Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Suldaanka cusub ee Saldanada Cummaan Haytham Bin Daariq. ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Saldanada Cummaan Cabdiweli Cali Axmed (Jeylaani). Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegya in Suldaanka Cusub ee Cummaan uu waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomiyay Danjire Cabdiweli Jeylaani. Safiirka ayaa Suldaanka Cummaan ku wareejiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Danjire Jeylaani iyo Suldaanka cusub ee Cummaan ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashi ee labada waddan dhinacyada Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Siyaasadda. PUNTLAND POST The post Suldaanka Cummaan oo waraaqaha Danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-14032020.mp3 View the full article
  3. Coronavirus memo says British Airways will be ‘parking aircraft in a way we never have before’ Source: Hiiraan Online
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirweynaha Puntland ayaa ka socota gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo beri oo aty ku beegan 15-ka March, 2020-ka Shirka oo ah mid wadatashi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya saamileyda Puntland, waxgarad iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi. Wufuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo shirkaas ka qeyb galaya ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe. Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaaladaasi ay gaaraan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah, magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal. Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa horay u sheegrtay in shirkaan lagu miisaami doono doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya. Shirweynahaani ayaa waxaa iclaamiyey Deni, wuxuuna ku soo aadaya, iyadoo haatankhilaaf uu u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland.
  5. Golaha Amniga dowlad Goboleedka Galmudug oo xalay Shir ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa shirkaasi uga arrinsaday Amniga maamulkaasi waxaana shir Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. shirka Golaha amniga waxaa ka soo qeyb galay dhammaan xubnaha Golaha waxaana laga dhegaystay warbixin ku saabsan qorshahooda dhanka amniga. Shirkaan ayaa waxaa qaban qaabiyay xafiiska Amniga maamulka Galmudug, waxaana qodobada looga hadlay kamid ahaa dardargelinta siyaasada amniga Galmudug Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka iyo Xoreynta degaanada ay haystaan Al-shabaab. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Saraakiisha Ciidamada faray in ay dardargeliyaan howlaha Amniga magaalada Dhuusamareeb iyo degaanada kale ee Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxda Galmudug, waxaan Munaasabadda kasoo qeyb geli doona Madax kala duwan oo ka socota dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada iyo xubno kale. PUNTLAND POST The post Amniga dowlad goboleedka Galmudug oo laga shiray appeared first on Puntland Post.
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Isu-duwihii hore ee kooxda kormeerka QM ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group), Jay Bahadur ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay mar ku fakartay inay goosato dhul ka mid ah Soomaaliya, oo ay dalkeeda ku darsato. “Sanadihii tegay muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya, wuu suu xumaaday, wuxuuna horseeday xiisad sare uga sii kacday labada dal, oo gaartay heer mas’uuliyiinta sare ee Kenya ay si dhab ah uga wada hadleen inay ku darsadaan dhul ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Bahadur oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee Deutsche Welle (DW). “Uma maleynayo in dunida maanta ay tahay wax fudud in dhul la goosto ama ay tahay siyaasad macquul ah in la sameeyo, balse waxay tilmaameysaa sida xiisadda labada dal ay halis u tahay,” ayuu yiri Bahadur. Kenya ayaa waxaa sida shaacsan Soomaaliya ka jooga 4,000 oo askar oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM, hase yeeshee sida uu Bahadur sheegay, Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidanka kuwaas laba laab ka badan oo aan AMISOM ahayn. Ciidankaas waxay joogaan gobolka Gedo, oo xiisadda ugu dambeysay ay kasoo cusboonaatay iyo gobollada Jubooyinka, oo uu ku yaallo dhul-badeedka ay Kenya sheegatay ee Soomaaliya. Jay Bahadur waxa uu sheegay in danaha Kenya ee Soomaaliya ay ka weyn yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab iyo dhul badeedka “lagu muransan yahay”. “Kenya waxay u baahan tahay dekedda Kismaayo iyo inay qeyb ahaan maamusho, waxay u baahan tahay inay awooddo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, oo ciidamada Kenya ay aad uga faa’iideen,” ayuu yiri Jay Bahadur. Hadalka Jay Bahadur ayaa imanaya ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kenya ay gobolka Jubaland ee Soomaaliya u aragto mid dalkeeda ka tirsan ama ugu yaraan ay taladiisa ka go’do. Kenya ayaa lahayd maskaxdii lagu aas-aasay maamulka uu hadda hoggaamiyo Axmed Madoobe, April 2013 bilo kadib markii ciidamadeeda iyo kuwa Axmed Madoobe ee Raaskambooni ay Al-Shabaab ka qabsadeen magaalada Kismaayo September 2012. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan Kenya ku eedeysay inay ku xadgudbeyso madax-banaaniada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo ciidankeeda ay ku kacayaan ficillo ka baxsan waajibaadkooda Amisom.
  7. Kenya, Ethiopia, Sudan, Guinea and Mauritania all confirmed their first cases of the new coronavirus on Friday, giving the disease a foothold in 19 countries on the African continent. Source: Hiiraan Online
  8. Magaalada Kampala ee Caasimadda waddanka Uganda waxaa kulan ku yeeshay madaxweyneyaasha Uganda Yoweri Museveni iyo Ethiopia iyo Sahle-Work Zewde, waxaana ay kawada hadleen Muranka Webiga nile iyo Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada dalalkaas ka socda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM. Kulanka labada madaxweyne waxa ay ku falanqeeyeen ka sokoow Xaaladda Webiga Nile, qorshaha joogitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo waqti dheer uu qaatay howlgalkooda. Yoweri Museveni iyo Sahle-Work Zewde waxa ay isla gorfeeyeen sidii ay baaqi gudaha Soomaaliya ay ugu sii ahaan lahaayeen Ciidamada AMISOM ilaa inta isbadal muuqdo uu ku imaanayo xaaladda dalka. War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Madaxweynayaasha Uganda iyo Ethiopia waxaa lagu sheegeen in ay isla garteen labada Madax dhammaan dhinacyadii ay kawada hadleen, isla markaana waxa ay soo jeediyeen in laga fogaado colaad ka dhalata muranka Webiga Nile. Sidoo kale waxa ay is tuseen in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu isbadal ku socdo, sidaas awgeed waxa ay ku baaqeen in askarta Afrika ay baaqi kusii ahaadaan Gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Uganda iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay Qorshaha joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay mowqifka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ee shirka wada-tashiga Puntland ee furmaya 15-ka March. Cawad oo hoggaaminaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa shalay gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si ay uga qeyb galaan shirkaas. Isaga oo hadlayey kadib markii uu gaaray Garoowe, ayaa Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre aysan wax dhibaato ah ku qabin shirkaas, islamarkaana ay bogaadin usoo direen shacabka Puntland ayna guul u rajeeyeen shirka wada-tashiga, sida uu yiri. Wasiirka ayaa intaas ku daray inay Puntland marti qaaday wakiilada u matala dowladda federalka Soomaaliya si ay shirkaan kaalin uga qaataan. Si kastaba, waxaa xusid mudan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku baaqay shirkan kadib markii uu aad uga carrooday “ficillada madaxda dowladda dhexe.” Shirka Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaray go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo madaxweyne Deni uu horey ugu eedeeyey “carqaladeyn iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada dalka.” Go’aanada la filayo inay kasoo baxaan shirka ayaa waxaa ka mid ah in Puntland qaadacdo doorashooyinka dalka laga qabanayo, maadaama ay horey uga hor-timid sharciga doorashooyinka, iyo inay si buuxda xiriirka ugu jarto dowladda dhexe. Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya inay suurta-gal tahay in joogitaanka wafdiga wasiir Cawad ee Garoowe ay uga faa’iideystaan inay isku soo dhoweeyaan madaxweyne Deni iyo madaxda dowladda federaalka.
  10. Washington (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, lagana soo doorta gobolka Minnesota ayaa sheegay in ninka ay guursatay ee Tim Mynett uu diinta Islaamka qaatay. Ilhaan ayaa dhowaan barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,” Hase yeeshee, waxaa taas ka dhalatay dood weyn iyo dhalleeceyn ay kala kulantay Soomaalida qaarkood, oo ku eedeeyey inay guursatay nin aan Muslim ahayn. Si kastaba, afhayeen u hadlay Ilhaan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa BBC-da u sheegay in Tim Mynett uu qaatay diinta Islaamka. “Waxaan kuu xaqiijinayaa in ay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhaan na uu qaatay diinta Islaamka”, ayuu yiri Jeremy. Jeremy ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu BBC-da la wadaago haddii uu jiro magaca uu la baxay seyga cusub ee Ilhaan Cumar iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka. Si kastaba, waxaa xusid mudan in markii ugu horreysay ee xiriirka Ilhaan iyo Tim uu billowday, oo warbaahinta ay ka war heshay ay weli xaas u ahayd ninkeedii hore ee Axmed Xersi, ayada oo dhowr mar lasoo sawiray ayaga oo wada socda.
  11. Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in koox Burcad ah ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed, oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada Koonfur Afrika. Kooxda ayaa weerartay muwaadinka , oo lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Cumar Aadan isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulla hoostagta Magalada Cape town. Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay, ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday. Dalka Koonfur Afrika sannadihii u dambeeyay waxaa ku sii kordhayay dilalka loo gaysanayo dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi. PUNTLAND POST The post Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dekadaha xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay inuu heer gebogebo ah marayo qorshaha lagu dhisayo dekadaha Baraawe iyo Hobyo, kuwaasi oo ay ballan qaaday dhismahooda dawladda Qadar. Wasiir Maryan ayaa shaaca ka qaaday in daraasaado lagu sameynayey dekadaha Baraawe iyo Hobyo ay soo dhammaadeen, dhawaana la billaabi doono dhismaha. Dekadaha Baraawe iyo Hobyo ayaa dhismahooda kadib waxaa ka faa’iideysan doona dadka deegaanka maamullada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug ee ay ku kala yaallaan labada dekadood. Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaa ah laba ka mid ah saddex maamul goboleed oo marka lagu daro HirShabelle aan lahayn dekadaha oo ah ilayaasha dhaqaale ee lacagta badan laga sameeyo. Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa 19-kii August 2019 si wadajir ah u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Dekedda Baraawe ayaa iyana kasii horeysay oo ay dowladda Qatar ay horey u ballan-qaaday inay dhiseyso.
  13. Madaxweynaha Waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan ka hor taga caabuqa halista ah ee Coronavirus. Madaxwayne Trump ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaarinayo in ka badan $50 bilyan oo doolar si wax looga qabto . Gudaha Mareykanka waxaa la xaqiijiyay in caabuqa uu haleelay in ka badan 1,700 oo ruux halka ay u dhinteen 40 ruux. Dhawr gobol oo Mareykanka ah ayaa goor sii horeesay qaaday talaabooyin ay kaga hor tagayaan xanuunkaas mamnuucay in la’iskugu yimaado goobaha dadwaynaha. Talaabadan uu qaaday madaxwaynaha Mareykanka ee xaalada deg dega ah ayaana imaaneeso xilli dhawaanahan lagu eedeenayay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada caabuqan saf mareenka ah ee Coronavirus. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo looga dhawaaqay xaalad deg deg ah appeared first on Puntland Post.
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa diiday cadaadiska Mareykanka ee ah inay dalalka Masar iyo Sudan heshiis kala gaarto biyo-xireenkeeda muranka dhaliyey ee ay ka sameyneyso webiga Nile, waxaa sidaas sheegay wasiirka arimaha dibedda Ethiopia. Wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa Gedu Andargachew waxa uu ku sheegay in saddexda dal looga baahan yahay inay khilaafkooda xaliyaan, ayada oo aysan soo faro-gelin cadaadisyo dibedda ah. “Wada-hadalladii lagu qabtay Wahsington DC bartamihii Febraayo, waxaa nalagu cadaadiyey inaan deg deg heshiis u saxiixno, ka hor inta aan la xalin arrimaha taagan,” ayuu yiri Gedu, oo intaas ku daray in wafdigiisa ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen inaysan heshiis ku saxiixeyn cadaadiska noocaas ah. “Kadib saraakiisha Mareykanka waxay diyaariyeen oo ay noo soo direen heshiis, kaasi oo sidoo kale aan diidnay sababtoo ah Mareykanka wuxuu lahaa kaalin kor joogto oo kali ah,” ayuu yiri. “Waxaan aaminsannahay in heshiis kasta oo la gaaro ayada oo cadaadis uu jiro uusan dan ugu jirin dhinac kasta oo qeyb ka ah wada-hadallada.” Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda iyo is-marin waaga Ethiopia iyo Masar, oo salka ku haysa biyo-xireenka dib-u-curashada weyn ee Ethiopia ee GERD, oo ay ku kaceyso lacag dhan 4.6 bilyan oo dollar, kaasi oo Ethiopia ay ku dhiseyso webiga Nile. Ethiopia ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas. Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii Addis Ababa ay ka baaqatay wareegii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ee 26-kii Febraayo lagu qabtay magaalada Washington, ayada oo sheegtay inay u baahan wada-tashi dheeri ah. Kadib markii Ethiopia aysan ka qeyb-galin kulankii Washington, wasaaradda arrimaha dibdda Masar ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay “maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn ee Ethiopia ee marxalad muhiim u ahayd wada-hadallada.” “Masar waxay adeegsan doontaa wax kasta oo ay awooddo oo ay ku difaaceyso danta dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la rumeysan yahay in xiisaddan uu kula safan yahay Masar.
  15. A few days back, we had reported that France was the first European Country that banned veils (Covering of face) in public places. Source: Hiiraan Online
  16. Illegal fishing in the region harms livelihoods and food supplies. Yet some of the most damaging activity is conducted under EU deals . The 5,500km coastline of west Africa is home to some of the most diverse fisheries in the world. It is also hugely economically significant — more than 7m people from Mauritania to Liberia and the tiny island of São Tomé and Príncipe rely on fishing for their livelihoods, from catching to selling to processing. Read more here The post The fight for west Africa’s fish appeared first on Puntland Post.
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa ku dhawaaqday in la baajiyay shirkii lagu waday inay magaalada Nairobi ku yeeshaan hogaamiyayaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Wasaaradda ayaa sheegtay in shirka Uhuru Kenyatta, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Ahmed uu qorshuhu ahaa inuu Nairobi ka dhaco 16-ka March, balse duruufo lama filaan ah ay baajiyeen. Wasaaradda ma aysan shaacin waxa ay yihiin duruufahaas, hase yeeshee Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday inay mamnuucday dhammaan dhacdooyinka waa weyn ee bulshada ay isugu yimaadaan kadib markii dalkaas laga xaqiijiyey kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo lagu arko Bariga Afrika. Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in kiiska laga helay haweeneyn Kenyan ah oo kasoo laabatay dalka Mareykanka oo 27 jir ah. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in shirka saddex geesoodka ah la qaban doono waqti kale, balse ma aysan shaacin. Shirkan ayaa qorshuhu ahaa in xal looga gaaro xiisadda Kenya iyo Soomaaliya ee ka taagan xuduudda gobolka Gedo, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo fariisin ka dhigtay magaalada Mandhera.
  18. Tacsi Tiiranyo leh Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!. Anigoo ah Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Eng.Maskax) Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eng. Maxamuud Cali Diiriye “Ex-kornayl Food’ oo Galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeisa,isla-Berri Subaxiina lagu aasi doono Hargeisa “Xabaalaha Naasa-hablood” . Waxan ilaahay ugu baryayaa inuu Marxuum Food janatul-Firdoows ka waraabiyo Qoyska,xigtada,Xasabada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay dadka raba inay socdaal ku tagaan deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo ku yaalo Garoonka diyaaradaha ee Cigaal. Somaliland ayaa sheegtay inay si kumeel-gaadh ah u hakisay dal ku galkii (Fiisihii) ay siin jirtey dadka ka imanaya Itoobiya ee raba inay gudaha u soo galaan deegaanadeeda. Wakiil Kuxigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Kaariye ayaa shaaciyey inay safaarad ahaan joojiyeen Fiisihii ay siin jireen dadka ka imanaya dalka Itoobiya, oo la sheegay in laga helay Kiis la xiriira fayruska Corona. Wakiilka ayaa xusay in Somaliland oo ka feejigan faafista cudurkaasi, ay qaadeen talaabadan oo ay u arkaan mid ay kaga hortagayaan in gudaha Somaliland uu soo galo fayruska sida xawliga ah ugu faafaya dunida. “Waxaanu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si kumeel gaadh ah ayaanu u joojinay bixinta dal ku galka (Fiisaha) ee aan siin jirnay dadka doonaya inay tegaan Somaliland ee ka imanayay Itoobiya” ayuu yiri Barkhad Kaariye. Wuxuuna intaas kusii daray Wakiil Kuxigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Kaariye “Wixii soo kordha bulshada waanu la socod-siin doona”. Go’aankan Somaliland ee ka dhan ah socdaalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili ay maanta si rasmiya u shaacisay dowladda Itoobiya in qof qaba cudurka Coronavirus laga helay wadankeeda.
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-13032020.mp3 View the full article
  21. TORONTO (HOL) - The Council of Imams in Canada has called for the suspension of the Friday prayer meetings in mosques starting today in the wake of the novel corona virus that is fast spreading across the Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Hargeysa)-lle ha-unaxariistee hal Askari oo ka tirsan ciidanka booliska gobolka Togdheer, ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay tacshiiraddo rasaas ah oo ay ciidanku amaanku u adeegsanayaan inay ku xakameeyaan isku dhaca goroonka Kubada Cagta ee Magaalada Burco ku dhex maray taageerayaal kale taabacsanaa laba kooxood oo ay ciyaari ku dhex-maraysay garoonka kubada lugta ee Allamsey Ma jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka gobolka Togdheer iyo ciidanka booliska Somaliland , haseyeeshaa waxa la xaqiijiyey inuu Alle ha unaxariistee uu hal askari oo ciidanka booliska ka tirsanaa ku geeriyooday, halka uu hal askari oo kalena uu ku dhaawac-may. Source
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise oo hoggaaninaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb galayaan Shirka Wadatashiga Puntland ee furmaya 15-ka bishan, kaasi oo uu ku baaqay madaxweyne Deni kadib markii uu aad uga carrooday “ficillada madaxda dowladda dhexe.” Wafdiga ayaa ka jawaabay baaqii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in dhamman siyaasiyiinta kasoo jeedda degaanada Puntland ay kasoo qeyb galaan shirka. Hase yeeshee ma cadda sida tagitaankooda ay u arki doonaan madaxda saree e dowladda, si gara ah wasiir Cawad oo ah shaqsi xil sare ka haya dowladda Soomaaliya. Warraka ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in joogitaankodoa Garoowe ay uga faa’iideystaan inay isku soo dhoweeyaan madaxweyne Deni iyo madaxda dowladda federaalka. Si kastaba, wafdigan maanta Garowe ayaa horay ugu fashilmay in ay dhex-dhexaadiyaan Madaxda maamulka Puntland iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shirka Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaray go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo madaxweyne Deni uu horey ugu eedeeyey “carqaladeyn iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada dalka.” Go’aanada la filay inay kasoo baxaan shirka ayaa waxaa ka mid ah in Puntland qaadacdo doorashooyinka dalka laga qabanayo, maadaama ay horey uga hor-timid sharciga doorashooyinka, iyo inay si buuxda xiriirka ugu jartao dowladda dhexe.