Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,400
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali government announced Sunday that it banned all passengers with a travel history through the worst-hit countries from entering Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadd Soomaaliya ayna goob joog ahaayeen madaxda Qaranka ayaa lagu go’aamiyay in lagu dhawaaqo joojinta qaadka iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimaada Kenya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta laga hubinayo in qaadka uu keeni karo xanuunka Coronavirus, maadama gacmaha lagu soo jaro baakadano ku jirin, la joojinayo dhammaan keenista qaadka. Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in la hakiyo agabyada kale ee ka yimaada Kenya iyo guud ahaan duulimaadka dalkaas iyo Soomaaliya. Xildhibaan Cali Jowhar oo ah Guddomiayah Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta berri ah ay qaban doonaan shir ayna dowladda Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayaan joojinta qaadka. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kulan dhacay la isku afgartay joojinta arrintaan islamarkaana go’aanka lagu dhawaaqi doono wixii ka dambeeya maalinta berri ah. Shaqsiyaad badan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in la joojiyo qaadka oo halis ku ah Somalia, sidoo kalane sababi kara cduurka adduunka saameeyay ee Coronavirus maadaama aan la hubin inuu gudbin karo iyo in kale. Kenya ayaa shalay shaacisay in laba qof oo hor leh dalkaas laga helay Coronavirus, laba maalin kadib markii ay shaacisay kiiskii ugu horreeyey. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran.
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumahana-Wararka-15032020.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumahana-Wararka-15032020.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raagge ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku amray dhamaan Madaxda hoggaamada Ciidamada Xoogga dalka inay soo xareeyaan Askarta ku maqan Shaqada leexsan. Shaqo leexsan macnaheeda waa Ciidanka Istaafyada ah ee Xoogga dalka ka tirsan). Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in Amiirka Al-Shabaab uu la wareegay maamulka Amniyaatka gobolka Banaadir. Qoraal lasoo dhigay barta mareegta Twitter-ka ku leedahay NISA ayaa lagu shaaciyey sababta ka dambeysa arrintaas. “Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri. Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho. — NISA (@HSNQ_NISA) March 15, 2020 Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa amar ku bixiyey in lasoo xareeyo ciidamada haya “shaqooyinka leexsan” ama ilaalada u ah shaqsiyaadka gaarka ah. Warqad 14-kii bishan kasoo baxday Odowaa ayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka xoogga dalka lagu faray in ay soo xareeyaan dhamaan ciidamada taliskan uga maqan ‘shaqooyinka leexsan’ maadaama sida lagu sheegay warqadda ay taliska ciidanka xoogga dalka hor taallo shaqa adag. “Dhamaan taliyaasha XDS, taliyaasha qeybaha XDS, taliyaasha kulyadaha iyo dugsiyada tababarka XDS iyo taliyaasha colalka madaxa banaan XDS, waxaa la farayaa laga bilaabo 14-03-2020, in ay si degdeg ah u soo xareeyaan istaafyada ciidanka XDS ee shaqo leexsan ku maqan, maadaama taliska ciidanka xoogga dalka ay horyaalaan shaqooyin adag si ay u gutaan xilka iyo waajibaadka ka saran difaaca qaranka” ayaa lagu yiri warqadda. “Sidaas darteed dhamaan meelaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu adkeynayaa in ay xaqiijiyaan fulinta amarka kor ku xusan”. Ugu dambeyntii warqadan kasoo baxday taliska guud ee ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri, “Qeybtii aan sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo xareynin askarta uga maqan ‘shaqo leexsan’ waxaa laga qaadi doonaa tallaabo ku haboon oo sharciga waafaqsan”. Amarkan ayaa imanaya dhowr maalmood un kadib markii ay Caasimada Online ay qortay inay dood culus ka taagneyd amar lagu bixiyay in ciidanka ilaalada ah laga qaado madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dooddan ayaa u dhaxeysay xubno ka tirsan xafiisyada madaxweynaha iyo iyo taliyaha ciidamada Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. General Odawaa ayaa ka biyo diidanaa in ilaalada laga qaado madaxweynayaashii hore ee dalka, isaga oo ciidankii hore ilaalada ugu ahaa madaxweynayaashii hore ku qoray Taliska Guud taas oo ka hor tagaysa in la badalo, waxaana Odawaa ku qabsaday Madaxweynaha. Si kastaba, ma cadda waxa hadda iska beddelay diidmadii Odowaa, iyo sida amarka cusub ee uu soo saaray uu u saameynayo labada madaxweyne. Dowladda Soomaaliya ayaa damacsan tiro yar oo ciidan cusub ah u qorto madaxdii hore sida hore min laba askari loogu reebay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo ilaa hadda muujinaya walaac iyo cabsi xoog leh. Villa Somalia ayaa cadaadis dhanka amaanka ah saartay dhamaan mucaaradka waxayna ka reebtay ciidankii ilaalada u ahaa halka qaarkoodna aad looga yareeyay tirada ciidanka ilaaliya taas oo abuurtay xaalad cabsi ah oo aad u ballaaran. Hoos ka aqriso qoraalka Odowaa
  8. Waa wax lala yaabo oo laga yaqyaqsoodo ah in Prof.Cabdisalaan Yasiin oo ka mid ahaa Shantii qof ee ugu horeysay ee Ururkii SNM ku asaasay, [...] Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa sheegay in madaxwaynaha jsl usoo gudbiyay labadii xubnood ee komishanka ka dhinaa ee xisbiyada mucaaridka matalayay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Madax-Dhaqameedka West Burco Clan Oo Codsaday In Shirka Burco Lagaga Hadlo Arrimo Siyaasi Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka coronavirus ah. Cudurka ayaa laga helay nin 50-sano jir ah oo ka yimid magaalada Paris waxaana la sheegay in lakarantiilay isaga xaaskiisa iyo gabadhiisaba. Cururkan oo markiisi hore kasoo bilaabowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku faafay meelo badan oo aduunka ah,isagoo waxyeeladiisana ay aad u badatay. 5,844 qof ayaa u dhimatay Adduunka oo dhan iyadoo 157, 300 oo qof uu hayo cudurka, Dalal badan oo Adduunka ah ayaa dalalkooda kusoo rogay xaalad deg deg ah si loo xakameeyo cudurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa sheegay inay ka tashanayeen sidii ay meel uga soo wada jeedi lahaayeen dhibta adduunka ku soo korodhay ee xannuunka Corona Virus waxa uu gudoomiyuhu xusay inay isla meel dhigeen sidii ay ganacsatadu u kaydin lahaayeen raashinka iyo daawooyinka daruuriyaadka ah ee dalka yaala Wasiirka wasaaradda Ganacsiga,Wershahada iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga gaashaaman lahaa xannuunka CoronaVirus oo si xoogan adduunka ugu faafaya Wasiirku waxa uu Ganacsatada ku bogaadiyey hannaanka ay u kaydiyeen raashinka iyo daawooyinka dalka yaala. Wasiirka ganacsigu waxa uu intaas ku daray in Ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland ay ka wada shaqaynayaan talaabo kasta oo lagu kaydinayo Cuntada iyo daawooyinka dalka gudihiisa yaala, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Nairobi)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha dalka Kenya laga helay laba qof oo qaba Cudurka halista ee Coronavirus, kaasi oo dunida kusii faafaya. Tirada dadka laga helay Coronavirus ee dalka Kenya ayaa haatan mareysa 3 qof, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay laga helay Haweeney Kenyaan ah oo ka timid dalka Mareykanka. Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Goor-dhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay go’aano cusub oo ku socda bahda Waxbarashada dalkaas. Kenya ayaa sidoo kale joojisay duulimaadyada dadka ka imanaya iyo kuwa u socda wadamada uu saameeyay Corono, wuxuua dadkiisa ugu baaqay iney guriga isku karan tiilaan walow ayna dowladda Soomaaliya wali joojin Jaadka ka imaada Kenya. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la xidho dhamaan iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalkaas, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay cabsi laga qabo inuu sii faafo Cudurka Coronavirus. Cudurka Coronavirus ayaa haatan kusii faafay dalal badan oo ku yaalla Caalamka, waxaana u dhintay in ka badan 5,000 oo qof, halka kumanaan kalena uu soo ritay. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, oo dhowaanahan ka hadleysay khilaaf ay sheegtay inuu ka dhex taagan yahay hoggaanka Al-Shabaab, ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay ku sheegtay inuu gaar heer ay gadood sameeyaan xubno. Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah “uu la wareegay” amniyaatka kooxda ee magaalada Muqdisho, kadib “gadood ka dhashay” dilkii Muuse Mucaawiye, sida ay tiri. Qoraalka NISA oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu yiri “ Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka (Qaraxyada) Gobolka Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga joogtada ah ee Muqdisho.” Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho. — NISA (@HSNQ_NISA) March 15, 2020 Qoraalka NISA ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. 10-kii March, NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Al-Shabaab ay habeenkii Isniinta degmada Bu’aale ee Jubada Dhexe ku dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye), kadib amar sida la sheegay uu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah. Isla qoraalkaas ayaa lagu sheegay in xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka Gobolka Banaadir Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Axmed Diiriye. Qoraallada NISA ee la xiriira khilaafka ka dhex jira hoggaanka Al-Shabaab ayaa soo billowday 3-dii Febraayo, waxaana lagu sheegay inuu salka ku hayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hor-yimid qaraxyada laga fuliyo magaalada Muqdisho. Xubnahaas ayaa kala ah Mahad Karataay iyo Bashiir Qorgaab, oo sida ay sheegtay uu Axmed Diiriye uu ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada. Bashiir Qoorgaab ayaa waxaa kadib lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo.
  15. Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta dib ugu laabtay Jowhar, caasimadda maamulkaas. Waare, oo soo dhaweynta kadib la kulmay labada gole ee dowlad goboleedkaas, ayaa amar kusoo rogay xubnaha golahiisa wasiirada. Daa’uud Xaaji Cirro, afhayeenka Waare oo wariyeyaasha la hadlay, ayaa tibaaxay in loo yeray wasiiradda aan fasaxa haysan. Wuxuu intaas ku daray in lagu amray in ay si deg-deg ah kusoo gaaraan magaala madaxda si ay ugu biiraan shirarka Xukuumadda. Ugu dambeyntii, wuxuu tibaaxay in madaxweynuhu rajeeyay in wasiiradda ay ajiibi doonan fariintaas oo qeyb ka ah isla xisaabtanka, siddu yiri. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-15032020.mp3 View the full article
  17. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta waxay gaareen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha waxaa halkaas [...] Source
  18. (SLT- Kuwait)-Masuuliyiinta Dawladda Kuwait ayaa si ku meel-gaadh ah u Albaabada ugu laabay Masaajiddada, waxayna wax ka beddeleen sidii loo Aadaami jiray. Dawladda Kuwait ayaa xidhay Masaajiddadii ay Dadweynuhu Salaadda ku wada tukan jireen, waxaana xilliyada Salaadda Sameecadaha Masaajiddada ka baxa Aadaan la duubay, kaasi oo isaga laftiisa wax laga beddelay. Kalmadaha Aadaanku ka kooban yahay ayaa lagu soo daray ‘Guryihiina ku tukada’, sida uu daabacay Wargeyska Middle East Eye. Tallaabadan ayaa Dawladda Kuwait u qaadday si looga digtoonaado Caabuqa faraha baas ku haya Dalalka Caalamka ee Coronavirus. Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee Dalka Kuwait ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay in la joojiyey Shantii Salaadood ee Masaajiddada lagu wada tukan jiray, laakiin dadweynuhu ay guryahooda ku tukadaan, si looga baaqsado Cudurka Coronavirus. Muuqaallo lagu baahiyey Baraha Bulshadu waxay muujinayaan Masaajiddada Kuwait oo ka baxayaan Aadaan ay kalmadiisa ka mid yihiin in aanay dadweynuhu Masaajiddada iman ee ay Guryahooda ku tukadaan. Kuwait oo illaa hadda 100 Qof lagu arkay Cudurka Coronavirus ayaa iska joojisay duulimaadyada Ganacsi ee dalkaa iman jiray, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga hor-tagayo Coronavirus. Illaa hadda lama sheegin Cid uu Coronavirus ku dilay Dalka Kuwait. Source
  19. Janaale (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay faarujiyay degmada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose kadib markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya. Ciidankaan oo ka baxay Awdheegle ayaa ku sugan nawaaxiga Janaale, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay suurtagal tahay in ay gudaha u galaan degmadaasi oo ay muddo dheer maamulayeen Al-Shabaab. Ma cadda in Al-Shabaab ay toos uga baxeen aagga, iyo inay joogaan tuulooyinka ku hareereysan, oo tani ay xeelad tahay. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka howlgalkaan wada ay yihiin kuwii laga qaaday Muqdisho ee Koofiya Cas, waxaana hogaaminaya saraakiil ay ku jiraan kuwii Marka ka qabtay Al-Shabaab. “Ma jirto awood ciidan oo na hortaagan laakiin waxaa ka cabsi qabnaa qaraxyo dhulka la geliyay si tartiib ah ayey u galayaan ciidanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Janaale, ayada oo toddobaadkii tagay kaliya laga fuliyey laba duqeyn, inkasta oo mid ka mid ah la sheegay inay ku dhinteen shacab. Degmada Janaale ayaa ka tirsan degmooyinka ay mudada dheer maalayaan Al-Shabaab waana degmada saddexaad oo ay gobalkaas ka joogaan. Al-Shabaab hadii ay gacantooda ka baxdo Janaale waxay ku hari doonaan Sablaale iyo Kuntuwaarey oo ka tirsan degmooyinka ay hadda maamulaan ee gobalka Shabeellada Hoose.
  20. Inkastoo aan wali la shaacin laakiin Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa waxay sheegayaan in La xiray Xarunta Xalane ee ay Muqdisho ka [...] Source
  21. Garowe (PPM) — Four years ago Puntland State Government awarded a contract to create a Human Resource Data Management System to an IT expert. The project under the World Bank Capacity Injection Project was completed and handed over to Puntland State Government nearly two years ago. A person familiar with the project told Puntland Post that the Ministry of Labour, Youth and Sports had raised questions about the quality of the Human Resource Data Management system. A senior official of Puntland Labour Ministry questioned the project quality and compatibility with tasks involving recording of civil service personnel data. The senior officer doubts that the system was designed in line with agreed specifications. Puntland Post has not been able to get hold of Human Resource Data Management System specifications but understands the IT expert in question still works for Puntland State Government in a different capacity. “If Puntland State Government signed off the project and sent end-of-project report to the World Bank it will be fairly assumed the IT expert met his/her contractual obligations” says a London-based contract law lecturer. President Said Deni has not ordered investigation into the controversy Puntland State Government uses the personnel data system whose alleged inadequacies the Labour Ministry retrospectively views as a breach of a contract. The contractual controversy will get more complicated if periodic maintenance of the system by the contractor had not been not specified in the contract. A maintenance clause in the contract could enable Puntland Government to fix any flaws in the Human Resource Data Management system. The system requires training of the staff that will use it. Without proper training the staff will not grasp features of the personnel data system to use it effectively and efficiently. “Records management officers have also been recruited and trained. There is a huge gap of public sector institutions not linked to the new government records management system because it is outside the scope of this project” the World Bank wrote about the project, which was separately implemented by Puntland State Government and the Federal Government of Somalia. In a paper published in Journal of Financial Crime Abdinur Abdirizak Sofe “found that governmental and non-governmental actors [in Puntland] are involved in the humanitarian corruption such as project managers and support staffs in addition to line ministries, parliament and community representatives.” © Puntland Post Monthly, 2020 The post Contractual Controversy Dogs Human Resource Data Management System appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka Arimaha Dibada Wasiirka Shaqada Wasiirka Beeraha Kuwan iyo ku la midka ah ee Puntland ku matala Federaalka Somaaliya waa Shakhsiyaad aan Somaali iyo Puntlanba [...] Source
  23. Gaarisa (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyey seddax qof ayaa ku geeriyootay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii gaari Ambalaas ah oo ay weteen uu dul maray miino la aaminsanyahay in Al-Shabaab ay goobta ku aaseen. Qof ku sugan deegaanka uu ku qarxay gaarigaasi ee u dhaw Gaarisa ayaa wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya u sheegay in la aaminsanyahay qaraxaas inay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo qaraxyo iyo weerarro toos ah ka fuliya gudaha Kenya. “Gaari Ambalaas ah oo ka imaanayey deegaanka Sangailu Dispensary kuna sii jeeday Gaarisa ayaa waxaa saarnaa afar qof oo kala ahaa darawalkii haweeney iyo laba wiil. Markii ay gaareen meesha loo yaqaano Qurachindi, waxaa gaariga ku qaraxday miino uu dul maray” ayuu yiri Mr Ndalana. Waxa uu sheegay in haweeneydii, darawalkii gaariga iyo hal wiil ay ku dhinteen goobta, isla markaana dhaawaca hal wiil oo kale loola cararay cisbitaalka magaalada Gaarisa. Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weerarro ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari, halkaas oo inta badan ay wadada u galaan gaadiidka dadweynaha, iyagoo mararka qaar dadka safarka ah kala dega kadibna dila.
  24. Cabdinuur Sheikh Maxamed Galabta oo Axad ah, kuna beegan 15-Mar-2020 saacaddu markii ay ahayd 5:00pm, ayaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland si rasmiya ugu dhawaaqay, in uu xirmay hannaanka diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland. Af-hayeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheikh Maxamed, ayaa sheegay in habka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda oo soo bilowday 15-Dec-2019 uu soo xirmay Galabta oo ku beegan 15-Mar-2020, saacaddu markii ay ahayd 5:00pm Galabnimo. Mudane Cabdinuur Sheikh Maxamed ayaa sidoo kale sheegay hannaanka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Puntland oo socday mudda saddex bilood ah uu ku soo dhammaaday si guul ah, islamarkaana wixii tafaasiil ah maalmaha soo socda uu guddigu shaacin doono. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda appeared first on Puntland Post.