-
Content Count
214,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa sii badanayo xabsida ay Xubnaha mucaaradka ah ka qabaan waqti kororsi ay dooneyso Dowladda Soomaaliya halkii doorashada lagu qaban lahaa waqtigeeda. Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya, sidoo kalana soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay rajada laga qabo inay dalka ka dhacdo Doorasho waqtigeeda ku timaado. Cabdiweli Gaas ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay inaysan diyaar u aheyn qabashada Doorashada isla markaasna aysan socon dadaalo lagu wajahayo doorasho maadaama uu sheegay inuu waqtiga yahay gabaabsi. “Waxa la wada dhowrayo waa in ay qabsoomto doorasho, dabcan waa waqtiga oo socda iyo dadaalada aan muuqan waxa ay shaki gelineysaa in ay dhacdo doorasho ama lagu qabto waqtigeeda” ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inaysan marnaba aqbalin waqto kororsi iyo dib u dhac lagu sameeyo doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2021. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer lagu eedeeyey inay qorsheeneyso waqti kororsi halkii laga filayey inay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah. Inkastoo ay sii badaneyso cabsida ay qabaan xubnaha mucaaradka, haddana Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu sheegay xili uu saxiixay sharciga Doorashooyinka in dalka uu galay doorasho. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa sheegay in doorashada 2020-2021 aysan dib uga dhici doonin xiligeeda.
-
Gaalkacyo (SMN) – Iska hor-imaad sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 2 kale ayaa dhexmaray ciidamada Ilaalada Puntland ee halka loo qorsheeyey in laga dhiso madaarka magaalada Gaalkacyo iyo dabley hubeysan. Maleeyshiyaadka ayaa la xusay in ay sheeganayeen lahaanshaha qeyb kamid ah dhulka la doonayo in laga dhiso garoon diyaaradeed. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka mas’uuliyiinta waqoyga xarunta gobolka Mudug. Wallow ay koonfur iyo waqooyi kala joogaan, Gaalkacyo waxaa isla maamula Puntland iyo Galmudug, oo colaad ay dhowr jeer dhexmartay. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa ciidamo horleh wuxuu ku daabulay xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya. Sidda aan kasoo xiganay illo degaanka ah, askarta ayaa damacsan in ay barbar dagaalamaan kuwa wasiir Janan. Cabdirashiid Janan ayaa wadda abaabul dagaal oo ka dhan ah ciidamada ay Dowladda Soomaaliya ku daad-gureysa Gedo. Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu waramayaa in ay ka jirto qaybo kamid ah gobolka, iyaddoo laga cabsi dagaal horleh. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadda cusub ay jidka u gashay Al-Shabaab intii ay kusii jeedeen sohdinta wadamada. Lama ogga khasaaraha ka dhashay weerarkaas. Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid ay ka jirto dhiilo coleedeed, wallow la doonayo in la qaboojiyo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxay ay ku xaqiijisay inuusan dalka soo gelin Xaalad la xiriirta Cudurka Caronavirus oo dhibaato ku haya Caalamka. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-130320.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay fiidkii xabsiga u taxaabay Wariye Ibraahim Suxufi, oo kamid ah wariyeyaasha ugu cad-cad ee gobolka Awdal. Ciidamada Booliska ayaa xalay magaalada Hargeysa ka qabtay Wariyaha oo magaaladaasi u joogay howlo shaqsi ah, sida ay ehelkiisu u sheegeen Caasimada Online. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen eheladiisu Wariyaha ayaa hadda ku xidhan xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa, oo ay xalay geeyeen ciidamada Boolisku. Weli si rasmiya looma oga sababta loo xidhay Wariyaha, iyada oo aan ehelkiisa wax war ah laga siin xaalka Wariyaha oo muddo 20-saacadood ku xidhan xarunta dambi baarista ee Hargeysa. Ibraahim Suxufi ayaa kamid ah Mas’uuliyiinta ka howl-gala Tv-ga Rayo ee magaalada Boorama, isagoona hore uga soo shaqeeyay Telefishano kale oo Soomaalida ah. Sidoo kale Wariyuhu waxa uu ahaa Barre dhiga culuumta Saxaafada, kaasi oo ka dhigayey Machad saxaafada lagu barto oo ku yaala magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Ibraahim ayaa waxa kale oo uu barre ka ahaa Dugsiga sarre ee Ardaale, oo kamid ah iskuulada dowliga ah ee wasaarada waxbarashada Somaliland ay gacanta ku hayso. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa inta badan xadhig kula kacda suxufiyiinta ka howl-gala gudaha deegaanadeeda, iyada oo la aaminsan yahay inay badanaa u marin sifada sharcigu dhigayo, isla markaana si rasmiya u soo bandhigin eedaha ay ku haysato.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa eedeyn nooc cusub ah usoo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kala dhaxeeyo khilaaf ka dhashay dhawr waxyaabood oo ay ugu dambeysay xiisadda ka taagan Gobolka Gedo ee Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xiriira in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas si sharci darro loogu iib geeyo dalka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug lahaan karaan howlaha la xiriira dhiigga Kenya laga xado ee lagu iibiyo Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku hanjabay in la maxkamadeyn doono haddii ay ku cadaato saraakiisha baarista ay ku socoto inay si sharci darro ah dhigga u geeyeen Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inuu aad usii yaraanayo keydka dhigga Dalkeeda, taasina ay keentay in baaritaan lagu sameeyey laguna ogaaday in loo iib geeyo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeyntaan kaga timid wadanka Kenya, waxayna noqoneysaa eedeyntii ugu horeysay ee noocaan ah oo loo soo jeediyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa joojisay maalgelinta adeegga keydka Dhigga ee dalka Kenya oo ay waday 15-kii sano ee lasoo dhaafay. Tallaabada uu Mareykanka ku joojiyey maalgelinta keydka Dhigga dalka Kenya ayaa sababay inuu yaraado Dhigga keydka inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin eedeynta Kenya ee ah in loo iib geeyo Soomaaliya.
-
Ra’iisul Wasaaraha Canada oo isaga & Xaaskiisu karantiin galeen markii laga helay Calaamadaha Caabuqa Coronavirus Ra’iisul Wasaaraha Justin Trudeau ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Caabuqa Corona awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay. Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK. Waxaa lagu sameeyay baaritaan ku aaddan caabuqa, iyada iyo Ra’iisul Wasaarahana waxay isku soo xireen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baaritaanka kasoo baxeyso. Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka. Dhakhtarkiisa ayaa kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad. Hase ahaatee si wax walba loo hubiyo, wuxuu kasoo shaqeynayaa gurigiisa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Mr Trudeau ayaa la qorsheynayay inuu ka qeyb galo kulamo labada maalmood ee soo socota ka dhici lahaa magaalada Ottawa. Dhammaan shirarkaas oo uu Ra’iisul Wasaaraha kula kulmi lahaa madaxda gobollada ayaa hadda la baajiyay. Mr Trudeau wuxuu hadda mas’uuliyiinta shirarkaas uu ku arki lahaa kula sheekeysan doona khadka telefoonka. Mowduuca ugu weyn ee uu kala hadli doono waa sida ay Canada uga jawaabeyso go’aanka ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka cudurkan ugu tilmaantay mid saf-mar ah. Qaran News
-
With its Somali traders, Eastleigh, a bustling suburb on the outskirts of Nairobi, is easily the small Somalia in Kenya. Source: Hiiraan Online
-
UWEC-Barron County is sponsoring a showing of the film “Somali Stories of Family Separation” at 12:30 p.m. on Tuesday, March 17 in the Blue Hills Lecture Hall, on campus at 1800 College Drive in Rice Lake. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Amiirka Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa isku dayey inuu gabadhiisa 11 jirka ah u guuriyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, oo 22 sano ka weyn, waxaa sidaa dhageysatay maxkamadda London. Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa lagu warramay inuu bishii Febraayo 2019-ka ka xaajooday heshiiska gabadhiisa amiirad Jaliila – oo 11 jir ahayd – uu ugu guurinayo bin Salman. Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday hooyadeed Amiirad Haya Bint Al Hussein oo maxkamad ku taalla London ka furtay dacwad ka dhan ah ninkeeda Sheikh Mohammed Al Maktoum. Amiirad Haya ayaa Imaaraadka Carabta kasoo carartay sanadii tagtay, waxayna dalka UK ka diiwaan gelisay codsi furiin. Waxay sheegtay in isku dayga gabadheeda loogu guurin lahaa Maxamed Bin Salman ay ka mid tahay sababaha ay usoo baxsatay. Bilyineerka xukuma Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa horey loogu eedeeyey inuu afduubtay gabdhihiisa. Sanaddii 2000, Sheikha Shamsa Al-Maktoum ayaa isku dayday inay ka baxsato qasriga aabaheed ku leeyahay deegaanka Surrey, UK markaasi oo ay ahayd 18 jir. Shamsa ayaa laga qabtay Cambridge, UK, waxaana dib loogu celiyey Dubai, halkaas oo ay ku gashay xabsi guray laguna garaacay. Sanado badan kadib, sanadii 2018 walaasheeda Latifa ayaa isku dayday inay baxsato ayada oo ka gudubtay xuduudda Cuman, kadibna raacday doon, iyada oo uu caawinayo sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada badda Faransiiska oo lagu magacaabo Jean-Pierre Herve Jaubert, hase yeeshee waxaa laga soo qabtay badweynta India, ayada oo ku dhow magaalada Goa ee India. Wixii markaas ka dambeeyey waxay ku jirtaa xabsi guri. Qareenada difaaca Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa maxkamadda ka hor beeniyey eedeymaha la xiriira guurka qasabka ah ee gabadhiisa 11 jirka ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliila badan u jeediyey madaxda haatan hoggaamisa dowladda federaalka. Xildhibaan Faarax ayaa sheegay in haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel niyad jab ah, maadaama sida uu sheegay beelaha Soomaaliyeed ay bilaabeen shirar u gooni ah. “Hadii uu waayo ama uu dareemo in ay ku xad gudbayaan kuwii uu doortay, qofku waxa uu raadsanayaa meesha uu ciirsan karo, hadaad aragto dadka oo qabiil ku yaacaya oo leh mustaqbalkeenu halkuu jiraa, waa niyad jab ka yimid midaamka dowladda,” ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Sidoo kale Xildhibaan Faarax ayaa sheegay in waxyaabo badan oo laga sugaayey dowladda aysan qaban, isla markaana sida uu sheegay ay mar walba ku mashquulsan tahay xaflado, riwaayado iyo taalooyin, dadkuna ay is weydiinayaan gaabiska ku jira hoggaankooda oo ay leeyihiin halkee kale oo aan ciirsanaa. “Maalmahaan waxaan maqalnaa dowladdu hormar bey gaartay oo deymihii ayaa dalka laga cafiyey, shidaal ayaa la qodayaa, caalamka ayaa taageeray hanaankeena, waxaas oo dhan waxay tarayaan lama arko, hadii dadka Soomaaliyeed aysan dareemin dowladnimada oo aysan ku heshiin” ayuu yiri sii raaciyey hadalkiisa. Sidoo kale waxa uu ka hadlay doorashada lagu wado in ay dalka ka bilaabato dabayaaqada sanadkan, waxuuna sheegay in loo baahan yahay in la cadeeyo hanaan lagu wada qansanyahay oo doorashadaasi ay ku dhici karto. “Anigu waxaan qabaa dadka Soomaaliyeed balamihii ay isku ogaayeen dowladooda inay kula xisaabtamaan, balamahaas waxaa ka mid ahaa in markii uu dhamaado muda xileedku in la qabto doorasho sharci ah, mudadaas waa in lagu soo dhameystiraa shaqadaas, cidii shaqadeed ku xad gudubta waa in shacabka Soomaaliyeed ay kula xisaabtamaan, mana qabo jid furan in ay tahay dib ayaa loo dhigi karaa doorashada iyo hadii dib u dhac yimaado maxaa la sameynayaa” ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo wareysi siiyey telefeshinka Somali Cable ayaa geesta kale waxaa uu dhaliilay qaabka guddiga adeega Garsoorka loo wado dhismahiisa iyo sharciyada uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Halkan ka Daawo
-
Sideedaba dareenka runta ah ee bulsho waxa laga dhex helaa munaaqashada maalinleyda ah ee ka dhacda fagaarayaasha dad-weynahu ku kulmaan, siiba dareen celintooda ku aaddan arrimaha siyaasadda. Mujtamaca ku nool ama ka soo jeeda Somaliland (SL) marka aad dhegaysato dareenkooda fal-celineed ee wada-hadalada Xamar iyo Hargeysa, waxa kaaga soo dhex-bixi dhawr mowqif oo dadku qabaan, warqdanina si kooban ayey u falanqayn. Mowqifka 1aad waa in Xamar ay garawsato gooni-isu-taagga Somaliland (SL); taasoo ka dhigan, ama u dhacaysa, inta Xamar leedahay Somaliland annaga ayey na hoos timaadaa in aan wada-hadal bilaabmi karin. Jawaab-celinta mowqifkani waa in mowqifkani yahay xatabad laga soo gudbay, ka dib markii sannadkii 2012 madaxweyne Silanyo ku qanciyey dhammaan haya’adaha dasatuuriga ah ee SL inay bilaa shuruud wada-hadal ula bilaabaan Xamar. Kulankii London ee 2012, waxa kale oo uu markhaati u noqday, in Xamar iyana dhinaceeda, yaqiinsatay in SL aysan toos u hoos iman iyada, laakiin keliya ay haysato ictiraafka caalamiga ee dhulka SL (de jure recognition). Mowqifka 2aad ee dadweynha SL laga maqlaa waa in aysan Hargeysi wada-hadal la furin Xamar, ilaa inta dawladda Xamar hananayso koonfur. Ama haddii si kale loo dhigo: ilaa inta koonfur ay ka soo baxayso dawlad la isku raacsan yahay, nabad ah, shaqaynaysa, toosna loo soo doortay. Waa mowqifkii uu taagnaan jirey m/weyne Riyaale. Jawaabta mowqifkan kore la siin karaa waa tii mowqifka 1aad: waa laga soo gudbay marxaladaas, ka dib markii SL aqbashay in la furo wadahadal, dhawr jeerna la wada kulmay. Ilaa haddana dawldda Md Biixi ma diidana in la wada-hadlo, in kastoo mararka qaar tashuush badan iyo labac-labac ka muuqdo. Mowqifka 3aad ee shacabka SL laga maqlaa waa in Xamar dusha u ridato xasuuqii ka dhacay waqooyiga dalka sannadihii (1988-1991). Waa mowqif ku waajahan dawlad kasta oo dhaxasha qarankii Soomaaliyeed, una tilmaamaya inay xambaarato falalkii ay geysteen dawladihii ka horeeyey. Haddii DF Somalia ay oggolaatay inay bixiso deyntii (5.3 billion dollars) ay dawladdii Siyaad Barre qaadatay, maxaa u diidaya inay dhaydo wixii jawr-fal iyo dhib ah ah ee lagu falay magacii dawladdii Somaaliyeed? Mowqif 4aad oo dadku cabiraan baa isna ah: in Xamar la gole timaado sidii dadka SL ay faleen 1dii July 1960 (israacii Somaliland iyo Somalia), taas oo ah in berigaas Xamar qaadatay M/weynihii, R/wasaarihii, daahkiliga, khaarajiga, maaliyadda iyo caasimaddii. Waxa uu macnahu u dhacayaa: haddii Xamar daacad ka tahay midnimada, aanay ka ahayn keliya afka baarkiisa, ha huraan mansabyadii aanu bixinay 1960ki oo kale. Garo oo waa carin lagu calool baadhayo daacadnimada runta ah ee Xamar u qabto hilow midnimo. Haddii aynu falanqayn kooban ka bixino mowqifyadaas kale duwan ee kor lagu xusay, waxa ay warqaddani qabtaa in mowqifyada 1aad iyo 2aad ba ay yihiin shuruudo ay wada-hadaladii hore ee labada dhinac meesha ka saareen, dibna loogu noqon karin. Laakiin mowqifyada 3aad iyo 4aad waxay u dhacayaan inay yihiin go’aano ku habboon in ay wada-hadalada ka soo baxaan (outcomes). Tusaale ahaan, mowqifka 3aad oo ah qaadashada Xamar ee masuuliyadda xasuuqii Waqooyiga waddanka ka dhacay sannadihii 1988- 91, waa arrin dawo u ah in aan mar dambe falalkaas oo kale cidna dib ugu dhicin. Ka garaabid iyo cafin keliya kuma filna, waxa loo baahan in ay noqoto dhacdo ku suntan xasuus-wadaagta (collective memory) dadka Soomaaliyeed oodhan. Hase yeeshee mowqifka 4aad, in Xamar hortu wixii ay hureen shacabka Somaliland 1960kii, waxa aan qabaa in ay Xamar ku adag tahay midkaasi. Waxay u eg-tahay sidii labo qof oo jar ama shax wada dheelaya oo mid ku yiraa kan kale: war licbaddii hore ee cayaarta waan kuu ilduufee, adiguna markan ii ilduuf. Taas macnaheedu ma aha in aanay Xamar tanaasul samayn. Waa in ay samaysaa oo bursi badan siisaa Hargeysa intii maangal ah. Ogow shacabka waqoooyi danni/shaki badan buu ka qabaa hilawga iyo daacidnimada budh-tuurka (elite-ka) koonfurta. Aaminka (trust) ay shacabka waqooyi ku qabaan Xamar wuu hooseeya, waana in kor loo soo dhisaa. Haddii-ba, hadda, tusaale ahaan, Xamar qaadato oo ka soo baxdo shuruudaha aan soo naaqishnay, talow budh-tuurka (elite-ka) hadda SL hogaamiyaa ma aqbalayaan, oo ma ku soo dabaalmayaan xayndaabkii jamhuuriyah Somaaliyah? Runtii, shaki weyn baa igaga jira. Hoos baan ku sharxi sababta. 29kii sanadood ee SL ay jirtay waxa samaysmay xoogag dano gaar ah (vested interest) ku leh gooni-isu-taagga – macnihii ka madaxbanaan-shiiyaha Xamar. Xoogaggaas oo ka yimaadda: gancsatada, siyaasiyiinta, warbaahinta, ciidamada, shaqaalaha dawladda, iyo ururada samafalka maxaliga ah. Xoogaggan ayaa muddo dheer iyagu dhigayey duruusta siyaasadeed ee maalin kasta bushada SL naaqishto. Dabeetana waxay sidaa ku abuureen ra’yul caam dadweyne oo mitid ah. Xoogaggani waxa ay isku qanciyeen in awooddooda siyaasadeed (political power) ay hoos u dhacayso marka Xamar wax u kordhaan ba. Markii ugu horaysay ee dawladda Xamar caalamku aqoonsaday, meel-ku-gaarkii-ka baxday, kadib doorashadii M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayey Hargeysa furtay wada-hadalkii. Taas oo ay ujeedadedu ahayd in ay la dhuuqaan Xamar lacagta iskaashiga caalamiga ah ee soo ibo furmaysay markaas. Xataa waxa ay gaareen heer uu M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud ka talo-geliyo magacaabista wasiirada ka soo jeeda beesha Isaaq. Ujeedadoodu marna ma ahayn ku guryo noqoshada xayndaabkii jamhuuriyah Soomaliyah. Waxa kale oo ay villa Hargeysa ka dheeftay heshiisyadaas ay la galeen Xamar sannadihii 2012-16: in beesha caalamku qaarkood toos ula macaamisho sida sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), iskaashiga saddexanka (troika) ee caawimada caalimiga ah ee ka dhexeeya Hargeysa, Garoowe iyo Xamar iyo heshiisyadii militari iyo dekadeed ee ay la galeen Imaaraatka. Villa Hargeysa way ballaarsatay awoodaheedii. Sida caadiga ah qofna awood xukun (political power) u haysto ma sii daayo, in uu sii kordhiyo mooyee. Haddaba waa in villa Hargeysa ka dhex aragto danaheeda Xamar, iyadoo isla awoodoodii gudaha SL aysan waxba u dhinmin. Ama haddii si kale loo yiraa su’aalaha taagani waa: Xamar diyaar ma u tahay in ay villa Hargeysa miiska u saarto awoodo dheeri ah oo ay ku beddelan karto awoodaha xukun ee hadda gacanta ugu jira? Dhanka kale-na, Villa Hargeysa diyaar ma u tahay inay ku soo rogaal noqoto xayndaabka jamhuuriyah Soomaaliyah? Haddii jawaabta labadan su’aalood ba “HAA” noqdaan, sahal weeye qancintu dadweynuhu, sidii m/weyne Silanyo ba hore ugu qanciyey shacabka SL bilawgii wada-hadalka. Inshallahu khayr. Wa Bilaahi towfiiq W/Q: Maxamuud Cabdillahi Axmed London,UK Email: maxamuudaxmed@live.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Cudurkani waa jirra xun oo dhimasho deg-dega leh. Dadka waaweyn ee buka iyo caruurta ayaa aad ugu dhega nugul in ay u geeriyoodaan. Dadka qaarkii wuxuu aamin sanyahay in cudurkaan uu yahay mid la abuuray oo loogu tala galay in lagu baabi’yo wadama khaas ah oo Somaliya ay ku jirto. Hadaba si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay foojignaan iyo dareen qab in la idin gaadayo. 1. Dhaqaala xumada ka jirta Somalia. Wadanku ma haysto shey baaro iyo qalab lagu ogaado qofka cudurka qaba iyo qofka aan qabin. Wadanku ma haysto dhakhaatiir aqoon u leh cilmiga cudurada dadka gumaada, hadii ay jiraanna waa fara ku tiris. Somaliya ma haysato dhaqaale ay ku soo iibsato qalabka lagu baaro qofka cudurka qaba iyo kii aanu ku dhicin. Wuxuu wadanka Somaliya ka tirsan yahay wadamada dunida saddexaad; waxaana taas u sii dheer, xasilooni la’aan iyo gaajo. Taasna waxaa ka sii daran la’aamta Dawlada xoog leh. 2. Dhaqan-bulshada caafimaad xumada iyo dhakhaatiir la’aanta ka oogan Soomaaliya. Goobaha ganacsiga ee cunnada, kawaanada xoolaha lagu qalo, buraanlayaasha ama sayladaha hilbaha lagu gado, makhaayadaha cunnada lagu iibiyo, goobaha shaaha lagu gado waxaa badankooda lagu eedayaa nadaafad darro, iyo dadka ka shaqaya oo aan hufnayn. Goobaha shaaha lagu gado waxaad ku arkeysaa koobka shaaha oo aan la dhaqin oo dhowr qof isaga damaynayaan. Ama qofka shaaha gadaya oo haysto baaldi biya madoobaaday ku jiraan oo markii qof ku cabo koobka shaaha, inta biyaha la dhex geliyo mar qura, qofka ku xiga loogu shubo shaah. Waxaanu raja weyn ka qabnaa in qaybta caafimaadka ee Dawladaha hoose ee Dawlad Goboleedyada ay wax ka bedelaan si aan cuduradu u faafin. 3. Maamulada Dawlad Goboleedyada iyo Dawlada Dhexe oo awoodoodu yartahay in ay kaalin ka geystaan ka hortagga faafidda cudurka Cronavirus. Hogaamiyayaasha iyo maamulayaasha Dawlad Goboleedyada waxaa laga sugayaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan awaamiir cusub oo si deg-deg ah lagu hirgeliyo si looga hortago cudurka Cronavirus. Gobolkii madaxdiisu seexato amase fududaysta ka hortagga cudurkaan, waxaa suura gal ah in cudurku ku dhaco dad badanna ay ku geeriyoodaan,; ka dibna dadweynihu nafdooda la cararaan ayna u gooshaan gobollo kale. Madaxda Dawlad Goboleedyada ka hortaga waxaa dhacaysa in dadka ku nooli ka nabad galaan cudurkaan faafaya. Saas darteed waxay madaxdaasi noqoneysaa mid ku soo noqota maamulka ama muddo dheer ku raagta maamulidda gobolkaas. 4. Jiritaanka cudurada kale oo hadii cudurkani ku larmo keenaya dhimasho deg-dega. Waxaan dadka cudurada kale qaba uga digeynaa in ay is ilaaliyaan si aan cudurkani ugu dhicin. Waxaa aad u yaraanaya tabarta qofka qabay cudur kale oo markii cudurka Cronavirus helo lamaane inuu halis gelinayo jiritaanka qofkaas. Waxaa haboon in dadka waaweyn, caruurta iyo dadka jiran laga fogayo magaalooyinka dadku ku badan yahay, loona raro miyiga dadku ku yaryahay. 5. Doorka Barayaasha Bulshada: Waxaa yididaalo weyn laga qabaa in barayaasha bukshada gaar ahaan websiteyada, idaacadaha, wargeysyada ay door weyn ka qaataan sidii ay dadweynaha wax ugu sheegi lahaayeen. Gaar ahaan in ay joogto ka dhigaan baahinta hufnaanta iyo faaiidooyinkeeda. Sidii dadku uga foojignaan lahaa sida loo kala qaado cudurada faafa gaar ahaan Cronavirus. Websiteyada waxaa laga sugayaa in ay u faaruqiyaan baalal u gaar ah sidii looga hor-tegi lahaa cudurka Cronavirus. 6. Dad weynaha oo dhega adag oo si qalafsan uga hor imaanaya waanada iyo casharada caafimaad hadii la baahiyo. Dadkeenii wuxuu u batay dad aan laga dhaadhici karin cudurada qaarkood sidii la isaga ilaalin lahaa. 7. Iska hor imaad siyaasadeed oo curyaamin kara ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka Cronavirus. Dadka qaarkood waxay siyaasadda geliyaan meeshii ay u geli karto. Intii ay tix gelin lahaayeen danta dadweynaha Somaliya, waxaa ka weyn danta gaarka ah ee dadkaasi wax ka helayaan. Waxaan raja weyn ka qabnaa in dadka danaha khaaska ah wata ay ka tanaasulaan danaha raqiiska ah ee waxyeelaynaya midnimada iyo jiritaanka Somalia. 8. Xuduudada Somaliya oo wada furan iyo ilaalinta xuduudyada oo qallafsan. Dawlad goboleedyada waxay ilaalin karaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha oo qora. Qaarkood waxay ku dari karaan ilaalinta wadooyinka ay la leeyihiingobolada la jaarka ah, hase yeeshee gaadiidka qaarkiis wuu ka leexan karaa wadooyinka. Dawlad goboleedyada jaarka ah waxay iska kaashan karaan sidii iyaga oo midaysan uga hortegi lahaayeen cudurka Cronavirus. Hadii mid ka mid ah dawlad goboleedyada iska bahaystay la dagaalanka cudurkaan, dayaco kaalinta laga sugayey, dawlad goboleedyada kale waa in ay ka gaashaan taan sidii ay isugu filaan lahaayeen. 9. Kaalinta Qurba Joogta:- Waxaan tala ku soo jeedineynaa in qurba joogtu ku negaato wadamada ay joogaan ilaa cudurka Cronavirus looga helayo dawo lagu saaro. Walaalayaal dadweynaha Somaliya waa sabool aan ka gaashaaman karin cudurkaan. 10. Kaalinta Dawlad Goboleedyada iyo Dawladda Dhexe: Ka hortagga cudurkaan waxaa kaalin weyn laga sugayaa Dawlad Goboleedyada si ay uga hortagaan Dawlada Dhexe waxaa laga filayaa dhowr kaalin in ay ka qaadato ka hor tagga cudurka Cronaviris. A). In ay si bareere ah ugu dhawaaqdo in ay xirayso xaduudada Somaliya ha ahaadaan bad iyo barri, gaar ahaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha iyo wadooyinka wadamada jaarka ah ka yimaada. B). In ay in muddo ah ay joojiso bixitaanka iyo soo gelitaanka shaqaalaha iyo madaxda dawlada u gooshaysa wadamada kale. C). In Dawladaha hoose ay siiso awood buuxda si ay u ilaaliyaan goobaha ganacsiga sida makhaayadaha, shaahlayaasha, hoteelada, garoomada bulshadu isugu tagto. Awooda buuxda ee la siinayo dawladaha hoose qaybahooda caafimaadka waxay isku hawlayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen hufnaanta goobaha cunnada lagu kariyo iyo weelasha wax lagu cuno nadaafadooda. Makhaayadaha, buraanlayaasha, kawaanada, shaahlayaasha iwm in ay u hogaansamaan nadaafadda. Shicibkuna in ay masuuliyad iska saaraan in ay dawladaha hoose u sheegaan meheradaha aan caafimaadka dhawrin. Waxaa imaan karta in shaqaalaha dawladaha hoose ee u xilsaaran nadaafadda meheradaha qaarkood musuq-maasuq yaqaan. Hadaba waa inuu jiraa sharci qabanaya oo si xoog weyn leh u ciqaabaya dhuuni raaca. Doorka weyn ay Dawladda Dhexe ka qaadan karto ka hortegidda iyo la dagaalanka cudurka Cronavirus waa codsashada qalab, dawooyin, dhakhaatiir iyo tababarro ku salaysan baahinta ka hortegidda cudurka iyadoo Dawlada Dhexe ka codsaneyso Hey’adaha Jamciyadda Quruumaha Midoobay qaybaha caafimaadka (WHO), Daryeelka dhallanka, Ururka Haweenka, iwm. Sidoo kale in Dawlada Dhexe ka codsato wadamada saaxiibada ah macaawino dhaqaale sidii ay uga hortegi lahayd cudurka dilaaga ah ee Cronavirus. Hadaba raja weyn waxaa laga qabaa in Dawlada Dhexe si cadaalad ah ugu qaybiso macaawinada Dawlad goboleedyada iyadoo loo sed burinayo hadba cudurku siduu u saamayo. Waxaan filaynaa in Dawladda Dhexe iska ilaaliso in macaawinada la soo baryey la dhex geliyo siyaasad iyo musuq-maasuq, Qofkii lagu helona, sharciga lala tiigsado, iyadoo dil loogu abaal gudayo. 11. Kaalinta Ururada Islaamka iyo Culumau diinta ee Somaliya:- Kaalinta ugu horaysa waa akhrinta Quraanka kariimka ah iyo tafsiirta iyagoo culays weyn saaraya nadaafada si dadweynuhu ugu hormaraan hufnaanta si aan cuduradu ugu dhicin. In ay idaacadaha dadweynaha ugu baaqaan ka hortagga cudurada gaar ahaan cudurka Cronavirus iyo wixii la mid ah. Waxaa kaloo laga sugayaa culumaau diinka iyo URURADA Islaamka Somaliya in ay kaalin weyn ka qaataan difaaca xuduudada Somaliya si aan dad cadawga Somaliya soo direen aaney u soo gelin cudurro. 12. Kaalinta Ururada Hubaysan ee Madaxa Banaan:- Waxaan ka filaynaa in ay usoo jeensadaan sidey cadawga uga ilaalin lahaayeen in aan xuduudada la soo gelin oo aan cudurada loo soo gudbin Somaliya. Waa la idinka dhur sugayaa. Doodu furan ee walaalayaal maxay idinka idinla tahay? Fikradiina iyo sidii wadanka looga ilaalin lahaa cudurada deg-degta ku faafa. 13. Kaalinta Abwaanada iyo Fanaaniinta: Badanaaba waxay dadweynaha Somalidu aad ugu beer nugul yihiin abwaanada curiya gabayada, geeraarada, buraanburka, heesaha, riwaayadaha iwm. Si sahlan ayey dadweynaha wax uga dhaadhicin karaan. Hadaba yaan kaalintiinu marnaan. 14. Kaalinta Hooyooyinka iyo Hablaha Somaliyeed: Hooyadu iyadaa ah xudunta asaasiga u ah ka hor tagga cudur kasta. Nolosha ubadka iyo hogaaminta qoyska waxaa dhabarka u ridatay waa hooyo. Haweenka Somaliya ayaa laga sugayaa sidii ay wadanka uga ilaalin lahaayeen cudurada faafa dhamaantood. Gaar ahaan difaacidda nolosha ubadkeena. Wa Bilaahi Towfiiq W/Q: Faysal Ghedi GhediFaysal@gmail.com
-
London (Caasimada Online) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal Mikel Arteta, ayaa waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda. Kooxda Arsenal ayaa xirtay xarunteedii tababarka, islamarkaana shaqalaaha kooxda ee xiriirka la sameeyey Arteta dhowaanahan ayaa is iskood ah isaga go’doomin doona bulshada inteeda kale. Arsenal waxay sheegtay inay jiraan dad badan, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah cayaartoyda kooxda oo xiriir la sameeyey tababaraha. Bayaanka kooxda oo uu ku saxiixnaa agaasime Vinai Venkatesham ayaa lagu sheegay in tababare Arteta oo 37 jir ah, uu aad uga niyad jabay arrintan, balse uu dhiiranaan leeyahay. “Aad ayaan u niyad jabsanahay, waxaan tijaabada iska qaaday markii aan daal iska dareemay. Waxaan dib usoo laaban doonaa marka la ii ogolaado, oo aan soo kabto,” ayuu yiri Arteta. “Muhiimadeena koowaad waa dadkeena iyo caafimaadkooda, taas ayaana diiradda saari doonaa,” ayaa lagu yiri bayaanka. Kooxda Arsenal ayaa lagu wadaa inay Sabtida la cayaarto naadiga Brighton, cayaar ka tirsan horyaalka Premier League. Hase yeeshee Arsenal waxay sheegtay inay u badan tahay in taasi aysan dhici doonin. Horyaalka Premier League ayaa qoraal uu soo saaray Khamiista ku sheegay in kulamada ay u dhici doonaan sida loo qorsheeyey, inkasta oo uu jiro cudurka Coronavirus oo sii faafaya.
-
Garaadka guud ee SSC Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale Xassan, oo ku soo biiray hoggaanka dhaqanka gobolka Sool, ayaa Khamiistii shalay lagu caleema-saaray degaanka Dharkayn-Geenyo ee koonfurta gobolka Sool. Caleema-saarka Garaadka waxaa ka qeyb-galay isimo isaga yimid Puntland, Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida DDS iyo marti sharaf kala duwan. Sidoo kale waxaa goob-joog ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland. Xafladda ayaa la isku weydaarsaday hadallo siyaasadaysan, kadib markii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore uu sheegay in halka Caleema-saarku ka dhacayo ay tahay gudaha Somaliland. Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland oo halkaasi hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay in halka xafladda caleema-saarku ka dhacayso ay ka tirsantahay Puntland, islamarkaana ay salaan ka siddo madaxweynaha Puntland iyo xukuumaddiisa. Balse, Garaadka guud ee degaannada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo xiray xafladda Caleema-saarka, ayaa sheegay in dadka degaanku aysan Puntland iyo Somaliland midna ka tirsanayn. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo xaflad dhaqan u rogay madal siyaasadaysan appeared first on Puntland Post.
-
Tension between Kenya and Somalia soared last week following heavy fighting along the border. The clashes involved Somali government troops and forces loyal to Ahmed Madobe, the leader of Jubbaland, which is one of Somalia's five semiautonomous states. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanha-Warraka-12032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo Hay’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor looggu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee dalka. Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa si wada-jir ah u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda Dhinaca Horumarinta ee Talyaaniga Mr. Mr. Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weliba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga. Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan. Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya, isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka, isaga oo tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weliba hay’adaha caalamiga ah ee fulinaya mashruucan. “Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan. Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri: “Mashruucani wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxuu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka dalka.” View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Taliska Ciidanka Booliiska maamulka Galmudug ayaa amar ka soo baxay lagu mamnuucay in hub aan aheyn kan laamaha amniga lagu dhex qaato Deegaanada hoostaga Magaaladda Dhuusamareeb. Amarkaan oo la faray dhammaan laamaha amniga ayaa ciidamada u oggolanaaya in ay la wareegaan hubkii lagu qabto howlgalada, iyaddoo aan dib loogu celinaynin Dadka laga qaado , qofkii hub lagu qabto ayaa wajahaya isna xarig seddex bilood ah oo aan cafis laheyn sida ay sheegeen laamaha ammaanka. Taliyaha Booliiska Qaybta Guud ee Galgaduud G/Sare Maxamuud Maxamed Jaamac , Taliyaha Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb Burhaan Axmed Roble , Guddoomiye ku xiggeenka Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb Abdi xaashi oo ay wehliyaan taliyeyaasha Degmooyinka Ku xeeran Caasimadda sida Taliyaasha Booliiska Xeraale iyo Balamballe ayaa kormeer amarkaan la xiriira iyo ogeysiin Ku soo marey Deegaanada , Mareergur, Shimbiraale, Tagaabeeye iyo Mirig, si loo dhaqan geliyo. View the full article
-
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota ayaa shaacisay inay aqal gashay. Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,” Haddaba waa kuma Tim Mynett? Tim Mynett oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1981, waxna ku bartay jaamacadda New York. Bartiisa LinkedIn ayuu ku xusay in sanadihii 2001 iyo 2002 uu wax ku bartay jaamacadda Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika. Waxaa uu soo bartay culuunta siyaasadda oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 2003, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa uu lasoo shaqeeyay hey’ad la yiraahdo Alliance for Justice kahor inta usan ku biirin shirkadda E Street Group. Waxaa uu horay usoo maray guur, waxaana ay wada joogeen Beth Mynett oo ay dhawaan kala tageen. Mynet waxaa uu ka tirsan yahay E Street group oo ah shirkad inta badan ka shaqeysa istaatijiyadda ololaha doorashooyinka, dejinta qorsheyaasha musharixiinta doorashooyinka iyo shaac bixinta. Inkastoo aan la garaneynin waxaa uu shirkadaas ka yahay ayaa haddana waxaa uu la soo shaqeeyay Ilhan Cumar. Waxaa Ilhan u qaabilsanaa dhanka ololaha doorashada, waxaana hadda la sheegaa in uu yahay la-taliyaheeda arrimaha siyaasadda. Sida ku qoran barta uu ku leeyahay LinkedIn, Tim waxaa uu ku takhasusay sidii ay xubnaha Congress-ka, musharixiinta u tartamaya xilalka, hey’adaha samafalka iyo ururada siyaasadda ay u heli lahaayeen lacago tabarucaad ah. Sidoo kale shirkadda uu ka tirsan yahay ee E Street Group ayaa qabata hawlo ay kamid yihiin shaac bixinta, xayaysiinta, qaabeynta, cilmi-baarista iyo dhaqaale ururinta. Guddiga doorashooyinka heer federal ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Ilhan Cumar ay lacag dhan 230 kun oo dollar ay siisay shirkadda uu Tim ka tirsan yahay ee E Street Group tan iyo sanadkii 2018, lacagahaas oo loogu qaban jiray latalin dhanka siyaasadda iyo istaraatijiyadda ololaheeda doorashada. Mynett waxaa uu sidoo kale lasoo shaqeeyay siyaasiyiin badan oo laga soo doortay Minnesota, kuwaas oo uu kamid yahay Keith Ellison oo horay usoo qabtay xilka Ilhan ay hadda hayso. Tim Mynet iyo xaaskiisa ayaa kala tegay sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii ay sheegtay inay ku tuhmeyso in uu xiriir la leeyahay Ilhan Cumar. Warbaahinta Fox News ayaa ku warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la leehay Ilhaan Cumar. Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya. “Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan. Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen. Xigasho: BBC Somali
