-
Content Count
214,400 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Burco (Caasimada Online) ― Maanta waxa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka furmay Shir beeleed Miisaan leh oo u dhaxeeya labo beelood oo dega Galbeedka iyo Bariga Burco. Shirkan oo lagu sheegay mid lagaga wada-tashanayo Mustaqbalka labada Beel ee dhanka Siyaasada iyo Horumarinta deegaanada ay wada degaan labadooduba, iyagoona isku laab xaadhan doona. Shirkan oo muddo laga soo shaqeynayay ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada Burco, waxaana la filayaa in war-murtiyeed is-faham laga soo saaro shirkaasi ay wada leeyihiin Beesha Habar-jeclo iyo West Burco Clan. Inkasta oo uu Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali uu dhawaan u sheegay Warbaahinta in shirkani ka madax-banaan yahay gebi ahaanba Siyaasada, ayaa haddana waxa naloo xaqiijiyey in ay qeyb ka tahay wada-tashiga labada beel. Waxaana todobadkii u dambeeyay magaalada Burco ku sii qul-qulayey Madax-dhaqameed iyo dad badan oo haldoorka Bulshada kamid ah oo kasoo jeeda labadaasi Beel, si ay uga qeyb galaan shirkan maanta furmay.
-
A day after Louisiana pushed back its primaries because of fears over the new coronavirus, Georgia announced it's postponing the primaries until May. The candidates, meanwhile, have taken their election campaigns online. Source: Hiiraan Online
-
Dhammaan xubnaha maamulka Puntland ugu jira dowladda federaalka, sida xildhibaanada iyo wasiirada ayaa Jimcihii gaaray magaalada Garoowe oo uu ka furmayo shirka wada-tashiga Puntland ee uu ku baaqay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Waxaa xusid mudan in ujeedka shirkan Deni ugu baaqay ay tahay sidii ay Puntland uga tashan lahayd aayaheeda, kadib markii uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah “inay carqaladeyn iyo dagaal kula jirto maamul goboleedyada dalka oo Puntland ay ka mid tahay.” Ka-qeyb galka xubnaha dowladda ee shir ujeedkiisaba yahay sidii Puntland uga tashan lahayd dowladda ay xubnaha ka yihiin, waxay muujisay sida xubnaha Puntland ugu jira dowladda ay u gudanayaan shaqadooda ah mataaladda danta Puntalnd. Ogow, haddii dowladda dhexe ay dhibaato ku hayso deegaankooda oo sharciga ay ku xadgudbeyso waa ku saxan yihiin inay ka dhiidhiyaan. Hase yeeshee tegitaankooda Garoowe, waxay sidoo kale farriin u dirtay oo ay cashar siyaasadeed u dhigtay xubnaha dowladda ugu jira beesha Mudulood ama guud ahaan Mogadishu Clan, oo ay tahay inay fahmaan qodobadan. 1 – Ma ahan ceeb, dambi ama dowlad dumin inaad adiga oo xubin ka ah dowladda dhexe aad sidoo kale ka shaqeyso danta qabiilka aad matasho. Xusuuso, dowladda federaalka waxay ku dhisan tahay nidaam qabali ah, oo qof kasta oo xubin ka ah wuxuu matalaa qabiil, sidaas darteed inaad raadiso danta kuwa aad matasho, adiga oo aan dowladda dumin, waa waajib. Xildhibana Mahad Salaad oo arrintan ka hadlaya wuxuu yiri “waxaan waydiin lahaa wasiirada Mogadishu Clan ee Nabad iyo Nolol caqiido in ay tahay aaminsan, suurtogal ma tahay in aad dadkiina soo dhex gashaan, shirarka qaraabadana ka soo qayb gashaan, aragtidiinana ka dhiibataan, kana waantoowdaan kala furfurka iyo baajinta shirarka beesha ee maalin walba la idiin adeegsanayo, una dhaqantaan sida dhiggiina reer Puntland?! 2 – Casharka labaad ee arrintan laga baran karo ayaa ah “muhiimadda isku duubnida”. Haddii aysan wakiilada Puntland ee dowladda dhexe isku duubneyn, waxay madaxda dowladda awood u yeelan lahaayeen inay qaarna lacag ku furfuran qaarna xil-ka-qaadis ugu hanjabaan. Hase yeeshee maadaama hadda ayaga dhan hal mowqif ay ku wada taagan yihiin kaasi ah “Hormarinta danta Puntland”, waxaan jirin wax ay habayaraatee dowladda dhexe ka qaban karto. 3 – Shirka Garoowe wuxuu sidoo kale muujinaya in madaxda dowladda dhexe, ee ka xadgudbaya dastuurka iyo sharciga dalka, looga adkaan karo oo kaliya isku duubni. Halka dowladda ay isku dayday inay baajiso shirkii Mudulood ee Muqdisho, ayada oo adeegsaneysa awood iyo laaluushka siyaasiyiin caado qaatayaal ah, waxaa taa bedelkeeda warbaahinta qaranka laga baahiyey tegitaanka Garoowe ee wafdiga dowladda ee uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibedda. Haddii Mudulood, aysan ku jirin odayaal iyo siyaasiyiin laga masruufo Villa Somalia, iyo wasiiro iyo xildhibaano cabsi darteed aan xitaa hadli karin, waxaan shaki ku jirin in dowladdu sidaas oo kale u ixtiraami lahayd. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay waxa aad u soo baxayey warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye guddoomiye-nimadiisa si kumeel-gaadh ah loogu wareejinayo Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore). Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Guddoomiye-nimada xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya lagu wareejinayo Wasiir Koore. Xaglo-toosiye ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo dad gaar ah ay faafinayaan, oo isla markaana aan sal iyo raad toona laheyn, maadama uu weli socdo shirarkii xisbiga Kulmiye. “Arrintaasi wax jira maaha, Xisbigu Shirar ayuu leeyahay, Shirarkaasi way soo socdaan” ayuu yiri Wasiirkii hore e Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye. Wuxuuna intaas sii raaciyey Xaglo-toosiye “Waxaasi waa wax aad idinku (Warbaahinta) aad meelahaa ka tidhaahdeen, laakiin rasmi maaha”. Waxa muddooyinkii dambe aad u soo shaac-baxayey loolan adag oo Siyaasiyiinta Kulmiye ay ugu jiraan sidii ay ku hanan lahaayeen guddoomiye-nimada Xisbigaasi, oo hadda haya talada Somaliland.
-
To say Suheib Mohamed has come a long way is putting it mildly. And in many ways his journey is just beginning. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu mamnuucay inay dalka soo galaan dadka dalalka kale kasoo jeeda balse soo mara afartaas dal 14-kii maalmood ee ugu dambeeyey. Afartan dal ayaa kuwa ugu xun ee cudurka Coronavirus uu saameeyey, waxaana hadda ugu darran Talyaaniga, Iran iyo Korea-da Koonfureed, halka Shiinaha uu u muuqdo inuu inta badan la tacaalay xanuunkan. Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in looga hortago in cudurka Coronavirus uu ku faafo Soomaaliya. Dhammaan shirkadaha diyaaradaha ayaa loogu baaqay inay u hoggaansamaan amarkan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa min boqol dollar ka jartay mushaarka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Qaranka, kuwaas oo sidoo kale isbadal weyn lagu sameeyay. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ciidankaan oo markii hore ka lacag badnaa ciidanka kale ee Qaranka maadaama yihiin ciidanka ilaalada madaxda Qaranka ayaa laga goostay min 100$, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan. Jarista lacagta ciidanka ayaa ka bilaabatay bishaan waxaana dhamaantood loo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la siinin doonin. Sidoo kale Villa Somalia ayaa badashay ciidankii Koofiya Casta waxaana lagu badalay ciidamo u badan reer Gedo iyo Koonfur Galbeed. Lama oga sababta ka dambeysa, hase yeeshee waxay noqotay hadal heynta ugu weyn ee ciidanka dhaxdiisa waxaana qalbiyada ciidanka laga dareemayaa niyad jab iyo dhibaato soo foodsaartay. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay halis gelisay ciidanka ka soo jeeda gobolada Banaadir iyo Shabeelada Dhexe islamarkaana ay u dirtay goobo dagaal oo ay ka jirto dayacaad weyn. Ciidamada cusub ee ilaalada Villa Somalia ayaa badankood kasoo jeeda beesha madaxweynaha, halka kuwa la beddelay ay ku beel yihiin madaxweynayaashii hore, waxaana mid ka mid ah sababaha lagu sheegay in baqdin ay soo foodsaartay madaxweyne Farmaajo, maadaama uu dalku ka galayo marxalad doorasho, oo haddii la qaban waayo uu iman karaan kadcoon isaga ka dhan ah. Wali ma jirto wax war ah oo ka baxay mas’uuliyiinta ciidanka oo ku saabsan isbadalka ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo sababta loo jartay lacagtii ciidanka ee Koofiya casta ee Villa Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dunidu waxay si mideysan ula tacaaleysa xanuunka Coronavirus, kaas oo galaaftay nolasha kumanaan qof halka uu soo ritay kumanaan kale. Wadamo badan ayuu gaaray waxaana xanuunkaas uu saameeyay muwaadiniinta dalal waa weyn oo leh awood dhaqaale iyo mid kalaba, hase yeeshee hadda waxa uu soo gaaray dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya. Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa ka warqabin halis kusoo wajahan dalka, taas oo looga baaqsan karo oo kaliya midnimo iyo wadatashi. Arrinta aysan ku baraarugsaneen dowladda iyo maamul goboleedyada waa in aan waxba laga qaban karin Coronavirus, islamarkaana aan laga hortagi karin cudurkaan haddii aan loo helin siyaasad mid ah iyo wadashaqeyn dhaxmarya dowladda federaalka iyo maamulada. “Iyadoo aan la helin siyaasad mid ah oo looga hortago arintaan dalka waxa uu ku jiraa xaalad halis ah” ayuu yiri Dr Liibaan Mohamed oo aqoon yahaan bartay culuumta siyaasadda. “Inta siyaasad iyo khilaafka meel la iska dhigo waxaa ku talinayaa in guddi qaran la sameeyo kana qeyb qaataan dhamaan maamulada iyo wasaaradaha caafimaadka hadii ay dhici weyso waxaa muuqata halis weyn oo dhib badan sababi karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Liibaan. Khilaaf culus ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya maamulada qaar, mana jirto wax wadashqeyn ah oo dhaxmarta dhinacyada iyadoo ay jirto xaalad walaac oo ay qabaan adduunka oo dhan.
-
By: John Black Ever since the 9/11 attacks, the U.S. military and intelligence agencies have been battering al-Qaeda terrorists wherever they have found them. Afghanistan, Iraq, Pakistan, everywhere. What used to be safe havens have now become graveyards. But other bastions have emerged in the meanwhile. Somalia and Yemen are two of them. Al-Qaeda’s Yemen affiliate was bolstered by its merger in 2009 with the Saudi Arabian al-Qaeda affiliate forming al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP). This merger poses a significant destabilization threat throughout the Arabian Peninsula. Though Yemen still maintains vestiges of its tribal history, they are less pronounced than in Somalia. This allows al-Qaeda to utilize Yemen as an ideological base. Al-Qaeda’s Saudi Arabian affiliate has significant media outlets from which it spreads ideological propaganda. The merger allowed the two affiliates to pool resources and reach a broader audience of potential recruits. The recent elimination of Qasim al-Rimi, the leader of AQAP, may end up slowing the growth of the group. Al-Rimi had committed unconscionable violent acts against civilians in Yemen and sought to conduct and inspire numerous attacks against the United States and its forces. President Trump believes that the elimination of al-Rimi will bring us closer to removing the threats this group poses to our national security. AQAP’s media output shows how al-Qaeda tries to make different ideas, beliefs, myths, and traditions work to radicalize and mobilize the population. These media outlets not only identify grievances and assign blame; they also outline actions necessary to correct the problems. By doing so, AQAP has managed to rise above many of the previous tribal and economic divisions and unite a growing number of Yemenis to its cause. A shared grievance narrative has led to claims by Yemeni analysts that while al-Qaeda may number in the hundreds, there are tens of thousands of Yemenis who share its grievances. With potentially thousands of recruits, AQAP poses a severe threat to international security despite the death of al-Rimi. Furthermore, Yemen’s weakened state is more useful to the group’s purposes than a completely collapsed state, such as in Somalia, would be. AQAP walks a tight wire in inciting grievances and mobilizing citizens, yet not being the catalyst behind total civil collapse. Within this balancing act lie the success and failure of AQAP’s objectives. The weakened Yemeni government is an invitation for al-Qaeda, whereas the growth of the government’s strength and authority among the population would prove inhospitable. Yemen is struggling to make strides in state-building. As recently as 50 years ago, the Yemeni imam presided over a country with no local currency, no sewage system, and only three hospitals. The country has experienced growth. However, corruption within the government, a lack of particular political direction, and old tribal divisions still threaten to unravel any progress. The Yemeni government is not the only one at stake; AQAP has spoken openly about its desire to depose the Saudi Arabian regime. AQAP maintains al-Qaeda’s original vision of ridding the Arabian Peninsula of all non-Muslims, establishing a local emirate, and liberating Palestine en route to the creation of a global caliphate. The potential fundraising capabilities within the Somali piracy network and Yemen’s ideological base and operating space provide al-Qaeda with useful resources to wage war against the U.S. and western interests. However, U.S. government intervention often plays into al-Qaeda’s narrative against the occupation. One of the rallying cries and most potent radicalizing ideals is the ousting of foreign powers from Muslim lands. Al-Qaeda has become adept at inflaming passions and perceived injustices at the hands of western occupiers. Thus, Western support to local government inconspicuously requires finesse and the judicious application of aid and government funding. Indiscriminate financial aid only adds to the problem of corruption and creates a cycle whereby violence and warfare pay off for a small percentage of the population. Military support, such as counter-terrorism training by U.S. SOF, is useful but should be contingent on demonstrable efforts by the government to battle corruption and homegrown terrorism. Otherwise, we risk arming and training our future adversaries. The threat posed by al-Qaeda will be an ongoing struggle to identify and respond in countries where conditions encourage exploitation. The organization is adept at gaining footholds where weakened governments are unable to support lawful order. Explosive population growth will intensify the competition for scarce resources, and globalization provides al-Qaeda with ample population grievances that it can exploit to ensure the regeneration of its numbers. Though it may be impossible to stamp out, altogether, the threat that al-Qaeda poses, the global community can greatly hinder al-Qaeda’s effectiveness. Currently, state decline in the Arabian Peninsula and the Horn of Africa, specifically in Somalia and Yemen, offer the most significant opportunity for al-Qaeda’s continued operation. As such counter-terrorism efforts should be a top security priority in these countries. Credit: Sofrep.com
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Goverment media liason officers held a meeting today with representatives from the local media organisations in Garowe. At the very outset the liason officer appointed to brief journalists at the meeting made it clear that only Puntland State Government media staff will be allowed to cover the consultative conference and will have the responsibility to share with the local media images from the conference. President Said Deni: Has he appointed censors at the Puntland Consultative Conference? The consultative conference to start tomorrow in Garowe comprises discussion sessions to which local private media correspondents will not have access. The decision to deny local private media organisations the privilege to cover the conference sends the wrong message. Puntland Government will censor reports on discussions. Puntland Government media staff will release reports cleared by the media liaison officers. “Puntland Government sets the conference agenda and moderates discussions. This gives it the power to enforce rules about what to discuss and how” says a journalist working for a news website in Garowe. “We have to quote participants of discussions. If we report what they tell us we might face arrest”. Last week Puntland State Police Commissioner Brigadier General Muhiyaddin Ahmed Musse vowed to be tough with media organisations whose reports expose government misdemeanours. “The aim to grant participation privileges only to Puntland Government media staff smacks of a desire to mislead the public about the conference agenda, which President Said Deni described in February as consultative and transparent” Issa Ali, a media commentator told Puntland Post. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND GOVERNMENT BARS LOCAL MEDIA FROM COVERING THE CONSULTATIVE CONFERENCE appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Waqooyi magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay Meydka Gabar 12-jir ah oo si arxan-darro ah loo dilay. Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa Meydka gabadhaasi yar ka soo qaaday degaan lagu magacaabo bohol oo dhanka waqooyi uga beegan Dhuusamareeb sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska. Sidoo kale Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo isugu jira Gabadha dhimatey hooyadeed iyo nin qaba kuwaasi oo ku eedaysan in ay ka dambeeyeen falka loo geystay gabadhaas yar. Labada eedaysane ayaa iyaguna waxaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb waxaana la sheegay in hooyada iyo nin saygeeda ah lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falka lagu dilay gabadha yar oo 12-sanno jir aheyd. PUNTLAND POST The post Maydka gabar yar oo laga helay degaan ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Wada-tashiga Puntland oo uu 7-February ee sannadkaan iclaamiyay madaxweyne Deni, ayaa maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirka waxaa ka qeyb-galaya Golayaasha kala duwan ee Puntland iyo mas’uuliyiinta ku matala heer Federaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Qurba-joogta, qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Shirka oo sida qorshaysan goor dhow furmi doona, ayaan weli la shaacin ajandihiisa rasmiga ah, marka laga reebo cinwaanka guud, waxaana aad loo xaddiday warbaahinta madaxa-bannaan oo aan loo ogolaan in ay wax ka duubaan hoolka shirkaasi ka dhacayo. Guddiga qaban-qaabada, ayaa warbaahinta madaxa-bannaan u sheegay in aysan duuban Karin shirka, balse taas beddelkeeda loo ogolyahay warbaahinta dowladda oo keliya in laga qaato hadallada shirkaasi laga yiraahdo. Go’aankaas ayaa loo arkaa mid lagu faaf-reebayo warbaahinta madaxa-bannaan, si aysan u baahin wax aan dowladdu raalli ka ahayn. PUNTLAND POST The post Shirka Wada-tashiga Puntland oo Garoowe ka furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka baaqday Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-ka bisha Maarso ka furmaya magaalada Garoowe. Ilo lagu kalsoonaan karo, oo wasiirka ku dhow, ayaa sheegaya in dhowr sababood ay keeneen in Wasiir Jamaal uu ka biya-diido Shirweynaha isla markaana ka tanaasulo ka qayb-galkiisa oo dadka badankiisu ay aad u hadal hayeen. Sababta kowaad ee uu Wasiir Jamaal uga baaqday Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa salka ku haysa ujeeddada shirkan laga leeyahay iyo wakhtiga uu ku soo aaday oo ay dadka badankiisu u arkaan mid looga dan leeyahay in lagu mucaarado, culaysna lagu saaro Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiir Jamaal ka tirsan yahay. Sababta labaad ee keentay in Wasiirku ka baaqdo Shirweynahan ayaa la sheegay inay timi ka dib markii Wasiir Jamaal oo sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya uu la tashaday bulshada deegaanka uu metalo, iyaga oo Wasiirka kula taliyey inaanu aqbalin martiqaadka shirkaas oo aannu ka qaybgelin maadaama ay jiraan cabashooyin badan oo dadka deegaanku ka qabaan Maamulka Puntland iyo meesha wax loo wado. Ugu danbayntii, sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, Wasiir Jamaal ayaa la sheegay inuu shirka ka baaqday ka dib markii uu ku dooday inaanu diyaar u ahayn inuu goobjoog ka ahaado madal, sida uu rumeysan yahay “lagu kala fogaynayo shacabka Soomaaliyeed oo wakhtigan baahi weyn u qaba midnimo, dowladnimo iyo isu soo dhawayn.” Shirka Garoowe, ayaa madaxweyne Saciid Deni waxa uu ku baaqay kadib markii uu ka carrooday dowladda dhexe, oo uu ku eedeyey “inay dagaal ku hayso maamul goboleedyada.”
-
A total of 198 newly recruited Somali police personnel have graduated and are expected to boost ongoing efforts to maintain law and order in Hirshabelle State. Trained by police instructors from the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the police personnel including 21 women, on Thursday passed out at the Jowhar Police Academy. This is the third batch of Hirshabelle police recruits trained by AMISOM at the academy. They will be deployed in Hiraan and Middle Shabelle regions. So far, AMISOM has trained a total of 600 police officers, including this batch. At the colourful ceremony, they displayed a simulation exercise including drills, self-defence, and alertness. The Hirshabelle State Deputy President, Ali Abdullahi Hussein, urged the new police personnel to cooperate with the public to defeat the terrorists. “The police force should be friendly to the public to assist victims and apprehend criminals. They need to take action on terrorists and support efforts to restore peace and stability, which are essential for development,” Deputy President Hussein, told the recruits. The AMISOM Police Coordinating Officer for Hirshabelle State, Assistant Commissioner of Police (ACP) Yuyi Mwala, was confident of the capacity of the newly trained Somali police personnel. “We have delivered a good cadre of recruits,” said ACP Mwala. The Hirshabelle Minister for Security, Mohamed Abdirahman Kheyre, thanked AMISOM and international partners including the European Union, United Kingdom, Germany, and UNOPS, for their support in building the capacity of the police force in Somalia. “Hirshabelle plans to train 800 officers. We will soon start recruiting two hundred more officers, and the preparations have been finalised,” said Minister Kheyre. One of the police graduates, Amran Ali Hussein, said he was ready to apply the skills and knowledge acquired to secure Somalia. “I am ready to defend and serve my people and nation using my newly acquired skills,” said Amran. As part of its mandate, the AMISOM Police component trains, mentors, and advises the Somali Police Force (SPF) to help build their capacity and meet international policing standards. This is also contained in the Somalia Transition Plan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar____-Qumanaha-Wararka-14032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo saaray walaac uga muujiyey xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya, iyo tan dowladda federaalka iyo dowlad goboleeydada xubnaha ka ah. “Xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya iyo ciidamada isku urursanaya gobolka Gedo waxay abuureen xasilooni darro iyo khasaare nafeed oo gaaray shacabka. Sidoo kale dagaalkii bishii tagtay dhamaadkeeda ka dhacay Galmudug wuxuu abuuray xiisad,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Si guud, xaaladahan waa kuwa halis ah, waxayna weecinayaan kheyraadkii militari ee howl-gallada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ayaga oo halis gelinaya xasiloonida ay heshay Soomaaliya. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.” Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda. Ururka reer Yurub ayaa sidoo kale dalbaday wada-shaqeyn buuxda oo dhex-marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo saaxiibada gobolka. “Dhammaan dhinacyada ku lugta leh waa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo qaboojiyo xiisadda, islamarkaana ay is-xakameeyaan, ayada oo la xushmeynayo madax-banaanida xuduudeeda ee dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Midowga Yurub ayaa sheegay inay muhiim tahay xasilooni iyo wada-shaqeyn ku dhex marta Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya xuduudaha ay wadaagaan iyo danaha ka dhaxeeya. Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in taageerada militari iyo midda dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya ay ka dhigan tahay in la isla xisaabtamo. “Xaaladda militari ee iminka waxay ku baaqeysa in wada-xaajood deg deg ah laga yeeshto fulinta ahmiyadaha si wadajirka ah la isugu raacay ee siyaasaddda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Wada-xaajoodkan waa qodob muhiim ah, si loo sii wado xoojinta wada-shaqeynta wax ku oolka ah ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee ku dhisan isla xisaabtanka labada dhinac ah iyo iskaashiga.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qabatay shir ay iskugu yimaadeen hey’adaha Qaramada Midooday, deeq-bixiyaasha, hey’ado dhowr ah oo heer caalami ah iyo wasaaradaha ay khuseyso arimaha ka diyaar garowga Coronavirus. War kasoo baxay wasaaradda caafimaad ayaa lagu sheegay in shirkaas diiradda lagu saaray ka hortaga iyo la tacaalidda caCoronavirus, iyadoo qoraalka wasaaradda lagu xusay in looga hadlay kiisaskii la xariiray cudurkaas ee ka soo cusboonaaday dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya. Sidoo kale qoraalka caawa kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu xusay seddaxda qodob ee ugu muhiimsanaa shirkaas kuwaas oo kala ah. 1- In Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda. 2- In laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa, iyo 3- In la xoojiyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada kala duwan ee socda. Wasiirka caafimaadka Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay markii lasoo gaba-gabeeyey shirkaas ayaa sheegtay in markii cudurkaan lagu arkay dalalka deriska la ah Soomaaliya ay khasab noqotay in wasaaraddu ay iskugu yeerto wasaaradaha ay khuseyso arintan iyo hey’adaha taageera Soomaaliya, si wax la iskaga weydiiyo arrimaha Coronavirus. Sidoo kale wasiir Fowziyo ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbatay in la yareeyo isku socodka iyo safarrada, isla markaana meelaha lagu kulmo iyo shirarka aad loo yareeyo, hadii laga maarmi karana la iskaba joojiyo. Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay u xaqiijineyso in kiis la xariira Coronavirus aan weli dalka lagu arkin. Ugu dambeyntii wasiir Fowziya Abiikar ayaa xubnihii kasoo qeyb galay shirkaas looga hadlayey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus u mahad celisay, waxeyna ka dalbatay in lasii laba jibaaro dadaalada socoda, sibey tiri loo badbaadiyo bulshada.
-
Saxaafadda madaxa bannaanka ayaa laga xadiday shirka wadatashiga Puntland oo berri ka furmaya magaalada Garowe. Guddiga qabanqaabada shirka ayaa weriyeyaasha ku wargeliyey in aan la ogolayn in weriyeyaasha ka socda warbaahinta madaxa bannaan ay gudaha u galaan oo muuqaallo ka duubaan xarunta uu shirku ka dhacayo. Guddigu wuxuu sheegay in weriyeyaal ka socda warbaahinta dowladda iyo madaxtooyadda kaliya loo ogal yahay in ay goobjoog ka noqdaan oo muuqaallo iyo sawirro ka qaadaan xarunta shirka, kadibna ay la wadaagaan xogta shirka saxaafadda madaxa bannaan. Inkasta oo saxaafadda madaxa bannaan loo qeybiyey kaararka ka qeybgalka shirka, hadana sida aan ogaanay waxaa la qorsheeyey in la geeyo xarun ka baxsan goobta uu shirku ka socdo, taas oo la macne ah in aysan la socon doonin waxa ka socda xarunta shirka. Sababta sidaas loo sameynayo ayaa la aaminsan yahay in ay tahay in wararka shirka laga faafreebo warbaahinta madaxa bannaan. Dowladda ayaa warbaahinta u xadidaysa, si ay marin-habaabin ugu sameyso shacabka doonaya inay helaan xogta saxda ah ee shirka wadatashiga Puntland oo ilaa iyo hadda aan si dhab ah loo ogeyn ajandayaasha looga hadlayo. Waa arrin meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda Puntland, haddii aan warbaahinta madaxa bannaan loo oggolaan inay si xor ah uga warranto shirka wadatashiga Puntland. Dowladda hadda jirta ee hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa si adag u xakamaysay madax bannaanida saxaafadda iyo guud ahaan xuquuqda xorriyadda hadalka, waxayna taas bedelkeeda adeegsataa baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga. Maalin ka hor ayey ahayd markii Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu wacad ku maray in ay talaabo ka qaadi doonaan weriyeyaasha duuba waxa aysan jeclayn dowladdu. Qodobka 14-aad ee Dastuurka Puntland, ayaa qoraya in qofkasta uu u madax bannaan yahay fikirkiisa, uuna ku cabbiri karo hadal, qoraal, muuqaal, suugaan, saxaafad iyo hab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan. PUNTLAND POST The post Saxaafadda madaxa bannaan oo laga xadiday shirka wadatashiga Puntland appeared first on Puntland Post.
