-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maanta bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19). Waxaa maanta qalabkaan lagu wareejiyay Punland iyo Somaliland, waxaana qorshaysan in loo sii dhiibo qoondadooda Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle. Deeqdan waxay Soomaaliya uga timid Alibaba Foundations. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-270320.mp3 View the full article
-
London (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaad ee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa soo wanaagsanaaneysa kadib markii cudurka Coronavirus uu ku haleelay magaalada London. Nuur Cadde ayaa cudurka wuxuu ku dhacay 8 maalmood ka hor, taasi oo keentay in isbitalka la dhigo. Nuur Cadde ayaa qaba xanuunka sonkorta, oo la sheegay in dadka qaba ay kusii badan tahay halista Coronavirus. Si kastaba, Nuur Cadde ayaa lagu warramayaa in hadda uu soo kabanayo, islamarkaana uu awoodo inuu suuliga aado, sidoo kalena uu tukado, oo uusan ku jirin xaalad deg deg ah, sida uu sheegay wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde. Sidoo kale wiil uu dhalay Nuur Cadde oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira isbitaal ku yaala magaalada London, kaasi oo isna la sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay. Dhinaca kale, Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa beeniyay, oo wax lagu xumaado ku tilmaamay, warar saacadihii la soo dhaafay lagu qoray baraha bulshada oo ah inuu geeriyooday Nuur Cadde, isagoo xusay in waqtigiisa uu dhimanayo, balse aanay xaaladiisa aheyn mid si aad ah u liidata. Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf. Cudurka Coronavirus ayaa guud ahaan magaalada London ku saameeyey 16 qof oo Soomaali ah, ayada oo qofkii 4-aad oo Soomaalida ka mid ah uu xalay magaaladaas ugu geeriyooday cudurkan.
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa goor-dhayd shaacisay in Soomaaliya laga helay kiiskii 3-aad ee la xidhiidha cudurka Coronavirus oo caalaamka ku haya dhibaatada xooggan. Fowsiya Abiikar Nuur oo ka hadlaysay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qof ka tirsan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku sugan Xalane laga helay cudurka. Shalay ayay aheyd markii wasaaradda caafimaadku ay shaacisay in qof qaba caabuqa Corona laga helay Muqdisho waxaana uu noqonayaa kiiskii 3-sad ee Corona oo laga helay Soomaaliya Source
-
MOGADISHU (HOL) - Somali government has confirmed third Coronavirus case barely hours after the country recorded the second case. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimadda Onlin) – Dalka Mareykanka oo isku arka inuu yahay dalka ugu awooda badan Caalamka ayaa dalbaday in lala soo gaaro gargaar caafimaad oo deg deg ah kadib markii ay soo bateen kiisaska Cudurka Coronavirus ee laga helay dalkaas. Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa baaq deg deg ah u diray dalalka Caalamka isagoo ka dalbaday inay lasoo gaaraan ama ay ka iibiyaan qalab Caafimaad oo looga hortago cudurka Corona Virus sida ay qoreen qaar ka tirsan warbaahinta Mareykanka. Qalabka uu Mareykanka ka doonayo dalalka Caalamka ayaa waxaa kamid ah mashiinka neefta ka caawiya dadka uu naqaska ku dhago, dawada gacmaha lagu nadiifiyo, maryaha sanka iyo afka lagu xirto, qalabka wajiga lagu xirto, dharka qafilan ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ay xirtaan iyo kuwa kale oo badan. Mareykanka ayaa dalalka Caalamka ugu baaqay inaysan dhayalsan codsigiisa isla markaasna si deg deg ah loo caawiyo maadaama uu si xowli ah usii faafayo cudurka Corona Virus oo halis weyn ku hayo dhammaan daafaha Caalamka. Warbaahinta CNN ee Mareykanka ayaa kusoo warrantay in ay heshay dukumenti muujinaya in Mareykanka uu diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Washington ka dalbaday 25 shey oo agab caafimmaad ah, kuwaas oo ay sheegtay in aad loogu baahan yahay xilligan. Sarkaal sare oo xukuumadda madaxweyne Trump u qaabilsan dhanka ganacsiga oo lagu magacaabo Peter Navarro ayaa wargeyska The New York Times u sheegay in Mareykanka uu xitaa gargaar caafimmaad weydiistay Shiinaha oo uu Trump ku eedeeyay in aysan wax badan ka qabanin faafidda fayraska. Arrintan ayaa imaneyso xilli dhawaan Dowladda Turkiga ay sheegtay in gargaar caafimaad ay u dirtay dalka Mareykanka oo hadda ka mid ah dalalka la daalaa dhacaya fayraska Covid-19, Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baaro fayraska corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka. Dadka uu ku dhacay xanuunka corona ee dalka Mareykanka waxay tiradoodu gaartay 85 kun, halka 1,300 oo qofna ay u dhinteen. Mareykanka haatan waxaa uu ka sare maray dalalk Shiinaha iyo Talyanaiga oo ahaa dalalka ugu badan ee laga soo sheegay feyraska corona.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in qofkii saddexaad laga helay caabuqa Coronavirus. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay in ruuxaas uu kamid yahay howlwadeenada xerada Xalane. Warbixintaas ayay shaaca ka qaadey in loosoo gudbiyey habeenimadii xalay. Wareysi ay siisay Telefinka Qaranka ayay ku shaacisay. Ruuxa ajanbiga ah ee laga helay caabuqaas ayay tilmaamtay in uu soo maray wadamo kala duwan oo xanuunkaas uu saameeyay. Dhanka kale, xafiiska Qaramada Midoobay ayaa shaaciyey in shaqsigaas uu iyaga ka tirsanaa uuna yahay qandaraasle ganacsi. Qof oo ay wada kulmeen ayay sheegtay in ay su’aallo waydiinayaa xili bukaanka uu ku jirro todoba sideed maalmood oo karan-tiil ah. View the full article
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qofkii saddexaad oo Muqdisho ku sugan laga helay cudurka Coronavirus. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo warbaahinta dowladda la hadashay, ayaa shaacisay in qofkaas uu yahay qof ajnabi ah oo la shaqeeyaa xafiiska QM ee Soomaaliya. Sidoo kale, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee UNSOM ayaa lagu sheegay in qof u shaqeeyaa shirkad qandaraas kula jirta UNSOM laga helay COVID-19. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay xaqiijisay in kiiskii labaad ee Coronavirus ah ee gudaha Soomaaliya laga helay qof ku sugan magaalada Muqdisho. Wasiirka caafimaadka ayaa shaacisay in qofka labaad ee laga helay xanuunka Coronavirus uu yahay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, kaasi oo ka mid ah dad ay karantiileysay dowladda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Ajnabi ku sugan Muqdisho oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegayo inuu halkaas cudurka Coronavirus ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Salaad. Marxuum Maxamed Salaad ayaa la xanuunsanayey cudurka Coronavirus, waxaana ugu dambeyntii la xaqiijiyey inuu u geeriyooday cudurkaas. Waa muwaadinkii afaraad oo u dhashay Soomaaliya oo dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurkan Coronavirus oo dhibaato xoog leh ku hayo Adduunyada. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in xaaska marxuumka geeriyooday iyo carruurtiisaba ay la xanuunsanayaan cudurkaas inkastoo dhakhaatiirta ay sheegeyn in caafimaadkooda uu fiican yahay. Guud ahaan tirada Soomaalida la xaqiijiyey ee ku nool ingiriiska kuwaas oo la xanuunsanayo cudurkaan ayaa la sheegay inay gaarayaan illaa 16 qof. Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo wiil uu dhalay oo Daahir lagu magacaabo ayaa ka mid ah Soomaalida London ku nool, ee uu soo ritay Coronavirus. Boqortooyada UK ayaa laga diiwaangeliyay kiisas gaaraya 11,658 oo caabuqa COVID-19 ah, waxaana ugu dhimatay 578 qof, shalay oo keliyana waxaa ugu geeriyootay 113 ruux. Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in laga diiwaangeliyay 510,108 kiis oo la xiriira caabuqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Corona, waxaana u geeriyootay 22,290, halka ay ka soo bogsadeen 120,000, sida ku cad xog uruurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins.
-
Taliska Booliiska Gobolka Bari ayaa xalay magaalada Boosaaso ku soo bandhigay khamri aad u badan oo laga soo qabtay xaafadaha kala duwan ee Boosaaso. Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay khamrigaas, ayaa sheegay in uu ka koobanyahay in ka badan 10,000 oo dhalo, islamarkaana la doonayay in lagu fasahaadiyo shacabka Boosaaso. G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo PMPF oo iskaashanaya, ay khamrigaas ka soo qabteen xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, kadib hawlgallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada. Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in khamrigaas yahay kii ugu badnaa ee abid la soo geliyo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, balse ay ciidamadu ka hor tageen in bulshada lagu fasahaadiyo. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu hanjabaad kulul u diray cid kasta oo ku hawllan in ay Boosaaso soo geliso mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan , gaar ahaanna khamriga iyo xashiishka. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo Boosaaso ku soo bandhigay Khamri fara badan appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa soo dhaweeyay guusha laga gaarey barnaamijka deyn cafinta. Waare oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in talaabadaas ay fursad muhiim u tahay qaranka. Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in aan siyaasadeyn deyn-cafinta oo uu tibaaxay in ay Soomaali oo dhan ka faa’iidi doonto. Xukuumadda dhexe ayuu soo jeediyey in lagala shaqeeyo siddii ay uga mira-dhalin lahayd dedaaladeeda deyn-cafinta. Ugu dambeyntii, madaxweyne Waare ayaa rajo fiican wuxuu ka muujiyey in mustaqbalka dhow deymaha laga dhaafo dalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu xalay nawaaxiga isgoyska Banaadir ku dilay wade Bajaaj. Goobjooge la hadlay idaacadda Shabelle oo xaqiijiyey dhacdadaas ayaa sheegay in askariga uu baxsaday falkaas kadib. Ma cadda hadii laamaha ammaanka ay soo qabteen askarigaas la eedeeyay, wallow aysan caddeyn waxay isku qabteen. Sidda ay ku waramayaan goobjoogeyaal, dilka ka dib, banaanbax xoogan ayaa ka bilowday isgoyska KM4 illaa iyo wada Sayidka. Dibad-baxayaasha oo ahaa wadeyaal mooto Bajaaj ayaa dalbadey in uu cadaalad helo saaxibkood ay isku shaqada ahaayeen. Maxkamada Ciidamadda Soomaaliya ayaa horey xukuno kala duwan waxay ugu ridday askar lagu eedeeyay in ay dileen wadeyaal mooto Bajaaj. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ugu hambalyeeyay guusha Xukuumadda ay gaartay oo ah in Soomaaliya ay ka soo gudubtay wajigii 3aad ee geeddi socodka deyn cafinta. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in aanay marnaba habooneyn inay madaxda dowladda si ula kac u dadweynaha u marin habaabiyaan. “Waxey hoggaanka dowladda iyo inta la socota geeddi socodka deyn cafinta ee Soomaaliya iyo ajnabiba leh ogyihiin in aysan jirin deyn Soomaaliya laga cafiyey, ee keliya laga soo gudbay imtixaankii wejigii seddaxaad ee geeddi socodka deyn cafinta oo la soo gaaray marxaladdii go’aan qaadashada (Decision Point)”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Halkan hoose ka akhriso Sharaaxada uu C/raxmaan C/shakuur ka bixiyay geeddi socodka deyn cafinta:- Waxaan ugu hanbalyeynayaa xukuumadda guusha ay gaartay oo ah in Soomaaliya ay ka soo gudubtay wejigii seddexaad ee geeddi socodka dayn cafinta. Laakiin waxaan marna habooneyn in ay madaxdu si ula kac ah dadweynaha u marin habaabiso. Waxey hoggaanka dowladda iyo inta la socota geeddi socodka deyn cafinta ee Soomaaliya iyo ajnabiba leh ogyihiin in aysan jirin deyn Soomaaliya laga cafiyey, ee keliya laga soo gudbay imtixaankii wejigii seddaxaad ee geeddi socodka deyn cafinta oo la soo gaaray marxaladdii go’aan qaadashada (Decision Point). Xukuumadda waxaa ku filan in an ku faanto una dabbaal degto hawsha ay ka soo qabatay si loo gaaro marxaladda go’aan qaadashada oo ah wejigii seddexaad ee deynt cafinta. Waxaa weli dhiman marxaladdii dhammaystirka ama gunaanadka ( Completion point), taasoo ah marxaladda deynta lagu cafin doono, waa haddii aan ka soo baxno shuruudaha ku xiran marxaladdaas, waxeyna ugu yaraan qaadataa 3 sano ugu badnaan 16 sano. Waxaa horay loo soo maray marxaladdii dib u soo noolaynta xariirka Hay’adaha Maaliyada Adduunka (Reengagement). Waxaa loo baahnaa dalku in uu dastuur yeesho, ku meel gaarkana ka baxo. Waxay dhacday 2012. Waxaa xigay marxaladdii labaad ee 2012-16 oo la dhisay Hanti-Dhowr, Sharciga Bangiga Dhexe, Diiwaan Gelinta shaqaalaha rayidka, dhismaha Golaha Maaliyadda -Financial Governance Committee- (FGC), iyo ambaqaadka hawlaha kale ee barnaamijka ay shaqaalaha hay’adda lacagta Adduunka (IMF) ku dabagelayeen hawlaha dhimman ee loo yaqaannay Staff Monitoring Program (SMP). Dowladda Federaalka ee N&N waxay soo gaarsiyeen geedi socodka hawlaha deyn cafinta marxaladdii seddaxaad. Ka sokow in ay dhammeystireen hawlihii ay qabyada uga tagtay dowladdii ka horraysay, waxa ugu muhiimsan ee ay dowladdani qabatay waa in ay dhamaystirtay inta badan sharciyada ka harsanaa SMP, in ay kordhisay dakhliga dowladda, in ay diyaarisay Istiraatiijiyada dhimista faqriga iyo in ay IMF, Baanka Adduunka iyo Baanka Afrika daymihii ay dawlada ku lahaayeen u heshay dalal kala wareega daymahaas. Hay’adaha IMF, Baanka Adduunka iyo Baanka Afrika deyntooda ma cafiyaan. Haddaba si ay hay’adahan seddaxda oo aan la’aantood tillaab la qaadi karin deyntooda looga lug baxo, hawlaha deyn cafintana dowladda Soomaaliyana kala shaqeeyaan ayey qasab noqotay in marka hore iyaga deyntooda la gudo. Isku darka lacagta uruurtay ee ay nagu leeyihiin seddaxdan hay’adood waa ku dhowaad $800 Malyan. Soomaaliya siddeed boqol oo malyan oo doolar ma iska bixin kartaa? Jawaabtu waa maya, Haddaba sidee loo bixiyey? Dowladaha Norway, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Midowga Yurub ayaa Soomaaliya u sameeyey deyn wareejin oo macnaheedu yahay in ay iyagu bixiyeen deyntii ay Baanka Adduunka, iyo Baanka Afrika nagu lahaayeen, dawladahuna ay Soomaaliya ku leeyihiin dayntii ay naga siiyeen labada Banki, taasoo weliba dulsaar siyaado ah ugu jiro. Hay’adda lacagta aduunka IMF, ma helin dowlad ama dawlado daynteeda ka bixiya Soomaaliya, laakiin dowladda Ingiriiska ayaa IMF kala shaqaysay in dawladaha xubnaha ah IMF oo 100 dawladood gaaraya ay qaaramaan deyn wareejin Soomaaliya loo sameeyo, taasoo ay dowlad walba bixisay qaybteeda. Ogow dowladaha naga guday daynta IMF way nagu leeyihiin sida kuwii naga guday labada Banki ee Adduunka iyo Afrika. Waxa maanta la gaaray waa go’aan qaadashadii deyn cafinta, oo macnaheedu yahay waxaan ka soo lug baxnay daymihii Baanka Adduunka, IMF iyo Baanka Afrika, waana arrin mudan in la soo dhoweeyo, dowladduna ay ku faani karto, laakiin faanoolee weli far kama qodna. Marxalada dhammaystirka ama gunaanadka (Completion Point) Mar haddii daymihii Baanka Aduunka, IMF, iyo Baanka Afrika si wareejis ah uga soo lug baxnay waxay seddaxdaan hay’adood dalkeenna kala shaqaynayaan sidii deynta dhimman oo gaaraysa $4.4 Bilyan noolaga cafin lahaa, taasoo ah Marxalada Dhammaystirka ama Gunaanadka (Completion Point) Waxaa dawlada Soomaaliya laga rabaa in sharciyadii ay samaysay dhaqan geliso iyo in ay meel mariso qorshihii faqri dhimista, iyo in dakhliga sii kordhiso, xasiloonida siyaasadeed ee dalkana ka shaqayso. Ogow marxaladihii hore waxaa la iska rabay in sharciyada la sameeyo, qorshayaashana la dejiyo. Marxaladdan waxaa la iska rabaa in la meelmariyo oo la fuliyo. Haddii seddaxda sano ee soo socota ay IMF, Baanka Adduunka iyo Baanka Afrika ku qancaan hawl fulinta hawlaha Dowladda Federaalka ah laga rabo, waxey ka codsan doonaan hay’adaha iyo dowladaha deynta ku leh Soomaaliya in ay ka cafiyaan lacagtooda. Hay’adaha lacagta nagu leh waxaa ka mid ah Sanduuqa Lacagta Carbeed, Arab Monetary Fund (AMF), Sanduuqa Carabta ee Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada, Arab Fund for Economic and Social Development (AFESD), Sanduuqa OPEC Horumarinta Caalamiga ah, OPEC Fund for International Development (OFID), Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha, International Fund for Agricultural Development (IFAD) Waxaa kaloo deynta ugu badan Soomaaliya ku leh wadammada ku jira Naadiga Baaris, (Paris Club) oo ay ugu dayn badanyihiin Maraykanka, Ruushka, iyo Talyaaniga. Waxaa kaloo jira wadammo aan ku jirin Naadiga Baaris ee ay ka midyihiin Aljeeriya, Bulgaariya, Ciraaq, Liibiya, Roomaaniya, Sacuudiga, Kuwayt, iyo Imaaraatka. Hoggaanka dowlada waxaa ku filan in ay sheegtaan hawsha ay qabteen weliba si tawaaduc iyo run sheeg leh. Laakiin waxaa xishood darri ah in deyn la kala wareejiyey lala meel dhigo in Soomaaliya dib u xorowday. Waxaa iyadana masuuliyad darri ah in safar dheer oo weli socdkiisu dhimman yahay, laakiin saadaashiisu wanaagsan tahay, dadwaynaha lagu siro lagana dhigo in uu soo idlaaday. Guusha si ay mid qaran u noqoto waa in laga abaal naqo hawlihii ay dowladihii hore ka soo qabteen, lagana run sheego caqabadaha harsan, si tawaaduc lehna loo sheego waxa uu hoggaanka markaa jooga qabtay.
-
Muqdisho (SMN) – In ka badan 18 qof ayaa xalay waxaa dhac wadareed loogu geystay xaafada Dabaqeynka ee degmada Dharkenley ee magaaladda Muqdisho. Dadka dhaca loo geystay ayaa kamid ahaa jameecada Masjid ku yaala halkaas, sidda ay Shabelle u sheegeen goobjoogeyaal. Qof kamid ah dadka dhibaatadaas lagula kacay ayaa sheegay in ay falkaas u geysteen dabley ku hubeysan oo aysan aqoonsan. Mid kamid ah raggii dhaca geystay ayuu xusay in uu ahaa mid shacab ah, halka ruuxa kale uu hubeysanaa. Falalka noocaa ah ayuu daboolka ka qaadey in ay joogto ka yihiin halkaas, isagoo ku baaqay wax ka qabasho deg-deg ah. Dharkenley ayaa kamid ah degmooyinka ku yaala magaala madaxda oo ay bilooyinkii u dambeeyay isa soo tarayeen cabashooyinka aan laga jawaabin ee shacabka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg hah siiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur cadde” oo ku xanuunsan magaalada London ee cariga Ingiriiska. “Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin,” ayuu yiri Khayre. Nuur Cadde ayaa isbitaal ku yaala xarunta Ingiriiska waxaa loo geeyay xaalad la xiriirta xanuunka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus, wallow qoyskiisu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay kasoo roonaaneyso siddii hore. View the full article
-
London (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde], ayaa isbitaal loo dhigay Coronavirus. Xaaji Maxamed, oo ah wiil uu dhalay bukaanka, ayaa sheegay xaalada aabihii ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore. Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu ku xusay in dhakhaatiirta isbitaalka oo ku jiro ee ku yaala xarunta UK ee London ay aad ula tacaaleyso. Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu booriyey in ay u soo duceeyeen ra’iisul wasaare Nuur Cadde iyo dadka kale ee la xanuunsan cudurkaas. Nuur Cadde, oo degan cariga Ingiriiska, ayaa ra’iisul wasaare kasoo noqdey Dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee, mas’uulkaan Soomaaliyeed ayaa kamid noqonaya tiradda Soomaalida ee uu soo ritay caabuqaan dilaaga ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-27032020.mp3 View the full article
-
Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay Isgoys ku yaalla magaalada Muqdisho ku dilay Darawal mooto Bajaaj. Dilka Darawalka Bajaajlaha ayaa yimid,kadib markii Askariga iyo iyo wadaha ay wada murmeen,waxaana askariga dilka geystey ay goobjoogayaal sheegeen in uu goobta ka baxsadey. Qaar kamid ah Ehelada Bajaajlaha la diley iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa meydka goobta ka qaadey,iyaga oo geeyey Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da. Dhinaca kale qaar kamid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee Magaalada muqdisho oo ka careysan dilka Bajaajlaha ayaa xalay in ka badan laba Saacadood ay wadada Maka Al-Mukarama ka dhigeen banaanbax ay ku dalbanayeen in la soo qabto Askariga dilka geysty. PUNTLAND POST The post Darewal moota Bajaaj oo xalay lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
China has announced a temporary ban on all foreign visitors, even if they have visas or residence permits. Source: Hiiraan Online
-
Qof Cimro u Tegay Sucuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay boqortooyada Sucuudiga inay ku guuldaraysteen inay sheegeen khatar cudurka coronavirus ee dadka cimrada iyo xajka u tegaya magaalooyinka Barakaysan ee Mako iyo Madina, Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Solyu ayaa sheegay inay cudurka Coronavirus ka heleen dad ka soo laabtay Dalkaasi Sucuudiga kadib markii ay booqdeen Mako iyo Madiina oo soo cimraysteen. Turkigu wuxuu karantiil galiyay 15 Kun qof oo ka soo laabtay dalka Dibadiisa 48dii saac ee u dambeeyay. Ilaa 59 qof ayaa Turkiga ugu dhimatay cudurka Coronavirus, halka uu ku dhacay dad gaaray 2500 qof. Boqortooyada Sucuudiga ayaa hore dadka uga mamnuucday inay booqdaan Xaramka iyo Masjidka Nabiga (NNKH), waxaa kaloo ay joojiyeen fiisooyinkii ay siin jiray dadka cimrada u imaanay sucuudiga. Qaran News
-
Popular Contributors
