo wax badan ka tari-doonna maalgeshiga iyo ceyrta. Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Abuubakar Xifni Maxamuud oo safarkan u ahaa midkii 3-aad ee uu Muqdisho ku yimaado waxaa uu carabta ku dhiftay in Masar ka go’antahay ilaalinta midnimada Soomaaliya” Masar waxaa ay la tacaamushaa uun dowladda dhexe, waxayna mar walbo ilaalisaa midnimada iyo wadajirka Soomaaliya dhul iyo dad ahaaneed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sarkaalka la dallacsiiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Isniin ah dallacsiiyay sarkaal lagu magacaabo Mahad Islaam oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubaland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in Gaashanle Mahad Islaam loo dallacsiiyay darajada Gaashanle dhexe, kadib markii uu fashiliyay inqilaab ay wadday dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay ula wareegto degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Sarkaalka la dallacsiiyay, ayaa horay u soo bandhigay sheeko uu sheegay in ay dhexmartay isaga iyo saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA, kuwaas oo ka dalbaday inqilaab ka dhana dowlad goboleedka Jubaland, balse uu diiday. Dhinaca kale, madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada ay halkaasi ka hayaan sida ku xusan qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland: sarkaal fashiliyay inqilaab ka dhana Axmed Madoobe oo la dallacsiiyay appeared first on Puntland Post.
-
Sarkaalka la dallacsiiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Isniin ah dallacsiiyay sarkaal lagu magacaabo Mahad Islaam oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubaland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in Gaashanle Mahad Islaam loo dallacsiiyay darajada Gaashanle dhexe, kadib markii uu fashiliyay inqilaab ay wadday dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay ula wareegto degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Sarkaalka la dallacsiiyay, ayaa horay u soo bandhigay sheeko uu sheegay in ay dhexmartay isaga iyo saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA, kuwaas oo ka dalbaday inqilaab ka dhana dowlad goboleedka Jubaland, balse uu diiday. Dhinaca kale, madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada ay halkaasi ka hayaan sida ku xusan qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland: sarkaal fashiliyay inqilaab ka dhana Axmed Madoobe oo la dallacsiiyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT- Delhi)-Caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaa Sabtidii lagu qabtay munaasabad lagu cabbayo kaadida lo’da si looga hortaggo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxaana xafladda soo agaasimay urur u doodo xuquuqda dadka Hinduuga ee dalkaas. Waxaana dadkii ku sugnaa goobtan loo qeybiyay koobab ay ka buuxaan kaadida lo’da si ay isaga ilaalinayaan cudurka Corona. Dadka Hinduuga waxay rumeysan yihiin in lo’da ay tahay muqaddas, qaar kamid ah waxay rumeysan yihiin in cabidda kaadida lo’da lagu daweyn karo cudurro. Mid ka mid ah ka qeybgalayaasha munaasabadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qof kasta oo cabba kaadida lo’da uu ka badbaadayo cudurrada xilli uu dadka u qeybinayay kaadida. Dhakhaatiirta iyo dowladaha waxay sheegeen in wax daawo ah ama tallaal ah aan loo helin ka hortagga cudurka Corona kaas oo ay u dhinteen in ka badan 5,400 qof halka uu soo riday 150,000 qof guud ahaan caalamka. “Waxaan halkan isugu nimid duco ah in aan caalamka uu helno nabad, waxaan koob kaadida ah lo’da guddoonsiineynaa cudurka Coronavirus si aan u dejino oo aan uga nabadgalno” ayuu yidhi hoggaamiyaha ururka soo qabanqaabiyay xafladda, Shikarbani Maharaja. Shikarbani Maharaja wuxuu ugu baaqay dadka inay cabbaan kaadida lo’da si ay uga hortaggaan cudurka . “Coronavirus waa nooc ka mid ah bakteeriyada, kaadida lo’da ayaa ah daawada kaliya ah ee weerari karta bakteeriya kasta oo dhibaato nagu hayo” waxaa sidaas yidhi Om Prakash oo ka yimid dhinaca gobolka Uttar Pradesh, kana mid ahaa kasoo qeybgalayaasha. Qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan xisbiga qaran ee Hinduuga ayaa ku anddacooday in kaadida lo’da loo adeegsan karo dawo ahaan iyadoona daweyn karto Kansarka. Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii xildhibaan ka tirsan xisbiga haya talada ayaa soo jeediyay in isticmaalka kaadida iyo saalada lo’da lagu daweyn karo cudurka Coronavirus. Dalka Hindiya, labo qof ayaa u dhimatay cudurka Corona halka in ka badan 80 qof uu ku dhacay cudurku, dowladda waxay amar ku bixisay in la xidho dhammaan waddooyinka gala dalkaas iyo dal ku galka dadka ajaanibta ah ee kasoo jeedo dalalka uu ka dilaacay caabuqa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii fidayaa, sidaasi awgeed waxaa lagamamaarmaan ah in la barto sida looga hortago maadama uusan laheyn daawo. Tallaabooyinkani waxa ay lagama maarmaan u yihiin qof walba, si uu uga hortago Viruska Corona (Covid-19). Qormadan waxa iska leh Hay’adda UNICEF, sidaasi awgeed Xogtan ehelkaaga iyo asaxaabtaadaba la wadaag si aad uga xoreysid welwel aan loo baahneyn. 1. Coronuhu waa Virus waaweyn waxaana lagu qiyaasaa in uu leegyahay (400-500 micro), sidaas darteedna nooc walba oo maryaha afka lagu xidho ahi (mask) waa uu innagaga filanyahay inaan ka gaashaamano caabuqa. 2. Virus kan Coronuhu ma dhex sabbaynayo hawada, laakiin waxa uu ku dhagayaa walxaha. Sidaas darteedna, isu gudubku kuma dhacayo hawada. 3. Marka Virus ku gaadho oogada shay ka samaysan bir (metal) waxaa uu kusii dul noolaan karaa 12 Saacadood. Gacmahaaga oo aad si wacan u dhaqdo ayaana kaaga filan kahortaggiisa. 4. Marka uu gaadho oogada dharkana, viruska Coronuhu waxa uu kusii dul noolaan karaa 9 saacadood, sidaas darteedna dharka oo aad maydho ama cadceeda oo aad ku wadho mudo labo saacadood ah ayaa ku filan si aad u dishid Virus ka. 5. Virusku marka uu soo gaadho gacantaadana, keliya waxa uu kusii dul noolaanayaa 10 daqiiqo. Sidaad awgeed ku falaxalo Jeermis dile ay Alcohol ku jirto si aad isaga nadiifisid. 6. Marka heerkulku gaadho 26-27 °C, Viruska Coronuhu waa uu dhimanaya, kuma noolaan karo goobaha kulul. Waxa kale oo talo ah cabitaanka biyaha kulul (diirran) iyo isku dhigidda cadceeda si xanuunka aad uga hortagtid. Iska ilaalinta cunnooyinka qaboow sida Iskiriinku waa muhiim 7. Ku luqluqashada biyo diirran oo milix leh waxa ay dili doontaa Viruska ku jira dhuunta, taasoo kaa badbaadin doonta in uu sambabkaaga gaadho Virusku. W/T Kamaal Hassan Adnan oo jooga Canada.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan aqalka sare Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa warbaahinta isagoo ugu warramayey gudaha magaalada Garoowe ka hadlay xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee gobolka Gedo. Cabdiraxmaan Faroole ayaa marka hore eedeyn u jeediyey dowladda dhexe, wuxuuna sheegay inay ku xad-gudubtay nidaamka federaalka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay faro-gelin ku heyso arrimaha gaarka ah ee dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland. Senator Faroole ayaa sidoo kale madaxda dowladda ka dalbaday inay si deg-deg ah ciidamada uga soo saaraan gobolka Gedo, si loo qaboojiyo xiisada ka jira gobolkaasi. Dhinaca kale wuxuu carabka ku dhuftay in Axmed Madoobe uusan aqoonsi uga baahneyn dowladda, islamarkaana uu aqoonsan yahay Dastuurka Jubbaland. “Axmed Madoobe aqoonsi ugama baahno Dowladda Federaalka, waxaa aqoonsan dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland, DFS iyada ayaa faragelin ku heysa maamulkaas” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay sii xoogeysaneysay xiisada u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay Gedo iyo kuwa Jubbaland oo dhowaan ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wado qorshe ballaaran oo ay uga hortageyso cudurka dilaaga ah ee Corona. Axmed Macalin ayaa carabka ku dhufay inay qaadeen tallaabadii ugu horreysay, kadib markii Soomaaliya laga mamnuucay dadka ka imaanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran oo ka mid dalalka uu sida ba’an u saameeyey xanuunka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda dowladdu ay ka fakireyso sidii xayiraad loo saari lahaa wadamada Kenya iyo Itoobiya oo laga helay kiisas la xariira Fayruska Corona. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ka fakireysaa xayiraadda Itoobiya iyo Kenya oo laga helay Coronavirus, 24-saac mar ayaan isugu imaanaa shir oo aan kaga hadalno sida laga yeelayo xaaladaha isa soo taraya ee faafidda Corona”. ayuu yiri Axmed Macalin. Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay si joogta ah ula socon doonaan dalalkaasi oo min hal kiis oo cudurka laga helay. “Si joogto ah ayaan isha ugu heynaa dalalka Kenya iyo Itoobiya, hal kiis laguma qaadan karo go’aan degdeg ah, balse waxa aan kor kala soconaa sida uu ku faafayo, kulan ayaa maanta isugu imaaneynaa si aan go’aanka ugu dambeeyo ka gaarto arrintaan” ayuu sii raaciyey Mudane Axmed Macalin maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo looga hortagayo cudurka Coronavirus, iyadoo shaqaale caafimaad oo baaris sameynaya dhigtay garoonka Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
-
Waxaa shalay si habsami leh magaalada Garowe ee dowlad gobaleedka Puntland uga furmay shirka wadatashiga aayaha Puntland oo ay ka soo qeyb galeen madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash, xubno ka tirsan golaha wakiilada iyo madaxdii horay xilka uga soo qabatay Puntland sida Cabdi Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole oo iyagu soo noqday madaxweynayaashii hore ee dowlad goboleedka Puntland. Sidoo kale shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi isugu jira wasiirro iyo xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo laga soo soo doorto deegaannada Puntland oo uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad, xildhibaanno iyo Senoterro, waxaa kale oo shirka ka soo qeyb galay isimmada iyo siyaasiyiinta kale ee Punland. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday wixii Puntland u qabsoomay mudadii ay jirtay oo 22 sano ah, isaga oo ku dhawaaqay in bulshada reer Puntland ay muhiim tahay in ay is weydiiso wixii qabsoomay iyo waxaan qabsoomin intaba, sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in hormar fiican laga gaaray hormarinta kaabayaasha dhaqaale iyo arrimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada heerarkeeda kala duwan, dhismaha ciidanka iyo sare u qaadidda arrimaha ammaanka. ” 22 sano ka dib waxaa muhiim nala noqotay inaan qiimayno isna weydiinno arrimaha soo socda, ahdaaftii Puntland loo aasaasay maxaa inoo qabsoomay, maxaa qabyo inaga ah, maxay yihiin caqabadaha ka jira Puntland dhexdeeda oo u bahan sixidda iyo wax ka qabashada, ujeedooyinkii dowladda Soomaaliyeed oo federaal ah maxaa ka qabsoomay maxaa qabyo ka ah, waa sababta iyo ujeedka aan ugu baaqnay shirka wada tashiga ah si ay uga soo baxaan aragti iyo jiheyn ku aadan wadada ay qaadeyso Puntland mustaqbalka dhow, dhexe iyo kan fog. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cisman Karaash oo shirka ka hadlay ayaa xusay in Puntland mudadii ay jiratay wax badan ay u qabsoomeen waxna ay dhiman yihiin loona baahan yahay in la qabto mustaqbalka dhow iyo midka fog isaga ku amaanay madaxdii ka horeysay in wax badan ay soo qabteen. ” Waxaan ku amaanayaa madaxdii naga horeysay ama xukuumad ha ahaadan oo qori isku dhiibka ahaa oo qaarkood hadda ay fadhiyaan aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa meeshii ay soo garsiiyeen oo annaga aan ka sii anbo qaadnay, waxaan qirayaa in hormar weyn oo wanaagsan la gaaray oo aad arki kartaan, waxaan kale oo aan qirayaa in wax badan ay dhiman yihiin shirkii 1998-kii wixii lagu balamay wax maqan yihiin waxaan isku deyi doonaa inaan xuduudaha sugno oo wixii Puntland ka maqan raadinno oo Puntland oo dhameys tiran aan isgu imaanno “ Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Denjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Puntland ay ka dhabeysay ujeedooyinkii loo aasaasay , isaga oo ammaanay madaxweyne Deni sida uu dowlad gobaleedka Puntland uu ugu soo kordhiyey maamul wanaagga sida uu hadalka u dhigay. “Puntland waxyaabihii loo aasaasay 22 sano ka hor waxaa ugu waa weynaa labo u jeedo oo aheyd markii dowladnimadii naga duntay dagaallo sokeeye meel kasto hareeyeen ayaa oo dunida aan ku ceebeysan nahay dayac weyna uu jro, ayaa dadka reer Puntlland isu yimaadeen si ay maamul u dhstaan oo Puntland u sameeya baahiyaha dowladnimo ee loo baahan yahay iyo midda ka muhiimsan oo aheyd soo celintii dowladnimadii naga burburtay waxan rabaa aniga iyo wafdiga ila socda madaxda dowladdana ay nala qabaan in Puntland ay ka dhabeysay labadii u jeedo ee loo aas aasay, annagu waxaan aheyn goob joogayaal” ayuu wasiir Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay Shirka. Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Puntland Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in muhiim ay tahay in mar waliba in laga tashado wixii u qabsoomay dowlad gobaleedka, waxaana uu xusay in wax badan oo ka mid ah ahdaaftii iyo u jeedooyinkii loo unkay dowlad gobaleedka Puntland in la gaaray waxaa uu yiri “Puntland sababtii loo aas aasay iyo ahdaaftii laga lahaa ma la gaaray, annigu waxaan aamnisan nahay in badan oo ka mid ah 80% waa la gaaray ayaan aaminsan nahay, dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa burbrtay, dad dhibaato soo gaartay oo guryohoodii la dhacay oo aan waxba haysannin ayaa isugu yimid halkaan, dad dhibaataysan ayaa waxaa ay ku soo dul dageen dad kale oo dhibaateysan waxaana ad aragteen quruxda ay ka soo saareen oo maanta aad u jeedaan, dhib shiddo kale ma abuurin xasarad iyo dhibaato kale waxaana ay isku dareen in ay ismaareeyaan” Si lamida Seneter Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole oo soo noqday madaxweyanaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegay in Puntland in ay dhisanto ay mas’uul ay ka ahaayeen dhaqan iyo isimmada, kuwaas oo ka nabad galay qabiilka oo waqtigaas si xooggan dalka gudihiisa ugu faafay, isaga oo baaq u dirayana madaxda hadda joogta ayuu yiri “Puntland madhisanteen haddii aysan laba kooxood aysan jirin, koox la cuskaday dalka markii uu burburay oo qaabil noqday meel la qabto ama la cuskado majrin oo aan dhaqanka aheyn, oo markaas wana dhinteen waxna nool yihiin waa ay ka soo baxeen doorkoodii, qollana waxaa ay ahaayeen kuwii aqoonyahannada loo yaqaanay oo fikirka fulineysay oo dastuurka sameeyey oo howlaha qabanaayey mudadii aan jirnay waxbadan oo aan la tirin karin ayaa hagaagay maanta Puntland magac ayeey leedahay oo laga aqoonsan yahay dalka laguna qanacsan yahay”. Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in shirka mudadii loogu tala galay uu ku qabsoomay isaga oo umahadceliyey guddigii shaqada gacanta ku hayey iyo diyaarinta shirkaba waxaana hadalkiisii ka mid ahaa wasiir Dhabancad. “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay aniga oo ku hadlayo guddiga qaban qaabada shirka aan halkaan isugu nimid inaan ku soo dhoweyno martida shirka farxad gaar ah ayey ii tahay, iyo dowladda Puntland oo iyadu hoggaaminaysay qabsoomidda shirkaan dhammaan inta ka soo qeyb gashayna waan uga mahad celinayaa sida aad la socotaan 7-dii bishii February ayuu madaxwenaynaha Puntland magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay in uu qabsoomo shirweynaha wadatashiga Puntland 15/3/2020 oo ah maanta” Shirka shalay ka furmay magaalada Garowe ayaa la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah. W/Q: Dalmar Abdulkadir Jim’ale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)-Wasiirka Caafimaadka Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in tallaabooyinkaan lagu karaan tiilayo dadka da’dooda ay ka sarreeyso 70 sanno la qaadayo toddobaadyo gudahood si looga bad baadiyo xanuunka Coronavirus. Waxa uu intaa ku daray in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo adag oo dhib badan haddana lagu qasban yahay si loo bad baadiyo dadkaasi da’da ah. Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis ballaadhan la kulmeeyso si ay u qaaddo tallaabooyin dheeraad ah iyada oo la xakameeynayo faafista xanuunka Corona oo hadda ay u geeriyoodeen 21 qof oo Muwaadiniin British ah, kuwaa oo dhammaan da’dooda ay ka sarreeysay 60 sanno. Xaaladdan ayaa ka dhigan in qof walba aanu ka soo bixin gurigiisa , xitaa kuwa raashinka guryaha geeyaa ay albaabada dhigaan wixii adeeg ah oo ayna gudaha u galin guryaha. Tallaabadan ayaa immaaneeysa wakhti Culimada caafimaadka ingiriiska ay cambaareeyeen hannaanka Xukuumadda u wajaheeyso Cudurka Corona Virus, waxa ayna ku booriyeen inay qaaddo tallaabooyin dheeri ah si loo xakameeyo COVID19. Tirda guud ee dadka laga helay xanuunkaan dalka ingiriiska waxa ay gaadhayaan 1,140, waxaana la baadhay dad gaadhaya 37,746 qof. Ra’iisul Wasaarada Ingiriiska ayaa ka dalban doona shirkadaha dalka ingiriiska in ay ku biiraan Gurmadka qaran ee hadda soconaya si looga hortago Xanuunkaan sida ba’an u faafa ee Coronavirus. Source
-
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo hay’adda dhinaca horumarinta u qaabbilsan Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor loogu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee Dalka. Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxa si wada-jir ah u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj; Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta ee Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador; Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weli ba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ganacsiga. Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay Dalka ka fulinayaan. Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj; Cabdullaahi Cali Xasan ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinaayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka isaga oo sidoo kale na tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weli ba sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee fulinaaya mashruucan. “Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan. Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi: “Mashruucani wuxu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka Dalka.”. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo ka hadlayay kulan shalay ka furmay magaalada Garowe ayaa sheegay in ayna aqbalayn in wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay dhacaan iyadoo ayna Puntland ka qeyb-galin. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay wax aan sharci ahayn oo xaaraan ah wadahadalada la qorsheynayo inay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. “Wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa maamulka Somaliland. Wadahadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka samayestaba waxaan u arkaa inaanay sax ahayn xaaraanna yihiin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland. “Waana sababeynayaa Soomaaliya hadda halka lagu wado waxaa la rabaa oo wadahadallaasi ay rabaan in loo dhigo in Koonfur iyo Waqooyi wax loo wada qaybsado, Puntland xaggey markaa ku dambeyneysaa waa inay ka baxdaa marka kharriiradda taana yeeli meyno” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gudoomiyuhu. Source
-
Qodabada saakay ugu waa weynee warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin Taliyaha xoogga Dalka ayaa soo saaray digniino iyo amarro ku socda ciidamada aan joogtada uga howlgelin xarumaha ay hoostagaan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa wadahadallada la qorsheynayo inay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku tilmaamay wax aan sharci ahayn. Dowlad Itoobiya ayaa laga soo weriyay kiisas cusub oo CARONA VIRUS ah. Saraakiisha ammaanka Magalaada Baladweyne ayaa baadi-goobaya maleeshiyaad hubeysan oo dil ugu gaystay dad shacab ah inta u dhaxeysa Burdhiile iyo Kabxaanley. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan Dowladda Federaalka ka ogolan doonin in lagu ciyaaro dhisamaha heykalka Dowladnimada. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdikariin Cali Aadan iyo Raxmo Xasan Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-16-03-2020-.mp3 Source: goobjoog.com
-
DF oo ka fakireysa in xayiraad ay saarto Kenya iyo Itoobiya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Axmed Macalin oo ah maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wado dadaallo ay uga hortageyso cudurka Coronavirus. Maareeyaha oo la hadlayey warbaahinta ayaa tilmaamay inay haatan ka fakirayaan sidii xayiraad loo saari lahaaKenya iyo Itoobiya oo laga helay kiisas la xariira Corona. “Dowladda Soomaaliya waxa ay ka fakireysaa xayiraadda Itoobiya iyo Kenya oo laga helay Coronavirus, 24-saac mar ayaan isugu imaanaa shir oo aan kaga hadalno sida laga yeelayo xaaladaha isa soo taraya ee faafidda Corona” ayuu yiri Axmed Macalin. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay si joogta ah ula socon doonaan dalalkaasi oo min hal kiis oo cudurka laga helay. “Si joogto ah ayaan isha ugu heynaa dalalka Kenya iyo Itoobiya, hal kiis laguma qaadan karo go’aan degdeg ah, balse waxa aan kor kala soconaa sida uu ku faafayo, kulan ayaa maanta isugu imaaneynaa si aan go’aanka ugu dambeeyo ka gaarto arrintaan” ayuu sii raaciyey Mudane Axmed Macalin maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u joojisay dadka ka imaanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran oo uu si ba’an u saameeyey cudurkaasi. View the full article -
Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay si nabdoon kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay faarujiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo muddo 10 sano ah ku sugnaa deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen Janaale, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Cabdi Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalkaasi iyo dhaq dhaqaayada milatari ee ay ka wadaan halkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in la wareegitaanka deegaankaan ay muhiimad gaar ah u leedaya ciidanka dowladda iyo maamulka gobolka Sh/Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/hh.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wado qorshe ballaaran oo ay uga hortageyso cudurka Coronavirus. Axmed Macalin ayaa carabka ku dhufay inay qaadeen tallaabadii ugu horreysay, kadib markii Soomaaliya laga mamnuucay dadka ka imaanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran oo ka mid dalalka uu sida ba’an u saameeyey xanuunka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda dowladdu ay ka fakireyso sidii xayiraad loo saari lahaa wadamada Kenya iyo Itoobiya oo laga helay kiisas la xariisa Fayruska Corona. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ka fakireysaa xayiraadda Itoobiya iyo Kenya oo laga helay Coronavirus, 24-saac mar ayaan isugu imaanaa shir oo aan kaga hadalno sida laga yeelayo xaaladaha isa soo taraya ee faafidda Corona”. ayuu yiri Axmed Macalin. Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay si joogta ah ula socon doonaan dalalkaasi oo min hal kiis oo cudurka laga helay. “Si joogto ah ayaan isha ugu heynaa dalalka Kenya iyo Itoobiya, hal kiis laguma qaadan karo go’aan degdeg ah, balse waxa aan kor kala soconaa sida uu ku faafayo, kulan ayaa maanta isugu imaaneynaa si aan go’aanka ugu dambeeyo ka gaarto arrintaan” ayuu sii raaciyey Mudane Axmed Macalin maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo looga hortagayo cudurka Coronavirus, iyadoo shaqaale caafimaad oo baaris sameynaya dhigtay garoonka Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-160320.mp3 View the full article
-
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa saqdii dhexe ee Xalay kormeeray hawlgallo Amniga lagu xaqiijinayo ciidanka Booliisku ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ee Boosaaso. Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalladaas ay si guul ah ku socdaan islamarkaana shacabku ay kaalin muhiima ka qaateen wargelinta iyo la shaqeynta Booliiska hawlgalkaasi fulinaya. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in askari aan hawlgal ku jirin loo ogolayn in uu hub magaalada ku dhex wato isagoo xusay in askarigii lagu qabto tallaabo sharciya laga qaadi doono. Taliyaha ayaa ka mahadceliyay wada-shaqeynta Booliiska iyo shacabka degmada Boosaaso waxaana uu ciidanka hawlgalka wada ku boorriyay in ay bulshada si wanaagsan ugu adeegaan maadaama hawlgallo Amni la fulinayo. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka socda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Farmaajo oo ilaaladii ka qaaday Madaxweynayaashii & Ra’iisal wasaarayaashii ka horeeyay si amaankoodu halis u galo +Liiska Magacyada Masuuliyiinta laga qaaday Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo dhamaan shaqooyinka leexsan oo ay qabtaan ciidamada Xoogga dalka, oo macnaheedu yahay inaysan ilaalo u noqon karin shaqsiyaad kale. Amarkaan ayaa si toos ah u saameyn doono dhamaan mas’uuliyiintii hore ee dalka oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Warbaahinta ayaa heshay qaar kamid ah dadka uu go’aankaan saameyn doono oo dhamaantood xilal sare ka soo qabtay dalka waxaana masuuliyiintaasi kamid ah. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shalay un dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ka maqan dalka kuna sugan Turkiga. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xilka iska casilay sanadkii 2018, kadib khilaaf soo kala dhax-galay isaga iyo Xukuumadda. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ku sugan Muqdisho saaxiib dhowna la ah madaxda talada heysa. Dhamaan taliyaashii hore ee ciidamada Xoogga iyo kuwa booliska ee ku sugan dalka, waxaana kamid ah Gen. Indha-qarshe, Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka General Gacma-duule, General Qaafow, General Gorod, General Caanood, General Buud, General Gorod iyo masuuliyiin kale. Sidoo kale dadka amarkaan ciidankooda ku weyn doona waxaa kamid ah taliyaashii hore ee ciidamada Badda Admiral Ufurow iyo Admiral Faarax Qare. Shaqsiyaadkaan iyo kuwa kale oo la isku dhaho VIP ama shaqsiyaadka muhiimka ayaa amarkaan ku weyn doona ciidankii ilaalada u ahaa waxaana durba soo wajahay cabsi xoog leh. Dadk badan ayaa arintaan u arka cadaadis iyo halis lagu gelinayo amaanka dad muhiim u ah qarankaan oo soo shaqeeyay Xili adag, waxaana madaxda dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyay amarkaan. Qaran News
-
‘Waxay cabbeen kaadida lo’da si ay uga hortaggaan cudurka Coronavirus’ Caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaa Sabtidii lagu qabtay munaasabad lagu cabbayo kaadida lo’da si looga hortaggo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxaana xafladda soo agaasimay urur u doodo xuquuqda dadka Hinduuga ee dalkaas. Waxaana dadkii ku sugnaa goobtan loo qeybiyay koobab ay ka buuxaan kaadida lo’da si ay isaga ilaalinayaan cudurka Corona. Dadka Hinduuga waxay rumeysan yihiin in lo’da ay tahay muqaddas, qaar kamid ah waxay rumeysan yihiin in cabidda kaadida lo’da lagu daweyn karo cudurro. Mid kamid ah ka qeybgalayaasha munaasabadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qof kasta oo caba kaadida lo’da uu ka badbaadayo cudurrada xilli uu dadka u qeybinayay kaadida. Dhaqaatiirta iyo dowladaha waxay sheegeen in wax daawo ah ama tallaal ah aan loo helin ka hortagga cudurka Corona kaas oo ay u dhinteen in ka badan 5,400 qof halka uu soo riday 150,000 qof guud ahaan caalamka. “Waxaan halkan isugu nimid duco ah in aan caalamka uu helno nabad, waxaan koob kaadida ah lo’da guddoonsiineynaa cudurka Coronavirus si aan u dejino oo aan uga nabadgalno” ayuu yiri hogaamiyaha ururka soo qabanqaabiyay xafladda, Shikarbani Maharaja. Shikarbani Maharaja wuxuu ugu baaqay dadka inay cabaan kaadida lo’da ah si ay uga hortaggaan cudurka . “Coronavirus waa nooc kamid ah bakteeriyada, kaadida lo’da ayaa ah daawada kaliya ah ee weerari karta bakteeriya kasta oo dhibaato nagu hayo” waxaa sidaas yiri Om Prakash oo ka yimid dhinaca gobolka Uttar Pradesh, kana mid ahaa kasoo qeybgalayaasha. Qaar kamid ah xubnaha ka tirsan xisbiga qaran ee Hinduuga ayaa ku anddacooday in kaadida lo’da loo adeegsan karo dawo ahaan iyadoona daweyn karto Kansarka. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii xildhibaan ka tirsan xisbiga haya talada ayaa soo jeediyay in isticmaalka kaadida iyo saalada lo’da lagu daweyn karo cudurka Coronavirus. Dalka Hindiya, labo qof ayaa u dhimatay cudurka Corona halka in ka badan 80 qof uu ku dhacay cudurku, dowladda waxay amar ku bixisay in la xiro dhammaan waddooyinka gala dalkaas iyo dal ku galka dadka ajaanibta ah ee kasoo jeedo dalalka uu ka dilaacay caabuqa. Qaran News
-
Popular Contributors
