-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Muqdisho waxa kulan ku yeeshay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xassan Maxamed Xijaar iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer Federaal Xaliimo yareey. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga ahdlay arrimaha doorashoyinka ee la filayo in ay dalka ka dhacaan marka la gaaro sanadka 2020/2021 iyo qaabka ciidanka booliisku ay uga qeyb qaadan karaan sugidda amniga doorashooyinka. Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahib Xaliimo Yarey ayaa Taliyaha ka xog wareysatay waxa ka dhaqangalay wadahadaladii hore ee la xiriiray doorashada iyo diyaar garoowga ay wadaan si doorasho amnigeeda la xaqiijiyay ay u dhacdo. Taliyaha oo u mahadceliyay Guddomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa dhankiisa ballan qaaday in soo dadajin doonan hawlaha la xiriira Sugidda Amniga wakhtiga doorashada. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka dowladda Federaaalka Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha Booliiska appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa ku eedeysay Sacuudi Carabiya inay dunida ka qarisay tirada dadkii tegay cumrada ee laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo halis gelisay dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaas. Wasiirka arrimaha gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sheegay in kiisaskii ugu horreeyey ee Coronavirus ee Turkey la helay kaliya kadib markii baaritaan lagu sameeyey dadkii dalkaas u dhashay ee kasoo laabtay Sacuudiga. Waxa uu sheegay in ka hor dadkaas, aan Turkiga lagu arkay wax kiisas ah oo la xiriira Coronavirus. “Sacuudi Carabiya naguma wergelin annaga iyo dunida kaleba kiisaska Coronavirus,” ayuu yiri yiri Suleyman Soylu oo la hadlay wakaaladda warraka Turkey ee Anadolu. “Markii dadka ay kasoo laabteen cumrada, wasaaradda caafimaadka waxay qaaday tallaabooyin kadib markii qaarkood laga helay Coronavirus, waxaana la geeyey xarumo lagu hayo,” ayuu yiri. Turkey ayaa waxay xaqiijisay in 75 qof ay cudurkaas ugu dhinteen dalka, halka guud ahaan uu sameeyey 3,629 qof. Si kastaba Turkey ma aysan diiwaan-gelin wax kiisas ah ka hor inta aan laga helin dadkii kasoo laabtay cumrada. Turkey ayaa waxay xanuunkan ka baartay 40,000 qof, kadib markii Shiinaha ay ka heshay 50,000 oo ah qalab 15 daqiiqo gudahood ku sheega natiijada baaritaanka. Waxay sidoo kale fileysaa inay maanta hesho 300,000 oo kale oo ah aaladaha tijaabada oo ka imanaya Shiinaha.
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo la ildaran Xanuunka Coronavirus Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dalka Ingiriiska uu ku xanuunsanayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu ugu duceynayo Nuur Cadde, isagoo sheegay in xubno ka tirsan qoyskiisa oo uu la hadlay ay u xaqiijiyeen xanuunkiisa. Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin — Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) March 26, 2020 “Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Nuur Cadde uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, oo ku fiday dalka uu ku noolyahay ee UK iyo guud ahaan caalamka. Nuur Cadde iyo wiilka uu dhalay oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira isbitaal ku yaala magaalada London. Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf. UK ayaa ka mid ah dalalka uu sida aadka ah u sameeyey cudurka Coronavirus, waxaana xusid mudan in Soomaali badan oo ku nool dalalka caalamka uu ku dhacay, haba ugu badnaadaane Soomaalida ku nool dalka Sweden, oo noqday dalka ugu badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ugu geeriyoodeen cudurkan loo bixiyey COVID-19. Qaran News
-
BBC-da oo xidheysa Idaacadda Caawa Iyo Caalamka ee laanta Afsoomaaliga+Madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika oo ka hadashay sababta Si loo asteeyo barnaamijkii ugu dambeeyay ee Idaacadda Caawa iyo Caalamka ee BBC-da laanteeda Afsoomaaliga, waxaa 27-ka March bixi doona barnaamij khaas ah. Waxyaabaha lagu soo qaadan doono waxaa ka mid ah maqaal dhageysi ah oo dib u eegis loogu sameynayo taariikhda barnaamijkan habeen walba bixi jiray iyo sida uu isha ugu ahaa xog badan, falanqeyn iyo madadaalo ay dhageystayaasha ka heli jireen muddo tobannaan sano ah. Waxaa kale oo barnaamijka qeyb ka noqon doona wareysi uu tifaftraha cusub ee BBC Somali Muxyadiin Axmed Rooble ku faahfaahinayo sababaha ka dambeeya xiritaanka barnaamijka Caawa iyo Caalamka iyo mustaqbalka laanta Afsoomaaliga ee BBC-da – iyadoo barnaamijyo cusub na la billaabi doono. Xirida barrnaamijka waxay qeyb ka tahay qorshe guud ee BBC-du guud ahaan, iyada oo la xiray barnaamijyo kale oo dhowr ah islamarkaasna la soo kordhiyo kuwo kale oo u badan dhanka warbaahinta adeegga internetka (digital). BBC Somali waxay sii wadi doontaa inay u shaqeyso dadka ku xiran iyadoo usoo gudbin doonta barnaamijyo isku dhaf ah oo maalin kasta bixi doona oo lagu soo qaadan doonaan xaaladaha taagan, falanqeynta wararka, farshaxanka, dhaqanka iyo ciyaaraha. Barnaamijka Muusiga iyo Salaamaha ee bixi jiray habeenka khamiista ah wuxuu hadda kaddib soo gali doonaa galabta Khamiista ah. Rachael Akidi, oo ah madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika ayaa tiri: “xiritaankan wuxuu yimid xilli xasaasi ah, oo dunida ay la tacaaleyso xasarado aan lasii fileynin. Waxaan bulshadeenna Soomaalida ah usoo saari doonnaa barnaamij gaar ah oo si toos ah looga hadlayo arrimaha coronavirus. Waxaa lagu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee cudurkan safmarka ah iyo talooyin caafimaad”. Rachael Akidi, oo ah madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika BBC Africa waxay horayba maalgalin saameyn weyn leh ku sameysatay Telefishinka BBC Somali. Barnaamijkaas telefishinka waxaa la ballaariyay oo 30 daqiiqo laga dhigay sanadkii 2018-kii. Wuxuu na qeyb ka ahaa ballaarin lagu sameynayay barnaamijyada caalamiga ah ee BBC-da. Taas waxaa sii dheer in BBC Somali ay maalgalin ku sameysay warbaahinta casriga ah ee adeegga internetka si loo kordhiyo dadka kusoo xirmaya website-ka, YouTube, iyo baraha kale ee warbaahineed. Qorshaha xiriraanka idaacadda Caawa iyo Caalamka waa mid in muddo ahba ay ka baaraandegeysay BBC wixii ka dambeeyay markii la bilaabay telefishinka BBCSOMALI labo sanno kahor. Barnaamijka telefishinka waxaa la baahiyaa saacad kahor xilliga idaacadda sagaalka habeenino. “Waxaana rajeyneynaa in xiritaanka barnaamijka Caawa iyo Caalmaka uu dhageystayaasha si toos ah ugu weecin doono telefishinkeenna oo laga daawan karo TV-yada maxalliga ah ee aan bah-wadaagta nahay ama bogga internet-ka ee BBC Somali website – isagoo toos ah iyo isagoo dalbasho ahba”, ayay tiri Rachael. Muxyadiin Axmed Rooble, tifaftiraha cusub ee BBC Somali wuxuu yiri: “Waxaan diiradda saareynaa maalgelinta iyo horumarinta warbaahinta casriga ah ee digitalka si aan u gaarno uguna adeegno dadka nagu xiran, una soo-jeedano kuwo cusub oo kusoo xirma BBC Somali”. “BBC Somali waxay dedaal ugu jirtaa inay la jaanqaado horumarka dhanka teknoolijiyada iyo warbaahinta ee dunida ka hirgeshay. Sidaas oo ay tahay, dhegeysteyaasheenna raadiyaha waa inoo muhiim oo waan sii wadi doonaa in aan u adeegno”. BBC Somali waxaa la daah furay 18-kii bishii July ee sanadkii 1957-kii, haddana waxay gaartaa dadka af-soomaaliga ku hadla ee ku nool dunida qeybaheeda kala duwan iyadoo telefishin ah, online ah, iyadoo laga soo raacayo baraha bulshada iyo iyadoo laga dhageysanayo raadiyaha, oo ah meeshii ay ka billaabatay laanta afsoomaaliga. Qaran News
-
Sweden’s Somali community is being hit particularly hard by the coronavirus (COVID-19) outbreak, with at least 6 of the 15 victims who have died of the disease so far in Sweden being of Somali background. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar___Qubanaha-Shabelle-260320.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaare hore Nuur Cadde Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku xanuunsanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska. Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xaqiijiyey xanuunka Nuur Cadde. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay ij Ra’iisul Wasaarihii hore Nuur Cadde uu ku xanuunsanayo London, uuna khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa. “Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaare Kheyre. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde uu ku dhacay caabuqa dunida silsilaya ee Coronavirus, kaas oo ay u nugul yihiin dadka waayeel ah. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaa Noofember 2007 ilaa Feebaraayo 2009. Nuur Cadde ayaa hadda da’diisu tahay 82 sano jir, wuxuuna dhashay sanadkii 1938. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay xanuunka haya Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa safaarad cusub ka dhisaneysa magaalada Muqdisho, taasi oo ah astaan kale oo muujineysa soo kabashada caasimadda Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Middle East Monitor. Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay noqoto tan labaad ee ugu weyn ee Soomaaliya, kadib midda Turkish-ka. Middle East Monitor, ayaa warka dhismada safaaradda cusub kasoo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Axmed oo sawirada naqshadda safaaradda ku shaaciyey Twitter. Qatar ayaa sanaddii 2019 waxay Soomaaliya ka billowday fulinta mashruucyo horumarineed oo dhowr ah. Qatar ayaa dhiseysa dekedda cusub ee magaalada Hobyo, taasi oo loo arko maal-gelin ballaaran oo ay ku sameysaneyso mid ka mid ah dekedaha Soomaaliya ee ay ku loolamayaan dalalka Khaliijka. Qatar ayaa loo arkaa dowladda ugu dhow ee saaxiibka la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
-
PRESS RELEASE The United Arab Emirates (UAE) Government donates 11 tons of medical supplies to the Seychelles Government to help towards the fight against the COVID-19 pandemic. The high standard medical supplies are a special donation from His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan VICTORIA, Seychelles, March 26, 2020/ — The UAE Government has this afternoon handed over 11tons of medical supplies to the Seychelles Government, as a humanitarian aid to help contain and mitigate the spread of the COVID-19 virus in the country. The high standard medical supplies are a special donation from His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces, to assist Seychelles in being better equipped to combat this pandemic and to protect its front liners for more months ahead. This gesture by His Highness is yet another true testimony of the strong bond of friendship that exists between Seychelles and the UAE. UAE holds Seychelles at heart and feels the pain and struggles of the Seychellois people as the pandemic hit the nation. It acknowledges that it is hard as a small island state to overcome this unforseen and difficult situation, which has become even harder now that most airlines have reduced or suspended their flights to Seychelles, in view of the heavy travel restrictions or bans accross the globe. The restrictions and measures put in place by the Seychelles’ Government is evidence of the commitment, readiness and determination of Seychelles as a small island nation to curb this pandemic, whilst ensuring that the economy recuperates successfully in the aftermath of the COVID-19. The UAE and its Leaders commend the excellent work of the Seychellois doctors, nurses, police officers, military personnel, media, educators, and other volunteers and staff who are working tirelessly on the frontline or behind the scenes to help the country overcome this pandemic. In these times they deserve all our support, understanding and cooperation. In his message of hope to UAE citizens and residents amid the COVID-19 pandemic, His Highnesss expressed that “These tough times that we are facing with the rest of the world shall pass. However, we must all have patience. The UAE is faring well, all thanks to the early efforts and measures in place to face this virus.” Seychelles is one of the nations that put in place precautionary measures even before COVID-19 reached its shores. Beacuse of this, it has so far successfuly been able to control the spreading of the virus in the community and accross the nation. In the wake of a scarcity of resources, the UAE Govermment has stepped in to lend a hand to seychelles to ensure that it surmounts this pandemic. His Highness re-affirms its commitment to continue to provide humanitarian aid to Seychelles, as well as other Countries in these difficult moments. The medical supplies comprise of coveralls, Isolation gowns, Gloves, Sanitizes masks and other medical items. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of the Republic of Seychelles. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of the Republic of Seychelles Qaran News
-
(SLT-London)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dalka Ingiriiska uu ku xannuunsanayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Raysal Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu ugu duceynayo Nuur Cadde, isagoo sheegay in xubno ka tirsan qoyskiisa oo uu la hadlay ay u xaqiijiyeen xanuunkiisa. “Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale warar Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Nuur Cadde uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, oo ku fiday dalka uu ku noolyahay ee UK iyo guud ahaan caalamka. Nuur Cadde iyo wiilka uu dhalay oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira cisbitaal ku yaalla magaalada London. Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sannadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf. UK ayaa ka mid ah dalalka uu sida aadka ah u sameeyey cudurka Coronavirus, waxaana xusid mudan in Soomaali badan oo ku nool dalalka caalamka uu ku dhacay, haba ugu badnaadaane Soomaalida ku nool dalka Sweden, oo noqday dalka ugu badan oo Dad Soomaalida ay ugu geeriyoodeen cudurkan loo bixiyey COVID-19 Source
-
(SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19. War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii March. Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka. Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30 kiis oo ah cudurka COVID-19 Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo. Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay dowladda Kenya kula tacaalayso sidii au u xakamayn lahayd faafitaanka xanuunka Coronavirus kaasoo illaa iyo hadda dadka laga helay gaadhaya ilaa 30 qof. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dalka Ingiriiska uu ku xanuunsanayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu ugu duceynayo Nuur Cadde, isagoo sheegay in xubno ka tirsan qoyskiisa oo uu la hadlay ay u xaqiijiyeen xanuunkiisa. “Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Nuur Cadde uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, oo ku fiday dalka uu ku noolyahay ee UK iyo guud ahaan caalamka. Nuur Cadde iyo wiilka uu dhalay oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira isbitaal ku yaala magaalada London. Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf. UK ayaa ka mid ah dalalka uu sida aadka ah u sameeyey cudurka Coronavirus, waxaana xusid mudan in Soomaali badan oo ku nool dalalka caalamka uu ku dhacay, haba ugu badnaadaane Soomaalida ku nool dalka Sweden, oo noqday dalka ugu badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ugu geeriyoodeen cudurkan loo bixiyey COVID-19.
-
Kenya reported its first coronavirus-related death on Thursday evening, Health Secretary Mutahi Kagwe said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Mohamed Abdullahi Farmajo, has conveyed his congratulations to the government and citizens of Somalia following the historic milestone witnessed in the debt relief program and reaching HIPC decision point after nearly three decades. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Hapeen-260320.mp3 View the full article
-
Caabuqa Carona kadib aduunku ma ahaan doono sidii uu kahor ahaa.WQ/Hassan Osman Ismaacil Caabuqa Carona kadib aduunku ma ahaan doono sidii uu kahor ahaa.WQ/Hassan Osman IsmaacilWax badan ayay taariikhdu inasiinaysaa oo warar ah oo kusaabsanaa dhibaatooyinka aduunka kazoo dhacay siday wax usu bedeleen . dhibaatooyin badan ayaa aduunka kasoo dhacay sida Dagaalada, Xanuunada, Abaaraha, Gaajada iwm. Markasta oo ay kuwaasi dhacaan nidaamka aduunku ku shaqaynayey wax waynbaa iska bedela Waxaynu tusaale usoo qaadan kanaa xanuunadii Daacuunka ahaa ee aduunka ka dhacay markay taariikhdu ahayd 542, 1346 iyo 1918. Dagaaladii aduunka ee koobaad iyo labaad iyo Dhaqaale burburkiidhacay 1929 iyo weliba dumistii Gidaarka Barlin Dhibtan uu keenay Xanuunka COVID19 waxa huibaal ah in uu keenayo misbedel laxaad mleh oo maduunka ku dhaca dhinacyada Dhaqaalah, xidhiidhka iyo Siyaasadda Caalamiga ah, arimaha Amniga iyo arimaha dhaqanka iyo arimaha Diimaha. Xanuunkani wuxu mar qudha fadhiisiyey dhaqdhaaq kasta oo jiray, kalabadh dadkii aduunka kunoolaa ayaa guryaha lagu xereeyey, diyaaradihii aduunka oo dhan ayaa lafadhiisiyey, siyaasaddii ,ciyaarihii, dagaaladii iyo dhamaan wada hadaladii ayaa lajoojiyey. Shanta qaaradood ee aduunka ayuu muddo yarkuwada gaadhay. Marna suurta gal maaha in wax waliba sidoodii kusoo noqdaan. Dad badan oo si hoose ula socdaa waxay filayaan in xanuunkani aduunka ka dhex soconayo inta sanadkan ka hadhay taasina hadday dhacdo dhibaatada ayay sii dheeraynaysaa.Waxaynu sugnaa waa nidaam caalami ah oo cusub oo ay isla bedelaan arimaha Dhaqaalaha, Awoodaha wadamada, Isbahaysiyo cusub iyo sharciyo lajaan qaada waaga cusub ee beryey. WQ/Hassan Osman Ismaacil Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Waddanka Itoobiya ayaa dalkeeda ka soo kaxaynaysa ardayda ajaaniibta ah ee dalalka Geeska ee waxbarashada u jooga oo ay ka mid yihiin kuwa reer Somaliland ee dalkaasi deeqaha waxbarasho u joogay kadib markii xukuumadda Itoobiya sheegtay in xaaladda dalkaasi la galiyay ee ka hor tagga iyo la tacaalidda caabuqa Koroona Fayrsan ay ku khasbayso in ay culayska dalkeeda ka yarayso iyada oo ku war galisay ardayda dalalka Somaliland, Soomaaliya iyo kuwo kale oo Afrikaan ahba in ay dalka ka baxaan tan iyo mudada ay xidhan yihiin Jaamacadaha iyo Kulliyadaha waxbarasho ee dalkaasi dalalkoodiina ku laabtaan. Ilo Wareedyo u dhuun daloola Arrintan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in inkasta oo aanay wali xukuumadda Itoobiya si cad shaaca uga qaadin oo rasmi ahaan aanay warbaahinta ka baahin haddana ay jiraan xogo dhab ah oo la soo gaadhsiiyay ardayda iyo guud ahaan dadka Ajaaniibta ah ee dalkaasi jooga qaarkood kuwaasi oo lagu war geliyay in ay dalalkoodii ku laabtaan inta wax is baddalayaan ee xaaladda Koroona la tacaaliddeedu taagan tahay taasi oo saamaynaysa arday badan oo u dhalatay Somaliland kuwaasi oo wax ka barta Jaamacadaha iyo Koolejyada kala duwan ee dalkaasi kuwaasi oo la filayo in ay ku soo guryo noqdaan waddanka. Qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland ee ku sugan Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo aau xidhiidh la samaynay ayaa waxa ay noo sheegeen in warkasi soo baxay dorraad oo Salaasa ahayd lana xaqiijiyay in ay Itoobiya doonayso in Ardaydu dalalkoodii ku laabtaan. “Waxa halkan (Itoobiya) wax ka barta Arday kala duwan oo ay xukuumadda Itoobiya siiso sannad walba dalalkooda deeqo waxbarasho sida Somaliland, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jabuuti iyo dalal kale waxaanay noqonaysaa in ay ardaydu dalalkoodii ku laantaan kaliya waxa la sugayaa amarka kama dambaysta ah waxaanse ogahay in ay arrintaasi jirto” sidaa waxa yidhi Axmed Cumar oo ka mid ah ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalkaasi Itoobiya. Ku dhawaad in ka badan 1500 oo Arday oo reer Somaliland ayaa la sheegaa in ay wakhtigan wax ka bartaan Jaamacadaha kala duwan ee dalka Itoobiya kuwaasi oo diyaariya cilmiyo kala duwan oo ay intooda ugu badani ku joogaan deeqo waxbarasho oo ay dawladda waddanka Itoobiya si toos ah u siiso Jamhuuriyadda Somaliland. Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladdan ee aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in qaar badan oo ka mid ah ardayda reer Somaliland ay durba bilaabeen in ay soo laabtaan iyada oo qaarkood shalay dalka soo gaadheen iyaga oo in badani ka soo gudubtay dhinaca xuduudda Wajaale Source
-
Iyadoo horeba loogu yaqiinay in wakhtiga bisha Barakaysan ee Ramaddaan ay soo galayso inay Dad badan oo ducaafo ah oo kasoo jeeda Qoomiyadda Oromadu ay Dhinaca Itoobiya uga soo talaabaan Somaliland ayaa durba ay hor dhacoodii qarqiyeen Hargeysa iyadoo lagu jiro wakhti aduunyaddii xuduudaha kala xidhatay. Xaqoonti u badan Qoomiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya degta ayaa maalmihii udambeeyay sida daadka uga soo galayay Xuudaha ay Somailand la wadaagto dalka Itoobiya kuwaasi oo ubadan dad waayeel ah iyo haween iyo Ubad aad u tabcaansan oo aad u jilicsan islamarkaana is xambaarsan kuwaasi oo ay intooda badan soo daad gureeyaan gaadiid Noohooyin ah oo hanaan kootarabaan ah u soo galiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay aduunyaddu kala shakisan tahay islmarkaana uu si ba’an ugu faafayo Xanuunka halista badan ee CORONAVIRUS. Dadkan ayaa si weyn looga dareemayaa Suuqyada Magaaladda Hargeysa Caasimadda Somaliland, oo ay culays badan ku soo kordhiyeen, islamarkaana waxaad arkaysaa iyagoo si balaadhan u gaaf wareegaya suuqyada iyagoo sidoo kalena daadsan dariiqyada waa weyn ee saxmadda badan ee Caasimadda la iskaga koosho. Waxaanay tani muujinaysaa qorshe la’aan baahsan ee Xukuumadda haysa, iyo sida aanay wax fikir ah uga lahayn Dadka Itoobiya inooga imanaya wakhti Itoobiya lagu sheegay Cudurka CORONAVIRUSKA. Dhinaca kale, lama garanayo waxa ay ka yeeli doonto Xukuumaddu hadiiba ay dhacdo inay kaarantimayso dadka muwaadiniinta ah. Xukuumaddii hore Axmed Siilaanyo ayaa wakhtiyo badan marka ay dareento Culayska dadkan qaxoontiga ah waxay kaga jawaabi jirtay Raaf iyo inay dhinaca Itoobiya u daad gurayso. Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa wakhti xukuumadda Somaliland shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in manta oo Khamiis ah dhammaanba xuduudaha dalka la xidhay Ayaan la ogayn sida ay dadkan oromada ahi ugu hogaansami doonaan maadaama ay dhinacyo badan dalka ka soo galaan dhinaca xuduudda kooxo dadkan soo kaxeeyaana si xirfad leh dalka u soo galiyaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kula wadaagay shacabka xog ku saabsan barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, oo uu ka mid ahaa dadkii soo billaabay. Hoos ka aqriso qoraalka. Bismillah, Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowladda Federaalka ah ugu hambalyeynayaa guusha laga gaaray barnaamijka cafinta deynta/amaahda lagu leeyahay Soomaaliya. Waa guul ballaaran oo usoo hoyatay dalka iyo dadka, waxaana bogaadin mudan intii kasoo shaqeysay. Waxaase biyo kama dhibcaan ah in barnaamijkaas loo fahmo sida uu yahay, geeddi socodka uu soo maray iyo yoolka uu tiigsanayo. Maadaama aan kamid ah ahaa masuuliyiintii qaybta ka aheyd wada xaajoodkii ugu horreeyay ee dayn cafiska, sannadkii 2015, waxaan jecleystay inaan xogtan ummadda la wadaago. 1. Soomaaliya waxaa lagu lahaa lacag kor u dhaafay 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, waxaana ku lahaa labaatameeyo dal iyo bangiyo caalami ah. In ka badan kala bar lacagtaas waa dulsaarka amaahda (interest of principle). 2. Marka laga soo tago bangiyada lacagtaas nagu leh oo kala ah: World Bank, IMF, AfDB iyo IsDB, waxaa jira dhowr iyo labaatan dal oo lacagtaas badankeed aan uga amaahannay agab (isugu jira hub iyo saanad kale) iyo lacag caddaan ah. Dalalkaas waxay ku mideysan yihiin Naadiga Paris Club. 3. Sannadkii 2015-kii ayay IMF iyo World Bank go’aansadeen in Soomaaliya buuxisay shuruudaha barnaamijka Dalalka Deyntu Ragaadisay ee Misana Saboolka ah (Highly Indebted Poor Countries ama HIPC). Barnaamijkaas waxaa udub dhexaad u ah Barnaamijka Korjoogteynta Dhaqaalaha (Staff Monitoring Program) kaas oo ah imitixaan aad u adag oo loo maro dhabbaha cafinta amaahda. 4. Tan iyo 2016-kii, Soomaaliya waxay 4 goor ku baastay imitixaankaas, waana sababta keentay in ugu dambeyn shalay la gaaro yool dhexaadka loo yaqaanno “Decision Point” oo ah meesha ay IMF iyo World Bank ku qaataan qaraarka ah inay naga cafiyaan dulsaarka amaahda. Soomaaliya waa dalkii 37-aad ee gaara yoolkaas. 5. Balse, imtixaanka ka sokow, qaraarka IMF & World Bank waxaa fududeeyay dayn ku meel gaar ah (bridge loan) oo ay na siiyeen dhowr dal oo ay ugu horreeyaan Norway iyo UK. Dayntaas waxaa lagu bixiyey dulsaarka amaahda. 6. Amaahda soo hartay waxaa go’aankeeda gaari doona dalalka ku bohoobay naadiga Paris Club, waxayna sida lagu wado oggolaan doonaan inay Soomaaliya ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin, waase haddii Soomaaliya ku baasto imitixaanno horleh, kana adag kuwii hore. 7. Muddada uu imtixaankaas soconayo waa ugu yaraan 3 sano, waxayse qaadan kartaa in ka badan 10 sano! Haddii lagu baaso imtixaankaas, Soomaaliya waxay gaareysaa yoolka ugu muhiimsan ee barnaamijka, oo ah midka loo yaqaanno “Completion Point” ama “Barta Dhammeystirka”. 8. Marka ay dalalkaas cafiyaan deyntooda oo dhan, wali waxaa Soomaaliya ku haraya 557 million oo la rabo inaan annagu iska bixinno. 9. Dalal badan oo ay Mozambique iyo Sri Lanka ugu horreeyaan ayaa, markii laga cafiyey amaahda kaddib, waxay ku qarqameen amaah horleh oo ay inteeda badan ka qaateen China. Dhabbahaas waxaa imminka ku socda Kenya iyo Itoobiya. Amaahda laga qaato China masoo marto bangiyada caalamiga ah, waana mid ay shuruuddeedu sahlan tahay. 10. China waxay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay la wareegtay dekedda ugu weyn Sri Lanka iyo airport ka caasimadda Mozambique, kaddib markii dalalkaas iska bixin waayeen amaahda bilaa xuduudda ah ee China. Haddaba, maxaan ka baran karnaa casharkaas? Haddii nalaka cafiyo deynta oo dhan, inaanan mar kale lagu degdegin deyn cusub oo culeys ku noqon doonta jiilka dambe, isla markaana dhantaali doonta horumarka dalka. Wabillahi Towfiiq,
-
By: Reuters WASHINGTON — The IMF and the World Bank on Wednesday said Somalia had taken the necessary steps to begin receiving debt relief, a key move that will allow the Horn of Africa country to lower its $5.2 billion in external debt to around $557 million. The decision will immediately normalize Somalia’s relations with the world after 30 years outside the international financial system, the International Monetary Fund and the World Bank’s International Development Association said. Somalia’s Paris Club creditors – including the United States, Russia, Italy and France – are expected to make a decision on debt relief for Somalia by the end of March, they said in a joint statement. The announcement by the IMF and the World Bank will send a powerful signal to Somalia’s Paris Club and non-Paris Club creditors about the country’s future and the intense reform efforts it has undertaken over the past eight years. Somalia, with a population of 15 million, is the 37th country to reach this “Decision Point” under the enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. The decision comes at a critical time for Somalia, which is grappling with the coronavirus outbreak, a recent desert locust swarm and is gearing up for elections later this year. “Debt relief will help Somalia make lasting change for its people by allowing its debt to be irrevocably reduced from US$5.2 billion at end-2018 to US$557 million in net present value terms (NPV) once it reaches the HIPC Completion Point in about three years’ time,” the bank and the fund said. The IMF said its Executive Board also approved a new three-year $395 million financing arrangement for Somalia under its Extended Credit Facility (ECF) and Extended Fund Facility (EFF). The World Bank was also considering a range of new IDA instruments to help Somali communities impacted by flooding, the locust invasion and prepare for the coronavirus threat. That program would support Somalia’s implementation of its “ambitious reform agenda and catalyze concessional donor financing,” the IMF said. Normalization of relations with the international community will re-open Somalia’s access to critical additional financial resources to strengthen the economy, help improve social conditions, raise millions out of poverty, and generate sustainable employment for Somalis, the IMF and World Bank said. “We welcome Somalia’s efforts to restore stability, engage with creditors, and adopt a poverty reduction strategy,” said World Bank Group President David Malpass. “Resumption of regular financing to Somalia is an important landmark, and we look forward to further economic and social progress.” IMF Managing Director Kristalina Georgieva congratulated Somalia for the intense efforts that had laid the foundation for inclusive economic growth, but underscored the need for Somali authorities to sustain and implement their reforms. (Reporting by Andrea Shalal; Editing by Chris Reese, Tom Brown and Marguerita Choy)
-
Popular Contributors
