Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyanaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadla arrimaha amniga degaannada maamulkaas. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan Milatariga,Amisom gudoomiyaasha gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle Madaxweynaha Hirshabelle ayaa guddoomiyaasha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan shirka kaga dhex dhegaystay xaaladda amni ee degmooyinka gobolladaas Dhinaca kalana saraashisha ciidamada AMISOM iyo dowladda ayaa lagu wargeliyay in ay sii laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda degaanada maamulka Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo shir guddoomiye kulan xasaasiya oo ku saabsan Amniga Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay qaabka ay Xukuumada Muuse Biixi ay ugu diyaar-garoobeyso ka hortaga cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus iyo duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airlines. Waddani ayaa sheegay in qaabka ay Xukuumada Biixi u maareynayso ka hortaga cudurkaasi uu ka muuqdo wer-wer aad u weyn, midaasi oo uu ku micneeyay inay tahay khatar aan laga soo kaban karin. Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu Xukuumada ka dalbaday inay gebi ahaanba deg-deg u joojiso duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku timaado madaarka magaalada Hargeysa. Waddani ayaa qaba in duulimaadyada Ethiopian Airlines ay Somaliland ku yihiin halis weyn oo u baahan in si deg-deg ah looga hortago, maadama ay tagto wadamo uu ka jiro fayruska Corona, kaasi oo ka dhigan in gudaha deegaanada Somaliland ay usoo xambaari karto cudurkaasi. Xoghaye Khadar oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Wer-wer aad u weynaa ayaa ka muuqda, sida illlaa hadda Xukuumaddu uga diyaar-garowgday ka hor-tagga Coronavirus. Xukuumaddu waxay soo saartay Go’aano aynu kuligeen wada taageernay, shacabkuna uu soo wada dhaweeyay, laakiin iskuulladii oo la fasaxay mooyaane go’aannadii kale sidii la rabay weli uma fulin”. “Arrimaha qaar haddii aad ku fashilanto waad ka soo kaban kartaa oo dhibaato malaha, laakiin haddaynu diyaar-garowga khaladno oo khatartu siday tahay u arki wayno oo sida ay tahay inaynu uga diyaar-garowno aynu uga diyaar-garoobi wayno way adag tahay inaynu ka soo kabano”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu soo jeedinaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo diyaaradda Ethiopian Airlines, aqoonsi ma siddo Ethiopian Airlines, waxa laga yaabaa inay Covid-19 inoo siddo, dawladdu waa inay sheegtaa kharash cayiman oo ay ugu talo-gashay Xanuunkan la dagaalankiisa iyo Kharashkaa siday u isticmaalayso”. “Waxaynu u baahan nahay Qalab Caafimaad maxaa inoo yaalla, maxaa inoo soo socda Qalab Caafimaad oo Xukuumaddu inoo dirtay, Xukuumaddu waa inay sheegtaa halkay ku yaallaan Xarumaha Dadka lagu karantiilayo, dadka Danyarta ah sidee loo taageerayaa, waxa jira Dad badan oo danyar ah oo Xanuunkan Walaac ka qaba”. “Xukuumadda waxa la gudboon inay Maalin kasta Dadka War siiso, Waayo? Xukuumadaha dunida markaad eegto Xukuumad walba Maalin walba Dadkeeda War bay siinaysaa, markaa waa inay uga warranto halkay wax marayaan, waxay qabteen iyo hawlaha ay ku jiraan, Waayo? Ku celcelinta lagu celcelinayaa waxay Dadka fahamsiinaysaa khatarta Xanuunka” ayuu sidoo kale yiri Xoghaye Khadar. Xoghayaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Xisbigooda oo ka qeyb qaadanaya daadalada loogu jiro ka hortaga fayruska Corona uu gebi ahaanba joojiyey isku imaatinkii iyo shirarkii uu xisbigu lahaa, madaama uu cudurkan fursad uu ku faafo u yahay isku imaatinka dadka badan.
  3. Wefdi uu hogaaminayo Santar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta oo Khamiis ah ka gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo Guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Sanotor Cabsi Xasan Cawaale Qeybdiid socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya xildhibaan Ubax tahliil ,Xildhibaan Cabdikariin ķhaliif dhalac iyo odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Galmudug. Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweyay Madaxda maamulka gobolka kan degmada iyo qeybaha bulshada. Wefdiga ayaa sida la sheegayo magaalada Gaalkacyo kula kulmi doono madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaana socdaalkoodu qeyb ka yahay dadaalo lagu doonayo in Ex madaxweyne Xaaf lagula heshiisiiyo Qoor Qoor. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Gaalkacyo gaaray appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka caafimaadka Soomaaliya DR Fowsiya Abiikar Nuur oo shir jiraa’iid ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadday in wasaaraddu ay xaqiijisay qofkii labaad ee qaba xanuunka Coronavirus, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo and Prime Minister Hassan Khaire have lauded their country’s achievement of a major milestone in the debt relief process following the announcement Wednesday the country had qualified for interim debt relief. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa boggaadiyey guulaha laga gaaray barnaamijka deyn cafinta, kadib markii ay Soomaaliya shalay buuxisay maraxaladii koowaad. IMF iyo Banka Adduunka ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ayaa dhameysay marxaladdii koowaad ee dadaalka ay dooneyso in deynta looga cafiyo, taasi oo loo yaqaan Decision Point, oo macnaheedu yahay inay u qalanto in deynta-laga cafiyo. Soomaaliya ayaa hadda billaabeysa safarka iyo dadaalka ay ku dooneyso inay ku gaarto marxaladda labaad ee deyn-cafinta oo loo yaqaan Completion Point, taasi oo qaadan kartaa saddex sano, si si-buuxda looga cafiyo deynta ay ku leeyihiin deyn-bixiyayaasha caalamiga ah. Warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey heerka uu gaaray xiriirka iskaashi ee DF iyo hay’adaha maaliyadeed ee adduunka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in laga sal gaaro dhameystirka qorshaha deyn cafinta oo xilligaan muhiim u ah Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna. “Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna. “Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.” Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna. “Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna. “Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.” Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka. View the full article
  8. The United Nations congratulates Somalia for reaching the Highly Indebted Poor Countries Initiative’s (HIPC) ‘Decision Point’ for debt relief – an historic milestone on the country’s path to peace and prosperity. “Achievement of the HIPC ‘Decision Point’ is a major step forward for Somalia’s economic progress, allowing the country to advance towards its long-term objective of inclusive economic growth and poverty reduction. All Somalis can be proud of this achievement,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “The ‘Decision Point’ is tribute and testament to the federal authorities’ impressive public financial management reforms,” he added. “It also reflects strong collaboration between the Federal Government and the Federal Member States, and sets a template for future collaboration in this and other areas.” The International Monetary Fund and World Bank established the HIPC Initiative in 1996 to ensure that no poor country faces a debt burden exceeding its capacity to service and manage. Reaching ‘Decision Point’ means that Somalia’s eligibility for debt relief is confirmed, and its relations with International Financial Institutions are fully normalized. Somalia will also qualify now for certain types of grant financing to meet its public finance and development needs, and for access to private sector financing instruments. View the full article
  9. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadashey Warbaahinta ayaa faah faahisay kiiska qof labaad oo qaba cudurka Corona Virus oo dalka laga heley,kaasi oo ka yimid dalka Talyaaniga maalmana la hayay. Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dalka laga heley kiiskii labaad ee qof qaba xanuunka Corona Virus,kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhibaatooyin ku hayay bulshada caalamka. Waxay sheegtay in qofka laga heley xanuunka COVID-19 uu dhowaan dalka yimid isla markaana kamid ahaa dadka laga shakiyay ka dibna la baaray sidaasna lagu xaqiijiyay. Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay,isla markaana aysan ka muuqan wax calaamad ah oo tilmaamaya cudurka. “Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo,baaritaan aan isbuucii hore aan dirnay ayuu jawaab u ahaa,waxaan la wadaagnay bulshada, kiisaasi waa positive,ma ahan mid calamaduhu ay ka muuqdaan,ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uusan cudurka ku soo bixin oo aanu faafin,wuxuu kamid yahay dadka karantiilka kujira,. Wuu fiicanyahay qofka,laakiinse waxaan rabnaa ilaa baaritaanka lagu hayo in meel gooni ah lagu haayo ilaa laga xaqiijiyo in cudurkan uu ka caafimaaday”. Ayay tiri wasiir Fowsiyo Abiikar Nuur. Iyadoo hadalkeedi sii wada ayay ugu baaqaday bulshada in ay ka feejignaadaan fiditaanka cudurkan halista ah,waxaana ay ku baaqday in wacyigelinta bulshada la sii xoojiyo. View the full article
  10. Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, mudane danjire Mehmet Yilmaz ayaa la kulmay ergeyga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan. Qoraal kooban oo ay soo saartay safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen dhinacyo badan oo quseeya Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka lagu xusay in Turkiga iyo Qaramada Midoobay ay si weyn uga wada hadleen ka hortagga cudurka Corona oo dowladda ay xaqiijisay inuu soo gaaray dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale tilmaamay in ay Soomaaliya ka caawinayaan, ka hortagga cudurkaan oo dunida ku haya dhibaato xoogan. Turkiga ayaa ah saaxiibka 1-aad ee Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka uu ka taageeraa dhinacyada tababarka ciidanka, arrimaha bin’aadanimada & caafimaadka. View the full article
  11. The IMF and the World Bank on Wednesday said Somalia has taken the necessary steps to begin receiving debt relief, a decision that will allow the East African country to lower its $5.2 billion in external debt to around $557 million. The decision will immediately normalize Somalia’s relations with the world after 30 years outside the international financial system, the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank’s International Development Association said in a joint statement. Somalia’s Paris Club creditors – including the United States, Russia, Italy, and France – are expected to make the decision on debt relief for Somalia by the end of March, they said. View the full article
  12. MOGADISHU (HOL) - Somalia has confirmed the second case of COVID-19 after one of the persons who was on quarantine tested positive. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in kiiskii labaad ee Coronavirus laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho, kadib baaritaan lagu sameeyey. Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiyo Abiirkar Nuur oo shir jaraa’id u qabatay warbaahinta ayaa sheegtay in qofka cudurka laga helay uu dhowaan ka yimid dalka dibaddiisa. Dr Fowsiyo ayaa intaasi ku dartay in la Karantiilay qofka laga helay xanuunka , islamarkaana xaaladdiisu ay la socon doonto dowladda Soomaaliyeed. “Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo, baaritaan aan isbuucii hore aan dirnay ayuu jawaab u ahaa,waxaan la wadaagnay bulshada, kiisaasi waa positive,ma ahan mid calamaduhu ay ka muuqdaan,ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uusan cudurka ku soo bixin oo aanu faafin,wuxuu kamid yahay dadka karantiilka kujira,” ayey tiri wasiiradu. Qofka labaad ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa ka mid ah dhalinyaradii saaraakiisha ciidanka ahaa ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga, kuwaas oo dhowaan dib ugu soo laabtay gudaha amagaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa la socday muwaadinkaan Soomaaliyeed saddex kale oo labo todobaad ka hor lagu Karantiilay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Dowladda federaalka oo dhowaan Shiinaha kala wareegtay qalab looga hortago COVID19 ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo faafintaanka cudurkaasi. Tallaabada muhiimka ah ee ay sidoo kale dowladdu qaaday waxaa ka mid ah go’aankiii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah iyo kii lagu xiray goobaha waxbarashada.
  14. Ugu horreyn, ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo xalay la hadlay saxaafadda waxaa uu ku faanay in maamulkoodu uu gaaray guusha deyn cafinta, mid cusubna qaadan karaan taas oo l barbardhigay xuriyaddii isaga oo yiri “ Haddii dal walba oo dariska lagu leeyahay balaayiin dolar, innagana maanta aan taaganahay inaan wax walbo nadiif ka noqonay “! Dhankiisa wasiirkiisa maaliyadda Beyle uu maanta ka gabyey deyn cafin waxaa uu sheegay in lasoo gabagabeeyey! Inta aan u gelin qormadan, waxaa muhiim ah in akhrisataha ogaado in aanan marnaba yareysaneyn shakhsi ahaan iyo hey’ad ahaanba heerka uu dalkeenna ka gaaray deyn cafinta laakin Xasan Kheyre oo carabka ku adkeeyey in “Soomaalida ku kalsoonaadaan madaxdooda“, waxaa uu kaa qariyey 3 xaqiiq: (1). In hannaanka deyn cafinta uu socday 8 sano, siina socon doono intaas oo kale ! (2). Deyntii lama cafin, ee waa nusqaantay, oo waxa la magay lacagtii ay nagu lahaayeen IMF, World Bank iyo AfDB oo ka mid ah US$ 5.2 Billion oo dolar ee Soomaaliya lagu lahaa! (3). Deynta ay Soomaaliya qaadan karto waa Kumeelgaar oo imtixaanno kale ayaa u dhimman oo ugu yaraan 3 sano qaadanaya halka aanu jirin dal daris nala ah oo xaaladdaas abid soo maray! Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso 5 Su’aal oo Jawaabo u Baahan: Maxay Tahay Deynta La Cafiyey? Bixinta “arrears” waa tallaabada 1-aad ee deyn cafinta, taasi oo ah in la tirtiro lacagaha ay Soomaaliya ku lahaayeen hey’adaha lacagta, tusaale ahaan IMF oo Soomaaliya ku laheyd ilaa US$334 million, waxaa qeybsaday ilaa 100 dal, World Bank oo Soomaaliya ku lahaa $366 milyan waxaa ka magtay Norway halka African Development Bank oo kulahaa Soomaaliya $122 million ay bixiyeen UK iyo midowga Yurub! Sidee Loo Gaaray “Decision Point”? Arrinta ah gaarista “Decision Point” waa dadaal soo socday sida aan sheegnay 8 sano, oo kasoo bilowday dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh iyo dib ugu soo celisay hay’adda lacagta adduunka IMF, oo weliba la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska. Decision Point, micnaheeduna waa in aan deyn kumeelgaar ah ka qaadan isla hey’adihii hadda uun deyntooda la magay ee IMF, World Bank iyo AfDB. Sidee Lagu Gaarayaa “Completion Point”? Tallaabada xigta waa “Completion Point” oo socon doonta ilaa saddex sano, waa imtixaanno cusub, waxaa Soomaaliya laga rabaa iney dhinto faqriga iyo dadka saboolka ah, oo ay la timaado barnaamijyo kor u qaadaya nolosha muwaadinka, waa hannaan kale oo adag, oo ay muhiim tahay dhakhli uruurinta iyo isla xisaabtan la kordhiyo iyada oo dalka la sii qaameyn. Deyn Kale Miyaa Nagu Hartey? Deynta hadda la magay sida aan sheegnay waa deyntii IMF, World Bank iyo AfDB, waxaa Soomaaliya ku haray in ka badan 4 Bilyan oo ay ku leeyihiin labada naadi ee Paris Club, None-Paris Club iyo hey’ado kale, waxaa kale oo anaey dowladda sheegin halkee la geeyey deyntii ay nagu lahaayeen hey’adaha: Arab Monetary fund, OFID-OPEC fund for Inter Dev, Nigeria Trust fund, Islamic Dev Bank iyo qaar kale. Paris Club: Waxaa deyn nagu leh dalalka Denmark(2), France(484), Italy(600), Japan(96), Holland(6), Norway(2), Spain(40), UK(81), USA(1004) iyo Ruushka(148). None-Paris Club: Waxaa deyn nagu leh dalalka Algeria(2), Bulgaria(11), Ciraq(58), Kuwait(171), Libya(5), Romania(3), Sacuudiga(109), Serbia(2) iyo Imaaraadka(256). Haddaba waxaa adag in xal loo helo dalalka dambe None-Paris Club laakin kooxda hore waxaa lagu wadaa in deynta Soomaaliya ay ka shiraan March 31 iyada oo la filayo in war fiican sheegaan, lagana yaabo in 50% ay cafiyaan waa haddii loo magayo inta kale waqtiga ay Soomaaliya qabsato iney ku bixineyso sanadaha soo socda. Ka Waran Haddii Deyn Kale Qaataan? Mar haddii la ogolaaday in Soomaaliya qaadan karto deyn kmg ah, khubaro dhaqaalaha waxay ka cabsi qabaan in maamulka hadda jira ee Farmaajo oo ay doorasho ku soo socota, iyaga oo ka faa’ideysanaya xamaasadda deyn cafinta ee ay suuqgeeyeen ay qaadaan deyn cusub oo ka badan middii la cafiyey, taasi oo abuuri karta kalsoonni darro kale, sidaa darteed waa in dowladda lala shaqeeyo, sidoo kale isha lagu hayo talaabooyinka ay qaadeyso. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiyo Abiikar oo goordhow shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in magaalada la helay kiis 2-aad ee qabo Coronavirus. Muwaadinkan oo ka yimid dibadda waxaa uu ku jiraa dadka la karantiilay ee ku jira gacanta dowladda federaalka ah iyada oo intaas raacisay in xaaladdiisa ay hadda degan tahay. Salaanta in la yareeyo, in gacmaha la dhaqo iyo wacyigelin guud ayey ku baaqday wasiirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa shaaciyey in wadahadallo dhanka taleefanka ah uu la yeeshay madax uu ku jiro madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo). War qoraal ah oo uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu sidoo kale sheegay in wadahadallaasi ay qeyb ka ahaayeen, ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan, madaxaweynaha Kenya, Jabuuti iyo midka Suudaanta Koonfureed. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wadahadleen xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan caqabadaha haatan soo ifbaxaya. “Waxaan isku raacnay in aan si abaabulan uga jawaabo caqabadaha soo ifbaxaya.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr Abiy. Siodo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo baahneyn in la carqaladeeyo is-dhexgalka xoogan ee haatan u dhexeeya gobolka. Abiy ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in mas’uuliyiinta uu la hadlay ay ka wada arrinsadeen ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirsus, isagoo carabka ku adkeeyey in dalalka IGAD ku jira, haddii ay iskaashaadaan ay ciyaari karaan door muhiim ah. “Wadamada xubnaha ka ah IGAD, si urur goboleed ah, waxay ciyaari karaan kaalin hoggaamineed oo muhiim ah, si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee uu fayraskani soo rogi karo,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadlkaan dhinaca qadka taleefanka ah ayaa dhanka kale ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada u dhexeysa Masar iyo Itoobiya oo isku haya Webiga Nile.
  17. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijisay in kiiskii labaad ee cudurka Coronavirus laga helay dalka. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay aya shaacisay in kiiskaas labaad laga helay qof ka soo laabtay waddanka Talyaaniga oo kamid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay COVID-19. Qofka cudurka laga helay ayaa sida Wasiirku xaqiijisay kamid ahaa dhalinyaradii saraakiisha ciidanka ahaa ee Tababarka loogu qaaday waddanka Talyaaniga balse dhowaan dalka dib ugu soo laabtay. Bukaankaas ayaa ka hor intaan cudurka laga helin la karantiilay isaga iyo saddex qof oo kale kadib markii ay todobaad ka hor ka soo laabteen dalka Talyaaniga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo laga helay kiiskii labaad ee Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Milkiilaha Hoteelka Sky oo ku yaalla Xaafadda Maslaha ee magaalada Hargeysa kadib markii uu diiday in lagu Karaantiilo Hoteelkiisa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka yimi dalalka Dibeddiisa. Wararka ayaa sheegaya in guddiga u diyaargaroowga caabuqa Corona ay u yimaadeen Mulkiilaha hoteelka Axmed Odowaa kadibna ay ka dalbadeen in hoteelka lagu Karantiilo dadkan oo keentay in uu ka biyo-diiday kadibna xabsiga ay u taxaabeen ciidammada isaga iyo Xaaskiisa. Dadka ay ka dalbadeen guddiga mulkiilaha hoteelka in lagu karantiilo ayaa la sheegay in ay yihiin qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda Itoobiyaan Airlines oo ka soo degtay magaalada Hargeysa. Guddiga xukuumadda Somaliland ay u magacawday u diyaargaroega caabuqa Corona ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah tan iyo intii la magacaabay. Source
  19. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 18-km u jirta magaalada Beydhabo ee gobalka Baay ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab ka dib markii halkaasi ay ku dagaalameen. Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 12 dagaalame oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay. Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay ka war qabeen weerarka Al shabaab ay soo qaadeen isla markaana ay ka hortageen haatanna ay iska caabiyeen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale war qoraala oo ka soo baxay Al shabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in dagaalkii Deynuunaay ay ku dileen 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Ma jiraan illo kale oo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay Al shabaab ay ku soo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. PRESS RELEASE COVID-19: East African Community (EAC) Deploys Mobile Labs The vehicles are fitted with laboratory and ICT equipment, as well as all the necessary consumables for a fully functional laboratory TEL AVIV, Israel, March 26, 2020/ — The East African Community (EAC) Secretariat has moved to intensify efforts against Coronavirus spread by deploying mobile laboratories and testing kits in partner states as regional ministers for health met to deliberate on the pandemic. The Sectoral Council of Ministers of Health held a video conference to swiftly augment containment strategies to prevent and stop any further spread of the deadly disease in the region. The meeting comes on the back of confirmed COVID-19 cases in four out of six EAC partner states, with the affected states embarking on a number of strategies to address the outbreak at national level. Rwanda was the most hit nation in East Africa after reporting 36 cases, followed by Kenya (15 cases), Tanzania (12 cases) and Uganda nine cases. Uganda had reported just one case until Monday this week but after 35 samples were tested eight proved to be positive. All eight new cases are Ugandan nationals who travelled back from Dubai, United Arab Emirates; Two on March 20 and six on March 22 aboard the Emirates and Ethiopian Airlines flights. The Senior Public Relations Officer at the Corporate Communications and Public Affairs Department with the EAC Secretariat, Mr Peter Owaka said at EAC Arusha Headquarters that each partner state will receive a four-wheel vehicle. The vehicles are fitted with laboratory and ICT equipment, as well as all the necessary consumables for a fully functional laboratory with the capacity to conduct tests for Ebola and the coronavirus in addition to other pathogens. The EAC Secretariat has also put in place a Regional Coordination Committee (RCC) with Risk Communication and community engagement; Policy and Guidelines; Finance and Logistics and Data and Statistics sub-committees to oversee the regional COVID-19 response. The Regional Coordination Committee has already set in motion a number of activities to secure the EAC Organs and Institutions, and support the partner states in battling the virus. Efforts to contain the spread of the dreadful virus by the regional body comes at the time when each of the East African member state steps up measures to fight the pandemic. Tanzania, Kenya, Rwanda, Uganda, South Sudan and Burundi have suspended international flights, with Burundi going the extra mile by suspending even domestic flights. On Sunday President John Magufuli announced that with effect from Monday the government would put all visitors and Tanzanians arriving from the high risk countries under quarantine at their own expenses for 14 days. Last week, the Tanzania government closed all primary, secondary, colleges and universities for a period of 30 days. Distributed by APO Group on behalf of Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel. SOURCE Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel Qaran News
  21. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay suurto gal ahayn in wakhtigan la joojiyo Qaadka Somaliland uga yimaadda dhinaca dalka Itoobiya oo dawladda dhaqaale ka soo gallo. Kadib markii ay isla maanta sheegeen guddiga heer qaran ee ka hor taga xanuunka Corona, iyadoo ay sheegeen in la xidhay gebi ahaanba xuduudaha dhulka Somaliland la leedahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya muddo saddex todobaad ah. Taasoo ka bilaabanaysa Khamiistan maanta oo ay bishu tahay 26-ka March, iyadoo la joojiyay dhamaanba waxyaabaha dalka ka soo gala dhinaca dhulka. Arrinta la xidhiidha joojinta Qaadka ayay maalmahan si weyn bulshadu iskula dhex marayeen hadal haynteedda, waxaanay ku doodayeen kuwa taageersan in la joojiyo Qaadka maadaama oo Itoobiya laga helay kiisas badan oo xanuunka Corona ah. Hase yeeshee wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka hor taga Covid 19 ayaa cadeeyay in ay arrin adag tahay in lagu deg-dego joojinta Qaadka. Arrintaasi oo uu ku sababeeyay xuduudka aadka u dheer ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo aan la wada ilaalin Karin. Waxaanu yidhi, “Qaadka marka si run ah looga hadlayo, Qaadku waa mawduuc (issue) adag. Haddii aanu ka joojino in uu Wajaale ka soo gallo, xuduud 1000 KM ah ayaanu la leenahay Itoobiya. Kunkaa kiiloo mitir Waddo kastaaba way furan tahay”. Wuxuu sheegay wasiir Koore, in gawaadhida Qaadka ka keena Itoobiya aan loo ogolayn in ay soo raacaan laba qof wax ka badan, kuwaasoo weliba caafimaadkoodda la soo baadhay. “Waxaanu isku deyaynaa in aanu dhibtiisa yarayno. Labadda qof ee baabuurka Qaadka soo raacayaa ay noqdaan laba qof oo la baadhay caafimaadkoodda, Wadadiisiina aanu hadda u dayno”ayuu yidhi wasiir Koore, oo shalay u waramay BBC. Geesta kale wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in haddii loo arko in dhibaato ay bulshadda kaga soo socoto dhinaca Qaadka in markaa tallo laga yeelan doono. Waxaanu yidhi, “Haddii loo arko dhibaato iyo wax weyn, oo ummada dhib ku ah in uu yimaadana, markaa tallo ayaa looga noqonayaa, ummadana waxbaa laga waydiinayaa”. Dhinaca kale Qaadka ka yimaadda Itoobiya waxaa dhaqaale ahaan ku tiirsan dawladda Somaliland oo dakhli fara badani ka soo gallo cashuurtiisa. Halka sidoo kale-na ay nolol ahaan ugu tiirsan yihiin boqolaal qoysas ah iyo boqolaal qof oo kale oo shaqo maalmeedkoodu yahay xidhan yahay Qaadka. Source
  22. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxa uu kullan kula qaatay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee danjire James Swan. War ka soo baxay xafiiska wasiir Cawad ayaa waxaa lagu sheegay in kullanka looga hadalay sidii wada shaqeyn wanaagsan ay u dhexmari lahayd dowladda federaalka Soomaaliya iyo hey’adda qaramada midoobay islamarkaana loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac. “wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, mudane danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda ee caasimadda muqdisho, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha soomaaliya (srsg) ahna madaxa howlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee soomaaliya (unsom), mudane james swan” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. Dhinaca kale kullanka labada dhinac ayaa lagu soo hadal qaaday sidii looga shaqeyn lahaa howlaha dib u heshiisiinta qaran iyo wada hadalka siyaasadeed ee dhinacyada Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta. Qaramada midoobay ayaa waxa ay ka mid tahay hey’adaha sida dhow ula socda guud ahaan siyaasadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kalane taagerro kala duwan u muujisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Taliska ciidanka Xoogga dalka, qeybta 60-aad ayaa ka warbixiyey dagaal shalay ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Taliyaha qeybta 60-aad Maxamed Sh. Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay guullo ka soo hoyeen dagaalkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 25 KM u jira Baydhabo ayaa saaka degan, waxaan howlagllo baaritaano ah ka wada ciidamada milatariga Soomaaliya. View the full article
  24. Malayshiyaadka Al-shabaab oo ka taliya degaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa Fatwo ka soo saaray arrimaha doorashooyinka heer Federaal oo qorshaysan in Soomaaliya laga qabto 2020/2021-ka. Bayaan Fatwo ah oo ka soo baxay malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in ay xaaraan tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sannadka 2021-ka, islamarkaana waxaa Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimaha doorashadaas. Al-shabaab ayaa sidoo kale fatwootay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka dalka Soomaaliya, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo kenya iyo Itoobiya, una horseedaya colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed. Bayaanka ka soo baxay Al-shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu fatwooday in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Itoobiya ee ku soo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana AL-shabaab amartay in meeshii lagu arko lagu dilay Tahriibayaasha u dhashay Itoobiya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo amartay in la dilo qofkii ka qeyb gala doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.