Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Itoobiya uu maalmahaan ku mashquul sanaa dhex dhexaadinta Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo [...] Source
  2. (SLT-Ottawa)-Raysal Wasaaraha Justin Trudeau ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Caabuqa Corona awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay. Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK. Waxaa lagu sameeyay baadhitaan ku aaddan caabuqa, iyada iyo Ra’iisul Wasaarahana waxay isku soo xidheen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baadhitaanka kasoo baxeyso. Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka. Dhakhtarkiisa ayaa kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad. Hase ahaatee si wax walba loo hubiyo, wuxuu kasoo shaqeynayaa gurigiisa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Mr Trudeau ayaa la qorsheynayay inuu ka qeyb galo kulamo labada maalmood ee soo socota ka dhici lahaa magaalada Ottawa. Dhammaan shirarkaas oo uu Ra’iisul Wasaaraha kula kulmi lahaa madaxda gobollada ayaa hadda la baajiyay. Mr Trudeau wuxuu hadda mas’uuliyiinta shirarkaas uu ku arki lahaa kula sheekeysan doona khadka telefoonka. Mowduuca ugu weyn ee uu kala hadli doono waa sida ay Canada uga jawaabeyso go’aanka ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka cudurkan ugu tilmaantay mid saf-mar ah. Source
  3. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha warfaafinta madaxweyne Jair Bolsonaro ee dalka Brazil, Fabio Wajngarten ayaa laga helay cudurka Coronavirus, waxaa sidaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha Brazil. Wajngarten ayaa dhowaan Bolsanaro ku wehliyey safar uu ku tagay Mareykanka, wuxuuna bartiisa Instagram soo dhigay sawir isaga oo dhinaca taagan madaxweyne Trump. Brazil ayaa sheegtay inay mas’uuliyiinta Mareykanka ku war-gelisay in cudurkan laga helay Wajngarten. Fabio Wajngarten ayaa sidoo kale la casheeyey madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, gabadha Trump ee Ivanka Trump iyo seygeeda Jared Kushner. Warkan ayaa sii kordhinaya cabsida laga qabo in Trump laga yaabo in isna cudurka uu ku dhici karo ama ku dhacay oo aan weli la ogeyn maadaama aan tijabao laga qaadin. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump aan laga baarin cudurka Coronavirus, inkasta looga cabsi qabo dad uu xiriir la sameeyey. Laba sharci-dejiye oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, oo Trump uu xiriir la sameeyey, ayaa dhowaan sheegay inay si iskood ah isku karantiilayaan kadib markii ay ka qeyb galeen shir uu sidoo kale joogay qof laga helay cudurka. “Madaxweyne Trump lagama baarin cudurka COVID-19, sababtoo ah ma jirin xiriir waqti dheer ah oo uu la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurka qabo, mana lahan wax astaamo cudurka ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay afhayeenka Aqalka Cad Stephanie Grisham. “Madaxweynaha caafimaadkiisa aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaana kormeer kusii wadi doona dhaqtarkiisa.”
  4. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si weyn u dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. The Canadian prime minister Justin Trudeau is self-isolating after his wife returned from London and started to show “mild flu-like symptoms”. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-12032020.mp3 View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Wefti uu hogaaminaayay maayarka degmada Gabiley oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa booqday goobo muhiim ah oo dalkaas ku yaala. Weftigan oo ka koobnaa xubno ka tirsan goleyaasha degaanka ee Somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan golaha degaanka ee dalka Ingiriiska iyo masuuliyiin kale. Maxamed Amiin Cumar Cabdi maayarka degmada Gabiley oo weftigaas hogaaminaayay ayaa sheegay inay dalkaas ka heleen marti qaad rasmi ah, isla markaana ay dalkaas ku qaateen tabobaro kala duwan, waxaanuu maayarku u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka gaysatay in ay safarkaas oo ah mid shaqo iyo aqoon korodhsiga isugu jira ee dalka Ingiriiska ku joogaan, waxaanuu xusay in kulanadii aqoon korodhsiga ahaa ay u soo dhammaadeen, dhawaana ay kulano la qaadan doonaan jaaliyada reer Somaliland ee nool magaalada London, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa lagu casuumay wada-hadallo la filayo inay Nairobi ku yeeshaan madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation. Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’I ayaa Arbacadii casuumaddan u gudbiyey Abiy oo uu kula kulmay Addis Ababa, taasi oo qeyb ka ah dadaal wax looga qabanayo xiisadda xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Ilo-wareedyo ku dhow wasiirka ayaa sheegay in la doonayo, kulanka la qorsheeyey ee Uhuru iyo Farmaajo, laga dhigo shir madaxeed saddex geesood ah. Si kastaba, Abiy ayaan weli aqbalin caasumadda uu u geeyey Matiang’I, si ka duwan Farmaajo oo durbadiiba aqbalay, waxaana lagu warramay in Abiy jawaab laga sugayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa Fred Matiang’I ku qaabilay Villa Somalia Isniinti, kana guddoomay caasumadda uga timid Uhuru. Kenya iyo Itoobiya ayaa labaduba waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa taageera dowladda federaalka, halka kuwa Kenya ay taageeraan maamulka ay dowladda is-hayaan ee Jubaland. Tan iyo markii uu xukunka qabtay ra’iisul wasaare Abiy, Itoobiya iyo Villa Somalia ayaa aad isugu dhowaa. Toddobaadkii tagay, Abiy ayaa ahaa kii fududeeyey wada-hadalladii taleefonka ee Farmaajo iyo Uhuru, kadib markii uu madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu waco Uhuru, si xiisadda loo qaboojiyo. Wada-hadalkii taleefonka ee xigay ee Farmaajo iyo Uhuru ayaa xiisadda qaboojiyey, taasi oo muujisay sida Abiy uu saameyn ugu leeyahay Farmaajo.
  9. Taliska booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa ay soo saaree amarro adag oo ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan degaanada maamulka Galmudug, kaasi oo ku aaddan hubka sharci darrada ah. Warkan ka soo baxay booliska Galmudug ayaa waxa uu farayaa ciidanka maamulkaasi in ay la wareegi karaan haddii ay gacanta ku dhigaan hub sharci darro ah oo deeganada Galmudug lagu dhex wato, waxaana qofka hubkaasi lagu qabto uu muteysan doonaa xarig aan ka soo laabasho lahyn oo ah muddo saddex bilood ah, sida ay sheegeen saraakiisha booliska maamulkaasi. Taliyaha Booliiska Qaybta Guud ee Galgaduud G/Sare Maxamuud Maxamed Jaamac , Taliyaha Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb Burhaan Axmed Roble , Guddoomiye ku xiggeenka Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb Abdi xaashi oo ay wehliyaan taliyeyaasha Degmooyinka Ku xeeran Caasimadda sida Taliyaasha Booliiska Xeraale iyo Balamballe ayaa kormeer amarkaan la xiriira iyo ogeysiin Ku soo marey Deegaanada , Mareergur, Shimbiraale , Tagaabeeye iyo Mirig, si loo dhaqan geliyo. Horey deegaanada Galmudug waxaa caadi ka ahaa in dadka shacabka ah ay magaalooyinka ku dhex wataan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana amarkan uu si gaara u saameyn doonaa dadka xoola dhaqatada ah oo mararka qaar hubkooda la soo gala magaalooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Talaadadii xaragga ka jaray garoon diyaaradeed oo laga dhisay magaalada go’doonsan ee Baraawe (200Km Koonfurta Muqdisho), taas oo ay xukuumaddu u arkeysay guul ay soo hooysay. Hase yeeshee 24 saac kadib markii la shaaciyay qiimaha lacageed ee ku baxay mashruuca oo gaaraya $4.3Milyan, sida ay wadajir u xaqiijiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Midowga Yurub iyo Somali Stability Fund, ayaa waxaa abuurmay shaki iyo su’aalo badan oo la iska weydiiyay run ahaanshaha arrinkan? Waxaa maskaxda shacabka isku qaban waayey sawirradii laga soo qaaday garoonka iyo qiimaha lacagta la sheegay inay ku baxday. Caasimada Online oo jawaabo u raadineysa su’aalaha dahsoon ayaa dabagal ku sameysay qandaraaskan iyo sida loo fuliyay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Midowga Yurub ka codsaday dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelato magaalada Baraawe, November 2017 kadib markii dadka degaanku ay codsadeen in la helo garoon diyaaradeed, maadaama waddada Baraawe – Muqdisho ay u xiran tahay Al-Shabaab. Caasimadda Online ayaa daalacatay qoraalka ay Midowga Yurub ku oggolaadeen maalgelinta mashruucan oo ay ku kaceysay $4.3 Milyan, balse ay shuruud uga dhigeen in mashruuca la marsiiyo hannaanka ay mashaariicdooda u fuliyaan. Sidee loo fuliyaa mashaariicdan? Inta badan mashaariicda ay deeq bixiyeyaashu ka fuliyaan Soomaaliya waxaa la mariyaa hannaan gaar ah oo ujeedadiisu tahay inaan hay’adaha dowladda lagu aaminin fulinta mashaariicda, balse deeq-bixiyuhu oo kharashaadka, fulinta iyo kor-joogteynta uu siiyo NGO-yo maxalli ah, kadibna dowladda ay la wareegto wixii ay codsatay, haddii ay tahay dhisme, qalab IWM. Masuul ka tirsan Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka oo codasaday in aan magaciisa la xusin ayaa Caasimada Online u sheegay “Dowladda Federaalku waxay EU ka codsatay dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe kadib, EU waxay lacagta ku baxday ku wareejisay Somali Stability fund SSF oo ah mashruuc ay waddo Adam Smith (Hay’ad Ingiriis ah) oo bixisay qandaraaska, xaqna u lahayd kor-joogteynta iyo kormeerka mashruuca”. “Mashaariicda nuucaan ah waxaa loo yaqaanaa In-kind Grant oo la macna ah baahidaada ayaad u gudbineysaa deeq-bixiyaha, kadibna waxa laguu qabanayaa wixii aad codsato oo kaliya, adiga oo aan maamulka howsha shaqo ku lahayn” ayuu raaciyay. Arrinkan ayaa la aaminsan yahay inuu meesha ka saaray kaalinta isla xisaabtanka ay lahayd dowladda Soomaaliya, isla markaana uu fududeeyay in hay’adaha iyo deeq-bixiyeyaasha musuq maasuq ku sameeyaan mashaariic farabadan oo magaca Soomaaliya lagu soo qaado. Sidee Midowga Yurub ku oggolaaday in garoonka Jaay ah lagu bixiyo $4.3 Milyan? Caasimadda Online ayaa fahansan in degamada Baraawe oo ciidamada dowladdu Al-Shabaab kala wareegeen 2014 ay go’doonsan tahay ilaa maanta, sidaas darteed ay caqabado badan soo wajaheen mashruucan sida gaarsiinta qalabkii loo isticmaalay dhismaha oo intiisa badan diyaaradaha qumaatiga u kaco lagu geeyay, taas oo la aaminsan yahay in ay qeyb ka ahayd sare u kaca qiimaha dhismaha. Dhanka kale warar ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in shirkadaha qandaraaska qaatay ay dhowr jeer ka baxeen heshiiska sababo la xiriira handadaad dhanka Al-Sabaab uga imaaneysay, taas oo mar kale caqabad ku noqotay dhismaha. Ugu dambeyn, inkasta oo caqabado dhowr ah oo is-biirsaday ay horseedeen in garoonka ay ku baxdo lacag ka badan tii ku bixi lahayd, haddana waxaa meesha ka marneyn in nidaamka EU wax ku bixiso ee iska daba wareegga iyo hay’adaha kala duwan ee la marsiiyo mashaariicda ay sababta in lacag badan dhexda laga bixiyo.
  11. Kenya oo baadheysa eedeymo la xidhiidha dhiig dalkeeda laga xaday oo Soomaaliya lagu iibiyay Wasiirka caafimaadka ee Kenya oo ka hadlay eedeymaha dhiigga sida sharci darrada ah loo geeyay Soomaaliya Dowladda Kenya waxay sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xiriira in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas si sharci darro loogu iib geeyo dalka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug lahaan karaan howlaha la xiriira dhiigga Kenya laga xado ee lagu iibiyo Soomaaliya. Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii saraakiisha lagu caddeeyo in dhiigga si sharci darro ah ay u geeyeen Soomaaliya la xiri doono isla markaana la maxkamadeyn doono. Waa markii ugu horreysay ee Kenya ay qirato in keydkeeda dhiigga uu yahay mid yar oo aan dabooleyn baahida. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan eedeymahan. Adeegyada keydka dhiigga ee Kenya waxaa 15-kii sanno ee lasoo dhaafay maalgelineysay dowladda Mareykanka inkasta oo sannadkii lasoo dhaafay uu Mareykanka deeqda dhiigga ah joojiyay, wixii xilliggaas ka dambeeyay dalkaas wuxuu la daalaa dhacayay xoojinta keydka dhiigga. Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)- Qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu sameeyey isku shaandhayn lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga. Wareegto uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac maanta (12 March 2020), ayaa lagu shaaciyey xil-ka-qaadis, isku beddel iyo magacaabis cusub oo lagu sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha kala duwan ee xisbiga ee Gobolka. Wareegtadaasina waxay u qornayd sidan: “Ku: Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud Timiro Ku: Sacda Cabdi Xasan Ku: Cabdicasiis Maxamed Yuusuf Ku: Axmed Yoonis Juxa Ku: khadar Sh. Ibraahim Dugsiiye Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Og: Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, 2aad, 3aad, 4aad ee xisbiga KULMIYE Og: Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Ujeeddo: Magcaabid, isku-Badel iyo Xil ka Qaadis Mudanayaal; Sida aad la socotaan, xilka xisbiga ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Gobol Xoghayaha Dhallinyarada Heer Gobol Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax Guddoomiyaha Degmada Ibraahin Koodbuur Magcaabid; Markaan arkay muhiimadda dhismaha maamulka Degmooyinka iyo Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, Markaan ku qancay kartidooda, aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda, Waxaan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta in aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Axmed Maxamed X. Cali Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol Maxamed Cabdi Yuusuf Xoghayaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol Mubaarik Cabdillaahi Haybe Madaxa Abaabulka iyo wacyigelinta Gobolka Maxamed Abiib Siikaawi Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur Muxiyodiin Cabdi Shiil Guddoomiyaha Degmada 26ka juun. ALLAA MAHAD LEH Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, ahna Kusimaha Guddoomiyaha. Source
  13. Dhulka garoonka Gaalkacyo loo asteeyay Hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka Waqooyi Bari ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Goob-joogayaal ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in iska hor-imaadkaasi dhexmaray ciidamo ilaalo ka ahaa dhulka loo asteeyay in laga dhiso garoonka cusub ee diyaaradaha Gaalkacyo iyo dad hubaysan oo sheeganaya in ay dhulkaasi leeyihiin. Qofka dhintay labada dhaawacmay ayaa dhammaantood ka tirsanaa dadka sheeganaya in ay dhulkaas leeyihiin waxaana dhaawaca la geeyay isbitaalka dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo. Dadkii hubaysanaa ee sheeganayay dhulka loo asteeyay garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe halkaas laga cayriyay waxaana hadda gacanta ku haya ciidankii ilaalada ahaa ee horay u joogay. PUNTLAND POST The post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay inay kordheen tirada dadka ay u karantiileen cudurka ku faafaya caalamka ee Coronavirus. Ayada oo markii hore la ogaa kaliya hal qof, ayaa wasiirka waxay iminka sheegtay in tirada dadka ay dowladda Soomaaliya karantiishay ay tahay afar qof oo ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronavirus. Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ka yimid dalka Shiinaha, 10-kii Bishan, halka saddexda kalena ay dalka soo gaareen maanta, sidda ay shaacisay wasiir Fowsiya. Waxa ay sidoo kale sheegtay in dadkaas hadda lagu hayo meel gaar ah oo lagu tala galay, islamarkaana ay caafimaad qabaan ayna fulinayaan awaamiirta caalamiga ah ee Coronavirus ah. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay shalay ku dhowaaqday in cudurka Coronavirus uu yahay “Pandemic”, oo macnaheedu yahay cudur isaga faafa dalalka. WHO ayaa sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda caalamka laga xaqiijiyey 118,000 kiis oo ah cudurkan, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19, iyo dhimashada in ka badan 4,000 oo qof. Saddexda dal ee ugu xun ee cudurka uu saameeyey ayaa kala ah China, Italy iyo Iran.
  15. The county government has revived a plan to ban sale and consumption of khat (miraa) in the region. Source: Hiiraan Online
  16. Maxamed oo la sheegay in Daacish u taqaanay Abuu Hureyra Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridey nin lagu eedeeyey in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish. Ninka xukunka dilka ah lagu ridey oo lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ku eedeysay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish, isla markaana magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Siinaay uu ku diley Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada deegaanka Xamar oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Dhuxulow. Maxamed Cali Maxamed ayaa la sheegay in uu ka tirsaa 30 xubnood oo Daacish ah, oo ay ku jiraan Itoobiyaan oo dagaal ku dhexmaray Al-shabaab deegaanka Miiraale oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaat ee gobolka Bari. Maxamed ayaa dhaawaciisa lagu daaweeyey Muqdisho Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Maxamed Cali Maxamed ay Daacish u soo badeshay magaalada Muqdusho, oo markii dambe lagu qabtay isagoo dhaawac ah, kadib dilkii Maxamed Cabdi Dhuxulow oo ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada deegaanka Xamar. Dilka toogashada oo ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayuu sheegay in ay tahay qisaastii marxuum Maxamed Cabdi Dhuxulow. Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in xukunkan cidii aan ku qanacsanayn ay u furan tahay Racfaan. Daacish iyo Al-shabaab oo isku’laayay gobolka Bari PUNTLAND POST The post Nin ka soo dagaalamay Miiraale, Puntland oo lagu xakumay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Dil Ah Ridday Mareykanka Oo Wali Ka Aamusan Duqeyn Uu Dad Shacab Ah Ku Dilay Ganacsatada Dharkenyleey oo cabasho ka muujiyay lacago dheeri ah oo agu soo rogay Al shabaab oo weerar ku qaaday magaalada Mandheera Hadabada halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya weriyahayaga Yuusuf Cabdulaahi Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabbnimo-12-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (SMN) – Munaasabad lagu daah-furayay masjidka Xaaji Yuusuf Xasan Sahal oo kamid ah masaajida ku yaala magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay gudaha masjidka oo ku yaala wadada Frolence ee degmada Warta-nabada xili daahfurka masjidka ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin culumaa’udiin caan ka ah dalkeena Soomaaliya iyo maamulka sare ee shabakada warbaahinta Shabelle. Dhismaha masjidka oo soo socotay mudo sanad iyo sadDex bilood ah ayaa waxaa si weyn uga qayb qaatay tabarucaada ay u fidiyiin Ummadda Soomaaliyeed, iyaddoo shabakada warbaahinta Shabelle ay baahineysay barnaamij lagu wacyigelinayey dadweynaha. Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, oo ka hadlay furitaanka masjidka, ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta taariikhda masjidka iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soomaray, isagoo sheegay in tabarucaada lagu dhisay masjidka ay kasoo kala aruuriyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay warbaahinta Shabelle oo door baahineed oo muhiim u ahaa dhismaha masjidka kaga qeyb qaadatay dhismaha masjidka. Sheekh Abuukar Xasan Maalin, oo munaasabada ka hadlay, ayaa si wayn uga hadlay faa’iidada ay leedahay ka qeyb-qaadashada dhismaha iyo dayac-tirka goobaha cibaaqada ee Masaajidka uu ugu horeeyo. Sidoo kale, maamulka masjidka Xaaji Yuusuf Xasan Sahal ayaa uga mahd celiyay dadkii ka qeyb qaatay dhismaha masjidka, isagoo kalimadu duco u badan ujeediyay ka qeyb-qaatayaashii dib-u-dhiska masjidka iyo maamulka sare ee shabakada warbaahinta Shabelle. Shabakada warbaahinta Shabelle ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay dhismaha iyo dayactirka goobaha cibaadada, iyadoo Shabeelle ay sii dayso barnaamijyo wacyi galin iyo daqli aruurin ku qotonta dhismaha masaajida waxaana masjidkaan uu qayb ka noqonayaa tira masaajid ah oo Shabelle ay dowr weyn kaga qaadatay dhisamaha iyo dayactirka masaajido dhowr ah. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – C/raxmaan Yuusuf Taraabi, oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaaliyeed, ayaa aad u soo dhaweeyay wadahadalada dowladda Somaaliya iyo Kenya ee ku aadan xiisadaha kasoo cusboonaaday xadka labada dal. Taraabi ayaa sheegay in ay tahay talaabo aad u wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u-umaasiyada kulanka la filayo iney dhawaan iney yeeshaan madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamad C/laahi Farmaajo, iyo Uhuru Kenyatta, hogaamiyaha waddanka Kenya. Madaxweyne Farmaajo ayuu si gaar ah ugu amaanay kaalinta uu ka qaatay wada hadalaaasi maadaama uu khadka talefanka uu goor sii horeesay ku hakiyey xasaradaha cirka isku sii shareeray. Wasiirka arimaha dibada Somaaliya, Axmad Ciise Cawad, ayaa tibaaxay in dhawaan la filayo inuu wada hadalo toos ah ay yeeshaan labada madaxwayne taasi oo lagu soo ajarayo xiisadaha ka dhax aloolsan Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  20. MOGADISHU (HOL) - A military court in Mogadishu has sentenced to death a member of the outlawed terrorist organisation ISIS for killing a soldier in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (SMN) – War qoraala oo kasoo baxay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu shaaciyay in xayiraad dhanka safarka ah ay kusoo rogtay dalal ay kamid tahay Soomaaliya,taas oo boqortooyadu ay sheegtay in kamid tahay talaabooyinka ay kaga hortageyso caabuqa Coronavirus. Bayaankan ay soo saartay boqortooyada Sacuudiga oo nuqul kamid ah lagu daabacay wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in xanibaado dhanka safarka ah ay saartay muwaadiniinta wadamada Switzerland, India, Pakistan, Sri Lanka, Philippines, Sudan, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Djibouti iyo Somalia. Sacuudiga ayaa sheegay in dalalka ay kusoo rogeen xanibaadaha socdaalka ay ka jirto cabsi ku aadan caabuqa sida fudud u faafa ee Coronavirus, isla markaana ay talaabadan kamid tahay talaabooyinka caabuqa looga hortagayo. Wadamada uu Sacuudiga sheegay in ay ka jirto cabsida Coronavirus oo ay kamid yihiin dalalka geeska Africa dhaca ee Sudan, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Djibouti iyo Somalia ayaan dhamaantood la xaqiijin hal kiis oo ah Coronavirus oo laga helay gudaha dalalkaasi, sida ay muujisay warbixin ay dhowaan soo saartay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO. Si kastaba ha’ahaatee boqoraatooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in sidoo kale ay si gaar ah xanibaad u saari doonaan qof walba oo booqda dalalkaasi, isla markaana isku daya in uu gudaha u soo galo dalkaasi. Go’aanka Sacuudiga ay Soomaaliya ugu dartay wadamada ay ka jirto caabuqa Coronavirus ayaa noqday mid lama filaan ah,maadaama Soomaaliya aan wali laga helin qof la xaqiijiyay in uu qabo caabuqa Coronavirus,mana jiro wax war ah oo dowalda Soomaaliya ay kasoo saartay go’aanka Sacuudiga uu Soomaaliya wadamada ay ka jirto cabsida Coronavirus. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay duleedka Muqdisho. Dadka degaanka ayaa u sheegay Shabelle in howlgalada ay ka dhaceen degaanka Caawa Cabdi iyo nawaaxigiisa. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadda ay ku guuleysteen in ay soo saaraan illaa iyo afar xabo oo Miino isla markaana ay qarxiyeen. Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo saaka ciidamo ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday Afgooye lagu qarxiyey isla degaankaasi. View the full article
  23. MOGADISHU (HOL) - Somali National Army (SNA) Wednesday evening repulsed an attack by the militant group Al-Shabaab in Lower Shabelle region, sources have said. Source: Hiiraan Online
  24. WAR-SAXAAFADEED: 12/03/2020 Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Qodobo Muhiima. Muqaalka Fadhigii Golaha Wasiirada+Qodobad ka soo baxay:- Fadhigii 55aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaalada Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, iyo xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda oo madaxweynuhuna guddi u saaray. Ugu horayn waxa golaha warbixin ka siiyey xaalada Caabuqa Coronavirus, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo xusay in illaa hadda dalku ka nabad-qabo oo aan cidna lagu arag astaamaha xanuunkaasi lagu garto. Waxa isna golaha warbixin mugleh ka siiyey wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland heerka waxbarashada ee dalka iyo sidii deegaanada baadiyaha ah ee Magaalooyinka ka durugsan loo gaadhsiin lahaa waxbarashada. Dhinaca kale wasiirka horumarinta Beeraha ayaa ka war-bixiyey khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, sida lagu xusay war-bixinaha hay’adaha Ayaxa ku shaqada leh, isagoo wasiirku tilmaamay in ay u sii diyaar garoobeen ka wasaarad ahaan. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo fadhigan goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda. War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dardar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa. Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u saaray in ay ka soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka jirta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland. Xubnaha Guddida: 1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida. 2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). 3. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed. 4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno). 5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed. 6. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal. 7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda JSL, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi. 8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed. 9. Wasiirka Cadaaladda JSL, Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile. 10. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  25. Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qakabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Maxamed Cali Maxamed oo loo heysto dilka Askari ka tirsan Ilaalada Deegaanka Xamar iyo ka mid ahaanshaha Ururka Daacish. Guddoomiyaha Maxkamadda Daajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka Ninkaasi ka tirsanaa Ururka Daacish, islamarkaana dil u geystay Askare ka tirsan Ilaalada Deegaanka Xamar. Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in uu wali u furan yahay inuu qaato Racfaar oo ku suman muddo 30 cisho ah. View the full article