Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka aragti ka dhiibtay go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay dowladda ka qaadatay xiisada Masar iyo Itoobiya. Dadweynahaan oo la hadlay Shabelle ayaa inta badan boggaadiyey mowqifka ay dowladda federaalka iska taagtay khilaafka wabiga Nile ee u dhexeeya dalalkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shacab-1.mp3 View the full article
  2. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Bajaajlayaasha ka shaqeeya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Ceelaha biyaha oo maanta dhigay dibadbaxyo ay uga cabanayaan in laga xiray wadadaasi. DF Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al Shabaab faafaahinno laga helayo qarax maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho Bangiga Hormarinta Afrika Oo Ka Cafiyay Soomaaliya Deyntii Uu Ku Lahaa Dowladda Soomaaliya oo La Wareegtay Deeq Caafimaad oo Looga Hortagayo Xanuunka Coronavirus Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Xamdi Baraale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-25-03-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ugu yaraan hal askari ayaa ku geeriyooday, ilaa lix kalena waa ku dhaawacmeen, iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18km dhanka bari ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Al-shabaab ayaa la sheegay in ay saaka hiirtii waaberi weerar xooggan ku ekeeyeen, saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Daynuunaay ee gobolka Bay. Ilo’ wareedyo ku sugan Baydhabo, ayaa warbaahintu ka soo xigatay, in weerarka oo si gaadmo ah ku bilowday uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya halka lix kalena ku dhaawacantay, inkastoo aan la ogayn khasaaraha gaaray dhanka Al-shabaab. Ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigaas, ayaa sida wararku sheegayaan markii dambe gurmad ciidan helay, taasi oo Al-shabaab ku khasabtay in ay dib ugu cararaan halkii ay weerarka ka soo qaadeen. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta dagaal maanta ka dhacay Daynuunaay appeared first on Puntland Post.
  4. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad u dhexeeyey ciidanka Puntland iyo kooxo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Gaalkacyo. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadku ay weerar ku qaadeen gaari nooca Booliska oo siday nin maxbuus ah oo xabsiga waqooyiga magaaladaasi ku xanuunsaday, kaas oo loo waday xarun caafimaad, si loogu soo daaweeyo halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi ay si xoog ah ku furatay maxbuuska oo la sheegay inuu ku xukunaa dil toogasho ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in is-rasaaseynta labada dhinac ay waxyeelo ka soo gaartay afar qof oo uu ku jiro taliye ku xigeenka xabsiga waqooyiga Gaalkacyo. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Puntland oo ku aadan dhacdadaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Gaab-2.mp3 View the full article
  5. Al-Shabaab ayaa weerar kusoo qaadey Fariisin ay Ciidamada Koonfur Galbeed ku lahaayeen Deegaanka Daynuunow ee Gobolka Bay halkaasoo ay Al-Shabaab la wareegeen Fariisinkii Ciidanka. Ciidamada [...] Source
  6. Qarax ayaa wuxuu maanta duhurkii uu ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,Qaraxa ayaa lala bergsadey goob Ciidamada ka shaaheeyaan. Ilaa hada Afar Qof ayaa [...] Source
  7. War-weyn:Dhaxal-sugaha Boqortooyada Ingiriiska Amiir Charles oo laga helay Caabuqa Coronavirus Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud “balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay. Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska. Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay. Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland. “Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay.” Qaran News
  8. Wasiirka wasaaradda hormarka caalamiga ah ee dalka Canada, Karina Gould ayaa shaacisay in 50 Milyan oo dollar ay ku taageerayaan wadamo ay ku jirto Soomaaliya. Karina Gould oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Ottaw ee caasimadda dalkaasi ayaa sheegtay in ay malaayiinta dollar ay ugu deeqayaan wadamada Afrika ee ay ka mid tahay Soomaaliya loogu tala galay iska caabinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus. Sidoo kale wasiirka wasaaradda hormarka caalamiga ah ee dalka Canada ayaa xustay in dhaqaalahaasi ay u diyaariyeen dalal ay ka mid yihiin Congo, Kenya, Sudan iyo Somalia. Canada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in dhaqaalaha ay ugu tala gashay wadamadaan ka tirsan qaaradda Africa ay 8 Milyan oo ka mid ah ay gacanta u galin doonto hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo kuwa gargaarka ee ka howlgala guud ahaan dalalkaasi. Dhowaan ra’iisal wasaaraha Canada Justin Treadue ayaa shaaciyey in uu ka hortagga cudurka Coronavirus u qoon-deeyey illaa 50 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, si loo yareeyo khatarta iyo saameynta uu cudurkaasi ka geysan karo gudaha wadankaasi. View the full article
  9. Wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay agagaarka taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay in ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu geystay, waxaana ilaa haatan la xaqiijiyay in saddex qof ay qaraxaasi ku geeriyootay halak tiro kale oo aan la cayimin ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen. Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa dhaamn xiray jidadka soo gala isgoyska Sayidka iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana wali sidoo kale ka hadlin saraakiisha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, dhinaca xiga Baar Bulsho. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa qaraxa sababay, balse warar horudhac ah ayaa sheegaya in loo maleynayo inuu fuliyey qof is-miidaamiyey. Waxaa lagu warramayaa in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online. Dadka waxyeelada ay gaartay ayaa lagu warramayaa in badankood ay yihiin shacab. Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha uu qaraxu ka dhacay mararka qaar ay fariinsan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta. Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa baraha bulshada lagu soo daadiyay qoraal lagu bixiyay lacag badan oo loogu magac daray (100-ka qof ee ugu saameynta badan Soomaalidda 1920-2020). Sida ay ogaatay Caasimadda Online, barnaamujkaan waxaa abuuray xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre, ayada oo aan la ogeyn ujeedka ay ka leeyihiin. Sida qorshuhu ahaa waxaa lagu heshiiyay in laga ilaaliyo qof walba oo ay maalin is qabteen Xasan Kheyre iyo Farmaajo. Lacag kumanaan dollar ayaa lagu bixiyay Barnaamujkan. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa la sheegay inuu aqbalay qarash bixinta barnaamijkan madaama loo balan qaaday inuu ku jiro doono liiska 100-ka ugu saameyn badnaa Soomaalida 100-kii sanno ee lasoo dhaafay. ilaa 50 qof oo dhallinyaro ah oo lagula heshiiyay lacag ayaa baraha bulshada ku faafinayay qoraalkan saacadihii lasoo dhaafay. Dad badan ayaa dood ka keenay liiskaan uu diyaariyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaa barnaamujkaan lagu xusay dad loo arkay iney qeyb ka noqon karaan inuu faafo oo uu dad badan gaaro. Dadka sida ku tallo gal ah looga tagay waxaa ka mid ah: Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xooga dalka, madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, iyo madxaweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaa sidoo kale ka mid ah Pro. Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari oo 2 jeer noqday gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid oo 2 jeer ra’iisul wasaare noqday, Cabdiweli Gaas oo ah qofka qura ee wada noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Dowlad-goboleed, sidoo kalana ah ninkii Kumeel gaarkii ka saaray Soomaaliya, Thabit Cabdi oo ahaa duqii ugu da’da yaraa uguna saameynta badna ee soomara caasimada, iyo shaqsiyaad kale. Madaxda mucaaradka ee sida weyn dowladda hadda jirta u diidan ayaa sidoo kale inta badan laga tagay marka laga reebo Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. Liiskaan ayaa durba la kulmay ceebeyn iyo naqdin xoogleh waxaana laga yaabaa iney baaqato xaflad la doonayay in loo qabto si ay madaxda Dowladdu uga qeyb gasho.
  12. Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. “Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay. Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska. Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay. Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland. Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Prince Charles, the 71-year-old heir to the British throne, has tested positive for coronavirus but is in good health and is now self isolating in Scotland. Source: Hiiraan Online
  14. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax noociisa ismiidaamin lagu sheegay oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo isku qarxiyey maqaaxi lagu shaaxo oo ku taalla isgoyska Sayidka dhanka Baar Bulsho. Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha uu qaruxu ka dhacay mararka qaar ay fariisan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey sida wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo isku geedaamay halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/COD.mp3 View the full article
  15. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaallada ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ballaaran ku qaadeen gudaha deegaankaasi, iyaga oo muddo kooban kala wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in weerar rogaal celis ah ay markale qaadeen Milatariga Soomaaliya, kaas oo uu xigay dagaal la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay dib ula wareegeen deegaanka Deynuunaay oo qiyaas ahaan 25 KM bari ka xiga magaalada Baydhabo ee K/Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalladaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya deegaanada K/Galbeed Soomaaliya. View the full article
  16. Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Ajendaha kulanka mudanayaasha Baarlamanka waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga soo diyaarinaya doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa. 89 Xildhibaan ayaa kasoo qeyb galay kulanka kuwaas oo meel-mariyay Guddi ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada ka mid ah oo soo diyaarinaya doorashada guddoonka oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo. Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay waxaana horyaalla shaqooyin kala oo laga doonayo in ay qabtaan oo ay ugu horrayso doorashada Guddoonka Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed oo la ansixiyay appeared first on Puntland Post.
  17. Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xubnaha guddiga doorashada ee guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi. Guddiga oo ka kooban illaa 15 xubnood ayaa waxaa soo xulay guddoomiyaha KMG ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Xasan Aalbaro. Sidoo kale guddigaan ayaa ka shaqeyn doono agaasinka doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada maamulkaasi. Halkaan hoose ka ka aqriso: f View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-25032020.mp3 View the full article
  19. Baydhabo (Caasimadda Online) – Baarlamaanka 2-aad ee Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay guddiga diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka. Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood oo afar kamid ah ay yihiin dumar ayaa guddoomiye looga dhigey Cismaan Buulle Macalin. Guddiga la Magacaabey ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo iclaaminta waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso. Hoos Ka Akhriso Magacyada guddiga Guddoonka Baarlamaanka koonfur Galbeed.
  20. (SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa siideysay in kabadan 4,000 oo maxaabiis ah si ay uga hortagaan faafida coronavirus ee xabsiyada dadku ku badanyihiin, warbaahinta dowlada ayaa werisay. Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa ku amartay shaqaalaha wadanka in ay kusugnaadaan guryahooda taas oo qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka. Kulan aan caadi ahayn oo dhacay Salaasadii shalay, golaha wasiirradu waxay ku meel mariyeen go’aanka ah in shaqaalaha dawladda ay ku shaqeyn doonaan guryahooda laga bilaabo March 25, 2020, illaa ogeysiis dambe. Itoobiya waxay xaqiijisay hal kiis oo kale oo ah coronavirus (COVID-19), taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dadka cudurkaasi ku dhacay 12 qof. Source
  21. (SLT-Ankara)-Turkiga ayaa 20 qof oo Sacuudiyaan ah, oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-Suge Mohmed Bin Salman, kusoo oogtay dacwado la xidhiidha dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida ay Arbacda sheegeen dacwad-oogayaasha dalkaas. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey taliye ku-xigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudiga Ahmed al-Assiri, iyo la-taliyihii hore ee dhanka warbaahinta ee Maxkamadda boqortooyada Saudi Al-Qahtani, inay hogaamiyeen howl-galkii lagu dilay Jamaal Khaashuqji, ayaga oo amraya kooxda dilka fulisay. Khaashuqji, oo ahaa 59 jir wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay 2-dii October 2018, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, si uu uga soo qaato warqado uu u baahnaa, si uu u mehersado gacalisadiisa Turkish-ka ah Hatice Cengiz. Turkey ayaa baadhitaan u gaar ah ku sameysay dilka, kadib markii ay ku qanci weyday sharaxaadaha ay bixisay Sacuudi Carabiya. Xafiiska Dacwad-oogaha Istanbul ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Assiri iyo Qahtani lagu eedeeyey “inay billaabeen dilkii ula kaca ahaa ee argagaxa badnaa, ayaga oo horseeday rafaad.” 18 tuhamanayaal kale – oo ay ku jiraan Meher Mutreb oo ahaa sarkaal sirdoon oo si joogto ah ula safri jiray Mohamed Bin Salman, iyo khabiir saynis Salah Al-Tubaigy iyo Fahad Al-Balawi oo ka mid ah ilaalada boqortooyada – ayaa lagu eedeeyey “dilkan ula kaca ahaa ee arxanka darnaa.” 20-ka qof, ayaa haddii dambiyada lagu helo waxay wajahayaan xabsi daa’in. Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa sheegay in maxkamadeynta raggan la furi doono ayaga oo maqanayaal ah, balse ma aysan shaacin waqtiga. Dacwad-oogayaasha ayaa horey usoo saaran waaran lagu soo xidhayo eedeysanayaasha, oo aan ku sugneyn dalka Turkiga. CIA-da, iyo Anges Callamard oo ah ergeyga gaarka ee QM u xil-saartay baadhitaanka dilka Khaashuqji, ayaa dilka si toos ah ula xidhiidhiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu si xooggan u beeniyey. AFP Source
  22. Sudan's defence minister, General Gamal al-Din Omar, has died of a heart attack while on an official visit to neighbouring South Sudan, according to the Sudanese officials. Source: Hiiraan Online