Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa maanta ka soo dagtay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, xili ay Dowladda federaalku ay sheegtay inay duulimaadyada caalamiga ah la joojiyey. Fly Dubai oo dhowaan ay Dowladda federaalku ka celisay hawada Somaliland, ayaa maanta ka soo degtay madaarka Hargeysa, iyada oo aan wax digniin ah ama fariin ahba ka helin Maamulka hawada. Sida ay Caasimada Online ogaatay diyaarada Fly Dubai ayaa saaka soo cago dhigatay Madaarka Cigaal, iyada oo sidey Alaab xamuul ah iyo mucaawino daawooyin ah, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya kuwa lagula tacaalo fayruska Corona. Inkasta oo dowladda federaalku ay sheegtay in dalka aysan ka mamnuucin gar-gaarka deg-deg ah iyo mucaawinooyinka lagula tacaalayo Coronaha, ayaa haddana waxay ku soo aadeysa xili uu madaarka Hargeysa furan yahay oo ay diyaarada Ethiopian Airlines duulimaadyadeedii caadiga ah ku tagto. Lamana oga in Shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai ay gogol xaadh ka dhiganeyso in si toos ah u bilowdo duulimaadyadeeda Hargeysa, kadib mucaawinada maanta u suurta-galisay inay soo cago dhigato madaarkaasi.
  2. The State of Qatar yesterday welcomed the decision by the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank’s International Development Association to grant debt relief to Somalia under the enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. The State of Qatar said that the decision is an important step on Somalia’s path towards stability and prosperity. Qatar congratulates the government and people of Somalia on this achievement and their intense efforts to reach this point. A statement by the Ministry of Foreign Affairs pointed out that Qatar has been a proud partner to Somalia’s development efforts in recent years. Through development initiatives and infrastructure investments, the State of Qatar has worked with the government and people of Somalia to generate opportunities and employment and create the foundations for future growth and stability, the statement said. “This momentous decision marks the start of a new era for Somalia. We will continue to stand hand-in-hand with the people of Somalia as they work towards a brighter future,” the statement added. View the full article
  3. President Mohamed Farmaajo has commended both the country’s achievement to reach interim debt relief. In a statement, President Mohamed Abdullahi Farmajo said the decision by the World Bank and IMF was critical for reforms in Somalia. “This debt relief decision by IMF, WB, IDA and the support from friends of Somalia, is a timely boost for our longstanding transformation and sectoral reforms in Somalia,” the statement read in part. The president added his administration ‘will maintain our sustained efforts and institutional strengthening for the completion of this journey.’ The remarks of the president comes a barely after the IMF and World announced Somalia qualified for debt relief after meeting reform benchmarks and clearing debts owed to its multilateral creditors. In a statement, the International Monetary Fund (IMF) said together with the World Bank’s International Development Association, it has determined that Somalia has taken the necessary steps to begin the process. Somalia is the 37th country to reach this milestone, known as the HIPC Decision Point. In 1996, the World Bank and IMF launched the HIPC Initiative to create a framework in which all creditors, including multilateral creditors, can provide debt relief to the world’s poorest and most heavily indebted countries to ensure debt sustainability, and thereby reduce the constraints on economic growth and poverty reduction imposed by the unsustainable debt-service burdens in these countries. To date, 37 HIPC countries, including Somalia, have reached their decision points, of which 36 have reached the completion point. View the full article
  4. Somali forces have recaptured the village of Daynunay, located near Baidoa city in Bay Region after Al-Shabaab fighters attacked them today in the morning and drove them out. The troops were able to regain control in a counter-attack that lasted hours. Reports say more than five soldiers were killed in the battle. The village has come under the Al-Shabaab attack numerous times in the past. The militants usually withdraw from areas they capture before a counter-attack, but this time they stayed to fight until they were forced out. Despite years of attempts by the Somali army, Ethiopian forces as well as Southwest State regional troops to eradicate them, Al-Shabaab fighters have maintained their grip in rural areas of Bay and Bakool regions. View the full article
  5. London (Caasimada Online) ― Jilaaga caanka ah ee reer UK, Idris Akuna Elba ayaa Isniintii Asbuucii hore shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo dunida ku haya faro ba’an. Sidoo kale xaaskiisa Soomaalida ah Sabrina Dhowre, ayaa sheegtay in cudurku ku dhacay. Waxaa kadib soo baxay warar sheegaya in uu Jilaagu lacag ku qaatay in uu ka been sheego inuu qabo cudurkaasi, maadama aan ilaa hadda lagu arkin wax calaamado ah oo muujinaya cudurkaasi. Wararkan ayaa waxaa si aad ah u baahisay fanaanadda Mareykanka ee Cardi B. Sida uu baaiyey taleefishinka CNN waxaa arrintan ka dhashay walaac iyo cadho ka bulshada dhexdeeda, midaasi oo lagaga dareen celinayo in dadka caanka ah ay qaatan Lacago si ay uga been abuuraan in uu cudurkaasi ku dhacay. Midaasi oo ujeedkeeda lagu sheegay in baqdin saa’id ah lagu abuuro bulshada, isla markaana la tuso in cudurka Corona uu leeyahay saameyn balaadhan. Haddaba, Idris Elba ayaa gebi ahaanba beeniyey in ay jirto in uu lacag ku qaatay ka been sheegida Cudurkaasi, isagoona wararkaasi ku sheegay kuwa aan caadi aheyn oo ‘doqonimo ah’. Elba oo arrinkaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram ayaa bulshada kula taliyey in qof walba uu is baadho, si uu uga war hayo caafimaadkiisa. Jilaagaan oo si weyn looga yaqaano dunida, islamarkaana ay u dhaxdo gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Sabriina Dhawre, ayaa cudurka wuxuu haleelay sida la sheegay kadib markii uu la kulmay qof horay loogu arkay cudurka halista ah ee Corona. Sidoo kale waxa xusid mudan in Sabriina Dhawre oo ah xaaska Idris Elba iyadana laga helay cudurkaasi dhowr maalmood kadib markii uu shaacisay Elba in cudurkaasi uu haleelay, inkasta oo ilaa hadda sida la sheegayo aan lagu arkin calaamadaha cudurkaasi. Cudurka Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya dunida, kaasi oo ah halis saameyn weyn ku yeeshay wadamo badan oo dunida, midaasi oo dhalisay in la yareeyo safaradii iyo isku socodkii dadka ee dunida.
  6. The umbrella organization of Somali trade unions, the Federation of Somali Trade Unions (FESTU) has hailed the news that Somalia became yesterday the 37th country to receive debt relief under The International Monetary Fund (IMF) and World Bank (WB)’s enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. The labour unions body described this milestone, known as ‘Decision Point’, as a journey where Somalia’s Federal Government displayed its commitment to financial management and reforms through various programs to rebuild the country towards peace and economic prosperity, a reality that appears concretely on the horizon. “As a nation, we have now entered a new chapter with exciting possibilities, an important first step that can potentially break the cycle of poverty for millions, the majority of whom are workers, and for generations who have only known conflict and strife,” said Omar Faruk Osman, General Secretary of the Federation of Somali Trade Unions (FESTU). Reaching ‘Decision Point’ effectively translates to Somalia being eligible for debt relief and the normalization of its relations with the international financial institutions. Somalia will now see its debt reduced from US$5.2 billion (at end-2018) to US$557 million once it reaches the HIPC Completion Point in approximately three years’ time. In addition, throughout March 2020, a significant portion of Somalia’s debt was cleared; as a result of payments made by the UK and other major partners, Somalia’s arrears to the African Development Bank to the tune of $122.55m was cleared. Similarly, debts to the World Bank’s International Development Association were cleared by the government of Norway, and arrears to the IMF were cleared with the assistance of bridge financing from the government of Italy. The fact that the majority of Somalia’s population was born after the civil war, means that many Somalis have no familiarity with national economic frameworks that were not linked to serving unsustainable debt. The current generation, particularly the youth and the working masses, should not be burdened with the impact of these debts. For this reason, the IMF/World Bank decision is very welcome. This decision now frees up financial resources to strengthen Somalia’s economy and also puts Somalia is a strong position to qualify for certain types of grants and private sector financing and help the country respond to its multitude of socio-economic needs. Greater investment in public infrastructure, social development, education, health, and information technology among others, translates to meaningful change in the lives of Somali people and places Somalia on a trajectory to engage fully at an international level. “We recognize and applaud the Federal Government’s continued efforts to present itself as a credible partner that sets Somalia on a stable path to economic prosperity for its citizens. We intend to continue engaging with government authorities and exercising the necessary oversight to ensure international faith and belief in Somalia remains warranted and deserved,” added Osman. View the full article
  7. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Dowladda Soomaaliya Ayaa Xaqiijisay In Kiiskii Labaad Ee Coronavirus Ah Laga Helay Magalaada Muqdisho Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa Sheegay in Gobalka Baay Ay Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab, ka dib dagaal gobalkaasi ku dhexmaray labada dhinac Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kullan La Qaatay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay shacabka reer Jannaale inay gacan ka geystaan sidii cadawga looga xoreyn lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellada_hoose. Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa bogaadiayay in Soomaaliya ay gaarto heerkii looga cafin lahaa deymaha uu caalamku ku leeyahay Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Yuusuf Cabdulaahi Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-26-03-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Fadhigii 56aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kana qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxa maanta lagu lafo-guray ka hortaga xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi. Waxaana falanqayn iyo dood dheer oo goluhu yeeshay ka dib ay soo saareen qodobadan:- )In guddidii heer qaran ee ka hortaga xanuunka Coronavirus lagu xoojiyo madaxweyne ku xigeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka horumarinta maaliyada, waxaana guddidaasi laga bilaabo maanta gudoomin doona madaxweyne ku xigeenka. In madaama oo dadka intiisa badani ku dhaqan yihiin caasimada Somaliland ee Hargeysa, guddidii heer degmo ee caasimada, iyana lagu xoojiyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana guddidaasi gudoomin doona wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, si ay u diyaariyaan goobo caafimaad. In dib loo eego cashuur dhaafkii xukuumaddu hore u samaysay. In la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyada sannadka 2020. In dawladdu ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, waxaanu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in cashuur dhaaf loo sameeyo agabka iyo daawooyinka lagula tacaalayo xanuunka coronavirus. Sidoo kale Golaha wasiiradu waxay bil mushaharkeed ugu deeqeen in lagu kabo dhaqaalaha xanuunka Covid 19, lacagtaas oo ka mid noqon doonta kharashaadka lagaga hortegayo xanuunka Coronavirus. Ugu danbayn waxa goluhu go’aamiyey in wixii hadda ka danbeeya shirarkii laysugu iman jiray iyo waraaqihii la isu gudbin jiray xafiisyada loo bedelo habka tiknoolajiyada, si looga hortago faafida xanuunka Corona-virus. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  9. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa shaaciyey in wadahadallo dhanka taleefanka ah uu la yeeshay madax uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo). War qoraal ah oo uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu sidoo kale sheegay in wadahadallaasi ay qeyb ka ahaayeen, ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan, madaxaweynaha Kenya, Jabuuti iyo midka Suudaanta Koonfureed. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay ka wadahadleen xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan caqabadaha haatan soo ifbaxaya. “Waxaan isku raacnay in aan si abaabulan uga jawaabo caqabadaha soo ifbaxaya.” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mr Abiy. Sido kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo baahneyn in la carqaladeeyo is-dhexgalka xooggan ee haatan u dhexeeya gobolka. Abiy ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in mas’uuliyiinta uu la hadlay ay ka wada arrinsadeen ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirsus, isagoo carabka ku adkeeyey in dalalka IGAD ku jira, haddii ay iskaashaadaan ay ciyaari karaan door muhiim ah. “Waddamada xubnaha ka ah IGAD, si urur goboleed ah, waxay ciyaari karaan kaalin hoggaamineed oo muhiim ah, si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee uu fayraskani soo rogi karo,” ayuu markale yidhi raysal wasaaraha wadanka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadlkaan dhinaca khadka taleefanka ah ayaa dhanka kale ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Masar iyo Itoobiya oo isku haya Webiga Nile. Source
  10. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa Ninka ugu mashquulsan Soomaaliya bishaan Maarso, bilowgii bishaan wuxuu bilaabay Abaabulka iyo Diyaarinta Siyaasadeed ee Shirweynihii Wadatashiga Puntland kasoo [...] Source
  11. Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa afka gacanta saaray markii ay ogaadeen in Kiisaska Corona Virus ee ay Wasaarada Caafimaadka sheegtay ay been [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab oo dagaal ba’an kala soo horjeeda dowldda Soomaaliya kana taliya degaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha dalka, ayaa go’aan ka soo saaray arrimaha doorashooyinka heer Federaal oo qorshaysan in waddanka laga qabto sanadka soo aadan. Go’aankan ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay mamnuuc tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sannadka 2021-ka, islamarkaana waxaa Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimahaas. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka dalka Soomaaliya, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo kenya iyo Itoobiya, una horseedayo colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed. Warkan kasoo soo baxay Al-Shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu xusay in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Itoobiya ee ku soo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab amartay in meeshii lagu arko lagu dilay tahriibayaasha u dhashay Itoobiya, sidda ay hadalka u dhigeen. Qoraalkaan kasoo baxay dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa kusoo xili dhawaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in waddanka ay ka bilaabatay doorasho taasi oo la filayo in sanadka dambe isla markaana ay noqoto qof iyo cod, sidda uu qorshuhu yahay. View the full article
  13. Roma (SMN) – Dowladda Talyaaniga ayaa siisay hay’adda lacagta adduunka ee loo yaqaano IMF lacag dhan 330 oo dollarka Mareykanka ah maadaama la joogay waqtigii ay IMF iyo Bangiga adduunka go’aan ka gaari lahaayeen deyn cafinta uu dalka Soomaaliya soo dalbaday. Lacagtan oo ah deeq ay dowladda Talyaaniga ugu talagashay in lagu dedejiyo deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa ay mar qura u sahashay Soomaaliya ay noqoto dalkii 37aad ee ay deymaha ka faciyaan IMF iyo Bangiga Adduunka. Sida lagu faafiiyay barteeda Twitter-ka, Safaarada Talyaaniga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Talyaniga ay diyaar ula tahay Soomaaliya in ay siiso 10 million oo dollar oo dheeraad ah si uu dalka uga soo kabto dhinaca dhaqaalaha. Maalintii shalay ayay aheyd markii IMF iyo Bangiga Adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deynta, isla markaana xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka dib loosoo celiyay. Soomaaliya ayaa hadda ka qaadan karta IMF iyo Bangiga adduunka deyn cusub oo gaaraysa balaayin dollarka mareykanka. View the full article
  14. Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa golahooda ka difaacay eedaymo uga yimid guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Wasiir Cawad iyo Ambassador James Swan ayaa kawada taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,saameynta cudurka Coronavirus ee dalka iyo xiisadaha xuduuda ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa isla soo qaaday diyaar garoowga ay dowladda Soomaaliya ay ugu jirto kahortagista cudurka dilaaga ah ee Coronavirus. Si kastaba ha’ahaatee inta uu kulankooda socday labada dhinac ayaa kawada hadlay arrimaha xuduuda Kenya iyo Soomaaliya oo sare u qaaday muranka siyaasadeed ee labada wadan u dhexeeya,kadibd dagaal Beled Xaawo ka dhacay horaantii bisha March. Dhinaca kale, James Swan ayaa wasiir Cawad ugu hambalyeeyay sida ay xal uga gaareen xiisadii ka taagneyd degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo dagaal halkaasi ka dhacay Kenya ay ku tilmaantay mid lagu qal qal galinayo amaanka deeganada xuduuda. Ugu danbeyn, wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa inta uu socday kulanka uu la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ambassador James Swan shaaciyay in uu khudbad u jeedin doona dibloomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada mucaaradka ee Baarlamaanka ayaa si yaab leh u sheegay inaysan waxba ka jirin warbixinada ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ee lagu sheegay in Soomaaliya laga helay kiisas ku saabsan cudurka Corona Virus. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu shakhsiyan la hadlay qofka labaad oo ay Maanta Wasaaradda Caafimaadka sheegtay in laga helay cudurka Coronavirus isla markaasa uu u sheegay inuusan isku arkin wax calaamad ah oo muujinayo inuu qabo cudurkaas. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa xusay in arrintaan ay tahay mid mashruuc ah oo la doonayo in lagu helo lacag sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu tilmaamay inaysan aqbali karin in argagaxa Shacabka Soomaaliya lagu raadiyo lacag, isagoo ku baaqay in saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Mahad Salaad Facebook kusoo qoray Waxaan mardhow wada hadalnay wiilka la yiri waxaad qabtaa caabuqa Coronavirus wuxuu ii sheegay in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan. Wiilkaan ayaa ka mid ah dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, mudo 9 beri ah ayuuna meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socday. Haddaba, su’aashu waxay tahay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay. Sidoo kale sida Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya marka sidee ku ogaadeen? Waxaa ii muuqda cudurkaan in uu noqday mashruuc lagu qaraabanayo oo la rabo aduunka in lacag looga cuno, mana ahan wax la aqbali karo in dadka Soomaaliyeed la argagax geliyo si dhaqaale looga sameeyo. Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay in aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo! Hon. Mahad Salad
  17. Dooxa (SMN) – Dowladda Qadar ayaa soo dhoweysay go’aanka Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ee la xiriiray arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, si loo dhiirigeliyo waddamada la dhibaateysan deymaha. Dowladda Qadar waxay carrabka ku adkeysay in go’aankani yahay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya hore u qaaday si ay u gaarto xasillooni iyo barwaaqo. Dowladda Qadar ayaa ugu hambalyeysay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankan iyo dadaallada degdegga ah ee ay sameeyeen si ay u gaaraan marxaladdan deyn bixinta ah. Bayaan ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar soo saartay ayaa lagu yiri” Dowlada Qadar waxay waligeedba aheyd mid ku faanta dadaalada horumarineed ee ka socday Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay, isla markaana waxay la shaqeysay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, iyada oo loo marayo waddooyinka horumarineed ee maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in la abuuro fursado shaqo si loo helo xasilooni iyo horumaro mustaqbalka. Bayaanka ayaa intaa ku daray in go’aankan muhiimka ah uu billoow u yahay marxalad cusub oo u soo hoyatay Soomaaliya, sidoo kalena Qadar ay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Mid ka mid ah Masaajiddada Tuulada Abaarso ee Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa gubtay Habeennimadii Taariikhdu ahayd 23-kii bishan March, markii Salaadda Cishaa’i laga baxay ka dib. Masaajidka gubtay oo dhinaca Waqooyi ka xiga Jidka dheer ee Waqooyi iyo Koonfur u kala qaybiya Tuulada Abaarso ayaa waxyeelo ka soo gaadhay dabka oo markii dambe la bakhtiiyey. Illaa hadda lama oga waxa sababay Gubashada Masaajidka, balse Xubin ka mid ah Guddiga Maamusha Masaajidka ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in aanay garanayn Cidda gubtay iyo sababta loo gubay midna, balse markii la bakhtiiyey gudaha Masaajidka laga helay Caagado loo malaynayo inay lagu soo qaaday Shidaal la aaminsan yahay in loo adeegsaday gubista Masaajidka…“Masaajidka waxaanu ka dhex helnay Caagado..” ayuu yidhi, Xubintaasi oo diidday in Magaciisa la sheego, waxaanu intaa ku daray in Subaxnimadii ka dambaysay habeennimadii falkani dhacay ay halkaasi yimaaddeen Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo bilaabay baadhis ay ku ogaanayaan in Masaajidku uu gubtay iyo in la gubay “Illaa hadda Ciidanku baadhistii way la maqan yihiin..” ayuu hadalkiisa raaciyey. Xubinta Guddiga ka mid ah oo Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey inuu ogyahay khilaaf sababi kara in dhinacyo is khilaafsani falkan geysan karaan iyo in kale, ayaa sheegay inaanu deegaanka ka jirin wax khilaaf ah oo gaadhsiisan in Masaajid la gubo “Ma Ogin wax khilaaf ah oo Diin la xidhiidha..” ayuu yidhi. Guddoomiyaha Guddoomiyaha Tuulada Abaarso Mr. Jibaax ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Masaajidka aan cidna gubin ee uu dabku ka kacay Shoodh ka dhashay laydhka Masaajidka ku xidhan, balse taa beddelkeeda oo ah in la gubay waxa aaminsan Xubinta Guddiga Masaajidka Maamusha ah oo sheegay in haddii Masaajidka Shoodh ka dhici lahaa laga dareemi lahaa Xaafadaha Masaajidka ku dhow ee ay isku laydhka yihiin “Xaafadaha kale ayuu laydhku ka bakhtiyi lahaa..” ayuu yidhi. Masaajidka Abaarso waxa wax ku barta Arday badan, kuwaasi oo dhawaan galay Fasax, markii Guddiga ka hor-tagga Coronavirus soo saareen Amarka ah in la fasaxo Dugsiyada Waxbarashada, si looga baaqsado Coronavirus. Ugu dambayn, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Wargeyska Geeska Afrika uu isku dayey inuu arrintan wax ka waydiiyo aanay suurto-gelin inaanu helno Source
  19. Waxaan dhegaystay Clip kooban oo Wasiir Beyle (Finance Ministry of SFG) duubay isagoo ku dooday dhowr arimood oo aan ku habboonayn maqaamka wasiir maaliyadeed. Wasiirku, isaga isleh difaac go’aamadda aan loo meel deyin ee xukummaddiisu qaadanayso iyaga oo eegaya maslaxadooda siyaasadeed ee dhow keliya isla markaasna halis gelinaya mustaqbal facaha (next generations) soo socda, wuxuu ku andacooday dhow arimood oo ah jahwareerin (disinformation) ummadeed: 1. Wuxuu ku tuhmay shacabka Soomaaliyeed iyo aqoon yahankooda in aysan fahmi karin qaabka iyo foormulooyinka (formula) loo maray “deyn cafinta” (haddii ay run tahay!). Wuxuu sheegay Wasiirku in ay isticmaaleen “Bridge Financing” isagoo u sawiraya in uu yahay wax aan dadku fahmi karin!! 2. Wuxuu sheegay Wasiirku in waddamada Soomaaliya deynta ku leh aan sharciyadoodu u ogolayn in ay deynta cafiyaan! Yaab! 3. Wuxuu sheegay in World Bank horay uga cafiyey, bishaan 25-keedana (25th March 2020) ay IMF ka cafin doonto isagoo ku kajamaya shacabkana wuxuu yiri “ishii buktooy ku bikaacso!” Hab-dhaqan Wasiir oo yaab leh! Haddaba su’aashu waxay tahay Somaliya deyn ma laga cafiyey? Waase maxay “Bridge Financing”? Jawaabta kooban waxay tahay annagoo cuskanayna isla hadalka Wasiirka waa “MAYA”. Deyn lama cafin ee waa culeyskii hore oo mid laguu daray “reeryo reeryo kale la dulsaaray! Caddayn: Wasiirku wuxuu yiri waxaan isticmaalnay “Bridge Financing”. Waa maxay “Bridge Financing”? Haddii af-Soomaali lagu soo koobo waa “Deyn deyn kale ku gud” oo weliba uu sii dheer tahay dulsaar Ribo dheeri ah oo aad u badan sida 20% interest. Qaab kee u shaqeeyaa “Bridge Financing”? Marka shirkad (Dawlad) ay u baahan tahay maal gelin deg deg ah (short term financial obligation for working capital), isla markaasna ay filayso in ay hesho lacag maalgelin ah oo muddadeedu dheer tahay (secure long term investment/loan), laakiin aan hadda la heli karin laakiin la hubo (approved) in la heli doono muddo dhow ka dib (e.g. 1 sano, 6 bilood ka dib), waxay qaadataa deyn ay kusii buuxiso mudda ay lacagta sugeyso (bridging the gap). Deynta noocaan ah waxaa la yiraahdaa “Bridge Loan”, waxaana lagu qaataa Ribo dulsaarkeedu aad ku badan yahay sida 20% interest – maxaa yeelay muddada ayaa yar. Maalgelinta noocaan ahna waxaa la yiraahdaa “Bridge Financing”. “Bridge Financing” waa ilaa 3 nooc “Bridge Loan” oo aynu kor ku sharaxnay. Nooca labaad waa “Bridge Equity Financing” oo ah in jihadda lacagta bixisay la siiyo saamiyo iyagu ay awood u leeyihiin in jaangooyaan qiimaha saamiga. Waxaa ka faa’iidaysta “Venture Capital Firms” marka ay u arkaan in qolada deynta rabta Business koodu faa’iidayo. Nooca saddexaad waa “Bridge IPO financing” oo ku dhow kan dambe. IPO (Initial Price Offering) oo ah marka shirkad ay furayso saamiyo hor leh. Gebogebo: Waxaa muuqata in Wasaaradda Maaliyadda iyo Xukuumadda hadda haysa SFG aysan si buuxda ugu beer xaarnayn shacabka. In loolanka siyaasadeed ay ku jirto xukuymaddu ku marin habaabinayso Shacabka wax ugu yeertay “Deyn Cafin!” maqaarsaar ah, laakiin deyn hor lagu gelinayo. Waxaa muuqata: 1. In Soomaliya aan deyn laga cafin ee qolooyin (Dawladdo, Shirkado Caalamiya) oo aan la faafin ay ka bixinaynaan deymaha hadda taagan iyagoo ku bixinaya dulsaar Ribo ah oo aad u badan. 2. In Soomaaliya qaadanayso deyn hor leh oo ka badan tii hore si qolooyinkaan ay u siiyaan deyntooda dhow (short term loan with high interest). Tusaale: waxaa la inaka bixiyey $100M + 20% interest (muddada bixinta 1 sano ama 6 bilood) = $120M. Waxaynu qaadanay $150M + 5% interest (mudda bixinta 20 sano. Waxaan iska bixinay $120M deynta ahayd. Waxaa xukuumadda hadda jirta u haray $30M. Doorashaa lagu galay (tusaale ahaan). Faca soo socda (next generation) waxay ay la il darnaan doonaan bixinta deynta iyo dulsaarka ribada (cummulative/compound interest) dul fuuli doonta muddaa dheer. W/Q: Dr. Maxamuud Cabdiraxmaan AFEFF: Aragtidan waxay u gaar tahay Qoraaga ku saxiixan Maqaalka The post Soomaaliya Deyn Ma Laga Cafiyey? appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-26032020.mp3 View the full article
  21. Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee cudurka Corona Wasiirka caafimaadka dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus kaddib markii baaritaan lagu sameeyay qofkaas. Fowsiya waxay sheegtay in qofkan laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa oo maalmo lagu hayay xarun karantiil. 16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya. Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in la karantiilay dad looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga. Qaran News
  22. Dalka keliya ee Yurub ee aan ka walwalsaneyn Xanuunka Corona virus Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko Qaaradda Yurub hadda waxay xudun u noqotay xanuunka corona, balse waxaa jira dal katirsan qaaradaas oo aan ka walwalsaneyn xanuunka faraha ba’an ku haya adduunka. Dowladda dalka Belarus, ma aysan soo rogin wax tallaabo ah oo looga hortagayo xanuunka, waxaana uu qaaday wado ka duwan tallaabooyiinka ay qaadeen dalalka deriska la ah sida Ruushka iyo Ukraine. Dalka Ukraine oo xuduud ay wadaagaan waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, dhanka Ruushka, waxaa la xiray dhammaan iskoollada, waxaana la baajiyay kulamada dadweynaha, sidoo kalena waxaa la hakiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa; Laakiin dalka Belarus waxwalba waa cadi oo sidoodii ayay u socdaan. Xuduudaha way furan yihiin, dadku sidii caadiga ahayd ayay u shaqo tagaan, waxbarashadana waa loo dareeraa, mana jirta wax cabsi oo laga qabo xanuunka. ‘Waxba ha qalqalin!’ Madaxweynaha dalkaas Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo sameeyo tallaabooyiin looga hortagayo faafidda xanuunka corona. Madaxweynaha ayaa mar uu la kulmayay safiirka Shiinaha ee dalkaas u fadhiya wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in dadka aysan qalqalin. Lukashenko wuxuu sheegay in tacabka beeraha oo wanaagsanaada looga hortagi karo xanuunka Madaxweyne Lukashenko ayaa sheegay in cagacagafta ay daawo u tahay, hadalkaas oo uu ula jeeday in dedaalka beeraleyd uu yahay kan keliya ee lagu daweyn karo xanuunka, inkastoo aan la ogeyn suurtagalnimada arrintaas ayaa haddana waxay hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalkaas. Dad badan oo u dhashay dalkaas ayaa ka walaacsan faafidda fayraska corona, sababtoo ah waxay ka war hayaan sida dalalka kale ee caalamka ay ula daalaa-dhacayaan. Belarus ma aanay xirin shaneemooyinka, tiyaatarada, waxaan sidoo kale wali dalkaas ka socda horyaalka kubada cagta oo inbadan oo caalmaka laga joojiyay. Balse gudaha dalkaas waxaa ka bilawday wacyigelin ku aadan xanuunka oo loo jeedinayo dadka, gaar ahaan dadka da’da ah. Madaxweyne Lukashenko wuxuu marwalba ku celceliyaa in aysan jirin wax laga walwalo, maadaama sida uu sheegay la baarayo dhammaan dadka adduunka uga yimaada dalkiisa. “Saddex iyo ilaa afar qof ayaa maalinkiiba laga helaan xanuunka, waana la karantiilaa, laba asbuuc kadibna waa la fasaxaa,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in walwalka iyo dhibaatooyiinka maskaxda ee laga dhaxlayo arrintan ay tahay mid khatar ah oo ka daran fayraska, wuxuuna intaa raaciyay in uu ciidamada sirdoonka ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadka faafinaya xanuunka. Belarus waxaa illaa iyo hadda lagu arkay 86 kiis oo fayraska corona ah, laba qofna way u dhinteen. Cudurka Corona Virus ayaa waxaa wali uu fara ba,an u ku hayaa 5 qaradood ee caalamka. Qaran News