-
Content Count
214,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhammaan goobaha waa weyn ee bulshada ay isugu yimaadaan kadib markii dalkaas laga xaqiijiyey kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo laga helay. Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in kiiska laga helay haweeneey Kenyan ah oo kasoo laabatay dalka Mareykanka. Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in kasta oo isu-imaatinada dadweynaha la mamnuucay, haddana iskuulada ay sii furnaan doonaan. Kagwe ayaa sheegay in haweeneyda laga helay cudurka xalay la dhigay xarunta caafimaad ee ugu weyn dowladda ee Kenyatta National Hospital. Sidoo kale, dowlada Ethiopia ayaa xaqiijisay in bukaankii ugu horeeyay ee dalkaasi laga helay cudurka Coronoviruska sida uu shaaciyay duqa magaalada Addis Ababa Takele Uma Banti. Duqa Addis Ababa ayaa sheegay in dhammaan la joojiyay isu’ imaatinnada goobaha dadweynaha kadib markii kiiskaas la helay. Labada dal ee Kenya iyo Ethiopia ayaa xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya, waxaana Soomaaliya soo gala alaabo laga keeno labadaasi dal oo uu ku jiro Qaadka. PUNTLAND POST The post Kenya iyo Ethiopia oo laga helay kiisaskii u horreeyay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Beijing (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay Coronavirus keeneen magaalada Wuhan ee dalkiisa, oo ah halka sida ugu darran uu u saameeyey. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii dowladda Shiinaha ay ka carrootay war kasoo baxay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Robert O’Brien, oo ku eedeeyey Beijing inay aad uga gaabisay inay deg deg uga fal-celiso, kana hortagto fayruska markii uu soo shaac baxay dhammaadkii sanadkii tagay. Isaga oo ka jawaabaya eedeyntaas, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian, waxa uu qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in Mareykanka ay yihiin kuwa wax qarinaya. “Goormee qofkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ku dhacay cudurka, imisa qof ayuu saameeyey. Waa militariga Mareykanka kuwa Coronavirus keenay Wuhan. Waa inay caddeysaan xogtiina,” ayuu yiri Zhao Lijian. Zhao sooma bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya in militariga Mareykanka ay ka mas’uul yihiin dillaaca fayruskan. Afhayeen kale oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Geng Shuang ayaa isna saraakiisha Mareykanka ku cambaareeyey hadallo “mas’uuliyad darro iyo anshax xumo ah.” Waxa uu sheegay in dadaallada Shiinaha ay ku xakameeyeen faafitaanka fayruskan ay dunida siisay waqti ay ugu diyaar garoobaan inay ka hortagaan. Coronavirus ayaa bishii December 2019 kasoo shaac baxay magaalada Wuhan iyo gobolka ku hareereysan ee Hubei, halkaasi oo laba meelood saddex meel kiisaska guud ee caalamka ee cudurkan laga diiwaan geliyey. Hase yeeshee toddobaadyadii tagay, inta badan kiisaska cusub ayaa laga diiwaan geliyey meel ka baxsan Shiinaha.
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa shaaciyay in degaannada Puntland laga mamnuucay dharka loo yaqaan Huudheyda ee horay loo soo isticmaalay. Taliyaha ayaa Laamaha kala duwan ee Booliiska Puntland amar ku siiyay, in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo xuduudaha Puntland soo gelisa dharka Huudheyda ah, islamarkaana ay gubaan haddii dharkaas ay gacanta ku dhigaan. Gen. Muxiyadiin ayaa xusay in go’aankaasi loo qaatay, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada Puntland, maadaaa dharka Hudheyda laga keeno dalalka debadda, xilli uu dunida ku sii faafayo cudurka CoronaVirus. Dhinaca kale, Taliyaha ayaa tilmaamay in ay tallaabo sharciya ka qaadi doonaan gaadiidka aan Taarikada lahayn, isagoo xusay in aan mas’uul dowladeed iyo qof shacab ah midna loo ogolayn, in ay gaadiid bilaa Taariko ah wataan. Taliye Muxiyaddiin, ayaa sidoo kale digniin adag u diray dhalinyarada kaamirooyinka wax ku duuba ee aan ka diiwaan-geshanayn xarumaha Warbaahinta iyo wasaaradda Warfaafinta Puntland. Wuxuu sheegay in dhalinyarada noocaas ah ay inta badan soo duubaan muuqaallo qaldan oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida Puntland, iyagoo baraha bulshada u adeegsada muuqaalladaasi. Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay in ay sharciga marin doonaan cid kasta oo muuqaallo qaldan iyo warar been-abuur ah ka gudbisa Puntland. Hoos ka daawo muqaalka Gen. Muxiyadiin PUNTLAND POST The post Puntland oo awaamiir soo saartay appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia has confirmed its first case of the new coronavirus, the country's public health institute told Reuters on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian health workers prepare to screen passengers for COVID-19 at the Addis Abeba airport. Photo: Michael Tewelde / AFP/Getty Images Zecharias Zelalem Saudi Arabia has temporarily banned travel to and from a number of countries, including Ethiopia. The measures are part of an attempt to prevent the spread of the COVID-19 or coronavirus outbreak, although there are no confirmed cases in Ethiopia. All flights to Ethiopia will be cancelled and entry of non nationals will be halted. There are currently 45 confirmed cases of coronavirus in the Kingdom, according to Saudi Health Ministry spokesman Mohammed Abdelali, who also announced that 25 hospitals around the kingdom were fully prepared in the event of any upsurge in cases. A similar ban on travel to China, Italy and South Korea had already been announced last week. The European Union, India and Pakistan were added to Saudi Arabia’s list today. The rational behind the inclusion of a number of African states in the ban is unclear. Eritrea, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan and Djibouti have also been removed as travel destinations for Saudi nationals, despite none of these countries confirming a single case of the virus. Despite the outbreak in the United States being currently the tenth worst in the world, the United States hasn’t been subjected to any sort of travel restrictions by Saudi Arabia. The World Health Organization’s Director General Dr. Tedros Adhanom declared the coronavirus outbreak a global pandemic, as the number of cases surpassed 120,000 globally and the spread of the virus outside initial epicentre China increased “13 fold.” Over 4600 deaths have been reported. “The WHO is deeply concerned by the alarming levels of the coronavirus spread, severity and inaction,” Ethiopian born Dr. Tedros tweeted. He added that he expects things to worsen. There remain no confirmed cases in Ethiopia. Four suspected cases last month were declared negative by Minister of Health Dr. Lia Tadesse. She also announced the setup of quarantine centers, intensive screening at Addis Ababa’s Bole International Airport and an emergency hotline specifically for dealing with potential coronavirus cases. But Ethiopia’s preparedness has been put into doubt by its inability to contain ongoing outbreaks of measles and cholera, both of which have infected 9,000 people in parts of Oromia. The Voice of America’s Tigist Geme reported 30 deaths in the past two weeks as a result of the rampant spread of these diseases. The concerns are shared by medical specialists in the country. Dr. Nuredin Luke who a medical doctor at the Shashemene Referral Hospital, some 255 km south of Addis Abeba, says the government’s efforts at readying institutions to deal with the coronavirus are subpar. “We as health professionals lack protective equipment such as masks, goggles, face shields and aprons to fight the virus and help patients,” Dr. Nuredin told Addis Standard. “I can say that medical professionals are more than ready to carry out their duties if the government provides us with protective equipment.” Ethiopian residents of Saudi Arabia are believed to number in the hundreds of thousands and it isn’t clear if any were among the thousands of people in Saudi Arabia recently tested. The United Arab Emirates had recently announced that two Ethiopian nationals living in Dubai were being cared for in quarantine after testing positive, although one of them has since been declared coronavirus free. Ethiopia’s capacity to control the flow of passengers traveling by air from places hard hit by the pandemic to Ethiopia is also questionable. However, authorities are exerting efforts to use various ways to get community reports about possible symptoms. Last week, for example, the state telecommunications provider Ethio Telecom sent sms messages to mobile phone users across the country asking them to report to authorities if they’ve recently traveled to hard hit states and are coming down with known symptoms. In addition Prime Minister Abiy Ahmed has set up a national Ministerial Committee dedicated to assess the status of national preparedness to be taken the virus and the tasks undertaken so far. On March 09, PM Abiy has received the first briefing from the committee from Dr. Liya. Accordingly, the Press office of PM Abiy listed the following as the main gist of Dr. Liya’s briefing on the status the national preparedness: In Ethiopia, there is no confirmed positive case thus far. Nevertheless the Ministry of Health, in collaboration with relevant institutions, have: – set up a 24hr emergency center to work on #COVID19 preparedness – screening of travelers entering the country through land and air – follow-up of suspected cases by phone – operation of 8335 phone line for alerts of suspected cases and information – in country testing being done since February 18 after acquiring the required testing equipment – setup of quarantine centers – setup of Yeka Kotebe hospital as the primary hospital to take care of suspected cases and positive confirmations with capacity to attend to 600 patients – development of other medical institutions as backup centers – collection of required input materials for prevention and response, like masks etc – strengthening communication and relaying adequately and timely information to the public to raise awareness Considering global trends, it is inevitable that cases will emerge in country and therefore the public needs to be well aware of prevention precautions and keep calm. Relatedly, members of the public are advised to: 1. Increase sanitation practices, washing hands frequently and limiting unnecessary touching 2. Increase consumption of immune system boosting nutrients; and 3. Engage in awareness raising on prevention measures and alert public health officials on suspected cases. AS Addis Standard Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa si ku meel gaadh ah u joojisay bixinta dalku-galka (fiisaha), dadka ka imanaya Ethiopia ee doonaya in ay tagaan deegaamada Somaliland sida uu sheegay wakiil ku-xigeenka Somaliland ee Ethiopia Barkhad Kaariye. “Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa”.Barkhad. Ethiopia ayaa maanta shaacisay in qofkii ugu horreeyay oo qaba Cudurka Corona Virus laga helay waddankeeda.pl Source
-
Welcome to part 1 of an English transcript of President Farmaajo’s recent interview in Addis Ababa, with critical commentary. The interview itself was conducted in Somali. I have transcribed it with the sole purpose of producing a translation that is not only faithful to the spoken word, Source: Hiiraan Online
-
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jamce ah soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Masuuliyiinta ayaa ka kooban Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku matala Puntlnd, waxaana garoonka diyaarada Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golayaasha Puntland, Gudiga qaban-qaabada shirweynaha wadatashiga Puntland iyo masuuliyiin kale. Wafdigan ayaa soo ajiibey casumaad ay ka heleen dawlada Puntland oo ku casuntey shirka wadatashiga ee 15 Maarso 2020 ka furmaya magaalada Garowe. Wafdigan waxaa hoggaanimayey Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana ka mid ahaa Wasiir Beeraha iyo Waraabka Siciid Xuseen Ciid iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Magaalada Garowe ayaa la ciirciiraysa wufuud ka qeyb galaysa shirka wadatashiga Puntland oo furmaya maalinta Axadda ee todobaadka dambe. PUNTLAND POST The post Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mas’uuliyadda qalalaasaha gobolka Gedo wuxuu ku eedeeyay dowladda Kenya. Maxamed Cumar Dalxa, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa “ugu caqli-celiyey” Kenya in ay ka baaqsato qorsheeda Jubaland. Sidda uu ka dhawaajiyey Dalxa, hadii Kenya joojin weydo arrimahaas baarlamaanka wuxuu diyaarin doonaa mooshin ka dhan ah dalkaas. Dalxa, oo u waramay barnaamijka Dooda Jimcaha ee idaacada Shabelle, ayaa tibaaxa in aysan ogolaan doonin xadgudub Kenya. Hadalka mudanaha ayaa kusoo aadaya iyaddoo qorshuhu yahay in madaxweyne Farmaajo uu dhowaan booqasho ku tago magaalada Nairobi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kororka ka jira qiimaha la kala siisto kaluunka noocyadiisa kala duwan ayaa jilaabatada iyo ganacsatada iibisa ay ku micneeyeen xiligi dabaylaha oo ay tilmaameen in doomaha yaryarka aysan gudaha u gali Karin badda taasi oo hoos u dhigtay in kaluun farabadan la keeno suuqyada lagu iibiyo ee magaaladda Muqdisho. Qiimaha haatan la kala siisto kaluunka noocyadiisa kala duwan ayaa u dhexeeya todoba doolar ilaa saddex Doolar, taasi oo ka duwan qiimaha caadiga ah ee la kala siisan jiray kaluunka xiliga qiimihiisu uu hooseeyo, taasi oo keentay in uu aad u yaraato dadka iyagu iibsada kaluunka. Jelaabatada iyo dadka kale ee ka ganacsada kaluunka ayaa Shabeelle u sheegay in ay wajahayaan caqabado la xiriira doomaha yar-yar oo ay isticmaalaan iyagoo tilmaamay in hadii ay heysan-lahaayeen doomo waaweeyn oo casri ah kuwaasi oo u babac-dhigi kara dabaylaha ay xaaladu ka duwanaan lahayd sidda ay haatan tahay maadaama qiimaha kaluunka uu ku xiranyahay hadba sidda badda looga soo saaro suuqyadana loo keeno. Sidoo kale, dadka ka iibsada kaluunka meelaha lagu iibiyo oo uu kamid yahay kawaanka malaayga degmada Xamar-weyne ayaa Shabeele u sheegay in qudhoodu saameyn uu ku yeeshay qiima kaca kaluunka ku yimid maadaama qiima sareeya ay ku iibsanayaan Mid kamid ah tiirarka ganacsi uu dalkeenu leeyahay ayaa waxaa kamid ah ka ganacsiga kaluunka oo kamid ah waxyaabaha lagasoo saaro badda iyadoo kaluumaysatada ku howlan wax soo-saarkaasi aalaba ay dalbadaan in laga taagayaro helida qalab ka saacideenaya in ay wajahaan xaalad kasta si ay sarda ugu qaadaan kaluumeeysigooda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya iyo dagaalkii ka dhacay xaduudka uu xiriir la leeyahay muranka badda ee u dhaxeeya labada dowladdood. Xildhibaanka oo la hadlayay BBC-da ayaa ku eedeeyey Kenya ay si cad ugu soo xadgudubtey Soomaaliya, isla markaana ay hubeyneyso koox jabhad ah oo uu ula jeedo ciidamada uu hoggaamiyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan. “Waa waadax waxa ka socda xuduudda. Waxaan annaga u aragnaa in arrintan ay daba taagan tahay arrintii badda, oo tani ay tahay cadaadis ay Kenya saareyso Soomaaliya,” ayuu yiri xildhibaan Jeesow. “Arrinta ugu darran, oo aan weliba is-leeyahay dullinimo ayaa keeneysa waa in xadkii Mandhera iyo Beled-Xaawo jabhad lagu aas-aaso, oo aad arkeyseen inuu dagaal ka dhacay oo shacabkii labada dhinac ay wax ku noqdeen.” Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa sheegay in xalka uu ku jiro Kenya ay “muraayad isku eegto, oo aysan isku arag inay ka murqo weyn tahay Soomaaliya.” Waxa uu ka digay in Soomaaliya aan murqo weyni iyo murqo yar midna wax looga qaadin. “Kenya dacartii ay cabto ayaan la cabeynaa,” ayuu yiri. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Jeesow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Jeesow.mp3
-
Nairobi (SMN) – Wasaaradda caafimaadka dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dalka Kenya oo Soomaali badan ay ku noolyihiin galinkii hore ee maanta laga diwaan galiyay kiiskii kowaad ee caabuqa Coronavirus. Mutahi Kagwe, wasiirka wasaarada caafimaadka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi ayaa xaqiijiyay in qofka laga helay caabuqa Coronavirus ay tahay haweeneey 27 jir Kenyan ah oo ka timid Mareykanka,isla markaana soo martay dalka Ingiriiska. Sidoo kale wasiirka caafimaadka Kenya ayaa sheegay in bukaanka la dhigay isbitaalka dowlada ee Kenyatta Hospital,isla markaana halkaasi lagu xakameyn doono caafimaadkeeda inta ay xaaladeeda isbadaleyso. Kadib markii la xaqiijiyay in qofkii koowaad gudaha Kenya laga helay Coronavirus ayaa arintaasi waxay walaac badan ku abuurtay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Kenya,maadaama caabuqan uu yahay mid si fudud u faafi kara. Si kastaba ha’ahaatee dowalda Kenya ayaa sheegtay in ay joojineyso isu imaatanada dadweynaha,goobaha waxbarashada,meelaha laga raaco gaadiidka dadweynaha,isla markaana ay qaadeyso tilaabooyin kale oo ay uga hortageyso in caabuqan uu gudaha dalkaasi ku faafo. Kenya ayaa noqonaya dalkii koowaad ee dhaca geeska Africa oo laga helo Coronavirus,balse arintan wayaa feejignaan dheeraad ah galisay dadka Soomaalida ah ee dagan gudaha dalkaasi Kenya. Majir wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan kiiska caabuqa Corona ee laga helay dalka Kenya,maadaama dalkaasi ay siyaabo kala duwan ugu noolyihiin dalkaasi kenya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-130320.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka halista ah ee Coronavirus oo laga helay dalkeeda. Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya Mutahi Kagwe ayaa Maanta oo Jimco ah xaqiijiyey in qofka laga helay cudurkaan uu yahay nin u dhashay dalka Kenya oo ka imaaday Mareykanka soona maray Ingiriiska. Xoghayaha ayaa sheegay in qofka laga helay uu yahay qof dumar ah taasoo la sheegay in xaaladeeda ay hadda wanaagsan tahay ayna awoodo cunista raashinta. Wuxuu sheegay inaan weli isbitaalka laga soo saarin qofkaas, isla markaasna baaritaan lagu ogaaday inay qabto cudurkaas, waxayna ku jirtaa Isbitaalka guud ee Cudurada ay leedahay Kenya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto dhammaan dadkii ay haweeneydaan la kulantay tan iyo markii dalka kusoo noqotay. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay joojisay dhammaan duulimaadyadii debadda uga imaanayey illaa kuwa laga maarmi waayo maahane.
-
Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa. Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London. Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku samayn doonto dhammaan dadkii la kulmay haweeneydaasi tan iyo markii ay soo laabatay Source
-
Kenya has confirmed its first Coronavirus case. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan islaxisaabtan ah oo u dhaxeeyay hey’adaha ka howgala Caasimadda iyo maamulka gobolka Banaadir. Kulankan oo ay soo agaasintay waaxda Caafimaadka iyo faya-dhowrka dowlada hoose Xamar ayaa waxaa xaadir ahaa guddoomiyaasha degmooyinka iyo wakiila ka socday hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala Caasimadda waxaana looga dooday dhowr ajando oo ay ugu muhiimsaneyd in barnaamij kaste oo hey’adaha ay ka fulinaayan Degmooyinka ay noqdaan kuwonidaaam kooda soomaro xarunta maamulka gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay inay weerareen saldhigyo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose. Xerooyinkaan ay leeyihiin Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ku kala yaala degaanada Bariire iyo Awdheegle. Illo degaanka ah ayaa idaacadda Shabelle u xaqiijiyey in weerarka uu dhacay habeenimadii xalay isla markaana u cuslaa. Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhasha isku dhaca. Al-Shabaab ayaa siddaan oo kale waxay habeenkii Arbacada ay beegsatay saldhig ciidan oo ku yaala Afgooye, wallow aan la xaqiijin waxyeeladda. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Wasiirka amniga HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay bilaabaan howgallo leyskugu furayo wadooyinka ay go’doomiyeen xoogaga Al-Shabaab. Mr Khayre ayaaa tilmaamay in ciidamo boolis ah loo diyaariyey sugida Amniga degmooyinka iyo ka hortagida falalka liddi ku nabad-gelyadda si lamid ah xorreynta degaanada ka maqan gacantooda. Al-Shabaab ayaa maamusho qeybo kamid ah oo ka tirsan HirShabelle, waxaana arrintaas dhaleeceyn kala kulmay maamulka Waare. Jidadka go’doonka ku jira aysan adeegsan karin madaxda waxaa inta badan weeraro dhabagal ah ka geysta Al-Shabaab, wallow maamulku ku adkeystay in uu ku dedaalayo siddii uu xal ugu keeni lahaa arrintaas. View the full article
-
Coronavirus Covid-19 Iyo Saameynta Dhaqaale ee uu innagu yeellan karo W/ Q Rakad Mxd Sultan. Xannuunka Coronavirus Covid-19 ayaa caalamka ku abuurey Wer-wer dhaqaale iyo cabsi dhaqaale xumo oo ka daran tii dhacday 2008dii. Chinaha ayaa 20kii sanadeed u dambeeyay ahaa Waddanka hoggaanka u haya wershaddaha se hadda wuxuu dhaqaalahoodu hoos u dhacay 42% marka la eegayo dhaqaalaha China taas oo galisay xaalad adag. Shirkadihii Duulimaadka ayaa khasaaray dhaqaale Malaayiin doolar kor u dhaafaya, shirkadihii waaweynaa ayaa ka cabsanaya in dayn u xidhmaan oo in ka badan 4 malyan oo shaqo ay la waayo. Shirkadaha Daymaha qaatay ayaa iyana wer-wer adag ku soo waajahay halka Hay’adda lacagta Adduunku International Monetary fund “IMF’ ayaa iyana la sheegay innay shaqadeeda ka qabsan doonto Shirkadahaas. Xannuunkan ayaa in ka badan 4,200 oo qof dilay, halka 118,000 kun oo qofna la xaqiijiyey in uu hayo, waxa kale oo maanta la sheegay in Waddanka Qatar 238 qof oo cusub la diiwaangaliyey taasi waxay ku tusinaysaa halka uu xaalkiisu marayo. Waddamada caalamku waa wadamo isku filnaansho gaadhey, waa waddamo wax soo saartay oo aannay waddan kale waxba uga Iman haddana waxay shirar kala duwan ka Galeen xaalada Xannuunka Coronavirus ee Dhinacyadda dhaqaalaha, caafimaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa. Marka waddankeena laga hadlayo in ka badan 96% waxkastaa oo nolosheenna aynu cuno ama aynu isticmaalno waxay inooga yimaadaan dibada iyo waddamada Jaarka, su’aalaha la is waydiin karo waxa ka mida haddii la xidho xuduudaha iyo Dekadaha caalamka Maxaa inoo danbayn kara? Haddii Dekada aynu ka soo adeegano la xidho waxa dhici doonno in Dhaqaalaha waddanku meel xun gaadho, Cashuuraha oo hoos u dhaca , badeecadaha oo qaaliyooba, Xaalad cunto la’aaneed iyo adeeg la’aaneed oo la galo. Shidaal la’aan iyo Suuq la-aanba waa wax Iman kara haddii xaaladda Coronavirus uu sii socdo haddii uu Soomaaliya soo gaadhana Alle ma Keenee waa mid khatarteeda iyo dhibteedaba leh. Xalku Muxuu Noqonayaa:- Maadaamo waxsoosaarka iyo dhoofintu yaraaneyso waxa loobaahan yahay in awooda iyo dhaqaalaha la iskugu geeyo waxbeerashadda iyo waxsoosaarka kala duwan ee dalka. -In Wacyi-galinta la badiyo In Shirarka Golllaha wasiiradda lagu soo daro oo laga doodo. -In la adkeeyo xuduudaha oo Kooxo caafimaad la dhigo. -In la Kaydiyo Cuntooyinka Iyo Baahiyaaadka Aasaasiga ah sida shidaalka, Raashinka iyo Waxyaalaha muhiimka u ah caafimaadka. -In la sammeeyo kooxo qiimeeya saameynta dhaqaale ee dalka uu intii la sheegay uu sammeeyay. -In Markasta Alle Bariga la badiyo dadka Muslim ahna looga duceeyo. Marka laga hadlayo Tiradda Dadka Adduunka ee maanta waxa lagu qiyaasay 7.7 Bilyon halka 2050 la gaadhi doono 9.8 Bilyon. Dadkaasi kordhay waxay la kordhayaan baahiyaadka kala duwan ee Bulsho leedahay, waanna ta sababtay in maanta qorsheyaal laga yeesho Xannuunka COVID-19 iyo werwer hor leh. Alle waxaan ka baryeyaa inuu Ummada Muslimiinta ah iyo kuwa Soomaaliyeedba ka hayo xannuunkan. Lawadaag Asxaabtaada. Rakad Mxd Sultan. Berbera. Qaran News
